Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,071
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia’s PM and Finance Minister are in Washington today for the WB/IMF Annual meeting. This is not the first time Somali delegation attends this yearly meeting, some called it talkfest!. Source: Hiiraan Online
  2. GARISSA, Kenya (Xinhua)--Kenya's security officers said Friday they have launched a major manhunt for al-Shabab militant behind recent murder of 11 police officers near the border with Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) is dismayed by the arrest of the former managing director of Radio Daljir, Ahmed Sheikh Mohamed (Tall Man) who was arrested by the security forces of Somalia’s northeastern Puntland state in Garowe town on 17th October 2019. The local authority did not publicly state the motive behind the detention of Ahmed. “We call on Puntland authorities to immediately and unconditionally release the former radio director and stop ongoing harassment and intimidations against journalists on a mission to inform the public,” said NUSOJ Secretary General Omar Faruk Osman. “It is unfortunate that police officers are becoming more aggressive towards the journalists”. NUSOJ strongly believes that Ahmed’s arrest is based on personal vendetta from Puntland police commissioner Gen Muhidin Ahmed Roble who gave the journalist to choose either to accept and apologize unsubstantiated, a fabricated crime which he never committed, or face the full force of the law (in his own version). Ahmed refused to plead guilty. Prior to his arrest, Puntland’s Supreme military court summoned the director on 24 September 2019 ‘for questioning’. It was last month when Puntland Police raided offices of Radio Daljir in Garowe and Bosaso when the station aired the death of a prisoner as a result of alleged harsh torture by the state police. The daring report revealed the human rights atrocities committed by the Puntland police. This has led the arrest of a senior journalist and briefly shut down the radio’s transmitter in Bosaso on 16 September 2019. “It is a clear attempt to block freedom of expression, especially reports that are critical to the authorities. This type of intimidation of the media has no place in the new Somalia that wants to respect freedom of expression,” added Osman. NUSOJ officials in Garowe town and family members of Mr Ahmed Sheikh Mohamed were refused to visit him. They were threatened with arrest if they come back again. “Tallman’s arrest is a threat to the entire media fraternity and raises concerns over press freedom under the administration of President Said Abdullahi Deni, where the journalists are still harassed and jailed because of doing their journalistic work” added Osman. NUSOJ describes these restrictive measures as “unlawful” meant to curtail the press freedom in Puntland. Recent arbitrary arrests, intimidations, and threats by the security forces against independent journalists had been on the rise parts of Somalia, mainly in the northern regions of Puntland and Somaliland, making vulnerable the journalists and media workers in these respective regions. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii Ururka Gorgor ee ciidanka milateriga Soomaaliya horayna uga tirsanaa saraakiisha ilaalada Madaxtooyada ayaa caawa isaga iyo askari ka tirsanaa ilaaladiisa lagu dilay afaafka hore ee laga ilaaliyo Villa Somalia. Taliyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxaadeey Saleebaan Eebakar iyo askariga ka tirsanaa ilaaladiisa ayaa dilkoodu yimid, kadib markii ay rasaaas ku fureen ciidanka ilaalada Hotelka Maa’ida Ex Naasa-hablood laba ee degmada Xamar wayne gaari uu watay sarkaalka. Hotelka ayaa waxaa iska leh Haweeney lagu magacaabo Khadiija Cosoble oo ay walaalo yihiin Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble, waxaana masuul uga ah Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ah wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya oo ay u dhaxdo gabar ay walaalo yihiin Khadiija. Goobta uu falkaas ka dhacay ayaa maalmo ka hor la dhigay Bar koontorool oo laga ilaaliyo Hotelka, waana wadada ka baxda madaxtooyada ee aada dhanka Isgoyska Jubba. Caasimada Online ayaa ogaatay in sarkaalka inta aan rasaasta lagu furin uu codsaday in laga qaado birta si uu u gudbo, balse waxaa ka diiday ilaalada Hotelka. Intaas kadib ayuu dib u qaaday gaarigiisa wuuna ka soo dagay si uu mar kale uga codsado ilaalada Hotelka in laga gudbiyo birta, balse waxaa mar qura rasaas huwiyay askartii ku sugneed barta koontorool ee laga ilaaliyo Hotel Maa’ida. Askariga ayaa isaga oo meyd ah goobta laga qaaday, waxaana dhaawax uu isbitaalka ugu geeriyooday goobta looga qaaday Maxaadey Saleebaan oo ahaa tiliyihii urur ka tirsan ciidamada uu taba baray Turkiga oo lagu magacaabo Gorgor. Sidoo kale Taliyahan ayaa hoggaaminayay howlgalkii Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Ciidamada kumaandooska lagu soo tababaray dalka Turkiga ee dhowaan la wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Koox hubaysan ayaa caawa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku dishay Taliyihii kastamka wasaaradda maaliyadda Puntland. Xasan Cabdulle Hiraabe oo ku magac dheeraa (Xasan Weyne) oo ahaa Taliyihii kastamada wasaarada Maaliyadda ee maamulka Puntland ayaa lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Dableydii dilka gaysatay ayaa goobta iskaga baxsatay waxaana la sheegay in taliyaha xilliga la dilayay oo ahayd salaadii cisho kadib uusan wadan wax ilaalo ah. Ciidamo ka kala tirsan booliiska maamulka Puntland ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo iyo kuwo isku dhaf ah oo ka kala socda Galmudug iyo Puntland ayaa goobta uu dilku ka dhacay waxa ay ka wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxdii dilkaas ka dambeysay. Dableyda dishay Taliyaha ayaa dad goobjooga yaal ah waxay Caasimada Online u sheegeen in ay ahaayeen labo wiil oo dhalin yaro ah, kuwaas oo dilka kadib durba goobta iskaga baxsaday. Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mid ah magaalooyinka ay Al-Shabaab ka geystaan dilalka qorsheysan, maalintii Arbacada ee 16-kii bishan ayey eheyd markii taliha booliska waqooyiga uu ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa. Caasimada Online Xaafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
  6. Markii labaad ayaa dawcawadii Badda ee u dhexeysay Somalia iyo Kenya dib loo dhigey, madaxweyne Farmaajo wuxuu muddo bil gudaheed ah kula kulmay New York iyo Adis Ababa madaxweynaha dalka Kenya, mar walbana gacmaha ayaa kor loo taagayey ayadoo markii kowaad uu u dhexeeyey madaxweynaha dalka Masar, markii kalena Abiy Ahmed, waxaa kaloo la xusuustaa safarkii tuhunka badan dhaliyey ee dhuumaalaysiga ahaa ee Abiy Ahmed uu Farmaajo ku geeyey Nairobi ayadoo labada dal xiriirkooda diplomaasi uu go’naa waqtigaas. Sidoo kale kulamada xafiiska Raysulwasaaraha ku dhexmaray asaga iyo wafdi Kenyaan ah bishaan gudaheeda. Kooxdii khubarada aheyd ee dawladda Soomaaliya u qaabilsanayd kiiska dacwada ee sababta u ahaa in Soomaaliya ay ku gacan sarreyso kiiska dacwada Badda waxaa la sheegayaa in Kooxda Villa Soomaaliya ay kala direen ayagoo bixin waayey qarashaadkoodii, Taas bedelkeeda Kenya waxey gebi ahaanba bedeshay kooxdii dacwadii hore uga qeybgashey waxey qabsadeen qareenno culus oo ay u qoondeeyeen dhaqaale badan, ayagoo intaas ku darey dhaqaaq diplomaasiyadeed oo dhinac kasta leh, UN-ka, AU, iyo IGAD ayagoo ku qancinaya ururadaas caalamiga ah in kiiska badda ee labada dal u dhexeeya wadahadal lagu dhameeyo, dhanka kalena inta arrimahaasi ay socdeen waxey Kenya ku guuleysatay in ay hogaanka u qabato urur goboleedka IGAD, isla markaana ay qarka u saaran tahey in ay ku guuleysato kursiga Joogtada ee golaha amniga. Inta Kenya dhaqdhaqaaqyadaas diplomaasiga ah iyo ururadaas caalamiga ah ay wadday waxey madaxda Villa Soomaaliya ku mashquulsanaayeen sidii ay ugu guuleysan lahaayeen kuraasta madaxweynayaasha DG-yada: K/Galbeed, Puntland, Jubaland iyo Galmudug oo hadda la taagan yahey, sidii loo cadaadin lahaa siyaasiyiinta ka aragtida duwan, faan cidla ah iyo abuuritaanka kooxaha xoogagga wadaniyiinta (New Guulwadayaal oo gar iyo gardaraba ugu sacaba-tuma). Waxaa wax laga xumaado ah ah in meeshii xoogga laga saari lahaa kiiska dacwada badda in umaddii lagu mashquuliyey Jubaland oo la cunaqabateeyey iyo hebel ayaa ku soo xadgudbey hawada Soomaaliya, waxaa ka sii daran kuwa loo direy Maxkamadda ICJ oo ayagoo qoslaya barahooda bulshada umadda ugu sheegaya in dacwadii dhegeysigeeda bisha Juun 2020 dib loogu dhigey, maalmo ka horna lahaa inaysan aqbalayn dib u dhigista Kenya ay codsatey, taasi waxey muujineysaa in ruwaayadii jidadka Muqdisho ay la taagnaayeen in ay magaalada HAGUE la tageen, guuldaranna kala soo laabteen hawshii loo direy. Habdhaqanka kooxda Villa Soomaaliya uma muuqdo in ay Daacad ka yihiin Dacwada Badda ee nagala dhexeysa Kenya, ma jiro mid ka mid ah mas’uuliyiinta qaranka ee wadniyadda sheegta oo mudada saddexda sano ku dhow ee ay xukunka hayeen ku dhiiraday inuu banaanka umadda ugu soo baxo kalana hadlo kiiska badda, sida madaxdii ayaga ka horeysay ay sameyn jireen. Haddii kooxihii qareenada Soomaaliya difaacyey sidaas lagu kala direy, DPM Mahdi M. Guled, XI Axmed Ali Dahir iyo Amb. Ali Fiqi ay yihiin kuwa Soomaaliya u safan doona, isla markaana Bisha June 2020 oo dalku jawi doorasho ku jiro lagu aadiyey dhageysiga dacwada wareeggeeda labaad, madaxdii dalkuna ay ku mshquulsan yihiin kuraastooda, joogteynta dagaalka dawlad goboleedyada iyo xaraashka shidaalka waxaa caqliga caadiga ah uu sheegayaa in baddii Soomaaliya ay geli doonto waxyaalaha la xaraashay. Waxaan barlamaanka horgeyn doonnaa soo jeedin (Mooshin) wax looga weydiin doono cidda ka mas’uulka ah dacwadda badda Soomaaliya sababta Soomaaliya oo ku gacan sarraysay tan iyo markii dacwada la geeyey maxkamadda ICJ iay u dhacday in maanta laba goobood laga soo kiciyo oo looga gacan sarreeyo ayadoo ugu danbeyn arrintaan ay cidi mas’uuliyadeeda dhabarka u ridan doonto! W/Q: Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane; Xasan Cali Kheyre, ayaa Magaalada Washington DC ee Caasimadda Dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey’adda Lacagta Adduunka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta Dalka iyo sida ay Dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta shruudaha ku xiran in Dalka deynta laga cafiyo. Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Dowladda Ingiriiska ayaa xubnihii ka qeyb galay waxay isla qiree in Soomaaliya ay gaartay guula muhiim u ah mustaqbalka Dalka iyo gaaridda barta go’aanka ee deyn cafinta Dalka, waxa ayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada iyo Garab istaagga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-18102019.mp3 View the full article
  9. The International Court of Justice has postponed the Maritime Delimitation in the Indian Ocean between Somalia and Kenya to 2020. The decision follows a request by Kenya to push the case initially scheduled for next month to September 2020. This is the second time that Kenya has been granted a postponement request with the hearing having been pushed from October to November. “The court has duly considered the views and arguments of the Parties regarding Kenya’s request. It has decided to postpone the oral proceedings to the week beginning Monday 8 June 2020,” ICJ said in a letter to Attorney General Pual Kihara. ICJ, however, added states that the postponement is granted on the understanding that both parties will be represented at the hearings and that no further postponement will be granted. The time of oral arguments allocated to each party will remain as initially planned. “Again the Court wishes to remind the Parties that the written proceedings, in this case, are already closed. The parties should proceed to the hearings in accordance with the Rules of Court,” the letter stated. Kenya has been hoping for an out of court settlement on the matter but Somalia has insisted on letting the court decide. On August 28, 2014, Somalia wrote to the International Court of Justice in an application to institute proceedings against Kenya with regard to “a dispute concerning maritime delimitation in the Indian Ocean”. In its application, which was accompanied by three sketch-maps, Somalia contended that both States “disagree about the location of the maritime boundary in the area where their maritime entitlements overlap”. It also told the ICJ that “diplomatic negotiations, in which their respective views have been fully exchanged, have failed to resolve this disagreement”. When Egyptian President Fattah el-Sisi brokered a meeting between Uhuru Kenyatta and Mohamed ‘Farmaajo’ Abdullahi, Kenya was hopeful that a deal was finally in the offing. The meeting on the sidelines of the United Nations General Assembly was aimed at getting Kenya and Somalia to negotiate, among other things, the ongoing maritime dispute. So hopeful was Uhuru that he told the UN that Kenya was encouraged by the attempt to have an amicable negotiated solution to the dispute. “My administration continues to reach out to Somalia in an effort to find an amicable and sustainable solution to the maritime boundary dispute between us,” Uhuru said in his address to the assembly. Kenya hoping for deal even as Somalia insists on ICJ route. This hope was however short-lived after the committee of the two countries made no headway following hours of meetings and Farmaajo reported to the UN the following day that the talks had collapsed. Kenya has previously hinted at not trusting the ICJ, accusing its northern neighbour of ignoring local and continental mechanisms to resolve the dispute. September 19, 2016, was the first time that Kenya appeared before the ICJ and the position then was and still remains that the Court was not competent to decide the maritime dispute. Kenya has always maintained its position that it did not consent to the Court’s jurisdiction over disputes where it had agreed to other methods of settlement, including the April 7, 2009 MoU. The 2009 MoU had set out the agreed procedure for settlements of the dispute between the two countries, but Somalia opted to present the case to the ICJ.
  10. Sawir hore Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Itoobiya ayaa Talaadadii duulimaadkeedii ugu horreeyay oo caalami ah oo siday 154 qaxooti Soomaali ah geysay dalka Jarmalka. IOM waxay taageertay Barnaamijka Dib-u-dejinta Jarmalka dadaalka ay ugu jiraan dib u dajinta 500 qaxooti ah oo ku nool Itoobiya si Jarmalka loogu diro tan iyo bisha Maarso. Qaxooti kale oo tiradoodu tahay 220 ayaa u ambabixi doona Jarmalka, waxayna raacidoonaan duullimaad labaad oo ay hay’adda IOM leedahay, badhtamaha Noofembar. Inta badan dadkaasi waxay horey u mareen waraysiyo muhiim ah iyo qiimeyn caafimaad. Sanadkaan 2019 oo keli ah, IOM waxay caawisay 4,000 oo qaxooti ah si ay dib u dajin uga helaan dalal cusub iyadoo taageero ka helaysa UNHCR. PUNTLAND POST The post 154 qaxooti Soomaali ah oo ka degay dalka Germany appeared first on Puntland Post.
  11. Safaaradda Germany ee Nairobi ayaa mar kale ku dhawaaqday in saddex milyan dollar ah oo hor leh ay ku taageerayso qabsoomida doorashada guud ee dowladda federaalka Soomaaliya. Dowladda Germany waxay sheegtay dhaqaalahaan inuu Soomaaliya ka caawinayso in waddanka horey u socdo oo 50 sano kadib la qabto markii ugu horeysay doorashooyin dadweyne. Celcelis ahaan, Germany waxay sheegtay maalgelinteeda nidaamka doorashada federaalka in ay ku bixinayso dhaqaale gaaraya $5.75 million, taasoo qeyb ka ah taageerada geedi socodka dimoqraadiyada nabdoon ee Somaliya. Haddaba si taas loo gaaro, Jarmalku wuxuu ugu baaqay dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya inay gaadhaan is afgarad ku saabsan nooca doorashada iyo sharci xaqiijiin doona in doorashooyinka ay noqdaan kuwo waqtiyaysan oo la isku halayn karo. HALKAAN KA AQRISO WARSAXAAFADEEDKA. PUNTLAND POST The post Germany oo taageertay doorashada Soomaaliya, baaq culusna udirtay DFS iyo dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la-taliyihiisa u magacaabay Aamina Faraax Macallin, oo loo yaqaan Xubbi, oo ah gabar uu dhalay siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macallin. Arrintan ayaa soo shaac baxday shalay kadib markii agaasime ku-xigeenka Villa Somalia Cabdullaahi Daddoon uu soo tweet gareeyey sawirrada kulan dhex-maray mas’uuliyiinta Villa Somalia iyo kuwa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Xubbi, waa qofka ka muuqda dhanka bidix ee soke ee safka soo jeeda ee sawirka. Arrintan waxay tusmeyneysaa laba arrin, oo mid ay halisteeda leedahay. Midda koowaad: Aamina ama Xubbi waa gabar Kenyan ah. Ma jiro wax farqi ah oo u dhaxeeya ayada iyo Aadan Barre Ducaale, oo horey ugu baaqay in Kenya ay ciidamo gayso badda ay ku sheeganeyso Soomaaliya, xoogna kula wareegto. Inkasta oo ajaaniib badan ay ka dhex shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, ha ahaadeen Soomaali haysata dhalashada dalal kale sida Xubbi, iyo ajaaniib aanba Soomaali ahayn, haddana kiiskan Xubbi waa mid u baahan in si gaar ah loo eego. Kenya waxay hadda sheeganeysaa badda Soomaaliya, waxaana joogitaanka Xubbi ee halka laga go’aamiyo siyaasadda iyo aayaha Soomaaliya ee Villa Somalia uu gacan weyn siin karaa Kenya una gacan gelin karaa xog muhiim ah. Ma lihin Xubbi waa basaas Kenya, balse sidoo kale yaa damaanad qaadaya in xogta dalka lagu aamino karo, Soomaaliya-se ma qaadan kartaa fursad noocan ah. Sida ku cad boggeeda twitter-ka, Xubbi waxaa u saaran calamada Soomaaliya iyo Kenya, oo macnaheedu yahay in weli ay aaminsan tahay kuna faraxsan tahay inay tahay Kenyan. Sidee qof la-talinaya madaxweynihii Soomaaliya calan dal kale ugu faraxsanaan karaa? Tani waxay astaan kale u tahay sida mar walba madaxweyne Farmaajo u qaato go’aanno aan laga fiirsan ama aan la darsin cawaaqibka ka iman kara. Midda labaad: Magacaabista Xubbi, waxay caddeysay sababta ka dambeysa taageerada waalida ah ee aabaheed Faarax Macallin uu mar walba twitter-ka ugu muujiyo madaxweyne Farmaajo. Faarax Macallin kuma koobna oo kaliya inuu Farmaajo amaano, balse waxa uu mar walba aflagaadeeyaa madaxdii isaga ka horreysay ee dalka soo maray oo ku qeexo erey kasta oo xun oo aadan ka filan karin, sida inay ahaayeen daba-dhilifyo u adeega Itoobiya. Waxaase yaab leh, Faarax inuusan marnaba dhalleeceyn Farmaajo, inkasta oo uu xitaa sameeyey wax uusan madaxweyne Soomaaliyeed weligiis sameyn oo ah inuu muwaadin Soomaaliyeed u gacan-geliyo cadowga Itoobiya. Sida Faarax ay la tahay, Farmaajo oo Itoobiya u gacan geliyey muwaadin Soomaaliyeed daba-dhilif maaha, balse Xasan iyo Shariif oo aan weligood sidaas sameyn waa ay yihiin. Hadda waan ognahayn sababta Faarax sidaas ula tahay. Ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in mid ka mid ah sababaha xilka loogu magacaabay gabadha Faarax ay qeyb ka aheyd taageerada waalida ah ee aabaheed u hayo Farmaajo. Ka hor inta aan la magacaabin Xubbi, Faarax waxa uu ka mid ahaa boqolaalka qof ee Villa Somalia mushaharka uga qaataa amaanta madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa gaarey Dhuusamareeb. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo xubno kale ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caasimada dowlad goboleedka. Sabriye ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay, wuxuuna shaaca ka qaaday in uu u tegay halkaas howlaha maamul dhisida. Dowladda ayaa mudooyinkii dambe waxayaad ugu mashquulsaneyd sidii Galmudug u noqon lahaa maamul middeysan oo loo dhan yahay dhismihiisa. Hoos ka daawo sawirada View the full article
  14. Jowhar (SMN) – Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed ayaa lagu waramayaa in ay dhaqdhaqaaq ciidan kawadaan qaybo kamid ah maamulkaas. Dadka degaanka ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in ay askarta ay howlgalada kawadaan magaalooyinka waaweyn iyo daafahooda. Saraakiisha ayaa sheegaya in howlgaladooda ay ku ugaarsanayaan shaqsiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo falal liddi ku ah Al-Shababa lagu tuhunsan yahay. Warbixinadda ayaa qeexaya in howlgalada ay qaarkood muddo saacado ah hakad geliyeen isu socodka gaadiidka, wallow dib laga furay. Dhowaan ayay ahayd markii magaaladda Jowhar lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii dhanka amniga iyo siyaasadda, kaasoo Al-Shabaab ay sheegatay. View the full article
  15. Dulmanuhu muxuu ka dheefay ilbaxnimada dilaaga?! Taariikhda inta la xasuusto xasuuqa ay Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Spain, bortuqiis iyo Jarmalku geysteen labadii qarni ee tegay, cid gaysatay ma jirto. Waxa la sheegaa in 100 milyan tiro ku dhow in addoomo ahaan Afrika looga afduubay si wershadaha iyo beeraha tubaakada ee Mareykan loogaga shaqaysto iyagiina 80% badda ayey ku sii le’deen. Gumaysigii Ingiriisku Hindiya waxa uu ku xasuuqay tiro 30 milyan ku dhow. Mareykanku inta taariikhda la ogyahay waa dawladda keliya ee hubka nukliyeerka magaalooyin dhan ku dambaseysay oo ilaa maanta cuduradii ka dhashay adeegsiga hubkaas ay dadka deegaankaa ku dhashaa la noolyihiin! Adduunka laga awoodda badan yahay sannad kasta malaayiin qof oo ku nool ayaa macaluul, cudurro iyo colaado loo debberay ku baaba’a. Ma aha dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jira Ciraaq, Suuriya, Falastiin, Yemen, Afrika in badan oo ka mid ah, Eeshiyada bari iyo Laatiin Ameerika dhibaatooyin xero u dhalad ah ee waa colaado loo soo waariday oo ninka cad ee Mareykan iyo Yurub joogaana maal, muruq iyo maskaxba uu ku bixiyey. Duulaan debedeed oo keliya si uun ayay ummadaha qaardood isaga caabbin lahaayeen ee dulli diirka uga eeg maan ahaanna beddelan ayaa loo adeegsaday oo ilaa maanta madaxa kaga taagan intii soo hadhay, waa kuwa maanta inala hortaagan ammaanta reer galbeed iyo qaadashada dhaqankooda dhagarta ku dhisan! Ninka cad ee reer galbeed dhibta uu Aadmiga u geystay ayaa ka badan dheefta ilbaxnimadiisa laga faa’iiday, malaayiinka ruux ee sida tooska ah ama dadban loo xasuuqay maxay ka faa’iideen horumarka dilaaga? • Gunnimada gummaysiga ragbaa lagu gunneeyaaye • Nimanbaa garaaddo u sitoo lagu gargaaraaye • Gal aan laga filayn buu nasrigu iiga soo geliye • Gabbalkaa dumaan dhawrayaa guusha Eebbahaye • Mar uun baa god loo qodi dulmiga gaalku dheefsade • Mar uunbuu gargaar heli midkii lagu gadaannaaye • Allahayow adaa guul baxshee muruqa noo giiji. Wax yeelidi haba danbeysee in ay bulshadu wacyigaas yeelato ayaa maanta lagala dagaallansan yahay oo la doonaya in ciddii damiir lehba la aamusiiyo. Dr-Abdulqani Hussein Beder. +2 Qaran News
  16. Madaxweyen Farmaajo ayaa qorsheynayo inuu dib u daah-furo qaar ka mid ah taallooyinka ugu waa weynaa magaalada Muqdisho, oo dayactir lacag badan lagu bixiyey ay dowladdiisa ku sameysay. Taallooyinka dib loo soo celiyey ama ay dowladda dayac-tirtay ayaa kala ah: Taallooyinka Sayidka, Xaaw Taako, Axmed Gurey, SYL iyo Dhagaxtuur oo ku teedsanaa KM4 ilaa Isgoyska Tiyaatarka. Dadkan qaarkood ayaa ah kuwa halyeynimadooda dood la geliyo, balse taas waa sheeko kale oo dheer. Inkasta caadiyan xariga laga jaro un goobaha cusub ee la furayo, ee aan sidaas la yeelin goobo ama taalooyin aan cusbeyn oo la dayac-tiray, haddana madaxweynaha ayaa uga faa’ideysanaya inuu ku sheego qeyb ka mid ah waxqabadkiisa. Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, ayaa go’aan ku gaartay in ahmiyadda waxqabadkeeda ku saleyso inta magac iyo ka-hadalka bulsho ee ay ku kasban karto, intii ay ku jaan goyn lahayd inta qof ee ka faa’iideysan karta. Waxaa hadda baraha bulshada ka socda olole xooggan oo ay wadaan shaqaalaha Villa Somalia iyo shaqsiyaadka ku xiran ee adeegsada facebook iyo twitter-ka oo aad u weyneynaya arrinatan kana dhigaya inay ka macno tahay dib usoo noolaanshaha dowladnimadii Soomaaliya. La-yaab ma leh, oo waxay ka faa’iideysanayaan dadka Soomaaliyeed ee badankood ah dad dareenka markaas ay qabaan ku fal-celiya ee aan wax cabiran, kalana garan wixii saxda ahaa iyo wixii qaldanaa. Tan ugu yaabka badan ayaa ah in madaxweynaha uusan labada taallo ee ugu dhow Villa Somalia ee SYL iyo Sayid tagi karin, ayada oo aan loo xirin dhammaan jidadka ka ag dhow, oo aan baabuur xabadda aysan karin lagu qaadin, haddana uu doonayo inuu sheegto inuu soo celiyey dowladnimadii. Dib usoo noqoshada dowladnimada dal, waxaa astaan u ah bulshada oo hesha kala dambeyn iyo nidaadm caddaalad, amni, waxbarasho iyo caafimaad, kuwaas oo midna aysan shacabka Soomaaliyeed haysan. Madaxweyne Farmaajo, wuxuu talada hayaa laba sano iyo bar, waxaa is-weydiin mudan. 1 – Ma jiraa hal isbital oo dowladdiisa ay u dhistay shacabka oo uu sheegi karo? 2 – Ma jiraa hal iskuul oo dowladdiisa ay dhistay oo waxabarsho bilaash ah laga helo? 3 – Ma jiraa hal ceel biyood oo ay u qodday boqolaalka maalin kasta abaaraha ugu dhimanayaan gobollada dalka qaarkood? 4 – Xitaa ma jiraa hal MCH oo dowladda madaxweyne Farmaajo ay dhistay? 14-kii bishan waxa uu xitaa madaxweynaha awoodi waayey inuu tago goobtii uu ka dhacay qaraxii ugu weynaa Soomaaliya ee boqolaalka qof lagu dilay isaga oo dalka madaxweyne ka ah, sababtoo ah amnigiisa ayuu u baqay. Maa lacagaha lagu qarash gareynayo taallo xilligan la dhiso shacabka wax loogu qabto, maa lagu sugo amniga, oo mushaharka loogu kordhiyo ciidamada gaajaysan. Madaxweyne Farmaajo waa inuu kala doortaa laba mid 1 – In laba ama saddex maalmood kadib laga amaano Facebook iyo twitter kadibna la hilmaamaa, iyo 2 – Inuu ka tagaa taariikh iyo dhaxal weligeed la xuso. Haddii uu doonayo tan labaad ha sameeyo waxa dadka ay dareemi karaan. W/Q: Cabdiraxiim Axmed Xaaji Muqdisho, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. Madaxweyen Farmaajo ayaa qorsheynayo inuu dib u daah-furo qaar ka mid ah taallooyinka ugu waa weynaa magaalada Muqdisho, oo dayactir lacag badan lagu bixiyey ay dowladdiisa ku sameysay. Taallooyinka dib loo soo celiyey ama ay dowladda dayac-tirtay ayaa kala ah: Taallooyinka Sayidka, Xaaw Taako, Axmed Gurey, SYL iyo Dhagaxtuur oo ku teedsanaa KM4 ilaa Isgoyska Tiyaatarka. Dadkan qaarkood ayaa ah kuwa halyeynimadooda dood la geliyo, balse taas waa sheeko kale oo dheer. Inkasta caadiyan xariga laga jaro un goobaha cusub ee la furayo, ee aan sidaas la yeelin goobo ama taalooyin aan cusbeyn oo la dayac-tiray, haddana madaxweynaha ayaa uga faa’ideysanaya inuu ku sheego qeyb ka mid ah waxqabadkiisa. Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, ayaa go’aan ku gaartay in ahmiyadda waxqabadkeeda ku saleyso inta magac iyo ka-hadalka bulsho ee ay ku kasban karto, intii ay ku jaan goyn lahayd inta qof ee ka faa’iideysan karta. Waxaa hadda baraha bulshada ka socda olole xooggan oo ay wadaan shaqaalaha Villa Somalia iyo shaqsiyaadka ku xiran ee adeegsada facebook iyo twitter-ka oo aad u weyneynaya arrinatan kana dhigaya inay ka macno tahay dib usoo noolaanshaha dowladnimadii Soomaaliya. La-yaab ma leh, oo waxay ka faa’iideysanayaan dadka Soomaaliyeed ee badankood ah dad dareenka markaas ay qabaan ku fal-celiya ee aan wax cabiran, kalana garan wixii saxda ahaa iyo wixii qaldanaa. Tan ugu yaabka badan ayaa ah in madaxweynaha uusan labada taallo ee ugu dhow Villa Somalia ee SYL iyo Sayid tagi karin, ayada oo aan loo xirin dhammaan jidadka ka ag dhow, oo aan baabuur xabadda aysan karin lagu qaadin, haddana uu doonayo inuu sheegto inuu soo celiyey dowladnimadii. Dib usoo noqoshada dowladnimada dal, waxaa astaan u ah bulshada oo hesha kala dambeyn iyo nidaadm caddaalad, amni, waxbarasho iyo caafimaad, kuwaas oo midna aysan shacabka Soomaaliyeed haysan. Madaxweyne Farmaajo, wuxuu talada hayaa laba sano iyo bar, waxaa is-weydiin mudan. 1 – Ma jiraa hal isbital oo dowladdiisa ay u dhistay shacabka oo uu sheegi karo? 2 – Ma jiraa hal iskuul oo dowladdiisa ay dhistay oo waxabarsho bilaash ah laga helo? 3 – Ma jiraa hal ceel biyood oo ay u qodday boqolaalka maalin kasta abaaraha ugu dhimanayaan gobollada dalka qaarkood? 4 – Xitaa ma jiraa hal MCH oo dowladda madaxweyne Farmaajo ay dhistay? 14-kii bishan waxa uu xitaa madaxweynaha awoodi waayey inuu tago goobtii uu ka dhacay qaraxii ugu weynaa Soomaaliya ee boqolaalka qof lagu dilay isaga oo dalka madaxweyne ka ah, sababtoo ah amnigiisa ayuu u baqay. Maa lacagaha lagu qarash gareynayo taallo xilligan la dhiso shacabka wax loogu qabto, maa lagu sugo amniga, oo mushaharka loogu kordhiyo ciidamada gaajaysan. Madaxweyne Farmaajo waa inuu kala doortaa laba mid 1 – In laba ama saddex maalmood kadib laga amaano Facebook iyo twitter kadibna la hilmaamaa, iyo 2 – Inuu ka tagaa taariikh iyo dhaxal weligeed la xuso. Haddii uu doonayo tan labaad ha sameeyo waxa dadka ay dareemi karaan. W/Q: Cabdiraxiim Axmed Xaaji Muqdisho, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku raad-jooga dabley dil ka geystay gobolka Gal-gaduud. Howlgalada lagu ugaarsanayo shaqsiyaadka ayaa ka socda inta u dhaxeysa degaanadda Guriceel iyo Balanbale ee gobolkaas. Marxuumka oo habeenimadii Arbacadda la dilay ayaa lagu waramayaa in uu kamid ahaa dadka degaanka halkaas gaar ahaan Xoolo Dhaqato. Dhanka kale, ciidanka ayaa howlgalo ka dhan ah Isbaarooyinka iyo Dableyda waxay ka wadaan inta u dhaxeysa Mereer-guur iyo Godin-labe. Dhaqdhaqaaqyaddan ayaa kamid ah kuwa balaaran oo maalmihii dambe socday, kuwaasoo lagu sugayo nabad-gelyadda. Askarta howlgaladan wada ah kuwa ay dhowaan gobolkaas u daabushay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya si amniga loo xaqiijiyo. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Cali-Gaab.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (SMN ) – Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay dhisayso Masjidka Faqru-Diin oo warbaahinta Shabelle horey u baahiyey burburkiisa. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda federaalka ah, booqdey Masjidka ayaa dadweynaha wuxuu ku booriyey in ay qayb ka qaataan dayactirka Masjidka. Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa daboolka ka qaaday in Masjidkan uu yahay mid taariikhi ah, isla markaana bari-samaadkii dadku aad ugu xirnaayeen. Masjidka Faqru-Diin oo, sidda la sheegay la dhisay 700-sano kahor, ayaa ku yaala degmadda Shangaani ee gobolka Banaadir. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Masjid.mp3 View the full article
  20. Washington (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qayb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey’adda lacagta adduunka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida ay dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta shruudaha ku xiran in dalka deynta laga cafiyo. Ka qayb galayaasha shirkaan, oo ay soo qabanqaabisay dowladda Ingiriiska, ayaa isla qiray in Soomaaliya ay gaartay guula muhiim u ah mustaqbalka dalka iyo gaaridda barta go’aanka ee deyn cafinta dalka, waxa ayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada, iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
  21. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar] ayaa Kormeeray Isgooska fagax oo kala qeybiya Degmooyinka Yaaqshiid iyo Karaan halkaas oo ah meel ay biyaha fadhiistaan xili roobaadka. Duqa Muqdisho ayaa faray labada Gudoomiye Kaaran iyo Yaaqshiid in wadadaan sida ugu dhaq siyaha badan laga bixiyo biyaha si ay u fududaato isku socodka Bulshada. Labada Gudoomiye oo fulinaya Amarka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaay bilaabeen in ay ka shaqa bilaabaan Wadadaan oo ah wada halboole u ah shacabka iyo Gadiidka. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Shabelle.mp3 View the full article