-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) –“Jidadkaan la xiraayo oo maalin kasta xiran waa qeyb ka mid ah caburinta, Hadii aad i doorataan oo aan dalkaan nabad ka keeni waayo jid la xiraayo ma jiri doono waxaan gadaal ka marayaa gaadiidka waaweyn, weerarku waxa uu ka socdaa hal dhinac Shabaab ayaa weerara meeshii ay doonaan oo dila qofkii ay doonaan, Hadii aad i doorataan waxaan la imaanayaa istiraatiijiyad cad oo Shabaab dalka looga xoreeyo”. Markii uu ballan qaadkaan sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya waxay aheyd bilaawgii 2017-kii, seddax sano kadib qatarta Al-shabaab waa ka korartay halkii ay maalintaas joogtay, sida ay qabaan dadka yaqaana arimaha ciidamada. Malaayiin lacag ah oo ay ka sameeyeen canshuur ay ka qaadaan ganacsiga magaalada Muqdisho, oo ay ku jirto dekeda iyo goobaha ganacsi ee wadada Maka Al-mukarama ayey Al-shabaab geliyeen dhinca dagaalka. Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay isku koobtay oo kaliya difaaca wadada Maka Al-mukarama iyo xaafadaha ku teedsan, halka inta kale ee magaalada Muqdisho yihiin Allow amuuraha Sahal. Weeraradii ugu badnaa, uguna adkaa ayey todobaad gudihiisa ka fuliyeen Saldhigyo milateri oo ku yaala gobalka Shabeelada Hoose, weerarkii ugu dambeeyay Al-shabaab waxay shalay ku qaadeen Garoonka Ballidoogle oo ay daganyihiin ciidanka ugu adag ciidamada Soomaaliya ee DANAB, ciidan mareykan ah iyo kuwa ka tirsan AMISOM. Dagaalamayaasha Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Ballidoogle, waxay ka baxeen degmada Janaale iyo degaanka Tooratoorow ee gobalka Shabeellada Hoose, waxaana tiradooda lagu qiyaasaa 50-60 dagaalame, waxayna mareen deegaanka wado aado buurhakaba sida uu qof magaciisa qariyay oo ku sugan Janaale uu u sheegay Idaacadda Kulmiye, waxuu sheegay ruuxaas in uu indhihiisa ku arkay Shabaab-kii shalay weeraray saldhigga military ee Ballidoogle, isagoo intaas raaciyay in aysan awood u laheyn in ay soo wargaliyaan ciidamada dowladda xiliga Al-shabaab ay abaabulayaan weeraradooda. Al-shabaab guul weyn kama gaarin weerarkii ay shalay ku qaadeen Ballidoogle, balse waxaa lagu tilmaamay in ay aheyd fariin ay dirayeen, taas oo ah jiraan, oo sii dagaalami karaan, Cabdullaahi Nuur Xaashi, oo kamid ah saraakiishii hore ee Sirdoonka ayaa sidaas ku qeexay weerarkii shalay, waxa uuna ku taliyay in Al-shabaab lala heshiiyo sida ururka Taalibaan ee ka dagaalama dalka Afgaanistaan. Al-shabaab waxay dhib wayn ku hayaan dadka ku nool degaanada ay maamulaan iyo kuwa ku hoos nool dowladda, qof ku nool Janaale oo aan qarinay magaciisa ayaa sharaxaya dhibaatooyinka ay qabaan dadka ku nool degmadaasi, waxa uuna cadaadiska Al-shabaab kordhay ee Janaale kordhay todobaadyo ka hor, markaas oo ay soo gaartay warbixin sheegaysa inuu geeriyooday Afhayeenkii Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali dheere”. Ciidamada Soomaaliya ee ku sugan shabeelada Hoose ayaa halis ugu jira Al-shabaab sababta oo ah waxay dhaxda ugu jiraan Al-shabaab, sidoo kale weerarada Al-shabaab ee Muqdisho iyo shabeellada Hoose ayaa la sheegay in aysa joogsan doonin ilaa Al-shabaab laga saaro dhulka ku teedsan wabiyada iyo badda ee Muqdisho iyo labada Shabeelle. Dowladda Soomaaliya waxaa lagu eedeynayaa in aysan waqti badan gelin dagaalka Al-shabaab, balse taas badalkeeda ay xoogga saartay caburinta iyo cadaadiska maamul goboleedyada iyo siyaasiinta ka aragtida duwan ee soo maciin biday xaafado kooban ka tirsan magaalada Muqdisho, seddax sano kadib, dad badan ayaa qaba su’aal ah dowladda maka go’antahay dagaalka Al-shabaab? Xigasho: Radio Kulmiye
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa Muqdisho kula kulmay ergo ka socota dalalka Masar iyo Kenya, Bangiga adduunka iyo ururka iskaashiga Islaamka oo Soomaaliya ay xubin ka tahay. Ergada oo dalka u yimid ka qayb galka shirka madasha caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho, ayaa bogaadiyay horumarka la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tillaabsaneyso. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ergada uga mahad celiyay kasoo qayb galkooda shirka madasha caalamiga ah ee Soomaaliya oo ah kii ugu horreeyay ee dalka gudihiisa lagu qabto. View the full article
-
In the aftermath of Mohammed Ahmed's mad dash to a 5,000-metre bronze medal in Doha, the scene in the Canadian mixed zone was bizarre. Jamaicans and Dutch broadcasters on either side were jumping …... Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa beddalay Taliye Kuxigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Siciid Axmed Kadiye. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta laamaha ammaanka ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo caawa oo Talaado ah 01-da, Oktoobar 2019. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa beddalay Taliye Kuxigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Siciid Axmed Kadiye. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta laamaha ammaanka ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo caawa oo Talaado ah 01-da, Oktoobar 2019. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-01092019.mp3 View the full article
-
Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbbaland ayaa ka dhawaajiyay inaanu suurtagal in dowladdu federalka qabato shirar, iyadoo uu jiro khilaaf siyaasadeed oo kala fogeeyay iyada iyo dowlad goboleedyada. Wasiirka maaliyadda Jubbaland ayaa sheegay dowlad goboleedyadu intii khilaafku uu jiray inay ogolaadeen hal shir oo kaliya oo ka dhacay Addis Ababa, kaasoo ahaa shirkii dayn cafinta Soomaaliya, isagoo tilmaamay inay ahayd arin qaran oo cid waliba taabanaysay. “Annagoo og inuu jiro khilaaf siyaasadeed, ayaan hadana ka shaqeynaynaa inta daynta laga cafiyo Soomaaliya,” ayuu yidhi wasiirku. Wuxuu sheegay wasiirku inta lagu heshiinayo siyaasada guud ee dalka waa in la kala maqnaado oo cid waliba qabsato danaheeda ugaarka ah. Halkaan ka daawo muuqaalka. The post Jubbaland: Inta laga heshiinayo waa inaan la isugu imaan wax shir ah. appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa wafdi u direysa magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland si ay uga qeyb galaan caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe, sida uu shaaciyay Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay xukuumada Muuse Biixi u diyaarisay Wafdi ka kooban lix xubnood, si ay uga qeyb galaan caleema saarka Axmed Madoobe. Faysal Cali ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay garab taaganyihiin maamulka Axmed Madoobe, isla markaana ay hambalyeenayaan waxkasta oo ay qabsadaan. Faysal Cali Waraabe ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey inay caleema saarkaasi u tagayaan sidii ay u socod-siin lahaayen qadiyada Somaliland ee gooni isu-taagooda, isagoona xusay in wafdigoodu ay diyaar ahaayeen mar hore, balse ay saameysay hakintii duulimaadyada Kismaayo ee DF Soomaaliya. “Waanu diyaar gareynay ilaa lix reer Somaliland ah ayey tikidhadooda diyaar yihiin, oo rabay inay baxaan 25-kii bishan, balse dib u dhacay, waana la tagaya” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Wuxuuna intaas kusii daray “Soomaaliya waa qabaa’il waana 4.5, waa in aynu ka sameysano meelo yar oo qadiyadeena, waanuna ka hadleyna oo saaxiibo ayaanu ka sameysaneynaa, anaguna waxaan u tageyna qadiyadayada”. Somaliland ayaa u aragta fursad wanaagsan oo danaheeda kaga faa’iideysan karto khilaafka xoogan ee ka dhex aloosan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee ka dhashay dib u doorashada Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Galmudug iyo wasiirki hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa soo dhoweeyey madal siyaasadeedka cusub ee maanta looga dhowaaqay magaalada Muqdisho. Madasha Xisbiyada Qaran (Forum for National Parties) oo maanta dhidibada loo taagey, ayaa waxaa ku jira xisbiyo ay ka mid yihiin UPD, Himilo Qaran, Wadajir, Ileys iyo kuwa kale. Guuleed ayaa qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay ku yiri “Waxaan soo dhaweynaa dhaq-dhaqaaq waliba oo dhiira-galinaya nabadda iyo dimuqaraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya ka hana qaaday ayadoo ay jirto shaki weyn oo laga qabo qabasoomidda doorasho leh hufnaan iyo hanaan wadar-ogol ku salaysan oo dhacda sanadka 2021da.” Waxa uu intaas ku daray “Si gaar ah waxaan u soo dhaweynaa Madasha Xisbiyada ee maanta looga dhawaaqay Muqdisho, waxaana la qabaa walwalka ay ka muujinayaan kartida iyo bisaylka madaxda dowladda ay u leedahay gardaadinta iyo qabashada doorasho hufan oo caafimaad qabta.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Ha’adaha amniga ee dalka Kenya ayaa waxa ay shaaciyeen in ay gacanta kusoo dhigeen ,nin ay sheegeen in uu ka dambeeyay weerarkii ay Al- Shabaab ku qaadeen Hotel DusitD2 ee magaalada Nairobi. Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Fawaz Ahmed Hamdun oo ah 28 jir ,ayaa waxa ay sheegeen hay’addaha ammaanka dalkaasi Kenya ,in ay in muddo ah ku raad joogeen ugu dambayntiina todobaadkan gudihiisa ay ka soo qabteen guriga uu deganaa oo ku yaallay deegaanka Majende oo ka tirsan Mombasa. Dawladda Kenya ayaa intaa waxa ay ku dartay in Fawaz Ahmed Hamdun uu ahaa madaxa qorshaynta weerarkii Hotel DusitD2, isagoo sidoo kalena martigeliyay shakhsigii isku qarxiyay Hotelka, kaas oo magaciisa lagu sheegay Mahir Riziki oo dawladdu ay sheegtay in uu ka soo baxay Soomaaliya. Waxaa kale oo dawladda Kenya ay ku eedaysay Fawaz in uu qori jiray Dhalinyarada si ay ugu biiraan Al-Shabaab. Dhismaha Hotel Dusit D2 oo ku yaalla xaafada Westland ee magaalada Nairobi oo ay weerar ku qaadeen Al Shabaab ayaa waxa la sheegay in ay ku dhinteen illaa 21 ruux oo is kugu jiray dalxiisayaal reer Galbeed ah iyo qaar kale oo Hotelka degenaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa si rasmi ah Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Madal ay ku bahoobeen xisbiyo siyaasadeed oo kasoo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ay hormuud ka yihiin xisbiyada ay hoggaamiyaan madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. Shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in la sameeyey Midow Madal ah Isbaheysi siyaasadeed oo ka wada shaqeyn doonta sidii loo xoojin lahaa dimoqraadiyadda iyo xaqiijinta doorasho dalka ka dhacda 2020 – 2021. Xisbiyada Midoobay ayaa kala ah: 1) Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Shiikh ee UPD 2) Xisbiga uu hoggaamiyo Shiikh Shariif ee Himilo Qaran 3) Xisbiga Horusocod oo ay hoggaaminayaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdiweli Cali Gaas 4) Iyo Xisbiga NDP oo ay hoggaamiso Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam oo horay u soo noqotau Ra’iisul Wasaare Kuxigeen iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda. Madashan waxaa ka dhex muuqday xildhibaannada kasoo jeeda labada gole ee kala taageersan madaxweynayaashii hore waxaana looga dhawaaqay in qaab dhismeedka Madashada uu noqon doono hoggaanka sare ee Madasha oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha xisbiyada iyo Golaha xoghayeyaasha xisbiyada. Madasha ayaa waxaa Afhayeen looga dhigay Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ahaa xildhibaan hore. Waxaa la sheegay inay socdaan wadahadallo Madasha lagu soo biirinayo xisbiyo badan oo qaarkood ka caga-jiideen, waxaana lagu wadaa in war-saxaafadeedyo kale ay soo baxaan. Shirka looga dhawaaqay madashaan ayaa wuxuu Muqdisho ka socday muddo 3 Maalin ah waxaana Maanta lagu soo gabagabeeyey guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho looga dhawaaqay isbaheyi la magac baxay “Madsha xisiyada Qaran” oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 10 xisbi siyaasadeed. Madasha waxaa afhayeen u dooratay Cabdiladhif Muuse Nuur, waxaa lagu wadaa in qorshaheeda lagu dhawaaqo iyo qaabka ay howl-geli-doonto. Xisbiyada ugu muhiimsan ee ku jira waa: Wadajir, Himilo Qaran, UPD, Ilays iyo kuwa kale, waana xisbiyo loolan adag ugu jira doorashada 2020-ka. Waxaa hoggaan ama gole dhexe noqon doona guddoomiyeyaasha xisbiyada qaranka, sidoo kale waxaa ay yeelan doonaan qorshe cad, ujeedkoodana waa iney la xisaabtamaan dowladda federaalka ah. Arrintan ayaa ku aaday xilli uu dalka ku jiro xaalad siyaasadeed oo aad u qalafsan, waxaa uu mugdi ku jiraa geedi-u-socodka iyo qorshaha 2020-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka lagu dilay degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Salaaxudiin, iyadoona ay toogteen rag ku hubeysnaa Bistoolado oo goobta isaga baxsaday. Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkan oo ka howlgali jiray Ceelwaaq lagu dilay suuq Xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla gudaha magaaladaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo goobta ka qaaday Meydka Marxuumka. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka Gedo oo ku aadan dhacdadaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey qeybo ka mid ah gobolkaasi. View the full article
-
Booliska oo shaaciyey inta ay xirnaanayaan jidadka Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimadda Online) – Booliska Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saaray jidadka xiran ee Muqdisho iyo inta maalin oo ay xirnaan doonaan. Taliye ku xigeenka Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa qoraal ay barteeda Facebook kusoo qortay ku sheegtay inay Shacabka Soomaaliyeed dulqaad muujiyaan inta ay xiran yihiin jidadka Muqdisho oo loo xiray arrimo Ammaan. Waxay Taliye ku xigeenka sheegtay in jidadka Muqdisho loo xiray Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya Somali Partnership Forum dartiis iyadoo xustay inay jidadka xirnaan doonaan inta uu shirkaan socdo. ” Wargelin; Shacabka G/Banadir waxaa si sharaf leh laga codsanayaa inay inoo dulqaataan intuu socda shirka caalamiga ah ee Somali Partnership Forum oo dartiisa loo adkeeyay isku socodka baabuurta magaalada. Waxaa idiin diyaarinay Ambulance gurmad dag dag ah idinku adeegno. Hadii aad u baahatid gurmad caafimaad dag dag fadlan wac 991 kana codso ciidanka boliiska. Hormarkeena waxuu ka dhashaa wadashaqeyntena” ayey tiri Zakiya. Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya Somali Partnership Forum oo Maanta Muqdisho ka furmay ayaa socon doono muddo laba Maalin, waxayna taas ka dhigan tahay in jidadka Muqdisho ay xirnaan doonaan Laba Maalin oo Maanta ka bilaabatay. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkan ay ka qeyb illaa 50 dowladood. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin dhowr ah, sababo ku aadan shirka labada maalmood ka socda magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com -
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta si wadajir ah howgallo uga sameeyey gudaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ku dhowaad 20-tan ruux oo lagu tuhmayo falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca magaaladaasi. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladan ayaa sidoo kale sheegay inay baaritanadooda sii wadi doonaan inta laga xaqiijinayo amniga magaalada xeebta ku taalla ee Marka. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa xoojiyey dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wakiilka waddanka Jabuuti u jooga Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye, oo maanta warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Jabuuti iska celinayso Eng Faysal Cali Waraabe. Waxa uu sheegay in xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Somaliland iyo Jabuuti balse Faysal, kala dilayo. Wakiilka Jabuuti ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka sugayaan jawaab cad., halkan hoose ka Daawo Source
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Maamulka Jubbaland ee Hoggamiyo Madaxweynaha dib loo doortay Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka horyimid shirka Maanta Magaalada Muqdisho ugu Furmay Dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka. Wasiirka Maaliyadda Jubbaland C/rashiid Jirre Qalinle oo Warbaahinta Maanta kula hadlayay Magalada Kismaayo ayaa sheegay in habka Maamulka Jubbaland shirkaasi loogu marti qaaday uu yahay mid qaldan,isla markaana aysan ka qeyb-galeen. Waxaa uu sheegay in marka aysan jirin casuumaad rasmi ah oo loo soo diray Jubbaland,hayeeshee Baraha Bulshada kaliya ay ka arkeen casumaada Wasiirka Maaliyadda,hayeeshee ay aheyd in la casuumo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe). “Marka Koowaad casuumaada la soo diray mid toos ah ma aheyn baraha bulshada ayaa ka aragnay, mida labaad Casuumaada Xafiiska ay ku habooneyd lama soo marsiin, Madaxweynayaal ayaa la casuumay, in Jubbaland la dhaho Wasiir baa la casuumay waa qalad oo la dhaho Wasiirka Maaliyadda la casuumay oo matali doono arrin sax ah ma ahan” ayuu yiri wasiir Qalinle. Waxaa uu sheegay in aanay waxba ka qabsoomin waxyaabihii lagu heshiiyay shirarkii hore ee ka dhacay London sanadkii 2017 iyo kii ka dhacay Brussels sanadkii hore 2018, isagoo intaa ku daray in shirka SPF ee ka furmay Muqdisho aanu ogeyn waxa lagu heshiin karo iyadoo aan loo dhammeyn oo maamul goboleedyadii oo idil aanay ka qeyb galeyn. Si kataba hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Maamliyadda Maamulka Jubbaland ee ku aadan inay qaadaceen Shirka Madasha Iskaashiga ee Muqdisho ka furmay ayaa kusoo aadaya xilli Puntland dhankeeda ay qaadacday Shirkaaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Popular Contributors
