Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,071
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Amar ka soo baxay taliyaha booliiska Saldhigga degmada Xamar-wayne ayaa maanta oo Axad ah looga mamnuucay in aysan wax qalab ah la soo geli karin dhismaha Guriga Hooyooyinka Weriyaasha madaxa-banaan ee ka shaqeeya warbaahinta magaalada Muqdisho. Tobaneeyo kamid ah Weriyaasha gobalka Banaadir ayaa Saakay laga celiyay dhismaha Guriga Hooyooyinka waxayna sababsadeen amar hore u yiilay oo ahaa in aan halkaas waxba lagu duubi karin, balse ay shalay ku duubeen cabasho ay ka qabaan tabintii fadhiyada Golaha Shacabka oo laga istaagay. Weriyaasha ayaa loo ogol-yahay in ay yimaadaan Dhismaha Hooyooyinka balse marka ay soo galayaan waxay soo marayaan baaritaan hadii qalabka wax duuba maqal ama muuqaal lagu arko looma ogola in ay gudaha u galaan dhismaha waxayna arintaasi sababtay in Weriyaal badan ay maanta geli waayeen Guriga Hooyooyinka. “Waan geli waayay dhismaha Hooyooyinka waxaana la ii sheegay in aan laabto oo aan iska soo dhigo Kaamirooyinka, xaruntayda ma dhawo soomana bixi karo qalab la’aan waayo halkaan ayaa ka aadaa shaqada” ayuu yiri Kaamira-maan ka tirsan mid kamid ah TV-yada dalka. Dhismaha Guriga Hooyooyinka maqaayad ku dhax-taalo oo lagu magacaabo The Village waa rugta ugu wayn oo ay Subaxdii isugu yimaadaan Weriyaasha magaalada Muqdisho islamarkaana ay ku kala warqaataan waxayna halkaan ku waayeen Weriyaal badan oo Al-shabaab ku dileen qaraxyo kadib weeraro ka dhacay waqtiyo kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Wafdi ay hoggaaminayaan Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Safiirka dowladda Sweden Amb. staffan Tillander ayaa maanta gaaray Maagaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay kulan la qaateen Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland. Labada Safiir iyo wafdiga la socday ayaa Madaxweyne Biixi kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo Midowga iyo Somaliland iyo dardar gelinta wada shaqeynta laba dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Somailand ay qeybqadan laheyd xasilinta mandiqadda geeska Afrika. Sidoo kale Saafirada ayaa Madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Somaliland si Dimuquraadiyad ah Midowga Yurubna uu ka geysan doono taageero sidii loo qaban lahaa doorashka Somaliland oo waqtigooda ku dhaca. Dhanka kale wafdiga ayaa uga mahada celiyay Somaliland sida ay u taageerto hanaanka doorashooyinka Dimuquraadiyadda ah, waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin taageero ballaaran ay ka geystaan doorashooyinka. Wafdigaan gaaray Somaliland ee ka socda Midowga Yurub ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo dhowaan la filaayo in Somaliland ay ka qabsoomaan doorashooyionka ayadoo dhawwaan xisbiyada ka jirana ay gaareen heshiis ku aadan guddiga doorashooyinka madaxbannaan iyo in si siman loo qeybsado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Washington)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula qaatay dhiggiisa Kenya Ukur Yatani. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya ayaa ka wada hadlay arrimaha Ganacsiga iyo gargaarka ee u kala gudbaya labada dal iyo arrimo kale. Wasiir Beyle iyo Ukur Yatani oo kulmay inta uu socday Shir sannadeedka IMF iyo Bandhiga Aduunka, kaasi oo ka dhacay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka. Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiisyay inay si caadi ah u socdaan howlaha Ganacsiga iyo gargaarka ee u kala gudba Soomaaliya iyo Kenya iyo in la xoojiyo xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya labada dal. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyada KULMIYE Iyo UCID Oo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Si Wadajira Ugu Soo Dhaweeyay Dalka Sweden, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirada Midowga Yurub iyo Sweden ee u qaabilsan dalka Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. Staffan Tillander. Kulankaasi ayaa waxa lagaga wada-hadlay dar-dar gelinta iyo adkeynta xidhiidhka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya labadaasi dal iyo Somaliland, gaar ahaan sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arrimaha manqadda Geeska. Waxa sidoo kale kulankaasi lagu lafo guray sidii loogu diyaar garoowi lahaa qabsoomida doorashooyinka Somaliland ee golayaasha wakiilada iyo deegaanka oo mudooyinkii dambe uu muran badan hadheeyay. Labadan dal ayaa waxay ka mid yihiin dalalka beesha caalamka ee sida aadka ah u daneeya doorashooyinka Somaliland, isla markaana ka qeyb qaata doorkooga taageero ee ku wajahan hanaan socodka dimuquraadiyada. Midowga Yurub iyo Sweden ayaa u muuqda kuwa culeys badan ku saaraya xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi xalinta khilaafka baahsan ee hadheeyay qabsoomida doorashooyinka Somaliland, si ay waqtigii loo asteeyay ugu qabsooman doorashooyinkaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Qof Mayd Ah Oo Laga Helay Duleedka Magaalada Boorama, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Somaliland: President Muse Bihi Receives EU Delegation The President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, today received a delegation from the European Union led by Ambassador Nicolas Belanger Martinez. The EU envoy was also accompanied by the Swedish Ambassador accredited to the region, Ambassador Steffan Tillander. The delegation arrived to discuss areas of mutual interest, including the on-going preparations for the oft-delayed parliamentary and local council elections. The two parties also discussed the progress of the many EU funded projects currently underway in Somaliland, including the new water system in the capital, Hargeisa, as well as, the health, education, agricultural, environmental and social programmes supported by the EU in all of Somaliland’s cities, towns and villages. The delegation are also expected to meet with local parliamentarians, politicians, business leaders and social activist during their visits to Somaliland. Qarannews Qaran News
  8. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Qaatay Wafti Ka Socday Beesha Caalamka Iyo Hakintii Xubinta Xisbiga WADDANI Ee Gudidda Doorashooyinka Cusub, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasibado ay ku qalin jabinayeen Ardayda Jaamacadaha Beder International University (BIU) iyo Frantz Fanon University (FFU) oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Madaxweyne ku xigeenka oo khudbado kala duwan ka jeediyey munaasibadahaasi ayaa ugu horayntii Hambalyo u diray Ardayda ka qalin-jabisay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadahaasi, waxaana uu sheegay inuu la qeybsanaayo dareenka farxada iyo Hambalyada ah ee ay maanta ku jiraan waalidiinta iyo ardaydii ay mudada ku soo tabcayeen, sidoo kalena waxa uu u mahadceliyey Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadaha oo uu ku bogaadiyey kaalinta ay ku leeyihiin aqoonta iyo soo saarista arday ka dhisan dhanka aqoonta. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Ardayda kula dardaarmay in Cilmiga ay barteen ay wax ugu qabtaan Dalkooda iyo dadkooda islamarkaana ku horumariyaan waddankooda si loo anba qaado geediga aqoonta iyo ilbaxnimada ee hoolka horumarka, ugu danbayntiina wuxuu ugu duceeyey ardaydaasi inuu ilaahay ku anfaco cilmigaa ay barteen. Allaa Mahad Leh Source
  10. Ankara (Caasimadda Online) – Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa baahisay in Turkiga iyo Ruushku ay ka shirayaan in Kurdiyiinta Siiriya laga saaro magaalooyinka ku yaala Waqooyiga Siiirya ee Manjib iyo Kobani marka ay madaxdu ku kulmaa magaaladda Sochi todobaadka dambe. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa warbaahinta ku xaqiijiyay in Putin iyo Erdogan ay ka wada hadli doonaan in magaalooyinka muhiimka ah laga bixiyo gacanta Kurdiyiinta. Xukuumadda Ankara ayaa Khamiistii waxaa ay heshiis la gaartay Maraykanka waxayna ogolaatay in ay gulufka waqooyiga Siiriya hakiso taas badelkeedana ay Kurdiyiintu dib u gurtaan. Talaadada Todobaadkaan ayuu Madaxweynaha Turkigu u safri doonaan magaaladda ku taala xeebta badda madow. Waxaa la filayaa in ay madaxdu go’aamiyaan cidda gulufka qaadi doonta, haddii ay tahay Ciidanka Turkiga ama kuwa Siiriya oo gacan ka helaya Ruusha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. sawir hore Shil gaari oo geystay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay wadada udhexeya magaalada Garowe iyo duleedka tuulada Sunujiif ee gobolka Nugaal. Puntland Post oo qadka taleefonka kula hadashay taliyaha taraafikada gobolka Nugaal, Ismaaciil Xirsi Shirwac, ayaa u sheegay in shilkaan uu geytay dhimashada hal qof oo rag ah iyo dhaawaca qof dumara. Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari nuuca soomaalida u taqaano lugo badan, kaasoo ka yimid magaalada Bosaso kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo kahor inta aanu shilku dhicin. Qofka dumarka ah ee dhaawacmay, oo xaaladeedu ay cuslayd ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee Garowe. Shilka waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare hantiyeed, oo soo gaaray badeecaddi lagasoo raray dekeda Bosaso. PUNTLAND POST The post Shil gaari oo geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay nawaaxiga Sunijiif appeared first on Puntland Post.
  12. Tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeyn Guddigga madax bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka waxaa ka faa’iideysanaya xubno ka socda Maamulka Hirshabelle, waxaana lagu baranayaa Soohdin u Sameynta Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed. Daahfurka tababrkan kooxo hooleedka Soohdin Sameynta Hirshabelle waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga madax bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, Wasiirka arimaha Gudaha ee Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale. Guddoomiyaha Guddiga madax bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa sheegay in u jeedka tababarkan loo qabtay ay tahay in la casriyeeyo Soohdimaha Goboladda dalka, isla markaana kulankan uu gogol xaar u yahay wadatashi guud oo dhanka Soohdinta ku saabsan oo ay yeelan doonaa Dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed. Wasiirka Arimaha Gudaha ee Hirshabelle Maxamed Cali Caadle oo tababarka furay ayaa sheegay inay soo dhaweenayaan tababarkan, isla markaana ay la shaqeyn doonaan Guddiga madax bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey Cisbitaalka Guud ee Boosaaso iyo xarunta Gobolka Bari. Kormeerka waxaa Madaxweyne Deni ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, maamulka gobolka, kan degmada, Taliyaha Qaybta gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweyn Deni ayaa ugu horeyn booqday Cisbitaalka magaalada Boosaaso, wuxuuna kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay, intaas kadibna wuxuu kulan laqaatay maamulka oo u soo bandhigay xaaladdda Cisbitaalka, madaxweynaha ayaana sheegay in siyaasaddiisa meel sare uga jirto arrimaha bulshada oo ay qaybta koowaad tahay Caafimaadka. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeer ku tegey xarunta gobolka Bari, halkaasi oo uu kula kulmay maamulka gobolka. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Madaxweynaha Puntland oo booqday Cisbitaalka Guud iyo xarunta gobolka appeared first on Puntland Post.
  14. Suldaan Cabuud Cabdi Ismaaciil Muuse (Balbalaare), oo ka amid ah isimada soojireenka ah ee Puntland, ayaa manta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasi oo soo dhaweeyay diirran loogu sameeyay. Suldaanka waxaa duleedka koonfureed ee magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyay isimo, waxgarad, aqoonyahanno, ganacsato, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi Boosaaso. Suldaan Cabuud Cabdi Ismaaciil ayaa mudada uu ku suganyahay Boosaaso waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona bulshada magaalada sida hoggaanka dhaqanka waxgaradka iyo dhammaan qeybaha bulshada. Hoos ka daawo muuqaalka soo dhaweynta oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Cabuud Cabdi Ismaaciil Balbalaare oo soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  15. War Saxafadeed ka Soo Baxay Madaxtooyada Qasriga Madaxtooyada+Wuxu daaran yahay+Muqaal Halkan ka Daawo Muqaalka Warkan Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 20-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirrrada midawga Yurub iyo Sweden u qaabilsan dalka Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. staffan Tillander. Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, ayaa lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi la isagana kaashan lahaa arrimaha mandaqadda Geeska Afrika. Ugu danbayna waxa kulankaasi lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka foodda innagu soo haya ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan weftigani sheegeen inay diyaar u yihiin Somaliland taageeradeeda. Qaran News
  16. Jabuuti (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa halkaas ka wada xalinta khilaaf soo kala dhex galay qaar ka mid ah wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, kaas oo ka dhashay cida qabaneysa Madaxtinimada Urur goboleedka IGAD, kaddib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo fadhi u ah Ururka. Kulan Abiy iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhex maray dalka Jabuuti ayaa looga wada hadlay khilaafka ka taagan madaxtinimada IGAD kaasoo taagnaa muddooyinkii ugu dambeeyey. Waxaa kulankii ugu dambeeyey ee dhex maray Dowladaha IGAD la isla afgartay in Dowladda Kenya ay hoggaanka u qabato IGAD, isla markaasna xilka lagu wareejiyo Madaxweyne Kenyatta. Haddii Uhuru uu noqday hoggaamiyaha IGAD, waxaa meesha ka bixi doono xilka ay hadda Kenya ka heyso IGAD ee ah Xoghayaha Guud ee IGAD ee uu haayo Maxbuub Macalin oo ah Soomaali Kenyan. Xilka xoghayaha IGAD ayaa waxaa lagu wareeji doonaa nin u dhashay dalka Itoobiya maadaama ay Itoobiya weyneyso xilka Guddoomiyanimo. Soomaaliya ayaa horey u dalbatay inay hesho xilka xoghayaha IGAD, sidoo kalana dowladda Jabuuti ayaa ku qanacsaneyn inay Itoobiya iyo Kenya isku wareejiyaan xilka guddoomiyaha IGAD. Waxaa socdo loolan adag oo ka dhex bilowday qaar ka tirsan Dowladaha ku midoobay IGAD, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa isku dhinac ah halka Itoobiya iyo Kenya ay isla safan yihiin, waxaana la isku heystaa Dowladaha kala qaadan doono Guddoomiyaha iyo Xoghayaha IGAD. Sidoo kale, Kenya iyo Itoobiya ayaa doonaya in xilka doorasho lagu helo, halka Soomaaliya iyo Kenya ay doonayaan inuu noqdo wareegto. Soomaaliya ayaan weligeed taariikhda qaban xilka guddoomiyaha IGAD ama xoghayaha guud. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Sarkaal sare oo ka tirsan Kurdiyiinta dalka Suuriya ayaa sheegay inay ciidamadooda kala baxayaan oo ay dib u qaadayaan. Arintan ayaa ka dambaysay heshiis dawlada dalka Maraykanku ay miiska soo saartay oo dalka Turkiguna uu ogolaaday kadib markii dagaalkii ka socday magaalooyinka Waqooyiga dalka Suuriya ay barakiciyeen dad tiro badan. Redur Khalil, oo ah Sarkaal ka tirsan ciidamada Kurdish-ka ee Syrian Democratic Forces (SDF), ayaa sheegay in qorshahaasi lagaga daadguraynayo magaalada Ras al-Ain la qorsheeyey maanta oo Axad ah, waa hadii aan dib u dhac ku imanaye. Dagaalyahanada ugu badan ee ka kooban SDF ayaa ka yimid kooxda Kurdish ah ee (YPG) magacooda loo soo gaabiyo, taas oo dawlada Ankara ay u aqoonsan tahay koox Argagixiso oo gooni goosad doonaysa. Source
  18. Wasiirka Maaliyadda XFS, C/raxmaan Ducaale Beyle iyo ku simaha xoghayaha Lacagta Kenya Ukur Yatani ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah shacabka labada wadan, kadib kulan ay yeesheen marka uu soo dhammaaday midka sanadlaha ee hay’adda Lacagta IMF. Labada Mas’uul ayaa cod dheer ku sheegay in marbnaba wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin qaxooti Soomaaliyeed ee Kenya kiiska Badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in muhiim tahay in laga shaqeeyo xoojinta ganacsiga labada dal. Kenya oo ka mid ah wadamada dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika, ayaa waxay saldhig u tahay ururo badan oo gargaar siiya Soomaaliya. Tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka diblumaasiyadeed ee labada dal waxaa sii xumaanayey xiriirka labada dowladood, kaas oo uu uga sii kiiska Badda ee yaalla ICJ. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Wefti uu hoggaaminayo Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 20-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirrrada midawga Yurub iyo Sweden u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. staffan Tillander. Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, ayaa lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi la isagana kaashan lahaa arrimaha mandaqadda Geeska Afrika. Ugu danbayna waxa kulankaasi lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka foodda innagu soo haya ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan weftigani sheegeen inay diyaar u yihiin Somaliland taageeradeeda. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  20. Waxaa ka mid aheyd taallooyinka laga taagey magaalada Muqdisho midda halgamaa Axmed Gurey AUN oo ciidamadiisu ay ku dhowaadeen xuduudda Itoobiya ay la leedahay dalka Suudaan asagoo ka duuley nawaaxiga gobolka Awdal. Taallo halgamaa marka goob la surayo waxaan aheyn jiilasha koraya In halagamayaashaas ay ku dayasho u noqdaan wax ka baxsan oo macno ah oo ku jira ma garan karo, haddii ay taas tahay Halgamaa Axmed Gurey wuxuu halgankiisu salka ku hayey In dhulka Itoobiya la yiraahdo laga xoreeyo xabashadii gaalada aheyd. Haddaba waxaa halgankaas iska dhaxley jiilal badan waxaa ugu danbeeyey ururka ONLF oo u halgameyey kaliya Gobonimo gaarsiinta gobol ay xabashidu Xoog ku heysato oo laga yaabo waagaas intiisa badan inuu xor ahaa. Madaxwyne Farmaajo oo maanta taalladii Axmed Gurey oo bir ka samaysan qarash badanna ku baxey samaynteeda noo surey KM4, sow ma ahan ninkii xukuumaddiisu ay ku tilmaantay ururkii Gobonimo u dirarka ahaa (ONLF) ee dhaxalkii Axmed Gurey sii waday inuu yahay argagixiso oo illaa hadda xukuumaddiisu ay u aqoonsan tahay? sow ma ahan kii u gacan geliyey dawladda Ethiopia mid ka mid ah halgamayaashii saraakiishii sare ee Ururkaas waa C/kariim Qalbi Dhagax ayadoo laga dhoofiyey isla magaalada Muqdisho oo taalada Axmed Gurey laga taagey. Haddii uu Axmed Gurey noolaan lahaa asagoo halgankiisa sidii u sii wada sow asagoo indhaha ka xiran, jeebeysan, jirdil loo geystay, dadka Soomaaliyeed ka daba-qayliyaan looma gacan galiyeen kuwii uu la dirirayey, maxey macno samaynaysaa taallo dhagax ka samaysan oo meel la suro haddii ficilkaadu uu beeninayo taala-suridaada? Itoobiyadii halgamayaashaas ay hortaagnaayeen maantay ayada ayaa ciidankeedii dawlad goboleedyada loo adeegsanayaa, magaalooyinka qaarkoodna ay dad ku laynayaan, qaarna ay sigeen sida Jubaland oo ciidamo kumaandoos calooshood u shaqaystayaal Itoobiyaan ah la doonayey in loo adeegsado In ay soo jeebeeyaan madaxwyne Axmed Madoobe sidii ay u soo jeebeeyeen Mukhtaar Roobow. Madaxweynuhu wuxuu jiilasha Soomaaliyeed u dhigey cashar cinwaankiisu yahay “halgamaa waa dhiibis, ururkiisuna waa argagixiso, haddii loo baahdana Taallo waa suris”, waxaan Madaxweynaha kula talin lahaa inuu meel isku raaco, isma qabato halgamaa iyo halgankiisu waa xaaraan, taaladiisuna waa xalaal!! Haddii xaalku sidaas yahay taalooyinka xiga kuwaan hadda la taagay waa badda & Shidaalka Soomaaliya oo la xaraashay, madaxda dawladuna ay noo shidaan heesihii gobonimo doonka, xoogagga wadaniyiintuna ay sax weeye sax weeye sawaxan ah dhegaha nooga jabiyaan, qaaqlayaashiina ay dhalleeceeyaan ciddii arrimahaas ka hadasha! W/Q: Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Cadaalada Somaliland, waxaanu tilmaamay in hadalkaasi uu ahaa mid meel ka dhac ah oo aan haboonayn, waxaanu sheegay marar badan inay dhacday Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda inay hadalo gef ahi uu ka soo yeedhay, wax laga qabtayna aanay jirin. Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qoraal uu Xisbigoodu u gudbiyey Shir gudoonka Wakiilada, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlayay Wasiirka Cadaalada “Ciidamo inaga goostay halkii laga murugoon lahaa in wax yar oo fudud lagu tilmaamo oo la yidhaahdo waxay ahaayeen Ciidamo aynaan u baahnayn waa ayaan daro weyn, hore waxaynu u ogeyn wixii ku hadlaayey Taliyaha Ciidanka Qaranka, haddana Wasiirka Cadaalada wuxuu ku hadlaayey weynu arkaynay, talaabooyin laga qaadayna ma jiraan, cid wax ka qabatayna ma jirto, Madaxweyne ka damqaday ama raaligelina ka bixiyey ma jiro, markaas Wasiiradda iyo Masuuliyiinta xilalka umadda haya haddii ay khalad galaan, ama hadalo gef ahi ka soo yeedho waa in talaabo adag laga qaadaa, oo waajibkooda la mariyaa, balse raali ayaa lagala yahay qaabka ay u hadlayaan, haddii aan raali laga ahayna waa laga damqan lahaa waxay ku hadlayaan, oo Madaxweynuhu xilka ayuu ka qaadi lahaa, waxaana xaqiiqo ah in dadkii la rabay inay isku soo dhawaadaan, inay hadda sii kala durkayaan, oo la sii kala fogeynayo, oo la sii kala didinayo”. Mar uu ka hadlaayey qoraal ay Shir gudoonka Wakiilada ay Xisbi ahaan u gudbiyeen ayaa yidhi “Qoraal ayaanu u gudbinay Shir gudoonka, qoraalkaas oo aanu kaga hadlaayno xubnaha uu Madaxweynuhu magacaabay iyo qaabka aanu sharcigu raali uga ahayn, sababtoo ah Cabdirashiid Riyo –raac weynu ogeyn oo wuxuu ahaa XIsbiga Kulmiye oo olole ayuu u galay, waxaa kale oo aynu ognahay in Inantan uu ku soo daray Madaxweynuhu xubnahan uu magacaabay inay iyana Komishankii hore ka tirsanayd Komishankii horena waanu diidanayn, in la soo celiyo cid ka mid ahna waa sharci daro”. Dhanka kale Xisbiga UCID isna dhankiisa warqad qoraal ah ayuu u gudbiyey Sihr gudoonka Golaha Wakiilada, oo uu kaga cabanayo xubnaha uu Madaxweynuhu u gudbiyey Wakiilada. Source
  22. Xubnaha guddiga farsamada ee maamulka u sameynta Galmudug ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Guddiga oo ka kooban oo 13 xubnood ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay halkaasi kulamo ka bilaabaan, kuwaas oo xal loogu raadinayo Galmudug oo mid ah. Dhowaan ayey aheyd markii guddigan ay magacowday wasaaradda arrimaha gudahan, waxaana ka horyimid Ahlu Sunna, inkastoo ay haatan socdaan wadahadalllo hoose. View the full article