-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Xamse Cumar Kujoog oo ka mid ah dhalinyaradii qaban qaabinaysay tababar aqooneed uu magaalada Hargeysa ku qaban lahaa Sheekh Maxamed Idiris ayaa ka hadlay sababta loo joojiyay iyo cidda joojisay. Sheekh Maxamed Idiris, ayaa galabta ka dhoofay magaalada Hargeysa kadib markii xukuumadda Somaliland ka joojisay tababar aqooneed uu Hargeysa ku qaban lahaa, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici ayaa socdaal shaqo ugu baxay dalalka Khaliijka Carabta, sarafkaas oo uu ku marayo dalalka Kuwayt iyo Imaaraadka Carabta. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici, ayaa socdaalkiisa shaqo ee uu ku marayo dalalka Khaliijka waxaa uu ku horreeyay dalka Kuwayt. Waxaa kale oo uu safarkisa shaqo ku soo mari doonaa dalka Imaaraadka Carabta isagoo socdaalkiisa ku tegi doona Dubay iyo Abu Dubay. Md Saylici oo dorraad socdaal shaqo ugu baxay dibedda ayaa sheegay inuu soo mari doono wadamadda Kuwait, iyo Imaaraadka Carabta, sida Abu Dhabi & Dubai.. Fariin kooban oo Madaxweyne-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici uu ku baahiyey bartiisa Twitter ayuu ku sheegay, “Waxaan safar shaqo oo gaaban ku marayaa, Kuwait, Dubai iyo Abu Dhabi si aan u xoojino xidhiidhka walaaltinimo ee aynu la leenahay dalalka khaliijka.” Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa ah saaxiibo dhow & xulafo adag, oo ka wada shaqeeya kor u qaadida nabadda, amniga iyo horumarinta dhaqan- dhaqaale ee labada wadan Waxaana la filayaa in Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudada uu socdaalka shaqo ku marayo dalalka Khaliijka in uu kulamo kala duwan la yeesho madaxda dalalka Khaliijka isla markaana kulamadaa lagaga wada hadlo xidhiidhka Somaliland iyo dalalka Khaliijka iyo sii xoojintiisa. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa kaga hadlay dhacdadii Maanta lagu xayiray Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sheekh Shariif ayaa Maanta loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka DIyaaradaha ee Magaalada Muqdisho isagoo kusii jeediyey Kismaayo oo uu doonayo inuu kaga qeybgalo Xafladda Caleemka Saarka madaxweynaha mar labaad la doortay ee Axmed Madoobe. Xasan Sheekh Maxamuud oo arrintaan ka hadlayey ayaa sheegay inay 30 Sano qaadatay in gacanta lagu soo dhigo maamulitaanka hawada Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa arrin laga xumaado ku tilmaamay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya u adeegsado maamulitaanka Hawada Soomaaliya hub siyaasadeed. Wuxu sheegay inay arrintaas ka dhallan karto qatar ku aadan xasiloonida Siysaadeed iyo midnimada Soomaaliya. “Soomaaliya waxay 30 sano sugeysay inay hesho maamulka Hawada ” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Waa xaalad murugo leh in Dowladdu u isticmaasho Maareynta Hawada sidii hub siyaasadeed saameyn culus ku yeelan kara xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka” ayuu sii raaciyey. Wasiirka Amniga Dowladda Soomaaliya Ducaale oo ay isku Beel yihiin Sheekh Shariif ayaa gelinkii dambe ku booqday gurigiisa, wuxuuna ka raali geliyey falkii Maanta lagula kacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Boorama (Caasimada Online) ― Wararka aanu ka helayno magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in saddex caruur ah oo walaalo ahaa ay maanta kuwada geeriyoodeen magaaladaasi, kadib markii uu dab xoogani qabsaday guriga ay ka daganaayen magaalada Boorama. Dabkaasi ayaa galaaftay nolosha Caruurtan yar-yar, kuwaasi oo guriga keligood ku sugnaa xiliga ay dhacdadaasi naxdinta leh ee galaafatay naftoodu ay ku habsatay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen dad goobjoog ahaa. Saddexdan Caruur ah oo da’doodu u dhaxeyso 2-jir ilaa iyo 4-jir ayaa ku naf waayey dabkaasi qabsaday gurigooda oo ku yaalay xaafadaha Jarka ee magaalada Boorama, iyadoo sidoo kalena ay dhamaan ku shuf beelen agab iyo wixii hanti dhex-yaalay gurigaasi. Hooyada dashay Caruurtan ayaa waxa lagu soo waramayaa inay guriga ka maqneyd xiliga ay dhaceysay dhacdadaasi, iyadoona dusha kaga sii qufushay irida, xiligaasi oo ay u soo adeegsay caruurteeda oo dhamaantood hablo wada ahaa. Sida Caasimada Online loo xaqiijiyey, Meydadka caruurtan ayaa xili dambe laga soo saaray guriga ay ku dhex gubteen oo ahaa mid ka sameeysan ‘Jiingad’, iyadoona Meydadka labo kamid ah hablahaa yar-yar laga soo saaray iyaga oo isku dhagan, kadib markii ay isku kor gubteen. Hooyada dhashay Caruurtan ee dhacdadan naxdinta leh ku weyday Saddexdii Caruurta ahaa ee dunida ka fiirsaneysay, ayaa markii ay guriga ku soo laabatay waxa la arkayey iyadoo dhamaanba ay Xaaladeedu is-badeshay, isla markaana dhagax guriga hor-yaalay la dhaceysa laabteeda. Geesta kale, Ciidanka dab-damiska gobolka Awdal ayaa goobtaasi soo gaaray xili uu dhamaanba gurigaasi uu shuf beelay, oo dabkuna uu dhamaan Jiingada dhinac kasta madoobeeyay, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa. Ilaa iyo haddana si rasmi ah looma oga sababta dhabta ah ee ka dambeysay dabkaasi xoogan ee galaaftay nolosha Caruurtaasi yar-yar, balse waxa iyagu soo baxaya warar kale oo sheegaya in guriga ay dhex-taalay ‘Showlad’, isla markaana ay sababtay dabkaasi xoogan. Dhacdadan naxdinta leh ee ka dhacday Boorama, ayaa ku soo beegmaysa un muddo saddex cisho ka hor dhacdo lamid ah oo ka dhacday xaafad kamid xaafadaha Boorama oo uu sidan oo kale ku shuf beelay guri, inkasta oo dhacdadaasi aysan wax dad ahi waxyeelo ka soo gaarin. Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida ee Somaliland isla-markaana ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa sheegay in Jabhad cusub laga aasaasay Gobolka Awdal. Xildhibaanka oo Maanta ka hadlay Xarunta Golaha Guurtida oo ay ka socotay dood ku saabsan Nabadgalyada Dalka ayaa sheegay in Toddobaadkii hore markii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Safarka ugu sii jeeday Magaalada Borama oo uu kaga qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta ee ka dhacday Jaamacadda Camuud ay halkaa timid Jabhad laga sameeyay Awdal, balse ay Ciidammada qaar ka mid ah qabqabteen illaa haddana ay xidhan yihiin, sidaasi darteedna wuxuu soo jeediyey in wax laga qabto arrintaasi, siyaasadda guud ee Gobolka Awdal-na dib loo eego. “Anigu waxaan ka imid Gobolka Awdal, Gobolka Awdal waxa ka jira dhibaatooyin badan, dhibaatooyinkaa waxa ka mid ah, waakii Madaxweynuhu noo yimid, Qolo Jabhad ah oo la keenay waanu ka kaxaynay meeshii, waxna waanu ka qabanay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray Xildhibaanku oo uu soo jeediyey “Laakiin, weli may hadhin Xanaftii, qaar baa xidhan baa la leeyahay intaan ka soo maqnaa, markaa sida kale Nabad-bay u ahayd (Gobolka Awdal), laakiin mar kasta xagga galbeedka ayay wax ka imanayaan, markaa in Tallaabo laga qaado ayaa fiican Gobolka..” Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre wuxuu sheegay in siyaasadda Dadka reer Awdal qaarkood ay wadaan ay wax yeelayso Dalka guud ahaan, sidaasi darteedna loo baahan yahay in wax laga qabto “Siyaasadda Awdal, Dadka qaarkii waxay wadaan Dalka ayay waxyeelaysaa, markaa waa in wax laga qabto..” ayuu yidhi. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Boorama)-Saddex Carruur ah oo ka ugu weyni ahaa 10 sano jir ayaa ku dhintay Dab ka kacay Gurigooda oo ku yaallay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal. Saddexda Carruurta ah oo dhammaantood ahaa Hablo ayaa ku dhex shuf-beelay Gurigooda oo ahaa Sandaqad laba Maqsin ah, sida uu sheegay Taliyaha Saldhiga dhexe ee Magaalada Boorama, Muuse Cabdillaahi Hanfi. Taliyaha Saldhigga dhexe ee Magaalada Boorama oo faahfaahinaya Geeridan naxdinta leh eek u timid Saddexda Carruur ah oo Xilliga dabku kacay Guriga ku jiray, ayaa yidhi “Waxa gubtay guri ku yaalla Xaafadda Jarka oo ay ku jireen Saddex yar yar oo Carruur ah, Saddexda Carruurta ay oo ay u waynayd mid 10 jir ahi way ku gubteen, halkaas ayay ku bas beeleed, Meydkoodiina waanu soo qaadnay, Cisbitaalka ayaanu dhignay, baadhistiina way socotaa..” Taliyuhu wuxuu in Allaah uu iimaankooda u sugo ugu duceeyay Waalidiinta dhalay Carruurtan “Allaah ha u naxariisto, Waalidkoodiina Allaah Samir iyo iimaan haka siiyo oo Iimaankooda ha u sugo..” ayuu yidhi. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda naga soo gaaray guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegaya in halkaas ay tageen wafdi ka socda dowladda oo uu hoggaaminayo wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale. Wafidgan ayaa ka codsaday Shariif Sheekh Axmed inuusan warbaahinta kala hadlin xayiraaddii maanta laga saaray inuu u safro magaalada Kismaayo, si uu uga qeyb-galo caleemo-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. Shariif ayaa goor sii horreysay u yeeray warbaahinta, waxaana la filayey inuu qabto shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo wixii maanta dhacay. Ducaale, oo ku beel ah Shriif, iyo xubno la socda ayaa madaxweynihii hore ka codsaya in la xalinayo wixii maanta dhacay islamarkaana uusan hadlin inta ka horreysa, ayaga oo ka cabsi qaba in hadalkiisa uu dhalin karo xiisad cusub. Ducaale iyo xubnaha la socda ayaa u sheegay Shariif in amarka laga joojiyey diyaaraddiisa ay ahayd mid aysan dowladda oo dhan isku raacsan tahay, islamarkaana ay baarayaan cidda bixisay. Waxaa hadda la filayaa in warbaahinta uu la hadlo guddoomiyaha xisbiga Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran, ayada oo Shariifna laga yaabo inuu hadlo kadib marka ay dhammaadaan wada-hadallada uu la leeyahay dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Guddi u saaray inay ka soo Talo-bixiyaan xaaladaha Amni-xumo ee ka soo kordhay Gobollada Awdal, Selel iyo Sanaag. Xaaladaha ka soo kordhay Gobollada Awdal iyo Selel ayaa waxa ka mid ah Jabhad la sheegay in laga aasaasay Gobolka Awdal iyo Murano dhuleed oo ka taagan Gobolka Selel, kaasi oo u dhexeeya Bulshada ku wada dhaqan Gobollada Awdal iyo Selel, halka Gobolka Sanaagna ay ka taagan tahay Colaad aan dhammaad lahayn oo u dhaxaysa laba beelood oo wada dega Degmada Ceel Af-weyn. Arrimahan oo dhammaantood lid ku ah Amniga guud ee Qaranka Somaliland ayaa Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu u saaray Guddi ka kooban Lix xubnood oo ah Guddoomiyeyaasha Guddi hoosaasyada Golaha Guurtida. Guddoomiyaha Guurtida oo Guddigaa ku dhawaaqaya ayaa yidhi “Labada Gobol ee la tilmaamayo (ayaan Guddi u saaray), Xoghaynta iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Odayaasha (Waxaan leeyahay) bal arrintaa soo ururrinteeda isugu taga, wixii Talo ah ee aad kala soo bixi kartaana soo jeediya oo ku soo dhakhsada yaynaan Kal-fadhiga la sugine, 7 Cisho idinku filan..” Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland waxa kale oo uu sheegay “Xildhibaan Nuur wuxuu yidhi kuma Filin Awdal ee ha lana xoojiyo, markaa waynu xoojin, markaa Guddiga aanu saarnay taanna ha ku soo darsato Talada (Jabhadda la sheegay in Awdal laga aasaasay)..” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa xaqiijiyey in Dawlad ahaan ay joojiyeen Tababbar ku saabsanaa Xidhiidhka Lamaanaha is-qaba, kaasi oo Sheekha Caanka ah ee Maxamed Idiris doonayey inuu ku qabto Magaalada Hargeysa. Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Ma Jirto wax Muxaadarro ah oo aanu joojinay, laakiin wax loogu yeedhay Tababbar ayaanu Anagu joojinay, Tababbarro aanay Dawladdu ogayna in laga furo Magaalada ma haboona, Qofna doonaya inuu Cid tababbar u furo waa inuu soo maraa laamaha Dawladda ee ay khusayso..” Tababbarkan Sheekhu doonayey inuu Hargeysa ku qabto ayaa lagu geli lahaa lacag dhan 10 dollar, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Karaash ayaa maanta tababar usoo xiray 250 askari oo katirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland. Axmed Karaash ayaa xaflada ciidamadaan tababarka loogusoo xirayay ka sheegay inay dowladda Puntland yeelatay ciidamo awood buuxda uleh inay soo celiyaan dhulka Puntland ka maqan. Waxaa madaxweyne ku xigeenku faray taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland in uu si deg deg ah u diyaariyo xeryihii loogu talo galay tayaynta iyo tababarka ciidamada qalabka sida ee Puntland. The post Axmed Karaash: Puntland waxay yeelatay ciidamo soo celin kara dhulka maqan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa inuu goor-dhow ka hadlo xayiraaddii maanta ay saartay dowladda Soomaaliya ee diyaarad uu u raaci lahaa Kismaayo loogu diiday inay ka dhoofto muqdisho. Sheekh Shariif ayaa isugu yeeray warbaahinta waxaana la filayaa inuu qabto shir jaraa’id oo uu arrintaas kaga hadlayo. Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho ka socda qaban qaabada kulan deg deg ah oo ay yeelanayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo qaar ka tirsan asxaabta siyaasadda. Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Xisbiyada siyaasadda ay gurigiisa ku booqdaan Shiikh Shariif oo Maanta la saaray xayiraad ku aadan inuu aado Magaalada Kismaayo. Kulankaan dhici doono ayaa la filayaa in madaxweynayaashii hore iyo Xisbiyada Siyaasadda ay uga hadlaan Xaaladda uu dalka hadda ku jiro iyo caburinta ay Dowladda Federaalka ku heyso Siyaasiyiinta kasoo horjeedo. Is wareysi kadib kulankaan ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku aadan qaabkii Maanta loola dhaqmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa soo saartay amar ah in Shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor. Hay’adda ayaa ka dalbatay Diyaaraddaha aadaya Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar aanu helayno ayaa sheegaya in gacanta lagu soo dhigay oo xabsigana loo taxaabay xubno kamid ah Jabhadii dhowaan ka dilaacday deegaanada Dilla ee gobolka Awdal. Xubnahaasi ayaa waxa xabsiga loo taxaabay xili ay isku dayayeen in ay weeraraan Mas’uulka ugu sarreeya Somaliland, oo ah Madaxweyne Muuse Biixi, sida uu sheegay Xildhibaan Nuur Rayaale oo kamid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland. Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre oo ka hadlayey xarunta golaha guurtida oo ay ka socotay dood ku saabsan nabad-galyada ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada Biixi uu hogaamiyo ay ku guuleysatay inay gacanta ku soo dhigto xubno ka tirsan Jabhadaasi. Xildhibaanka ayaa waxa kale oo uu soo jeediyey in Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Biixi ay si deg-deg ah uga howl-gasho Jabhadaasi, isla markaana ay gacan bir ah ku qabato, wuxuuna yiri “Anigu waxaan ka imid gobolka Awdal, gobolka Awdal waxa ka jira dhibaatooyin badan, dhibaatooyinkaa waxa ka mid ah, waakii Madaxweynuhu noo yimid, qolo Jabhad ah oo la keenay waanu ka kaxaynay meeshii, waxna waanu ka qabanay”. “Weli may hadhin Xanaftii, qaar baa xidhan baa la leeyahay intaan ka soo maqnaa, markaa sida kale Nabad-bay u ahayd [gobolka Awdal], laakiin mar kasta xagga galbeedka ayay wax ka imanayaan, markaa in tallaabo laga qaado ayaa fiican Gobolka”. Wuxuuna Intaas kusii daray “Siyaasadda Awdal, dadka qaarkii waxay wadaan dalka ayay waxyeelaysaa, markaa waa in wax laga qabto”. Xildhibaan Nuur ayaa ugu dambeyntii wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahanyahay in wax laga qabto siyaasad guracan oo uu sheegay in ay wadaan dadka reer Awdal qaarkood, isla markaana waxyeelo gaarsiin karta nabada Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Jalalaqsi (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay isaga baxeen degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi. Sida ay sheegeen dadka deegaanka ciidamadaasi ayaa isaga baxay saldhigyada ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi. Lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamada Jabuuti ay dib uga soo baxeen Jalalaqsi, balse goobaha ay baneeyeen ayaa waxaa la wareegay ciidamada dowladda. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan arrintaasi. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xayiraaddii DFS ay maanta kusoo rogtay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee dalka xilli isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ku wajahnaayeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, waxaa gabi ahaamba la joojiyey safarkii Sheekh Shariif iyadoo diyaaraddii u qaadi lahayd Kismaayo iyana laga baajiyey safarkeeda. Inkastoo aan weli la ogeyn ammarka lagu joojiyey socdaalkii Sheekh Shariif ee magaalada Kismaayo cidda bixisay, ayaa hadane waxaa la sheegayaa in diyaaradda lagu wargeliyey inaanay qaadi karin wafdigan uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee dalka. Hadaba, maamulka Jubbaland ayaa isna wuxuu faray diyaaraddan in aanay imaan karin Kismaayo haddii aanu la socon Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dedaal badan oo la sameeyey kadib, waxaa fashilmay in Sheekh Shariif uu u baxo magaalada Kismaayo, safarkana wuxuu noqday mid baaqday. Dowladda federaalka Soomaaliya weli kama aanay hadal arrintan, hase ahaatee tani ayaa daba socota xayiraadda dowladda ay kusoo rogtay duulimaadyada Kismaayo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo qorsheenayey inay weeraro ka geystaan gudaha Dalkaas. Hey’adda Sirdoonka dalka Itoobiya ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay gacanta ku dhigtay raggaan oo qorsheenayey inay weeraro ka fuliyaan dhawr meel oo ku yaal gudaha Itoobiya, waxayna sheegtay in meelaha la weerari rabay ay kamid yihiin Hoteelo. ” Xubnaha gacanta lagu dhigay ee Al-Shabaab ka tirsanaa waxay qorsheenayeen inay weeraro ka geystaan Itoobiya, gaar ahaan Hoteelada iyo meelaha isku soo baxyada Diimaha ee Magaalada Addis Ababa” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday Hey’adda Sirdoonka Itoobiya. Xubnaha la qabtay ayaa waxaa ku jiro nin lagu sheegay inuu ahaa Hoggaamiyaha kooxdaan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi. Dowladda Jabuuti ayaa gacan weyn ka geysatay soo qabashada raggaan ka tirsan Al-Shabaab sida lagu sheegay warbixinta, waxaana laga soo kala qabtay Addis Ababa, Ismaamulka Oromada iyo Gobolka Soomaalida. Dowladda Itoobiya ayaa dhawr jeer fashilisay isku dayo ay Kooxda Al-Shabaab ku dooneysay inay weeraro kaga fulisi gudaha Itoobiya. Kooxda Al-Shabaab ayaa saameyn xoog leh ku yeelatay wadamada dariska la ah Soomaaliya oo ay ciidamadooda qeyb ka yihiin Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. Wadamada ay ku guuleysatay inay weeraro ka geysato ayaa waxaa kamid ah dalka Kenya oo ay hadda awood badan ku leeyihiin Kooxdaan ka dhisan Soomaaliya ee dagaalka lagu jirto Dowladda Federaalka iyo Ciidamada AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ugu yaraan sideed askari oo katirsanaa ciidamada dowladda federalka Soomaaliya, ayaa lagu dilay kuwo kale way ku dhaawacmeen kadib markii dagaalamayaal katirsan kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamadaas ku lahaayeen gobolka Shabelleda hoose. Saldhiga weerarka lagu qaaday oo lagu magacaabaa El-Saliini, ayaa kuyaala meel ku dhow magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellad hoose. Sarkaal katirsan ciidamada amniga oo lagu magacaabo Adow Moalim Mohamed, ayaa xaqiijiyay dhimashada sideeda askari iyo dhaawaca tiro intaas kasii badan, kadib markii uu qadka taleefonka ugu waramay wakaalada caalamiga ah. “Rag hubaysan oo Shabaab ah ayaa soo weeraray saldhigeenna, kadibna waxaan isdhaafnay is rasaasayn culus. Dhinaceena waxaa nooga dhintay 8 Askari, dhaawacna waa jiraa. sidoo kale dhankooda waxaan ka dilnay kuwo intaas ka badan,” ayuu yidhi sarkaalkaan. Wararku waxay sheegayaa inay Alshabaab la wareegeen saldhiga ay weerareen, waxayna bartooda internetka kusoo daabaceen inay iyagu masuul ka ahaayeen weerarkaas. Puntland Post The post Alshabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ciidan oo kuyiilay naxaawiga Marka. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) –War ka soo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ee SCAA ayaa lagu amray in diyaaradaha aadaya Kismaayo ay soo codsadaan fasax markii ay doonayaan inay ka degaan garoonka diyaaradaha ee gudaha magaaladaasi. Qoraalka hay’adda ayaa lagu sheegay in shirkadaha diyaaradaha laga rabo in 24-tan saac ka hor ay soo dalbadaan fasax ah inay aadi karaan garoonkaasi. Sidoo kale warka ka soo baxay SCAA ayaa intaasi ku daraya in hay’addu soo saartay Foom fasax ah oo laga buuxinayo diyaaradaha aadaya magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose. Dhowaan ayey aheyd markii dowladda federaalka Soomaaliya ay martay in diyaaradaha aadaya magaaladaasi ay soo maraan magaalada Muqdisho, si loo hubiyo. View the full article