Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Fanaanadda weyn rr Maryan Mursal Ciise oo dhawaaan socdaal ku timid Hargeysa ayaa la dhigay cusbitaal ku yaalla magalada, iyadoo imika xaaladeedda caafimaad ay fiican tahay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay dagaalyahanno cusub oo tababar ku qaadanaya dhulka buuraleyda Galgala ee gobolka Bari. Dagaalyahannadan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib ayey Daacish sheegtay inay ka mid noqonayaan ciidankooda ka dagaalama gudaha Soomaaliya. Sawirrada laga soo qaaday dagaalyahannadan oo uu afka u duuban yahay ayaa muujinaya, iyaga oo tababar ku qaadanaya mid ka mid ah xeryaha Kooxda Daacish oo lagu magacaabo Daa’uud Al-Soomaali, taas oo loogu magac daray tababare horay loo dilay. Daacish ma shaacin tirada dagaalyahannadan tababarka ku qaadanaya dhulka buuraleyda ee Puntland, marka laga reebo inay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ay wado. Dhowaan Mareykanka ayaa shaaciyey inay sare u kacday awooda kooxdan oo inta badan weeraro xoogan ka fulisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  3. (SLT-Muqdisho)-War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Duulista Hawada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu hakiyay duulimaadyadii tooska ahaa ee Magaalada Kismaayo ee Caasimadda maamulka Jubbaland. Hay’adda Duulista Hawada dowladda Soomaaliya ayaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha ku amartay in muddo saddex maalmood ah la hakiyay duulimaadyadii Magaalada Kismaayo, isla markaana dib loo fasaxyo markii waqtigaas la qabtay uu dhammaado. Sidoo kale mudada la hakiyay dhammaan duulimaadyadii Kismaayo ayaa ka bilaabaneysa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 23-ka bisha September 2019, waxaana ay ku egtahay 26-ka bishaan, waxaana mudadaas la shaaciyay in wax duulimaadka ka degi karin Kismaayo. Si kastaba Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ka dhacdo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland, hayeeshee tallaabada ay qaaday dowladda ayaa u muuqata mid lagu joojinayo tegi Kismaayo Wafduuda kala duwan ee ka qeyb galeysa Xaflada Caleemo-saarka Axmed Madoobe. Source
  4. Maamulka hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa soo saaray ammar lagu hakinayo duulimaadyadii Kismaayo, muddo Saddex cisho ah. Qaar ka mid ah shirkadaha duulimaadyada oo la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeen in hay’adda ay ka heleen warqad loogu sheegayo in 23-ka illaa 26-ka bishan aanay wax duulimaad ah ka degi karin kana soo bixi karin magaalada Kismaayo. Marka ay dhammaato mudadan ayaa loo sheegay shirkadaha in la fasixi doono, balse wixii ammar ah ay qaataan. Inakastoo aanay hay’addu sheegin sababta ay duulimaadyadan u joojisay ayaa hadane waxay la xiriirtaa caleema saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Shalay ayeey ahayd markii ay DFS xayiraad saartay madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, xilli uu doonayey inuu u safro magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la hakiyay diyaaradaha aada iyo kuwa ka yimaada garoonka diyaaaradaha magaalada Ksimaayo ee xarunta ku meel gaarka ah Jubbaland. Go’aanka ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo taariikhdu thay 23 September ilaa 26 September la hakiyay duulimaadyadii Kismaayo, wixii taariikhadaas ka dambeeyana dib loo fasixi doono. Lama sheegin sababta loo hakiyay duulimaadyada magaalada Kismaayo, balse waxay ku soo aadaysaa iyadoo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe lagu wado in la caleemo-saaro 26 bishan September. Hay’adda Duulista Soomaaliya ayaa 29 bishii la soo dhaafay ee Agoosto amar ku bixisay in diyaaradaha ka dhoofaya iyo kuwa ka degaya garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ay soo maraan magaalada Muqdisho. Shalay ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya laga joojiyay safar hawada ah oo uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo, waxaana go’aankaas cambaareeyey qaar kamid ah dowlad gobaleedyada iyo xisbiyada siyaaasadda. Dowladda Federaalaka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in aysan aqoon sanayn doorashadii Jubbaland ee lagu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo hakisay duulimaadyadii Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  6. New York (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada New york ee dalka Maraykanka,halkasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada New york kaga qaybgalaya shirka sanad laha ah golaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa. meertadiisa 74-aad ee ,kaasi oo looga hadlayo arrimo badan oo quseeya Caalamka,waana Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxda ka qaybgalaysa shirkaasi uga warbixindoona arrimaha Soomaaliya,iyo guud ahaan horumarka ay ku talaabsanayso Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu kulammo doceedyo gooni gooni ah la yeelan doonaa madaxda ka qaybgalaysa shirkaasi,si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka Soomaaliya uu kala dhaxeeyo dowladaha kale ee dunida oo hoggaamiyaashooda shirkaasi ka qaybgalaya. View the full article
  7. (SLT-Hindiya)-Maxkamad qaadda kiisaska la xidhiidha gaadiidka tareennada ayaa diyaarisay dacwad ka dhan ah Atooraha shirkadda Bollywood-ka ee siyaasiga isku baddalay, Sunny Deol iyo atariishada caanka ah ee lagu magacaabo Karisma Kapoor, sida ay shaaciyeen Wargeyska Hindustan Times, telefishinka NDTV, iyo warbaahinta kale ee dalka Hindiya. Labada jilaa ee sida weyn looga yaqaanno Hindiya iyo guud ahaan dunidaba ayaa loo maxkamadeyn doonaa eedeyn ku saabsan in iyagoo filim jilaya ay bixiyeen mid ka mid ah biraha silsiladda ah ee uu tareenka ku socdo, muddo ka badan 20 sanno ka hor. Falka lagu eedeynayo inay sameeyeen ayaa halis galin karay habsami u socodka tareenka, oo ay dad badan ku safraan, hase yeeshee wuxuu sababay in mid ka mid ah tareennada la hakiyo muddo 25 daqiiqo ah. Dacwad oogeyaaha ayaa sheegay in Atooraha iyo Atariishadu ay si sharci-darro ah u sameeyeen ficilkaas, mar laga duubayay filim ay sameeyeen sanadkii 1997-kii. Sunny Deol iyo Karisma Kapoor ayaa isku dayay inay sameeyaan loollan kiiskaas lagu hakinayo maalintii Arbacada, sida uu sheegay AK Jain, oo hoggaaminaya qareennada u doodaya labada jilaa. Qareennada ayaa sheegay in dacwaddan markii ugu horreysay la sameeyay sanadkii 2009-kii, markaasoo labada jilaa ay loollan ku galiyeen kulan maxkamadda ay sameysay bishii Abriil ee sanadkii 2010-kii. Hase yeeshee maxkamadda ayaa mar kale kiiskan diyaarisay 17-kii bishan Sitembar, 2019-ka, sida uu sheegay Mr Jain. Marka laga soo tago Sunny Deol iyo Karisma Kapoor, waxaa eedeyntaas sidoo kale loo jeediyay , stuntman Tinu Verma iyo Satish Shah, balse ma aysan isku dayin inay kiiska hakiyaan sanadkii 2010-kii. Maxkamadda ayaa xilliga xiga ee kiiskan la dhageysanayo ka dhigtay 24-ka bishan Sitembar. Sannadkii 1997-kii, marka ay arrintan dhaceysay, Sunny Deol, Karisma Kapoor iyo shaqaalaha kale ee Bollywood-ka ayaa ku howlanaa jilista filimka lagu magacaabo ”Bajrang”, waxayna ku sugnaayeen tuulada Sanvarda oo ka tirsan degmada Ajmer ee gobolka Rajasthan. Source
  8. (SLT-New York)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa gaadhay magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir sannadeedka Golaha Guud ee loo dhan yahay Qaramada Midoobey. Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo sii maray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Amb. Abuukar Baalle. Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Mareykanka ayaa noqonaya kii u horreeyay ee uu ku tago dalkaas, isagoo Madaxweyne ah, waxaana bil ka hor uu Madaxweyne Farmaajo iska wareejiyay baasaboorkii dalka Mareykanka oo uu ka tanaasulay. Source
  9. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku tumaneyso dastuurka KMG ee dalka u yaalla. Waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay go’aankii dowladda ee lagu horistaagay safarkii Kismaayo ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. “Waxaan si xooggan u cambaareynayaa xayiraadda safar ee loo geystay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmad, wafdigiisa iyo shacabkii maanta Kismaayo u dhoofayey. Sheekh Shariif wuxuu halgankiisa siyaasadeed ka soo billawday soo deynta wiil ardaydiisa ka mid ah oo xorriyaddiisa laga qaaday, maantana waxay joogtaa in isaga xorriyadda socodka laga qaado” “Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 21-aad ayaa dammaanad qaadaya xorriyadda Isu-socodka. Dowladnimo dastuur ayey ku dhisan tahay, ku tumashada dastuurkana waa khiyaano qaran. Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre amarkooda ayaa lagu laayey shacabkii Baydhabo, doorasho ay AMISOM tartamayaashii qaarkood xabsiga dhigtay, dadkii ka dhiidhayeyna laysay ayuu Farmaajo caleema saarkeedii cammirtay” C/raxmaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dalka kaligood ma laha, Dastuurkana kama wayna, haddiise ay u qaateen in dulqaadku yahay daciiftinimo, is-xakamayntu tahay itaal yari, tanaasulkana yahay taagdarri, dhabtii wadada ay ku soctaan waa mid horay ka xiran” “Maadaama iyadoo dastuurkii lagu tumanayo, heshiiskii bulsho ee nabadda jilicsan ee dalkeena lagu ilaalinayey, la burinayo, daandaansi kasta oo dhiilo iyo colaad horseedi kara lagu kacayo , lana ogyahay muruqa iyo awoodda lagu dangiigana ay kan AMISOM yahay, ayna waxa dhacaya ka aamusan tahay, eedda AMISOM ayaa leh, iyadaana ka masuul ah wixii dalkaa ka dhaca” Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay waxay hor istaagtay safar uu madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ku aadi lahaa magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose, halkaasi oo uu kaga qeybgali lahaa munaasabadda caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday in muddo saddex maalin ah la joojiyey dhammaan duulimaadyadii tagi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Maamulka hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa shaaciyey in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka September, illaa 26-ka bishan la hakiyey dhammaan diyaaradaha tegaya ama ka imaanaya magaaladaasi. Sidoo kale hay’adda ayaa go’aankan ku war gelisay shirkadaha duulimaadyada dalka, gaar ahaan kuwa isticmaala garoonka magaalada Kismaayo. Arrintan ayaa waxa ay dowladdu kaga gol leedahay, sidii ay u baajijn laheyd mas’uuliyiinta ka qeyb galaya xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe. Dowladda dhexe ayaa gabi ahaan ka hortimid doorashadii dib loogu doortay Madaxweynaha Jubbaland, taas oo dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi. Maalintii shalay ayey aheyd markii dowladda dhexe wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay uu diiday inay uu duulaan dhanka magaalada Kismaayo. Sheekh Shariif ayaa u jeedkiisu wuxuu ahaan inuu ka qeyb galo xafladda caleema saarka ee Madaxwweynaha dowlad goboleedka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa si kulul uga hadashay falkii shalay garoonka Aadan Cadde loogu xanibay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee dalka, isaga oo ku wajahnaa magaalada Kismaayo. Waxa ay sheegtay Jubbaland in dowladda ay ku xadgudubtay dastuurka KMG ee dalka u yaalla, qodobka 21-aad farqadiisa 1-aad iyo 2-aad oo sheegaya in muwaadinka Soomaaliyeed xaq u leeyahay in si xornimo ah ugu safro gobollada dalka meesha uu ka doono. Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda ay cid walbo oo Jubbaland ah si gaar ah culeys u saartay, taasi oo ka dhigan iney dadka maamulkaasi kasoo jeeda noqdaan kuwo dhibane u ah DFS waa sida ay hadalka u dhigeenne. Shariif Sheekh Axmed ayaa loo diiday inuu u safro magaalada Kismaayo si uu uga qeybgalo caleema saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Xisbiga Himilo qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa war kasoo saaray xayiraaddii shalay lagu sameeyey hoggaamiyahooda xilli uu shalay ku wajahnaa magaalada Kismaayo. War-saxaafadeed kasoo baxay xisbigan ayaa lagu sheegay in xukuumadda uga digayaan iney sii waddo go’doominta iyo faragelinta ay ku hayso dowlad goboleedyada. Sidoo kale, xisbiga ayaa sheegay in fal aad u xun uu ahaa go’aankii shalay lagu hor istaagay Sheekh Shariif iyo sidoo kale wefdigii la socday. Falkii shalay lagu celiyey Sheekh Shariif ayuu sheegay xisbigu inuu ka hor imaanayo qodobka 10-aad, farqaddiisa 2aad iyo 3aad ee Dastuurka KMG ah dalka u yaalla. Ugu dambeyn, xisbigan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya, iney ka waantowdo falalka lagu caburinayo dowlad goboleedyada gaar ahaan Jubbaland, sidoo kalena muwaadinka Soomaaliyeed xaq u leeyahay inuu u safro meel walbo oo dalka uu ka doonayo. DFS ayaa shalay hor istaagtay diyaarad uu garoonka Aadan Cadde ka raaci lahaa madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, isaga oo kusii jeeday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Afgooye (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro madaafiic ah oo xalay ciidamada dowladda, kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ay isku weydaarsadeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka ayaa yimid, kaidb markii ay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay hoobiyeyaal la beegsadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku lee yihiin degmada Awdheegle iyo deegaanka Lambar Lixdan ee gobolkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada huwanta ay madaafiic ugu jawaabeen weerarkaasi, kuwaasoo lagu garaacay deegaanada Mubaarak iyo Daaru Salaam. Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay madaafiicdaasi, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ya xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan weeraradaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana ciidamada Milatariga Soomaaliya ay howlgallo ka bilaabeen inta u dhaxeysa degmooyinka Marka iyo Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose. View the full article
  14. Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada New york ee dalka Maraykanka,halkasi oo lagu soo dhaweeyay. Madaxweynaha ayaa magaalada New york kaga qaybgalaya shirka sanad laha ah golaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa. meertadiisa 74-aad ee ,kaasi oo looga hadlayo arrimo badan oo quseeya Caalamka,waana Farmaajo ayaa madaxda ka qaybgalaysa shirkaasi uga warbixindoona arrimaha Soomaaliya,iyo guud ahaan horumarka ay ku talaabsanayso Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu kulammo doceedyo la yeelan doonaa madaxda ka qaybgalaysa shirkaasi,si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka Soomaaliya uu kala dhaxeeyo dowladaha kale ee dunida oo hoggaamiyaashooda shirkaasi ka qaybgalaya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. In photos released online yesterday, the Islamic State showed fighters within its Somali branch training in a makeshift camp in Somalia’s northern Puntland region. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadlay is hortaagii lagu sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed oo shalay laga celiyey, isagoo ku sii jeeda Kismaayo, si uu uga qeyb galo xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay inuu si xoogan u cambaareynayo sida loola dhaqmay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu sheegay in halgankiisa uu ka soo billowday soo deynta wiil ardaydiisa ka mid ah oo xorriyaddiisa laga qaaday, islamarkaana ay maanta joogto in isagii xorriyadda socodka laga qaado, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in wixii dalka ka dhaca ay masuuliyadooda qaadeyso AMISOM, maadaama ay ka aamusan tahay waxa dhacaya, iyadoo la adeegsanayo awoodeeda. Halkan hoose ka aqriso: Waxaan si xooggan u cambaareynayaa xayiraadda safar ee loo geystay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmad, wafdigiisa iyo shacabkii maanta Kismaayo u dhoofayey. Sheekh Shariif wuxuu halgankiisa siyaasadeed ka soo billawday soo deynta wiil ardaydiisa ka mid ah oo xorriyaddiisa laga qaaday, maantana waxay joogtaa in isaga xorriyadda socodka laga qaado. Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 21-aad ayaa dammaanad qaadaya xorriyadda Isu-socodka. Dowladnimo dastuur ayey ku dhisan tahay, ku tumashada dastuurkana waa khiyaano qaran. Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre amarkooda ayaa lagu laayey shacabkii Baydhabo, doorasho ay AMISOM tartamayaashii qaarkood xabsiga dhigtay, dadkii ka dhiidhayeyna laysay ayuu Farmaajo caleema saarkeedii cammirtay. Dalka kaligood ma laha, Dastuurkana kama wayna, haddiise ay u qaateen in dulqaadku yahay daciiftinimo, is-xakamayntu tahay itaal yari, tanaasulkana yahay taagdarri, dhabtii waddada ay ku socdaan waa mid horay ka xiran. Maadaama iyadoo dastuurkii lagu tumanayo, heshiiskii bulsho ee nabadda jilicsan ee dalkeena lagu ilaalinayey, la burinayo, daandaansi kasta oo dhiilo iyo colaad horseedi kara lagu kacayo , lana ogyahay muruqa iyo awoodda lagu dangiigana ay l kan AMISOM yahay, ayna waxa dhacaya ka aamusan tahay, eedda AMISOM ayaan leh, iyadaana ka masuul ah wixii dalkaa ka dhaca. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi oo ah guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa faah faahin ka bixiyey sida loo hakiyey diyaaraddii siday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taas oo ku sii jeeday magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ugu horreyn Saleebaan ayaa sheegay inay ka soo ambabaxeen wafdiga uu hoggaaminayey Sheekh Shariif oo uu isagu ka mid ahaa dalka Turkiga, islamarkaana ay Taransit ku ahaayeen garoonka Muqdisho, iygagoo ku socda magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in diyaaraddu ay aheyd mid sida shacab, islamarkaana marka ay soo caga dhigatay garoonka Aadan Cadde lagu war galiyey in aysan uu duuli karin Kismaayo, kadib amar ka soo baxay xukuumadda Somalia. Ujeedka socdaalkooda ayuu ku sheegay inuu la xariiray ka qeyb galka xafladda caleema saarka ee Madaxweynaha dib loo doortay Axmed Madoobe iyo sidii ay u xalin lahaayeen khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Khilaafka Jubbaland iyo dowladda dhexe ayaa ka dhashay doorashadii Kismaayo, taas oo ay qaadacday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-23092019-sbx.mp3 View the full article
  19. Muqdosho (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa wali wadda dadaalka ay ugu jirto sidii ay ku hanan lahayd matalaadda Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii dhawaan loollan ay taageerada midowga Afrika ku raadineysay ay Kenya uga guuleysatay. Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti ayaa sheegay in Kenya aan lagu aamini karin kursiga ay u tartamayso ee golaha ammaanka, maadaama sida uu yiri uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Soomaaliya. Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xiriirta musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi. “Jabuuti waxa aay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yiri wasiirka. Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya. “Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay in Kenya an lagu aamni karin amniga gobolka. “Waxa aan qabaa dal sidaas khatar u ah ma ilaalin karo danaha gobolka iyo qaarada iyo nabada guud, haddii u khilaafka si fogaadana waxa uu saamayn karaa labada dal iyo gobolkaba”. Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay xukuumadda Nairobi, oo ay arrintan uga jawaabeyso. Hase yeeshee, waxay Kenya ku naallooneysaa taageerada dalalka Midowga Afrika, si ay ugu tartanto kursiga ay damacsan tahay inay golaha amaanka ugu matasho qaaradda Afrika. Cod-bixin ay bishii Agoosto sameeyeen dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ayey dowlada Kenya ka heshay 37 cod, halka Jabuuti ay heshay 13 cod oo kaliya. Laakiin Jabuuti ayaa wali ku adkeysaneysa inay tartanka lasii waddo Kenya marka la isla tago golaha amniga, ayna isku daydo inay ka guuleysato. Horay uma dhicin in waddan labo dal oo ku kala haray midowga Afrika ay wali loollan kusii sameeyaan kursigaas. Xigasho: BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Former President was blocked at Adan Adde International Airport Source: Hiiraan Online
  21. Kassim Busuri walked into the St. Paul City Council meeting, recited the Pledge of Allegiance and took his seat alongside people who think he had no business being there. Source: Hiiraan Online
  22. Egyptian Foreign Minister Sameh Shoukry said, “For Egypt, the matter of the Nile is a matter of life and death,” adding, “I don’t think anybody would agree that Ethiopian development should come at the expense of the lives of Egyptians.” Source: Hiiraan Online
  23. (Reuters) - U.S. Republican Senator Lindsey Graham said on Sunday after meeting Turkish President Tayyip Erdogan that he would like to get NATO ally Turkey back in a joint manufacturing program for F-35 fighter jets, from which it was expelled in July. Source: Hiiraan Online
  24. Mohamed Abdullahi Mohamed to meet world leaders in New York during his trip to US Source: Hiiraan Online