Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dawladda Itoobiya ayaa dhammaystirtay isbedel lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya, sidaas waxa sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas Nebiat Getachew oo saxaafadda kula hadlay Addis Ababa. Mr. Getachew, wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya oo la dejiyay 24 sannadood ka hor, imika lagu sameeyay isbedel uu sheegay inuu la jaanqaadayo dunida iyo gobalka Geeska Afrika. Waxa uu sheegay in qorshaha siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ee hadda, la dejiyay ay toddobadii bilood ee u dambeeyay diyaarinayeen khubaro isugu jira diblomaasiyiin iyo macalimiin Jaamacadeed, kuwaas oo hadda dhammaystiray. “Siyasadda cusub ee arrimaha dibadda, waxa si rasmi ah loo daah furayaa maalmahan soo socda, waxaana loo diyaariyay iyadoo la tixgeliyay kobaca bulshada Itoobiya oo markii siyaasadaas hore 24 sannadood ka hor la diyaariyay tiradoodu ahayd 60 milyan oo ruux, haddana ah 100 milyan oo ruux, sidoo kalena waxa lagu saleeyay gobalka, qaaraadda iyo adduunyada.” Ayuu yiri Getachew. Afhayeenka oo ka hadlaya saamaynta siyaasadan cusub ee Itoobiya ee Geeska Afrika, wuxuu sheegay in isbedelo badan oo imika soo kordhay ay sababeen isbedelkan cusub, waxaanu yidhi, “Dhalashadii Koonfurta Suudaan, dhammaynta xaaladii colaadna aan ahayn, nabadna ahayn ee Itoobiya iyo Ereteriya, isbedelka xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimo kale oo badan ayaa sababay in isbedel lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  2. Ramallah (Caasimadda Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa si rasmiya u xaqiijisay warbixin sheegaysay doorka uu Imaaraadku ku leeyahay abaabulka afgembi ka dhan ah Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas. Dowladda Imaaraadka ayaa wada qorshe ka dhana madaxweynaha Falastiin oo uu rabo in uu xilka dalkaasi kaga tuuro Maxamuud Cabaas, isla markaan uu ku doonayo in uu xilkaasi ku badalo shaqsi uu wato. Imaaraadka ayaa raba in uu Madaxweynaha Falastiin ku badalo ninka lagu magacaabo Maxamed Daxlan oo hore uga tirsanaa ururka talada dalkaasi haya, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibeda ee Turkigu, Mevlut Cavusoglu. Maxamuud Cabaas, Madaxweynaha Falastiin ahna hogaamiyaha ururka Al-Fatah ee talada dalkaasi haya ayaa waxa uu Maxamed Daxlan hore uga saaray ururkaasi, kadib markii uu ku eedeyay arrimo musuq-maasuq. Maxamed Daxlan ayaa inta badan waxa lala xidhiidhiya sida uu sheegay Turkigu in uu xiriir qarsoodi ah la leeyahay dowladda yuhuuda ah ee Israa’iil, isla markaana uu wakiil qarsoon u yahay. Wasiirka arrimaha dibeda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay ogtahay arrimahaasi ay wado dowladda Imaaraadku, xili uu shalay wareysi gaar ah siinayey telefishanka Al-Jazeera. Mevlut ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dalka Imaaraadka uu ku suganyahay Argagixiso lagu magacaabo Maxamed Daxlan, kaasi oo Falastiina uga soo baxsaday la shaqeynta Israa’iil. “Halkaasi (Imaaraadka) waxa ku sugan nin argagixiso ah oo la yidhaahdo Maxamed Daxlan, wuxuuna uga soo baxsaday (Falastiin) wakiilnimada uu u yahay Israa’iil”. ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkigu. Maxamed Daxlan ayaa aad waxa loogu eedeya inta badan in uu gacan weyn ku lahaa, isla markaana uu dowladda Imaaraadka uga qeyb qaatay inqilaabkii madaxweynihii Mursi iyo afgembigii dhicisoobay ee Turkiga. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/BAr___Qubanaha-31102019.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in mushaarka ciidamada lagu kordhiyay, islamarkaana markii ugu horreeysay la gaarsiiyay 200 oo dollar bishii, askarta aan saraakiisha ahayn Arrinkaan ayaa lagu sheegay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020 oo ay maanta ansixiyeen golaha wasiirrada xukuummmadda. Ilaa 30 milyan oo dollar oo ku korortay miisaaniyadda ayaa dhammaan loo leexiyay dhanka ciidamada, iyada oo Ra’iisul Wasaare Khayre uu ka horyimid kordhinta miisaaniyadda madaxtooyada, xafiiskiisa iyo hay’adaha kale ee dowladda. Mushaarka ciidamada oo horay u ahaa 100 doollar ayaa lagu kordhiyay 70 doollar iyadoo oo intaas ay dheeraad ka tahay 30 doollar oo raashin qallalan ah iyo 30 kale oo raashin ah, taas oo xaqa askariga ka dhigeyso 230 doollar. Golaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyay miisaaniyaddii ugu badayn abid ay Soomaaliya yeelato oo gaareyso 459.5 Milyan oo dollar. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa iminka qaata 100 dollar bishii, kuwa aan saraakiisha ahayn, ayada oo mararka qaar ay dhacdo cabasho la xiriirta mushahar la’aan, inkasta oo taas bilihii dhowaa ay yaraatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheikh Cabdullahi Sheikh Shaamow oo ah Macalim dugsi Qur’aan ayaa beeniyay warbixin uu qoray wargeyska New Vision ee dalka Uganda oo lagu sheegay in uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Uganda Idi Amin Dada. Sheikh Cabdullahi oo tan iyo sanadkii 1975-kii ku noolaa deegaanka Carbiska ee koonfurta magaalada Muqdisho, halkaasna ku heystay intii uu ku noolaa dugsi Qur’aan ayaa maalmo ka hor ka soo muuqday warbaahinta caalamka iyo kuwa Soomaaliya, iyadoo la leeyahay waxaa dhalay oo ay kala lumeen Madaxweynihii hore ee dalka Ugaanda Idi Amin. Sheegashada ah in Sheikh Cabdullahi uu yahay nin Ugaandeys ah ayaa soo shaac baxday todobaad ka hor, kadib markii ay Soomaaliya safar kor meer ah ku yimaadeen Xildhibaano iyo saraakiil ka socotay dowladda Ugaanda oo ay ciidamo nabad ilaalin ah ka joogaan dalka. Wafdigaas ka soday Uganda waxa ay kor meer ku tageen xeryo ay daganyihiin ciidamada ka jooga Soomaaliya, waxaana xeryihii ay tageen ka mid ahaa mid ay Carbiska ka deganyihiin ciidamada Ugaanda ee ka tirsan AMISOM, halkaas oo markii ugu horeysay ay isku arkeen wafdiga iyo Sheikh Cabdullahi Shaamow. Sheikh Cabdullahi oo la hadlay Dalka TV, waxa uu sheegay in markii ay arkeen isaga wafdigii ka socday Uganda ee kor meerka ku tagay deegaanka uu warkoodu ka bilaawday “ninkaan waa anaga waana nin Ugaandeys ah” taasna uu la yaabay. Sheikh Cabdullahi maalmo kadib ayuu sheegay in wiil uu dhalay uu lug ka jiiray gaari ay la haayeen ciidamada Ugaanda, markii uu u dacwoodana ay xeradooda geeyeen kana qaadeen sawirro uu san markaas garanay u jeedka ay ka lahaayeen raalina uusan ka aheyn. Maalmo kadib ayuu sheegay in uu warbaahinta iyo baraha Bulshada ku arkay sawiradiisa iyadoo lagu tilmaamayo in uu yahay wiilka madaxweyhii hore ee Ugaanda Idi Aamin, ayna kala lumeen hooyadiisna ay tahay Soomaali ku dhalatay magaalada Baydhaba. Sheikh Cabdullaahi Sheikh Shaamow waxa uu cadeeyay in uu yahay nin Soomaali ah, isla markaana laga been abuurtay. Si lamid ah waxaa marqaati ahaan ugu soo baxay dad aqoon fog u leh Sheikh Cabdulahi iyo waalidkiis, kuwaas oo si cad u sheegay in Sheikh Cabdullahi laga been Abuurtay. Halkaan ka Daawo Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Golaha Wasiirada oo meel-mariyay Miisaaniyadda 2020 Golaha wasiirrada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $459.5 Milyan. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, maadaama la kordhiyay mushahaarka ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka guddoominayay ayaa u mahad celinayay wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2020ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loogu tala galay, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo golaha wassiirada oo iyaguna ansixiyay miisaaniyadda. “Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in miisaaniyadda 2020 ay ku sifaysantahay hiigsiga iyo horumarka dalka, ayna muujineyso dowlad hanaqaaday oo ahmiyaddeedu tahay ammaano iyo adeeg marka dalka deynta laga cafiyana ay sii kordhi doonto oo Balaayiin la gaarsiin doono. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo meel-mariyay Miisaaniyadda 2020 appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay hogaanka dhaqanka ee Gobolka Haylaan, gaar ahaan Nabadoonada iyo Cuqaasha Gobolka. Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa is xog-wareysi, waxayna Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Haylaan la wadaageen Madaxweynaha xaaladda guud ee Gobolka, horumarada socda iyo baahiyaha ka jira deegaanka , iyagoo aad uga mahadceliyey socdaalka Madaxweynaha ee Gobolka iyo shaqooyinka illaa hada Gobolka ay Dowladdu ka qabatay. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi ayaa dhamaadkii kulanka hadal u jeediyay Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Haylaan, wuxuu ku bogaadiyey ka shaqeynta midnimada, Nabada iyo horumarka Gobolka, isagoo u sheegay in Dowladdu ay Gobolka ka hirgelinayso adeegyada dowliga ah ee asaasiga ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Hogaanka dhaqanka ee Gobolka Haylaan appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddoomiyaasha labada aqal Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shalay ku dhawaaqay in ay mushaarkooda bishaan ay uga qayb-qaadanayaan gurmadka fatahaadaha dalka oo saameen weyn ku yeeshay magaalooyin badan. Tan iyo shalay waxaa baraha bulshada ka socday hadal heyno kala duwan iyo su’aalo ku saabsan inta uu gaarsiisan yahay mushaarka madaxdaan, iyadoo dadweynaha ay ku cabirayeen heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha iyo daad kale oo roob ka roogmaday kuwaas oo barakaciyay kumanaan qoys. Caasimada Online ayaa baaritaan ku sameysay inta uu gaarsiisan yahay mushaarka madaxda dowladda, kaas oo loogu deeqay dadka ay dhibaatada ka soo gaartay fatahaadaha Soomaaliya. Caasimada Online ayaa la hadashay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin xilal kala duwan dalka ka soo qabtay ayaa caasimada online u sheegay in mushaarka madaxweynaha uu yahay 10,000 oo dollar bishii, halka guddoomiyaasha labada gole iyo ra’iisul wasaaraha ay intaas ka sii yar-yihiin. Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris ayaa sheegay in mushaarka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo la isku daray oo ka yar-yahay 20,000 oo dollar$. “Mushaarka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo la isku daray waa ka yar-yahay 20,000$, labada guddoomiyana waa ka sii yar-yihiin mana ahan wax dhibaatada maanta jirto loogu yabooho iyadoo garoomo iyo magaalooyin lagu bixiyay boqolaal kun oo dollar” ayuu yiri xildhibaan maxamed xasan idiris oo ka tirsan golaha shacabka ee bfs. Caasimada online ayaa sidoo kale ogaatay in hadda uuasn jirin mushaar sax ah oo ay qaataan madaxdaan oo ku qoran dastuurka dalka ama xeerarka kale ee dalka oo markii hore lagu cadeen jiray. Waxaa soo gasha lacago boqolaal kun oo dollar ah halka qaarkoodna ay ku xisaabtamaan malaayiin dollar sida ay noo sheegeen mas’uuliyiintii aan la hadalnay oo qaarkood ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $459.5 Milyan. Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, badankeed waa mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka guddoominayay ayaa u mahad celinayay wasaaradda maaliyadda oo miisaaniyadda 2020ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loogu tala galay, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo golaha wassiirada oo iyaguna ansixiyay miisaaniyadda. “Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in miisaaniyadda 2020 ay ku sifaysantahay hiigsiga iyo horumarka dalka, ayna muujineyso dowlad hanaqaaday oo ahmiyaddeedu tahay ammaano iyo adeeg marka dalka deynta laga cafiyana ay sii kordhi doonto oo Balaayiin la gaarsiin doono. Miisaaniyaddu dowladdu waxa ay kor u kacday 274% tan iyo markii ay xukuumuaddan talada la wareegtay. View the full article
  10. Ururka Daacish ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey geerida hoggaamiyihii kooxda Abu Bakr al-Baghdadi, islamarkaana inuu beddelo u magacaabay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Quraishi. Baghdadi, oo Daacish hoggaaminayey tan iyo sanaddii 2014, silamarkaana ahaa ninka loogu raadiska badan yahay dunida, ayaa waxaa axaddii lagu dilay weerar ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Idlib ee dalka Syria. Daacish ayaa sidoo kale xaqiijisay in afhayeenkii hore ee kooxda Abu Hassan al-Muhajir lagu dilay howl-gal dhacay maalinkii xigay maalinka la dilay al-Baghdadi. Bayaanka Daacish ayaa lagu sheegay in golaha sharci-dejinta iyo shuurada kooxda ay kulan deg deg ah isugu yimaadeen kadib geerida al-Baghdadi, oo kasoo jeeday dalka Iraq. Afhayeenka Daacish, Abu Hamza al-Quraishi ayaa u digay dowladda Mareykanka, waxaana ku hanjabay in Daacish iyo taageerayaasheeda ay ka aargudan doonaan geerida al-Baghdadi. PUNTLAND POST The post Daacish oo xaqiijisay geerida hoggaamiyahoodi Abu Bakr al-Baghdad appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Dhallinyarada Gobolka Haylaan, kulanka waxaa looga hadlay arrimaha dhallinyarada Puntland gaar ahaan Gobolka Haylaan. Dhallinyarada xubno u hadlay ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni uga mahadceliyey booqashadiisa Dhahar, waxayna la wadaageen xaaladda dhallinyarada ee deegaanka, qorsheyaasha ay hiigsanayaan iyo baahiyaha jira ee uga xiran dhinaca Dowladda. Ugu danbeyn Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyey dhallinyarada soo dhoweyntii iyo in ay la wadaagaan xaaladda ay ku suganyihiin, wuxuu Madaxweynuhu u sheegay in Dowladdu ay muhiimad siiso arrimaha dhallinyarada iyagana ay qeyb ka yihiin dhallintaasi. Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu ku dhiirigeliyey ka shaqeynta Midnimada, Nabada iyo horumarka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay Dhallinyarada Gobolka Haylaan appeared first on Puntland Post.
  12. Baaq-Nabbadeed oo Ku Socda Waxgaradka iyo Madax-dhaqameedka labbada Beelood ee Ee Ceel-afwayn. Ceel-afwayn waa magaalo sii ooyaysa, waxay maddal iyo hooy u noqtay dhiiga iyo dhiicaan-ka dadka dhalleeyada ah ee isku dhamaaday, waa meel ay isku beerdooxeen Wiil iyo Abtigii, waa goob qarraabo iyo rixim lagu jaray. Dadkaas is wadda gawracay waa kuwo aan meelna ku kala maqnaanayn waa ceesh iyo milix. Ilaahay ayaa SWc qadarray Colaada iyo Nabbada labadaba. Waxaan halkan Baaq-nabdeed uga dirayaa waa ,Salaadiinta, Boqorrada,Cuqaasha,Waxgarradka waxan leeyahay waad ogtihiin waxa aad isku tihiin iyo wada dhalashada idinka dhaxaysa, Waxaad tihiin Qarraabo iyo Rixim. Halka ay qaraabadu diinta islaamka ka jirtana waad ogtihiin, Waad is wada dhasheen oo wiil iyo abti miidhan ayaad isu tiihin, waxa dadkiinu is dilayo lama garanaayo, waxay maant isku hayaan ma jirto, caamadiina idinka ayaa indho u ah, sida la sheegayo qorashaha nabbadu meel wanaagsan ayuu marayaa. Waxaan kale oo aad u tageersanahay in cidda wax kala tirsanaysa iyaga la isa soo hor-fadhiisyo oo iyagu is turxaan saaraan iyada oo aan cidi ku dhexjirin. Waxaan idin leeyahay maanta maaha maalintii aad Garnaqsan lahaydeen, mana jogtaan madal aad ku garnaqsataan ee isu tanaasul oo maslaxada iyo sabaalaha ummadiina doorta, ma jogtaan meel aad ku garnaqsataan ee waxaad jogtaan meel la rabo in lagu baajiyo dhiigiina bila macanaha u daadannaaya. Waxaan idin leeyahay Toloow Colka Jooja. Maanta ninka Nabbada ka horyimaada waa nin aan if iyo aakhiro midna rajo ka lahayn aan waxba cidna igu jilayn , kii nabbada lugaha qabta ee curyaamiya iyo kii maslaxada iyo wanaag ka shaqeeya addun iyo aakhiro way inoo kala duwanyihiin rabi waa ogyahay ummaduna waa ogtahay. Saddex Qodob Ayaan Kula Dardaarmi lahaa Waxgaradka iyo Madax Dhaqameedka Labbada Beelood. • Inaad hawshaas u gashaa ilaahy SWC dartiis, idinka oo aan cidna waxba kaga rabin, oo aad u dumaqtaan dadkiina isku dhamaaday, oo arrintaas u gashaan is daacadnimo iyo maslaxadi ku jirto. • Inaad Nabbada ka sartaan wax kasta oo lug ku leh Siyaasad iyo danno gaar ah oo wax u dhimi kara geeddi sodka nabbada ee labada Beelood. • In ay-dinaan garnaqsanin, hadii aad garnaqsataan waxay keenysaa khilaaf iyo murun,waxana lumaysa maslaxdii guud ee Nabbada,waxay keenaysaa inaad u bahataan in la idin dhex-galo. ama aad kala qadataan Garcadaawe colaaduna dami waydo. Dardaarankay-gu ugu danbeeya wuxu yahay, maalina waa if maalina waa aakhiro Nin waliba dhitadii uu sii dhigto ayuu leeyahay, ee hawshaa ilaahay dartiis u gala iyo maslxada ummadiina. Dhaliyarrada Somaliland waxaan ka codsanayaa inay ka qaybqataan wacyigalinta Nabbadeed. Ugu danbayn waxan ugu baqayaa cid kasta oo Wax-garrad ah inay ka qayb qaadato sidii losoo afjari lahaa coladaas iyo dhiiga bilaa sababta loo daadiyay. Ilahay Swc waxan ka baryaynaa inuu kala bagsiiyo oo kala badbaadiyo labbada beelood ee walalaha ah boggoodana burcad isu mariyo. Alaah Mahad leh. W/Q.Mustafe Axmed M Geeddi-Xaas Qoraa wax ka qora arrimaha bulshada. Qorraha Sheekoyinka Collaada Beer-doox ee Ceel-afwayn . Mustafea179@gmail.com WhatsApp.0659555532 Qaran News
  13. (SLT-Dimishiq)-Ururka Daacish ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey geerida hoggaamiyihii kooxda Abu Bakr al-Baghdadi, islamarkaana inuu beddelo u magacaabay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Quraishi. “Waxaan ka tacsiyeyneynaa…taaliyihii kooxda” waxaa sidaas bayaan cod ah oo uu akhriyey ku yidhi Abu Hamza al-Quraishi, oo lagu sheegay afhayeenka kooxda. Baghdadi, oo Daacish hoggaaminayey tan iyo sanaddii 2014, isla markaana ahaa ninka loogu raadiska badan yahay dunida, ayaa waxaa axaddii lagu dilay weerar ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Idlib ee dalka Suuriya Daacish ayaa sidoo kale xaqiijisay in afhayeenkii hore ee kooxda Abu Hassan al-Muhajir lagu dilay howl-gal dhacay maalinkii xigay maalinka la dilay al-Baghdadi. Bayaanka Daacish ayaa lagu sheegay in golaha sharci-dejinta iyo shuurada kooxda ay kulan deg deg ah iskugu yimaadeen kadib geerida al-Baghdadi, oo kasoo jeeday dalka Iraq. “Golaha shuurada Daacish waxay kulmeen durba markii la xaqiijiyey shahiidnimada Sheikh Abu Bakr al-Baghdadi, waxaana odayaasha dagaal-yahannada barakaysan ay isku raaceen beddelkiisa” ayaa lagu yidhi codka bayaanka oo socday toddoba daqiiqo. Afhayeenka Daacish, Abu Hamza al-Quraishi ayaa u digay dowladda Mareykanka, waxaana ku hanjabay in Daacish iyo taageerayaasheeda ay ka aargudan doonaan geerida al-Baghdadi. Source
  14. (SLT-Riyadh)-Dawladda boqortooyada Sucuudiga waxaa markii ugu horreysay lagu qabanayaa ciyaarata lag-denka Haweenka xilli dalka uu tallaabsaday is-beddelo ay ka mid yihiin inuu dabciyo sharciyadii adkaa ee ka dhanka ahaa masraxyada maddaallada. Tartanka lag-denka wuxuu ka dhacayaa magaalada caasimadda ah ee Riyaadh. Tartankan lag-denka ee markii koowaad lagu qabanayo Sucuudiga ayaa u dhexeeya Kooxaha Haweenka ah ee kala ah Stars Natalya iyo Lacey Evans. Ma kala cadda in haweenka soo bandhigi doono lag-denku ay ku lebisan doonaan dhar xijaaban iyo in kale. Tartankan taariikhiga ah wuxuu ka dhacayaa garoonka boqor Fahad ee ku yaalla Riyaadh. Garoonka Tartanka Haweenku ka dhacayo ayaa qaada Dad gaadhaya 68,000 kun. Tallaabadan ayaa noqon kartaa tallaabo furfurnaani ka muuqato oo uu qaaday dal had iyo jeer lagu dhaliilo halka uu ka taagan yahay xuquuqda haweenka. Sucuudiga ayaa sanadihii u dambeeyay qaaday Xayiraaddii Haweenka ka saarnayd inay keligood Baabuurta kaxaystaan ama wataan, waxa kale oo uu fasaxay in Lamaaneyaasha Ajaanibka ahi ay wada geli karaan Qolalka Huteellada Sucuudiga, taasi oo la sheegay in looga dan leeyahay in lagu soo jiito Dal-xiiseyaasha reer Galbeedka. Waxa kale oo Boqortooyada Sucuudigu fasaxday in Dadweynaha oo Haweenku ku jiraan ay Fagaareyaasha ku daawan karaan Tartamada Kubadda Cagta ee Tv-yada laga siidaayo. Source
  15. Idlib (Caasimada Online) – Ururka Daacish ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey geerida hoggaamiyihii kooxda Abu Bakr al-Baghdadi, islamarkaana inuu beddelo u magacaabay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Quraishi. “Waxaan ka tacsiyeyneynaa…taaliyihii kooxda” waxaa sidaas bayaan cod ah oo uu aqriyey ku yiri Abu Hamza al-Quraishi, oo lagu sheegay afhayeenka kooxda. Baghdadi, oo Daacish hoggaaminayey tan iyo sanaddii 2014, silamarkaana ahaa ninka loogu raadiska badan yahay dunida, ayaa waxaa axaddii lagu dilay weerar ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Idlib ee dalka Syria. Daacish ayaa sidoo kale xaqiijisay in afhayeenkii hore ee kooxda Abu Hassan al-Muhajir lagu dilay howl-gal dhacay maalinkii xigay maalinka la dilay al-Baghdadi. Bayaanka Daacish ayaa lagu sheegay in golaha sharci-dejinta iyo shuurada kooxda ay kulan deg deg ah isugu yimaadeen kadib geerida al-Baghdadi, oo kasoo jeeday dalka Iraq. “Golaha shuurada Daacish waxay kulmeen durba markii la xaqiijiyey shahiidnimada Sheikh Abu Bakr al-Baghdadi, waxaana odayaasha dagaal-yahannada barakaysan ay isku raaceen beddelkiisa” ayaa lagu yiri codka bayaanka oo socday toddoba daqiiqo. Afhayeenka Daacish, Abu Hamza al-Quraishi ayaa u digay dowladda Mareykanka, waxaana ku hanjabay in Daacish iyo taageerayaasheeda ay ka aargudan doonaan geerida al-Baghdadi. VOA + AFP
  16. (SLT-Addis Ababa)-Waxaa mar kale maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ka soo hor-muuqday madaxweynihii hore ee DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maxkamada horteeda ka sheegay in mudadii uu maamulayay gobolka Ismaamulka Soomaalida uu si wanaagsan u maamulayay wax dambi ahna aanu ka gelin deegaanka Soomaalida. Waxaa uu meesha ka saaray eedeymaha loo jeedinayo, isagoo hoosta ka xariiqay in aanu wax dambi ah gelin. Maxkamadeyntiisa oo shalay dhacday ayaa waxaa uu ku dalbaday in la sii daayo maadaama aanu gelin wax dembi ah oo uu galay intii uu hayay talada Ismaamulka Soomaalida. “Waxaan dalbanayaa xoriyaddayda in dib la ii siiyo, ma gelin anigu wax dambi ah muddadii aan xilka hayay” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud. Maxkamadda ayaa booliiska Itoobiya fartay soo qabashada ku dhowaad 10 qof oo kale oo iyana lagu tuhunsan yahay in ay qeyb ka ahaayeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay magaalada Jigjiga. Gaboodfalladaasi waxaa kamid ah dil, kufsi, barakicin iyo dhibaatooyin kale oo ka dhacay magaalada Jigjiga. Sawirrada ashqaastani ayaa maxkamaddu amar ku bixisay in la baahiyo. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hore dhowr jeer la horgeeyay maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa iyadoo aan illaa iyo hadda jirin xukun lagu ridey. Source
  17. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu xafiiskiisa Ku qaabilay safiirka Dawladda Qatar, Hassan Hamza Asad Hashem. Gudoomiyaha iyo safiirka ayaa waxay kawada hadleen xoojinta iyo xiriirka barlamaanadda Qatar iyo Soomaaliya. Safiirkana ayaa wuxuu gudoomiyaha warbixin ka siiyay howlaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka wadaan. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-habeen-31102019.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $469.5 Milyan. Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, badankeed waa mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka guddoominayay ayaa u mahad celinayay wasaaradda maaliyadda oo miisaaniyadda 2020ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loogu tala galay, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo golaha wassiirada oo iyaguna ansixiyay miisaaniyadda. “Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in miisaaniyadda 2020 ay ku sifaysantahay hiigsiga iyo horumarka dalka, ayna muujineyso dowlad hanaqaaday oo ahmiyaddeedu tahay ammaano iyo adeeg marka dalka deynta laga cafiyana ay sii kordhi doonto oo Balaayiin la gaarsiin doono. Miisaaniyaddan ah ayaa tii ugu badneyd ee dalka laga ansixiyey wixii ka dambeeyey burburka dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Miisaaniyaddu dowladdu waxa ay kor u kacday 274% tan iyo markii ay xukuumuaddan talada la wareegtay. Caasimada Onlien Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Uganda plans to deploy more police personnel to serve under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) Formed Police Unit, a senior police officer confirmed. Grace Turyagumanawe, director of peace support operations in the Uganda Police Force, said Kampala is working on the logistics to deploy more Formed Police Units to help secure Somalia. “Preparations are underway to ensure that we deploy a second formed unit as was agreed on recently. We are working on acquiring the necessary equipment,” she said in Mogadishu during a meeting with Simon Mulongo, deputy special representative of the chairperson of the African Union Commission for Somalia. Turyagumanawe, who was in Somalia to assess the status of equipment and welfare of personnel, made the remarks on Thursday during a meeting with Mulongo in Mogadishu, the AU mission said. During the visit, Turyagumanawe inspected the condition of the contingent-owned equipment at the Jazeera Forward Operating Base outside Mogadishu. Under the Somalia Transition Plan, AMISOM police work to ensure that the Somali Police Force is adequately equipped in preparation to assume full responsibility of maintaining law and order in the country when AMISOM leaves in 2021. During the meeting, Mulongo said the Uganda police contingent, which includes Formed Police Unit personnel and Individual Police Officers, continue to be instrumental in AMISOM’s gains against terrorism. “We are satisfied with Uganda Police’s contribution to peacebuilding, especially their contribution to maintaining law and order and enhancing the capabilities of the Somali police,” Mulongo told Turyagumanawe, according to the AU mission. The UN Security Council authorized AMISOM to deploy up to 1,040 police personnel under the police component, which includes Individual Police Officers and five Formed Police Units (FPUs). The FPU personnel provide operational support such as VIP escort and protection, while the Individual Police Officers (IPOs) train, mentor and advise the Somali Police officers. Uganda is one of AMISOM Police contributing countries along with Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, and Zambia. Recently, Ghana agreed to deploy an FPU contingent under AMISOM. View the full article
  21. (SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti aya maanta ka digtey waxyeelada ka soo gaadhi karta duufaan la sheegay inuu ku soo wajahanyahay xeebbaha Geeska Afrika. Wakaaladda saadaasha hawada ee dalka Jabuuti ayaa tilmaamtey in duufaanku aanu saameyn doonin Djibouti hase yeeshe daruurraha kasoo go’ay duufaanta ay ku keeni karaan Jabuuti roobbab wata biyo fara badan iyo daadad. Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Saadaasha Hawada ee Jabuuti Maxamed Ismaaciil Nuur ayaa ka waramay sida duufaantu ugu soo durkeyso xeebaha Geeska Africa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. At least 6,000 families have been displaced in Badale in southern Somalia’s Bay region after flash floods caused by torrential rain hit the town. Source: Hiiraan Online
  23. (SLT-Nairobi)-Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ oo ay taallo dacwad u dhaxeyso Dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku saabsan kiiska Dacwadda Badda. Maxkamadda ayaa dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya kusoo dartay warbixin ay soo saartay oo ka hadleysay waxqabadkeeda 2019. Maxkamadda ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya u sheegtay in ayna mar kale aqbali doonin dib u dhigista dacwadda. Maxkamadda ayaa Dacwadda labada dowladood u mudeyso inay ugu dambeyn dhacdo Bisha June ee sannadka soo socdo 2020. Dhanka kale Maxkamadda ayaa caddeysay inay Kenya hore u sheegtay in ayna Maxkamadda Kiiskaas qaadi karin balse Maxkamadda ayaa sheegtay inay ku adkeysatay inay kiiskaas awood sharci ah u leedahay inay qaado. Waxay sheegtay in labad Dawladood ay awood u yeelan waayeen inay kiiskooda ku xaliyaan qaab diplomaasiyadeed hadda wixii ka dambeeyana uu go’aanka hor yaallo maxkamadda iyadana ay soo saari doonto. Dowladda Kenya ayaa dhawaan maxkamadda ICJ ka codsaday in muddo 12 bilood ah loogu daro kiiska Dacwadda taasoo ay maxkamadda aqbashay. Source
  24. (SLT- Sweden)-Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Sweden Sakariye Xasan Wacays ayaa qaaday tallaabooyin diblumaasiyadeed oo wax ku ool ah, kuwaasi oo wax wayn ka taray xoojinta Xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Sweden. on day three of the Nordea Masters at the PGA Sweden National on June 6, 2015 in Malmo, Sweden. Guulaha Diblumaasiyadeed iyo tallaabooyinka uu qaaday Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Sweden Sakariye Xasan Wacays, ayaa si wayn u soo jiitay xisbi siyaasadeedka dalkaasi ugu wayn, kaasi oo hadda si wayn u xiisaynaya qaddiyada Jamhuuriyadda Somaliland. Iyada haatanna ay dawladda Sweden hirgelisay tallaabooyin horumar u ah qaranka Somaliland. Wakiilka jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Sweden, Danjire Sakariye Xasan Wacays oo magaalada Stockhom wareysi gaara ku siiyey telefiishenka qaranka Somaliland, ayaa ka warbixiyey xidhiidhka labada dal u dhexeeya, tan iyo markii uu xafiiskaasi qabtay oo ku siman muddo laba sanno ah. Danjire Sakariye Xasan Wacays ayaa ugu horrayn sharraxaad ka bixiyey ujeedada loo aasaasay xafiiskan, waxaanu yidhi “Xafiiskani wuxuu u shaqeeyaa qaranka Somaliland, waana xafiis dublamaasiya oo imika furan muddo laba sanno iyo badh ah, waxaanu ugu adeegnaa danta qaranka iyo danta shacabka Somaliland guud ahaan, geeska Afrika illaa Soomaali iyo Itoobiyaan, waana xafiis runtii baahi weyn aad loogu qabay, oo shaqooyin kala duwan qabta.” Danjire Wacays waxa uu isdultaagay sababta ay Dawladda Somaliland muhiimad gaara ugu aragtay inay xafiis ka furato Sweden, isla markaana ay magaalada Stockholm noqoto goob xudun u ah hawlgalada ay ku raadinayso aqoonsiga waxaanu yidhi “Runtii waddankan Sweden waa dalalka dimuqraadiyada xad ka gaadhay, iyaga iyo inta la isku yidhaahdo Scandinavian, waa dal siyaasada adduunka iyo qaramada midoobeyba qayb ka ah, dalkan Sweden runtii siyaasadiisa arrimaha dibeddu, markaad eegto inaga [Somaliland] aad ayay muhiim ugu tahay, waana siyaasadii abuurtay ee xukuumadeenu ku go’aansatay inay xafiis halkan [Stockhorm] aynu ku lahaano.” Waxa uu sharaxay tallaabooyinka dhinaca horumarka ah ee dawladda Sweden ka gaysato Somaliland “Dawladda Sweden waxay sannadkii 2018 la wareegtay inay noqoto hoggaanka midowga Yurub, tan iyo markii uu Ingiriisku sheegay inuu midowga Yurub ka baxayo. Runtii xidhiidh wanaagsan oo na dhexmaray oo aan ka xasuusan karo, Drs. Edna Aadan iyo wufuud badan oo wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ka socotay oo xafiiska suurto galiyey 2018 aanu ku qabanay baarlamaanka dalkan dood, sidoo kale qoladii arrimaha dibedda ee markaasi maamulaysay barnaamijkii Somalia ee dib u habaynta new deal, dawladda Sweden waxay ahayd waddankii saddexaad ee yidhi Somaliland in si gaara mucaawinadeeda loo siiyo, runtii dawladda Sweden waxay ahayd tii suurtogalisay nidaamkaas, marka laga tago ingiriiska iyo talyaaniga. Xukuumad ahaana waanu soo dhaweynaynaa.” Dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga danjiruhu isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi “Wakiil ahaan waxaan aaminsanahay, halkan muddo saddo sanadood ka badan baan joogay, qofkasta oo masuul ah oo Somaliland u dhashay dalka uu joogu ka suurtogalin karo waxyaabo waaweyn, waxan tusaale usoo qaadan karaa, annaga oo ka tixraacaynayay ujeedadii iyo hadafkii xukuumadda Muuse Biixi, dhinaca caddaaladda in wax laga qabto, waxaanu u soo bandhignay dawladda Sweden, wasaaradda arrimaha dibedda, SIDO oo hay’ad weyn ah, mudadaasi yar ee aan joognay, waxaan kuu sheegayaa, waxanu samaynay heshiis toos ah oo wasaaradda caddaaladda qaybta dembiyada iyo jeelasha iyo wasaaradeena caddaaladda ay si toos ah iyadoon cid loo soomarin ay dawlad ka dawlad tabobar loo sameeyay, in nidaamka casriga ee Swedish model laga sameeyo dalkeenii, oo ah waxqabadka ay dawladda Sweden diyaarka la tahay, waxay suurto galiyeen in loo qiimeeyo Somaliland dhaqaalaha dalka Sweden ka hesho oo ay wasaaradeeda arrimaha dibeddu hirgelisay in dhaqaalaha si toos ah oon meelna loo sii marin loo siiyo Somaliland.” Dhaqdhaqaaqa In la aqoonsado Somaliland ayaa haatan kusoo xoogaysanaya dalkaasi, Xisbiga ugu weyn ee dalka Sweden iyo xisbiyo kale ay ka dhawaajiyeen inay baarlamaanka dalka Sweden hor dhigo doonaan ictiraaf caalamiya oo la siiyo jamhuuriyadda Somaliland. “anigu waxan u joogaa qaranka Somaliland, annagu ka xukuumad ahaan xisbi walba oo qadiyada Somaliland taageersan waanu soo dhaweynaynaa oo dano ayaanu ka leenahay. Xisbigan oo keliya keliya maaha waxa kamida xisbiga Labour-ka, xisbiga Cristian Democracy xisbiyo marka la eego saddex meelood oo meel baarlamaanka ku jira, Dhammaan waxay leeyihiin waa in la aqoonsado Somaliland, marka halkaa laga eego in Somaliland la aqoonsado, aad iyo aad bay rajadeedu ka wakiil ahaan u wanaagsan tahay, ummadda Somaliland aanu jecel nahay inaan ugu bushaareeyo.” Ayuu yidhi Wakiilka jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Sweden, Danjire Sakariye Xasan Wacays oo wareysi dheer siiyay telefishenka qaranka Somaliland xaruntiisa Stockholm. Source
  25. Baydhaba (Caasimadda Online) – Boqolaal qoys oo kasoo barakacay deegaanno ka mid ah gobolka shabeellada hoose ayaa waxaa ay gaareen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Qoysaskan ayaa waxaa ay ka ka tageen Tuulo lagu magacaabo adeerow iyo deegaano kale oo u dhow degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeellada Hoose. Maamulka Degmada Baydhabo ayaa sheegay iney soo dhoweeyeen dadkan, ayna u sameynayaan dib u dejin. Qaar ka mid ah qoyaska soo barakacay ayaa sheegay in sababaha ay u soo carareen ay tahay kadib markii Al-shabaab ay dalbadeen in caruurtooda ku wareejiyaan, taasina ay walaac xoogan ka muujiyeen. Dadkaas ayaa diiday inay ilmahooda ku wareejiyaan Al-Shaabab, waxayna taas keentay inay Al-Shabaab awood u adeegsadaan oo qaar ka tirsan ilmahooda wataan. Al-Shabaab ayaa falal noocaan oo kale ah ka sameeyey meelo badan oo ka tirsan Soomaaliya, waxaana horey looga barkacay Xarardheere kadib markii ay kaxeysteen 150 carruur ah. Carruurta ay wataan Al-Shaabab ayaa waxaa laga dhigaa askar, qaarna waxaa loo diyaariyaa in lagu fuliyo qaraxyada lala beegsado Xarumaha Dowladda iyo kuwa AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com