Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Maamulka hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in muddo saddex maalin ah hakad la geliyey dhammaan duulimaadyadii tagi jiray garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Amarkan oo ka soo baxay hay’adda duulista hawada ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka September, illaa 26-ka bishan la joojiyey diyaaradaha tegaya ama ka imaanaya magaaladaasi. Sidoo kale hay’adda ayaa go’aankan ku war gelisay shirkadaha duulimaadyada dalka, gaar ahaan kuwa isticmaala garoonka magaalada Kismaayo. Dowladda federaalka ayaa la sheegay in arrintan ay uga hortageyso xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe, taas oo dhowaan ka dhaceyso halkaasi. Tallaabadan ayaa waxaa ka dhashay muran xoogan, kaas oo sababay in shalay la xayiro diyaarad uu la socday Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed. View the full article
  2. Waxaynu wada ognahay in JSL hayadaha gaarka loo leeyhay ay aad uga horeeyaan hayadaha dawliga ah, Hadii aan xeerar lagu xakameyn sida caalamka dawladnimo ma jirayso mana koreyso. Hababka maamul iyo maareynta dawladnimo ayaa sunaheedu yahay in lays waafajiyo danta, doonista shacabka iyo daryeelka shuruucdooda hadii aan sharcigu sareyn oo aan lagu dhaqmin dawladnimo ka jireyso. Xeernimadaamiyaha Dugsiyada gaar ka ah loo sameeyey wuxuu waafaqsan yahay : 1- Shareecada islaamka 2- Dastuurka qaranka 3-Xeerarkii ay ansixiyeen Baarlamaanka JSL 4- Xeerka Waxbarashada JSL ee xeer Lr 77 / 2018.. Sidaa daraadeed dugsiyada gaarka loo leeyahay ee is hortaaga Xeernidaamiyaahaa sharciga ah ee loo sameeyey waxay waayi karaan rusqadooda. Dugsiyada gaarka ah waxaa lagu qiimeynayaa halbeegyada lagu cabiro xogta isku dhafan ee xaqiijinta tayada waxbarashada iyada mar walba lagu saleynaayo danta guud ee ilmaha ama ardeyga. Dugsiyada gaar ka loo leeyahay wax kale lagama rabo ee waa in ay raacaan shuruucdan hoos ee loo dhigay: 1- Waa in ay ruqsad qaanuuni ah oo sharci ah ka haystaa wasaarada waxbarshada JSl 2- Waa in ay u hogaan samaan xidhiidhka wada shaqeyneyd ee iyaga iyo Wasaarada waxbarashada 3- Waa in ay haystaan goob waxbarasho oo ku haboon bay’da waxbarashada caruurta 4- Waa in ay haystaan Bareyaal buuxiyey shuruudaha ku xusan xeernidaamiyaha loo sameeyey qodonkiisa 92-aad. 5- Dugsiyada gaar ka ahi waa in ay raacaan Jadwalka sanad-dugsiyeedka ( academic calendar ) ee wasaaradda Waxbrashada qaranka 6- Dugsiyada gaarka loo leeyahay waa in ay ku dhaqmaan manhajka qaranka JSL si waafaqsan xeerka waxbarashada JSL ee xeer Lr 77 /2018 7- Dugsiyada gaarka loo leeyahay waa in bixiyaan cashuurta sanadlaha ah iyo cashuurta shaqaalahooda ee ku waajibtay. 8- Dugsiyada gaarka loo leeyahay fasaladooda waa in aanay fadhiisan wax ka badan 45 arday fasalkiiba 9- Waa in dugsi waliba iska diiwaan geliyo Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka si loo helo cid loo raaco hadii dhibi ka dhacdo dugsigaas. 10-Waa in dugsi waliba warbixin sanadleh ah oo dhameystiran uu gudbiyaa Wasaaradda Waxbarasha sanadkiiba si loola socda tayadooda waxbarsho. Waxaa la gudboon Wasaarada Waxbarashada JSL in ay iyadu yeelato go’aan qaadasho taban si hawshii loo igmaday ay u fuliso: 1- Dugsi kasta oo la yimaada is hortaag go’aan sharci ah oo hayad qaanuuni ah ay soo saartay waa in ay rusqada lagala noqdaa 2- Waaxda kormeerka wasaaradda waxbarashadu waa in ay kormeertaa dugsi kasta oo qiimeyn dhab ah ku sameysaa sanadkiiba 3- Dugsiyada aan ruqsada ka haysan Wasaaradda Waxbarashada waa in ganaax iyo digniin la dul dhigaa si ay u qaataan rusqada 4- Waa in wasaaraddu tiro koobtaa macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada gaarka ah kadibna ay siisaa rusqada macalimo 5- Waa in wasaaraddu macalimiinta ajaanibka ah ee dugsiyadaa wax ka dhiga ay iyagana liisan gaar ah siisaa. 6- Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee diida in ay ku dhaqmaan Siyaasada waxbarashada JSL, iyo xeerarka iyo xeegaanada waxbarashada waa in rusqada lagala noqdaa. 7- Dusiyada gaarka loo leeyhay ee albaabada ka xidha wada shaqeynta wasaaradda waxbarashada iyo kormeerka wasaaradda waa in ruqsada lagala noqdaa 8- Dusiyada aan u qalmin in ay waxbarashada sii wadaan ilaa inta ay ka buuxinayaan shuruudaha ku xusan xeernidaamiyaha loo sameeyey waa in la siiyaa rusqad ku meel gaadh ah oo mudo kooban ah ilaa inta ay shuruudaha soo buuxinayaan. 9- Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee la seexdo ( boarding schools ) waa in si gaar ah loo kormeeraa iyada la eegaayo nadaafadooda, nafaqada,iyo tayada waxbaradaba 10-Dusiyada gaarka ah ee aan keenin manhaj waafaqsan xeerka waxbarashada JSL waa in aan rusqad la siin ilaa inta ay raacayaan manhajka JSL. 11- Dhamaan heerarka waxbarashada ee dugsiyada gaarka loo leeyahay waa in lagu jaangooyaa 4-4-4 hadii kale waa in aan la siin liisan buuxa. Gunaanad: Xeer-nidaamiyaha Waxbarashada gaar ka ah ee JSL wuxuu waafaqsan yahay dastuurka qaranka iyo xeerka Waxbarashada JSL ee xeer Lr 77 / 2018. Fiiro Gaar ah: Talooyinkan aan kor ku soo jeediyey waxay ku saleysan yihiin Xeerarka iyo Xeegaanada Waxbarashada JSL oo uu ugu horeeyo Xeernidaamiyaha waxbarashada gaarka loo leeyahay xeer Lr 01/2018. Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madaxbanaan Intensive Education Advisor ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  3. Wargalin Cidii Aragta Haweenay Xanuusanaysa Waxa lagu wargalinayaa dhammaan bulsho waynta ku dhaqan caasimadda magaalada Hargeyeysa iyo Nawaaxigeeda cidii aragta gabadh Da’deedu tahay 21 Jir oo Xanuunsanaysa midabkeeduna maariin dhalaal yahay kana soo Lutay Magaaladda Muqdisho gaar ahaana Xamar, Isla markaana Eheladii dhashay Inantaasi loogu soo sheegay in lagu arkay caasimadda Hargeysa Dhexdeeda iyadoo mareysa. Hadaba Cidii Aragta Haweenaydaasi Xanuunsanaysa waxa si Naxariis leh Looga Codsanayaa inay ku soo hagaajiyaan Nampers ka 0634699390-0636601975 ama Dukaanka Dharka ee ELITE TAILOR/Radio Hargeysa Qaran News
  4. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-23092019.mp3 View the full article
  5. Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun,Geeridu waa xaq!!!!. Eng.Maxamed Jaamac Boosolaaye (Maskax) & Cabdiraxiim Maxamuud Cabdillaahi (Cabdiraxiim Xajiin) Waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan Qoyska Reer Saajin Daahir Ibraahin oo Wiilkoodii Marxuum Aadan Daahir Ibraahin (Aadan Saajin Daahir) ku geeriyooday Magaalada Hargeisa. Waxay ilaahay ugu baryayaan Marxuum Aadan Saajin Daahir inuu Naxariistiisa janno ka waraabiyo,Janatul Firdoowsa Aclaana geeyo. Qoyskiisa,Carruurtiisa & Ehelkuu ka geeriyoodayna samir & imaan saadiqa ka siiyo. Aamin Aamin Aamin Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarku (UPD) ayaa war-saxaafadeed xasaasi ah kasoo saaray xayiraadii shalay ay dowladda Farmaajo saartay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaasoo loo diiday inuu u duulo magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubalanad. Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka kasoo baxay xisbiga oo dhameystiran Shalay oo taariikhdu ahayd 22ka September 2019 waxa laga baajiyay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, safar uu ku tegi lahaa magaalada Kismayo ka dib markii amar ka soo baxay Hay’adda Duulista Hawada lagu hakiyay duulimaadkii ay raaci lahaayeen isaga iyo wafdigiisu. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarku (UPD) wuxuu si kulul u cambaareynayaa falkaa foosha xun waxaanu ka digeyaa in hay’adaha qaran ee bixiya adeega guud loo isticmaalo dano gaar ah oo aan waafaqsanayn dastuurka ku meel gaarka ah sida ku cad qodobka 33aad oo waajib yeelaya in go’aammada maamul ee dalku ay “ahaadaan kuwo ku dhisan sharci, maangal ah, go’aan-ka-gaaristoodana loo maray hannaan caaddil ah”. Xisbigu wuxuu sidaa si la mid ah u cambaareynayaa guud ahaan ku xad-gudubka sharfta iyo karaamada muwaadin kasta gaar ahaanna dadka tix-gelinta iyo maamuuska qaran ku leh bulshada: xuquuqdaas oo ay ku tunteen kuwii loo igmaday in ay ilaaliyaan oo awooddii dawladnimo ugu takri falay si baal marsan qodobka 12aad farqadiisa 1aad ee dastuurka oo ku waajib yeelaya madaxda hay’adaha qaranka dhowrista xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta. Xisbigu wuxuu sidoo kale cambaareynayaa ku xad-gudubka xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadin kasta taas oo ka hor imaneysa qodobka 20aad farqadiisa 1aad oo damaanad qaadeysa xorriyada ka qeyb-galka iyo abaabulka kulamada iyo sidoo kale qodobka 21aad farqadiisa 1aad oo u xaq-siineysa muwaadin kasta in uu si xor ah “ugu dhex-socon karo meel kasta oo dalka ka mid ah, kana bixi karo”. Xisbigu wuxuu hoosta ka xariiqayaaa in dhacdadan shalay ay markhaati cad u tahay sida xukuumaddu ugu tumanayso xorriyadaha lama taab-taanka ah ee dastuurku damaanad qaadey waxaanu xasuusinayaa madaxda sare ee dalka in aan dib loogu dulqaadan Karin caadeysiga ku xad-gudubka dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka. Xisbigu wuxuu ugu danbeyn ku baaqayaa in saami-leyda siyaasadeed ay isugu yimaadaan shir deg-deg ah oo looga tashanayo xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqaha dastuuriga ah. Sidoo kale xisbigu wuxuu ugu baaqayaa ummada Soomaaliyeed in ay taageero dhan walba ah la garab-istaagaan dedaalada loo geli doono samato-bixinta dimoqraadiyada curdinka ah ee dalkeena DHAMMAAD
  7. In what could further cause tensions in Somalia, the federal government on Monday suspended all flights to Kismayo Airport, hours to Sheikh Ahmed Madobe’s inauguration. The former Ras Kamboni Brigade commander, a close ally of Kenya and KDF, controversially won Jubaland presidential elections in August. Despite Nairobi recognising his victory, federal leader President Mohamed Farmaajo rejected the outcome, accusing Kenya Defense Forces of allegedly imposing Madobe. The suspension of flights effective Monday (today) to Thursday 26th, is reportedly a wider scheme to prevent Madobe’s allies from attending. Initially, the government had also suspended direct flights to Kismayo Airport. “The Somalia government has suspended all flights to Kismayo in the period between Sept. 23-26. The inauguration of Jubaland leader Ahmed Madobe is on Sept 26,” reports indicate. On Sunday, the government blocked former President Sharif Sheikh Ahmed from travelling to Kismayo for Madobe’s inauguration. Kenya has been backing Madobe’s government since his victory in 2013. He helped KDF troops run over Al-Shabaab militants in the Kismayo city a year earlier. View the full article
  8. Xisbiga Midowga Nabadd iyo Horumarka(UPD) ayaa si kulul u cambaareeyey falkii lagu hor istaagay safarka madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed iyaga oo ka digay in hey’adaha qaranka ee bixiya adeegyada guud loo isticmaalo dano gaar ah oo ka hor imaanaya dastuurka KMG ah. Waxaa kale oo Xisbiga UPD uu cambaareeyey xad-gudub kasta oo ka dhan ah muwaadiniinta ama dadka sumacadda ku leh Soomaaliya, kuwaas oo ka hor imaanaya dastuurka qodobka 12aad, faqrada 1aad. Qodobada uu xisbigu ka digay waxaa ka mid ah in meel looga dhaco qodobdka 20aad, faqradiisa 1aad ee dastuurka KMG ah ee damaanad qaadaya xuriyadda ka qeyb-galka iyo abaabulka kulamada. Ugu dambeyntii waxaa uu xisbiga UPD ku baaqay shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan saamileyda Soomaaliyeed oo looga tashanayo xaaladda dalka. Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa maanta hor-yimid golaha guurtida Somaliland si uu uga jawaabo cabasho ay ka soo gudbiyeen maamuleyaasha dugsiyadda gaar loo leeyahay, waxaanu jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta saxaafadda la hadlay 24 saac kadib markii laga celiyey safar uu ku aadi lahaa Kismaayo. Mudane Shariif Sheekh ayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilabay “Waxaan aaminsanahay in qof walbo oo muwaadin ah uu xaq u leeyahay inuu u safro meel walbo uu doono, goor walbo uu doono, waxaan u aragnaa nasiib darro in dowlad sharci lagu doortay ay sharciga jabiso, waan u aragnay tacadi iyo la jabiyey dastuurka, oo dowladda si ula kac ah u sameysay, xaqna aysan u laheyn. Dhanka kale, Shariif Axmed waxaa uu ka hadlay xukunka oo la isku dhajiyo“Aniga waxaan ahaa nin jabhad oo wadaad ah oo xaalkiisa aad ogtihiin, waa la iiga filanaayey in aan xukunka ku dhago, markii aan doorashada sameynayey waxaa isoo gaarayey talooyin badan oo ah bahashan dib isaga riix, horay u soco, waxaan dhahay maya ma sameynayo, laakin waxaa gariib ah ruux Mareykan ka yimid, ruux ka yimid Yurub oo leh 30 sano ayaan soo joogay in uu maalin walbo sharciga garab maro, arrintaas arrin la aqbali karo ma aha, nin meel iska fadhiyey ama ilmihiisa u shaqeysanyey dal nabad ah, oo markii dalka la isku hagaayey la yiri ku soo dhowow la yiri waa lagu doortaye, oo garbaha laga istaagay lama aqbali karo garoonka kama bixi kartid, garoonka waxaa ay iga reebi karo sharciga, Kismaaysharciga ii ogol Kismaayo, Puntland aado, meel kasta aado, qaraabo salaan aan u socdo, islaan adhi raaceysa in aan u tagi karo, 24-kii ayaan dowladda ka sugeyney iney ka garaabaan qaladkoodka, waxaan cambaareyntaa go’aanka saaka la soo saaray oo lagu cunaqabeyntaa reer Kismaayo, waa sharci darro, xaq ayey u leeyihiin iney meel walbo aadaan”. Madaxweyne Shariif waxaa uu soo hadal qaaday waxyaabaha laga sugayey dowladda iyo sida ay wax noqdeen “Dowladdan waa dowladdii aan ka sugeynay iney noo qaban qaabiso doorashooyinka soo socda, haddii aysan ogolaan karin in Kismaayo la aado ama xaflad laga qeybgalo ama loo safro, oo aysan awood u laheyn in samarkaas la timaado, maxay awood u leedahay, sidee loogu aamini karaa mustaqbalka soo socda? Dastuurkii ma dhameystirin, nimaadkii doorashooyinka meel uu u socdo lama yaqaano, amniga Muqdosho iyo dalka waa ogtihiin, amniga waa ku fashilantay, dhaqaalaha, magaalada ayaa kala xiran, ganacsi furan ma jiro, yey u adeegaan? Waxaa ay daba socdaan siyaasi”. Dhinaca kale, waxaa uu sheegay sababta uu muddo dheer u aamusnaa”Aniga dowladda waxaa uga aamusnaa turid aan u turayo, 4ta sano haloo dhaafo, marka haddii aysan ogolaan karin xuriyadda, doorasho innaga iyo iyaga aan wada galeyno sidee ku ogolaan karaan? Garoonka 15 sano isaga oo xiran maxkamdihii ayaa furay, dowladdii aan hogaaminayey waxaa ay ku guuleystay termninalka in laga soo degi karo, garoonkii intaas iga soo gashay haddii aniga la ii ogolaan waayey, cidda loo ogolaanaa ii sheega? Garoonka haddii uu Farmaajo ka bixi karo aniga waan ka bixi karaa? Haddii uu sharciga ii diido isagana waa u diidaa”. Mr. Shariif Axmed ayaa ugu dambeyn baaq u diray qeybaha umadda Soomaaliyeed“Waxaan arkaa dowladda Soomaaliyeed oo dhumeysa, si aysan taasi u dhicin, waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, axsaabta, maamul goboleedyada, aqoonyahanada, culimada, dhalinyarada, haweenka, cid walba oo wax gal ah waxaa qabaa in loo istaago Qarankan sidii loo badbaadin lahaa, maxaa yeelay sharci daradan sida ay u socoto wax aan la maleeysaneyn ayaa dhici kara, dadkaan kuligood baasbaoor ayay heystaan berri waa baxayaan, meeshey rabaan aadayaan, carruurtooda ayay aadayaan, dadka meel ay aadaan laheyn waa dadkan waa dadkii loo soo shaqeeyay oo loo taagnaa danahooda in la fuliyo wax kale ma ahan warkeyga waa cad yahay dowladda waxay ku socotaa hannaan qaldan oo keenaya dowladda inay burburto”. Isaga hadalkiisa raaciyey “Maxamed Cabdullahi Farmaajo asagoo Boorsadiisa wata, Suutkiisa wato anigaa magacabay, waddanka wax ka galay ma leh, wadanka keenay oo xil u magacaabay wadankaan wax ka galay oo resource ah ma jiraan asaga un baa ku faa’iday ,Xasan Kheere Waa sidoo kale . Wadankaan anaga wax badan ayaa naga galay, waxaan leenahay stop meesha aad joogto ma dhaafi kartid”. Halkan Ka Daawo Khudbadda: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Eaxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa waraysi kulul oo lala yeeshay Siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Nairobi)-Kenya ayaa la xaqiijiyey inay mar kale dib ugu laabtay maxkamadda qaadeysa dacwada badda ee ICJ, iyada oo sheegtay in ay ku yar tahay 2-bada bilood ee la siiyey ee illaa November 4, waxaa ay maxkamadda cadliga ka codsadeen waqti intaas ka badan. Ilo kiiska ku dhow ayaa sheegay in Kenya oo hore ugu hungowday in muranka badda xal looga gaadho meel ka baxsan maxkamadda ay hadda dib ugu laabatay maxakamadda si waqti u iibsato. Maxkamadda ICJ weli lama soo xidhiidhin Soomaaliya, laakin waxaan la hubin waxa ay Muqdisho ka yeeli-doonto haddii Kenyaanka dalbadaan waqti ka badan kii ay maxkamadda qabatay ee November 4 ahaa. Kenaya ayaa hore maxkamadda uga codsatay 12 bilood, laakiin waxaa loo ogolaaday 2 bilood oo ah inta u dhaxeysa September 4-November 4. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hadlay ardayda sannad kasta ka qalinjabinaysa jaamcadaha dalka iyo muhiimadda ay nabadu u leedahay dadka reer Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP, Maxamed Daahir Caynsane oo hadda warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka jawaabay hadal shalay ka soo yeeray wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey) oo ahaa in ay isa soo diiwaan-geliyaan dhammaan suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta. Guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqada diiwaan-gelinta suxufiyiinta iyo xarumaha Warbaahinta Puntland uu leeyahay Guddiga sare ee warbaahinta Puntland, balse aysan lahayn wasaaradda warfaafinta Puntland, waxaana uu soo bandhigay Xeerka Warbaahinta Puntland oo faahfaahinaya arrimahaasi. Mudane Caynsane ayaa sheegay in wasiirku uu inta seexday isaga soo toosay isagoo aan akhrin xeerka warbaahinta Puntland waxaana guddoomiyuhu warbaahinta ku amray in aysan dheg jalaq u siin hadalka wasiirka. PUNTLAND POST The post Ururka Suxufiyiinta Puntland oo amray in aan dheg jalaq loo siin hadalka Wasiir Sabareey appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay is hortaagii shalay lagu sameeyey, xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay baal marayaan shuruucda dalka, halkii laga rabay inay ilaaliyaan dastuurka u yaalla dalka. “Inta jeer ee madaxda dowladdu garab mareen sharciga u yaal dalka xisaab maleh.” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay u siman yihiin sharciga, islamarkaana haddii uu ka duuli karo garoonka uu isna ka dhoofi karo, taasna ay xaq u siineyso muwaadinimadiisa, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale uu intaas ku daray in dowladdii KMG aheyd, islamarkaana uu Madaxweynaha ka ahaa ay dadaal badan ku bixsay Garoonka Aadan Cadde, kuna guuleysatay dhowr sano kadib in ugu yaraan diyaaraduhu ay ka soo dagaan. “Garoonka ay intaas iga soo gashay, haddii la ii ogolaan waayey, yaa loo ogolaanayaa?.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in hay’adaha dowladda aysan madax banaaneyn, sida Baarlamaanka oo uu tilmaamay in uusan laheyd awoodii looga baahnaa. Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay dowladda amniga, dhaqaalaha iyo dastuurka oo uu sheegay in dhamman ay ka gaabisay, taasi bedalkeedna uu xusay in ay xooga saartay dagaalka ay kula jirto siyaasiyiinta mucaaradka. Shariif ayaa sidoo kale su’aal galiyey, sida mustaqbalka Farmaajo iyo Khayre loougu aamini karo dalka, gaar ahaan doorashada 2020-ka, maadaama buu yiri ay iyagu hareer marayaan shuruucda dalka. Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay xiriirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, isagoo sheegay inuusan jirin maamul madax banaan oo xiriir la leh dowladda dhexe. “Jubbaland isma hayaan, Puntland isma hayaan, Galmudug waxa ka socda waan ognahay, HirShabelle waxa ka socda waan ognahay, Baay iyo Bakool waxa ka dhacay waan ognahay.” ayuu markale yiri, Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka. Xiisada dowladda iyo Sheekh Shariif ayaa ka dhalatay, kadib markii shalay loo diiday inuu u duulo Kismaay oo uu doonayey in uu kaga qeyb galo caleema saarka Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. MOGADISHU (HOL) - Somali Civil Aviation Authority has suspended all flights to Kismayu in an apparent move to block politician intending to attend the inauguration of Jubbaland state president Ahmed Madobe. Source: Hiiraan Online
  17. (SLT-Hargeysa)-Cali Xaraare Oo Ka Faallooday Sheekh Caan Ah Oo Muddo 5 Bilood Ah Ku Xidhnaa Burco, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Kenya ayaa la xaqiijiyey iney mar kale dib ugu laabtay maxkamadda qaadeysa dacwada badda ee ICJ, iyada oo sheegtay in ay ku yartahay 2-bada bil ee la siiyey ee ilaa November 4, waxaa ay maxkamadda cadliga ka codsadeen waqti intaas ka badan. Ilo kiiska ku dhow ayaa Goobjoog News u sheegay in Kenya oo horay ugu hungowday in muranka badda xal looga gaaro meel ka baxsan maxkamadda ay hadda dib ugu laabatay maxakamadda si waqti u iibsato. Maxkamadda ICJ weli lama soo xiriirin Soomaaliya, laakin waxaan la hubin waxa ay Muqdisho ka yeeli-doonto haddii Kenyaanka dalbadaan waqti ka badan kii ay maxkamadda qabatay ee November 4 ahaa. Kenaya ayaa horay maxkamadda uga codsatay 12 bil, laakin waxaa loo ogolaaday 2 bil oo ah inta u dhaxeysa September 4-November 4. Goobjoog News, Source: goobjoog.com
  19. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) today condemned an “increasing pattern” of intimidation and harassment of journalists and media houses in Puntland as a means of intimidating and silencing journalists working in the public interest. On 22 September, Puntland’s Information Minister Ali Hassan Ahmed (Sabareey) announced that all journalists in Puntland are requested to register at his ministry before 15 October 2019. The Minister who held a press conference in Garowe city on Sunday also ordered all the independent media houses operating in Puntland to register in “order to monitor their daily journalistic work”. Minister Ali Sabareey added that the Ministry will examine the knowledge and experience of journalists and revoke his or her accreditation if proved lacking sufficient journalism skills, which is deemed by journalists as a naked attempt to curtail rights and freedoms of critical and journalists. “We express our deep concerns over this unlawful order which is designed to inhibit ongoing investigations and prevent legitimate public interest reporting. This obnoxious directive only adds fuel to the flames by attempting to control & punish independent journalists and compel media houses to register for reprehensible reasons,” said Awil Mohamud Abdi, President of the Supreme Council of NUSOJ. Speaking in Garowe, NUSOJ Secretary of Information and Human Rights, Khadar Awl Ismail, said: “This is an attempt by Puntland government in which the person it favors will be recognized as a practicing journalist while critical and independent journalists will be denied to practice journalism which is a total contradiction of Puntland media law”. The union further terms this latest repressive action by Puntland authorities as unconstitutional as it goes against constitutional rights of journalists as guaranteed by the Puntland constitution and provisional constitution of Somalia. “This directive carries all the hallmarks of a government-inspired attempt to control and intimidate journalists and media houses,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary-General. “It is not surprising that a number of our colleagues in Puntland have been harassed while the government fabricates this illegitimate directive as a means to control the critical journalists.” NUSOJ calls on the Puntland government to put an end to all harassment and targeting of journalists and to respect the rights of the media to criticize without fear of reprisal. The union’s concern follows a number of cases in recent weeks against the media in Puntland. Puntland police briefly arrested a prominent Journalist Hasan Heykal working for Radio Daljir in Bosaso city on 17 September 2019. Heykal’s detention followed multiple raids on Radio Daljir offices in Garowe and Bosaso on 14 and 15 September 2019 respectively and the briefly shut the radio’s transmitter in Bosaso on 16 September. The raids and the brief shutdown of Radio Daljir came after the station aired series of reports by Radio Daljir about the death of an inmate who died as a result of torture by police at the coast of Bosaso under the command of Puntland Police Commissioner, General Muhiadin Ahmed Muse. The leading privately-owned Radio has been attacked several times this month and its journalists were intimidated for reporting the unpleasant human rights abuses in Puntland by the state police force. “Restriction on media in covering events of public importance is against the norms of media freedom. NUSOJ urges Puntland authority to allow journalists and media houses to perform their duty of informing the public about the unfolding events freely and independently,” said Osman. Finally, NUSOJ calls on the authorities in Puntland to immediately rescind this unlawful directive and to stop an ongoing and heightened campaign of harassment against the free media. View the full article
  20. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo saaka Shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa wuxuu ka hadlay Safarkiisii Shalay uu damacsanaa inuu ku tago [...] Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Kenya ayaa toddobaadkii hore waxay magaalada Hargeysa u soo dirtay wefti Kenyan ah oo diblomaasiyiin ah. Ma jiro wax war ah oo ay Kenya iyo Somaliland ka soo saareen weftigan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in ujeedada socdaalka diblomaasiyiintani ahaa sidii ay Kenya qunsuliyad uga furan lahayd magaalada Hargeysa, iyagoo indho-indheeyay deegaanka u haboon ee ay ka dhigan karaan qunsuliyad. Waxa magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland. Diblomaasiyiintan oo ka koobnaa saddex xubnood ayaa Jimcihii ka dhoofay magaalada Hargeysa. Xukuumadda Somaliland oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo ujeedada weftigan, ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho, laakiin xubnahan ayaa wada hadal la yeeshay madaxda wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland. Dawladda Kenya ayaa dhawr goor oo hore sheegtay inay qunsuliyad ka furanayso magaalada Hargeysa, laakiin waa markii u horaysay ee ay Hargeysa u soo dirto wefti u socda indho-indhaynta iyo diyaarinta qunsuliyada Kenya ee Hargeysa. Dalal kala duwan ayaa qunsuliyado iyo wakiilo ku leh caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Djibouti, Turkiga iyo Ingiriiska. Source