-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beledweyne (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa goor dhaw gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhufatay fatahaad ka dhalatay Wabiga Shabeelle iyo Roobab xoog leh oo ka da’ay gobolka iyo deegaannada ku dhaw dhaw. Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa madax kale ayaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyey wafdiga madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa waxaa la sheegay inay la socdaan diyaarado sida gargaar loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka Beledweyne ku dhibaateysan. Madaxweynaha ayaa la filayaa inta uu Beledweyne joogo inuu u guurgalo Xaaladda fatahaadaha iyo sida ay u saameysay dadkii ku noolaa Magaalada Beledweyne. Madaxweynaha ayaa waxaa la socdo Xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka Fatahaada ee uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka barakacay ku dhawaad 300 kun oo qoys oo ay saameysay fatahaada Wabiga illaa haddana ma heystaan hooy iyo cuno ay cunaan. Waxaa guud ahaan dalka ka bilowday olole gargaar loogu aruurinayo dadka ku dhibaatoobay fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya oo ay ugu daran tahay Magaalada Beledweyne. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo maanta xabaalaha masallaha ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey taliyihii ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan. Aaska qaran ee loo sameeyey taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, taliyayaal katirsan ciidamada kala duwan ee qaranka, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, salaadiin, culmimaa’udiin iyo badiba haldoorka reer Somaliland, waxana salaadda jinaasada lagaga tukaday masaasjika Sheekh Mustafe ee magaalada Hargeysa. Ugu horrayn qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka oo hadallo kooban ka jeediyey goobta Aaska, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, waxana ay tacsi u direen ehelladii iyo qaraabadii uu ka baxay iyo ciidanka Booliska ee uu taliyahooda ahaa. Guddoomiyayaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, ayaa iyaguna si isku mid ah tacsi ugu diray ehelladii uu marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan ka baxay iyo ciidamada Booliska Somaliland, waxana ay ku dheeraadeen doorkii uu ku lahaa dhismaha nabadda. Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo xabaasha dusheeda ka hadlay, ayaa tilmaamay inuu marxuumku kamid ahaa bud-bigayaashii nabadda ay Somaliland ku naalloonayso, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu waqti badan geliyey dhismaha ciidanka Booliska iyo tayeyntooda, isaga oo wasiirku tacsi u diray ciidamada Booliska iyo ehelladii uu marxuumku ka baxay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada iyo guud ahaanba ciidanka Booliska iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ahaa taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, waxana uu marxuumka ku sifeeyey halyey waqti badan geliyey dhismaha qarankiisa iyo Aas-aaska nabadgelyada. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Marxuum Cabdilaahi Fadal uu noloshiisa u huray hirgelinta nabadda iyo dhismaha ciidamada Booliska Somaliland, “Ninkaasi intii uu noolaa qaranka uun buu u shaqaynayey, soddonkii sanno ee ugu dambeeyey Somaliland maalintii la Aas aasay ilaa iyo maanta waxan u malaynayaa nabadgelyada nin la mid ah mooyaane nin uga badsaday dhisiddeeda iyo ilaalinteeda inaanu jirin, sarkaal hoose ayuu kasoo bilaabay iyada oo aannu xabsi jirin, ilaa maanta uu ciidanka dhan ee uu sarreeye gaaska ka ahaa ka dhismay, intaas oo taliye oo soo shaqaysayna hawlgelinta ayuun buu ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah u xusay sifooyinkii lama illaawaanka ahaa ee Marxuumku lahaa waqtiyadii uu shaqada ku jirey, waxana uu yidhi, “Telefoonkiisu ma damaynin, ma seexanayn, ma nasanayn oo nabadgelyada uun buu u taagnaa hadh iyo habeen, Ilaahayna wuu ka abaalmarin doonaa, Taariikh ifka oo wanaagsan oo halgan uu dalkiisa dhisayna wuu leeyahay.” Source
-
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta waxaa ay anisixiyeen xisaab xirka miisaaniyadda 2017. Codeynta dhacday waxaa ay u dhacday: 128-Xildhibaan oo golaha shacabka ah ayaa ogolaatay 8-Xildhibaan ayaa diiday 5-Xildhibaanna waa ay ka aamustay sidaas ayuu ansax ku noqday Maalmo kadib, waxaa golaha la hor keeni-doonaa miisaaniyadda 2020-ka oo dhan $459.5 milyan iyada oo la heyn xisaab xirka miisaaniyadaha 2018 iyo 2019. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa bartiisa Faceboogga ku qoray “33 million iyo 700 kun dollar oo si sharci daro ah xukuumadu u isticmaashay ayaa maanta lagu ansixiyay xisaab xirkii 2017! Lacagtaas waxay ka kala timid wadamada Sacuudiga 30 milyan, Turkiga 2 milyan iyo Imaaraadka 1.7 milyan. Lacagtaas kuma jirin miisaaniyadii 2017 barlamaanku ansixiyay. Xukuumadu sooma sheegin in lacagtaas soo gashay. Markii lagu arkay xisaab xirkii ay soo gudbiyeen 2017 waa sheegi waayeen sababta iyo sida loo isticmaalay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Another year and another flood enforced Beledweyn inhabitants to evacuate the city, leaving behind their business and professional activities, then hosting an open area, in rainy season, with very indeed serious hardship life, no food, no water and no shelter for most of them. Source: Hiiraan Online
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in saaka ay maleeshiyaadka Al-sunna isku dayeen iney hubka ka qaataan labo askari oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, is rasaaseyn halkaasi ka dhacday waxaa ku dhimatay gabar reer Guriceel ah. Dhanka kale, waxaa uu dagaal ku dhex maray magaalaada Matabaan ciidamo dowladda federaalka ah iyo qaar kale oo ka tirsan xarakada Ahlu sunna, waana xilli uu booqanayey wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah Cabdi Maxamed Sabriye. Dagaalka oo ka dhacay bar Kontorool oo laga galo Matabaan, Ahlu-sunna ayaa u diiday wasiir Sebriye inuu galo magaalada, laakin rasaas muddo socotay kadib waxaa loo awood sheegtay suufiyada, waxaana la sheegayaa in ciidamada dowladda ay hadda heystaan magaalada. Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in hadda walaac laga qabo inta jidka loo galo safarka wasiir Sabriye, oo laga yaabo inuu dib ugu laabto Dhuusamareeb, oo marinkiisu yahay magaalada Guriceel halkaas oo wadaadadu ku awood badan yihiin. Maalmahan dambe, waxaa aad u xun xiriirka dowladda federaalka ah iyo Ahlu-sunna, kooxda suufiyada waxaa ay Villa Somalia ku eedeeyeen iney balanta uga baxday. Afhayeen Ahlu-sunna oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegay in wasiir Sabriye ay quus ka joogan, una qalmin iney la fariistaan, laakin ay sugayaanra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in xisaab- xirka Miisaaniyadda 2017 ee maanta uu ansixiyey Baarlamaanka ay ku jirtay lacag ku dhow 38 Milyan oo Doolar oo aan la ogeyn meel ay ku baxday, kuna maqan xukuumadda Soomaaliya. “33, 700, 000 kun dollar (Soddon iyo saddex Miyan, todoba Boqol kun Doolar) oo si sharci daro ah xukuumadu u isticmaashay ayaa maanta lagu ansixiyay xisaab xirkii 2017… Lacagtaas waxay ka kala timid wadamada Sacuudiga 30 milyan, Turkiga 2 milyan iyo Imaaraadka 1.7 milyan. Lacagtaas kuma jirin miisaaniyadii 2017 barlamaanku ansixiyay. Xukuumadu sooma sheegin in lacagtaas soo gashay. Markii lagu arkay xisaab xirkii ay soo gudbiyeen 2017 waa sheegi waayeen sababta iyo sida loo isticmaalay…” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa xildhibaannadii diiday ansixinta xisaabxirka Miisaaniyadda 2017. Dowladda Federaalka ee hadda jirta ayaa ku dooda inay la dagaalantay musuqa, isla markaana ay koror weyn ku sameysay dakhliga gudaha, laakiin waxay ku fashilantay inay xisaabxir ku sameyso miisaaniyadda sanad kasta inta aan loo ansixin miisaaniyadda sanadka kale, waxaana muuqata in xisaabxirka xukuumadda aan laga qancin xildhibaannada. Miisaaniyadda sanadkii 2017 oo gaareyso 245, 566,045 ayaa doodo badan ka dhalatay, kaddib markii Xildhibaanada ay ku eedeeyeen Hey’addaha dowladda inay si qaldan loo isticmaalay miisaaniyada qaar, ayna caddeyn xisaab xirka iyo qarashaad maqan halka loo isticmaalay. Waa xisaab xirkii u horeeyay ee ay sameyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo lagu dhaliilayay in tan iyo markii la doortay aanay xisaab xir miisaaniyad sameyn, iyadoo sanad ka harsan yahay muddo xileedkeeda. Khamiistii la soo dhaafay ayay aheyd markii Golaha Wasiirada ay ansixiyeen miisaaniyada sanadka soo socda 2020, taasoo gaareysa afar boqol oo milyan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Matabaan (Caasimadda Online) – Dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka ayaa goor dhaw ka dhacay magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ciidamada dowladdu kula wareegeen gacan ku heynta degmada Matabaan oo muddo sanado ah ay maamulayeen Ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaal kooban uu ka dhacay Magaalada, islamarkaana Ciidanka Ahlusunna ay ka baxeen. Ciidanka Ahlusunna ayaa hadda ku sugan duleedka degmada Matabaan, waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in Ahlusunna ay waddo Aruursi Ciidan. Dhinaca kale, duleedka magaalada Matabaan ayaa koox hubaysan waxa ay weerar jid gal ah ugu gaysatay wafdi uu la socday wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye. Waxaa la sheegay in weerarkaas ay iska caabiyeen ilaalada wasiir Sebriye, kadib is rasaasayn socotay muddo kooban oo dhex martay waxaana loo maleynayaa in dableyda geysatay weerarkaas jid galka ah ay taabacsanyihiin Ahli-Sunna oo si buuxda u maamulaysay magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan. Wafdiga wasiir Sebriye ayaa gaaray magaalada Matabaan oo sida la sheegay gacanta u gashay ciidamada xoogga dalka qeybtooda 21aad, kuwaas oo hada si buuxda u maamulaya gacan ku haynta Matabaan. Wasiirka ayaa sida la sheegay goor dhaw goob fagaare ah kula hadli doona dadka ku nool magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Baarlamanka ayaa cod gacan-taag ah ku diiday codsiga xeer ilaalinta Mudanayaasha Golaha Wakiilada dowladda Puntland, ayaa Maanta oo Sabtiya cod aqlabiyad ah ku diiday, warqad uga timid Xeer Ilaalinta Puntland oo looga codsaday Baarlamanka in ay xasaanadda ka qaadan xildhibaan Cawil Xassan Daad, si loogu oogo dacwad la xiriirta su’aal uu madaxweynaha ku weydiiyay furitaankii Kalfadhiga Baarlamanka. Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa ka hor inta aysan cod u qaadin codsiga Xeer Ilaalinta, waxay warbixin ka dhegaysteen Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda Baarlamanka Puntland oo loo diray in ay ka soo tala-bixiyaan warqadda xeer Ilaalinta. Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda Baarlamanka, Xil. Saadiq Abshir Garaad oo warbixinta u akhriyay mudanayaasha, ayaa sheegay in su’aashii xildhibaan Cawil Xassan Daad uu furitaankii Baarlamanka ku weydiiyay madaxweyne Deni ay si cad u waafaqsantahay Dastuurka Puntland iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada. Mudane Saadiq ayaa sidoo kale sheegay in warqadda codsiga ah ee Xeer Ilaalinta Puntland ay Baarlamanka u soo jeedisay in xasaanadda laga qaado xil. Cawil Daad, si dacwad ciqaabeed loogu oogo, ay tahay mid gebi ahaanba baal-marsan Dastuurka Puntland. Warbixinta Guddiga kadib, ayaa 41 mudane oo fadhiga soo xaadiray, waxay cod gacan-taag ah u qaadeen codsiga Xeer Ilaalinta, waxaana ay si wadar-ogol ah ku diideen codsigaasi, kadib markii 39 xildhibaan ay “maya” u codeeyeen. Sidoo kale, Xildhibaan Cawil Xassan Daad ayaa u mahadceliyay mudanayaasha Baarlamanka, waxaana uuu mar kale ku celiyay in su’aashii uu madaxweynaha weydiiyay ay ahayd, mid sax ah oo waafaqsan Shuruucda iyo Dastuurka Puntland. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo cod aqlabiyad leh ku diiday codsigii xasaanad ka qaadida Xil. Cawil Xassan Daad appeared first on Puntland Post.
-
Wasiir ka socda Dowlada Federaalka oo wata Ciidan ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Matabaan oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad ka tirsan Maleeshiyada Ahlu Suna. Isku [...] Source
-
MOGADISHU (HOL) - Cyclone KYAAR which was expected to make land fall on Somalia this weekend has rapidly weakened, the UN Food and Agriculture organisation (FAO) has said. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulamo gaar ah magaalada Dooxa ee caasimadda waddanka Qatar kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qadar Mudane Jassim bin Saif Al Sulaiti iyo madax kale oo ka tirsan dalkaasi, Kulanka ayaa waxaa looga wada hadley in labada dal iskaashi dhow ka yeeshaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka, tababarrada iyo tayeynta awoodda shaqaalaha Isgaarsiinta. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ayaa sheegtay in kulanka labada dhinac uu ku soo dhammaadey is-afgarad, islamarkaana uu qeyb ka yahay qorshaha Wasaaradda ee sahminta saaxiibo qeyb ka qaata fulinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, taas oo loogu talo galay in 5ta sano ee soo socota lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka. Dhinaca kale, labada wasaaradood ayaa wada saxiixday heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta, munaasabada saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirkeena dalka Qadar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali. PUNTLAND POST The post Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiiday heshiis appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa u codeeyay xisaab xirka Miisaaniyaddii sanadkii 2017. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay Cod u qaadaan xisaab xirka Miisaaniyaddii sanadkii 2017 , waxaana ay u dhacday Codeynta siddaan. 128-Xildhibaan ayaa Ogolaatay 8-Xildhibaan ayaa diiday 5-Xildhibaanna waa ay ka Aamustay sidaas ayuu ansax ku noqday Waxaa kulanka ka dhex muuqday Wasiirada Xildhibaanada ah ee ku jira Golaha Wasiirada, waxaana ujeedka ahaa inay wax ansixiyaan Miisaaniyadda sanadkii 2017. Miisaaniyaddaan ayaa noqoneysa miisaaniyaddii u horeeysay ee la ansixiyo tan iyo intii uu talada qabtay Madaxweyne Farmaajo. Miisaaniyadda sanadkii 2017 oo gaareyso 245, 566,045 ayaa doodo badan ka dhalatay, kaddib markii Xildhibaanada ay ku eedeeyeen Hey’addaha dowladda inay si qaldan loo isticmaalay miisaaniyada qaar, ayna caddeyn xisaab xirka iyo qarashaad maqan halka loo isticmaalay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Alle ha u naxariistee waxa goordhawayd aas qaran loo sameeyay Sareeye Gaas Cabdilaahi Faddal iimaan oo mudo dheer ahaa taliyahii ciidanka Booliska ee Somaliland, marxuumka ayaa xalay fiidkii ku geeriyooday cisbatal ku yaala magaalada Hargeysa, kadib markii uu in mudo ahaba u jiifay xanuun haleelay Marxuumka Alle ha u naxariistee waxa goordhawayd lagu aasay xabaalaha Masallaha ee Koonfurta magaalada Hargeisa ee caasimada Somaliland Qaran News
-
HARGEISA (HOL) - Somaliland police boss Gen. Abdullahi Fadal Iman has passed on in Hargeisa after illness. Source: Hiiraan Online
-
Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo fariisin ku leh magaalada Dhuusamareeb ayaa kaalmo soo gaarsiiyay dadka ay saameeyeen fatahaadaha ee magaalada Baladweyne. Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in kaalmo ay iska jareen ciidamada soo gaarsiiyeen Beladweyne, “Waxaan ahayn saraakiil booqasho ku timid Beladweyne, una soo gurmaday shacabkooda Beladweyne ku nool, waxaana ka nimid magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana walaalaheen ugu deeqday kaalmo yar oo ciidanka Qalabka sida ay iska gooyeen oo ay dadkooda ugu tabaruceen, waxaan rabnay inaan qalbigeena tusno, oo aan dareensiino inaan nahay hal xubin, oo aan la damqaneyno dhibta soo gaartay, ciidankana waan uga mahadelinayaa sida ay u garteen inay dhibka la qeybsadaan walaalahood, iyadoo la dareemi karo nolosha uu ku noolyahay Askariga, lana ogyahay mushaarka ay qaataan, ayna u diyaarsanyihiin inay Walaalahood wax u qabtaan” ayuu yiri Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale. Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale ayaa sheegay in shacabka reer Galmudug ay iminka wadaan dadaallo kaalmo loogu arruurinayo Walaalahood ay fatahaaduhu saameeyeen, ayna dhankooda diyaar u yihiin inay soo galbiyaan marka ay kaalmada iska soo aruuriyaan shacabka Galmudug, si loo soo gaarsiiyo Beladweyne. Cabdraxmaan Axmed Caraale ayaa ugu baaqay bulshada inteeda kale inay dhankooda kaalmada la soo gaaraan shacabka ku dhibaateysan duleedka Beladweyne ee ka soo barakacay fatahaadaha. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda gargaarka caalamiga ah ee fadhigeedu yahay dalka Norway ee NRC ayaa warbixin cusub ka soo saartay fatahaadaha ka jira dalka iyo barakaca xoogan ee ay sababeen. Warbixinta NRC ayaa lagu sheegay in fahaadaha wabiyada Shabelle iyo Jubba ay saameeyeen tiro aad u bada oo ay hadda soo wajahday nolol aad u adag, kadib markii ay daadad xoogan qaadeen deegaanadii ay ku noolaayeen. NRC ayaa sheegtay in fatahaada ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya ay ku barakaceen illaa 273,000 oo ruux, kuwaas oo hadda xaalad adag ay soo wajahday, una baahsan gurmad iyo caawimaad deg deg ah. Hay’adda qaxootiga ee NRC ayaa sheegtay in meelaha ugu daran ay ka mid tahay Beledweyne, islamarkaana weli ay go’doon ku jiraan xaafado ka tirsan magaaladaasi oo ay ku sugan yihiin dad danyar ah. Sidoo kale waxa ay hay’addu walaac ka muujisay nolosha dad badan oo ku dhaqan degmada Bardaale ee gobolka Baay, halkaas oo ay ka barakaceen ku dhowaad 30,000 oo qof, kadib markii ay ku rogmadeen daadad xoog leh. Ugu dambeyn waxay NRC sheegtay in dadka barakacay oo ah kuwa nugul ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah, iyadoona ku baaqday in si wadajir ah la’isaga kaashado samata bixinta dadkaasi dhibaateysan. Tan iyo markii fatahaaduhu ku dhufteen Beledweyne iyo Bardaale ayaa waxaa isa soo tarayey qaylo dhaanta ka soo yeereysay degmooyinkaasi, welina dadku ma helin gargaar ku filan, inkastoo dowladda dhexe ay wado dadaall lagu caawinayo dadkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimadda Online)– Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha DFS, Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga Qaybgalay Shirka Iskaashiga Xiiriirka Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga, isagoona halkaasi kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Turkiga Ruhsar Pekcan iyo wasiirka warshadaha iyo Teknoolijiyada dalkaasi. Wasiirka ayaa kala hadlay wasiirada uu la kulmay Xiriirka Labada dal iyo sidii loo hormarin lahaa Iskaashiga Ganacsi iyo Maalgashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, Waxaana si gaar ah kulanka diirada loogu saaray Heshiiska Iskaashiga Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga , Sidii Turkigu u taageeri lahaa Hay’adda Tayyo Dhowrka Badeecada Somaaliya iyo Warshadayn Dalka Soomaaliya lagu sameeyo, taasi oo kor u qaadi doonta Koboca dhaqaalle ee Dalkeena Soomaaliya. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Ganacisga iyo Warshadaha DFS Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa Kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Dalka Turkiga Mustafa Varank , oo ah Nin Xog-Ogaal u ah Xaalada Soomaaliya, kamid ahaa wafdigii Turkiga ee Sanadii 2011 Tagay Somalia isagoo Xiligaasi la taliye u ahaa Raysalwasirihii Turkiga, Hadana Ah madaxwaynaha Turkiga Rajeb dayib Erdogan. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Xusay in Soomaaliya ay leedahay Khayraad badan, , Haday noqoto Xaga Beeraha, Xagga Kalluumaysiga iyo Xoolaha ,Waxaana laga hadlay Sidii Ganacsatada dalka Turkigu u maal gashan lahaayeen Soomaaliya. Dhankiisa Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Dalka Turkiga Mustafa Varank ayaa Xusay inay Soomaaliya garab taagan yihiin, Islamarkaana ay gacan siindoonaan Tababarada Warshadaha iyo Waayo-aragnimada Tiknoolajiyadda. Wasiirka waxaa kulamada ku Weheliyey Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga . Caasimada Online Xafiiska Ankara caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa kulamo gaar ah magaalada Doxa kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qadar Mudane Jassim bin Saif Al Sulaiti iyo madax kale oo ka tirsan dalkaasi, Kulamadaasi ayaa waxaa looga wada hadley in labada dal iskaashi dhow ka yeeshaan dhinaca isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka, tababarrada iyo tayeynta awoodda shaqaalaha isgaarsiinta. Labada dhinac kulamadooda oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorshaha Wasaaradda ee sahminta saaxiibo qeyb ka qaata fulinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, taas oo loogu talo galay in 5ta sano ee soo socota lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka. Dhinaca kale waxa ay labada wasaaradood wada saxiixdeen heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta, munaasabada saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirkeena dalka Qadar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali. “Iskaashigan cusub ee labada dal waxa uu qeyb fiican ka qaadan doonaa maalgelinta iyo dib-dhiska kaabaayaasha isgaariinta dalka, waxa uuna sidoo kale suurtogelin doonaa ka-faa’iideysiga khibradda dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya dalalka carabta dhinaca maalgelinta tiknolojiyadda casriga ah,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “lama gaari karo hiigsiga siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaariinta iyo Tiknolojiyadda ee ay dhowaan diyaarisey wasaaradda haddii aan la helin dalal saaxiibo ah oo naga caawiya dhinaca khibradda, farsamada iyo soo dhoofinta tiknolojiyadda casriga ah’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku. Wafdiga Wasaaradda oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa muddadii ay joogeen dalka Qadar waxa ay ka qeybgaleen bandhigyo, shirar iyo fadhiyo danayn gaar ah u leh dalalka soo koroya. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa waxa uu kulamo sharafeed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Qadar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani iyo Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
