-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa ka soconaya qabanqaabada munaasabadda caleema-saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe, oo maanta lagu wado iney ka dhacdo magaaladaasi. Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa aad loo adkeeyey, waxaana munaasabadan ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Axmed, madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaanno Labada aqal, hoggaamiyeyaasha xisbiyo siyaasadeed iyo mas’uuliyiin kale. Waxaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo aaddan ay munaasabadaasi soo gaaraan siyaasiyiin kale oo qeyb ka noqon doona Caleema-saarka madaxweyne Axmed Madoobe. Laanta fulinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa diiddan doorashadii uu kusoo baxay Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo xayiraad badan ay kusoo rogtay magaalada Kismaayo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wafdigan oo uu horkacayo hoggaamiyaha aqlabadiyada baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow ka soo duulay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi. Wafdiga ka socda dowladda Kenya oo ku wajahan Kismaayo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka, Axmed Madoobe. Lama oga in ay soo mari doonaan Muqdisho iyo in kale, maadaama xalay dowladda Soomaaliya ay mamuucday duulimaadyada tooska ah ee Kenya iyo Jubbaland. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay ugu dacweysay Kenya hay’adda maamulka hawada Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo K/Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay jabisay xayiraadii xukuumadda Muqdisho ay saartay garoonka magaalada Kismaayo. Arrintaasi ayaa sare u qaaday xiisada labada dal, iyadoona dowladda Soomaaliya ay u yeertay safiirka xukuumadda Nairobi u jooga magaalada Muqdisho. Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe oo taageerada ugu badan ka hela Kenya ayaa dhaceysa maanta, iyadoona qaban qaabadii ugu dambeysay ay ka socoto Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Maamulka Duulista Hawada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar cusub oo ku wajahan duulimaadyada aadaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Waxbixinta waxaa ku xusan oo kale in duulimaad kasta oo ka imaanaya meel ka mid ah Kenya, una socda Kismaayo ay qasab tahay iney soo maraan Muqdisho. Waxaa qoraalka lagu adkeeyey duulimaadyada gudaha iyo dibadda ah ee ku socda Kismaayo, taas oo hey’adda ku sababeysay iney marsiin-doonto baaritaan. Waxaa xusid mudan in horay isu burisay hey’adaasi, oo mar sheegtay in laga qaaday, hadana tiri ma jirin xayiraad la saaray Kismaayo. 23-kii bishii hore ayey ahayd markii shirkadaha duulimaadyada lagu wargeliyey in muddo Saddex cisho ah aanay wax duulimaad ah ka sameyn karin magaalada Kismaayo, kadib warqad ay ka heleen hay’adda duulista hawada dalka. Hey’adda duulista hawada maareeyaheeda ayaa si cad ugu sheegay warbaahinta in aanu jirin wax xayiraad ah oo uu maamulkooda saaray duulimaadyada taga ama ka baxa magaalada Kismaayo. Dhankeeda, war saxaafadeed ka soo baxay wasaarada Gaadiidka ayaa lagu fasaxay duulimaadyadii diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo Kismaayo. Wasiir ku xigeenka warfaafinta xukuumada Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowlada ay fasaxfay howlihii duulimaadka kadib codsi ugu yimid Shacabka Kismaayo. Arrimahaas kala hadalka waxaa ay keeneen in la ogaaday jaha-wareerka ka jira hey’adaha kala duwan ee dowladda oo kala socda, kana muuqato cabsi iyo kalsooni-darro. Amarkan cusub, lama oga sida uu u dhaqan geli-doono, laakin waa talaabo kale oo dhibaato ku ah bulshada ku dhaqan Kismaayo. Goobjoog News ayaa ogaaday in ay kor u kaceen qiimaha lagu raaco diyaaradaha ilaa $200 halka ay dhibaato la kulmeen ganacsatada, bukaanka iyo cid walbo oo safar ah. Qiimaha Tikit-ka Kismaayo iyo Dhoobley oo horay u ahaa $70 ayaa noqday $ 250. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qaban qaabadii ugu dambeysay ee munaasabadda caleema saarka, Axmed Madoobe ayaa saaka ka socota magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, taas oo la filayo inay dhacdo saacadaha soo socda ee maanta. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo xoojiyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah lagu soo daadiyey waddooyinka magaaladaasi. Xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland oo labo jeer dib u dhacday ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdisharkuur, Madaxweynayaashii hore ee maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Shariif Xasan, iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, Senatoro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa munaasabadda ka qeyb galaya wafdi ka socda Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Somaliland, sida uu shaaciyey wasiirka warfaafinta Jubbaland. Dowladda Soomaaliya oo si weyn uga soo horjeeda doorashadii dib loogu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xalay ku dhawaaqday in markale ay xayiraad ku soo rogtay diyaaradaha tooska ah ee ka dagaya garoonka diyaarada magaalada Kismaayo. Tallaabadan ayaa uga sii dareysa khilaafka labada dhinac, iyadoona inta badan xubnaha mucaaradka ay arrintan si weyn ugu dhaleeceeyeen madaxda sare ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Xukuumada Federaalku waxay marakan manuucdey Diyaaradaha Kenya ka imaanaya sababtoo ah Waxay Villa Soomaaliya maqashay in Wafdi xoogan ay kasoo socdaan Kenya si ay uga [...] Source
-
Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in saaka si weyn loo adkeeyey amniga guud ee magaaladaasi. Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa la soo dhoobay waddooyinka muhiimka ah ee Kismaayo. Sidoo kale ciidamada ayaa hakad galiyey dhaq dhaqaaqa shacabka ku dhaqan magaaladaasi, si loo xaqiijiyo nabad geylyada. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda xafladda caleema saarka, Axmed Madoobe ay ka dhacdo halkaasi. View the full article
-
Hanti-Dhowraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamud Cali oo ka qeyblaya shirka INCOSAI-2019 ee ka dhacaya dalka Ruushka ayaa warbixin kooban oo uu bixiyey ku sheegay in Soomaaliya ay sannadkan 2019 qaadatey habraaca baarista casriga ah oo ay Hanti-Dhowrada Adduunku ku dhaqmaan. Wuxuu kaloo Hant-Dhowruhu sheegay in XHGQ kala shaqeeyey Wasaaradda Maaliyadda qaadashada & ku dhaqanka habraaca warbixin Maaliyadeedka loo yaqaan (IPSAS Cash Based). Waa guul usoo hoyatey Soomaaliya oo la doonayo in horey loo sii dhaqaajiyo ayuu yiri Hanti-Dhowraha Qaranka Soomaaliya. Qar ka mid ah Dowladaha ka qeyb galaya shirkaasi ayaa soo dhaweeyay horumarka ay soomaaliya ka sameysay dhinaca Baarista iyo la dagaalanka Musuq maasuqa, Hanti-Dhowraha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatey dhiggiisa waddamada Turkey, Finland, UAE, KSA, & hay’adaha AFROSAI-E & ARABOSAI oo ay Soomaaliya xubin nimadeeda dib usoo ceshatey, isagoo kala hadley sidii loo xoojin lahaa iskaashiga & taagerada xirfadda farsamo oo ay wadaaga kula yihiin Soomaaliya. View the full article
-
Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa $50 Milyan oo sare loogu qaadayo waxbarashada dadka aan fursadaha waxbarasho nasiibka u yeelan. Agaasimaha xaafiiska warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Facebook-ga kusoo qoray in lacagtaas ay dowladda Mareykanka ay ku taageertay Barnaamijka Bar ama Baro oo ay hindistay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. “Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Barnaamijka Waxbarashada ee BAR ama BARO ay ku taageereyso lacag gaareysa $50 Milyan” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur. Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur ayaa qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyay “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba waxay abaal uga hayaan dalalka saabiixada ah taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan dhismaha iyo xoojinta hay’adaha dowladda”. View the full article
-
Afar ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Maamulka HirShabelle ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay lagu dilay duleedka M/ Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Saraakiishan ayaa waxaa lagu dilay weerar gaadma oo ka dhacay tuulada Mandheere oo 8km u jirta magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha oo shaqadooda ku guda jira ay si lama fillaan aheyd u soo weerareen dagaalyahannada Al-Shabaab, halkaasina ay ku dileen, Saraakiishan la dilay ayaa waxaa ka mid ah ky xigeenkii taliyaha ilaalada Madaxweynaha HirShabelle, oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan Dhiilow iyo saddex sarkaal oo kale oo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada maamulkaasi. Taliyaha Booliska HirShabelle, Xasan Dhicisow oo la socday ciidanka la weeraray ayaa la soo sheegaya in uu ka mid yahay raggii ka badbaaday weerarka uuna dib ugu laabtay magalada Jowhar. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahannada Al- Shabaab ay dib uga bexeen tuuladaasi oo markii dambe ay gaareen ciidan xoogan oo ka tirsan Hirshabelle. Al Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey culeys soo saaray gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii weeraro khasaaro badan geystay ay dhowaan ka fuliyeen halkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-12102019-ww.mp3 View the full article
-
Guddoomiye Siciid Maxamed Faahiye Guddoomiyaha gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa faahfaahin ka bixiyay awaamiir kala duwan oo uu soo saaray maamulka gobolka Karkaar. Guddoomiyaha ayaa sheegay in awaamiirta ay soo saareen ay ku socoto xakamaynta bogcadaha dhulka ee ku yaalla hareeraha magaalada Qardho oo dad shacab ah isaga habsadeen islamarkaana sababa isku dhacyo dhexmara dadka isku dirira dhulkaasi. “Hub kasta oo meeshaasi lala tago oo la isku dayo in amniga wax loogu dhimo ciidanka amniguna ay gacanta ku dhigaan wuxuu noqonaya hub dowladdu leedahay oo ciidanka amnigu ay toos ula wareegayaan” ayuu yiri guddoomiye Faahiye. Sidoo kale guddoomiyaha waxa uu sheegay in dhammaan dhulkii dowladda ee ku yaalla magaalada Qardho ay si sharci-darro ah ugu habsadeen dad shacab ah kuwaasi oo guryo iyo dhismayal ka samaystay. “Haddeer dhul dowladi leedahay maba jiraba dhulkii oo dhan waxaa la isaga mulkiyay si qayral sharciya. Maanta hadday dowladdu u baahato isbitaal ama iskuul ama wuxuun danta caamka ah lagu fulinayo hal bogcad oo dowladu leedahay ma jiro” ayuu yiri Faahiye Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in ay u qorshaysantahay tallaabo cad in laga qaado dadka boobka ku haya dhulkii dowladda iyo kuwa kale ee sida sharci-darrada ah bogcadaha ku hantiyay. Halkan ka daawo wareysiga guddoomiyaha oo dhan PUNTLAND POST The post Guddoomiye Faahiye: Hal bogcad oo dowladdu leedahay Qardho kama jirto dhulkii dowladda shacab ayaa ku habsaday appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayop (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in goor dhow kulan deg deg ah Kismaayo ay ku leeyihiin mas’uuliyiinta ku sugan magaaladaasi iyo madaxda Jubbaland, kaas oo looga hadli doono xayiraada ay markale dowladdu saaratay garoonka diyaaradaha magaalada Kimsaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa la sheegay inuu guddoomin doono Madaweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galaya, Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud,Shariif Sheekh Axmed, Madaxeweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdiskuur Warsame Senatoro iyo Xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sida aan xogta ku helnay shirkan ayaa waxaa laga soo saaro doonaa go’aanno culus oo ka dhan ah dowladda Dhexe ee Soomaaliya. Xalay warqad ka soo baxday hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed ayaa lagu mamnuucay duulimaadyada tooska ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Jubbaland. Dhinaca kale Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in xafladda caleema saarka, Axmed Madoobe ay ku casuuntay Kenya, Itoobiya Jabuuti iyo maamulka Somaliland. Munaasabadda ayaana la filayaa in la qabto caawa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama dowladdu ay markale xayiraad saartay hawada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Maxay ka dhigan tahay abaalmarinta Nobel Peace Prize (Oslo, Norway) ee Ra'iisal Wasaaraha Ethiopia, Dr. Abiy Ahmed ku guulaystay? Source: Hiiraan Online
-
Dowladda federalka Soomaaliya, ayaa mar kale waxay soo saartay go’aan ku saabsan in duulimaadyada caalamiga iyo kuwa gudaha ee tagaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho. Go’aankaan oo xalay soo baxay ayaa ujeedadiisu tahay , in dowladda federalku hor istaagto wafdi ka socda dowladda Kenya oo lagu wado inay maanta gaaraan magaalada Kismaayo, si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland. Lama oga sida uu ku fulidoono go’aankaan maadaama uu horey u dhaqan gali waayay go’aankii midkaan ka horeeyay, kadib markii diyaarad ka diiwaangashan Kenya ay Kismaayo u daabushay wafuuda caleemo saarka. Caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacaya Kismaayo, kadib markii dhowr jeer oo uu u baaqday xanibaada dowladdu kusoo rogay isbahaysiga Axmed Madoobe. HALKAAN HOOSE KA AKHRIS WARQADA. Puntland Post The post Dowlada federalka Soomaaliya oo qaaday tilaabo ka dhan ah Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Gurmad Degdeg ah : Halista soo waajahday Haweenka iyo Carruurta Soomaalida ah ee ku jira Xeryaha Qaxootiga Waqooyiga Suuriya ! Asalaamu Calaykum Haween iyo Carruur aad u yaryar oo Agoomo u badan oo gaadhaya Saddex boqol oo qof oo uu asalkoodu Soomaali yahay ayaa sannadihii u danbeeyay ku sugnaa Xeryaha qaxootiga ee Waqooyiga Suuriya gaar ahaan Saddexda Xero Qaxooti ee la kala yidhaa Camp Ain Isse. Camp Al Hol iyo Camp Roj. Dadkan maatida ah ee ay darxumada iyo duruufaha qadhaadhi ku haystaan xeryahaas qaxootiga ah ee Cadaabta ah ayaa imika waxaa soo waajahay laba cabsiyood oo aad u waaweyn oo kala ah dagaalka ay Dawlada Turkigu imika ka bilowday Waqooyiga Suuriya iyo Xiligii Qaboobaha oo dhawaan soo gelaya oo aanay dadkaas maatida iyo carruurta ahi ku noolaan karin Teendhooyinka khafiifka ah ee ay imika ku hoos jiraan. Maxay yihiin Dadkani ? Dadka Xeryahan qaxootiga ku jiraa waa Hablo iyo Haween dhalinyaro ah oo Sanadihii la soo dhaafay ka tagay Wadamada Yurub kuna biiray Kooxihii Xagjirka ahaa ee la baxay Dawlada Islaamka ( Daacish) waxaanay badankoodu ahaayeen hablo yaryar oo la majaro habaabiyey markii ay halkaas tageena waxa guursaday kooxihii jabhadaas ka tirsanaa oo iyaga laftoodu u badnaa dhalinyaro wiilal ah oo Soomaali ah oo Yurub ka tegay. Hadaba markii la jabiyay Jabhadii Daacish waxa Raggii Soomaalida ahaa ay noqdeen wax dhintay iyo wax Xabsiyo lagu guray iyo kuwo badan oo aan la ogayn geeri iyo nolol meel ay ku danbeeyeen. Haweenkii iyo Carruurtii wixii dagaalada ka badbaaday waxa lagu soo ururiyay Xeryaha Qaxootiga ee aynu magacyadooda kor ku xusnay oo laga yagleelay Waqooyiga Suuriya. Xeryhan Qaxootiga ee ay ku jiraan Haweenka iyo Carruurta Soomaalida ahi waxaa haystaa duruufo aad u qadhaadh oo ay ka mid yihiin, gaajo, caafimaad darro, dhac iyo boob joogto ah, garaacis iyo bahdilaad aynaan halkan ku wada xusi karin, waxaana carruur badani ay u dhimatay Caafimaad darro. Dadkan Soomaalida ah ayaa Wadamadii Yurub ee ay markii hore ku noolaayeen ay kala noqdeen dhalashooyinkoodii Yurub ee ay haysteen, mana jiro Dal Yurub ah oo doonaya inay dadkaasi dib ugu soo noqdaan Qaarada Yurub. Maxaa Xal ah ? Waxaan si shakhsi ah ula kulmay aadna u caawinayay bilihii u danbeeyay Waalidiinta Carruurtaas dhashay badankooda kuwaas oo ku kala sugan Jarmalka, Sweden, Denmark, Canada, Norway, UK, Somaliland, Soomaaliya iyo Kenya waxaanay Waalidiintaas masaakiinta ahi ay doonayaan in Carruurtoodaad rafaadsan dib loogu soo celiyo Dalkoodii Hooyo ee ay Asal ahaan ka soo jeedeen maadaama dhalashooyinkii Yurub laga qaaday oo aanay Yurub ku soo noqon karin. Waalidiintaas oo imika samaystay Urur oo leh Guddi iyo Gudoomiye waxay Qaylo-dhaan u dirsadeen Xukuumada Soomaaliya si ay Dalkooda ugu soo celiso dadkaas darxumaysan ee ay imika soo waajaheen duruufaha qallafsani. Afar iyo Toban Dal ayaa Dadkoodii soo qaatay oo dalalkoodii geystay sida Dalka Suudaan, Albaaniya, Ruushka iyo Wadamo badan oo kale, waxaana Maamulka Kurdiyiintu ay ogolaadeen inay Dawlad kasta ku wareejiyaan Dadkooda hadii laga soo dalbado. Waxaan ugu baaqayaa Qof kasta oo uu Damiir Islaamnimo iyo Damiir Ummadnimo uu ku jiro inuu ka qayb qaato sidii Carruurtaas iyo Haweenkaas dayacan Dalkooda loo keeni lahaa. Waxaynu ka hadlaynaa waa Carruur yaryar oo uu Toban jirku u weyn yahay iyo Hablo yaryar oo qaarkood dhaawac yihiin Maskax ahaan iyo jidh ahaanba oo aan imika wax khatar Amni ah ku ahayn cidna. Waa Maato iyo Carruur dhimasho qarka u saaran. Waad Mahadsan tihiin Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan in kala saarid iyo faaf reeb lagu sameeyay ciidamo gaaraya ilaa 400 oo Askari, kuwaas oo ah daraawiish loo rabo gobalka Shabeellada Hoose si ay amniga degmooyinka kala wareegaan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee halkaasi ku sugan. Ciidankaan oo aan wali ka bixin xero tababar ah oo ku taala magaalada Muqdisho ayaa laga soocay inta beelo gaar ah, waxaana lagu koobay oo kaliya hal iyo dhowr Askari oo laga soo qaatay beelo kale oo gobalka daga. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo wakiil ka ah guddoomiyaha Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Najax, ayaa la sheegay in ciidankaan uu ka reebay dhalinyarada ka soo jeeda beelaha Mogadishu Clan waxa uuna ku tirada ugu badan ka dhigay Biyamaal iyo qaar aan badneen oo loo qaybiyay beelaha kale ee gobalka. Najax ayaa kasoo jeeda beesha Garre balse xulufo la ah beelaha Biyamaal. Odayaasha dhaqanka, Saraakiisha ciidamada iyo siyaasiinta Shabeellada Hoose ayaa ka digay in ciidan la soo soocday ama dad gaar ah laga dhigay aan lagu aaminin amniga gobalkaas oo ka soo kabanaya dagaalo Sokeeye balse wajahaya qatarta Al-Shabaab. “Waxa ka socda Shabeellada Hoose waa arrin aan indhaha laga dadan karin hadii ay sii socotana waxaa laga dhaxli doonaa waayihii xumaa ee la soo maray oo kale” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobalkha Shabeellada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors
