Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,984
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Caynte) ayaa si xoogan u cambaareeyey xayiradii maanta lagu sameeyey Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne. Caynte oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in xanibaadda madaxdii hore ay tahay daandaansi iyo bahdilaad, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay tallaadaban ay muujineyso kalsooni la’aanta xukuumadda Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa sidoo kale ku eedeeyey madaxda dowladda federaalka inay ku tumanayaan Dastuuurka iyo shuruucda u taalla dalka. “Xannibaadda madaxdii hore waa daandaansi iyo bahdilaad, waxayna muujineysaa kalsooni la’aanta madaxda Nabad iyo Nolol, ku tumashada dastuurka iyo hurinta fitnada, Falcelinta ugu habboon waa in lala tiigsado garsoorka, si ilbaxnima lehna looga dhiidhiyo. Fitnada ay N&N ku baaqeyso waa laga yimid!” ayuu uri Wasiirkii Caynte. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo markii labaad xayiraad lagu sameeyey wafdi hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, inkastoo markii dambe la fasaxay, waxaana u jeedadoodu ay tahay kaliya qiimeynta xaaladaha ka jira gobolka Hiiraan oo uu fatahaad xoogan ka geystay wabiga Shabelle. Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Inkastoo uu hakad galay Safar ay saaka ku Adi lahaayeen Baledweyne Madaxda Xisbiyada Mucaaradku hadana waxaa la qorsheynayaa iney gaaraan Baledweyne. Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh [...] Source
  3. Wadada laamaha ee isku xirta Bosaso iyo Garowe ayaa lagu wadaa in dhismeheedu uu bilowdo maanta oo Axada 19.11.2019, Waxaa sidaas Puntlandi.con wasaarada Gaadiidka Puntland. [...] Source
  4. As Nadia Mohamed doorknocked for her City Council campaign, the 23-year-old often fielded questions from St. Louis Park residents about her age. Just how young are you, they asked her, and what could such a fresh face possibly know about sidewalks? Source: Hiiraan Online
  5. Former Somali presidents Hassan Sheikh and Sheikh Sharif have left Mogadishu on Sunday for the flood-stricken Beledweyne, where thousands are in dire need of humanitarian aid. The plane carrying the leaders have been stopped at Mogadishu’s Aden Abdulle International airport after rains pounded Beledweyne airstrip early in the morning. The leaders along with lawmakers and other officials are set to deliver aid to the flood victims in the town who have been left homeless by the flash floods from the river. The UN humanitarian agency said on Wednesday heavy rains have affected 547,000 people in Somalia and displaced 370,000 people. In the town of Beledweyne, in central Somalia, a river overflowed and at least 10 people died when a boat capsized trying to rescue stranded residents, locals said. Schools have been forced to shut their doors due to flooding, while the rising waters also caused damage to buildings and widespread disruption. Education officials said students and teachers have been forced to flee to higher ground where aid agencies are providing life-saving assistance, including shelter, to a quarter of a million people. View the full article
  6. MOGADISHU (HOL) - Former Presidents Hassan Sheikh Mohamud and Sheikh Sharif Ahmed were held back from traveling to Beletweyne for a couple of hours in Mogadishu Sunday. Source: Hiiraan Online
  7. A delegation led by Somalia’s Posta and Telecommunication Minister, Engineer, Abdi Ashur Hassan accompanied by the ambassadors of Turkey, Qatar and Djibouti arrived in flood-hit city Beledweyn on Saturday. The envoys assessed the damage caused by the heavy floods in a bid to aid the victims. Members of the national flood relief committee also arrived in Beledweyne today to coordinate local relief operations. Qatar’s Hassan Bin Hamza Hashem and his Turkish counterpart Mehmet Yilmaz held a meeting with leaders from Hirshabelle state officials led by a leader, Mohamed Abdi Ware. The envoys pledged to deliver additional humanitarian assistance from Bosaso port via road since the local airport was affected by the heavy downpour. More than 52,000 families displaced after River Shabelle busted its banks following torrential rains across the country. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha hay’adda duulimaadyada rayidka, Axmed Macalin Xasan ayaa faah faahiyey sababtii loo xayiray diyaaradii qaaday Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka ku sii jeeday degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ugu horreyn Maareeyaha ayaa beeniyey in amar ka soo baxay dowladda ama arrimo siyaasadeed loo hakiyey duulimaadka wafdigaasi, balse wuxuu tilmaamay in roobab xoogan oo xalay ka da’ay ay saameyn ku yeesheen garoonka diyaaradaha Beledweyne. Axmed Macalin Xasan ayaa xusay in qiyaas ahaan 600 oo mitir oo garoonka ka mid ah ay biyo fariisteen, islamarkaana la hubinayey kaliya in diyaaraduhu tagi karaan halkaasi. Sidoo wuxuu tilmaamay in amniga garoonka ay gacanta ku hayaan ciidanka nabad ilaalinta AMISOM, islamarkaana aysan jirin wax qal-qal ah oo jira iyo xayiraad lagu soo rogay diyaaradii u kireysneyd wafdigga uu hoggaaminayo, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Inkastoo markii dambe la fasaxay wafdigan, hadana ma jiro illaa iyo wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca hoggaanka madashada xisbiyada Qaran oo ku aadan arrintaasi. Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Beledweyne ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid laga deyrinayey, waxaana ujeedka wafdigan uu yahay, sidii ay qiimeyn ugu soo sameyn lahaayeen dhibaatooyinka adag ee ka jira magaaladaasi oo inta badan ay isaga barakaceen qoysaskii daganaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Wararka naga soo gaaraya garoonka Aadan Cade ayaa sheegaya in goor dhow la fasaxay wafdi uu hoggaaminayo, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, islamarkaana uu qeyb ka yahay, Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ku sii jeeda degmada Beledweyne. Diyaadarada qaaday wafdigan ayaa muddo lagu xayiray gudaha Aadan Cadde, kadib markii garoonka Ugaas Khaliif ay saameeyeen roobab ka da’ay magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in markii la hubiyey in duulimaadyadu ay ka dagi karaan garoonkaasi la fasaxay diyaadii u kireysneyd wafdiga madasha xisbiyada Qaran. Ujeedka wafdigan ayaa ah sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladaha dhanka nolosha ee ka taagan halkaasi. Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa saaka ka baaqday safar uu ku gaari lahaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran. Ilo ku dhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa Shabelle u xaqiijiyey in dib dhaca uu yimid, kadib roobabkii xalay ka da’ay degmadaasi. Shalay ayey aheyd markii Ra’iisul wasaare Khayre uu booqday degmada Bardaale ee gobolka Baay oo ka mid ah meelaha ay sida daran uu sameeyeen fatahaaduhu. View the full article
  10. Goor dhow waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka duushay diyaarad gaar ah oo ay la socdaan madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed iyo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in saacado madaxdan oo ku xayirnaayeen garoonka, ugu dambeyn loo ogolaaday iney aadaan B/weyne. Dhanka kale, wararka ay heshay Goobjoog News, ayaa sheegaya in uu safarkii ka baaqday Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo isna saakay garoonka Aadan Cadde u tagey inuu aado magaalada B/weyne, sababo la sheegay roob xalay ka da’ay magaaladaasi. Madaxdii hore ee dalka ayaa B/weyne u qaaday gurmad isugu jira raashiin iyo lacag si wax loogu qabto dadka ku dhibban magaaladaasi ee uu saameeyey fatahaadda Wabiga Shabelle. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. When the International Court of Justice postponed the decision day on the maritime dispute between Somalia and Kenya, the former President of the Federal Government, Hassan Sheikh Mohamud, expressed his view in a tweet. What happened to our maritime case in the ICJ? Our people has the right to know why and how the case was postponed? Or is this the begining of the road to ouside court settlement? Our government has to come forward and give proper answers to the Somali people yearning for answes. — H.E. Hassan Sheikh (@HEhassansheikh) October 20, 2019 President Mohamud seeks assurances from the Federal Government of Somalia to avoid repeating the mistake made by the Transitional Federal Government under President Sharif Sheikh Ahmed. In a statement for the public, the former president explained what his government had done to legally challenge Kenya’s maritime claims. President Mohamud used the Somalia word heshiis ( an agreement) in reference to the Memorandum of Understanding signed by Kenyan Government and the Transitional Federal Government of Somalia. ” Kenya registered the MOA as an agreement between Somalia and Kenya” he said. ” My government redrew the maritime map to reclaim [ maritime] territory annexed by Kenya.” TFG President Sharif Sheikh Ahmed defended the MoU his government signed with Kenya without proper consultations . The agreement was signed by the a Former TFG Minister, Abdirahman Abdishakur, who was a negotiator for the Alliance for Reliberation of Somalia, then based in Eritrea. Mr Abdirahman s wonders why he gets singled out as the only person behind the MoU when he was a e member of a government with a President, Prime Minister and a Parliamentary Speaker. © Puntland Post Monthly, 2019 Click here to download a full webzine The post Has Kenya Annexed Somali Maritime Territory? appeared first on Puntland Post.
  12. Wasaaradda gaadiidka ee Hirshabelle ayaa maareeye cusub waxay u magacawday garoonka diyaaradaha ee magaalada B/weyne, waxaana xilkii laga qaaday guddoomiyahii hore. Wareegto uu soo saaray ku simaha wasiirka wasaaraddan, ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda ayaa waxaa xilkan loogu magacaabay Yuusuf Axmed Diiriye. Maareeyaha cusub ayaa waxaa horyaalla shaqo badan, iyadoo la ogyahay in xilli roobaadka uu xirmo garoonkaasi. Halkaan hoose ka akhriso wareegtada: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo lagu waday in ay maanta u safraan magaalada Beledweyne ayaa socdaalkaasi ka baaqday. Safarka Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa sida la sheegayo ku beegmay safar kale oo ay Beledweyne ku tegayaan madaxweynayaashii hore Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh Maxamuud, kuwaasi oo ka socda Xisbiyada mucaaradka ee ka dhisan magaalada Muqdisho. Wefdi hor dhordhac u ahaa Ra’iisul Wasaaraha oo ka kooban xubno ka tirsan xafiiskiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde ayaa lagu amray in ay dib uga soo laabtaan, iyadoo lagu wargeliyay in Ra’iisul wasaaruhu baaqday. Dhinaca kale, madaxweynayaashii hore Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh oo saacado kooban saaka lagu xannibay garoonka Muqdisho, xilli ay ku sii jeedeen magaalada Beledweyne, ayaa markii dambe loo ogolaaday in ay safarkooda sii wataan. Baaqashada Ra’iisul wasaare Khayre ayaa loo badinaya in ay la xiriirto, maadaama ay isku beegmeen labada wefdi ee mucaaradka iyo dowladda, balse xubno ka tirsan xafiiskiisa waxa laga soo xigtay in ay u baaqdeeen, kadib markii roobab ka da’ay Beledweyne ay garoonka xireen. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo ka baaqday safarkii Beledweyne appeared first on Puntland Post.
  14. Wefdiga ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee dalka Xassan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo saaka lagu xannibay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa sida la xaqiijiyay hadda loo fasaxay safarkoodi Beledweyne. Wefdiga ayaa saacado ku xayirnaa garoonka, iyadoo diyaaraddii qaadi lahayd loo diiday in ay ka dhoofto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii amar ka soo baxay dowladda la duldhigay maamulka garoonka in aysan fasixi Karin diyaaraddaasi. Dowladda ayaa markii dambe ogolaatay in la fasaxo diyaaradda, islamarkaana wefdiga ay u amba-baxaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay gaarsiin doonaan gurmad loogu tala-galay dadka ku waxyeelloobay fatahaadda webiga Shabeelle uu ka sameeyay Beledweyne. Gurmadka waxaa bixiyay Madasha la baxday Xisbiyada Qaranka, oo ay ku midaysan yihiin inta badan Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho, kuwaasi lacag dhan $200,000 oo dollar ugu deeqay gurmadka fatahaadda Beledweyne. PUNTLAND POST The post Wefdigii Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh oo la fasaxay appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in la fasaxay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo goor hore garoonka lagu xanibay. Labada madaxweyne oo ay wehliyaan xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa u duulay kuna sii jeeda magaalada Beledweyne. Maamulka garoonka ayaa labada mas’uul iyo xubnaha wafdiga Madasha Qaran waxay saaka markii ay garoonka tageen ku war-geliyeen inaysan diyaaraddooda ka duuli karin garoonka, ayada oo qiil looga dhigtay in garoonka Beledweyne ay biyo fadhiyaan. Si kastaba, kadib wada-hadal ayaa wafdiga la fasaxay, waxaana ay hadda kusii jeedaan magaalada Beledweyne. Dhinaca kale, ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday safar la qorsheeyey inuu isna maanta ku tago magaalada Beledweyne, sida ay xubno ka tirsan xafiiskiisa u xaqiijiyeen Caasimada Online. Baaqashada safarka Kheyre ayaa loo sababeeyey roobab xooggan oo ka da’ay magaalada, kuwaas oo sababay inay biyo buuxiyaan garoonka, sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Waxaa muuqata inay jiraan waxyaabo badan oo is-burinaya, sida, sababta Kheyre ku baaqday oo diyaaraddiisa ay garoonka Beledweyne uga dagi karin balse diyaaradda madaxdii hore ay uga degeyso. Waxaa sidoo kale is-weydiin mudan sababta maamulka garoonka iminka u fasaxay, haddiiba markii hore sababta loo joojiyey ay ahayd in garoonka Beledweyne aysan diyaarad ka degi karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday safar la qorsheeyey inuu maanta ku tago magaalada Beledweyne, sida ay xubno ka tirsan xafiiskiisa u xaqiijiyeen Caasimada Online. Baaqashada safarka Kheyre ayaa loo sababeeyey roobab xooggan oo ka da’ay magaalada, kuwaas oo sababay inay biyo buuxiyaan garoonka, sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Ciidamo iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska oo tagay garoonka Aadan Cadde, kuwaas oo ka horreeyey ra’iisul wasaaraha ayaa dib uga soo laabtay. Ra’iisul wasaaraha ma tagin garoonka. Baaqashada ra’iisul wasaaraha ayaa imaneysa ayada oo goor sii horreysay loo diiday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif inay ka baxaan garoonka, sida ay werisay Caasimada Online. Sida aan horey uga soo xiganay xafiisak Kheyre, safarka laga joojiyey labada madaxweyne ayaa sabab looga dhigay isla sababta joojisay Kheyre ee ah in garoonka Beledweyne ay biyo buuxiyeen. Illaa iyo hadda ma jiraan wax warar ah oo kasoo baxay madaxweyneyaashii hore oo ku saabsan safarkan laga joojiyey. Maamulka HirShabelle ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrintan, ayada oo sida aan xogta ku helnay sheegi doonaa dhibaatada ka taagan garoonka iyo inaysan diyaarad kasoo degi karin. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Warar naga soo gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu xayiray madaxweynayaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Mas’uuliyiintan ayaa ku wajahnaa magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, waxaana ay halkaasi u wadeen gurmad loogu talogalay dadkii uu saameeyey fatahaadda Wabiga Shabelle. Xildhibaannada la socda madaxweynayaashii hore ee dalka qaarkood ayaa u sheegay Goobjoog News, in sababta loo xayiray ay tahay Ra’iisul wasaare Kheyre oo isaguna maanta ku wajahan magaalada B/weyne. Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sidoo kale sheegaya in Kheyre uu qudhiisa ku sugan yahay garoonka Aadan Cadde, isaga oo ku wajahan B/weyne. Ma jirto faah faahin intaan ka badan oo laga bixiyey xayiraadda madaxdii hore ee qaranka iyo sidoo kale xildhibaannada ku wajahnaa B/weyne. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in muran ka aloosanyahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaddib markii maamulka Garoonka uu amray in aysan halkaasi ka dhoofi karin wefdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Sida laga soo xigtay ilo’ xog-ogaal ah, diyaaraddii qaadi lahayd wefdiga ayaa lagu xannibay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii amar ka soo baxay dowladda la duldhigay maamulka garoonka in aysan fasixi Karin diyaaraddaasi. Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh, ayaa sida la sheegayo weli ku xayiran qeybta VIA-da ee gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana halkaasi ka taagan muran ka dhashay xannibaadda wefdiga. Madasha Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho oo uu hoggaaminayo Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ayaa todobaadki hore ku dhawaaqay in ay gurmadka fatahaada Beledweyne ugu deeqeen lacag dhan $200,000 oo dollar, si ay ugu caawiyaan dadka ku waxyeelloobay fahataadda. PUNTLAND POST The post Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh oo lagu xannibay garoonka diyaaradaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  19. Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka geystay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxa uu wabigu ku fatahay deegaano hoos yimaada degmooyinka Buulo-Burte iyo Jowhar oo ka kala tirsan gobolladaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegaya in haatan xaalad adag ay ka taagan tahay deegaanadaasi, islamarkaana ay dalbanayaan gurmad deg deg ah. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/WAA.mp3 View the full article
  20. Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka ayaa si toos ah waxaa uu uga furmay Magaaladda Lucknow ee Dalka Hindiya, iyad aoo sanadkaan ay ka qeyb-galayaan Xubno ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waaa Shirkaasi uga qyeb-galaya oo goobjoog ka ah Garsoore Maxkamadda Sare Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe iyo Garsoore Suleymaan Maxamed Maxamuud & safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya Ambassador Faadumo Cabdullaahi Maxamuud. Sidoo kale waxa ay xubnahaani kulan duceedyo kale la qaadan doponaa madaxda la soo qeyb galeysa shirkaasi oo inta badan diirada lagu saarayo wada shaqyenta lahaayeen maxkamadaha Aduunka, sidii si cadaalad ah dadka loogu garsoori lahaa. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in la diiday in madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ay ka dhoofaan garoonka, ayaga oo kusii jeeda magaalada Beledweyne. Maamulka garoonka ayaa labada mas’uul iyo xubnaha wafdiga Madasha Qaran ku war-geliyey inaysan diyaaraddooda ka duuli karin garoonka. Wafdiga Madaxweynayaashii hore ayaa xilligan ku sugan qeybta VIP-da garoonka, islamarkaana loo diidan yahay safarkooda Beledweyne. Garoonka ayaa waxaa sidoo kale la filayaa inuu goor-dhow ka dhoofo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo isna kusii jeeda magaalada Beledweyne. Maamulka garoonka ayaa mar laga soo xigtay in sababta ay tahay in madaxweynaha HirShabelle uu kusoo war-geliyey in wafdigan aan loo soo dayn Beledweyne, halka marna ay sheegeen inuu jiro amar ka yimid madaxda sare ee dowladda. Xubno ku dhow xafiiska Kheyre ayaa Caasimada Online u sheegay inay Beledweyne ka heleen warar sheegaya in garoonka ay biyo fadhiyaan, oo aysan diyaarad ka degi karin. Si kastaba, bixitaanka Kheyre iyo joogistiisa ayaa kala caddeyn doonta in arrintan ay tahay dhibaato ka taagan garoonka Beledweyne iyo inay tahay xanibaad la saaray madaxdii hore ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey Bardaale ayaa ku baaqay in gurmad lala soo gaaro shacabka ku dhaqan degmadaasi. Khayre ayaa sheegay in xaalado adag oo dhanka nolosha ah ay ka jiraan halkaasi, islamarkaana uu ka dalbanayo hay’adaha Samafalka inay caawiyaan dadlkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu boggaadinayo dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan inta ka qeyb qaadatay gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha dalka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/jjjj.mp3 View the full article
  23. Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo shir jaraa’id qabtay ayaa marka hore ka horyimid xil ka qaadistii dhowaan lagu sameeyey. Dhoobo Dareed ayaa sheegay inuu yahay guddoomiyaha xaqa ah ee Baarlamaanka Puntland, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in reer Puntland ay isugu yimaadaan shir wadatashi ah, si looga arrinsado aayaha dambe ee maamulkaasi iyo xaaladaha soo kordhay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/fff.mp3 View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-10112019-sx.mp3 View the full article