-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — The recent bombings in Mogadishu have highlighted a critical issue: the urgent need for a national blood bank. Hospitals are struggling to meet the demand for blood donations during these emergencies, leaving medical professionals calling for immediate action. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — The United Nations has condemned a deadly suicide attack at Mogadishu's Liido Beach, which killed at least 37 people and injured more than 200 late Friday night. The terrorist group Al-Shabaab claimed responsibility for the attack, which began with a suicide bombing and escalated into a gun battle between militants and security forces. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Jimcihii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu laayay dad badan oo shacab ah oo ku sugnaa halkaasi Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo xalay booqday isbitaalka Digfeer oo la dhigay dhaawacyada ugu badan ayaa ka warbixiyay tallaabada ay qaaday dowladda, wuxuuna xaqiijiyay in lasoo xiray dhammaan askartii iyo saraakiishii qaabilsaneyd amniga aagga xeebta Liido. “Waxaan qaadnay tallaabooyin deg-deg ah oo la iskula xisaabtamayo, dad badan oo la tuhmayo oo ay saraakiil ku jirto ayaa xiran, baaris kalana waa ku jirnaa, waxaana rajeynayaa in aan qaaddi doonno tallaabo adag oo dhinaca amniga ah”. ayuu yiri. Xamza ayaa sidoo kale dhaawacyada uu booqday u rajeeyay caafimaad deg-deg ah, wuxuuna ballan qaaday in xukuumaddu ay garab istaagi doonto. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Al-Shabaab markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay bilaabeen beegsiga dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka, kuwaas oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqa in falkan uu muujinayo in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Shabab gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraa ayaa intii uu booqashadiisa ku guda jiray wuxuu la kulmay qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhaqaatiirka Isbitaalka, isaga oo u muujiyey taageero iyo garab istaag. Ugu dambeyn wuxuu ku ammaanay ciidamada ammaanka doorkii ay ka qaateen badbaadinta iyo caawinta shacabka ay wax yeelladu soo gaartay. The post Saraakiil iyo askar loo xiray weerarkii xeebta Liido + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
RIYADH: Saudi Arabia condemned and denounced on Saturday a terrorist attack that targeted the Somali capital Mogadishu, killing 37 people and wounding scores more. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada caasimad aah ee Muqdisho. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigga deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana xigay dagaal toos ah, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay oo muddo kooban socday, maadaama ay ahayd xilli habeen ah xog badana aan la heli karin. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga ee ku aadan weerarka Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga deegaanka Ceelasha Biyaha oo dhaca waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada ammaanka ay haatan howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan aagga lagu dagaalamay, waxaana ciidamadu ay baadi goobayaan xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla gudaha dalka, waxaana badanaa ka dhasha khasaarooyin kala duwan. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, saacado uun kadib markii weerar lagu hoobtay ay kooxda ka fulisay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday shacab ku caweynayay xeebta Liido. The post Al-Shabaab iyo ciidamada DF oo xalay ku dagaalamay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo xalay ku booqday isbitaalka Erdogan shacabka ku dhaawacmay weerarkii Xeebta Liido, ayaa sheegay in la qaaday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha argagixisadu beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taas oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed. Mudane Xamse ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Ilaahay naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna u boogo dhayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro kooxaha argagixisada ah. Intii uu booqashadiisa ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhaqaatiirka Isbitaalka, isaga oo u muujiyey taageero iyo garab istaag. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in saraakiil ciidan loo xirxiray weerarkii Xeebta Liido appeared first on Puntland Post.
-
Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa farriin digniin ah oo heerkeedu sarreeyo la wadaagtay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dalka Lubnaan. Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu amray Muwaaddiniinta dalkaasi in ay ka baxaan Lubnaan oo ay qaataan tigidhada duulimaadka ee diyaarka ah. Muwaadiniinta Maraykanka ee doorta in ay sii joogaan Lubnaan waa inay diyaarsadaan qorshayaal degdeg ah oo ay isu diyaariyaan inay heli karaan gabaad muddo dheer ah sida ay digniinta ku xustay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Tallaabooyinkan amni ayaa ku soo aaday xilli ay Xisbullah ku hanjabayso in ay si adag uga jawaabi doonaan duqeyntii Beirut ee lagu dilay la-taliyaha arrimaha militariga ee hoggaamiyaha kooxda, kaa oo ku dhintay duqeyn ay geysatay Israa’iil. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo digniin heerkeedu sarreeyo la wadaagay Muwaadiniintiisa ku sugan Lubnaan appeared first on Puntland Post.
-
Hargeisa (HOL) — The breakaway Somaliland government condemned an attack on Liido Beach in Mogadishu that left over 30 people dead and more than 60 injured on Friday night. The Islamist militant group Al-Shabaab claimed responsibility for the assault, which involved a suicide bombing and gunfire. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa galabta qarxiyey gaari Baraado ah oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa, ninkii waday gaarigaas ayaa nolosha lagu qabtay, saacado badan kadibna waxaa la qarxiyey gaarigii, balse waxaa ka dhashay khasaare xoog leh. Gaarigaas ayaa xalay markii weerarku bilowday ku demay banaanka hore ee hoteellada ku yaalla Xeebta Liido, waxaana rasaas lagu furay ku dhaawacmay ninkii waday oo isagu rabay inuu is qarxiyo, balse qorshihiisii uu fashilmay. Maanta oo dhan waxaa xireed wadada, maadaama gaarigaas qaraxa uu yaallay, goor dambe oo galabta ah ayaa la go’aansaday in la qarxiyo, waxaana halkaas yaallay gaadiid badan oo xalay looga cararay. Dhamaan gaadiidkii goobta yaallay iyo guryihii ka agdhowaa goobta qaraxaasi yaalay ayaa burburay oo gubtay, waxaana qaraxaas oo si ku talagal ah loo qarxiyey ku gubatay in ka badan 10 gaari iyo guryo, balse lama soo werin khasaare nafeed. Muuqaalo maanta laga soo duubay gaarigaas ayaa muujinaya in gudihiisa aysan waxaba ku xireyn, balse qeybta hoose ayaa looga soo rakibay qaraxa, waxaana muuqaalka la soo bandhigay laga arkayaa birweyn oo hoos uga xiran gaariga, taas oo qaraxu ku diyaarsanaa. Galabta Makhribkii ayuu jawiga goobta caadi ku soo noqday, maadaama xalay dad badan lagu laayey, kadibna looga kala cararay gaariga qaraxa ah ee halkaas yaallay saacado badan, kaas oo ugu dambeyntii galabta la qarxiyey. Dhimashada dadkii lagu beegsaday xeebta Liido ayaa la sheegay inay gaartay 40 qof, halka dhaawacyado ay gaarayaan in ka badan 70 qof, masuuliyiinta dowladda ayaa maanta gurmad ku tegay isbitaalada, halka dhalinyarada iyo ciidamada xoogga ay shubayeen dhiigooda, si loogu badbaadiyo dhaawacyada dhiigbaxaya. Shan dhagarqabe oo Shabaab ah ayaa weerarkaas fulisay, mid ayaa isku qarxiyey barxadda hore ee Xeebta Liido, kadibna 3 hubeysan ayaa gudaha u gashay hotelka, iyagoo geysanaya toogasho toos ah, balse goor dambe waxaa dilay ciidamada qaranka ee naftooda hurayaasha ah. Ninkii 5-aad ayaa nolosha lagu qabtay, isagoo wada gaari Baraado ah oo qarax lagu soo rakibay, kadib markii askari ka shakiyey uu dhaawacay, nolosha ayaa lagu hayaa ninkaas, gaarigiina galabta ayaa halkiisii lagu qarxiyey, markii la ogaaday in aan la furfuri karin. Khawaarijta Al-Shabaab ayaa qorsheysay in shacabka intii ka badbaada qaraxii ka dhacay xeebta iyo toogashada ka socotay gudaha Hotelka ay ku laayaan gaariga la dhigay banaanka hore ee irida laga galo barxadda Liido, balse qorshahaas oo halis ku ahaa shacabkii badbaaday ayaa ka fashilmay, kadib markii la dhaawacay ninkii waday gaarigaas oo nolosha lagu qabtay. The post Xogta gaari qarax sida iyo ninkii waday oo LIIDO lagu qabtay iyo qorshe halis ah oo fashilmay appeared first on Caasimada Online.

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horreysay ka hadashay weerarkii xalay ka dhacay xeebta Liido, kaasi oo lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay qoysaska ay dadkoodii kaga dhinteen qarixii xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyada oo dhambaalka lagu yiri “dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.” Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa dhambaal tacsi ah ugu dirtay qoysaskii 32-kii qof ee ku dhintay qaraxa argagixiso. Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa tilmaantay “in ay garab taagan tahay xilliyada adag qoysaska iyo dhibaneyaasha rayidka ah ee wax ku noqday weerarkaas.” Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxay caddaysay in xukuumadda Somaliland si weyn uga murugaysan tahay weerarka argagixiso ee xeebta Liido ku galaaftay dad aan waxba galabsan oo shacab ah, gaar ahaan dhallinyarada. Weerarkii xalay oo muujinaya sida bahalnimada ah ee Al-Shabaab uga go’an tahay gumaadka shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu dilay illaa 32 qof, laguna dhaawacay 63 kale. Weerarkan ayaa muujinaya sida Al-Shabaab ay xooga usoo saareen caasimada, waxaana dhawaan ay ka fuliyeen laba weerar oo si xig-xigay, kaas oo mid kamid ah lagu qaaday xabsiga dhexe halka kan kale lagu beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. The post Somaliland oo qoraal aan looga baran kasoo saartay weerarkii LIIDO appeared first on Caasimada Online.

Urur goboleedka IGAD ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii foosha xumaa ee Jimcihii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayadoo ku tilmaamay dhacdo naxdin leh oo lagu gumaaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Xoghayaha fulinta ee IGAD Mudane Workneh Gebeyehu, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibanayaasha, wuxuuna u rajeeyay caafimaad degdeg ah oo buuxa kuwa ay dhibaatadu saameysey, sida lagu yiri war qoraal ah oo ka Soo baxay ururkan ay dalalka bariga Afrika ku mideysanyihiin. “Waxaan si adag u cambaaraynaynaa falkan waxashnimada ah ee argagaxisanimada ah, weerarada fulaynimada ah ee caynkaas ah ma wiiqayaan go’aanka dawladda Soomaaliya, dadkeeda adkaysiga leh iyo guud ahaan gobolka, taa beddelkeeda, waxay xoojin doontaa go’aankeenna wadajirka ah ee ku aaddan dib-u-dhiska Soomaaliya, meeshana looga saari lahaa aafooyinka argagixisada,” ayuu yiri Dr. Workneh. IGAD ayaa dhanka kale sheegtay in ay ka go’antahay taageerada dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana warkani uu ku soo beegmayaa xilli saacado ka hor qaraxa ay ku dhowaad 40 qof ku dhinteen, dhowr 60 kalena ay ku dhaawacmeeni uu ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoog leh ayaa ka dhalatay tallaabo uu maanta qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu shir deg-deg ah isugu yeeray laamaha amniga ee dalka, kaas oo daba socday weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee xalay la dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho Kulankan oo uu goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa ka qayb-galay dhammaan saraakiisha amniga oo uu ugu horreeyo wasiirka amniga gudaha, taliyaha NISA, taliyaha booliska iyo saraakiisha qaabilsan amniga Muqdisho, iyada oo intiisa badan diiradda lagu saaray xaaladdii adkeyd ee xalay dhacday iyo sida looga jawaabi karo, iyada oo madaxweynuhu u tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, maadaama lagu laayay xeebta liido ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta Khawaarijta, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay, isaga oo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka dadkii ku baxay weerarkii xalat ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii kale ee ku dhaawacmay. Haddaba sidee looga falceliyay? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed oo qoraalka lasoo dhigay bogga Villa Soomaaliya ka falceliyay ayaa sheegay in aan shir loo baahneyn ee madaxweynaha la rabo inuu la xisaabtamo saraakiisha qaabilsan amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Abdalla Axmed ayaa falcelintiisa ku yiri “Waxqabad ataa loo baahanyahay waxii dhacay xalay masuuliyadeeda in la qaado iyo is badal deg deg ah in la sameeyo inta dhimatay Allah u naxariisto inta dhaawacana Allah caafiyo”. Ismaaciil Saxafi “Madaxweyne laamaha amniga isla xisaabtan dhab la yeelo si loo oggaado cidda fududeysay weerarkii xalay lagu gumaaday shacabka dhalinyarta u badnayd” Daahir Cabdiraxmaan “Taliyihii ka masuulka ahaa jagboontigii uu xalay qaraxu ka gudbay ayaa cabsi la’aan ku hor fadhiya isaga oo u maleeya in aanu wax khaladaba lahayn,”. Mubaashar Cabdullahi Muuse “Muxuu kulan la qabto taraa mar dhalinyardiii dhamaaneen?.” Cali Axmed Xaraare “Xalka waa in laga qaadaa xilka labada talis Nisa iyo Police-kaa”. Eng Cabdishakuur Maxamed “Shacabka Soomaaliyeed waxay kaa filayaan mudane madaxweyne inaad jawaab lagu qanci karo ka bixiso xasuuqii loo gaystay shacabka aan wadba galabsan ee aad u dhaaratay”. Cabdirisaaq Wadani “Dalkaan haddaan dhalinyaro loo dhiibeyn waa ahaaday caada qaatayaasha xilka haayana aan tilaab laga qaadin waxa wadanka gadaal u dhigay waa dad cimrigoodii ku soo raaxeystay:. The post Falcelin xoog leh oo ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saameynta ka dhalatay weerarkii lagu hoobtay ee xeebta Liido ayaa sii xoogeysatay, kaas oo lagu laayay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. Dadka ku dhintay weerarkan waxaa kamid ahaa Saciid Macallin iyo xaaskiisa oo aroos ahaa, kuwaas oo xalay kamid ahaa dadkii ku caweynayay xeebta Liido ee Muqdisho. Marxumka walaalkiis oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dilka lamaanahaasi, wuxuua sheegay in gabadha ay ku geeriyootay qaraxa, wiilkana isaga oo ordayay laga toogtay dhabarka, isla markaana lagu dhuftay illaa 7 xabadood. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qoyskan uu ahaa aroos cusub, isla markaana wiilka iyo gabadha ay is guursadeen muddo hadda laga joogo wax ka yar saddex bilood. “Walaalkey Saciid Macallin geeridii naxtinta lahayd ee xalay ku timid isaga iyo xaaskiisa 90 beri isma qabin oo arooskiisa mardhow ayaan ka qayb-galnay xalay gabarta waxay ku dhimatay qaraxa, wiilkana isagoo usii socdo xeebta ayaa dagaal laga toogtay” ayuu yiri. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Aniga ayaa dharka ka furay todobo xabadood ayaa gadaal uga tiilay badda ayuu geli rabyay way toogteen” Guud ahaan tirada dhimashada ayaa kor u dhaafeysa illaa 30 qof, dhaawacana 100 kale, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo saraakiisha caafimaadka. Xaaladda goobta ayaa hadda deggan, waxaana laamaha amniga ay ku guuleysteen inay si nabad ah u qarxiyaan baabuur qaraxyo waday oo way wateen xubnihii weerarka qaaday. The post War cusub oo kasoo kordhay lamaanihii arooska ee ku dhintay weerarkii LIIDO appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay qarixii ee kooxda Alshabaab ay ku xasuuqeen shacab Soomaaliyeed oo ku fiidsanayay xeebta Liido, inuu yahay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban, oo lagu dabargoynayo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. “Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa, kuwaas oo u baahan in wadajir loogu istaago gurmadkooda. Mudane Xamsa ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ahaa, isaga oo Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo intii ku dhaawacmay qaraxa. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Iiraan oo war ka soo saartay dilkii Ismaaciil haniyah oo ahaa madixii siyaasadda ee ururka Xamaas ayaa sheegtay in lagu dilay madfac nooca ridada gaaban ah oo laga soo tuuray bannaanka hoyga uu ka deggaa magaalada Tehran, sida uu ku dhawaaqay ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC). Bayaan ay soo saartay IRGC waxay ku sheegtay in iyada oo laga duulayo baaritaanno la sameeyay dilkiisa ka dib, la ogaaday in weerarka loo adeegsaday gantaal riddo gaaban oo siday ilaa 7 kiilogaram oo walxaha qarxa ah, lagana soo tuuray bannaanka guriga uu ku sugnaa Ismaaciil haniyah. Ciidanka ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa intaas ku daray in Israa’iil ay la kulmi doonto ciqaab adag waqtigeeda, islamarkaana dilka Haniyeh uu ku noqan doono mid ay weligeed ka qoomamayeen ayada iyo dowladda Mareykanka oo ay ku tilmaameen taageeraha dembiileyaasha. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laamaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii argagixisadu ku qaaday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta Khawaarijta, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay, isaga oo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka shahiideen shuhadadii ku baxay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay. “Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada Khawaarijta iyo yoolkooda oo ah in ay meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in ay ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdan dhiigyacabka ah.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay dhameystirka guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay ku xiran tahay taageerada iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay u midoobaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa Khawaarijta. “Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”. Madaxweynaha ayaa xusay in Khawaarijtu doonayso in weerarada nuucaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku qarinayaan jabka is-dabajoogga ah ee ay Ciidamadeenna Qalabka Sida ugu geysanayaan furimaha dagaalka, waxa uuna faray laamaha amniga dalka in ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan weerarada gaadmada ah ee Argagixisadu ku waxyeeleyso shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii badanaya falcelinta laga bixinayo weerarkii dhimashada badnaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo laga bixiyay fasiraad kala duwan maadaama ay Shababa ku beegsadeen shacab badan. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo warsaxaafadeed kasoo saaray falkan argagaxa leh ayaa ku tilmaamay mid baahalnimo ah oo dad rayid ah lagu laayay. Xamza ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in weerarkan muujinayo sida ay kooxda halis ugu tahay nolosha shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in ku waaday isir sifeyn. “Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.” ayuu qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in falkan uu yahay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban, isla markaana lagu dabargoynayo ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa, kuwaas oo u baahan in wadajir loogu istaago gurmadkooda. Ugu dambeyn wuxuu tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ahaa, isaga oo Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo intii ku dhaawacmay weerarkaasi. Si kastaba, weerarkan ayaa muujinaya sida Al-Shabaab ay xooga usoo saareen caasimada, waxaana dhawaan ay ka fuliyeen laba weerar oo si xig xigay, kaas oo mid kamid ah lagu qaaday xabsiga dhexe halka kan kale lagu beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. The post Weerarkii xeebta LIIDO oo muujiyay arrin HALIS AH appeared first on Caasimada Online.