Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,996
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ciidamada Itoobiya ay sii wadaan inay si sharci darro ah ku qabsadaan qeybaha waqooyi ee gobolka Gedo, oo ka mid ah saddexda gobol ee uu maamulka ka kooban yahay. Jubaland waxay ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka ahayn Amisom ku eedeeysay inay shalay u diideen madaxweynaha ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayiid Aadan inuu galo magaalada Beled Xaawo. Jubaland ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya ay qabsadeen Beled Xaawo kadibna ku dhaqaaqeen inay abaabulaan dibad-baxyo qasab ah oo shacabka halkaas degan loogu kicinayo maamulka, islamarkaana xarig ugu hanjabeen shacabka taageersan maamulka Jubaland. Qoraalka kasoo baxay Jubaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in hadafka guud ee ciidamada Itoobiya uu yahay inay ballaariyaan saameynta “maamulka Faraamjo ee gobolka Gedo, si Farmaajo uu dib ugu celiyo doorashadii madaxweynaha iyo tii baarlamaan ee dhowaan ka dhacday Jubaland.” Jubaland waxay ku eedeysay Villa Somalia inay dooneyso inay madaxweynayaal ay ayada soo xushay oo daacad ah ay gayso dhammaan maamul goboleedyada dalka, ayna u aragto Jubaland inay tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan. Waxay sidoo kale sheetay in qorshaha kaas kasii dambeeya uu yahay in madaxweynayaasha daacadda ah ee ay raadineyso Villa Somalia ay madaxweyne Farmaajo u gacan geliyaan fursad dib loogu doorto hoggaanka dalka. Jubaland ayaa ugu baaqday Amisom, Midowga Afrika, IGAD, iyo wakiilada QM ee Soomaaliya inay ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka ahayn Amisom ka saaraan Jubaland. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Jubaland
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Hadalkii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee ahaa in dalka ay ka saari doonaan madaxda dowladda Soomaaliya hadii ay ilaalin waayaan sharciga dalka u yaalo ayaa saameen ballaaran ku yeeshay howlaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa Caasimada Online u sheegay in talisyada booliiska iyo milatariga ay amreen in la xareeyo ciidamada dheeraadka ah ee aan shaqada ku jiran maadaama uu xasaasiyad dhaliyay hadalkii Shariif Sheekh Axmed. “Dhamaan ciidamada milatariga ee aan shaqada ku jirin waa la xareeyay, sidoo kale waxaa la yareeyay ciidamadii shaqada ku jiray waxaana kontaroolada lagu soo koobay dhowr askari oo shaqada loo kordhiyay waana booliska iyo milatariga” ayuu yiri sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya. “Ciidamo badan ayaa ku daalay shaqada markii la xareeyay kuwii kale waxaana loo baqay in ay magaalada falal ka dhacaan maadaama ay jirtay cabsi ku aadan rabshado ka dhasha hadalkii Shariif” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan ka tirsan ciidamada soomaaliya. In la yareeyay tirada ciidamada ee ku sugnaa kontaroolada magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemayaa Muqdisho, halka sidoo kale milatariga ay noo xaqiijiyeen in milateri badan dib loogu celiyay xarumahooda. Sheekh Shariif ayaa saameyn weyn ku dhex leh ciidamada, oo badankood la qoray intuu madaxweynaha ahaa, aadna ay u qadariyaan. Waxaa sidoo kale jirta in inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho iyo nawaaxigeeda ay ku beel yihiin.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Muxaadaro la filayey inuu maant Sheekh Maxamed Cabdi Umal ku qabto garoonka kubadda cagta ee Injineer Yariisow ayaa dib loogu dhigay kadib codsi ka yimid booliska Soomaaliya. Muxaadarada ayaa hadda laga dhigay galabta Axadda ah ee 24-ka November, 2019, kadib markii ay booliiska ay sheegeen inay u baahan yihiin waqti dheeri ah oo ay ku diyaariyaan sugidda amniga garoonka, ayaga oo maanta ku mashquulsanaan doona aaska Marxuumad Almaas Elman. Sheekh Umal ayaa maanta la filayaa inuy khudbadda Jimcaha ka jeediyo masjidka Isbahaysiga Islaamka, waxaana uu sidoo kale hoggaamin doonaa salaadda Janaazada ee Almaas. Muxaadaradan ayaa waxaa hareeyey dood kadib markii Sheekh Soomow oo ah afhayeenka golaha culimada Soomaaliyeed uu ku eedeeyey Umal in dad badan ay dartiis qabri ugu jiraan islamarkaana uusan muxaadaro ku qaban karin Muqdisho. Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed, Sheeikh Bashiir Axmed Salaad iyo culumo kale oo ka tirsan hey’adda oo shir jaraa’id xalay ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan ku matalin hadalkii ka soo yeeray, ee uu ku weeraray Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Sheekh Bashiir ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan kala tashan jeedinta hadalkaas, isla markaana aysan ku raacsanayn, isagoo Sheekh Soomow ku eedeeyay in hadii uu wax ka tabanayo Umal ay aheyd inuu la wadaago culumada kale ee kala tirsan hey’adda.
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-21112019.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed, Sheeikh Bashiir Axmed Salaad iyo culumo kale oo ka tirsan hey’adda oo shir jaraa’id caawa ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan ku matalin hadalkii maanta ka soo yeeray, ee uu ku weeraray Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Sheekh Soomow ayaa ku eedeeyey Umal in dad badan ay dartiis qabri ugu jiraan islamarkaana uusan muxaadaro ku qaban karin Muqdisho. Sheekh Bashiir ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan kala tashan jeedinta hadalkaas, isla markaana aysan ku raacsanayn, isagoo Sheekh Soomow ku eedeeyay in hadii uu wax ka tabanayo Umal ay aheyd inuu la wadaago culumada kale ee kala tirsan hey’adda. Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay inay muhiim tahay ka qeyb galka Muxaadarada uu Sheekh Umal balan qaaday inuu barri ku qabanayo Garoonka Eng.Yariisow ee magaalada Muqdisho, waxuuna carabka ku adkeeyay inay tahay mid loo baahi qabay Sheekhana ay uga mahadcelinayaan. Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in hadalkii Sheekh Soomow ay ka xumaadeen, si gaar ahna uu ula xariiray Sheekh Soomow isagoo ka dalbaday inuu ka laabto hadalkiisii hadii uusan soo bandhigi karin cadeymo, balse Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in Sheikh Soomow uu ku damiyay talefanka. Culumada ayaa shirkooda jaraa’id ka cadeeyay inay raali galin u dirayaan Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo ay ku sheegeen inuusan dalka u imaan dalxiis, balse uu u yimid taakuuleynta dadka Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan qeybo ka mid ah gobolada dalka. Culumada ayaa si gaar ah ugu amaanay Sheekh Umal taakuleyn uu muddo labo goor ah dalka keenay xilliyo ay musiibooyin ka dheceen, waxayna kala yihiin qaraxii Soobe iyo fatahaadii dhacday xilli roobaadkaan lagu jiro ee Deyrta. Ugu dambeyntii Sheekh Cali Wajiis ayaa Sheekh Soomow ku eedeeyay inuu ku xad gudbay dhaqanka Soomaalida iyo kan culumaa’udiinka Soomaaliyeed, isagoo ka dalbaday inuu ka laabto hadalkiisii, kaan raali galiyo Sheikh Umal inta uu joogo dalka, waxuuna Sheikh Cali rajo ka muujiyay inuu Sheikh Soomow qaada doono taladooda iyo soo jeedintooda, maadaama sida uu sheegay aqoon badan uu uleeyahay. Halkaan ka Daawo Sheekh Bashiir
  6. New York (Caasimada Online) – Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo golaha ammaanka siiyey warbixin ku saabsan Soomaaliya, ayaa soo hadal qaaday khilaafka dowladda federaalka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta dalka. James Swan ayaa sheegay in wada-shaqeyn la’aanta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hadda sanad jirsatay ay caqabad xooggan ku noqotay in lagu guuleysto hadafyada qarameed ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay, in si loogu guuleysto ajanadaha Soomaaliya ee 2020 ee doorasho, ay qasab tahay inuu yimaado tanaasul siyaasadeed. “Tani waxaa qeyb ka noqon doona wada-hadal iyo isu-tanaasul dhex mara dowladda iyo dowlad goboleedyada, hay’adaha fulinta iyo sharci-dejinta, kuwa hadda xukunka haya iyo madaxdii hore, hogaamiyayaasha siyaasadeed iyo kuwa bulshada,” ayuu yiri James Swan. “Hogaamiyayaasha Soomaaliya waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhaqaaqaan sidii looga gudbi lahaa is-marin waaga u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, ayada oo la eegayo danta qaranka,” ayuu yiri. Waxa uu sidoo kale ku baaqay inay muhiim tahay in heshiis siyaasadeed laga gaaro hanaanka doorashada 2020. “Sidaas darteed, waxaan soo dhoweynayaa kulankii shalay ee madaxweyne Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee ka horeeyey, waxaana dhiir-gelinayaa wada-tashiyo kale oo noocan ah.”ayuu yiri wakiilka QM ee Soomaaliya.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal kooban soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada waxa uu ku sheegay in xabaddii lagu dilay Almaas Elman Cali ay tahay mid dhashiike, isla markaan ay magaalada ku heystaan oo kaliya AMISOM iyo ciidanka Dowladda. Almaas Elman Cali Axmed ayaa galinkii dambe ee shalay lagu dhex dilay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo lagu tiriyo goobaha amaankooda sida aadkaa loo ilaaliyo, waxaana ilaa hadda la cadeyn cida dishay Almas, wallow la sheegay inay baaritaano socdaan. “Xabad aan sharqanteeda agagaarka laga maqal ayaa dishey marxuumad Almaas Elman AUN, laakin waxaa la wada og-yahay qoriga dhashiikaha ah ee xabadiisu ay dishey gabadha waxaa magaalada MUQDISHO ku heysta oo kaliya ciidamada dawladda ka amarqaata iyo AMISOM” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Fiqi. Xildhibaanka ayaa sidoo kale qormadiisa ku adkeeyay in madaxda qaranka si aan leex-leexad laheyn looga doonayo inay u cadeyso cidii geysatay dilkii marxuum Almas, isagoo ka dalbaday in shacabka loo soo bandhigo natiijo ay ku qanci karaan, kadib baaritaanka lagu sameeyay arintaas. “Haddaba waxaan ayadoon ka leexleexasho laheyn looga fadhiyaa Madaxda Villa Somalia In ciddii dambigaas geysatay sharciga la soo hortaago, ehelada marxuumadda iyo umadda Soomaaliyeedna lala hor yimaado baarista la sheegay in la samaynayo ka dib wax macquul ah oo lagu qanci karo” ayuu yiri Fiqi oo si weyn u mucaarada xukuumadda hadda talisa.
  8. Somalia is one of the world’s countries worst affected by global warming, suffering near-constant droughts, heat waves and floods. Recent flooding in south central Somalia affected 547,000 people, according to U.N. estimates, at a time when more than 2 million are food-insecure. Scientists and food safety experts say the climate shocks are not only destroying Somali crops and livestock but are also increasing the levels of toxins in the food that makes it to harvest. The frequent droughts, in particular, have significantly increased toxins in maize, sorghum and wheat, the main staple foods in the country. “What is making Somalia more vulnerable to these toxins is the climate change, because our farms are rain-fed,” said Abdi Mohamed Hussein, head of plant protection at the Ministry of Agriculture. “The droughts and the heat are creating a conducive environment for the bacteria to grow in these crops, thus damaging the corn trees (stalks)and making it easier for the mold and fungus bacteria.” A study conducted by Queen’s University Belfast on Somali crops, published earlier this year, found that levels of aflatoxin B1, a toxin linked to development of liver cancer, are dangerously high compared to European Union levels. Dr. Ewa Wielogorska of the University of Chemistry and Technology in Prague, who supervised the lab work for the study, says the results were “quite shocking.” “When we looked at the concentrations, unfortunately we found out that the levels of the most dangerous mycotoxin, which is aflatoxin B1, was over 400 times higher than the level permitted by the European Union,” she told “Investigative Dossier,” a VOA Somali program. “The other toxins exceeded European limits from 20 to almost 80 times.” Queen’s University collected 140 samples from maize, sorghum and wheat in 2014, but the result of the lab work was only released earlier this year. Wielogorska, who has a doctorate in food analysis, says all of the maize samples and almost all of the sorghum samples were contaminated with various amounts of toxins. “When we tried to translate the risk to the consumer, we found out that the risk is 700 times higher than the risk that the consumers in (the) EU are faced with when consuming widely available food,” she said. The U.N. Food and Agricultural Organization has not conducted its own study on the problem, but Emma Ouma, an FAO food nutrition expert, concurred with the role of climate shocks in high levels of aflatoxins. “We just know that because of the environment, that we have the food being stored in terms of the humidity, the soil, the nitrogen stress, the farm, we may have high levels of aflatoxin, but it has not been scientifically proven,” she said. “I do feel that in terms of climate change, it exposes the population to higher levels of aflatoxin.” There are no statistics proving that liver cancer is on the rise in Somalia, but Dr. Mohamed Mohamoud Fuje, a general practitioner based in Mogadishu, says he sees an increase. “Liver cancer is increasing in Somalia. The liver is very vulnerable to these toxins,” Fuje said. “The danger is even worse if the person was suffering from hepatitis B.”
  9. Bangoga Dowliga ah ee Puntland ayaa waxaa lagu bilaabi doonaa dib u habayn lagu hotnarinayo Laguna balaarinayo. Mashruucaan oo kharashaad badan ku lacagta ayaa sare [...] Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka jawaabay eedeyntii uu ujeediyey afhayeenka Golaha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed (Soomow) oo aheyd inuu sabab u yahay musiibada ka jirto dalka, islamarkaana dartiis ay dad badan ugu jiraan Qabri. Sheekh Umal oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa dhammaan iska fogeeyey eedeymaha loo jeediyey, wuxuuna sheegay in dadka kaliya ee la dagaalamay kooxda Al-Shabaab ay ahaayeen iyagu bilowgii, illaa dhammaadkii, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuusan ogeyn wax dood ah oo ka taagan muxaadarada uu iclaamiyey ee Jimcaha ka dhaceysa garoonka Injineer Yariisow ee magaalada Muqdisho. “Anigu ma ogi wax dood ah oo ka jirta muxaadarada, in la iclaamiyay oo aan ku talagashanahay unbaan ogahay. Wadaadku waxaan u maleynayaa inuusan warba heynin, ma hurdo ayuu kasoo kacay?, afkaarta uu ka hadlayo haddey tahay middan qolada xagjirka ah ay qabaan, dadka kaliya ee la dagaallamay annagaa ahayn, billowgii ilaa dhammaadkii, oo halis badan u galay, naftooda khatar loo galiyay, culimadeenni baa lagu laayay sida la ogsoon yahay, marka wuxuu ka hadlayo ma garanin, malaha wadaadku wuxuusan la soconin waxa jira, hadduu nin aqoon diimeed leh yahay, adduunka hadda jirana uu la socdo, waxaan u maleynayaa sidaas inuusan u hadleen”. ayuu yiri, Sheekh Umal. Ugu dambeyn waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha la xariira in hadal uu horay u jeediyey lagu laayey dad badan, gaar ahaan Suufiyada iyo inuu gaaleeyey. “Aniga ma ogi fatwo tey ah oo suufiyo lagu laayay, wuxuu u baahan yahay inuu keeno meesha aan aniga ku iri suufiyada hallalaayo, ama dariiqooyinka hallalaayo, ama aan ku iri waa gaalo, isaga ayaa looga baahan yahay inuu caddeeyo.” ayuu markale yiri Sheekhu. Dhinaca kale, Sheekh Umal ayaa goor hore oo maanta waxa uu fariin muhiim ah u diray shacabka Muqdisho. Hoos ka daawo farriintaas.
  11. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-21112019.mp3 View the full article
  12. Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu has been indicted on charges of bribery, fraud and breach of trust, Attorney General Avichai Mandelblit announced Thursday. Source: Hiiraan Online
  13. Ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa magalaada Kismaayo ku soo bandhigay rag ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen xarakada Alshabaab, kuwaas oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka. Howlgal balaaran oo ciidamada ammaanka ka sameeyeen gudaha magaalada ayey ku soo qabteen labo ruux oo magacyadooda lagu sheegay [ Maxamed Cabdullahi Abuukar iyo Cusmaan Maxamed Maxamuud) oo ciidamu sheegeen in ay ka tirsanaayeen Alshabab. Sidoo kale ciidanka amniga ayaa xusay in raggaan ay gacanta ku soo dhigeen xili gacanta ay kula jireen fal dambiyeed waxaana ay siteen Bastoolado halka mid kamid ah uu waday Qarax lagu soo dhex qariyay Tarmuus, ciidanka ayaa sheegay in ay halen goob raggaan keyd u ahaa waxaana ay ka soo saareen 2 miino iyo 7 Bambo Gacmeed. Dhanka kale Ciidama nabad sugidda iyo sirdoonka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa sheegay in raggaan ay qirteen iney ka dambeyeen dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Kismaayo kuwaas oo loo geystay dad kala duwan. Ugu danbeyn Taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland Korneyl Khaalid Shiikh Cabdullaahi ayaa shacabka Jubbaland kaga mahad celiyay sida ay ula shaqeeyaan ciidanka ammaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland oo saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey Kismaayo ayaa gacanta ku soo dhigay shabakad isku xirneyd oo la sheegay inay dilal iyo qaraxyo ka geysan jirtay magaaladaasi. War ka soo baxay hay’adda nabad sugida Jubbaland ayaa lagu sheegay inay ciidanka amnigu soo qabteen, Maxamed Cabdullaahi Abuukar iyo Cismaan Maxamed Maxamuud oo lagu eedeeyey inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen weerarada magaalada Kismaayo. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in xilliga la soo qabanayey raggan ay gacmaha kula jireen fal dambiyeed, islamarkaana uu mid ka mid ah ku hubeysnaa Bistoolad, midka kalena uu waday qarax lagu dhex diyaariyey Tarmuus, siday lagu shaaciyey qoraalkan. Korneyl Khaalid Sheekh Cabdullaahi oo ah taliyaha nabad sugida Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadu ay tageen goob keyd u aheyd raggaasi, islamarkaana laga soo helay labo qarax oo nooca miinada ah iyo todobo bam gacmeed. Ugu dambeyn wuxuu taliyuhu sheegay inuu uga mahadcelinayo shacabka Kismaayo, sida ay ula soo wadaageen xogta raggaasi iyo falalka ay abaabulayeen ee laga hortagay. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaaladaasi ka dhacayey falal liddi ku ah nabad galyada, kuwaas oo u badnaa dilal qorsheysan.
  15. Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay dhallinyaro isugu jirta Dhakhaatiir iyo Ciyaartoo oo ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, kuwaasi oo booqasho ku maraya magaalooyinka waa weyn ee Puntland,iyagoo sanadkii saddexaad halkaa booqasho ku maraya. Kulanka waxaa Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ku wehelinayey Masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada Puntland, Xafiiska Xiriirka Jaaliyaddaha ee Puntland iyo Madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta mudane Deni ayaa kooxda qurbajoogta kaga mahad celiyay imaatinkooda dalka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay muhimtahay qorshaha dhallinyaradani ku yimaadeen Puntland, oo kor u qaadaya isdhex-galka dhallinyarada iyo barashada dalka iyo dhaqanka aynu leenahay wuxuuna maamulka kooxdan ku bogaadiyay howlahan muhiimka ah. Sidoo kale Madaxweyne Saciid Cabbdullahi Deni ayaa bogaadiyey Dhakhaatiir qeyb ka ah wafdiga ka yimi Australia kuwaasi oo u yimi Puntland inay sameeyaan qaliin indhaha ah oo lacag laáan ah, mashruucaasi oo ay ka fulinayaan Boosaaso iyo Gaalkacayo waxaa ka faaídeysan doona dad gaaraya 450 oo qof. Wafdiga ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia oo booqashadani u tahay markii saddexaad ee ay Puntland yimaadaan ayaa ka kooban 30-xubnood, oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, Ciyaartoo iyo tababaryaashooda. Waxaana inta ay joogaan Puntland ay sidoo kale Ciyaaro kubadda cagta ah kaga qeybgeli doonaan magaalooyinka Garoowe, Qardho, Boosaaso iyo Gaalkacayo. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Madaxweyne Deni Iyo Kooxda Melbourne W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Nairobi)-Magaalada Nairobi waxaa maanta lagu qabtay shir lagaga hadlayay maalgashiga Somaliland, kaasoo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Somaliland. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay shirkado heer caalami ah kuwaasoo daneeya maalgashiga Geeska Africa. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Yaasiin Maxamuud Xaaji ‘Faratoon’ ayaa ka warramay shirkan, Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/upload Source
  17. 70 years ago today, after all-night discussions on November 21, 1949, the General Assembly of the United Nations, overwhelming accepted the draft resolution prepared by the First Committee by a vote of 48 to 1 and 9 abstentions, placing Somalia under Italian Trusteeship. Source: Hiiraan Online
  18. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aanay qadiyadda Somaliland waxba ka beddelayn Dhallinyaro iyo siyaasiyiin u safra Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Mudane Baashe-cadde oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Xisbiyada Qaranka waxaynu u samaysanay inaynu Qabiilka kaga tagno. Wixii dhexdeena ah waa loo dul-qaadanayaa, laakiin Qaranimada Somaliland, Madax ha ahaado ama Madax-dhaqameed ha noqdo ama Siyaasi ha noqdee qofka Qaranimada Somaliland ka soo horjeeda waxa la marinayaa Shuruucda Dalka u taalla, loona dul-qaadan maayo.” Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Qof dhalinyaro ah iyo Siyaasi Xamar tagaa wuxuu ka beddelayo Somaliland ma jirto, Qaddiyadda Somaliland-na waa lama taabtaan.” ayuu yidhi. Source
  19. Kooxda ciidanka xoogga dalka ee Horseed Sports Club ayaa 3-2 kaga badisay dhigeeda Muqdisho City Club,iyagoo wada dheelay fiinalaha tartanka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse 2019 waana sanadkii labaad oo xariir ah ay labada naadi soo tiigsanayaan kama dambeystan tartankan. Kulankan ayaa waxaa 3-2 ku badiyay wiilasha uu hogaamiyo macallin Cabdi Joon ee Horseedwaxaana goolasha labo ka mid ah u dhaliyay ciyaarayahan Xasan Cabdi Nuur,halka goolka kale uu ansixiyay laacib Maxamed Shiine,iyagoo markii kolkii lixaad u dabaal dagay hanashada koobka Jeneraal Daa’uud. “Waa ku faraxsanahay guushan qiimaha badan waxaan kusoo bixinay da’daal dheer waxaan u mahad celinaynaa maamulka,ciyaaryahanada iyo taageerayaasha kooxda oo juhdi wanaagsan bixiyay tani iyo bilaawgii koobka Jeneraal Daa’uud” ayuu Goobjoog ugu waramay tababaraha Horseed Cabdi Joon. Dhinaca kale guddoomiyaha kooxda ciidanka xoogga dalka ee Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa soo dhaweeyay guushan muhiimka ay kooxdiisa ka samaysay koobka sanadalaha ee Jeneraal Daa’uud . “Wiilashayda way mahadsanyihiin waxay fuliyeen balantii aan ku balanay ee aheyd hanashada koobkan qiimaha badan u leh naadiga Horseed waan bogaadinayaa da’daalka iyo shaqada adag ay soo bandhigeen intii uu socday tartankan,sidoo kale waxaan u hambaleynaynaa kooxihii kale ee aan kawada qeyb galnay koobkan” ayuu Goobjoog u sheegay guddoomiyaha kooxda Horseed Dr.Maxamed Axmed Maxamed. Source: goobjoog.com
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay xaaladda gobolka Gedo, halkaasi oo inta badan ay ciidamadiisii ku biireen dowladda Soomaaliya. Axmed Madoobe oo ka hadlay shirkii golaha wasiirada Jublanad ee maanta ayaa sheegat in xaaladda kasoo cusboonaatay Gedi “aan intaas ka badan laga sii aamusnaan karin go’aan rasmi ahna Jubbaland ka qaadaneyso waxa halkaas ka socda” Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu magacaabi doono guddi si faahfaahsan ugasoo warbixiya xaalada gobolka Gedo. Hadalka Axmed Madoobe ayaa imanaya ayada oo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan uu ku sugan yahay Ceel-waaq Kenya islamarkaana uu ku guuleysan la’yahay inuu galo gobolka Gedo. Maxamuud Sayid Aadan ayaa in uu soo galo gudaha Soomaaliya gaar ahaan Ceel-waaq waxaa u diiday dadka degaanka oo u diyaar garoobay Banaanbax iyo ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo dhawaan sheegay in ay ku biireen Ciidamada Soomaaliya halka markii hore ay ka amar qaadan jireen Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa myddo todobaad ah ku sugan Kenya waxa uuna raadinayaa in uu tago degmooyinka Ceel-waaq, Luuq iyo Doolow balse waa arin aad u adag sida ay soo sheegayaan odayaasha degaanka. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ayadoo gacan ka heleysa Itoobiya ay lasoo wareegto inta badan ciidamadii Jubaland ee ku gobolka Gedo, taasi oo caqabad ku noqotay maamulka Jubaland oo hadda u muuqda inuu lumiyey gobolka Gedo.
  21. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxaanu sheegay inay ka wada-hadleen sidii doorashooyinku ku qabsoomi lahaayeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. MOGADISHU (HOL) - The death of prominent Somali-Canadian human rights activist Almaas Elman, who was shot in Mogadishu yesterday, shows the risk faced by activists in the country and underlines the need for the authorities to ensure the safety of civilians, said Amnesty International. Source: Hiiraan Online