-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug looga dhawaaqo Xildhibaanada ka mid noqonaya Baarlamaanka labaad ee Galmudug kuwaa oo iyana dooran doona Hogaanka sare ee maamulka. Doorashada Hogaanka sare ee Galmudug gaar ahaan Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u sharxan siyaasiyiin mug leh oo taageero badan heesta. Madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay si gaar ah u taageerayaan saddex musharax oo kala doonaya Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Villa Somalia, dowladda ayaa dhowaan dardar-galin doonta maamul u sameynta Galmudug, gaar ahaan soo xulida xildhibaanada haray iyo arrimo kale. Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu dhowaan u ambabaxo Magaalada Dhuusamareeb si uu u dardar-galiyo dhameystirka dhismaha Maamulka Galmudug. Dhinaca kale, madaxda dowladda ayaa doonaya in madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug lagu garab galo masuuliyinta kala ah:- 1 – Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), oo u sharaxan xilka madaxweynaha 2 – Cali Daahir Ciid (Cali Ciid), oo u sharaxan xilka madaxweyne ku-xigeenka 3 – Maxamed Nuur Gacal, oo u sharaxan xilka guddoomiyaha baarlamanka. Saddexdan masuul ayaa la sheegay iney yihiin kuwo aad ugu dhow madaxda qaranka waxayna ka soo kala jeedan beelaha Habargidir/Saleeban, Mareexaan /Celi iyo Murursade/Sabti. Maamulka Galmudug oo dhismihiisa in muddo ah qaatay isla markaana khilaafyo badan ay hareeyeen ayaa waxaa lagu wadaa in la soo dhamaystiro 9-ka bisha Janaayo ee sanadka cusub ee 2020. Musharaxiinta ay gadaal ka riixeyso DF ayaa la filayaa iney loolan adag kala kulmaan musharaxiin mucaarad ah, gaar ahaan xilka Madaxweynaha Galmudug oo ay u taagan yihiin Cabdiraxmaan Odowaa iyo xubno kale.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in ayada oo maanta ay ku beegan tahay saddex sano kadib markii la dhaariyey xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, ay xildhibaanadu doonayaan inay sameystaan muddo kororsi sharci-darro ah. Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa sheegay in qodobka 53-aa ee sharciga doorashooyinka ee baarlamanka horyaalla uu “xeerinayo xeerinayaa mudo kordhin loo sameeyo goleyaasha barlamaanka.” “Qodobka 53-aad ee sharcigaan wuxuu xeerinayaa in MUDO KORDHIN loo sameeyo goleyaasha Barlamaanka. Waxa uuna si cad uga hor imaanayaa qodobbada 60-aad iyo 91-aad dastuurka ee xeerinaya in muddada xilhaynta goleyaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha JFS mid walba ku madalsan tahay afar sano.” “Saddex sano kadib, halkii nalaga sugayay in dalka aan gaarsiino doorasho qof iyo cod ah in maanta na lugu mashquuliyo doorasho lama qaban karo ee mudo kororsi aan sameysano waa nasiib daro aad u weyn. Umana maleynayo masiibo ka wayn oo dalkaan lugaha aan u gelin lahayn in ay jirto” Ayuu yiri Mahad Salaad. Haddaba maxaa ku qoran qodobka 53-aad ee sharciga doorahsooyinka:- Qodobka 53-aad: Dib-u-dhaca Doorashooyinka 1. Muddada xilhaynta Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo madaxda la doortay wuxuu shacabku u idmaday muddo cayiman oo ku xadiddan Qodobbada 60aad iyo 91aad ee Dastuurka; 2. Muddada qabashada doorashooyinka heer federaal waxay dib ugu dhici kartaa oo keliya haddii ay jiraan daruufo adag oo saameeya dalka oo dhan ama kala bar oo aan suurtagal ka dhigayn in doorasho la qabto; Daruufaha adag ee ku xusan faqradda 2aad ee qodobkan waxaa ka mid ah: a. Nabadgelyo-darro baahsan oo dalka dhan ka dhacdo; b. Aafooyinka dabiiciga ah sida dhulgariirka, cudurada faafa, abaarro, fatahaado wabiyada, daadad xoog badan iyo duufaanno; iyo c. Arrimo farsamo oo aan la’aantood doorashada qabsoomi karin. Xaaladaha lagu soo sheegay faqaradda 3aad ee qodobkan haddii ay ku kooban tahay hal degmo, gobol ama dowlad goboleed iyo wax ka yar kala bar dalka, dib-u-dhaca doorashadu wuxuu saameynayaa keliya goobaha lagu xusay faqraddan. GMDQ marka ay qiimeeyaan daruufaha ku xusan faqradda 3aad ee qodobkan iyo muddada uga degdegsan ee lagaga bixi karo, waxay warbixintooda oo sababeysan kuna caddahay baaxadda ay duraafaha saameeyeen oo jadwal-shaqana leh u soo gudbinayaan Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka si ay go’aan uga gaaraan. GMDQ waxay BFS ka codsan karaan muddada cusub ee doorashadu ku qabsoomi karto oo aan ka badnayn Lix (6) Bilood; Haddii xaaladaha ku xusan faqradda 3aad aan lagu xallin muddada ku xusan faqradda 6aad oo GMDQ caddeeyo ineysan doorashadu muddadaas ku qabsoomi karayn, xubnaha Goleyaasha 24 Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sii wadaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ilaa doorashada laga qabto.
-
Baydhabo (SMN) – Ciidamadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo ka sameeyay degaano kala duwan. Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyadan ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka degaanadda dowlad goboleedka. Saraakiisha ayaa tilmaamay in talaabadan cusub ay daaran tahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa meelaha ay wali haysato. Howlgaladan ayaa la qaadey ka gedaal markii kulamo looga arrin-saday qaabka loo fulinayo ay yeesheen saraakiisha ciidamadda xoogga. View the full article
-
Garowe (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha shil gaari oo ka dhacay duleedka Garowe, caasimada maamulka Puntland. Inta la xaqiijiyey shan qof ayaa ku dhimatay, halka tirro kelana ay ku dhaawacmeen markii uu rogmaday gaari nooca raaxada ah oo ay wateen. Dadka geeriyooday oo shacab ah ayaa la sheegayaa in ay ka baxeen gudaha magaaladda, wallow aan la ogayn halka ay kusii jeedeen. Saraakiisha caafimaad ayaa ka deeriyey qaar kamid ah bukaanada wax ku noqday dhacdadaan, maadaama dhaawacoodu culus yahay. Inta badan shilalka noocaan ah ee ka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa loo aaneeyaa burburka wadooyinka iyo khibrad xumo darawalada. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Laamaha ammaanka magaaladda Dhuusamareeb ayaa sarre u qaadey howlgaladda lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda. Ciidamadda ayaa gaaf-wareegaya waddooyinka muhiimka ah ee xarunta gobolka Galgaduud si ay uga hortagaan falal liddi ku ah amniga. Saraakiisha ayaa sheegaya in talaabadan ay salka ku hayso socdaal la filayo in ra’iisul wasaare Khayre uu ku tago caasimadda Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in socdaalka wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah uu daaran yahay arrimaha dhismaha maamulkaas. Booqashadan ayaa imaaneysa xili lagu waddo in maalmaha soo aadan lagu dhawaaqo liiska Xildhibaanada cusub ee dowlad goboleedkaas. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-271219.mp3 View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka qeyb galayey madal su’aalo lagu weeydiinayey ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyey khilaafkii dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland. Madaxweyne Deni, la weeydiiyey safar la filayey in uu ku tago magaalada Muqdisho oo ku saabsanaa xalinta khilaafkaas ayaa sheegay in la xaliyey khilaafkaas, islamarkaana dowladda federaalka ay aqoonsatay doorashadii ka dhacday Kisamaayo. Waxaa uu tusaalo u soo qaatay shirkii looga hadlayay arrimaha maaliyadda oo ay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ku qabatay Kismaayo, islamarkaana ay ka qeyb galeen wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada ka jira dalka. “Wixii aan garwadeenka ka noqon lahayn way iska dhamaatay, dowladdii federaalka waa tii lahayd ma aqoonsanin, waa tii maalin dhoweyd wasiir Bayle tagey, waa aqoon-sadeen marka, hadda dhib kama taagna taas, wixii kaloo dhiman iyagaa dhameysan doona, annaga doorkaas Ilaahaa naga furtay.” ayuu yiri Deni. Ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online in shirkii Kismaayo uu ahaa mid ay ku qasbaneyd dowladda federaalka, ee aanay macnaheedu ahayn aqoonsi Axmed Madoobe. Soomaaliya ayaa rajeyneysa in bisha Febraayo ee 2020 laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, waxaana si taas ay u dhacdo qasab ah inay arrimaha maaliyadda ka wada-shaqeeyaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Hoos ka dhageyso codka Deni https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Hadal-Deni.mp3
-
Gaarisa (Caasimadda Online) – Booliska magaalada Gaarisa ayaa bilaabay baaritaan ay ku raadinayaan labo ruux oo la rumeysan yahay in ay afduub u geysteen rag loo maleynayo Al-Shabaab. Labada Nin ee la afduubtay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Abdulahi Isaack Harun iyo Abdi Hassan Ilkaase. Booliisku waxay sheegeen in labada nin ay doonyo ku aadeen Liboi laakiin markii ay soo gaareen Wardeglo Dam ay weerar ku soo qaadeen rag loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana waxaa la sheegay in loo soo ka xeeyay Soomaaliya. Arintan ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa kadib markii dhawaan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen dad la sheegay inay Kenyan ahaayeen, kuwaasi oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Harbuul oo qiyaastii 53 KM ujira Magaalada Gaariga, waxaana halkaas ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaasi. Sidoo kale Al-shabaab ayaa dhawaan weerar ka fuliyay deegaanka Kutulo oo hoostaga Wajeer ku dishay Saraakiil ka tirsan Kenya, kuwaasi oo socdaal ku marayay halkaasi.
-
Beledwayne (SMN) – Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu wado qorshe dib loogu soo celinayo Beledwayne dadkii ku barakacay fatahaadaha. Sheekh Xuseen Cismaan Cali, gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshadda, ayaa sheegay in dadweyne qaarkii ay iskood kusoo laabteen. Cali ayaa tilmaamay in ay ku dedaali doonan sidii inta hartayna ay magaala madaxda gobolka dib ugu soo celin doonan dhowaan. Isagoo hadalkiisa sii wata, gudoomiye Xuuseen ayaa hoosta ka xariiqay in ay sidoo kale wadaan qorshe lagu kaabayo nolosha dadkii daadadki saameeyeen. Sidda ay sheegeen hay’addaha caalamiga ah, daadadka ku dhuftay Beledwayne waxaa ay saameyn ku yeesheen in ka badan 250-kun oo qoys. Waxyeeladda ayaa isugu jirta, sidda ay ka dhawaajisay dowladda, mid nafeed iyo mid maaliyadeed, waxaana taageerada ay u baahan yihiin tahay mid balaaran. View the full article
-
Jowhar (SMN) – Xoogsatada ku dhaqan Jowhar, caasimadda HirShabelle, ayaa sheegay in ay cabasho ka yihiin ciidamada dowladda. Aadan Cali Muumin, oo kamid ah muruq-maalka magaaladaas, ayaa tilmaamay in askarta ay waydiiyaan lacago aan canshuur ahayn. Muumin oo la hadlay Shabelle ayaa daboolka ka qaadey in ciidamadda ay u awood sheegtaan markay waydiinayaan lacagta. Sidda uu ka dhawaajiyey Muumin, askarta ayaa nolosha dhaafiya shaqsigii ka biya-diida bixinta lacagtaas baadda ah. Hay’addaha kala duwan ee maamul goboleedka iyo dowladda federaalka ah ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay wax ka qabtaan xaaladooda. Sikastaba ha ahaatee, shalay ayay ahayd markii askari uu Jowhar ku dilay wiil u diiday shan kun oo Shilin Soomaali, taasoo caro abuurtay. View the full article
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Afar ruux ku dhintay, shil gaari oo gelinkii dambe ee xalay ka dhacay degaanka Sinujiif oo qiyaastii 60KM dhanka bari kaga beegan magaalada Garoowe. Dadka shilkaasi ku dhintay oo kala ah; hal nin iyo saddex dumar ah, ayaa maydadkooda la geeyay Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe, sida ay Warbaahinta Guddaha u xaqiijiyen mas’uuliyiinta Isbitaalka Xarunta Gobolka Nugaal. Dad ku sugan Garoowe ayaa waxa ay sheegen in dadka ku dhintay Shilkaasi gaari dhamaantood la geeyey meydadkooda Isbitaalka weyn ee Magaalada Garoowe si ay eheladooda uga yimaadaan. Sidoo kale warraka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliye ku xigeenka Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale uu fudud ka soo gaaray shilkaasi Gaari. Saraakiisha Ciidanka Taraafikada gobolka Nugaal weli wax faahfaahin ah kama bixin sababta dhalisay shilkaasi. Dowr jeer oo hore ayaa Shilal gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen duleedka Garoowe, waxaana burbursan wadadaas oo uu saameyn ku yeeshay roob ka da’ay.
-
Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa shalay oo Khamiis ahayd waxay soo gabagabeysay kiis ka dhan ah eedeysaneyaal. Eedeysaneyaasha oo loo haysto dil iyo in ay ka tirsan Al-Shabaab ayaa tiradooda waxay gaareysaa shan qof, wallow ay jiraan kuwa maqaneyaal ah. Saraakiisha ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay hayaan macluumaadka shaqsiyaadka maqan, isla markaana ay ku raad-joogaan xubnahaas. Dadka maxkamadda lasoo taagey waxaa ku jira Maxamed Xaaji Axmed oo la sheegay in uu yahay hogaamiyaha shabakadan. Maxamed oo ku magac dheer Ilkacase iyo eedeysaneyaasha kale ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan xukun kama dambeys ah lagu rido. View the full article
-
Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku baaqay wada hadal dhexmara dowladda federaalka ah iyo maamuladda. Deni oo ka hadlayey Madasha PDRC Talks ayaa shaaca ka qaadey in wada-xaajoodyadaas looga doodi doono arrimo masiiri ah sida doorashooyinka iyo qabto tirka Dastuurka. Maamulkiisa ayuu cod dheer ku sheegay in uusan aqbali doonin wax kasta oo baalmarsan shuruucda u taala waddanka. Isagoo hadalkiisa sii wata, madaxweynaha ayaa caddeeyay in wada hadaladu yihiin hanaanka kaliya ee lagu dhameyn doono kala aragti duwanaanta. Ugu dambeyntii, madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay xal ka gaari doonan ismaandhaafka jira. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-27122019.mp3 View the full article
-
At least 14 people died Friday when a passenger plane carrying 100 people crashed into a house shortly after takeoff from Kazakhstan's largest city, authorities said. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland: Extensive Discussions At Presidency On Election Schedule The three Somaliland political parties, Kulmiye, Waddani and UCID have been holding extensive talks at the Preisency in Hargeisa. The talks between the three party leaders, President Muse Bihi Abdi of Klumiye, Abdirahman Mohamed Abdillahi ” Irro” of Waddani and UCID’s Faisal Ali Warabe, commenced after intervention and mediation conducted by elders and luminaries of the Somaliland Civil Society, to unblock the impasse pertaining to the long overdue parliamentary and local council elections. The talks have been described as free and frank by insiders and there are hopes that all three parties will reach a consensus on the composition of the National Elections Commission, (NEC), the date for the elections and any other outstanding issues. The parliamentary and local elections were postponed from 2017, 2018 and 2019, many Somalilanders and the international supporters of Somaliland, have steadily became frustrated with the inability of the national institutions to put aside political differences in order to keep the country on the progressive democratic path. Senior delegation from the European Union, led by Ambassador Belanger, visited Somaliland on many occasions, including as recently as this month, December, 2019, to facilitate any discussions between the political parties. All in all, Somaliland’s much heralded democratic credentials will become severely tainted, unless, parliamentary and local council elections are held as early as possible. Qarannews. Qaran News
-
Somaliland: President Launches Local Products Expo The President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, opened an exhibition by local manufacturing and services companies in Hargeisa. The exhibition, the first of it’s kind, features locally manufactured goods and services by indigenous companies. Speaking at the opening ceremony, President Muse Bihi, encouraged local manufacturers to use their skill and knowledge to provide quality wares for the domestic market in order to curtail the prodigious amount of foreign exchange leaving the country as a result of the importation of products which can be made easily in Somaliland, such as household goods, utensils, etc. The ceremony was attended by a delegation from the Oromia region of the Federal Republic of Ethiopia. The delegation are in Somaliland to hold bilateral talks on commerce, migration and other areas of mutual interest. Somaliland plays host to a large expatriate community from the Oromia region of Ethiopia. Qarannews Qaran News
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa caawa shacabka magaalada Garowe la qaatay kulan ay ku weydiinayeen su’aalaha ay qabaan kuwaas oo si toos ah uu uga jawaabayey Madaxweyne Dani. Su’aalaha ay dadku weydiinayeen Madaxweyne Dani ayaa u badnaa arimaha doorashooyinka dalka tan dowladda dhexe iyo tan Puntland-ba iyo sidoo kale waxa uu salka ku hayo khilaafka Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka, kaas oo xoogiisu soo jiray intii uu xaafiiska joogay Madaxweyne Dani. Saciid Dani ayaa mid mid uga jawaabayey su’aalaha ay dadku weydiinayeen waxuuna sheegay in dowladda federaalku ay meel iska dhigtay wax wada guddoomin, isla markaana ay wax walba qasanyihiin, hadii ay ahaan laheyd qabya tirka dastuurka dalka, nuuca doorasho ee dalku aadayo oo aan wali cadeyn, wada shaqeyntii dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo arimo kale. Dani ayaa mar uu si gaar ah u dul istaagay waxa uu kala socdo arimaha doorashooyinka waxa uu yiri, “Doorashada federaalka diyaar garowga ugu badan waxaa laga rabaa Puntland ma ahan in laga rabo dowladda federaalka oo kaliya, mana jirto nidaam gaar ah oo aan hada leenahay waa inay ku dhacdaa doorashudu, sida madaxda qaar oo lahaa waa lagama maarmaan inay noqoto 4.5, anagu waxaan leenahay mudada yar ee aan heysano aan ka wada tashano sidii ay wax noogu hagaagi lahaayeen”. Madaxweyne Dani ayaa la weydiiyey halka uu ku danbeeyey balan qaadkiisii ahaa inuu heshiisii doono Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda federaalka, waxuuna ku jawaabay in dhawaan uu qorsheynayey inuu arintaas darteed Xamar u aado, balse uu ka baaqday kadib markii ay dowladdu shirkii wasiirrada maaliyadda dalka gogoshiisa dhigtay magaalada Kismaayo, halkaas oo Axmed Madoobe uu shirkaas ka furay, taas oo sida uu sheegay asaga ula muuqato inay Axmed Madoobe aqoonsatay dowladdu. Mar wax laga weydiiyey arimaha waxbarashada Puntland ayuu yiri, “Arrinta waxbarashada dadka cabsida ka qaba maahi shahaadadii ayaa ardayda loo diiday anigu aqoon gooni ah ayaan u leeyahay, hadii qof Xamar jooga uu diido waxaa qabanaya qodob dastuuri ah, sidii loola xisaabtami lahaana Puntland ayey u taallaa, sharciga xaalad mastuur kama galeyno dad badan ayaa igula taliya ciyaalka u daney oo shahaadada ku raadi xaalad mastuur, taasna ma dhaceyso cid sharciga ka weyn ma jirto” Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo kulankii maanta ee golaha wasiirrada Puntland laga sheeciyey in dowladda federaalku ay shahaadooyinkii dugsiyada sare u diiday ardayda deegaanada Puntland, sidoo kalena ay dowladda federaalku is hortaag ku sameysay deeqo waxbarasho oo Puntland ay ka heshay qaar ka mid ah dalalka caalamka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook kusoo bandhigay taariikho is-diidan oo la xiriira xilliga bixinta shatiyada shidaalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu arkay qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka ee dhowaan lasoo bandhigay. Hoos ka aqriso qoraalka Maxamed Mukhtaar. Waxaan u hambalyaynayaa Wasaaradda Qorsheynta iyo dhamaan intii ka so shaqeysay diyaarinta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka. Qorshaha oo ka kooban 400-bog, inta uu dhaxeysa bogga 226 – 228 waxaa looga hadlayaa arimaha shidaalka. Qoraalka waxaa ku jiro taariikho iska hor imaanaya, haddii aanan si fiican looga fikirina Soomaaliya u keeni karo culeys. Bogga 226, faqradiisa 10.1 waxa uu lee yahay “Dowladdu waxay qorsheyneysaa inay bixiso 15 xermo (blocks) 6-da bilood ee soo socota ka dibna kuwa kale loo bixiyo si joogto ah. Dowladda waxay haminaysaa inay bilowdo shati siinta sahaminta batroolka iyo macdantaka hor Maarso 2020.” Sidoo kale qoraalka bogga 228, faqradiisa 10.3, xarafkiisa (ii) waxa uu lee yahay “Qabyo qoraalka sharciga Shidaalka waxaa la filayaa inuu diyaar noqdo ka hor Juun 2020.” Xermooyin shidaal ama heshiis shidaal lama geli karo ayada oo aanu soo dhamaystirmin Sharciga Shidaalka, sida daraadeed waxaa loo baahan yahay in labadaan taariikh la is waafajiyo. Isla qoraalka bogga 228, faqradiisa 10.3, sadarka ugu danbeeyo waxa uu lee yahay “Soomaaliya waxay sidoo kale qorsheyneysaa inay dhisto Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed, Hay’adda Macdanta Soomaaliya iyo Shirkadda Macdanta Soomaaliyeed hal sano kadib sharciga batroolka marka la ansixiyo.” Qabyo qoraalka Sharciga Shidaalka waxa uu sheegayaa in Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed la sameeyo sanad gudahood marka sharciga la ansixiyo ee ma ah sanad kadib marka sharciga la ansixiyo. Mida kale Qorshaha Qaranka waxa uu sheegayaa inay dowladda qorsheynayso inay bixiso shatiga sahminta shidaalka ka hor Maarso 2020 taas oo macnaheedu yahay in dowladdu bixin doonto shatiyo ka hor inta aanan la dhisin Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed. Waxaan rajaynayaa in qoraalka Qoshaha Qaran iyo qaab maamulka kheyraadka noo saxmaan.
