Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,051
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Iran)-Afhayeenka dowladda Iiraan ayaa sheegay in waddamada midowga Yurub ay awoodaan inay difaacaan heshiiskii Nuclear-ka oo waddamada quwadaha la galeen Iraan sannadkii 2015-kii. Mr Cali Rabaay ayaa intaa ku daray in Iiraan ay ka go’antahay inuu sii jiro heshiiskan haddii dalalka Yurub ay la yimaadaan difaaca (JCPOA). Waddamada Jarmalka Faransiiska iyo Ingariiska oo qeyb ka ah heshiiska ayaa wuxuu ku eedeeyay inay ku fashilmeen in ay difaacaan danaha Iiraan. Afhayeenka dowladda Iiraan ayaa dhanka ku hanjabay in dalkiisa uu bilaabi doono bacriminta hubka wax gumaada ee Nuclear ka haddii Yurub ay la imaan weydo cisbadal muuqda. Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa sannadkii hore laashay heshiiskii 2015-ka oo Mareykanka uu qeyb ka ahaa, waxaana xayiraad dhaqaale ay Washington ku soo rogtay dowladda Iiraan. Source
  2. Somali authorities should immediately allow local broadcaster City FM to reopen and let its staffers work freely, the Committee to Protect Journalists said today. Source: Hiiraan Online
  3. Kenyan troops will not pull out of Somalia until the al Shabaab threat has been completely neutralized, Chief of Defense Forces Samson Mwathethe has said. Source: Hiiraan Online
  4. Rep. Ilhan Omar (D., Minn.) sent out dueling press releases on Tuesday: one celebrating the House passage of legislation that included debt relief for her native Somalia—and a second explaining her decision to vote against that legislation. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkii lagu qaaday hotel SYL oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa u muuqda inuu shaki iyo cabsi xooggan geliyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cadbullaahi Farmaajo. Weerarkaas, oo ay fuliyeen Shabaab ku labisan dharka ciidamada, ayaa horseeday in madaxweynuhu xitaa aamini waayo xildhibaanada iyo wasiirada dowladda, isaga oo amray inaysan ilaaladooda la iman karin madaxtooyada. Kadib wuxuu madaxweynaha maalinkii sabtida ka baaqday xuska maalinta ciidamada booliska oo lagu qabtay garoonka Injineer Yariisow, kadib markii uu soo food saaray walaac amni iyo shaki ku saabsan in falal ay ka dhici karaan garoonka. Madaxweynaya ayaa mar kale shakiyey, isaga oo halkii uu tegi lahaa wasaarada Qorshaynta, uu madaxtooyada qaybta deeganka ah isugu yeeray inta badan Golihii Wasiirada, si uu uga hadlo xaflad lagu daahfurayey qorshaha qaranka, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir. Madaxweynaha ma waxaa soo food saaray cabsi amni iyo shaki? Waxaa sidaas qaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo tixraacayey dhammaan tallaabooyinka taxaddar ee madaxweynaha uu qaaday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay. “Madaxwaynaha waxaa ka muuqda cabsi nafsi ah iyo shaki badan. Waxaase fajaciso kale ah in goobtaas [Villa Somalia] laga leeyahay doorasho qof iyo cod ah ayaan dalka ka qabanaynaa.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan. Waxa uu intaas ku daray “Ruux cabsi iyo baqdin intaa la egi hayso, kuwa agjoogana ay u sacaba tumayaan, runtana aysan kula dhiirran karin, ma kula tahay in ay sidan hogaan ugu sii ahaan karaan dal la doonayo in cadaw argagexiso laga xoreeyo, dadkiisana colaad sokeeye laga saaro?” Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale cabsida tirada badan ee madaxweynaha ku qeexay mid aan tusaale wanaagsan u ahayn ciidanka. “Madaxwaynuhu waa taliyaha ciidanka qalabka sida. Waa in awoodiisa hogaan uu inta kale tusaale ugu noqdo dhinaca dhiirranaanta, naf hurka geesinimada iyo tawaaduca.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan. Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarkii hotel SYL uu aad u gil-gilay madaxweynaha, kuna noqday lama filaan in Shabaab sidaas ugu soo dhowaato Villa Somalia, taasi oo loo sababeyn karo cabsida xooggan ee maalmahan ka muuqatay.
  6. The federal government has committed to waiving citizenship application fees that immigration advocates say are a major barrier that stops newcomers from becoming Canadian citizens Source: Hiiraan Online
  7. Puntland:Ciidamo ka gadooday Mushahar la’aan Cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland ee loo yaqaanno Guuto Bari, ayaa maanta gadood ka sameeyay laamiga u dhexeeya deegaanka Carta iyo degmada Carmo ee gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Ciidanka gadoodka sameeyay oo ka cabanayay mushahaar la’aan, ayaa xannibay isu-socodka gaadiidka laamiga dheer ee xidhiidhiya gobollada Puntland, taasi oo culays badan ku keentay gaadiidka isaga goosha gobollada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Saraakiisha hoggaaminaysay ciidankaasi, ayaa ku amray gaadiidleyda in aysan ka gudbi karin isbaaro ay halkaasi dhigteen, tan iyo inta laga siinayo xuquuq iyo mushahaar kaga maqan dowladda Puntland. Xubno ka tirsan Odayaasha dhaqanka oo markii dambe halkaasi gaadhay, ayaa saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ka dalbaday in ay isbaarada ka qaadan laamiga, si wada-hadal loola furo, balse saraakiisha ayaa diiday dalabka Odayaasha. Cutubyada gadoodsan ayaa weli haysta badhtamaha laamiga, waxaana kala xidhan isu-socodka gaadiidka, iyadoo ay halkaasi gaadiid badan ku xanniban yihiin. Gadoodka ciidanka Daraawiishta ayaa ku soo beegmay, xilli Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay sheegtay, in ay bil kasta bixiso mushahaaraadka Ciidamada iyo shaqaalaha dowladda. Qaran News
  8. Day after strike near Damascus, Russian news agency publishes interview with senior adviser Ali Akbar Velayati saying Israeli airstrikes ‘will not pass without a response’ Source: Hiiraan Online
  9. Giuliani says he's 'more of a Jew' than Holocaust survivor George Soro Source: Hiiraan Online
  10. Madaxii shirkadda Boeing oo shaqada looga eryay sababo la xidhiidha burburkii diyaaradda 737 Max Shirkadda sameysa diyaaradaha ee saldhigeedu yahay dalka Mareykanka ee Boeng ayaa shaqada ka eriday madaxa shirkaddaasi, Dennis Muilenburg, si loo badbaadiyo sumcadda shirkaddaasi ka dib markii laba jeer oo ay burburtay nooc ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddaasi sameyso ee 737 Max. In kabadan 340 qof ayaa shilalkaasi ku dhintay, waxaana shilalkaasi ka dhashay shaki ah in ay jirto cillad weyn oo haysata nooca diyaaraddaasi, waxaana shirkaddaasi lagu eedeeyay in ay faa’iidadeeda ganacsi ka doorbidday badqabka dadka isticmaala diyaaradaha ay sameyso. Qoysaska dadkii ku dhintay shilalkaasi ayaa soo dhaweeyay in shaqada laga eryo Muilenberg balse waxa ay durbaba shaki ka muujiyeen ninka lagu baddalay oo muddo dheer isna ka tirsanaan jiray maamulka sare ee shirkaddaasi. Shirkaddaasi Boeing ayaa baaritaanno iyo cadaadis ba’an la kulmeysay tan iyo markii laba diyaaradood oo ah nooca 737 Max ay burbureen muddo shan bilood gudahood ah, kuwaa oo ku kala burburay waddamada Induniisiya iyo Itoobiya. Isticmaalka diyaaradaha nooca 737 Max ay markiiba la hakiyay dunida oo dhan. Cillad farsamo Dhammaadkii bishii Septembar ee sanadkan, baaritaan la sameeyay ka dib waxaa lagu ogaaday in diyaaradaha nooca Boing 737-ng lagu arkay dildillaac qaybaha sare ee diyaaraddaasi. Marki uu warkaasi soo if baxay wixi ka dambeeyey wakaaladda ammaanka diyaaradaha u qabilsan dalka Mareykanka ayaa amar ku bixisay in diyaaradaha noocoodu yahay Boing 737-ng baaritaanno degdeg ah lagu sameeyo. Wakaaladda dalka Mareykanka u qaabilsan dabagalka duullimaadyada ayaa sheegtay “diyaarado in mudda ah shaqeynayey marki la damcay in dib u habeyn lagu sameeyo in lagu arkay dildillaac ku yimid jambiga kore ee diyaaradaha”. Diyaarado dhawr ah oo baaritaanno kaa la mid ah lagu sameeyey waxaa iyaguna lagu arkay calaamadaha dillaaca oo la mid ah kuwilagu arkay diyaaradahi hore oo baaritaanka lagu sameeyey. Balse waxay khubaradu sheegeen inaan diyaaradahan laga helin cilladdi sababta u noqotay iney laba diyaaradood oo uu noocoodu yahay Boing 737 iney burburaan. Shirkadda Boeing waxay sheegtay shirkadaha diyaaradahan isticmaala iney xogaha diyaaradahaasi ku saabsan ay soo gaarsiiyeen balse ay sheegin wax cillad oo ay kala kulmeen inti ay diyaaradahaasi adeegsanayeen. Balse Shirkadda Boeing ma aysan sheegin inta diyaaradood ee ay cilladdaasi ay ka baareyso. Shaqaalaha shirkaddaasi ayaa sidoo kale sida la sheegay sanadkii 2016 isu diray farriimo ku saabsan cillad ay ku arkeen diyaaradda nooca 737 Max oo ahayd noocii labada jeer galaaftay nolasha boqolaal qof. Dukumeentiyo qoraal ah oo shirkaddani Boeing ay ku wareejisay garyaqaannadeeda ayaa muujinayay in mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaaraddaasi uu sheegay in dhibaato aan horey loo sii shaacin uu la kulmay xilli uu tijaabinayay diyaaraddaasi. Waxa uu sheegay in “isaga oo aan is ogayn” uu been ugu sheegay hay’adda ilaalisa badqabka diyaaradaha ee Mareykanka. Cillad dhanka hannaanka badqabka ee diyaaraddaasi ayaa lala xiriirinayaa laba shil oo ay ku dhinteen 348 qof. Shilkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ku burburay diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo nooceedu ahaa 737 Max, waxaana shilkaasi ku dhintay 157 qof. Diyaarad kale oo isla noocaasi ah oo laga leeyahay dalka Induniisiya ayaa iyana bishii Oktoobar ee sanadkii 2018 ku dhacday badda wax yar uun ka dib markii ay ka duushay garoon ku yaal Jakarta. Shilkaasi ayaa waxaa ku dhintay 189 qof oo saarnaa diyaaraddaasi. Maamulka Duulimaadyada ee dalka Mareykanka ayaa macluumaadkani ku saabsan in cillad lagu arkay nooca diyaaraddaani xilligii ay tijaabo ku jirtay ku tilmaamay mid walaaceeda leh, waxa uuna sheegay in uu sharraxaad deg deg ah ka dalban doono shirkaddaasi. Qaran News
  11. Ilhaan Cumar oo la ogaaday inaysan u codeyn sharcigii deyn-cafinta Somalia ee ansixintiisa ay ku faantay Ilhaan Cumar ayaa talaadadii (December 17, 2109) soo saartay war-saxaafadeed deg deg ah, oo ay ugu dabaal-dageyso sharci miisaaniyad oo uu meel mariyey Aqalka Wakiilada Mareykanka oo ay ka tirsan tahay, kaasi oo ay ku jirtay deyn cafinta Soomaaliya. “Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xaqiijinay deyn cafinta Soomaaliya. Soomaaliya waxaa dul-saaran deyn dhulka la gashay, taasi oo dib u dhigaty dhaqaalihii islamarkaana malaayiin Soomaali ah ka dhigtay sabool.” Ayey ku tiri Ilhaan Cumar qoraalka ay soo saratay. Hase yeeshee, Ilhaan Cumar ma aysan shaacin xaqiiqda ah inay ka codeysay sharcigaas, ay ku jirtay deyn-cafinta Soomaaliya. Sharciga ayaa lagu meel-mariyey aqlabiyad ah 280-138. Ilhaan Cumar waxay ka mid ahayd 75 wakiil oo dimqoraadi ah oo codka diidmada siiyey sharcigaas. Ilhaan ayaa goor dambe soo saartay war-saxaafadeed labaad oo ay ku sheegtay faa’iidooyinka uu sharcigaas leeyahay, sida deyn-cafinta Soomaaliya, ay ka badan yihiin faa’iido darrida, sidaas darteedna ay diiday. “Kuma qanci karno inaan horumar kaliya sameyno, haddii aan ku guul-darreysaneyno waajibaadkii aas-aasiga ahaa ee naloo doortay” ayey tiri Ilhaan. Haddii Ilhaan ay u diiday sharciga inay ku jiraan waxyaabo kale oo aysan jecleysan, waxaa dad badan is-weydiiyeen maxay ugu faantay una sheegatay inay ansixiyeen sharci muhiim u ah Soomaaliya. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, ay xafiis gurigeeda ku yaalla ku shaqeyso 3-dii sano ee la soo dhaafay, kaas oo u dhaw Villa Somalia. Wasiir Khadiija ayaa marna xaadirin xafiiska wasaaradda oo ku yaalla agagaarka taalada Daljirka Daahsoon, waxayna ka door biday ku shaqeenta gurigeeda oo ku yaalla ka soo horjeedka dhismaha Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, sidoo kalane kaabiga ku haayo taliska Booliska Soomaaliya. Xubno ka tirsan Wasaaradda Dhalinyarada ayaa sheegay in uu aad u bur bursan yahay dhismihii wasaaradda islamarkaana ay ka muuqato nadaafad darro iyo dayac maadaama aysan ka socon shaqo weyn. Dhismaha wasaaradda ayaa waxaa bur bur aan badneyn uu ka soo gaaray qarax ka dhacay meel u dhaw Taalada Daljirka, kaas oo ay ka soo wareegatay muddo aad u fog. Qalab xafiiseed, qalabka shaqada sida tiimbaraha saxiixa iyo agabyo kale oo muhiim u ah shaqada ayaa yaalla gurigeeda, waxaana u jooga dhalinyarada kuwaas oo u dirsato meelaha aan muhiimka aheyn. Dhawaan ayaa wasiirka ku xigeenka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha waxa uu sheegay in wasaaradda ay curyaamisay wasiirka Khadiijo Maxamed Diiriye oo xukuumadda ka tirsan 3-dii sano ee la soo dhaafay. Axmed Cumar Islow waxa kale oo uu sheegay in wasaaradda noqotay mid fadhiid ah, oo saddex sano aan waxba qaban, isaga oo sheegay in wasiirka ay hor-istaagtay dadkii wax qaban lahaa.
  13. Shacabka ku nool degmooyinka Hodon, Kaaraan iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dhibaato dil, dhac iyo cabsigelin isugu jirta ay kala kulmayaan tuugo ku hubeysan hubka fudud, sida qoryaha AK47, bastoolado iyo hubka cad, sida tooreyda ama abley. Degmada Hodon koox hubeysan ayaa xalay ku dilay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Faarax Xiirey. Kooxda hubeysan ayaa Cabdullaahi ku dhex dishay gaari uu watay. Sidaas oo kale, waxaa degmadan ka taagan tuugo abaabulan oo dadka shacabka dhibaato ku haya laga billaabo salaadda maqrib illaa fiidka hore ee 10:00 pm. Degmada Hodon waxaa dhibaatadan la qaba degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid oo illaa hadda dadweyne ku nool ay sheegayaan in rag qoriga AK47 sita oo la soo hugtay dhar ay isku qarinayaan ay dadweynaha ku dhacayaan jidadka laga billaabo 5:00pm illaa10:00pm. Degmada Kaaraan, xaafadaha qaarkood maalinta cad ayaa tuugadu waxa ay dadweynaha uga qaadataa taleefanada gacanta iyo wixii kale ee qalab ah oo ay wataan, iyada oo ay jiraan dhowr qof oo dil iyo dhaawac ay gaarsiiyeen tuugadan oo ku hubaysan hub uu ka mid yahay qoriga AK47 iyo bastoolado. Shacabka halkaas ku nool ayaa sheegay in cadaadiskii saarnaa tuugada iyo dableyda dhaca geysata uu yaraaday saddexdii bil ee ugu dambeysay, sidaas awgeedna ay hadda bannaanka u soo baxeen iyaga oo halkii ay Mooto Bajaajka wax ku dhici jireen ay hadda iyaga oo laba-laba u socda jidadka ku dhacayaan dadweynaha. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa markii xilka loo magacaabay waxa uu sheegay in uu muhiimad gaar ahaaneed siinayo nabadgelyada, hase yeeshee weli maamulka gobolka Banaadir kuma guuleysan xal u helidda iyo kahortegidda dhibaatada gaarta dadweynaha ku nool caasimadda. Isha: Mustaqbal Radio
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan shirkado iyo shaqaale badan oo ajnabi ah kuwaasi oo howlo kala duwan ka haya halkaasi. Waxaa muddo badan shaki ku jiray tirada Shaqaalaha anaajibta ah ee ka howlgala gala gudaha xarunta Xalane iyo qaabka ay u shaqeeyaan, waxaana arrintaan ka jawaabay Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Gaarka ah iyo Ajaanibta ee Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Cabdirisaaq Macallin Cilmi. Agaasime Cabdirisaaq ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya la socoto shaqaalaha ku sugan Xerada Xalane iyo guud ahaan Magaalada Muqdisho. Agaasimaha ayaa sheegay inay Magaalada Muqdisho shaqo ahaan u joogaan ajaanib badan oo tiradooda gaarayo ilaa 4670 Shakhsi oo u shaqeeyo shirkadaha iyo hey’ado kala duwan. Agaasimaha ayaa sheegay inay baaritaan ku sameeyeen shaqada ka socoto Xalane iyo Shaqaalaha ku sugan isla markaasna ay ogaadeen waxyaabaha aysan horey uga war qabin, isagoo tilmaamay inay u gudbiyeen natiijada baaritaanka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyadoo dhawaan la filayo in lasoo saaro go’aamo. Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay waxyaabo badan oo ku saabsan shaqaalaha ajaanibta ah ee ku sugan Xalane oo uu qaarkood sheegay inay si sharci ah ah uga shaqeeyaan Xeradaas. Halkaan hoose ka dhageyso wareysi uu siiyey VOA https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/4b7b5a41-f31f-49c6-97c3-6754e1784c68_48k.mp3
  15. Istanbul (Caasimada Online) ― Dowladda Turkiga ayaa walaac badan ka muujisay qaxootiga badan ee ku soo qul-qulaya dalkeeda, kaasi oo gaaray tiradii ugu badneyd ee dhanka qaxootiga caalamka. Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa si cad u sheegay in uusan dalkiisu awoodin in uu aqbalo qaxooti cusub, midaasi oo uu ku sababeeyay tirada xad-dhaafka ah ee qaxootiga dalkaasi hore ugu sugnaa. Madaxweyne Erdogan oo maalintii Axadii ka qeyb galay munaasibad lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa waxa uu sheegay in xuduudka dalkiisa ay ku sugan yihiin in ka badan Sideetan kun (80,000) oo qaxooti ah. Erdogan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay qaxootigaasi ka soo qaxeen dhanka Idlib ee dalka Suuriya, isagoona xusay haddii aan la joojin weerarada lagu hayo Idlib ay kor u sii kacayaan dadka ka soo barakacaya. “Haddii aanan la joojinin weerarada lagu hayo dadka Idlib, tirada dadkan kor ayey u sii kacaysaa, Turkigana ma xamili karo culayska intaas dhan” ayuu yiri Madaxweynaha Turkigu, Recep Tayyip Erdogan. Dowladda Turkiga ayaa hore waxay u marti-gelisay qaxooti Suuriyan ah oo gaadhaya 3.5-milyan, midaasi oo Turkiga ka dhigeysa inuu marti-geliyay tiradii ugu badneyd ee qaxootiga caalamka.
  16. Prime Minister Abiy Ahmed picked up his Nobel Peace Prize in Stockholm earlier this month, then returned home to Ethiopia to face challenges beyond sustaining peace with Eritrea. In November, Abiy proposed merging the four-party Ethiopian.... Source: Hiiraan Online
  17. Seven players from the Eritrean football team have gone missing after playing in the East African regional championship in Uganda. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar___Qubanaha-23122019-sax.mp3 View the full article
  19. Magaalada Baardheere waxaa maanta gaaray Gudoomiye Xigeenkii Cusbaa ee dhowaan ay Jubbaland u Magacawday Gobolka Gedo, Imaatinka Gudoomiyaha waxaa ka dhashay Buuq uu dhaliyey Gudoomiyihii [...] Source
  20. Muqdisho (caasimada Online) – Tirakoobka Shaqaalaha dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, kaddib muddo toddobaadyo ah oo uu socday, sida ay sheegtay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha. Waxaa lagu gaaray tirakoobka in la sameeyo xog iyo kaydka dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda,waxaana tirakoobka wadday guddi uu horey u magacaabay wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada , Mudane Sadiiq Warfaa – guddiga oo ka kooban wasaaradda Shaqada iyo guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka. “Tirakoobka, wuxuu suragal ka dhigaya in la helo xog iyo kaydka dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday maalintii u dambeysay ee tirakoobka, waxaana halkaa warbixin ku siiyay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Ra’iisul wasaare , Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay howsha qaran ee ay qabteen guddiga gacanta ku hayay tirakoobka shaqaalaha dowladda, arrintaa oo uu ku sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha lagu horumarinayo shaqaalaha hay’adaha dowladda. Muddada uu socday waxaa mid mid loo tirakoobay dhammaan shaqaalaha wasaaradaha dowladda iyo hay’adaha kale ee dowladda.
  21. Baardheere (Caasimada Online) – Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa caawa ka taagan xiisad dhanka maamulka degmada ah oo u dhaxeysa xubno kala taabacsan maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka. Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib markii uu maanta Baardheere gaaray nin madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland uu dhawaan u magacaabay guddoomiye ku xigeenka degmadaas iyo xubno kale oo ka baxay magaalada Kismaayo. Guddoomiye ku xigeenka ay degmadaas u magacaawday Jubbaland ayaa waxaa la sheegay in uu maanta xarunta degmada ku soo dhaweeyey Sheekh Maxamed Xuseen isxaaq Alqaadi oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo. Galinkii danbe ee maanta ayaa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Militeriga Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere waxay hawada ka saareen is gaarsiinta degmadaas, waxayna magaalada ka bilaabeen howlgallo ay doonayeen inay ku soo qabtaan xubnihii ka socday Jubbaland ee maanta tegay degmadaas. Wali ma jirto cid lagu soo qabtay howlgalkaas oo la shaaciyey, balse amarkaas soo qabashada ayaa waxaa bixiyey dowladda federaalka, sida uu sheegay Cabdullaahi Nuur Xasan oo ah guddoomiyihii degmada Baardheere ee xilka uu ka qaaday maamulka Jubbaland oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho. Cabdullahi waxa uu sheegay in dowladdu ay amartay ciidanka jooga Baardheere in lasoo qabto guddomiye ku xigeenka gobolka Al-Qaadi oo ah ninka xiisadda abuuray iyo xubnihii uu magaalada ku soo dhaweeyey ee ka socday Jubbaland, kuwaas oo uu sheegay inay haatan isku aruursadeen guri uu Al-Qaadi ka deganyahay Baardheere. Cabdullaahi Nuur Xasan ayaa ka mid ahaa guddoomiyaashii degmooyinka gobolka Gedo ee hoos tagi jiray Jubbaland, balse markii danbe la saftay dowladda federaalka, sidaasna Jubbaland ay xilalkii uga qaaday. Guddoomiyaasha degmooyinka kala ah Baardheere, Baled-Xaawo, Luuq iyo Dolow oo Jubbaland ay ka qaaday xilalkii, ayaa iyagoo ku sugan Muqdisho waxay ku adkeysanayaan inay iyagu yihiin guddoomiyaasha sharciga ah ee degmooyinkaas. Xubnahaan oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay u joogaan la tashiyo kala dhexeeya hoggaanka sare ee dowladda federaalka, iyagoo si cad u sheegay inay toos u hoos tagi doonaan dowladda dhexe ilaa inta laga soo dhisayo maamulka aan kan Axmed Madoobe aheyn.
  22. Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa Galabta soo booqday kumayaal Ayaa oo dhinaca Gobolada Dhexe ka yimid. Ayaxaan ayaa wuxuu ku duulayay Xawaare aad u [...] Source
  23. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobey, oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee dhowaan lasoo magacaabay Mr Adam Abdelmoula. Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta Xafiiska Qaramada ee Puntland, waxaa looga hadlay mashaariicda ay Qaramada Midoobey ka fuliso Puntland oo ay ugu horeyso arrimaha bani’aadantinimada. Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula oo sidoo kale xafiiskaasi u qaabilsan arrimaha bani’aadantinimada, wuxuu sheegay in Puntland ay ugu danbeysay 2002-dii, haddana uu arko in Puntland ay sameysay isbedel weyn, dhinacyada dhismaha, hormurka, maamulka iyo bilicda, wuxuu sheegay in isbedelka Puntland sameysay uu tusaale wanaagsan u yahay Soomaaliya inteeda kale. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqada Qaramada Midoobey ka hayso Puntland, wuxuuna usoo jeediyey in waxqabadka bani’aadanimo lagu saleeyo baahiyaha ka jira deegaanada iyo xaaladdaha bani’aadanimo ee la darsay. Arrimaha Dimuqraadiyada Puntland ayaa kulanka looga hadlay, wuxuu Madaxweyne Deni la wadaagay Xafiiska Qaramada Midoobey in ay ka go’antahay Dowladda Puntland hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, dhowaana Dowladdu daah-furtay qorshaha shaqo ee Guddiga Doorashooyinka Ku meel gaarka ah ee Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo qaabilay Wefdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.