-
Content Count
214,051 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dab xalay ka kacay xarumo ganacsiga oo ku yaallay magaalada Jowhar ayaa sababay khasaare hantiyeed oo aad u badan. Wararka ayaa waxay sheegayaan in dabkan uu ka kacay dhisme weyn oo ku yaalla Jowhar, wuxuuna ka koobnaa dhismahan qeyb deegaan ah, bakhaaro iyo xarumo ganacsi kale. Dadka deegaanka oo halkaasi isugu soo baxay ayaa ku guuleystay iney soo badbaadiyaan qoys halkaas deganaa, balase waxaa wada gubtay wax walbo hanti ay lahaayeen. Dabkan oo aan illaa iyo hadda si rasmi ah aan loo ogayn sababta keentay ayaa waxaa ku gubtay dhammaan hantidii tiil goobahaas ganacsi oo isugu jirtey baqaarro lagu iibiyo qalabka dhismaha,farmashiyaal jumlo iyo tafaariiq ah,dukaan lagu iibiyo dahabka iyo dukaan lagu iibiyo bagaashka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qoraal ka soo baxay bangiga dhexe ee Soomalaiya oo la soo gaarsiiyey Goobjoog News ayaa lagu amray bangiyada ganacsiga dalka iney xiraan dhammaan xisaabaadka ka ganacsiga lacagaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah ee (Forex Trading). Isla qoraalka waxaa ku jira in bangiyada ay sheegaan dhammaan xisaabaadka furan iyo lacagaha ku jira. Saraakiil ka tirsan bangiga dhexe oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in go’aankan lagu gaaray fadhi ay yeesheen madaxda sare ee bangiga dhexe. Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha degmada Baardheere ee gobolkaasi, taas oo u dhexeysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland. Xiisadaani cusub ayaa salka ku heyso arrimo la xariira maamulka magaalada Baardheere, kadib markii uu halkaasi gaaray, Ismaaciil Sheekh Cabdi Qodax oo uu dhowaan guddoomiyaha degmadaasi u mgacaabay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Wararka ayaa sheegaya in guddoomiye Qodax uu taageero xoogan ka heysto guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Gedo, Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi, kaas oo weli la safan maamulka Jubbaland oo ay si weyn isku hayaan dowladda dhexe. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladdu ay amartay in la soo xiro guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee gobolka Gedo Al-Qaadi, kaas oo haatan ay baadi goobayaan ciidamada dowladda, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonayahay. Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona degmada Baardheere ay ku wada sugan yihiin ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo ciidanka maamulka Jubbaland. Dowladda federaalka ayaa horay u xirtay wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo loo heysto dambiyo culus, kaas oo weli ku xiran gudaha magaalada Muqdisho. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa sii xoogeysanayey loolanka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland ee ka socda gobolka Gedo, kadib markii mas’uuliyiinta degmooyinka Beled-Xaawo, Luuq iyo Duulow ay taageereen dowladda Soomaaliya. Arrintaan ayaa sidoo kale sii xoojisay khilaafka labada dhinac ee ka dhashay doorashadii dib loogu doortay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee dhowaan ka dhacday gudahga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
-
Adna Aadan Ismaaciil oo ah guddoomiyaha guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada DFS ayaa shuruud ku xirtay in dib loo furo wadahadalladan oo muddo hakad ku jiray. Waxa ay sheegtay Adna in dowladda hadda jirta ay iska indho-tireyso heshiisyadii hore, balse marka hore loo baahan yahay in lagu dhowaaqo jiritaanka heshiisyadaasi. Guddoomiye Adna ayaa tilmaantay in wadahadalladan waxyaabaha kale ee ay ku furmi karaan tahay in Hargeysa la keeno maamulka Hawada si waafaqsan heshiisyadii horey loo gaaray. “Wadahadalladii diyaar baa loo yahay, hala is habeeyo, qodobadii hore ee lagu heshiiyey hala soo bandhigo oo halagu dhowaaqo iney sidoodii u jiraan oo aroorti aan kusoo tooso garoonkii Hargeysa in lagu soo celiyo awooddii maamulka diyaaradaha oo horey u saxiixeen Laba madaxweyne hore oo Soomaaliya iyo madaxweyne Somaliland ah” ayeey tiri Adna. Dhanka kale, adna Aadan oo hadalka sii wadata ayaa sheegtay in Somaliland aanay marnaba la fariisan doonin shaqsiyaad ay sheegtay in lagu tuhmayo xasuuq ama dhibaatooyin u geystay shacabka Somaliland. “Dadka wadahadlaya waa iney ahaadaan dad matalaya Labada umadood oo aanay noqon dad godob ama xasuuq lagu haysto oo burbur iyo dhibaato ka qeybgalay in hadana la yiraahdo wadahadal baa lala galayaa caqliga ma galeyso” Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in dib loo furo wadahadalladii Somaliland oo hakad ku jiray Saddexdii sano ee ugu dambeysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddi u xilsaarnaa Tirakoobka Shaqaalaha dowladda FS ayaa soo gabagabeeyay howlo la xiriiray sameynta xogo iyo kayd dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda. kaddib muddo toddobaadyo ah oo ay socdeen barnaamij loogu talagalay tirakoobkaasi, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo booqday gabagabadii howsha tirakoobka, waxaa warbixin buuxda oo ku saabsan qaabkii loo maamulay iyo sida habsamida leh ee uu u dhamaaday tirakoobkaasi halkaasi ku siiyay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Ra’iisul wasaare , Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay howsha qaran ee ay qabteen guddigaasi tirakoobka shaqaalaha dowladda,wuxuuna tallaabadaasi ku tilmaamayin ay qeyb ka tahay qorshaha lagu horumarinayo shaqaalaha hay’adaha dowladda. Tirakoobka, wuxuu suragal ka dhigaya in la helo xog iyo kayd dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay qabatay koontiinr daawo dhacday ah oo la soo gelinayay dalka. Guddoomiyaha haayada dhawrista tayada Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa sheegay inay istaageen dawooyinkii ka iman jiray Muqdisho ee Somaliland ka soo gali jiray dhanka madaarka, kadib markii ay xukuumadu ku bilowday baadhis adag. Waxa uu gudoomiyahu sheegay inay qabteen koonteendhar daawo dhacday oo madaarka laga soo galinayay dalka, sida oo kalena ay dabagal joogto ah ku hayaan warshadaha dalka iyo alaabtooda sidii ay u noqon lahayd mid tayo leh, waxaanu sidan ka sheegay kulan ay ugu yeedheen gudida joogtada ee golaha guurtida“ Waxa jiri jirtay dawooyin badan oo Muqdisho ka iman jiray iyaga oo guraan gur ah ama aan wax dhukumenti ah aan wadan 90% dawooyinkaasi waa ay istaageen waliba madaarka ayay ka soo gali jireen, waxa kale oo aan awooda saarnay ilaalinta tayada alaabta dalka lagu sameeyo, waxaanu samaynaa baadhis aan ku samayno warshadaha iyaga oo si joogto ah oo qoshaysan oo aanay warshaduu ka war hayn imaatinkayaga,markaanu tagayno warshadaana waxaanu leenahay heer lagu baadho waxyaabaha aanu eegno wax ka mid ah shaqaalaha,nadaafada meesha tayada alaabta ay isticmaalayaan.” Waxa uu sheegay guddoomiyaha haayada tayadu inay qabteen koontiindhar daawo ah oo dhacay “Waxa markii ugu horaysay dalka soo galay koontiinar dhan oo dawooyin dhacay ah oo aanu madaarka ku qabanay oo nin ajaanib ah lahaa oo aanu isagna ka qaadnay talaabo ku haboon oo sharcigu uu noo ogolaanayo.” Source
-
Deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug waxaa lagu qabtay munaasabad lagu dhammeystirayey heshiis ay gaareen beello dhowaan ku dagaallamay Bariga gobolkaasi. Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal C/casiis C/laahi Qooje ayaa goob joog ka ahaa kulankan, waxaana sidoo kale halkaa ku sugnaa xubno ka socday wasaaradda arrimaha gudaha DFS, waxgarad iyo siyaasiyiin. Beelahan ayaa gaaray heshiis ka kooban Todoba qodob, waxaana ay kala yihiin: 1: in la fuliyo qodobadii ay ku heshiiyeen labada dhinac 18/12/2019,kadib kulankii ka dhacay deegaanka Af-barwaaqo. 2: Waxaa la doortay Shir guddoon kulamo lagu dhameystiraayo xalinta dagaalkaas,waxaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia laga codsaday in Mudda 4-ta bari ah ee uu shirku socdo ay dardar geliyaan Nabadeynta iyo dhab- u-heshiinta Beelaha Walaalaha ah. 3: In wada-hadallada labada Beelood ay sii socdaan inta xal rasmi ah laga gaarayo. 4: in wadda hadal lagu dhameeyo, xal waarana laga gaaro wixii dhib ah oo aan laga samri karin, laguna lafa guro Shirarka soo socda 5: In Guddiyada la Magacaabey ee labada Beelood ay Cidiamada xoogga dalka gacan weyn ka siiyaan una fududeeyaan fulinta heshiisyadii la wada gaarey. 6: in qofkii u hoggaansami waaya fulinta heshiisyadii la wada gaarey ay Ciidamada xoogga dalka ka qaadaan tallaabo Sharci ah. 7: Ugu dambeyn in GogolNabadeed la dhigo Magaalada Gaalkacyo 5/2/2020, sial markaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay fududeyso Shirkaas. Hoos Ka Akhriso Magacyda Odayaasha labada Beelood ee ah Guddiga isku dhafka ah ee ku howlan xalinta dagaal beeleedkaas. (MAGACYADDA ODAYAASHA AFBARWAAQO) 1. Nabadoon Maxamed maxamuud Guleed 2. axmed Maxamed Cilmi dirir 3. Siciid Xaashi Diini 4. Khaliif Nuur Cawil 5. Sahal cali faarax 6. Salaxeey Cabdulaahi Gulleed 7. Maxamed Diriye Nuur (MAGACYADDA ODAYAASHA TOWFIIQ) 1.Xasan Cabdi Nuur 2. Siciid Salaad shire 3. axmed Cali Warsame 4. Mire Cali Warsame 5. Cabdulaahi Maxamed Nuur 6. Siciid Jaamac Maxamud 7. Xaashi Yaasiin Cali Kulan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay gudaha u soo galeen deegaano dhaca xadka Soomaaliya. Ciidamadaan oo aan qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka magaalada Jigjiga, islamarkaana ay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay gudaha u galeen deegaanadii ay dhowaan ku dagaalameen ciidanka Liyuu Boolis iyo maleeshiyaad deegaanka ah. Sidoo kale waxaa deegaanadaasi ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo labada dhinac u kala wareejiyey maxaabistii lagu kala qabsaday dagaalladii uu dambeeyey. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in ciidanka Itoobiya ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen xadka labada dal, gaar ahaan G/ Galgaduud. Lama oga sida uu xaalku noqon doono, balse dhaq dhaqaaqyadaani cusub ayaa saameyn ku yeeshay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.
-
(SLT-Hargeysa)-Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, oo ka mid ah Cuqaasha iyo Madaxda dhaqanka Somaliland ee qaybta ka ah heshiiska labada Beelood ee Ceel-afweyn, ayaa labada Beelood ee wada dega Deegaankaas, ugu baaqay inay ilaaliyaan heshiiska, kana dheeradan wax kasta oo ku keenaya colaad dambe, oo dhex marta. Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika isagoo ku sugan Ceel-afweyn ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay“Boqolkiiba boqol meel fiican ayey hadda wax marayaan, ALLE ayaana nas inoo soo rogay, rajo weyna ayaan ka qabaa in aanay colaad dambe ka soo noqon doonin Ceel-afweyn, heshiis dhamaystiran oo la isku af gartay wuu dhacay, qodobo lagu wada kalsoon yahayna waa la soo saaray, waxaan se labada Beelood leeyahay dantiinu waxay ku jirtaa idinkoo ilaaliya walaaltinimadiina, wada dhalashiidana iyo wada jirkiina,maxaa yeelay idinka ayaa isku deegaan ah, idinka ayaa isku ood ah, oo is huran, cid iska kiin xigtaana ma jirto, ee labada beelood ee Ceel-afweyn waxaan leeyahay heshiiskaas aad wada qaadateen waligiin ilaaliya, oo fidno dambe iyo colaad dambe yaanay dhicin insha allaaha, waxaana aad iyo aad ugu mahadnaqayaa ALLE saxanaad iyo khayr ha siiye cid kasta oo ka qayb qaatay heshiiska labadan Beelood ee walaalaha ah”. Wuxuu caaqilku hadalka ku soo gunaanaday “If iyo akhiraba naxariista ALLE weynu u baahan nahay, ee ALLE mar kasta waxaynu ka baryeynaa naxariistiisa iyo khayrkiisa inuu ina siiyo, Suldaanka iyo dadkeena xanuunsanayaba waxaan ugu ducaynayaa inuu ALLE caafimaad siiyo, xanuunkana ka dulqaado” Source
-
Indha ku garaad laha iyo dhaayo ku garaadlaha Somaliland waxay ka simanyihiin aragtidan caadiga ah ee filaysa in aqoonsigu ka imaan doona dalalka debedda oo aan dareen u lahayn xaqiiqada ah in goolka aqoonsiga laga dhalin karo dalka gudihiisa, haddii garasho, qorshe iyo dedaalkeeda mintitnimo ah la helo . Awoodaha ugu waxtarka badani waxay ku jiraan horuumar laga gaadho siyaasadda arrimaha gudaha. Taas oo fure u ah ku qanaca ay ku qancaan dalal shisheeye ee taageera dimoqoraadiyada Somaliland oo aan hubo in ay u heellan yihiin in ay arkaan maamulka dalka Somaliland ka jiraa oo gaadha heer waar-karyaa (Sustainable level), kana gudbi karaya caqabadaha adag ee hor-taagan iyo kuwaa la fili-karo intaba. Adduunweynhu, Gaar ahaan kuwa dimoqoraadiyada taageera waxay ugu horrayn wax kasta uga qiyaas qaataan aragtida dalka lagu hoggaaminayo. Aragtidaaasina waa in ay tahay mid ku salaysan qorshe cilmiyeed dalku leeyahaay oo ku dhisan qawmiyada ama waddaniyada ee aan ku dhisnayn aragti qabiil ama mid kooxaysan oo damaanad qaadaysa xuquuda kofka, karaamadiisa iyo noloshiisaba iyo sinaanta bulshadu u simantahy Hanti-qaybsiga iyo Aoodbsigaba, arrimahaas oo dhan oo la oggyahay in ay yihiin kuwa gaadhistoodu waqti dheer u baahan tahay, laakiin baahidu maanta waa in wdadii dhabta ahayd lagu hubsada in cagta la saaray. ISKU-DHEELITIRKA ARAGTIDA IYO QORSHAHA: Qorshuhu waa in uu leeyaha laba qaybood oo is-dhamaystraya, mid ku wajahan siyaasada arrimaha gudaha iyo mid ku wajahan siyaasadda arrimaha debedda. Haddii aynu soo qaadanu qorshaha siyaasadda arrimaha dibedda waxaa loo baahan yahay, ka sokoow, aragti stiraatiijideeda ee waqtiga dheera ku salaysan oo leh mid dhexe iyo mid waqtiga gaaban ah. Waxaana in qorshaha waqtiga dheeri si cad u kala qeexaya arrinka kala mudnaanshaha dalalka iyo dawladaha dunida asaga oo kala xaddidaynaya oo kala caddaynaya wax dalkasta laga rabo, kaas oo ku salaysan marba heerka xidhiidka diblomasiyadeed marayo. Masalan, Dalalka adduunku kuwo badan oo ka mid ah, gaar ahaan kuwa dimoqoraadiga taageera ayaa Somaliland la leedahay aqoonsi aan rasmi ahayn (De-Facto recognition) oo maanta Somaliland dunida kula dhaqanto. (Halkan waaxaan ka xumahay in aanan halkan ku soo ban-dhigi karayn waxayaabaha shaqo ahaan xidhiika dibeddu ka qaban karo baahida aan weli la daboolin, maxaayeelay waa arrimo ay tahay in aanay debedda nooga bixin). Waase muhiim ah in la fahamo Xidhiidhka derejada aqoonsiga loo yaqaano aqoonsiga aan rasmiga ahayn (DE-Facto Recognition) waxtarkiisa iyo sida ay tahay in loo qiimeeyo. Hase ahaatee, qorshaha aragtida ku salaysani waxuu xoogga saaraa arrinta kala mudnaanta (priorities) oo ah arrin aad u muhiim ah, Msalan dalkasta oo dalalka ama ururrada caalamiga ah, ama ku heer goblba waxaa muhiim ahi waa aqoonsiga heerka DE-Facto, oo oggol in loola macaamilo sidii dawlad madaxbanaan. Hase ahaatee, halkan waxaa loo baahan yahay in la oggyahay macnaha uu leeyahay aqoonsiga heerka (De-Facto). Dawladda oggol macaamilka heerka noocaas ahi waxay ka dhigantahay aqoonsi buuxa oo aan rasmi ahayn. Bal hadda aan soo xiganu sharciga caalamigu waxa uu ka qabo arrinta. ‘’De-Facto Recognition also entails a willingness to carry on official relations, without necessarily saying anything about particular form those relations take’’ Discussion in the US Congress on Palestine-Israel Issue. haddaba, waxa aanay dadka Somaliland iyo guud ahaanba Somalida, inta badani, weli garr-waaqsan macnaha taariikheed ee shirkii London 2012 ee laga soo saaray go’aankii caanka ahaa ee Somalida oo dhan u danta ahaa. Maxaa yeelay waxu jeexay jidkii Somalidu ku Hessian kari lahayd oo runtii loo arakay wada hadalada labada dhinac oo waxa uu ku dhammanayana u sii gogol xaadhay, oo ah laba midkood; Madax-banaani Somaliland ama Confederation laba dal oo dimoqoraadi ah oo si siman oo xor ah ugu midaysan qaabkan Confederation, kuwaas oo meel fog iska dhigay caqiidada siyaasadeed ee Somali—Irredentism kuna beddesha Somaliyo Dimoqoraadi ah oo is-nabad geliya dadka kalena nabadgelisa. Haddaba, ayada oo laga duulaya isbeddelka qotada dheer leh ee adduunweynaha ka socda iyo saamaynta uu Geeskan Africa ku yeeshay waxay duruuftu khabaysaa in sida ugu fiican uguna dheg degga badan dalku uga faaiideysto xidhiidhkan ah De-Facto ee dunidu siisay Somaliland oo siinaya fursad in dalkan laga badbaadiyo duufaanada isbeddelka iyo khatarahahiisa halista ah ee soo foole. Waxaana looga badbaadi karyaa waa in xoogga la saaro laba arrinmood; midda hore waa dibu-heshiinta iyo midaynta dalkan kala qaybsan, iyo midda kale oo ah in laga hawlgal sidii loo soo xasilin lahaa dawlad wayn oo golaha amaanka ku jirta duufaanada soo socda la isaga gudbo. Masalan, haddii Taiwan khatari debedeed kaga timaado waxy haystaa dal weyn oo diyaar u ah difaacoodo, xidhiidhka De-Facto oo ay la leedahay USA ayaa u damaanad ah. adamjibril47@gamail. Lasoco Runt Ma Fanta Source
-
Guddi u xilsaaran Tirakoobka Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay soo geba-gabeeyeen hawlo la xiriiray sameynta xogo iyo kayd dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay muddo toddobaadyo ah soo wadeen, barnaamij loogu talagalay Nidaaminta iyo Tirakoobka Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Cali Khayre oo booqday gabagabadii hawsha tirakoobka, ayaa wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ka dhegaystay warbixin ku saabsan qaabkii loo maamulay iyo sida uu ku dhamaaday tirakoobkaasi. Ra’iisul wasaare , Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay hawsha ay qabteen guddigaasi tirakoobka shaqaalaha dowladda, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka tahay qorshaha lagu horumarinayo shaqaalaha hay’adaha dowladda. PUNTLAND POST The post Tirakoobka Shaqaalaha dowladda Federaalka oo la soo geba-gabeeyay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo Somaliland u qaabilsan dhanka wadahadalka Soomaaliya oo la hadleysay warbaahinta ayaa eedeymo culus u jeedisay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Adna ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu burburiyey dhammaan qodobadii lagu heshiiyey ee ay horay u saxiixeen Madaxweynayaashii isaga ka horreeyey, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay inuu Farmaajo doonayo in hadda dib loo bilaabo wadahadallo cusub, taasina aysan u qalmin Somaliland. “In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, ummaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in Madaxweyne Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo Muqdisho.” ayey tiri Marwo Adna Aadan Ismaaciil. Ugu dambeyn waxa ay Adna Aadan Ismaaciil shaacisay in wahadallada ay muhiim u yihiin labada dhinac iyo shacabka, balse waxay shuruud ku xirtay in dadka ku matalaya wadahadallada dowladda federaalka aysan noqon kuwo dambiyo kag galay Somaliland. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan guddiga u qaabilsan wadahadllada Somaliland uu shaaciyey inay u diyaar garoobeen sii amba qaadida wadahadallada labada dhinac. Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa afartii sano ee la soo dhaafay hakad ku jiray, iyadoona hadda la qorsheynayo in markale dib loo sii amba qaado. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Cod-Adna-Ismaaciil.mp3
-
Guddiga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin socod-siinta Wada-hadallada, haddii marka hore dowladda federaalka ay meelmariso Heshiisyadii horay loogu gaaray kulamadii ay labada dhinac yeesheen. Guddoomiyaha Guddiga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya Drs. Adna Aaden ayaa sheegtay, in ay diyaar u yihiin dib u furidda Wada-hadallada, balse ay marka horay doonayaan in dowladda Federaalka, ay fuliso qodobadii lagu heshiiyay kulamadii hore ee qabsoomay. “In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, umaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in madaxweynaha dalka aannu jaarka nahay ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan” ayay tiri Dr Adna. “Waxaa isweydiin leh wadahadalladan imika la rabaa, ma kuwii horaa la ansixinayaa oo waa la sii wadayaa? Haddiise heshiisyadii hore ay noqdaan waxba kama jiraan waa gacma daalis. Waxaa la doonayaa madaxweyne qowl leh, oo wakaalad ka sita ummaddiisa, oo shicibka Soomaaliyeed soo doorteen, oo wixii madaxweyneyaashii hore ku heshiiyeen fulinaya, oo ixtiraamaya, awooddii uu ku fulin lahaana leh” ayay sii raacisay. PUNTLAND POST The post Somaliland oo shuruud ku xirtay wada-hadallada dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Ankara)-Dowladda Turkiga ayaa walaac badan ka muujisay qaxootiga badan ee ku soo qul-qulaya dalkeeda, kaasi oo gaadhay tiradii ugu badneyd ee dhanka qaxootiga caalamka. Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa si cad u sheegay in aanu dalkiisu awoodin in uu aqbalo qaxooti cusub, midaasi oo uu ku sababeeyay tirada xad-dhaafka ah ee qaxootiga dalkaasi hore ugu sugnaa. Madaxweyne Erdogan oo maalintii Axadii ka qeyb galay munaasibad lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa waxa uu sheegay in xuduudka dalkiisa ay ku sugan yihiin in ka badan Sideetan kun (80,000) oo qaxooti ah. Erdogan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay qaxootigaasi ka soo qaxeen dhanka Idlib ee dalka Suuriya, isagoona xusay haddii aan la joojin weerarada lagu hayo Idlib ay kor u sii kacayaan dadka ka soo barakacaya. “Haddii aan la joojinin weerarada lagu hayo dadka Idlib, tirada dadkan kor ayey u sii kacaysaa, Turkigana ma xamili karo culayska intaas dhan” ayuu yidhi Madaxweynaha Turkigu, Recep Tayyip Erdogan. Dowladda Turkiga ayaa hore waxay u marti-gelisay qaxooti Suuriyan ah oo gaadhaya 3.5-milyan, midaasi oo Turkiga ka dhigeysa inuu marti-geliyay tiradii ugu badneyd ee qaxootiga caalamka. Source
-
Sawirro: Mursal oo la kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya , Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qabiley safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turke Mehmet Yilmaz. Kulan gaar ah oo ay qaateen ayaa waxaa diiradda lagu saarey xoojinta xiriirka laba dal, Arrimaha doorashooyinka dalka iyo qodobo kale. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga mahad celiyey dowlada Turkiga kaalmada iyo garab istaaga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya. Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa uga mahad celiyey guddoomiye Mursal soodhaweynta uu u sameeyey,isaga oo sheegay in Dowladda Turkiga ay mar walba garab taagnaan doonto Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa horey waxaa uu kala hadlay Arrimaha doorashada Soomaaliya Xubno badan oo ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Sarreeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi taliyaha qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallada G/Baay. Taliyaha ayaa sheegay in ujeedka howlgallada uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan gobolkaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay inay laba jibaari doonaan dhaq dhaqaaqyadooda, si la’isugu furo waddooyinka go’doonsan ee isku xira magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ee K/Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay ciidamada dowladda, kuwa K/Galbeed oo isku dhinac ah ay ku dagaalameen deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-1-cabdiqani.mp3 View the full article
-
(SLT-Mexico)-Danjirihii Mexico u fadhiyey dalka Argentina ayaa is casilay ka dib markii ay soo baxeen eedo sheegaya in uu wax xadayey, waxaana sidaa muujiyey muuqaal la helay oo tusaya isaga oo buug ka xadaya maktabad buugaagta lagu iibiyo. Recardo Valero oo 77 jir ah ayaa waxa uu is casilaadiisa ku sababeeyey duruufo caafimaad waxaanu wasiirka arimaha dibadda ee Mexico sheegay in danjiraha laga dawaynayo cudur ku dhaca habdhiska dareen wadka. Valero ayaa bishan xukuumadiisu dib ugu yeedhay ka dib markii muuqaal ay duubeen kamaradaha ilaalada maktabad ku taalla magaalada Buenos Aires muujiyey isaga oo ka sii baxaya wax lacag ahna aan bixin. Waxaa se haatan lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu shaadh ka xado dukaan ku yaalla madaarka. Diblomaasigaas ayaa ku soo baxay bogagga hore ee wargeysyada ka dib markii lagu qabtay isaga oo ku jira maktabadda buugaagta iibisa ee El Ateneo Grand Splendid bishii Oktoobar oo buug ka soo qaadaya miiskii uu saarnaa oo intuu wargeys uu sitay ku laabay iska baxay. Buuggaas oo qiimihiisu ahaa 10 doollar ayaa la sheegay inuu ka hadlayey taariikh nololeedkii Giacomo Casanova oo ahaa qoraa, askari iyo basaas Talyaani ahaa oo noolaa qarnigii 18-aad. Wuxu ku baxsaday xasaanadiisa diblomaasinimo oo arintaas laguma dacwayn laakiin waxa u yeedhay wasaaradda arimaha dibadda Mexico markii muuqaalkaasi soo baxay ee dadka wada gaadhay. Valerno ayaa hadana sida la sheegay mar kale isku dayey in uu shaadh ka xado dukaan ku yaalla madaarka Ezeiza International Airport ee magaalada Buenos Aires markuu sugayey diyaaraddii uu Mexico u sii raaci lahaa. Wasaaradda arimaha dibada Mexico ayaa Axaddii ka aqbashay is casilaaddii. “Ricardo Valero waa qof qaali ah waxaana haatan laga daweynayaa cudur ku dhaca habdhiska dareen wadka waxaaxan u rajaynayaa caafimaad degdeg ah” ayuu wasiirka arimaha dibadda, Marcelo Ebrard ku qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka. Warbaahinta maxaliga ah ayaa iyadna sidoo kale ku warantay in hab dhaqanka Valero mudoba ay la socdeen dhakhaatiirtu tan iyo 2013-kii oo laga qalay buro ka soo baxday maskaxda. Source
-
Wasiirka wasaaradda amniga dowlad gobaleedka Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre oo la hadlay warbaahinta ayaa Sheegay in howlgalo ka dhan ah dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa sheegay in dagaalyahannadu ay isku uruursanayeen deegaanno hoos yimaada degmada Cadale, balse ciidanka Xoogga dalka uu ka war haley sidaasna howlgal ka dhan ah loogu qaadey “howlgalka waxa ay ciidamadu kula wareegeen deegaannada Buur baxaar, Faqiyaale iyo Daarusalaam oo dhammaan hoos yimada degmada Cadale ee gobalka Shabeellaha dhexe” ayuu yiri wasiir Maxmed Kheyre. Sidoo kale wasiirka amniga ayaa intaa ku darey in howlgalladaan ay yihiin kuwo dhammaan deegaannada Dowlad gobaleedka looga saarayo Al-Shabaab, isagoo sidoo kale sheegay in ay sameeyeen barnaamijyo shacabka looga wacyi gelinayo Fikirka xagjirka ah. Ugu dambeyn Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa ka hadlay kulamo uu uga soo qeybgalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, kaas oo looga hadlay dagaalka Al-Shabaab. View the full article
-
Guddiga dib u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Guddiga joogtada ee Golaha Wakiilada Hirshabeele, kaasi oo ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe. Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa looga hadlay hannaanka loo marayo dib u eegiska dastuurka. Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga dib u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Kaamil ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa soo bandhigista cutubyo ka tirsan dastuurka oo wax ka badal lagu sameeyay iyo in latashiyo lala yeesho guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Hirshabeelle. Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa soo dhaweeyay wafdiga ka socda Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray inay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dhameystirka Dastuurka dalka. PUNTLAND POST The post Guddiga dib u-eegista Dastuurka oo la kulmay Baarlamanka Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-24122019-sx.mp3 View the full article
-
(SLT-Washington)-Shirkadda sameysa diyaaradaha ee saldhigeedu yahay dalka Mareykanka ee Boeng ayaa shaqada ka eriday madaxa shirkaddaasi, Dennis Muilenburg, si loo badbaadiyo sumcadda shirkaddaasi ka dib markii laba jeer oo ay burburtay nooc ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddaasi sameyso ee 737 Max. In kabadan 340 qof ayaa shilalkaasi ku dhintay, waxaana shilalkaasi ka dhashay shaki ah in ay jirto cillad weyn oo haysata nooca diyaaraddaasi, waxaana shirkaddaasi lagu eedeeyay in ay faa’iidadeeda ganacsi ka doorbidday badqabka dadka isticmaala diyaaradaha ay sameyso. Qoysaska dadkii ku dhintay shilalkaasi ayaa soo dhaweeyay in shaqada laga eryo Muilenberg balse waxa ay durbaba shaki ka muujiyeen ninka lagu baddalay oo muddo dheer isna ka tirsanaan jiray maamulka sare ee shirkaddaasi. Shirkaddaasi Boeing ayaa baadhitaanno iyo cadaadis ba’an la kulmeysay tan iyo markii laba diyaaradood oo ah nooca 737 Max ay burbureen muddo shan bilood gudahood ah, kuwaa oo ku kala burburay waddamada Induniisiya iyo Itoobiya. Source
-
(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar ayaa salaasadii (December 17, 2109) soo saartay war-saxaafadeed deg deg ah, oo ay ugu dabaal-dageyso sharci miisaaniyad oo uu meel mariyey Aqalka Wakiilada Mareykanka oo ay ka tirsan tahay, kaasi oo ay ku jirtay deyn cafinta Soomaaliya. “Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xaqiijinay deyn cafinta Soomaaliya. Soomaaliya waxaa dul-saaran deyn dhulka la gashay, taasi oo dib u dhigatay dhaqaalihii islamarkaana malaayiin Soomaali ah ka dhigtay sabool.” Ayey ku tidhi Ilhaan Cumar qoraalka ay soo saratay. Hase yeeshee, Ilhaan Cumar ayaan shaacin xaqiiqda ah inay ka codeysay sharcigaas, ay ku jirtay deyn-cafinta Soomaaliya. Sharciga ayaa lagu meel-mariyey aqlabiyad ah 280-138. Ilhaan Cumar waxay ka mid ahayd 75 wakiil oo dimqoraadi ah oo codka diidmada siiyey sharcigaas. Ilhaan ayaa goor dambe soo saartay war-saxaafadeed labaad oo ay ku sheegtay faa’iidooyinka uu sharcigaas leeyahay, sida deyn-cafinta Soomaaliya, ay ka badan yihiin faa’iido darrida, sidaas darteedna ay diiday. “Kuma qanci karno inaan horumar kaliya sameyno, haddii aan ku guul-darreysaneyno waajibaadkii aas-aasiga ahaa ee naloo doortay” ayey tidhi Ilhaan. Haddii Ilhaan ay u diiday sharciga inay ku jiraan waxyaabo kale oo ayna jecleysan, waxaa dad badan is-weydiiyeen maxay ugu faantay una sheegatay inay ansixiyeen sharci muhiim u ah Soomaaliya. Source
-
Popular Contributors
