Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baghdad (Caasimada Online) – Ayada oo dhinac loo riixay, saameynteedana ay sii yaraaneyso, ayaa dowladda Mareykanka waxa billowday qorshe ay maamul goboleed uga dhiseyso galbeedka dalka Iraq, kaasi oo kadib noqon doona dal madax-banaan, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan iyo Iraqi ah oo la hadlay wargeyska Middle East Eye. Qorshaha Mareykanka ayaa jawaab u ah dadaallada ay kooxaha Shiicada Iraq ku doonayaan iny ciidamada Mareykanka looga eryo dalkaas. Iraq waxa ay buundo muhiim ah u tahay Iran oo ay ku xirto dalalka Syria iyo Lebanon, oo ay Shiicada ku taageerto. Aas-aasidda maamul Sunni ah, oo Mareykanka uu maamulo oo ku yaalla galbeedka Iraq, waxay jari doonaan waddooyinkii Iran ku xiri lahaa Syria iyo Lebanon, waxayna yareyn doontaa saameynta ay ku leedahay gobolka. Qorshaha Washington ay gobollada Sunniyiinta uga goyneyso Iraq, ayaa markiisii hore soo billowday sanaddii 2007, waxaana soo jeediyey Joe Biden, oo hadda u sharaxan madaxweyne, balse xilligaas ahaa Senator. Waxaa looga dan lahaa in Sunniyiinta Iraq looga bad-baadiyo rabshadaha diinta ku saleysan ee Shiicada, oo dalka kaga tiro badan. Hase yeeshee, diidmada dadka Iraq ee ahayd in diin ahaan loo kala qeybiyo, iyo Mareykanka oo ay ka go’neyd in la ilaaliyo midnimada dalkaas, ayaa meesha ka saaray qorshahaas. Hadda, oo ay xoogeysteen dadaallada ciidamada Mareykanka looga eryayo Iraq, ayaa sameynta dal Sunni ah oo Iraq laga dhex-abuuro, uu yahay mid ka mid xeeladaha Washington ay kaga hortageyso saameynta xooggan ee Iran ay ku leedahay Iraq. Midnimada Iraq “hadda iyo wixii ka dambeeya muhiimad uma lahan Mareykanka” waxaa sidaas yiri sarkaal Shiico ah oo la hadlay Middle East Eye. Sidoo kale sarkaal Mareykan ah, oo xog-ogaal u ah mashruucan, ayaa u sheegay Middle East Eye in Mareykanka ay qorshahan oo markii hore fikir un ahaa, hadda u beddeleen fulin. “Sameynta gobol Sunni ah, waxay mar walba ahayd qorshe Mareykan. Iiraaniyiinta looma ogolaan karo inay gaaraan badda Meditareeniyaanka, kana faa’iideystaan dhulka ku xiraya Xizbullah ee dalka Lebanon,” waxaa sidaas Middle East Eye u sheegay sarkaal Mareykan ah. “Joogitaanka ciidamada Mareykanka waxay ahayd mid amni loogu damaanad qaadayo Sunniyiinta iyo Kurdiyiinta, sidaas darteed haddii Mareykanka lagu qasbo inay ka baxaan Iraq, sameynta gobolka Sunni ah, si loogu caabiyo Iran waa wax meesha ku jira,” ayuu yiri sarkaalka. “Waxaan ka hadleyno waa dal, ee ma ahan kaliya maamul goboleed,” ayuu yiri. Gobolka Sunniga ah ayaa wxaaa marka hore lagu aas-aasi doonaa si waafaqsan dastuurka Iraq oo ogolaanayo maamul hoosaadyo la mid ah midka Kurdistan. Markaas kadib ayaa gobolka waxa uu noqon doonaa mid federal ah oo ku biiraya Kurdistan si KMG ah, sida uu sheegay hogaamiye sare oo Sunni ah. Tallaabada xigta ayaa noqon doonta in gobolka si caalami ah loogu aqoonsado dal ahaan, taasi oo Mareykanka uu hoggaamin doono.
  2. Jowhar (Caasimada Online) – Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudeey ahna la-taliyaha sare ee dhanka warbaahinta maamulka Hirshabelle ayaa su’aalo ka keenay safarrada badan ee uu madaxweyne Farmaajo ku tagay waddanka Erateria caasinaddiisa Asmara. Xasan Cabduqaadir Muudeey ayaa bartiisa facbooka ku daabacay su’aalaha uu kaqabo safarka Asmara uu ku joogo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sidaan ayuuna u qornaa :- Madaxweyne Farmaajow magaalada Asmara goormeey kadhawaatay magaalada Jowhar ? Madaxweyne sidii dalka laguu doortay ma’aadan booqan caasimadda Jowhar oo ugu horreeysay markii lagu doortay hadalkii caan baxay ee ahaa “Ar Farmaajo ii geeya ” waa laguu geyhaa” oo katurjumeysay dareenka shacabka maalintaas. ● Madaxweyne shacabkaagii mudnaa in aad dhax joogto oo aadka kuugu faraxsanaa doorashadii lagu doortay ma ree Asmaraa kamudnaaday utagistooda ? ● Madaxweyne goormaa 90Km oo Muqdisho ujirta Jowhar iyo 20Km oo Balcad kuujirta, kaaga dhawaatay kummanaan Km oo Asmara noo jirta ? ● Madaxweyne dalaggii beeraha udgoonaa iyo wabiyadii jiinka Jowhar goormaa laga door biday asmaradii go’doonsaneyd ? ● Madaxweyne shacabkaagii wabi shabelle adigoon shabaab kasaarin oo gunta uxiran xoreyntoodii Asmaradii xayirneyd safarkeeda maxaa naga anfaca ? ● Madaxweyne Banaabixii Muqdisho kadhacay isbuucyadii tagay waqtigaad u weyday Asmara sideed ugu heshay ? ● Madaxweyne waddada Jowhar nabad maaha yaayiri oo tan Asmaraa ka amaan roon maristeeda ? #Halayga gaarsiiyo madaxweynaha intaan oo su’aalood sida ay jawaabtoodu tahay. Hassan Abdulkhader Mudey
  3. Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Cayn. Diktreeto ka soo baxday Xafiiska ku simaha Madaxweynaha, ayaa Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Cayn lagu magacaabay G/Dhex Jaamac Saxardiid Barre, waxaana Dikreetada lagu sheegay in kadib markii la arkay Aqoonta iyo Waaya-aragnimadiisa Shaqo xilkaasi loo dhiibay. Sidoo kale, Dikreetada ayaa lagu sheegay in ku simaha Madaxweynaha ay xildhibaanno u soo jeediyeen, in uu xilksaasi G/Dhex Jaamac Saxardiid Barre. PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Taliye cusub appeared first on Puntland Post.
  4. Asmara (SMN) – Madaxda dalalka iyo dowladaha Ereteriya, Itoobiya, iyo Soomaaliya ayaa magaalada Asmara ku kulmay 27-ka Jannaayo, 2020. Saddexda hoggaamiye waxa ay yeesheen wadahadallo toos ah oo qotodheer oo ku aaddan xaaladda ka taagan dalalkooda, iskaashiga saddex geesoodka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika. Saddexda hoggaamiye waxa ay mar kale ku celiyeen sida ay uga go’an tahay Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee ay saxiixeen bishii Sebtembar ee sannadkii 2018, waxayna dib u eegeen waxyaabihii ka soo baxay dadaalkooda wadajirka ah ee ku aaddan hirgelintooda. Saddexda hoggaamiye waxa ay meelmariyeen Qorshe Hawleed Wadajir ah oo loogu talagalay sannadka 2020 iyo wixii ka danbeeya kaasi oo xoogga lagu saarayo labada ujeeddo ee isku-dhafan ee adkaynta nabadgelyada, xasiloonida iyo amniga iyo sidoo kale sare u qaadidda horumarka dhaqaale iyo bulsho. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen inay dardargeliyaan dadaalkooda wadajirka ah si kor loogu qaado iskaashi heer gobol oo wax ku ool ah. Dhanka ammaanka, saddexda hoggaamiye waxay isla qaabeeyeen qorshe sal-ballaaran oo lagula dagaallamayo, lagagana takhalusayo halista guud ee ay wada wajahayaan, oo ay ka mid yihiin argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha. Dhanka horumarinta dhaqaale iyo bulsheed, waxay isku waafaqeen in ay mudnaanta siiyaan abaabulidda khayraadka bini-aadam iyo kan dabiiciga ah ee faraha badan; iyaga oo dhisaya, casriyeynaya, iskuna xiraya kaabayaasha dhaqaalaha iyo waaxaha adeegyada iyo waxsoosaarkaba. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga mahadinayaan, diyaarna ugu yihiin la shaqaynta saaxiibbadooda iyo daneeyayaashooda, iyadoo lagu salaynayo is-ixtiraamid iyo kala-faa’idaysi siman. Saddexda hoggaamiye waxay isku raaceen in ay si dhow ula tashadaan walaalahooda iyo Madaxda Dawladaha kale si loo xaqiijiyo yididdiilada dadkoodu u qabaan helidda Iskaashi dhex mara Geeska Afrika oo wax ku ool ah. Waxa laga soo saaray Asmara, Ereteriya, Jannaayo 27, 2020. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Habargidir iyo Mudulood ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Kulankan oo ahaa mid is cafis ah ayaa waxaa gogoshiisa dhigay beesha Habargidir, waxaana ka soo qeyb galay ugaasyada, imaamyada iyo inta badan waxgaradka labada beelood, waxuuna u jeedka gogoshaani ahaa in la iska cafiyo dhibaatooyinkii lasoo maray. Guddoomiyaha golaha hoggaaminta beelaha Habargidir Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay inay gogoshaan u dhigeen sidii ay cafis uga dalban lahaayeen walaalahooda beesha Mudulood, isagoo sheegay inay jiri doonaan fadhiyo kale oo ay cafis uga dalbanayaan beelaha kale ee Soomaaliyeed, isla markaana ay maanta ka bilaabeen beesha Mudulood. Prof. Shirwac ayaa sheegay in arintaan ay tahay bilowga xal u helidda dhibaatada mudada dheer ay ku soo jirtay Soomaaliya, isagoo sheegay inay sidii la iskugu keeni lahaa dadka Soomaaliyeed ay kala tasha doonaan dadka waaya araga ah ee Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Ugaaska beesha Mudulood oo sheegay inay soo dhaweynayaan gogoshan ay u dhigeen walaalahooda Habargidir, Ugaaska ayaa guddoomiyaha golaha hoggaaminta beelaha Habargidir ku booriyey inay doonaan oo isku keenaan dhamaan beelaha kale ee Soomaaliyeed, isagoo balan qaaday inay dhamaantood kolkaas gogol u dhigi doonto beesha Mudulood. Halkan ka Daawo
  6. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose Israsaaseynta oo muddo socotay ayaa waxa ay u dhexeysay ciidamada Booliska ee ka howlgala degmadaasi iyo kuwa kale oo Milatari ah. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidanka Milatariga ay weerar ku qaadeen saldhigga degmadaasi oo ay uga xirnaayeen laba askari oo lagu eedeeyey falal burcadnimo ah. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay ugu yaraan hal askari, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, kuwaas oo ka tiranaa Milatariga weerarka qaaday. Taliyaha Booliska degmada Afgooye Dhamme C/qaadir Mursal Nuunow oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warbixin-Cadaani.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-habeen-27012020-ww.mp3 View the full article
  8. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta furay mashruuc lagu maal gelinayo 340 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo soo bandhigay hal abuur ganacsi oo guuleystay. Dowladda Soomaaliya ayaa fulineysa barnaamijka, waxaana maal gelinaysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo ku binaysa US$1.6Mliyan, waxaana ka qayb qaadanaya qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka. Mashuurcaan ayaa qayb ka qaadanaya horumarinta dhaqalaha dalka, Kobcinta dhaqaalaha qoyska, abuuridda fursado shaqo, iyo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka fogaadaan Dembiyada iyo xagjirnimada. Dhallinyarada ka faa’iideysanaya Barnaamijkaan ayaa ka yimid dhammaan gobollada dalka, waxaana hal abuurrada ganacsi ee loo maalgalinayo kamid ah Beeraha, kalluumeysiga, Tamarta iyo Tiknoolojiyadda. Dowladda Soomaaliya ayaa muhiimadda koowaad siineysa awood siinta dhallinyarada iyo u abuuridda fursado shaqo oo ay ku daboolaan baahiyadooda, qayb waynna ka qaata horumarka guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  9. An International Monetary Fund (IMF) team, led by Allison Holland, met with the Somali authorities in Addis Ababa, Ethiopia, from January 6—16, 2020, to discuss recent economic developments, Source: Hiiraan Online
  10. Waxaa maanta xarunta Xalane magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan u jeedkiisu ahaa soo bandhigidda maalgashiga dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lacag ku bixisay hey’adda USAID. Kulanka ayaa waxaana ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socda DF, wakiilka dowladda Maraykanka Donald Yamamoto, hey’addo kale, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno ka socday shirkadda Geel ayaa ayadu soo agaasintay. Dhallinyarada ka faa’iideysanaya Barnaamijkaan ayaa ka yimid dhammaan gobollada dalka, waxaana tiradoodu tahay ilaa 340 dhalinyao waxaana hal abuurrada ganacsi ee loo maalgalinayo kamid ah Beeraha, kalluumeysiga, Tamarta iyo Tiknoolojiyadda. Ugu horeyn waxaa meesha ka hadlay Axmed Cabdi Nuur oo ah mas’uul ka tirsan hey’adda Geel isaga oo faah faahiyey ujeedka laga lahaa bandhigga maalgashiga dhalinyarada Soomaaliyeed in qaarkood ay wax soo saaraan kuwana ay iibsadaan waxaana uu yir. “Maanta waxaa sharaf inoo ah inaan aragno xoogaa wax soo saarkeenna iyo adeegyo ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, waana fursad weyn inaan aragno in alaabahaas qeybo ka mid ah ay iibsanayaan dhallinyada Soomaaliyeed taasoo loo dhexmarinayo suuqa”. Sidoo kale waxaa bandhigga ka hadlay wakiilka dowladda Mareykana u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto, isaga oo aad ugu dheeraaday taageerada ay dowladda Mareykanka ay dowladda Soomaaliya iyo in hadda ay diyaar u yihiin in $1.6 Milion ay ku bixyaan taageerada dhalinyarada Soomaaliyeed hibada leh hibada wax soo saar. “Soomaaliya waxaa qabsaday dagaallo ahli ah oo burburiyey dhammaan ilihii dhaqaalaha, hey’addihii dowladda iyo fursado badan oo dhalinyaradu ay ku naaloon laheyd, Sida aan ognahay Soomaaliya 70% waa dad dhalin yaro ah dhalinyaradaas waxaa ay u baahan yihiin in ay helaan fursado ay mustaqbalkooda ay ku hagaajiyaan iyo jiilalka kale ee soo socda mustaqbalka soo aadan” ayuu yiri Yamamato. Donald Yamamoto oo hadalkiisa siiwato ayaa carabka ku dhuftay in dowladdiisa ay diyaar u tahay in ay gacan qabato dhalinyarada Soomaaliyeed waxuuna yiri ” Mareykanka waxaa ay diyaar u tahay in ay ka caawiso Bulshada Soomaaliyeed sidii dhalinyaradaas oo ladhabarka u ah bulshada loo hagaajin lahaa fursadaha iyo hal abuurka ay u baahan yihiin sidii loo garab qaban lahaa ayaan ka shaqeyneynaa oo aan diyaar u nahay” Ugu dambeyn Shirkadda Geel ayaa waxaa ay ka mid tahay shirkada ka jira afrika gaar ahaan Soomaaliya waxaana ay ka shaqeysaa in ay soo bandhigto wax soo saarka dalka iyo dadka leh hibooyinka ganacsi ee guuleystay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta si rasmi ah isugu diiwaan geliyey inuu ka qeyb galo doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, isaga oo warqadihiisa u dhiibay garab ka mid ah guddiga doorashada. Qoor Qoor ayaa iska diiwaan geliyey guddiga 8-da xubnood ee taageersan dowladda, waxaana la siiyay shahaadada Musharaxnimo. Qoor Qoor ayaa ah musharaxii saddexaad ee doorashada isu diiwaan geliya, ayada oo shalay ay is-diiwaan geliyeen laba musharax oo kale, oo dowladda taageersan kuwaas oo xildhibaanada ay ugu yeereen “camirayaal” doorashada u qurxinaya Qoor Qoor. Labadaas musharax ayaa kala ah Axmed Shire Falagle iyo Axmed Cabdullaahi Samatar oo xalay la diiwaan geliyay, kuwaas oo lacagta ay isku diiwaan geliyeen ay bixisay dowladda, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Qoor Qoor ayaa la filayaa inuu si fudud ugu guuleysto doorashada oo ay diideen musharaxiintii miisaanka cuslaa ee mucaaradka. Dhinaca kale waxaa 5-ta xubnood ee ka go’ay Guddigii doorashada 8-da ahaa ay iyana wadaa diiwaan gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha, waxaana muuqata jawi kale oo Dhuusamareeb kaga suura geli karto doorasho labaad. Afar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Galmudug, oo kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Wehliye, Kamaal Daahir Guutaale, iyo Cabdi Axmed Cabdi Dheere ayaa Jimcihii ku gacan seeray doorashada. Musharxiinta ayaa gebegebadii shir ay yeesheen waxay isla garteen in ay kaliya ka qeybgeli karaan doorashada lagu wado in Galmudug ay ka dhacdo todobaadyada soo socda haddii la helo shuruudo ka kooban 6 qodob. Shuruudaha musharaxiinta ayaa waxaa ugu weyn in la sameeyo guddi doorasho cusub, kaasoo ay ku midaysan yihiin dhinacyada kala duwan ee ay doorashadu khusayso, ayadoo si wada-oggol ah la iskula meel-dhigayo jadwalka iyo habraacyada doorashada. Musharaxiinta ayaa sidoo kale dalbaday in Ahlu-Sunna Waljamaaca ay qeyb ka ahaato hanaanka iyo habsami u socodka hawlaha dhiman. Waxa ay sidoo kale dalbadeen, In la helo dhinac 3-aad oo korjoogteeya arrimaha doorashada Galmudug, si looga hortago wax isdaba-marin, musuqmaasuq, laaluush iyo adeegsi awood loo isticmaalayo arrimaha doorashada iyo codbixiyaasha.
  12. (SLT-Asmara)-Hoggaamiyayaasha Somalia, Ethiopia, Eritrea ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen magaalada Asmara oo ay maanta ku kulmeen ku sheegay inay doonayaan in la aasaasao Iskaashiga Geeska Afrika oo ilo diblomaasiyadeed sheegeen inuu yahay iskaashi cusub oo goboleed. Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa war-muritiyeed ay soo saareen ku sheegay inay ku heshiiyeen inay kala tashtaan madaxda kale ee Geeska Afrika sidii looga midho-dhalin lahaa fikirkaasi iskaashiga cusub ee Gobolka Geeska Afrika. Waxay sheegeen saddexda hoggaamiye inay isla qaateen qorshe waxqabad ee sannadkan 2020-ka iyo wixii ka dambeeyaba, kaasi oo diiradda saaraya laba hadaf oo kala ah xoojinta nabadda, degganaanshaha iyo amniga, iyo kobcinta dhaqalaha iyo horumarinta bulshada. Dhinaca amniga waxay sheegeen sadedxda hoggaamiye inay ku heshiiyeen inay la dagaalamaan isla markaana baabi’iyaan halista uu gobolku wajahayo ee dhinaca argagisixsada, isku socodka hubka iyo maandooriyayaasha. Dhanka horumarinta dhaqaale iyo bulsheed, waxay isku waafaqeen in ay mudnaanta siiyaan abaabulidda khayraadka bini-aadam iyo kan dabiiciga ah ee faraha badan; iyaga oo dhisaya, casriyeynaya, iskuna xidhaya kaabayaasha dhaqaalaha iyo waaxaha adeegyada iyo waxsoosaarkaba. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo ay wehelinayaan guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee xisbiga Mudane’ Saleeban Ducaale Xaaji Jaamac iyo Af-hayeenka guud ee xisbiga Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa saaka booqday Abwaan Axmed Saleeban bidde oo xaalad caafimaad muddooyinki u dambeeyey ugu jira Hoyga uu ka degan yahay Magaaladda Hargeysa. Madaxda xisbigu waxay Abwaanka Alle ugu baryeen inu caafimaad deg deg ah siiyo isaga iyo inta umadda muslimka ah ka bugtaba. Source
  14. The Heads of State and Government of Eritrea, Ethiopia, and Somalia met in Asmara, on 27 January 2020. The three leaders held candid and extensive discussions on the situations in their respective countries, their tripartite cooperation, and developments in the Horn of Africa region. The three leaders reaffirmed their commitment to the Tripartite Agreement they signed in September 2018 and reviewed the outcomes of their considerable joint efforts towards its implementation. The three leaders adopted a Joint Plan of Action for 2020 and beyond focusing on the two main and intertwined objectives of consolidating peace, stability and security as well as promoting economic and social development. They also agreed to bolster their joint efforts to foster effective regional cooperation. On the security front, the three leaders formulated a comprehensive plan to combat and neutralize the common threats they face, including terrorism, arms and human trafficking and drug smuggling. Regarding economic and social development, they agreed to prioritize the mobilization of their bountiful human and natural resources; build, modernize and interface their infrastructure and develop their product and service sectors. They also expressed their appreciation for, and their readiness to cooperate with, their friends and partners, on the basis of mutual respect and mutual benefit. The three leaders agreed to closely consult with their Brothers, Heads of State, for the realization of the aspiration of their peoples for the effective Horn of Africa. Issued in Asmara, Eritrea, on 26 January 2020. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay khilaafka Somaliland Jabuuti, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Federation of Somali Journalists (FESOJ) and other media fraternities including Somali Women Journalists (SWJ) and Somali Media Association (SOMA) shared their concerns over the devastating Somalia Media law with the President of Federal Republic of Somalia his Excellency Mohamed Abdullahi Farmajo after meeting with him on Sunday night January 26,2020 and jointly appealed the President not to sign the contentious media bill passed by both houses of Somalia Parliaments recently. New draft of the Press Law contains harsh provisions that put pressure on the media and contradicts article 18 of the country’s Provisional Constitution which clearly indicates that “Every person has the right to have and express their opinions and to receive and impart their opinion, information and ideas in any way”. The Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has listened the concerns of Somali journalists about media law and the most serious provisions of concern in the draft media law and said he would consult with his legal advisors and consider recommendations made by Somali media fraternities and the concerns raised on the press law. President Farmaajo said the government’s leadership is committed and giving greater importance to the freedom of speech and media and is a clear indication of how they dealt with the past three years in which the way media is treated have dramatically improved. The President finally said that the media fraternities would be needed to do strong lobbies and engagements with parliamentarians while being reviewed in the houses of Somali legislative bodies but said now he is making consultations over what can be done to make sure further perfection of the media bill before he is signed into law The media’s meeting with the President came after a request from the FESOJ and other affiliated organizations to the president through Presidential Media Director Abdinur Mohamed Ahmed, which the President accepted and welcomed. “The review of the Media Law was a request from us, we believe it now falls short & if you President signs it, it will be a major obstacle to the press freedom in Somalia & may lead intimidation, harassment of journalists & censorship, therefore we respectfully request you Mr President not to sign the bill until further perfections are amended or removed deadly provisions in the media law “ Mohamed Ibrahim Moalimuu said on behalf of Somali media. FESOJ doesn’t undermine the efforts made by both houses of the Somalia Parliament who have amended more than 10 provisions, and have added new articles supporting the journalist’s protections such as Article 2 Clause 7 which says Only a court order can be detained a journalist or suspend a media, this rules out the constant arbitrary arrest of media workers by commanders or political leaders. The following provisions are some of the harsh articles which are still in the media law and media groups are complaining about. Interpretation of who is a Journalist has been provided under two contradictory articles ( 1 and 34) • Article 1- Journalist: is any person who has the knowledge of journalism, engages in the practice of journalism and is authorized to operate  Article 34.1- Any person with an expertise of journalism university decree, journalism institute or has been in the media sector minimum of two years  Under international law, the freedom to seek and impart information and ideas can never be conditioned on a certain diploma or certain period in media. Article 8.1 indicates that the Ministry of Posts and Telecommunications is responsible for the distribution and planning of airwaves and frequencies spectrum development and proposes that the media law shall set up a licensing mechanism. ICPPR Human Rights Committee recommends that States parties/countries that have ratified the ICPPR should establish an independent and public broadcasting licensing authority, with the power to examine broadcasting applications and to grant licenses. In line with international standards, FESOJ recommends for self-regulation for print media, and independent regulation for audio visual media (to allocate frequencies on a fair, open, transparent and participatory manner + it must ensure pluralism and diversity). • Article 9.D directs all media stations, whether new or current, are required to put a deposit amount of money in which the Media Council will issue with special regulation. • • Article 14 refers to the formation of the Somali Media Council as an independent entity but article 39-B it says Minster of Information directs the work of Media Council. How can such Media Council be an independent? • 25.2- The Ministry of Information and the Media Commission in consultation with journalists’ organizations in the country shall set the regulations of the general code of ethics of journalism, which shall stipulate the following issues, among others: A – Respect for the Islamic religion and sound Somali culture. • FESOJ believes that The Media Code of Conduct should not be part of the media law and The Government/ Ministry of Information should not have a role in establishing the journalists’ code of conduct. Likewise, ‘sound Somali culture’ cannot be easily defined and thus can be problematic in terms of interpretation. We request President Farmaajo, as the custodian of the Provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia not to sign a media law which is violating Somalia’s Provisional Constitution ,so we expect the President to do everything he can to make sure that Somalia has a press law in line with the international standard .FESOJ President Abadir Abdulkadir Elmi who was at a meeting said.
  17. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa baahisay war-saxaafadeed ay sheegtay in laga soo saaray kulankii Saddex geesoodka ahaa ee Asmara ku yeesheen madaxda dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Saddexda hoggaamiye 27-ka Jannaayo, 2020 ay yeesheen wadahadallo toos ah oo qotodheer oo ku aaddan xaaladda ka taagan dalalkooda, iskaashiga saddex geesoodka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale war-saxaafadeedka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Saddexda hoggaamiye ay mar kale ku celiyeen sida ay uga go’an tahay heshiiskii Saddex Geesoodka ahaa ee ay saxiixeen bishii Sebtembar ee sannadkii 2018, waxayna dib u eegeen waxyaabihii ka soo baxay dadaalkooda wadajirka ah ee ku aaddan hirgelintooda. Saddexda hoggaamiye ayaa war-saxaafadeedku sheegay in ay meelmariyeen Qorshe Hawleed Wadajir ah oo loogu talagalay sannadka 2020 iyo wixii ka dambeeya, kaasi oo xoogga lagu saarayo labada ujeeddo ee isku-dhafan ee adkaynta nabadgelyada, xasiloonida iyo amniga iyo sidoo kale sare u qaadidda horumarka dhaqaale iyo bulsho. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen inay dardargeliyaan dadaalkooda wadajirka ah si kor loogu qaado iskaashi heer gobol oo wax ku ool ah. Dhanka ammaanka ayaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in saddexda hoggaamiye ay isla qaabeeyeen qorshe sal-ballaaran oo lagula dagaallamayo, lagagana takhalusayo halista guud ee ay wada wajahayaan, oo ay ka mid yihiin argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha. Dhanka horumarinta dhaqaale iyo bulsheed ayaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in ay isku waafaqeen Saddexda hoggaamiye in ay mudnaanta siiyaan abaabulidda khayraadka bini-aadam iyo kan dabiiciga ah ee faraha badan; iyaga oo dhisaya, casriyeynaya, iskuna xiraya kaabayaasha dhaqaalaha iyo waaxaha adeegyada iyo waxsoosaarkaba. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga mahadinayaan, diyaarna ugu yihiin la shaqaynta saaxiibbadooda iyo daneeyayaashooda, iyadoo lagu salaynayo is-ixtiraamid iyo kala-faa’idaysi siman. War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyey in Saddexda hoggaamiye ay isku raaceen in ay si dhow ula tashadaan walaalahooda iyo Madaxda Dawladaha kale si loo xaqiijiyo yididdiilada dadkoodu u qabaan helidda Iskaashi dhex mara Geeska Afrika oo wax ku ool ah. PUMRLAND POST The post War-saxaafadeed ka soo baxay kulankii madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya appeared first on Puntland Post.
  18. Kulan uu Raysal wasaaraha Itoobiya gadaal ka riixayo oo ay ka qayb Galeen Madaxweynayaasha Erritria iyo Kan Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lagu dhisay Urur [...] Source
  19. Asmara (Caasimada Online) – Hoggaamiyayaasha Somalia, Ethiopia, Eritrea ayaa shaaca ka qaaday inay doonayaan in la aasaaso urur goboleed cusub oo magaciisu yahay Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of African Cooperation). Qorshahan ayaa waxaa shaaca looga qaaday war-murtiyeed laga soo saaray kulan madaxeedkii ay maanta magaalada Asmara ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Saddexda hoggaamiye ayaa ayaa sheegay inay ku heshiiyeen inya kala tashtaan madaxda kale ee Geeska Afrika sidii looga miro-dhalin lahaa fikirkaasi ah dhismaha ururka cusub. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhan War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Kulanka Madaxda dalalka Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaliya Madaxda dalalka iyo dowladaha Ereteriya, Itoobiya, iyo Soomaaliya ayaa magaalada Asmara ku kulmay 27-ka Jannaayo, 2020. Saddexda hoggaamiye waxa ay yeesheen wadahadallo toos ah oo qotodheer oo ku aaddan xaaladda ka taagan dalalkooda, iskaashiga saddex geesoodka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika. Saddexda hoggaamiye waxa ay mar kale ku celiyeen sida ay uga go’an tahay Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee ay saxiixeen bishii Sebtembar ee sannadkii 2018, waxayna dib u eegeen waxyaabihii ka soo baxay dadaalkooda wadajirka ah ee ku aaddan hirgelintooda. Saddexda hoggaamiye waxa ay meelmariyeen Qorshe Hawleed Wadajir ah oo loogu talagalay sannadka 2020 iyo wixii ka danbeeya kaasi oo xoogga lagu saarayo labada ujeeddo ee isku-dhafan ee adkaynta nabadgelyada, xasiloonida iyo amniga iyo sidoo kale sare u qaadidda horumarka dhaqaale iyo bulsho. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen inay dardargeliyaan dadaalkooda wadajirka ah si kor loogu qaado iskaashi heer gobol oo wax ku ool ah. Dhanka ammaanka, saddexda hoggaamiye waxay isla qaabeeyeen qorshe sal-ballaaran oo lagula dagaallamayo, lagagana takhalusayo halista guud ee ay wada wajahayaan, oo ay ka mid yihiin argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha. Dhanka horumarinta dhaqaale iyo bulsheed, waxay isku waafaqeen in ay mudnaanta siiyaan abaabulidda khayraadka bini-aadam iyo kan dabiiciga ah ee faraha badan; iyaga oo dhisaya, casriyeynaya, iskuna xiraya kaabayaasha dhaqaalaha iyo waaxaha adeegyada iyo waxsoosaarkaba. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga mahadinayaan, diyaarna ugu yihiin la shaqaynta saaxiibbadooda iyo daneeyayaashooda, iyadoo lagu salaynayo is-ixtiraamid iyo kala-faa’idaysi siman. Saddexda hoggaamiye waxay isku raaceen in ay si dhow ula tashadaan walaalahooda iyo Madaxda Dawladaha kale si loo xaqiijiyo yididdiilada dadkoodu u qabaan helidda Iskaashi dhex mara Geeska Afrika oo wax ku ool ah. Waxa laga soo saaray Asmara, Ereteriya, Jannaayo 27, 2020. DHAMMAAD
  20. ASMARA (HOL) - The leaders of Somalia, Eritrea and Ethiopia Monday adopted a joint plan of action for the year 2020 focusing on security and economic development. Source: Hiiraan Online
  21. Wafdi balaaran oo ka kooban labada Gole ee Puntland oo uu horkacaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirshiid Yusuf Jabril ayaa waxay maanta booqasho ku tageen Degmada [...] Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta furay mashruuc lagu maal gelinayo 340 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo soo bandhigay hal abuur ganacsi oo guuleystay. Dowladda Soomaaliya ayaa fulineysa barnaamijka, waxaana maal gelinaysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo ku binaysa US$1.6Mliyan, waxaana ka qayb qaadanaya qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka. Mashuurcaan ayaa qayb ka qaadanaya horumarinta dhaqalaha dalka, Kobcinta dhaqaalaha qoyska, abuuridda fursado shaqo, iyo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka fogaadaan Dembiyada iyo xagjirnimada. Dhallinyarada ka faa’iideysanaya Barnaamijkaan ayaa ka yimid dhammaan gobollada dalka, waxaana hal abuurrada ganacsi ee loo maalgalinayo kamid ah Beeraha, kalluumeysiga, Tamarta iyo Tiknoolojiyadda. Dowladda Soomaaliya ayaa muhiimadda koowaad siineysa awood siinta dhallinyarada iyo u abuuridda fursado shaqo oo ay ku daboolaan baahiyadooda, qayb waynna ka qaata horumarka guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
  23. Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar ku jooga Dalka Eritrea ayaa wuxuu halkaas kula kulmay maanta Madaxweynaha Dalkaas iyo Raysal wasaaraha [...] Source
  24. Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magalaada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi oo soo dhaweyn loogu sameeyay. Weftiga Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxaa kamid ah xubno ka tirsan Gudiga dib u habeynta Ciidamada oo kala ah Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidanka Difaaca sareeye gaas Yaasiin Cumar Dheere. Sidoo kalena weftiga waxaa qayb-ka ah Wasiirka Waxbarashada Cabdulaahi Maxamed Xasan, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno kale, waxaana soo dhaweeyey maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan iyo Saraakiisha Ciidanka Dawladda Puntland ee Gobolka Sanaag. Wefdigan ayaa Badhan u tagay, sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa ciidamada kala duwan ee gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Guddiga dib u-habaynta Ciidamada Puntland oo gaaray Badhan appeared first on Puntland Post.