Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,298
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Boocame)-Wararka aanu ka helayno deegaanka Boocame ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan ciidammada qaranka Somaliland ay goordhoweyd la wareegen Saldhigii deegaankaasi oo ciidamada Puntland ay hore ugu hayeen gacanta. Saldhigaasi Boocame ayaa waxa gacanta ku hayey Ciidamo ka tirsan Puntland kuwaasi oo ay kala wareegen Ciidamo kale ka mid ah kuwa qaranka Somaliland oo iyagu hore uga tirsanaa Ciidamada maamulka Puntland. Ciidamadan maanta la wareegay Saldhiga Boocame ayaa waxay calanka Somaliland ka taageen gudaha saldhigaasi, waxaana hor kacayay ciidamadaasi sida la sheegay Saraakiil caan ka ah deegaanada maamulka Puntland horena uga soo goostay. Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxaya maamulka Puntland iyo xukuumadda Somaliland. Source
  2. According to the reports, the breakaway region of Somaliland has executed six men by firing squad at Mandheera prison in the capital, Hargeysa Wednesday. Two of the executed members were related to terror charges and alleged members of the armed group al-Shabaab. The other four were executed to various crimes. Somaliland enjoys relative peace since declaring unrecognized succession from greater Somalia and is safe from al-Shabaab terror activities but the region which is still part of Somalia under the international law executed first al-Shabaab member in 2016. Rights groups have previously accused President Muse Bihi Abdi administration of human rights violations mainly on the crackdown of Journalists seen as a threat to media freedom in the thriving democratic peaceful region View the full article
  3. The United States through its Embassy in Kenya has reiterated its continued fight against terrorism and lauded its partnership with the country in the war on terror. In a statement to media houses on Wednesday, during the one-year anniversary of the Dusit terror attack, the US Embassy in Kenya said it remains committed in the fight against the al Shabaab threat. The attack at the Dusit D2 complex a year ago left 21 people killed during a 20-hour long siege. The embassy also lauded the multi-agency security team that took part in the rescuing of survivors from the hands of terrorists. “We again commend the speed and courage of the response by the Kenyan security services who rescued hundreds of innocent civilians and ended the assault,” read the statement. Over 700 were safely evacuated from the complex thanks to the team of security personnel. They added, “Al-Shabaab’s ongoing efforts to destabilize democratic, open societies represent a destructive threat in Kenya and East Africa. The United States and Kenya are training, sharing information, and fighting side by side to defeat this terrorist organization.” The US Federal Bureau of Investigation, FBI and Kenya’s DCI, weer in the front line during the investigations into the attack. Among the Americans killed was I-DEV International CEO, Jason Spindler. The siege at the complex started on Tuesday, January 15 and continued till around 10 am the following day. A group of four attackers from the al Shabaab militia group stormed the complex in two vehicles. One of the attackers blew himself up next to the Secret Garden restaurant. After the blast the remaining terrorists forced guards to open the gates of 14 Riverside Drive-by shooting at them and lobbing grenades as they made their way into the complex, setting ablaze some of the vehicles in the parking bay. The elite Recce squad, the anti-terrorism Police and the General Service Unit were sent in to rescue hostages and combat the militants. View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Qoraal kasoo baxay Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa waxaa lagu faah-faahiyay xukunkii Dilka toogashada ahaa ee Maanta xukuumadda Somaliland ku fulisay Lix qof oo rag, kuwaasi oo sannadihii dambe u xidhnaa. Waxaa lagu sheegay Qoraalka kasoo baxay xeer ilaalinta Somaliland in 6-da Nin ee dilka toogashada ahaa lagu fuliyay ay hore dad kala duwan ugu geysteen dilal, isla markaana Maxkamadda Sare ee Somaliland ay ku xukuntay dil toogasho ah. Qoraalka Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa waxaa uu qoran sidan: Iyadoo la fulinaayo amarna maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan. 1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun maxamed Cabdi saleebaan. 2: Gacan ku dhiigle Xasan muxumad cismaan Ina shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun ismaaciil faarax maxamad. 3: Gacan kudhiigle khadar Aleel xirsi Ina maryan cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun siyaad Cabdi muxumad . 4: Gacan ku dhiigle Farxaan maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse. 5: Gacan ku dhiigle Caydaruus khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac . 6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad. Goobta_Qisaasta Waxaa dilkaasToogashada Qisaasta ah lagu Fuliyey Goob fagaare ah Taas oo ka soo Horjeeda Xabsiga Mandheera. Source
  5. Lix Qof oo Somaliland Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Lixdan qof ee la toogtay oo dhamaantood rag ah ayaa la sheegay inay dilal ka geysteen deegaano ka mid ah gobollada Sool, Sanaag, Maroodi-Jeex iyo Gabilay,Ku darsoo Toogashada ayaa saaka ka dhacday xabsiga weyn ee Mandheera Halkan hoose ka aqriso magacyada ragga la toogtay 1: Axmed-Guray Ibraahin Faarax oo kasoo jeeda Magaalada Burco 2: Farxaan Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Magaalada Buuhoodle 3: Cabdullaahi Ismaaciil Xayd oo kasoo jeeda Magaalada Burco 4: Ceydaruus Khadar Haybe oo kasoo jeeda Magaalada Hargeysa 5: Khadar Aleel oo kasoo jeeda Gobolka Magaalada Gabiley 6: Xasan Muxumed Cismaan oo kasoo jeeda Magaalada Hargeysa. Qaran News
  6. (SLT-Khartoum)-Shan qof, oo ay ku jiraan laba askari, ayaa la dilay kadib markii ciidamada Sudan ay maanta weerareen wakiilo ka tirsan sirdoonka laga baqo ee dalkaas oo gadooday. Salaasadii, rasaas culus ayaa laga maqlay qaar ka mid ah saldhigyada hay’adda sirdoonka NISS ee Khartoum, kadib markii wakiilada hay’addaas ay diideen qorshe howlgab oo ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta cusub ee dalkaas. Xubnaha NISS ayaa hormuud u ahaa weerarkii lagu qaaday dibad-baxayaasha intii uu socday kacdoonkii lagu riday madaxweyne Omar al-Bashir, bishii April 20119. Goor dambe oo Talaadadii ahayd ciidamada militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee RSF ayaa ku xoomay xarumaha sirdoonka kadib markii rasaasta laga maqlay. “Waxaan go’aansanay inaan weerarno xarumaha si loo soo geba-gebeeyo kacdoonkan…waxaana hadda la wareegnay saldhigyada,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay madaxa shaqaalaha madaxtooyada Sudan General Osman Mohamed al-Hassan. “Waxaa naga dhintay laba askari, waxaana naga dhaawacmay afar kale oo ay ku jiraan laba sarkaal.” Ayuu yidhi. Dhinaca kale, dhaqaatiir ayaa sheegay in saddex qof oo shacab ah – oo dhammaantood isku qoys ahaa – ay sidoo kale ku dhinteen rasaas la isku weydaarsaday meel ku dhow saldhigga NISS ee Koonfurta Khartoum. Wiil dhallinyaro ah ayaa sidoo kale la dhaawacay. Afhayeenka dowladda Faisal Mohamed Saleh ayaa sheegay in wakiilada NISS ay gadoodeen kadib markii ay diideen lacagta loogu qondeeyey inay howlgab uga noqdaan shaqada. AFP Source
  7. Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada maamulkaasi ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose. Ugu horreyn Cabdinuur ayaa sheegay in howlgallada si gaar ah looga fuliyey deegaanada Cabdalla Biroole, Yaaq Bishaaro iyo tuulooyin hoostaga Jamaame. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagu khaarijiyey illa afar xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ee ka howlgala deegaanada Jubbaland ayaa kordhiyey dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka. View the full article
  8. Baghdad (Caasimada Online) – Saddam Hussein waxaa la dilay 30-kii December 2006, hase yeeshee dhufeysyo uu dhisay intii uu noolaa ayaa ciidamada Mareykanka ka bad-baadiyey inay ku la’daan weerarkii gantaallo ee ay dhowaan ku qaaday Iran, waxaa sidaas weriyey taleefishinka CNN. Ciidamada Mareykanka, inkasta oo saacado ka hor loo sheegay in weerar kusoo socdo, haddana uma diyaarsaneyn inay iska difaacaan weerarkii gantaallada Ballistic-ga ee Iran, waxayna ku qasbanaadeen inay galaan dhufeyso dhulka hoostiisa ku yaalla oo uu dhisay Saddam Hussein. areykanka ayaa dhufeysyo ayaga ay dhiseen ku lahaa saldhigga Cayn Al-Asad hase yeeshee dhufeysyadan waxaa loogu talo-galay kaliya gantaallada fudud, awoodna uma lahan inay celiyaan gantaallada riddada dheer. Ma aysan hubin in dhufeysyada uu dhisay maamulkii Saddam Hussein ay awood u u leeyihiin inay ka difaacaan gantaallada Iran, hase yeeshee markii weerarka uu billowday ayay garowsadeen in dhufeysyadan tobaneeyo sano jirka ah ah ay aad uga xooggan yihiin kuwa Mareykanka, taasi oo noloshooda bad-baadisay. Lt. Col. Staci Coleman, oo hoggaamineysay ciidamada Mareykanka ee dhufayska galay ayaa sheegtay inay shaki badan qabeen. “Waxaan ku dhex jiray dhufeyska dhulka hoostiisa ah, waxaana niyadda ka lahaa qalad ayay ahayd inaad halkan naftaada ku aaminto,” ayey tiri. “Toban daqiiqo kadib markaan sidaas niyadda iska iri waxaa billowday weerarka, kadibna waan garowsaday inaan qaldamin. Dhulka ayaa ruxmay laakiin waxba nooma soo gudbin,” ayey tiri Coleman. Weerarkii Iran ay qaaday toddobaadkii tagay ayaa jawaab u ahaa dilkii Mareykanka ee Jeneral Qassem Soleimani, hase yeeshee cidna wax kuma noqon, waxayna taas uga mahad-celinayaan Saddam Hussein.
  9. Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan dalalka geeska Africa danjire Onanga-Anyanga ayaa soo gabagabeeyey booqasho uu ku joogay M/ Muqdisho. Intii uu ku sugnaa Caasimadda danjiraha ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, safiiro caalami ah iyo ururada bulshada rayidka ah. Sidoo kale Ambassador Onanga-Anyanga ayaa kulan la qaatay gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ay ka wada hadleen qodobo ku saabsan doorashada soo aadan ee ka dhaceysa Soomaaliya. Ergeyga ayaa ballan qaaday in QM ay si buuxda uga taagereyso dowladda Soomaaliyeed inay si nabdoon oo xor iyo xalaal ah u qabsoonto doorashadaasi.. Ugu dambeyn wuxuuu tilmaamay in uu bogaadinayo, islamarkaana uu soo dhaweynayo nidaamka axsaabta badan ee la filayo in lagu tartamo. View the full article
  10. Cabdi Ismaaciil Boos Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Bangiga dhexe ee Puntland Cabdi Ismaaciil Boos, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Mudane Boos, oo cuskanaya qodobka kamid ah Dastuurka dowladda Puntland, ayaa sheegay in madaxweynuhu uusan xaq u lahayn xilka qaadistiisa, balse ay ahayd in uu Baarlamanka weydiisto in xilka laga qaado, si qof kale loogu magacaabo booskiisa. Sidoo kale, wuxuu sheegay in uu isagu weli yahay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Puntland, islamarkaana uu shaqadiisa sii wato, inkastoo uu xusay in xafiis kale oo laga dhinac sameeyay la keenay Guddoomiyihii uu soo magacaabay madaxweyne Deni. Cabdi Ismaaciil Boos, ayaa ugu dambeyntii madaxweynaha Puntland ku eedeeyay, in xilka qaadista uu soo qoray, ay u yeeriyeen koox yar oo uusan magacyadooda xusin, kuwaasi oo sida uu sheegay madaxweyne Deni cadaadis ku saaray arrintaasi. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Boos: Deni xilka igama qaadi karo shaqadeydaan sii wataa appeared first on Puntland Post.
  11. Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, Xirsi Yuusuf Barre oo la hadlay warbaahinta ayaa ka horyimid xil ka qaadistii uu ka sameeyey Madaxweynaha mamaulkaasi, Xaaf. Xirsi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qadista, isagoo carabka ku dhuftay in xilligaan Madaxweynaha Galmudug uusan sameyn karin xil ka qaadis iyo magacaabis. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu xil ka sii heyn doono illaa madaxweyne cusub loo dooran doono hoggaanka dowlad goboleedka Galmudug. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/War-Cali-Gaab-Kaalkacyo.mp3 View the full article
  12. Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya waxa ay May ama June qaban doontaa doorasho baarlamaan, inkasta oo ay jiraan walaacyo amni iyo kuwa farsamo, waxaa sidaas sheegay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed intii lagu guda jiray booqasho uu Axadii ku tagay dalka Koonfur Afrika. Doorashada ayaa noqon doonta tii ugu horreysay tan iyo markii Abiy Ahmed uu xafiiska la wareegay bishii April 2018, islamarkaana uu billaabay isbeddelo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale. Qorshihiisa isbeddel ayaa sidoo kale huriyey rabshado islamarkaana muuujiyey kala qeybsanaanta qowmiyad ee dalka Itoobiya, oo ay ku nool yihiin 105 milyan oo qof. Guddiga doorashada ayaa bishii June 2019 sheegay in xaaladda amni ay dib u dhigi karto doorashada 2020. Isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay si wadajir ah magaalada Pretoria ugu qabteen madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa Abiy waxa uu sheegay in Itoobiya iyo dadkeedaba ay u wanaagsan tahay in doorashada ay u dhacdo sidii loo qorsheeyey. Itoobiya ayaa si joogto ah doorasho u qabaneysay tan iyo 1995-kii, hase yeeshee marka laga reebo 2005, ma jirin doorasho lagu loolamay. Abiy Ahmed ayaa dhinaca kale weydiistay madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa inuu soo faro-geliyo muranka muddada taagan ee kala dhaxeeya Masar, kuna saabsan biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile. Xiriirka Itoobiya iyo Masar ayaa xumaa tan iyo markii dalka ku yaalla Bariga Afrika uu billaabay dhismaha biyo-xireenka Grand Renaissance 2011—kii.
  13. Xabsiga Mandheera ee Somaliland Somaliland ayaa maanta oo Arbaco ah dil toogasho ku fulisay Lix nin oo horey u xukunaa, kuwaaas oo qaarkood muddo dheer xabsi ku jiray. Lixda nin ee Somaliland toogatay ayaa saaka toogashadoodu ka dhacday jeelka wayn ee Mandheera oo ku dhow magaalada Berbera. Magacyada ragga ay Somaliand toogashada ku fulisay iyo deegaanada ay ka soo kala jeedaan ayaa ah sidan. 1-Farxaan Maxamed Xasan (Buuhoodle ) 2- Cabdillaahi Ismaaciil Xayd (Burco) 3- Axmed Ibraahin Faarax (Burco) 4-Khadar Aleel Xirsi (Gabiley) 5- Xasan Muxumed Cismaan (Hargeysa) 6- Caydaruus Khadar Haybe (Hargeysa) Dhanka kale war ka soo baxay xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa lagu soo bandhigay tirada dadka xukunka dilka ah lagu fuliyey, magacyadooda iyo dambiyada loo haystay. Waxaanu warka xeer ilaalintu Somaliand u qornaa sidan:- Iyadoo la fulinaayo amarna maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaashan hoos ku xusan. 1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun maxamed Cabdi saleebaan. 2: Gacan ku dhiigle Xasan Muxumad Cismaan Ina Shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ismaaciil Faarax maxamad. 3: Gacan kudhiigle khadar Aleel Xirsi Ina Maryan Cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Siyaad Cabdi muxumad . 4: Gacan ku dhiigle Farxaan Maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse. 5: Gacan ku dhiigle Caydaruus Khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac . 6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad. Waxaa dilkaas toogashada qisaasta ah lagu fuliyey goob fagaare ah, taas oo ka soo jorjeeda Xabsiga Mandheera. PUNTLAND POST The post Somaliland oo war ka soo saartay 6 Nin oo ay toogasho ku fulisay appeared first on Puntland Post.
  14. Booliska deegaanka Kitui ee dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay illaa 6 ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo ku sii jeeday magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaasi. Lixda ruux ee xabsiga la dhigay oo dhamaantood dhalinyaro ah ayaa ka yimid dhanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Booliiska ayaa magacyada raggaasi ku kala sheegay C/rashiid Maxamed, Maxamed Cali Barre, Deeq Maxamed, Salaad C/raxamaan, C/qaadir Xuseen iyo Maxamed Taka. Nicolas Mutua taliyaha Booliska deegaanka Kitui ayaa tilmaamay in dadka la qabtay ee Soomaalida ah aysan heysan wax lagu garan karo ama warqad cadeyneysa safarkooda. Sidoo kale wuxuu Nicolas Mutua tilmaamay in haatan raggaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Dowladda Kenya ayaa la tacaaleysa weerarada uga imaanaya dagaalyahannada Al-Shabaab oo kordhiyey howlgallada ay ka fuliyaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article
  15. Ciidamo katirsan xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii lasoo dhaafay kala dhex-galay Labo Malleeshiya Beeleed oo dhowaan ku dagaallamay degaannada Mirxayleey iyo Bangeelle. Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda Degmooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado ayaa bogaadiyay howsha ay qabteen Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxanay sheegeen in ay garab taagan yihiin shaqada ay wadaan Ciidankooda iyo in xal buuxa laga gaaro dagaalka. Taliyaha Guutada 13-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya, Qeybta 21-Aad Col; Cabdiraxman Macallin Maxamuud (Timadheere), ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin dagaal Beeleed halkaasi ka dhaca, haatanna ay xaaladdu deggen tahay. View the full article
  16. Wararka naga soo gaaraya M/ Hargeysa ayaa sheegaya in saaka Somaliland ay toogasho ku fulisay 6 ruux oo maxkamadaha maamulkaasi horay ugu rideen xukun dil ah. Ragga la toogtay ayaa waxaa lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen gobollada Sool, Sanaag, Maroodi-Jeex iyo Gabilay oo dhammaan hoostaga Somaliland. Sidoo kale toogashada ayaa ka dhacday xabsiga weyn ee Mandheera oo ku yaalla gobolka Saaxil. Lixda qof ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray: 1: Axmed-Guray Ibraahin Faarax 2: Farxaan Maxamed Xasan 3: Cabdullaahi Ismaaciil Xayd 4: Ceydaruus Khadar Haybe 5: Khadar Aleel 6: Xasan Muxumed Cismaan Falkaan toogashada ah oo ay Somaliland ku fulisay lixdaan qof ayaa noqonaya kii ugu horreeyey inta la xasuusto taariikhda casriga ah. View the full article
  17. Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa in weli laga dareemayo deegaano hoos yimaada magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed oo shalay ku dagaalamay halkaasi laga dareemayo deegaanadaasi. Cali Cumar Yuusuf oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa ka warbixiyey, sida ay tahay xaaladda, isagoo tilmaamay inuu dagaalku ka biloway barkad biyood la qodayey. Halkaan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cod-Faadumo.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-15012020-sx.mp3 View the full article
  19. Daawo: Maayirka Burco Oo Badhasaabka Togdheer Iyo Taliyaha Ku Eedeeyay In Ay Gabeen Shaqadii Loo Igmaday +Sababta Source
  20. Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar aanu ka helayno deegaanka Boocame ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Somaliland ay goordhoweyd la wareegen Saldhigii deegaankaasi oo ciidamada Puntland ay hore ugu hayeen gacanta. Saldhigaasi Boocame ayaa waxa gacanta ku hayey Ciidamo ka tirsan Puntland kuwaasi oo ay kala wareegen Ciidamo kale oo taabacsan Somaliland oo iyagu hore uga tirsanaa Ciidamada maamulka Puntland. Ciidamadan maanta la wareegay Saldhiga Boocame ayaa waxay calanka Somaliland ka taageen gudaha saldhigaasi, waxaana hor kacayay ciidamadaasi sida la sheegay Saraakiil caan ka ah deegaanada maamulka Puntland. Wararka aanu helayno ayaa waxay intaasi ku sii darayaan in Ciidamada la wareegay Saldhigaasi uu maamulka Somaliland ku soo xoojiyey ciidamo kale iyo gaadiid dagaal, si ay u kordhiyaan awooda ciidamada la wareegay saldhigaasi. Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxaya maamulka Puntland oo ku aadan Saldhigaasi ay kala wareegeen Ciidamada Somaliland, oo uu kala dhaxeeyo dagaal dhanka xuduuda ah.
  21. MOGADISHU (HOL) - Six men who had been convicted for murder and terrorism in Somaliland were executed in Hargeisa Wednesday. Source: Hiiraan Online