Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,298
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa Caawa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ka socdo ololihii ugu dambeeyey ee loogu jiro xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo loo tartami doono Maalinta Berri ah. Magaalada Dhuusamareeb ayaa Caawa marti gelineyso kulamo iska soo horjeedo oo ay wadaan xubnaha mucaaradka iyo kuwa Dowladda Soomaaliya, iyadoo ay socoto kala jiidasho dhanka Xildhibaanada ah. Guryaha ay Magaalada Dhuusamareeb ka dagan yihiin labada musharax ee ka kala socdo Dowladda iyo dhincyada mucaaradka ayaa laga dareemayaa saxmad aad u badan iyo kulamo aan loo kala kicin. Wararka ay Caasimadda Online ka heleyso Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in labada dhinac ay adeegsanayaan lacago la siinayo Xildhibaanada. Qiimaha halkii xildhibaan ayaa caawa marayo lacag u dhaxeyso 10 – 15 Kun oo Dollar, waxaana lacagta ugu badan bixineyso Dowladda Soomaaliya oo Xildhibaano badan ku xareysatay guryaha ay dagan yihiin xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta wado ololaha Doorashada. Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana qaar ka mid ah Musharaxiinta ay walaac ka muujiyeen sida dowladda Soomaaliya ay u maamuleyso doorashadda Galmudug.
  2. Young people trafficking in the drug, which is legal in Israel, arrested in Vienna, Copenhagen, London; were likely paid by criminal groups in Israel Source: Hiiraan Online
  3. TEHRAN, Iran (AP) — Iran’s supreme leader will deliver a Friday sermon in Tehran for the first time since 2012, Source: Hiiraan Online
  4. The 100 lawmakers of the US Senate were sworn in on Thursday as jurors for the impending impeachment trial of President Donald Trump. Source: Hiiraan Online
  5. Nuxurka Kulan dhexmaray Xisbiyada Mucaaridka (Waddani & Ucid) & Safiirka Dawlada UK u fadhiya Somalia Guddoomiyayaasha labada xisbi mucaarid Ee WADDANI iyo UCID C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro” Iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa galabta Magaaladda Hargeysa kullan khaas ah kula yeeshay Safiirka Dawladda Ingriiska u qaabilsan Arimaha Somalia Ambassador, Ben Fender iyo Wakiilka Dawladda Somaliland Ee Arimaha Ingriiska Mr. Stuart Brown. Kullan ayaa ku soo afmeermay Jawi degan iyado waxa ugu weyn ee laga wada hadlayna aheyd sidii dalkan doorasho uga dhici laheyd 2020 taas oo bulshadda Somaliland iyo Beesha Caalamka u arkaan iney dalkan iyo dadkanba dan u tahay balse aaney xukumadda KULMIYE diyaar u aheyn. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Amran Xalane oo ah Hooyo Soomaaliyeed kuna nool magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in mudo ku siman labo bilood ay ka maqantahay gabar yar oo ay dhashay. Amran iyo hooyadeed oo ah ayeeyada gabadha maqan ayaa TV-ga Dalsan u sheegay in gabadhoodii ay ku tuhmayaan xubno ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya. Hooyo Amran waxa ay sheegtay in gabadheedu aysan qaan gaarin dhawaan laga keenay dalka dibaddisa, isla markaana iyadoo dugsi ka dhiganeysa magaalada ay wadeen gabdho kale, kuwaas oo ay sheegtay inay u geeyeen ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya. Hey’adda dembi barista booliska Soomaaliya ee CID-da ayey sheegtay inay u dacwoodeen, isla markaana lasoo qabtay gabdhihii ciidan u geeyey gabadha, wallow markii dambe lagu war geliyey in damiin lagu daayey, taas oo ay sheegtay inaysan raali ka aheyn. Sidoo kale waxay sheegtay in labo nin oo mid sarkaal yahay kana tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ay u soo direen fariimo ay uga dalbanayaan lacag madax furasho ah si loogu sii daayo gabadhooda. Amran oo ah hooyada dhashay gabadha la weysanyahay ayaa sheegtay inay lacagtaas oo gaareysay 2,000 oo dollar ay ogolaayeen in ay dhiibaan, balse markii dambe ragaasi ay u sheegeen inaysan maeel ku ogeyn gabadheeda. CID-da oo ah halkii ay cadaaladda u raadsatay ayey sheegtay inay iska daba wareejinaysay mudo labo bilood ah, iyadoo laga sii daayey gabdhihii ay ku tuhmaysay inay ka fogeeyeen gabadheeda oo ay sheegtay in lagu haayey fariimo cadeynaya inay lasoo hadashay gabadheedii oo oraneysa, “Heblaayoy ninkii aad ii geysay waxa uu isku dayaa inuu is kufsado” oo ku qoran af-Ingiriisi sida ay sheegtay hooyo Amran, maadaama aysan gabadheedu aad u aqoon af-Soomaali. Amran iyo hooyadeed oo xirnaa Indha-shareer ayaa ku cataabay in sarkaalka ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada uu ugu hanjabay dil hadii arintaas ay warbaahinta la wadaagaan. Ugu dambeyntii labadan maamo madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayey ka dalbadeen inay ku gacan siiyaan sidii ay u heli laheeyeen gabadhoodii yareyd. Halkan ka Daawo
  7. Raage Ceelle (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa kulan la qaatay taliyaha ciidamada Xoogga Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage, kulankaas oo ku saabsanaa xaaladda amni ee gobalka Shabeelada Dhexe. Kulankaan oo dhacay maalin kadib markii uu dalka dib ugu soo laabtay Cali Guudlaawe oo ka yimid Turkiga todobaadkii hore, ayaa looga hadlay xiisada ka taagan degmada Raaga ceelle iyo Isbaarooyinka gobalka u yaalla ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya. Guudlaawe ayaa General Odowaa ka dalbaday in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka cabsida sababay ee u dhexeeya isaga iyo Korneel Masdile oo hada saldhig ka dhigtay Raaga Ceelle oo ah degaankiisa. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Odowaa oo cadaadis kale oo dhanka beeshiisa ah saarnaa uu ogolaaday in uu faraha ka qaado sarkaalkaan dooda u dhaxeysana lagu dhameeyo wadahadal. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in lagu heshiiyay in degmada Raaga Ceelle laga soo saaro milateriga dowladda ee ku sugan Iskuul ay dadka degaanka wax ku bartaan iyo in Muqdisho uu yimaado Korneel Masdile kadib wadahadal dhaxmara isaga iyo taliyihiisa. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wali wahadalku uu socda inta badanna la isku afgartay, waxaana la filayaa in wixii lagu heshiiyay loo gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya oo arrintaan hore loogu gudbiyay. Dhinaca gobalka waxaa ka socda qaadista Isbaarooyin buux dhaafiyay, kuwaas oo hakad geliyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha kadib markii gaadiilaydu ay ku dhawaaqeen shaqo joojin.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in guddoonka Gaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ka been sheegay kooramka fadhiyadii ugu dambeeyay ee Golaha Shacabka, taas oo ka dhigan in la jebiyay qodobo kamid ah Xeer hoosaadka Golaha Shacabka. Dhowrkii kulan ee ugu dambeeyay waxaa kulamada Baarlamaanka ay ku furmayeen tiro ka yar Kooramkii loogu talagalay oo ah 139 Xildhibaan. Tusaale, kulankii dambeeyay ee Arbacadii 15-kii bishaan, waxaa xaadirtay 113 Xildhibaan, waxaan Kooramka lagu sheegay 140 Xildhibaan. Sidoo kale kulankii ka horeeyay ee 12-kii bishaan waxaa soo xaadiray 119 Xildhibaan waxaana Kooramka lagu sheegay 139 Xildhibaan. Weriye ka tirsan Caasimada Online oo tirayay Xildhibaanada waxa uu sidoo kale sheegay in kulamadaasi lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah, iyadoo aan kulamadaasi soo xaadirin tiradii fadhiga ku furmi lahaa. Xeer hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaba in saddex meelood, meel uu ku furmi karo fadhiga Golaha Shacabka. Dhowr jeer oo hore ayey kulamada Baarlamaanka u baaqdeen Kooram la’aan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhowr jeer fadhiga baarlamaanka ka sheegay in ciqaab adag la marsiin doono Xildhibaankii maqnaado ilaa hadana kuma guuleysan arintaas.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Sided qof oo Soomaali ah ayaa ku dhibaateysan xabsi ku yaalla wadanka Iran, kuwaas oo loo sheegay inay dhameysteen waqtigoodii xirnaashaha, balse aan lasii deyn doonin ilaa inta laga helayo dowlad metesha. Dadkan ayaa laga qabtay xadka ay wadaagaan dalalka Iran iyo Turkiga, xilli ay isku dayayeen inay ka talaabaan xuduuda Iran oo gudaha u galaan dalka Turkiga. Deeq Maxamed Cali iyo Fatxi Shariif Xuseen Cali, waxay ka mid yihiin dadkaas lagu heysto dalka Iran. Iyagoo u waramaya Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Iran ay ku war gelisay inay dhameysteen waqtigii loogu tala galay in lagu haayo xabsiga, balse ay ku sii jiri doonaan tan iyo inta laga helayo dowlad kala wareegta. Waxay sheegeen in markii hore safar dhulka ay uga bexeen gobolka Kurdistan ee dalka Ciraq, iyagoo sheegay inay sii dhex mareen dalka Iran, balse la qabtay xilli ay ka sii baxayeen xuduuda Iran, una socday dalka Turkiga. Sideedaan qof ee Soomaalida ah ayaa kala ah shan wiil iyo seddax gabdhood, waxayna badankood ka bexeen magaalada Muqdisho, markii laga reebo labo wiil oo ka kala baxay Hargeysa iyo Nairobi. Dadkan ayaa sheegay in la qabtay xilliyo kala duwan, waxayna gacanta Iran ku jiraan 11 bilood ilaa sided bilood, iyagoo xabsigooda ku dhameystay magaalo xuduuda ku taalla oo la yiraahdo Oromia. Markii ay dhameysteen xabsiga waxay sheegeen in loo qaaday magaalo yar oo u dhaw caasimadda dalkaas ee Tehran, halkaas oo ay sheegeen inay hadda ku dhibaateysanyihiin. Dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa sheegay in dad badan oo iskugu jiray Afrikan iyo Carab lala qabtay, balse dhamaantood la sii daayey, kadib markii dowladahoodii ay u doodeen kana dalbadeen Iran inay sii deyso. Xaalad adag oo caafimaad darro ayey sheegeen inay hadda ku heysato xabsiga marar badana ay la xariireen dowladda Soomaaliya, balse aysan weli wax u qaban, dowladda Irana ay xujo uga dhigtay inay la yimaadaan dowlad kala wareegta. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayey dhalinyaradaas cod dheer uga dalbadeen inay ka soo deyso xabsiyada Iran. 07-dii bishii Janaayo sanadkii 2016-kii ayey dowladda Soomaaliya xiriirka u jarday dowladda Iran, iyadoo diplomasiyiinteedii ka ceyrisay Muqdisho, wixii xilligaas ka dambeeyana ma jirin cilaaqaad la ogyahay oo dhexmaray labada dal.
  10. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka soconaya qaban qaabadii ugu dambeysay, ee loogu diyaar-garoobayo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug, oo maalinta berrito ka dhaceysa magaaladaasi. Doorashadan oo illaa saddex heer ah ayaa waxaa loogu tartamaya kuraasta Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad. Illaa saddex musharax ayaa u taagan jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo kursiga Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ay ku tartami doonaan laba musharax, halka ay laba kale ku baratamayan booska Gudoomiye Kuxigeenka 2aad. Mid ka mid ah musharaxiinta u taagan Gudoomiye Kuxigeenka 2aad waxaa weeye haweeney, waana gabadha keliya ee ku jirta dhammaan xubnaha u tartanaya Guddoonka Baarlamaanka Galmudug. Musharaxiinta oo maanta hortagey Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay ka hor jeediyeen khudbado ay ugu talagaleen inay kaga faalloodaan taariikhdooda iyo waxqabadkooda mustaqbalka, haddiiba la doorto. Sidoo kale musharaxiinta ayaa caawa Magaalada Dhuusamareeb ka wada kulamo kala gooni gooni ah, oo ay la qaadanayan Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Galmudug, iyadoo mid kastana uu juhdi ku bixinayo sidii loo soo dooran lahaa. Loolankan siyaasadeed ayaa waxaa gadaal ka kala riixaya Dowladda Federaalka iyo Wakiilada Siyaasiyiinta Xisbiyada KMG ee dalka ka dhisan, waxayna doorashadan ka duwanaan doontaa kuwii horey u soo maray Galmudug, markaad eegto dhinacyada tunka waaweyn ee ku lugta leh. Wariye-yaasha Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Magaalada Dhuusamareeb ay caawa wajahayso mid ka mid ah habeenadii ugu mashquulka badnaa ee magaaladaasi soo mara, inta ay taariikhda xuseyso. Dhanka kale waxaa la adkeeyay amniga Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Ciidamada Dowladda ay ku dadaalayan, sidii ay ku xaqiijin lahaayen amniga magaalada, ayna u diyaarsan yihiin ka hortagga wax kasta oo liddi ku ah nabadgelyada magaalada. Si kastaba ha-ahaatee dadka ka soo jeeda Gobolada Dhexe ayaa isha ku haya dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, ee ka jira Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in galinkii dambe ee maanta ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwo Mareykan ah duqeyn lala beegsaday xubno Shabaab ah ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose. TV-ga Qaranka oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan hoggaanka ciidanka militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in bartilmaameedka duqeyntaasi uu ahaa labo sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo duqeynta lagu dilay. Duqeyntaas ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dhul miyi ah oo 25KM dhanka waqooyi uga beegan degaanka Kunyo Barrow ee gobolka Shabellada Hoose. Warka soo baxay saraakiisha ciidanka xoogga dalka, ayaa lagu sheegay intii howlgalkaasi socday inay xaqiijiyeen inaysan wax khasaare ah ka soo gaarin dad rayid ah. Warkan laguma shaacin magacyada xubnaha la sheegay in howlgalkaas looga dilay Al-Shabaab oo lagu tilmaamay hor-joogayaal. Inta badan ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka iyo militeriga Soomaaliya ayaa koonfurta dalka duqeymo ugu geysta dagaalamayaasha Al-Shabaab.
  12. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-16012020.mp3 View the full article
  13. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Gen Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, oo ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Maamulka Galmudug, ayaa Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ugu digay inay joojiso fara-gelinta ay ku heyso dhismaha Maamulka Gal-mudug gaar ahaan Xildhibaanada lasoo xulay. Musharaxa ayaa ka digay in isqab-qabsiga siyaasadeed ee Muqdisho loo soo raro Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug kaasi oo uu sheegay in uu dib u dhac iyo qalalaase horleh gelin karo dhismaha Galmudug loo dhan yahay. Waxaa uu xusay in Mushkiladaha Galmudug ay bud-dhig u yihiin laba qodob kuwaasi oo hadii aanan laga digtoonaan ay suuragal tahay in Gal-mudug dhisideeda la carqaladeeyo. Tuuryare ayaa labadaas sabab ku sheegay Xasilooni daro siyaasadeed oo ay sababteeda leeyihiin Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Mucaaradka ayuu sheegay in ay saameysay Gal-mudug taasi oo laga baaqsan karay haddii wadiiqo saxan loo mari lahaa sida uu yiri. Sidoo kale waxaa uu carabka ku adkeeyay in Amni darada dhul badan oo Gal-mudug ah oo aan xor aheyn ay qeyb kasii qaadan karto mushkiladaha heysta Maamulkaasi. Hadalka kasoo yeeray Musharax Tuuryare ayaa kusoo aadayo xilli uu Maanta Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay ku dhawaad 50 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Galmudug. Musharax Tuuryare ayaa ah musharax ka madax banaan Dowladda Soomaaliya iyo xisbiyada mucaaradka, wuxuuna kamid yahay musharixiinta ugu cad cad doorashada Galmudug.
  14. Somalia gave Kenya a scare before going down 102-77 on day three of the ongoing Fiba Afro basketball pre qualifiers at the Nyayo National stadium Gymnasium on Thursday. Source: Hiiraan Online
  15. DHUSAMAREEB (HOL) - Newly selected MPs in Galmudug will tomorrow elect a new speaker for the state assembly to pave way for presidential election. Source: Hiiraan Online
  16. (SLT-Jabuut)-Dawladda Djibouti ayaa maanta si rasmi ah uga hadashay bayaankii dhawaan ka soo baxay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP-World oo sheegtay in ay mar kale ku guulaysteen dacwad kala dhexaysay dawladda Djibouti, oo ay qaadaysay maxkamad ku taala magaalada London. Dacwaddan ayaa qayb ka ah dacwado ka horeeyay oo ay shirkaddu u gudbisay maxkamadda dalka Britain kadib markii ay dowladda Djibouti waxba kama jiraan ku tilmaantay heshiis hore oo ay labada dhinac wada galeen sanadkii 2006. Haddaba maamulaha guud ee dekedaha dalka Djibouti Abubakar Cumar Xaddi, oo manta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Djibouti ayaa sheegay in aanu jirin haba yadhaatee heshiis toos ah oo ay la galeen shirkadda DP-Wolrd, balse shirkadaasi ay qayb ka ahayd maal galinta dekedaha Djibouti. Source
  17. Iran is enriching more uranium per day now than before the country signed a nuclear deal with major world powers, President Hassan Rouhani said Thursday. Source: Hiiraan Online
  18. Dalia al-Aqidi is a Muslim Iraqi refugee who says she's tired of hearing Rep. Ilhan Omar, D-Minn., play identity politics while using language she believes is "dividing" America. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay mashruuc Degmada Kaxda oo lagu dhisayo xarun Caafimaad oo bulshada si bilaash loogu adeego. Mashruucan ayaa qeyb ka ah mid lagu hirgalinaayo goob waxbarasho oo carruurta si lacag la’aan ah wax ugu bartaan iyo sidoo kale Masjid lagu cibaadeesto. Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in mashaariicda uu maamulka Gobolka Banaadir ka hirgelinayo Degmada ay soo dhaweynayaan, maadaama ay yihiin baahiyaha gaarka ah ee ka jirta degmada Kaxda. Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siin doonaan hirgalinta adeegyada aas aasiga u ah bulshada ku nool caasimadda. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo dhagay xarunta caafimaadka ayaa balan qaaday in maamulkiisa uu xoojin doono mashaariicda kor loogu qaadayo dib u dhiska Caasimadda. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-16012020.mp3 View the full article
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dhawaan la magacaabay gudoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan, kadib markii muddo saddex sano ah ay isku khilaafsanaayeen ganacsatada waa weyn ee gobolka Banaadir kuwaas oo isku heystay cidda qabaneysa xilkaas. Masuuliyiin sare-sare oo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa isku dayay iney khilaafkaan xaliyaan, waxeyna ganacsatda ka codsadeen iney xal la yimaadaam, kuna buuxiyaan booska banaan hanaan ay heshiis ku yahiin. Qaar ka mid ah ganacsada Soomaalida oo la hadlay VOA-da ayaa xaqiijiyay iney Al-Shabaab u yeereen ganacsatadii is hayay waxyar kadib markii ay dowladda ka codsatay ganacsatada iney booskaan kusoo heshiiyaan. Sida ay sheegtay xogta VOA, waxaa la isugu tagay meel ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose. Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa ka cudur daartay iney tagaan halka qaar kalana ay wakiilo dirsadeen. Muddo laba cisho ah oo ay halkaas joogeen, dood iyo wadahadal dheer kadib, waxaa loo sheegay iney aqbalaan in Axmed Cabdullaahi Xasan uu yahay gudoomiyaha rugta Ganacsiga. Ganacsatadii arrintaan uga waramay VOA-da ayaa bixiyay xogo isku mid ah, balse waxey qabeen kaliya cabsi badan oo dhanka amaankooda ah. Mid ka mid ah ganacsatada oo la hadlay VOA, balse codkiisa la beddelay, ayaa sheegay in qaar ka mid ah ganacsatada ay u dacwoodeen Al-Shabaab, iyagoo ku andacoonaya in qaar ka mid ah shaqsiyaadka ay wax kala dhaxeeyaan kaliya hadalkooda ay dowladda tixgalineyso. Sidoo kale wuxuu qofka hadlay sheegay in markii la dhageystay dooda ay Al-Shabaab go’aansadeen qof ay iyaga wataan iney xilka u magacaabaan, sidaas darteed labadii qolo ee is dacweysay ay ku qasbanaadeen iney aqbalaan go’aanka, waxaa intaas dheer in gudoomiyaha cusub uu hadda ku shaqeynayo xafiiskiisa. 17-kii December 2019 ayey aheyd markii gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed uu ku dhawaaqay inuu magacaabay gudoomiyaha cusub rugta ganacsiga ee gobolka Banaadir. Maxamud Cabdikariim Gabeyre, oo ah gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed, oo la hadlay VOA, ayaa beeniyey in Al-Shabaab ay u yeeriyeen magacaabista, wuxuuna carabka ku adkeeyay iney arrintu tahay mid ay kasoo shaqeeyeen. Mr. Gabeyre wuxuu qiray in gudoonka ay dhiseen uu ka kooban yahay lix xubnood, isla markaana aysan jirin wax ay u yeeriyeen Al-Shabaab, wuxuuna sharaxay iney wax badan ka shaqeeyeen maadaama booska uu banaanaa tan iyo markii uu geeriyooday Cabdirashiid Shire Ilqeyte. Sidoo kale, gudoomiyaha wuxuu ka dhawaajiyay in guddoonka ay magacaabeen ay heyn doonaan xilka muddo laba sanadood ah, kadibna doorasho loo gali doono booskaas. Gabeyre wuxuu u sheegay in dad, uu ugu yeeray iney magac xumeynayaan ganacsiga Soomaalida, ay qaadeen tallaabada ay kaga been sheegayaan arrimaha la xiriira rugta ganacsiga. Arrintan waxey kusoo aadeysaa xilli laga warqabo in Al-Shabaab ay galaangal fiican ku leeyahiin ganacsiga Soomaalida, sidoo kalana awood u heystaan iney canshuuraan. Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa ka walaacsan saameynta ay Al-Shabaab ku yeelan karaan ganacsiga Soomaalida. Gabeyre, oo su’aal laga weydiiyay hadii loo dhamaa magacaabista ay sameeyaan, wuxuu si dadban u qiray ineysan jirin arrin loo dhan yahay, balse wuxuu qiray in sida ugu badan ganacsatada ay isku raaceen gudoonka cusub, isla markaana muddo lix bilood ah la gorfeynayay. Warbixintaan ay sameysay VOA-da waxaa lagu sheegay in ganacsiga qaarkiis ay u xiran yahiin dad gaar ah, isla markaana aysan qof kale ka ganacsan karin, hadii la isku dayana loo dacwo tago Al-Shabaab. Mid ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir oo sababo amaan magaciisa loo qariyay ayaa sharaxay sidey wax u jiraan. Ganacsadaha la wareestay wuxuu ku dooday in ganacsiyada qaar ay dad u xiran yahiin, hadii la dareemo iney shirkadaada sare u kac sameysana aad la kulmi karto in lagu dacweeyo. Sidoo kale wuxuu sheegay in gudoomiyaha la doortay uusan aheyn shaqsi ku dhaqmay ganacsiga Soomaaliya ama aad aqoon ugu leh, inkastoo uu sheegay inuu dhanka ka ganacsiga gawaarida kasoo galay. Axmed Cabdullaahi Xasan, oo isna la hadlay VOA-da, ayaa beeniyay in magacaabistiisa ay lug u leedahay Al-Shabaab, sidoo kalana uu muddo ku dhaw rubuc qarni ku jiro ganacsiga Soomaalida. Wuxuu sidoo kale wuxuu dafiray inuu ku lug leeyahay kaliya ka ganacsiga gawaarida. Wuxuu aaminsan yahay inuu howsha loo idmaday, sida ugu wanaagsan u qaban karo, waxaana intaas dheer inuu sidoo kale iska fogeeyay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka Al-Shabaab u sahlay iney canshuur kusoo rogaan ganacsatada wax kala soo dagta dekedda Muqdisho. Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo ay u direen VOA-da ku sheegay ineysan waxba kala socon magacaabista dooda laga keenay ee lagu doortay gudoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir, sidoo kale Wasiirka Ganacsiga ayaa diiday in laga wareysto arrimahaan. Taliyihii hore Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sambaloolshe, oo ah qof aad ugu xeel dheer ka hadalka amaank,a ayaa qiray in Al-Shabaab ay ugu suuragashay iney la falgalaan hay’adaha dowladda iyo kuwa bulshada rayidka ah, maadaama aysan jirin dagaal ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM kula jiraan Al-Shabaab, marka laga reebo duqeymaha cirka ah ee mar mar lagu weeraro. Sambaloolshe ayaa intaas ku daray in bulshadu ka daaleen isku xir la’aanta hay’adaha dowladda iyo Bulshada, wuxuuna dhaliilo badan usoo jeediyay hay’adaha ku shaqada leh. Dhawaan ayey aheyd markii gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish uu la kulmay gudoomiyaha cusub ee rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan. Mr. Filish wuxuu diiday inuu beeniyo ama rumeeyo wararka tilmaamaya in Al-Shabaab ay doorteen qofka loo magacaabay gudoonka sare ee rugta ganacsiga gobolka, wuxuuna ka dhawaajiyay in hay’adaha ku shaqada leh ay u taallo. Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aaminsan in Al-Shabaab ay ka gudbeen marxaladoodii u dagaalanka diinta isla markaana ay u xuubsiibteen iney dhaqaalo sameeyaan. Iney la falgalayaan ganacsiga waxey tilmaameysaa jihada ay u socdaan, iyadoo la aaminsan yahay iney jirto xagal fiican oo dadka la tusi karo taasoo ah ineysan heli doonin dhalinyaro ay mar kale qaab dagaal u abaabulaan kuna dagaalama magacooda. Hoos ka dhageyso barnaamijka VOA https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/10e20a79-af81-494e-b73a-efd644f2f7ef_48k.mp3
  22. (SLT-Boorama)-Suldaan Abshir Oo Muddo Ku Xidhnaa Xabsiga Madheera Oo Maanta Borama Lagu Soo Dhaweeyay, halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Berbera)-Xukuumadda Somaliland ayaa joojisay bandhig suugaaneed uu Berbera ku qaban lahaa Abwaan Xasan Daahir Weedhsame. Abwaanka oo aan la xidhiidhay ayaa ii xaqiijiyay in laga joojiyay munaasabadda. maamulka Berbera weli kama hadal sababta loo joojiyay bandhig suugaaneedka Weedhsame. Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyayaasha 2da Xisbi Mucaarad Ee WADDANI iyo UCID C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro” Iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa galabta Magaaladda Hargeysa kullan khaas ah kula yeeshay Safiirka Dawladda Ingriiska u qaabilsan Arimaha Somaliland iyo Somalia Ambassador, Ben Fender iyo Wakiilka Dawladda Somaliland Ee Arimaha Igriiska Mr. Stuart Brown. Kullan ayaa ku soo afmeermay Jawi degan iyado waxa ugu weyn ee laga wada hadlayna aheyd sidii dalkan doorasho uga dhici laheyd 2020 taas oo bulshadda Somaliland iyo Beesha Caalamka u arkaan iney dalkan iyo dadkanba dan u tahay balse aaney xukumadda KULMIYE diyaar u aheyn Source