Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,298
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Raysal wasaaraha Dowlada Federaalka Xasan Cali Kheyre ayaa maanta joojiyey Mashruuc horumarineed oo ku baxaya 112 Milyan oo dollar kasoo loogu tala galay Horumarinta Magaalooyinka [...] Source
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa, AFRICOM ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in mintidiin Al-Shabaab ah oo kasoo gudbay xuduudda Soomaaliya ay fuliyeen weerarkii horaantii bishan lagu qaaday saldhigga Manda Bay ee Lamu – Ayaga oo gacan ka helaya dad ku sugan gudaha Kenya. “Waxaan qiimeynay in Shabaabka ay ka yimaadaan Soomaaliya, balse ay taageero ku helaan fududeeyayaal ku sugan gudaha Kenya, iyo Kenyan ku haminaya inay noqdaan Al-Shabaab,” waxaa sidaas yiri Brig. Gen. Gregory Hadfield, oo ah agaasime ku-xigeenka sirdoonka ee AFRICOM. “Waxaan sidoo kale qiimeynay in kadib weerarkii ay kusii socdaan inay dib ugu laabtaan Soomaaliya,” ayuu yiri. Henry Mayfield Jr. oo ka tirsanaa ciidamada Mareykanka iyo laba qandaraasle oo kale oo la shaqeynayey wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu dilay weerarkaas, oo weli baaritaan lagu hayo. Inkasta oo weerarkaas uu kusoo aaday xilli ay aad u kacsaneyd xiisadda Mareykanka iyo Iran, haddana saraakiisha AFRICOM waxay sheegeen inay rumeysan yihiin in labada dhacdo aysan wax xiriir ah lahayn. “Si dhab ah uma sheegi karo waxa ujeedkoodu ahaa, balse waxaan u malaynayaa inay damacsanaayeen olole warbaahineed oo ay ku qoranayaan dagaalyahano cusub, sababtoo ah mar kasta oo ay weeraraan Mareykanka waxa sameynayaan sidaas,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howl-gallada AFRICOM Gen. William Gayler. Saraakiisha AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab damacooda ugu weyn uu yahay inay weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka, oo ay ku jiraan gudaha dalka Mareykanka, hase yeeshee aysan xilligan lahayna awooddaas. “Waxaan ognahay in cadaadiska xooggan ee aan ku saarno Soomaaliya, aysan hadda lahayn awood ay ku weeraraan gudaha Mareykanka, sababtoo ah cadaadiska aan ku saarno Soomaaliya, ayaa ka hor taagan,” ayuu yiri Gayler. Mareykanka ayaa wixii ka dambeeyey markii uu xukunka qabtay madaxweyne Donald Trump sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.
  3. At least four people have been killed and 15 others wounded in a suicide car bomb attack claimed by the al-Shabab group near the capital of Somalia, according to authorities. Source: Hiiraan Online
  4. Shir looga hadlayo Xaalada Soomaaliya iyo Dastuurka ayaa Jubbaland iyo Puntland wuxuu uga furay amagaalada Bosaso ee Gobolka Bari. Madaxweynayaasha labada Dhinac ayaa daahfuray kulanka [...] Source
  5. The federal government is committing $200 million for affordable rental units at the Bloor Street West and Bathurst Street site where iconic department store Honest Ed’s once stood, with Social Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-18012020.mp3 View the full article
  7. Maaddaama xannibaadda magaalada dul saaran oo marba marka ka dambeysa ka soo dareysay ay hadda mareyso heerkii ay ugu liidatay uguna khatarta badnayd waxaa loo baahan yahay laba. Maskax aan weerar ku ahayn Dowladda Federaalka iyo tan Gobolka, laakiin soo bandhigta runta isu socodka magaaladooyinka Muqdisho ayaa loo baahan yahay. Sidoo kale, Dowlad aan iska dhegatirin shacabka, iska-caabbin iyo difaac uun la yuururin ee isku kalsoon oo wax hubsata, xaldoonna ah ayaa iyadana loo baahan yahay. Muqdisho magaalo ma aha ee waxay noqotay magaalooyin isku ag yaal oo kala xiran. Khatar, xanuun iyo xanaaq is barkaday ayaa dhex jiifa. Xal, waliba dhakhsa ah ayay u baahan tahay. Xal waa suurta gal haddii la is maqlo, la isku dayo in la is fahmo, ujeeddadana laga wada dhigto in xal la helo. Madaxda Federaalka iyo xataa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isku Muqdisho shacabka kulama noola, iyaguna isku Muqdisho kuma noola. Waddo u xiran ayay gawaari xawaareyneysa ku maraan. La iigama sheekeynayo oo Dowladdaan iyo tii ka horreysay iyo waliba mid aad uga sii wada horreysay, waddo xiran oo lagu xawaareynayo waan maray. Madaxda fuushan baabuurtaa waddada xiran ku xawaareyneysa, xog marka ay u baahdaan waxaa u warrama kuwo u qaba in xaalku caadi yahay ama ayaga oo og dhibka jira haddana aan sheegin sabab kasta ha keentee. Xataa haddii Madaxda la gaarsiiyo warka, isku mid ma aha wax lagaaga sheekeeyay iyo marka ay adiga ku qabsato. Dhowr Muqdisho Waxaan adeegsaday Muqdishooyin, sababta oo ah waddada wadnaha ayaa magaalada u kala qeybisay laba Muqdisho oo aan isu gudbi karin. Gaar ahaan Muqdishada Wadnaha ka sarreysaa aanay u gudbi karin Muqdishada badda ka xigta. Irdaha fara ku tiriska ah ee laga galo ayaa baabuurta iyo dadka wataa telefoonno la taagan yihin si ay ula hadlaan saraakiisha fara ku tiriska ah ee u oggolaan kara in ay Muqdishada kale u tallaabaan. Iyada oo taasi jirto ayay haddana qeybo badan oo magaalada ahi waxay awalba ahaayeen lama galaan u oodan hey’ado Dowladda ah, Safaarado, Sharikado iyo ciidammo shisheeye. Madaxtooyada oo ku oolli jirtay Wardhiigleey, waxay hadda noqotay Jaziirad fideysa oo waxay daafaha la gashay ama ilaaladeeda hordhaca ahi ay jidgooyo ka sameysteen Boondheere, Xamar Weyne, Waaberi iyo Howl Wadaag. Waxayna si joogta ah u naafeysay waddada ugu caansan magaalada, waa Waddada Maka al Mukarrama iyo waddooyin kale oo badan oo ay ka mid tahay Waddada Maxamuud Xarbi. Shacab iska daa, xataa saraakiisha sare ee booliiska ayaanay u sahlnayn in ay Taliska booliiska tagaan. Bartamaha Xamar Weyne iyo Shingaanni waxaa ku habsaday, nuurkana ka qaaday labada xeyndaab ee waaweyn ee midna uu ootay Gobolku midna ay ooteen Isbahaysiga Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe. Intuba waxay garan waayeen waddooyinka gaaggaaban ee hor iyo hareera mara in ay dayactiraan. Arrintaasi waxay naafeysay farasmagaalaha Muqidishadii loo yiqiin magaalada hoose. Isla Xamar Weyne iyo Xamar Jajab waxaa waddada xeebta goostay Isbahaysiga Xabsiga Dhexe iyo Garsoorka, taas oo dhib ka dhigtay in uu dadweynuhu ka adeegto kawaanka kalluunka. Isbahaysiga Gegida Dayaaradaha iyo duulka Xalane deggan waxaa u xiran aag aan labadaas xero ku koobneyn oo ay ilaaladoodu jidka dhex joogaan Xamar Jajajab, Waaberi iyo Wadajir. Aaggaasi wuxuu aad uga weyn yahay Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood. Taliska Nabad Sugidda wuxuu Jaziirad ka sameysatay Shibis iyo Cabdalcasiis iyada oo Godka Nabadsugiddana aag dhan u xiran yahay Boondheere dhexdiisa. Wasaaradaha iyo Safaaradaha qaarkood waxay goosteen waddooyin qaar laga dhex dhisay Ganjeello uu quful saaran yahay. Tusaaleyaashu intaa ka badan. Laakiin hadda waxaa cusub in isu socodka magaaladu uu qarka u saaran yahay in uu gebi ahaanba xirmo. Hal Waddo oo Keliya Saddex waddo oo Number Afar iyo Cabdalcasiis ilaa Kaaraan isku xiri jiray ayaa midkood ay Dowladdu xiratay. Mid kale dayactir ayaa laga billaabay iyada oo dhiniciisa kale uu xiran yahay. Tusaale Kawaanka Kalluunka waddada tagta dhinac waa ay ka xiran tahay dhinacna dayactir ayaa ka socda. Caqliga Xamar ma qorin marka dhinac laga soo dhisayo dhinaca kale in gaadiidka loo furo. Haddii aad joogto Xamar Jajab ama Waabberi oo aad u socoto Boondheere ma mari kartid waddada Xeebta oo ah tan aan tilmaamay. Ma mari kartid via Roma, Marwaas iyo Raqeyga oo Gobolka iyo Maaliyadda ayay u xiran yihiin. Ma mari kartid Tiyaatarka oo Madaxtooyada ayuu u xiran yahay. Isu socodka magaalada ee labada dhinac ee aan tilmaamay wuxuu hadda isugu soo ururay hal waddo oo ciriiri ah, zigzag ah oo marba dhan o leexaneysa, boholo waaweyn leh, qashin badan, aan carfeyn siiba marka roob da’o, gaadiidka magaalada in badan oo ka mid ahina ay isku hor go’an yihiin. Qeylada, hoonka, khatarta, xanaaqa uu xanuunku keenay oo lagu shaqlay kuleylka qorraxdu ay meel xun marayaan. Waa waddada luuqyada Ceel Gaab iyo Xamar Weyne isaga dusta ee ah waddada keliya ee isku xirta Liido iyo Number Afar iyo inta u dhexeysa. Sida in aan intaasi ciqaab ugu filneyn, waxaa ku dhex socda shaxaadka, baadda iyo bahdilka goobaha qaar. Waxaa in badan ka dhasha in ay baabuurtu isku xirmaan oo wakhti badan lagu xannibnaado. Taas oo amniga cid kasta oo waddada ku jirta ama hareera joogta halis ku ah. Sidoo kalena halis u ah in ay magaaladu kala go’do. Caqligu ma keenin in waddo inta aan la xirin, la is weydiiyo gaadiidkii mari jiray waddada loo duwi karo. Haddii aanay jirin waddo loo duwaana in la is weydiiyo waddada loo furi karo xataa si ku meel gaar ah. Qiimee Khasaaraha Waddada Xiran Shacabka magaalada Muqdisho xorriyaddooda dhaqdhaqaaq beri hore ayay oggolaadeen in laga qaado. Waxay isugu jiraan qaar ku beddeshay rajo ay ka qabaan in amniga la sugo iyo qaar aan ku qancin laakiin garan waayay wax ay awoodaan oo sidaa uga dhib iyo khasaare yar. Cidi ma xisaabin khasaaraha dhaqaale ee waddooyinka xiran ay sababeen. Lama hubin sida ay u saameeyaan bukaanka iyo dhaawaca doonaya in Isbitaal lala gaaro. Lama oga inta dadka la xannibay ee nooc walba leh carada ay ka qaadeen ee ay Dowladda u qabaan inta ay gaarsiisan tahay. Lama qiimeyn khasaaraha nooc kasta leh. La isma weydiin in cabsida intaa le’eg ee nolosha caasmiaddu ay socon la’dahay ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay cid kasta oo cadow ku ah dadweynaha Soomaaliyeed ee Muqdisho. Xal waa la heli karaa. Gobolka Banaaddir iyo Dowladda Federaalka oo magaalada kaliya ee aan amarkeeda laga dabahadal ay tahay Muqdisho, waxaa looga baahan yahay in ay xal la yimaadaan ama ay la tashi la sameeyaan dadweynaha Magaalada deggan. Waxa la yiraahaa marka qof neefta lagu celiyo, wuu illoobaa xuquuqdiisa kale oo dhan. Keliya wuxuu weydiistaa in uu neefsado. Hadda shacabka Muqdisho waxa keliya oo uu codsanayaa waa waddo uu maro in loo furo. Waan hubaa in ay jiraan reer Xamar badan oo iga xog ogaalsan, iyaga ayaan u deynayaa wixii kabid ama haddii aan khaldamay sixitaan ah. Mas’uulka aan ogeyn inta aan sheegay ama shaki uga jiro, isagu ha soo hubsado. Mas’uulka og ama hadda hubsada ee ku qanca oo sidaa ku raalli ah, ma aqaan wax aan u sheego. Midka aan ku qanacsaneyn, wax ha ka qabto, waxaana hubaal ah in dadweynaha Muqdisho ku-noolka-ah ay qaar badan oo ka mid ahi ay diyaar ula yihiin talo iyo waliba in ay gacan ka geystaan in magaalada laga dhigo mid amniga ilaalisa, lagu noolaado, laguna dhaqmi karo. W/D: Yuusuf Garaad Cumar
  8. Jowhar (Caasimada Online) – La-taliyaha sare ee dhanka Saxaafadda Maamulka Hirshabelle State Xasan Cabduqaadir Muudey ayaa eed kulul ujeediyay labada wasiir ee kala ah maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya. Muude ayaa madaxda sare ugu baaqay in baaritaan lagu sameeyo cadaawadda ay kula kacaan maamul goboleedyada dalka. Qoraal uu Muudey soo dhigay bartiisa fakebook, ayaa u qronaa sidan:- Wasiirka Maaliyadda Beyle wuxuu cadaalad darro badan kusameeyay inta uu xilka wasaaraddaasi haayay dowlad goboleedyada Hirshabelle State iyo Galmudug State. Wuxuu si joogta ah Beeyle dadaal ugu bixiyay in uu hor istaag joogta ah ku sameeyo in labadaa maamul goboleed aysan gaarin xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda dhexe. Beyle wuxuu kasoo jeedaa Boorame waligiina hal doollar kuma soo kordhin dowladda dhexe, mana qaadan karno nin halkuu kasoo jeeday aan tagi karin uu cansheerteena nagu dhibaateeyo. Waxaa sidaa lamid ah Wasiirka Qorsheynta Jamaal oo ah shakhsi aad ugu dadaalay isagana in labada maamul goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug la duudsiiyo xuquuqda kasoo gaarta dowladda dhexe. Wasiir Jamaal isagana waa shakshi aan hal doollar ka keeni karin deegaannada uu kasoo jeedo, wuxuuna rabaa in uu markasta canshuurteena isagoo kunool uu na dareensiiyo colaad kusalaysan cadaalad darro noo gaar ah. Ma’ahan wax la aqbali karo in shakhsiyaad aanan tagi karin halkii ay kasoo jeedeen ay carqalad joogta ah kunoqdaan wixii aan xaqqa u laheyn. Waxaan mas’uuliyiinta dowladda usoo jeedinaynaa in labaaro labadaa wasiir caqabadaha ay ku haaayaan dowlad goboleedyada Hirshabelle State iyo Galmudug State.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Maanta lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen Shaqaale u dhashay Turkiga iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda, oo ilaalo u ahaa kaasi oo uu ka dhashay khasaaro kala duwan. Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Hulusi Akar oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay inay dowladiisa cambaareeneyso weerarkii ka dhacay inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye, kaasoo uu sheegay in lala eegtay dad Shacab ah iyo Shaqaale u dhashay dalkaas. “Waxaan dhaleeceynaynaa weerarkii argagixiso ee lala beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan kaasoo lagu dhaawacay 11 qof oo rayid ah iyo afar muwaadin oo u dhalatay dalka Turkiga” ayuu yiri Hulusi Akar. Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay sii wadi doonto garab istaaga Shacabka Soomaaliya, isla markaasna ay ka caawin doonto dagaalka lagu jiro argagixisada. Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya, ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintey, 20 kale oo ay ku jiraan muwaadiniin u dhalatay dalka Turkiga, ayaa ku dhaawacmey kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday kolonyo booliis ah oo galbineysay qandaraasleyaal Turkish ah. Sida laga soo xigtay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, afar shaqaale oo u dhashay Turkye kana tirsanaa shaqaalaha shirkad dhismaha ah ayaa lagu dhaawacay weerarkaas oo ay Al-Shabaab sheegatay mas’uuliyadiisa. Toddobaadkii la soo dhaafay, ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintey markii qarax wadada dhinaceeda la dhigay lala beegsaday ciidamada ammaanka ee ilaaliya muwaadiniinta Turkiga ee ka shaqeynayay dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye. 28-da Bishii Diseembar, ugu yaraan 85 qof oo ay ku jiraan laba muwaadin Turki ah ayaa lagu diley in ka badan 150 kalena waa lagu dhaawacay weerar baabuur ismiidaamin ah oo ka dhacay Isgoyska Ex Control kaasoo ugu dambeyn ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. Dowladda Turkiga ayaa xiriir taariikhi ah la leh Soomaaliya, waxayna gudaha Soomaaliya ka fulisay 150 Mashruuc oo horumarineed tan iyo sanadkii 2011 markaas oo uu Madaxweyne Erdogan booqasho lama filaan ah ku imaaday Muqdisho.
  10. Muqdisho (SMN) – Amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lagu hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka. Amarka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono mashruuca, waxaana laga qeyb gelin doonaa dhammaan dowlad goboleedyada. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa,iyadoo Wasiirka Maaliyadda XFS, wasiirka howlaha guud iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ay maanta si wadajir ah u wada saxiixdeen heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisidoono magaalooyinka Muqdisho,Baydhabo,Kismaayo iyo Garowe. View the full article
  11. Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakiyey mashruucii Bankiga Adduunku ku bixiyey 112 Milyan ee doolar ee lagu horumarin lahaa magaalooyinka Garowe, Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo. War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre oo lagu baahiyey warbaahinta Qaranka ayaa lagu sheegay in la hakiyay mashruuca horumarinta dowladaha hoose ee magaaalo madaxyada dowlad goboleedyada oo saaka la saxiixay. “Iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca horumarinta dowladaha hoose ee magaaalo madaxyada dowlad goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada Maaliyadda dowlad goboleedyada” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Kheyre. Sidoo kale warka Kheyre ayaa lagu sii yiri “dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada”. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka xanaaqay sida la sheegay sababta mashruucan loogu dari waayey Galmudug iyo Hirshabeelle oo uu ka soo jeedo. Bankiga Addunka iyo dowladda Soomaaliya ayaa mashruucan bilowgiisii kala saxiixday 2014, xiligaas oo aysan jiran Galmudug iyo Hirshabeelle. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Howlaha Guud XFS iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay mashuuc ku kacaya 112 Milyan oo doolar oo lagu dhisi doono qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya. Mashruuca la saxiixay oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliya oo kaashaneysa Wasaaradda Maaliyadda waxaa laga fulin doonaa maagaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo iyo Baydhabo, waxaana maalgalinta bixiyey Bankiga Adduunka. Wasiirada Maaliyadda dowlada goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Kunfur Galbeed ayaa dhawaan iyagana laga saxiixi doonaa mashruucan, sida uu sheegay Wasiir Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow. Sidoo kale Wasiirka Howlaha Guud ayaa sheegay in qeybta labaad ee mashruucan laga fulin doono magaalo madaxdyada kale ee dowlad goboleedyada. Mashruucan ayaa magaalo walba ka heshay qeyb ahaan 28-Milyan oo doolar. PUNTLAND POST The post Kheyre oo ka hor-yimid mashruucii horumarinta Garowe, Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku hakiyey fulinta heshiis maanta Muqdisho ay ku kala saxiixdeen wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud iyo Duqa Muqdisho kaasi oo ku kacaya 112 Milyan oo dollar Mashruuca heshiiskan ayaa qorshuhu yahay in lagu dhiso magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe, ayada oo magaaladiiba ay heleyso 28 milyan oo dollar. Hase yeeshee qoraal kooban oo goor dhow kasoo baxay ra’iisul wasaare Kheyre, kaasi oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online ayaa lagu yiri, “Iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada dowlad goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda dowlad goboleedyada.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada.” Amarka kasoo baxay Kheyre ayaa yimid xilli ay heshiiskan aad uga carroodeen dadka kasoo jeeda deegaanada Galmudug iyo HirShabelle, oo aan mashruucan waxba laga siin, ayada oo aan la aqoon sababta. Sida aan xogta ku helnay, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa doonaya in lacagta 112-ka milyan ee dollar ah wax laga siiyo labadan maamul ee laga tagay, ee aan la aqoon sababta, hase yeeshee waxaan caddeyn sida ay uga fal-celin doonaan magaalooyinka filayey 28-ka milyan ee hadda ka yar heli doona. Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa markii heshiiska la saxiixay sheegay in heshiiskan lagu bilaabayo illaa afar magaalo oo kala ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe, balse kuwa kalena ay ku xigi doonaan.
  13. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamiin ah oo maanta ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay Injineero Turki ah oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad shacab ah, askar iyo shaqaale Turki ah. Dr Amiin Samakaal oo ka howlgala xarun caafimaad oo ku taalla Ceelasha Biyaha ayaa inoo sheegay in la soo gaarsiiyey illaa 7 qof oo ku soo dhaawacantay qaraxaasi. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, waxaana ay baahisay inay waxyeelo ku gaarsiisay Injineero Turki ah iyo ciidamo Soomaali ah. Ugu dambeyn safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Memhmet Yilmaz oo u warramay wakaaladda Reuters ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay uga dhaawacmeen ugu yaraan saddex Injineero ah, isagoo intaasi ku daray in dhaawaca ka dhashay weerarkaan uu gaarsiisan yahay 11 ruux oo ay ku jiraan askar ilaali u aheyd Injineerada dhaawacmay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  14. Xildhibaanada golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankii 30-aad ee Kalfadhiga 6-aad ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu Ajandahu ahaa Akhrinta 2-aad ee Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka. Kulanka ayaa waxaa shir guddomiyey guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi, iyada oo ay ku-wehliyaan guddomiye ku-xigeenka 1-aad Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2-aad Moowlid Xuseen Guhaad. Waxaa hortagay Golaha Aqalka Sare wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaaal Maxamed Cusman iyo Xubno kale oo kasocda Wasaaradda. Sidoo kale Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa intaasi kadib ka dooday Akhrinta 2-aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  15. Heshiis maanta ay saxiixeen Wasiirka Maaliayada Dowlada Federaalka Cabdiraxmaan Beyle iyo Wasiirka Howlaha Guud Cabdi Aadan Hoosoow ayaa lagu sheegay in Dhaqaale Gaaraya 80 Milyan [...] Source
  16. Turkey condemned the “terrorist bomb attack” on civilians in Somalia on Saturday, which caused casualties. “We curse and condemn the terrorist attack which targeted innocent civilians in Somalia and injured 11 civilians, including four Turkish citizens,” the Defense Ministry said on Twitter. Turkey will continue to stand by its Somali brothers in their fight against terrorism. According to Somali officials, at least three people were killed and 20 others, including Turkish nationals, injured after a suicide car bomb blast targeted a police convoy escorting Turkish contractors in the Somali capital Mogadishu on Saturday. According to Turkey’s Embassy in Mogadishu, four staffers of a Turkish construction firm were injured in the attack. No group has yet claimed responsibility for the attack. Last week, at least three people were killed when a roadside bombing targeted security forces guarding Turkish nationals who were working for road construction outside Mogadishu. On Dec. 28, at least 85 people, including two Turkish nationals, were killed and over 150 others wounded in a truck suicide attack in Mogadishu, in another attack claimed by al-Shabaab. Turkey has strong historical ties with Somalia on the principle of “win-win” relations, including over 150 development aid projects carried out by the Turkish Cooperation and Coordination Agency since 2011.
  17. Warbixin laga soo saaray xog-ururin iyo daraasado laga sameeyey 125 dal oo intooda badan ku yaalaan Qaaradaha Afrika, Eeshiya, Koonfurta Ameerika iyo bariga Yurub, ayaa lagu sheegay in qiyaas ahaan 40% ay dalalka Adduunku la kulmi doonaan kacdoono dadweyne, mudaharaadyo waaweyn iyo qalalaase sababa dhibaatooyin kala duwan inta lagu jiro sannadkan 2020, kadib markii la ogaaday inay dalalkaas ka jiraan dhammaanba calaamadaha sababi kara xasilooni-daro (civil unrest indicators), iyadoo qiimaynta saadashan laga sameeyey laga reebay dalalka Galbeedka Yurub iyo Woqooyiga Ameerika. Sida lagu sheegay warbixintan oo ay soo saartay shirkad la yidhaahdo Verisk Maplecroft oo xarunteedu tahay dalka Ingiriiska, taasoo ka shaqaysa inay tallooyin ka bixiso istaraatiijiyadda iyo khataraha adduunka habeenkii Jimcaha ee ay taariikhdu ahayd 17 January 2020, calaamadaha sababa kacdoonno dadweyne ayaa laga helay dalalka la saadaaliyey inay dhibaatooyin ka dhici doonaan (waa haddii Ilaahay uu sidaa qaddaro). Haddaba, warbixintan oo aad u dheer, dhinacyo badana taabanaysa, waxa aan ka soo sameeyey qoraal guud-mar kooban ah, iyadoo aan ugu talogalay in faham guud uun laga qaato, balse faahfaahintooda aad kala socon karto lifaaqyada aan soo raaciyey ee ka hoose ku xusan, waxaana warbintan lagu bilaabay sidan; “Ugu yaraan rubuc (afar meelood, meel ahaan) ka mid ah dalalka Adduunka, ayaa soo arkay qalalaase, qulqulatooyin iyo kacdoono dadweyne oo ka socday sannadkii la soo dhaafay ee 2019-kii, iyadoo natiijooyinka ka soo baxay qiimaynta iyo daraasadaha la sameeyeyna ay saadaalinayso in ugu yaraan 75 waddan oo Adduunka ah ay la kulmaan rabshado baahsan iyo mudaharaadyo dadweyne oo ka qarxa inta lagu jiro sannadkan cusub ee 2020.” Waxa ay warbixintu sheegtay in dalalka Hong Kong, Chile, Nigeriya, Suudaan, Hayti (Haiti) iyo Lubnaan ay ka mid yihiin dalal tiradoodu dhan tahay 47 waddan oo dhibaatooyin dadweyne iyo mudaharaadyo waaweyni ka dhaceen sanandkii 2019-kii, iyadoo Xarunta xogtan soo saartay ay ku dooday in tirada dalalka ay dhibaatooyinka la xidhiidha kacdoonnada dadweynuhu gaadhi doonto ilaa 75 dalka. Sida ay Xaruntani sheegtay, tobanka dal ee la filayo inay halista ugu badan kala kulmaan kacdoonnada dadweyne inta lagu jiro sannadkan 2020 ay kala yihiin; dalalka Venesuela (Feenasuweela), Iran, Liibiya, Guinea (Gini), Nayheeriya (Nigeria), Pakistan, Bangladesh, Chile, Falastiin iyo Itoobiya, waxaanna la tilmaamay in dalalkaas ay ka jiraan calaamadaha muujiya inay sababi karaan kacdoon-dadweyne. Meelaha kale ee la sheegay inay ka jiraan dhibaatooyin gunta hoose ka shuuqaya oo keeni kara mudaharaadyo xiliga ay doonaan qarxi kara, waxa ka mid ah dalalka Nayjeeriya (Nigeria), Lubnaan iyo Bolivia (Booliifiya), halka sidoo kale dalalka lagu calaamadiyey in khatarta kacdoono dadweyne oo dhacaa ay xoogan tahay ay ka mid yihiin Itoobiya, Hindiya, Pakistan iyo Zimbabwe, iyadoo ay warbixintu sheegtay in dalka Sudaan uu hoggaanka waddanka khatarta ugu saraysaa ay ku iman karto uu kala wareegay dalka Yemen oo markii hore kaalinta koowaad ku jiray. Warbixinta saadaasha ah ee ay soo saartay shirkaddana indhaha ka lalisay dhibaatooyinka bulsho ee ka dhici kara dalalka Galbeedka Yurub iyo Woqooyiga Ameerika, maadaama la ogyahay dhibaatooyinka la xidhiidha arrimaha bulshada ee ka taagan ama hore uga soo dhacay qaar ka mid ah galbeedka Yurub iyo Woqooyiga Ameerika, balse sida muuqata waxa ay shirkaddani ka shaqaysaa ka-talo-bixinta qaababka lagu xalin karo dhibaatooyinka bulsho, sidaa darteedna waxa ay warbixintan loo fasiran karaa inay tahay mid aan siyaasad ahaan ka madaxbannaanayn dalalka xiligan isugu yeedha ‘Beesha Caalamka oo badankoodu yihiin Maraykanka iyo Galbeedka Yurub, sidaasna ay ku noqonayso mid dhinac ka raran oo aan la isku hallayn karin. Waxa kaloo ay Xaruntan fadhigeedu yahay Ingiriisku sheegtay in waddanka Woqooyiga Kuuriya uu yahay dalka ugu khatarta badan ee la noqon karo qof mudaharaade ah. “Macluumaadka xogaha ah ee ka soo baxay 125 waddan oo baadhis lagu sameeyey, ayaa iftiimiyey in 75 dal oo ka mid ah 125-ka waddan ee la baadhay ay ka jirto xaalad ka sii daraysa oo la xidhiidha dhinacyada xasiloonida iyo in mudaharaadyada ka dhici kara, taasoo macneedu yahay 40% oo ka mid ah guud ahaanba dalalka Adduunka ee tiradoodu dhan tahay 195-ka waddan ay la kulmi doonaan rabshado dadweyne, kacdoono iyo qalalaale halistoodu kala duwan tahay,” ayaa lagu yidhi warbixintan dabo-ka-wererka qabta, taasoo intaas ku dartay in dalalka Ukraine (Yugrayn), Guinea Bissau (Gini Bisaaw) iyo Tajikistan la saadaalinayo in degennaansho la’aantu ay si xooggan sare ugu sii kacdo, iyadoo laga cabsi qabo in sidoo kale dadka mudaharaadayaa ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo ka dhan xuquuqal-insaanka. Saadaashan la sheegay inay ka soo baxday daraasado iyo xog-ururin la sameeyey, ayaa xustay in meelaha ugu badan ee la fili karo in Hay’adaha Ammaanku ay fal-celin xooggan kala hortagaan kacdoonnada dadweynaha ay ka mid yihiin dalalka Ruusha, Sucuudiga, Shiinaca, Turkiga, Thailand iyo Brazil inta lagu jiro lixda bilood ee ugu horeeya sannadkan 2020, kadib markii la ogaaday inay dalalkaas ka jiraan calaamado sababi kara kacdoonno iyo calaamado kale oo muujinaya in ciidanka ammaanku awood xooggan u isticmaali karo falalka noocaas ah. Waxyaabaha ugu waaweyn ee sababi kara kacdoonnada dadweyne ka dhaca meelo badan oo dalalka Caalamka, waxa lagu sheegay inay ka mid yihiin baahiyaha ay dareemaan bulshooyinka nugul, kabista ay dowladuhu ku sameeyaan raashinka iyo shidaalka oo la jaro, sicir-bararka oo sare u sii kaca, khilaafyada siyaasadeed iyo khayraadka dabiiciga ah oo aan si caddaalad ah loo qaybin. By; Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland. . https://www.maplecroft.com/insights/analysis/47-countries-witness-surge-in-civil-unrest/ https://www.dailymail.co.uk/news/article-7895319/Nearly-40-countries-face-civil-unrest-2020-flashpoints-predicted-75-nations.html Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee sababay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay halka 20 kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo ka dhacay jidka Afgooye ee galbeedka Muqdisho. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira dhowr Turkish ah. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka, oo sida ay sheegtay ahaa mid ismiidaamin ah, oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen shaqaalaha Turkiga. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in goobta qaraxa uu ka dhacay ay ku sugnaayeen lix qof oo Turkish ah, ayna dhaawaceen afar ka mid ah, sida ay hadalka u dhigeen. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladaha Soomaaliya iyo Turkey, oo ku aadan qaraxa. 81 qof oo badankood shacab ahaa ayaa ku dhintay weerar 28-kii December ay Al-Shabaab ka fulisay isla waddadan, ayada oo 140 kalena ay ku dhaawacmeen. Al-Shabaab ayaa beegsata waddadan oo uu ka socdo dhimshada jid ay maal-gelineyso dowladda Qatar, waxaana qorshuhu yahay inay joojiso dhismahaas.
  19. (SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax loo adeegsaday gaadhi laga buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo Maanta ka dhacay Bar Koontarool oo ku taalla Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha. Qaraxaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Degmada Afgooye ayaa sigaar uga dhacay Barta-Koontarool ee Boodboodka Afgooye, waxaana lala eegtay Injineero Turki oo ku howlanaa dhisamaha wadada isku xidha Afgooye iyo Muqdisho iyo Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda oo ilaali u ahaa Turkiga. Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay Askarta Tukiga ahaa iyo kuwa Booliska Soomaaliya oo ilaalo ka haayay, waxaana qaraxu qabsaday xili ay ku sugnayeen Barta-Koontarool ee Boodboodka Afgooye. Ugu yaraan Saddex ruux oo turkiga ayaa ku dhaawacmay qaraxa, halka ay waxyeelo kale ay soo gaadhay Ciidanka Booliska dowladda iyo dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa xaqiijiyay in saddex qof oo Turki ah ay dhaawacmeen, kuwaasi oo ku howlanaa dhismaha wadada isku xidha Afgooye iyo Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxaas uu ku dhaawacmay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska, In kastoo weli Warkaas aysan ka hadlin Taliska Booliska Soomaaliya. Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacayay ayaa muujinayay saameynta lahaa qaraxa, waxaana halkaas ku burburay gaadiid kala duwan oo ay lahaayeen Turkiga iyo Ciidanka Booliska Soomaaliya. Source
  20. At least three people were killed and 20 others, including Turkish nationals, injured after a suicide car bomb blast targeted a police convoy escorting Turkish contractors in the Somali capital Mogadishu on Saturday, said officials. Somali government spokesman Ismail Mukhtar Oronjo confirmed the attack to Anadolu Agency over the phone. The attack happened in the town of Afgoye, Lower Shabelle region. “It’s very early to say how many have been killed in the attack but what we know is several people including soldiers were killed and 20 others wounded and casualties could rise,” he said. He also said among those injured were Somalia’s deputy commander of special forces. Meanwhile, Bashir Ahmed, a police official in Afgoye, told Anadolu Agency that three people, including soldiers, were killed in the attack. According to Turkey’s Embassy in Mogadishu, four staffers of a Turkish construction firm were injured in the attack. No group has yet claimed responsibility for the attack. Last week, at least three people were killed when a roadside bombing targeted security forces guarding Turkish nationals who were working for road construction outside Mogadishu. On Dec. 28, at least 85 people, including two Turkish nationals, were killed and over 150 others wounded in a truck suicide attack in Mogadishu, in another attack claimed by al-Shabaab. Turkey has strong historical ties with Somalia on the principle of “win-win” relations, including over 150 development aid projects carried out by the Turkish Cooperation and Coordination Agency since 2011. View the full article
  21. Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay halka 20 kale ay ku dhaawacmeen qarax waxyar kahor ka dhacay jidka Afgooye ee galbeedka Muqdisho. Dadka dhaawacyada ah waxaa ku jira 6 Turki ah oo ka mas’uul ahaa dhismaha jidka Afgooye-Muqdisho, sida ay Anadol u xaqiijisay safaaradda Turkiga ay ku leeyihiin caasimadda Muqdisho. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan inta dadka waxyeelada soo gaartay uu kujiro ku-xigeenka taliyaha Haramcad oo ah ciidamada gaar ah oo Turkida ay tababareen, kana mas’uul ahaa ilaalada jidka. Ilaa hadda qaraxan kama hadlin hey’adaha dowladda federaalka ah iyo kuwa amniga, waana qaraxii 2-aad ee muddo bil ka yar lagu bartilmaameedsado Injineero Turki ah. Ugu yaraan 89 ayaa ku dhimatay halka 100 ka badan ku dhaawacmeen qarax isla jidkaasi ka dhacay 28-kii bishii tagtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Goobta qaraxu ka dhacay Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax ayaa lala beegsaday ajaaniib ah Turkish ah iyo ilaali Soomaali ah oo ay wateen. Goob-joogayaal ku sugan degmada Afgooye, ayaa laga soo xigtay in qaraxaasi, oo ahaa mid ismiidaamin ah lala beegsaday Injineero u dhashay waddanka Turkiga iyo askar ilaalo u ahayd. Inta la xaqiijiyay qaraxaasi, waxa ku dhaawacmay 8 ruux oo 4 kamid ah ay ahaayeen injineero Turkish ah, inkastoo aan weli la soo werin haddii khasaare dhimasho uu jiro. Sidoo kale, dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in muwaaddiniin u dhashay dalkeeda oo ka shaqeynayey mashruuc dhanka dhismayaasha waddooyinka ah ay ku dhaawacmeen qaraxa. Malayshiyaadka Al-shabaab oo durba sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi, ayaa dhankooda xaqiijiyay in ay halkaasi ku dhaawaceen ilaa 4 injineer oo kamid ahaa shaqaalaha Turkish-ka. 28-kii bishii December 2019, laba injineer oo Turkiga u dhashay ayaa ka mid ahaa 80 qof oo lagu dilay weerarkii Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Injineero Turkish ah oo qarax ismiidaamin ah lagula beegsaday Afgooye appeared first on Puntland Post.