Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,298
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxaad ka ogtahay awoodda milateri ee Turkiga? Ciidanka Turkiga Saameynta milateri ee dalka Turkiga ayaa sanadihii dambe aad loo dareemay, waxaan ugu dambeeyay ciidamada Turkiga uu u diray dalka Libya iyo kuwii kasii horeeyay ee hawlgalka ku fuliyay waqooyiga dalka Suuriya. Turkiga oo sidoo kale kamid ah ciidanka Gaashaanbuurta NATO, saldhig aad u ballaaranna ku leh magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ayaa wargeyska the Global Fire power oo ah mid wax ka qora arrimaha milateriga caalamka waxaa uu ku qiimeeyay in uu yahay ciidanka ugu awoodda badan bariga dhexe. Ciidanka Turkiga ayaa kaalinta sagaalaad ka galay qiimeyn lagu sameeyay awoodda milateri ee dalalka caalamka oo gaaraya 137 wadan, waxaana sandkiiba la sheegay in ciidanka Turkiga ay ku baxdo lacag dhan 8 bilyan oo doolar. Dowladda Turkiga ayaa sanadihii dambe xoogga saartay maalgelinta ciidanka, kadib afgembigii dhicisoobay ee sanadkii 2016-ka, waxaana xukuumadda Ankara ay xiriir milateri la yeelatay dalal ay kamid yihiin Ruushka, Qatar iyo Soomaaliya oo ay ku leedahay saldhigga ugu weyn ee ku yaala meel ka baxsan Turkiga. Dalka Turkiga ayaa sida uu qoray GFP waxaa uu ka awood badan yahay dalal ay kamid yihiin Jarmalka, Talyaaniga, Masar, Iran, Israel, Pakistan, Australia, Canada iyo Sacuudiga, waxaana uu awood ahaan ku xigaa dalka Ingiriiska. Awoodda ciidanka cirka ee Turkiga Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga Dalka Turkiga oo ay ku nool yihiin dad gaaraya sideetan milyan oo qof ayaa dadka shaqeeya waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 42 milyan oo qof, waxaana ciidanka dalka Turkiga guud ahaan tiradooda uu wargeyska ku sheegay 735 kun oo askari. Ciidanka sida tooska ah u dagaal geli kara ee Turkiga ayaa jariiradda The Global fire power waxay ku qiyaastay 355 kun oo askari, halka ciidamada heegankana ama keydka ku jira ay gaarayaan 380 kun oo aksari. Turkiga ayuu GFP sheegay in ay kamid yihiin tobanka dowladood ee ugu awoodda badan caalamka, waxaana diyaaradaha ciidanka cirka ee Turkiga lagu sheegay 1,067 diyaaradood, kuwaas oo isugu jira noocyo kala duwan. Diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Turkiga ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 207, halka kuwa wax duqeeya ay iyaguna gaarayaan 207. Diyaaradaha xamuulka ee Turkiga Diyaaradaha xamuulka ee milateriga Turkiga ayaa gaaraya 87 diyaaradood, halka kuwa lagu tababaro ciidamada cirkana ay gaarayaan 289 diyaaradood. Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helikobtarka ee milateriga Turkiga ayaa tiradoodu dhan tahay 792, waxaana 94 kamid ay yihiin kuwa wax duqeeya ee weerarada loo adeegsado. Sidoo kale Turkiga ayaa dhawaan dalka Ruushka kasoo iibsaday gantaalada difaaca cirka ee loo yaqaano S-400, kuwaas oo uu farsameeyay Ruushka, si casri ahna loo farsameeyay. Awoodda ciidanka dhulka ee Turkiga Gantaalada s-400 Ciidanka dhulka ee milateriga Turkiga ayaa kaalinta toddobaad waxaa ay ka galeen ciidamada ugu awoodda badan ee caalamka. Taangiyada dagaalka ee Turkiga ayaa gaaraya 3,200, halka baabuurta gaashaaman ee dagaalkana ay gaarayaan 9,500 oo baabuur. Ciidanka Turkiga ayaa sidoo kale leh madaafiicda goobta ee loo yaqanao Artilariga oo gaaraya 1,120, 350 oo ah hubka ay Soomaalidu u taqaano BM-ka iyo noocyo kale oo ah madaafiic casri ah, kuwaas oo iskood u dagaal geli kara, tiradoodudana ay gaareyso 1,272. Awoodda ciidanka badda ee Turkiga Ciidanka badda ee Turkiga Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa toddobadyo kahor daaha ka rogay gujiskii ugu horeeyay ee lagu farsameeyo gudaha wadankaas, waxaana uu sheegay in kuwa kale oo badanna ay ka shaqeynayaan sameyntooda. Ciidanka badda ee Turkiga ayaa leh 34 marakiib oo lagu ilaaliyo xeebaha dalkaas, 12 gujis, 16 maraakiibta dagaalka iyo 11 maraakiibta kahortagga miinooyinka lagu aaso badda hoosteeda. Ciidanka badda ee Turkiga ayaa sidoo kale leh markab loogu magac daray Peninsula of Anatolia, kaas oo ah markab xambaara diyaaradaha dagaalka. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in marka la gaaro sanadka 2022 ay si toos ah u hawlgelin doonaan gujiska lagu farsameeyay gudaha Turkiga. Gujiska ayaa awood u yeelan doona in uu hawgallo ka fuliyo meelo fogfog. Global Fire Power ayaa sidoo kale soo bandhigay 10-ka da ee milateri ahaan caalamka ugu awoodda badan, waxayna kala yihiin: 1. Mareykanka 2. Ruushka 3. Shiinaha 4. Hindiya 5. Faransiiska 6. Japan 7. Kuuriyada Koonfureed 8. Britain 9. Turkiga 10. Jarmalka Qaran News
  2. More than 40 al-Shabaab terrorists were killed by the Somali National Army (SNA), officials said. Source: Hiiraan Online
  3. City’s municipal credit bank will cancel some debt if young adults engage with training schemes Source: Hiiraan Online
  4. Nearly 100 fishermen in the Somali coastal town of Hobyo, Mudug region, have stopped going out to sea because the town lacks electricity to power cold storage facilities. Source: Hiiraan Online
  5. BERLIN (Reuters) - A Libyan military commander waging an offensive to capture the capital Tripoli is committed to a ceasefire Source: Hiiraan Online
  6. A delegation of World Bank Group Executive Directors (EDs) has concluded its visit to Djibouti after gaining a comprehensive perspective of the country’s current development status and future opportunities, with its focus on youth and women. Source: Hiiraan Online
  7. “Accept the Call” follows Minneapolis resident Yusuf Abdurahman as he struggles to find out why his son attempted to join Isis in Syria. Source: Hiiraan Online
  8. In ka badan 10 ruux ayaa la soo weriyay in ay ku dhaawacmeen Bumbo gacmeed xalay lagu weeraray guri ku yaalla degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho. Laba ruux oo dadkaasi dhaawacmay kamid ah ayaa la soo sheegayaa in xaaladood aad u liidato balse weli lama soo werin wax dhimasho ah oo ka dhashay weerarkaasi. Wararku waxay sheegayaan in guriga Bumbo gacmeedka lagu weeraray ay xilliyada habeenkii ah ku ku caweeyaan dhalinyaro isu’gu jira wiilal iyo gabdho inkastoo aysan weli laamaha Amnigu faahfaahin ka bixin goobta la weeraray. Kooxdii Bumbo gacmeedka ku tuurtay guriga ayaa goobta ka baxsaday oo aan weli gacanta lagu dhigin iyadoo ciidamadu ay halkaas hawlgallo ka wadaan. PUNTLAND POST The post In ka badan 10 ruux oo ku dhaawacmay weerar Bambaano oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa maanta lagu soo geba-gabeeyay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, oo lagu soo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo gudoomiye ku-xigeenka 2-aad. Haddaba maxaa nooga baxay doorashadii maanta maxayse kaga dhigan tahay midda madaxweynaha ee noqon doonto tan ugu adag. Waa kuwan sida dowladda iyo mucaaradka u kala fasireen. Haddii aan ka horeyno dhinaca dowladda. Waxay ku macneeyeen doorashadan inay caddeyn u tahay in madaxweyne loo dooran doono Qoor Qoor, oo dowladda ay gadaal ka riixeyso. Waxa ku doodayaan in mucaaradka oo idil oo isku tagay ay ka badin waayeen 34 cod, marka ay noqoto guddoomiyaha baarlamanka. Maxamed Nuur Gacal oo ahaa musharaxa dowladda ayaa helay 54 cod, halka Cabdinaasir Aadan Cismaan oo la tartamayay, kana socday mucaaradka uu hely 34 cod. Hase yeeshee mucaaradka ayaa ku dooday in sida dowladda wax u dhigeyso aysan ahayn, waxaana xubno la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in 54-ka cod ee uu helay Dr. Gacal ay ku jireen xildhibaanada Ahlu-Sunna. Sida mucaaradka ku doodeen, waxaa jira heshiis dhex-maray Ahlu-Sunna iyo dowladda oo ahaa, in Ahlu-Sunna codadka siiso Gacal, si doorashada guddoomiye ku xigeenka ay codadka dowladda ugu weecdaan dhanka Saadaq Sheekh Yuusuf, oo ahaa musharaxa Ahlu-Sunna, kaasi oo laga adkaaday markii dambe. Mucaaradka waxa ay sidoo kale sheegeen in dowladda ay Ahlu-Sunna uga baxday heshiiskii kadib markii la doortay Gacal, taasi oo ay eedi doonto marka la gaaro doorashada madaxweynaha, sida ay hadalka u dhigeen. Mucaaradka ayaa sidoo kale bixiyey tusaale kale, oo ay ku muujinayaan in codadka uu helay Gacal aysan wada ahayn dad wada taageersan dowladda. Waxay ku doodeen, inay jireen xildhibaano aan diyaar u ahayn in saami qaybsiga beelaha la qaldo, guddoomiyaha baarlamaankana la dhaafsiiyo Beesha Murusade. Taas oo loo arkayay in ay halis galin laheyd awood qaybsiga beelaha Galmudug, sidaas darteed Gacal codad ku helay. Cabdinaasir oo Gacal uu ka adkaay ayaa kasoo jeeda beesha Waceysle, waxaana mucaaradka ay rumeysan yihiin in haddii qof Murusade ah uu la tartami lahaa Gacal, ay sheekada sidan ka duwanaan lahayd. Si kastaba, waxaa xusid mudan in Dr. Gacal uu 9 bilood olole waday, islamarkaana dhaqaale xooggan ka helay dowladda, halka Cabdinaasir uu ololihiisa billaabay saddex maalmood ka hor, taasi oo 34-ka cod ee uu helay ka dhigeysa wax aad u weyn. Waxaa kale oo xaqiiq ah in musharaxa dowladda ee madaxweynaha Qoor Qoor uusan wada heli doonin 54-ka cod ee uu helay Gacal, maadaama ay ku jiraan dad codka u siiyey in la ilaaliyo saami qeybsiga beelaha. Wax kasta oo ay ahaataba, sidee doonaana dhinacyada ha u fasireen wixii maanta dhacayn, waxaa xaqiiq ah inay dhici doonto doorasho madaxweyne oo aad u adag aadna la isugu dhow yahay, suurta-galna ay tahay in xitaa hal cod lagu kala adkaado.
  10. DJIBOUTI has rejected a London Court of International Arbitration ruling that DP World should be handed back control of Doraleh Container Terminal following the premature truncation of an operating concession Source: Hiiraan Online
  11. Six Somali government soldiers and 19 militants were killed when Islamist group al-Shabab attacked two bases before dawn Friday, according to officials and residents. Source: Hiiraan Online
  12. Galmudug lawmakers have on Friday elected new speaker during an election in the state’s capital, Dhusamareeb. The crucial vote comes ahead of the presidential election which is expected to take place later this month. Nur Mohamed Ga’al was declared winner of the parliament speaker after winning majority votes. Ga’al has garnered 54 votes while his rival, Abdinadir Adan Osman got 34 votes. One vote was spoilt. Galmudug parliament is made up of 89 MPs with Ahlu Sunna Wal Jamaa allocated 20 seats under a deal with the Somali Government. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay cabashada hooyo Amran Maxamed Cismaan oo sheegtay in gabar ay dhashay oo 16 jir ah ay haystaan ciidamada ilaalada madaxtooyada. Agaasimada madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan cabashada hooyo Amran. “Waan maqalnay qaylo dhaanta Hooyo Amran Maxamed Cismaan oo ilaa shalay baraha Bulshada lagu faafinayay, waxaana xiriir la sameynay Maxakamadda kiiska gacanta ku haysa, xeer ilaaliyaha dacwada soo oogay iyo Madaxda askarta la eedeeyay.” Ayuu yiri Cabdinuur. Waxa uu sheegay in sida wax u jiraan iyo sida wax loo tebinayo “ay kala fog yihiin,” sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa ii muuqata in baaritaan daahfuran loo baahanyahay si la isu waafajiyo cabashada hooyada iyo aragtida ay qabaan qeybaha kala duwan ee kiiska ku lug leh. Xoguhu sida qolo walba u tabinayso waa wax kala fog.” “Inta taas laga xaqiijinayo, waxaa habboon in laga fogaado buunbuuninta wararkan hubinta u baahan, warbaahintuna waa in ay dheelli-tir ku sameyso waxa ay bulshada la wadaagayso si aan loo sii abuurin jahwareer kale.” Ayuu yiri. Cabdinuur ayaa sheegay in qoyska Amran uu u xaqiijiyay inay caddaaladda ku garab istaagayaan, ayada iyo qof kasta oo dhibbane ah, loona baahanyahay inaan laga hordhicin baaritaannada haatan socda, sida uu hadalka u dhigay.
  14. Muqdisho (SMN) – Guddoonada labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guddoonka cusub ee baarlamaanka Dowlad gobaleedka Galmudug oo maanta lagu doortay magaalada Dhuusa-mareeb. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFJ mudane Maxamed Mutual Sheep Cabdiraxmaan oo lahadlay Wakaaladda Warrant(SONNA) ayaa u hambaleeyay guddoomiye Dr Maxames Nuur Galaxy iyo Ku-xigeenadiiaa,isagoo u rajeeyay in eebe uu Ku guuleeyo xilka look igmaday. Sidoo kale mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi gudddoomiyaha Aqalka sare oo wakaaaldda (SONNA) ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediye guddoonka baarlamaanka Galmudug. Wasiirka Arrimaha gudaha XFS mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kula dar daarmay guddoonka baarlamaanka Galmudug ee la doortay in si hufan ay u gutaan waajibaadka loo doortay Maal Maha soo socda ayaa lafilayaa in la qabto doorashada madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug. View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-17012020.mp3 View the full article
  16. Baarlamaanka Galmudug ayaa ugu dambeyn doortay Guddoomiye ku xigeenka labaad, oo ay noqotay Haneeney. Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug waxaa ku tartamay labo musharax oo kala ah xildhibaan Faadumo Cabdi Cali (Faandhe) iyo xildhibaan Maxamed Axmed Maalin, waxaana ku guuleysatay Faadumo Faandhe. Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Faadumo Cabdi Cali ay heshay 47 cod, halka musharaxii la dartamay Maxamed Maalin uu helay 41 cod. Faadumo Faandhe ayaa noqoneysa haweeneydii labaad ee Guddoomiye ku xigeen ka noqota Baarlamaanada dowlad goboleedyada, horey ayey Haweeey uga mid noqotay Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle. Doorashadii Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa la soo gabagabeeyey, waxaana maalmaha soo socda la dooran doonaa Madaxweyne iyo ku xigeen. PUNTLAND POST The post Haweeney ka mid noqotay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga jawaabay hadal dhowaan kasoo yeeray guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, oo isku dayey inuu eeda dhiibistii Qalbi-Dhagax ka wareejiyo madaxweyne Farmaajo. Cabdi Xaashi ayaa hadalka jeediyey maamlo un kadib markii Qalbi-Dhagax uu bixiyey wareysi xasaasi ah oo uu kaga hadlay gefki iyo xadgudubkii uga yimid Farmaajo. Hoos ka aqriso jawaabta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Gudoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi wuxuu ogolaaday in noqdo denbi qariye, eed ka roge iyo asture loo isticmaalay in uu eedda kiiska Qalbidhagax ka rogo madaxweyne Farmaajo kuna g eddiyo Sanbalooshe. Waase isku day si farsamo xumo ah loo soo qorsheeyey dhanka su’aasha loo dhigay iyo jawaabta uu Cabdi Xaashi bixiyey intaba. Waraysiga Cabdi Xaashi waxaa lagu soo beegay maalmo yar ka dib waraysigii xanuunka badnaa ee la ii sheegay in ay Villa Somalia ka hurdi waysay ee uu bixiyey Qalbidhagax oo eed culus dusha ka saaray madaxweynaha. Cabdi Xaashi wuxuu leeyahay Sanbalooshe ayaa marin habaabiyey madaxweynaha, haddii ay sidaa tahay muxuu madaxweynuhu xilka uga qaadi waayey Sanbalooshe oo xilka 3 oo kale sii hayey? Muxuuse madaxweynuhu u diidi waayey go’aanka ay xukuumaddiisu Qalbidhagax iyo ONLF ku sheegtay in ay argagexiso yihiin? Haddii Cabdi Xaashi uu waraysigan bixin lahaa maalmihii doodda kiiska Qalbidhagax taagnayd, waxaan la is oran lahaa waa ka daacad wuxuu sheegayo, laakiin isagoo xog-ogaal u ah xaqiiqada dhacdooyinka isdaba taxnaa ee kiiska Qalbidhagax in uu si ula kac ah masuuliyadda uga leexiyo madaxweynaha kuna eed tiro waxey dhaawacaysaa shakhsiyaddiisa, wuxuuna ku gabood falay xilka uu ummada u hayo, wuxuu ku xadgudbay garaadka muwaadinka Soomaaliyeed. Sababta keli ah ee uu Sanbalooshe eedda u saarayana, waa ‘miskiin baa miska la fuulo leh’, maadaama uusan haatan xil haynin, sababtoo ah intii uu Sanbalooshe xilka hayey Cabdi Xaashi marna kiiska Qalbidhagax kama hadlin, horayna weligii ugama hadal. Haddii dhiibistii Qalbdhigax ee shalay ay marada ka ridday waddani N&N, maantana waxay marada ka riday waddanigii Kacaanka. Soomaaliyeed iska jira kaligiis waddani iyo kaligiis Islaam.
  18. Xaaji Cali (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoobaxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in 15 dagaalyahan oo Al-Shabaab lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe. War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in 26 kale oo Shabaab ah lagu dhaawacay dagaalka. Ciidamada ayaa sheegay in xalay abaare 2:00 AM ay ka hor-tageen dagaal Al-Shabaab u qorsheeyeen ciidanka kadib markii warbixin laga helay qorshahooda, sida ay hadalka u dhigeen. “Cadowga waxaa loo dhigay jig gooyo qoreysan si xirfadi ku dheehantahay waxaa loo burburiyay raacyadiisa hore, waxaan ku gaaray goobta lagu dagaalamay qasaare aad u badan taas oo keentay in ay tiro 4 jeer ah weerar soo qaadan si ay u qaataan meydad iyo dhaawac farabadan ee goobta ka dhacay.” Ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka. Ciidanka Xoogga dalka ayaa qirtay in dagaalka ay uga dhinteen 1 sarkaal, 1 sarkaal Xigeen, iyo 2 askari, halka saddex askarina ay uga dhaawacmeen. Kooxda Al-Shabaab weli war rasmi ah kama soo saarin dagaalkan.
  19. Dhuusamareeb (SMN) – Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta oo Jimce ah wuxuu si rasmi ah u doortay gudoomiye ku xigeen labaad. Faadumo Cabdi Cali iyo Maxamed Sheekh Axmed Maalin ayaa ku tartamay xilkaan. Coddeynta waxaa ka qeybgashay 89 mudane. Guddiga doorashadda ayaa ku dhawaaqay in Faadumo ay kusoo baxday xilkan kadib markii ay heshay 47 cod, Maalina uu helay 41 cod. Maxamed Axmed Gacal ayaa loo doortay afhayeenka xeer-dejinta dowlad goboleedkan Soomaaliyeed. C/llaahi Xirsi Maxamed ayaa noqday gudoomiye ku xigeenka 1aad markii uu 59 cod kaga badiyey Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim oo helay 29 cod. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor-imaad saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe. Is-rasaaseynta ayaa laga soo wariyey degaanka Xaaj Cali oo ku dhow degmada xeebta leh ee Cadalle ee gobolkaas. Isku dhaca oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo dagaalamayaal Al-Shabaab ka tirsan ayaa yimid kadib weerar ay soo qaadey xarakada. Qof kamid ah dadka degaanka ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in uu jiro khasaaro balse uusan caddeyn karin tiradda guud. Xaalada meesha ay wax ka dhaceen ayaa haatan ah mid degan, isu socodka iyo dhaqdhaqaaqa gaancsiga ayaana caadi kusoo noqday. Inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhaca falal noocaan ah, iyaddoo saraakiisha ammaanka aysan wali ka hadlin arrintaan. View the full article
  21. Boosaaso (SMN) – Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa kulamo siyaasadeed kawada magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari. Axmed Madoobe oo ka hadlay shir jaraa’id ayaa sheegay in ay kawada hadli doonan danta Soomaaliya iyo arrimaha doorashoouinka. Saciid Cabdullaahi Deni oo wehliyey ayaa tilmaamay in Puntland iyo Jubaland ay ka mideysan yihiin ilaalinta federaalka iyo danta dalka. Kulamadda ay wadaan madaxdaan ayaa la filayaa in ay gogol xaar u noqdaan shirar kale oo ay la leeyihiin xubno ka tirsan Beesha Caalamka. Shan maalmood kahor, safiirka Mareykanka oo Boosaaso kula kulmay Deni ayaa ku tartarsiiyey in ay ku heshiiyaan doorashooyinka 2020. View the full article
  22. Dhuusamareeb (SMN) – Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Galmudug ayaa doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaas. Jagadaan waxaa ku tartartay laba murashax oo kala ah; Cabdullaahi Xirsi Maxamed iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim. Cabdullaahi ayaa la sheegay in uu ku guuleystay xilkan kadib markii uu helay 59 kamid ah mudaneyaasha Aqalka Wakiilada. Sidda uu guddigu ku dhawaaqay, Saadaq ayaa la tilmaamay in uu dhankiisa helay 29 cod, waxaana xumaadey hal cod. Kadib doorashadda gudoonka baarlamaanka, waxaa la filayaa in Xildhibaanada ay doortaan madxweynaha cusub ee maamul goboleedkaas. View the full article