-
Content Count
214,329 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sii daysay guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Jimcaale oo maalmo ka hor loo xiray tuhun Al-Shabaabnimo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Axmed Jimcaale iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan ayaa la xiray khamiistii, 23-ka Janaayo, 2020, ayada oo la tuhmayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab. Si kastaba, waxaa caawa lasii daayey Axmed Jicmaale, ayada oo la sheegay inaan waxba loo haysan, laguna waayey wax xiriir ah inuu la leeyahay Al-Shabaab, sida ay ogaatay Caasimada Online. NISA ayaa weli haysa guddoomiye Axmed Cabdullaahi Xasan, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan inay jiraan “tilmaamo aad u weyn” oo la xiriirinaya ururka Al-Shabaab, oo sida la sheegay magacaabistiisa ku qasbay rugta ganacsiga Soomaaliyeed. Magacaabista Axmed Cabdullaahi Xasan ayaa waxaa khamiistii 16-ka Janaayo 2020 shaacisay idaacadda VOA oo sheegtay in kadib markii muddo saddex sano ah oola isku mari waayey cidda noqoneysa guddoomiyaha ee rugta ganacsiga gobolka, ay ugu dmabeyn soo magacaabeen Al-Shabaab. Hay’adda NISA ayaa bilooyinka dambe aad u xoojisay ogaanshaha iyo soo xirista xubnaha ku dhex jira dowladda iyo shacabka ee la tuhmayo inay yihiin Al-Shabaab, ayada maalmo un ka hor NISA ay xirtay fanaan Abshir Gaarane Axmed oo muuqaal laga soo duubay ku qirtay inuu yahay Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay canshuur ka qaaddo ganacsatada gobolka Banaadir, mana cadda xiriirka ka dhaxeeya canshuurtaas iyo magacabaista la tuhunsan yahay ee guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir.
-
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo todobaad ah hakisay qabashada codsiyada baasaboorka. Fariin kooban oo ay hay’addu soo dhigtay barteeda Facebook-ga ayey ku sheegtay in laga bilaabo Jannaayo 27 ilaa Febaraayo 2, 2020 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya waxay sheegtay in sababta hakadka keentay ay tahay howlo farsamo oo ka socda habka bixinta baasaboorka. “Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ka socda habka bixinta baasaboorka awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in laga bilaabo Jannaayo 27, 2020 (Maalinta Isniinta) ilaa Febaraayo 2, 2020 (Maalinta Axadda ah) la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka” ayaa lagu yiri fariinta hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Baasaboorka Soomaaliya oo la hakiyey appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir aan caadi aheyn Muqdisho ku yeeshay ayaa ansixiyey oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya. Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya. Sidoo kale dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya deynta ay Soomaaliya ku leeyihiin Hey’adda lacagta Adduunka iyo Bangiga horumarinta Afrika. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hey’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay sida la sheegay ku qanceen dib u habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hey’adaheeda maaliyadda intii ay jirtay xukuumadan. Hey’adda lacagta adduunka ee IMF, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ee ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan in deynta laga cafiyay Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya. Arinta ayaa hadii ay suurta gasho, oo deymaha laga dhaafo Soomaaliya, waxay bog cusub u fureysaa dhaqaalaha dalka.
-
Xerada ciidamada 54-aad ee Garowe waxaa maanta tabarbar looga furay cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee komaandooska Puntland. Daah-furka tababarkan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib u habeynta ciidamada Xasan Shire Abgaal, Wasiirka Amnig Cabdisamed Maxamed Galan, Taliyaha ciidamada Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo saraakiil ciidan. Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa ciidamada kala hadlay helida xuquuqdooda, wuxuuna sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay balan qaadayso in Askari walba uu helo xuquuqdiisa mushaar, isla markaana aan cid kale u dhaxeyn doonin. Sidoo kale Xasan Abgaal ayaa balan qaaday in dowladdu mushaarka u kordhin doonto ciidamada, ayna siin doonto xuquuq ku filan. Tababarkan maanta la furay ayaa socon doona Sadex bilood sida ay sheegeen madaxda ciidamada Daraawiishta Puntland. Puntland ayaa wada dib u habeyn ay ku sameynayso ciidamada, waxayna dhowr jeer oo hore furtay tababaro ciidan. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay mushaarka u kordhin doonto ciidamada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Goofleyda deegaanka Jabad-Cadde ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa soo saaray qoraal ay uga cabanayaan guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar oo ay sheegeen inuu xoog kula wareegayo dhul ay leeyihiin qoyska reer Sheekh Axmed Mataan, oo halkaas ku yaalla. Warqadan cabashada ah ayaa ku socota maamulka Banaadir oo looga dalbaday inay wax ka qabtaan arintaan, iyadoo laga digay in cawaaqibka xumada ka dhalata arintaas uu mas’uuliyadeeda qaadan doono guddoomiye Jacfar. Sidoo kale warka ka soo baxay goofleyda Jabad-Cadde ee degmada Deyniile ayaa lagu sheegay in 23-kii bishan weerar uu guddoomiye Jacfar ku qaaday qoyska reer Sheekh Axmed Mataan uu xubno ka tirsan qoyska dhaawacyo ugu geystay, isla markaana uu burburiyey guryo ay la haayeen dadkaas. Halkan hoose ka aqriso qoraalka Cabashada Ku: Maamulka Gobolka Banaadir Og: Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Fedaraalka Og: Raiisul Wasaaraha JFS Og: Madaxweynaha JFS Ujeeddo: Cabasho. Haddii aa nahay dadyowga kunool Degmada Dayniile waxaan cabasho kanahay Guddoomiyaha Degmada Daayniile Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) asigoo raba inuu boobo Dhul ay leeyihiin dad shacab ah oo kuyaalo deegaanka Jabad Cadde ee Degmada Dayniile. waxaa jiro Xirooyin ay leedahay degmada dayniile oo aanan wax shaqo ah lagu qabanin Sida: 1 – Xirada Dugsi Shanaad 2 – Xirada Raadeerka 3 – Xirada Bangalo 4 – Xirada Urur Howleed 5 – Xirada Sagaalaad 6 – Xirada Hareeriley, Iyadoo xirooyonkaas dhan oo ay leedahay dowladda Soomaaliya ayuu waxuu rabaa in dadka deegaanka ah dhulkooda iyo hantidooda lagu boobo shaati dowladeed, waxaana ka danbeeya Guddoomiyaha Dagmada Dayniile Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) isagoo u cabiray xiroyinka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dadkiisa hadane uu rabo in uu handadaad iyo boob u geesto dhulka ay leeyihiin Reer Sheekh Axmed Mataan. Isigoo ku andacoonaya inuu halkaas ka dhisayo Garoon diyaaradeed. Maalintii khamiista oo ay taariikhdu aheyd 23/01/20 wuxuu weerar ku qaaday Jabad Cadde ee degmada Dayniile wuxuuna geystay khasaare isugu jira dhaawac iyo mid hantiyadeed, asigoo burburiyay dhismooyin ay shacab leeyihiin, rasaas uu ku furayna ay dhaawac u geysatay labo gabdhood oo qur’aan lagu saaraayay xaafadahooda, kuwaas oo loola cararay cisbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho, isla markaana lagu sameeyay qaliimo kala duwan. Hadaba maamulka Gobolka Banaadir waxaan ka codsaneynaa in uu soo faragiliyo arinkaan waxii cawaaqib xumo ah oo ka yimaadana waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doona Guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar. Wabilaahi Towfiiq. Goofleyda Jabad Cadde ee Degmada Dayniile.
-
Muqdisho (SMN) – Wafdi Xildhibaano ah oo uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa ka ambabaxaya Gegida Diyaaradaha Aadan Cabdulle International Airport ee magaalada Muqdisho, Wafdiga Guddomiyaha uu hogaaminayo ayaa ka qeyb gali doono Shirka Sanadlaha ah ee Parliamentary Union of the OIC Members States (PUIC) oo berri ka furmaaya magaalada Ouagadougou oo ah caasimadda dalka Burkina Faso, galbeedka Afrika. Shirkan oo sanadkiiba mar iskugu yimaadaan Baarlamaanka Wadamada ku bahoobey OIC iyo PUIC , oo sanad walba lagu qabto mid ka mid ah Caasimadaha Wadamada xubnaha ka ah Ururkan, ayaa sanadkii hore wuxuu kadhacay Casablanca oo ah Caasimadda Dalka Morocco. Shirkan oo ah mid lagu lagu gorfeeyo laguna difaaco danaha Wadamada Dadyoowgooda Muslimiinta u badanyihiin ayaa waxaa qayb ka ah Dhamaan wadama Carbeed, qaar ka mid ah Wamada Qaaradda Afrika iyo sidoo kale Qaarka mid ah Wadamada Latin-America , Dalalka Turkiga iyo Iran. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirradu maanta Muqdisho ku yeesheen ayey ku ansixiyeen oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya. Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya. Sidoo kale Dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay ku qanceen dib-u-habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hay’adaheeda maaliyadeed saddexdii sano ee la soo dhaafay. Hay’adda lacagta adduunka, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ee ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan in deynta laga cafiyay Soomaaliya, taas oo bog cusub u fureysa dhaqaalaha dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-25012020.mp3 View the full article
-
Baardheere (Caasimada Online) – Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka jiray isbadbadallo dhanka maamulka, dowaladda federaalka ah ayaa badashay ama magacawday maamul ka duwan midkii Jubbaland taasi oo keentay xiisad iyo colaad u dhaxeysa dadka deegaanka dhexdooda gaar ahaan gudaha beesha Mareexaan. Maanta waxaa la sheegayaa in uu dhaqdhaaq cusub jiro, gaar ahaan xarunta degmada Baardheere, waxaana la wareegay Cismaaciil Sheekh Cabdi Qorax oo ah maamulka uu magacaabay Axmed Madoobe iyada oo ciidamo taageersanaa dowladda la sheegayo in qaarkood ay kala jabeen oo beelaha ku kala biireen. Suldaan Hiiroow Cismaan oo ka mid suldaamada gobalka Gedo oo la hadlay idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa sheegay in isbadalka dhanka maamulka ah uu dib u dhigay magaalada Baardheere hormarkeedii, isaga oo yiri “ Magaalada Baardheere waxaa ka jira maamul hore ay soo magacowday dowlad goboleedka Jubbland iyo mid horay u jiray oo dowladda federaalka ah ay soocelisay hadda”, Suldaanka waxaa uu intaasi ku daray in labada maamul ee ay kala magacaabeen DF iyo Jubbaland ay is horfadhiyaan. Suldaanka oo hadalkiisa siiwato ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka ah soo celinta maamulkii hore diidmo ay diidan tahay dowlad gobaleedka Jubbaland, waxaana uu xusay in la doonayo in dadka degmada la iska horkeeno. “Waxaa ay leedahay dowladda federaalka ah Axmed Madoobe wax taageersan marabno, qaab nuuaas ah ayeey u soo celisay, labadii maamul ee lasoo magaaabey oo mid ka mid ah uusan sharci aheyn iyo midkii oo la doonaayo in degmada la iskaga horkeeno ayaa hadda halkaan ka jira” ayuu yiri Suldaan Hiiroow Dhanka kale Suldaan Hiiroow ayaa xusay in wasaaradda arrimaha gudaha aysan xaq u laheyn maamul degmo ama mid gobal in ay soo magacowdo, waxaana uu sheegay in arrintaas ay leedahay dowlad gobaleedka maadaama dalka uu yahay federal. “ Wadanku waa nidaam federal ah nidaamkaas federalka ah wixii degmo ah iyo gobal ah magacaabistiisa dowlad gobaleedka ayaa iska leh, dowladda federal ama wasaaradda arrimaha ma soo magacaabi karto guddoomiye oo dowlad gobaleed ah ma soo magacaabi karto, ayadoo u jeedadu tahay Axmed Madoobe ayaan la dagaalameynaa ayey dowladdu waxaan sharci aheyn ku qasabtay meeshaan ayuu yiri” Ugu dambeyn Suldaan Hiiroow Cismaan ayaa ugu baaqay dowladda federal ah in faregalinta ay ka deyso degmada Baardheere si horay ay ugu soco loona helo maamul u adeega dadka deegaanka. Suldaan oo arrintaasi ka hadalaya “Waxaan leenahay halaga daayo faragelinta oo dhibaatada dowladda federaalka haka deyso dadka walaalaha ah ee degan degmadaan , Baardheere waa degmo barwaaqo ah oo beero iyo xoolalo leh oo waxaa ay ka mid tahay meelaha ugu barwaaqada badan dalka, dowladdu dadkaas waxna ma ay tarin mashaariicna kama aay fulin haddii aysan wax tareen haka deyso faragelinta ayuu yiri Suldaanka”. Dowladda federaalka ah oo dagaal kula jirta maamulka Jubbaland ayaa la sheegayaa iney hub iyo ciidan geysay Gedo, taasi oo dadka ka dhexabuurtay kalsooni-darro iyo cabsi laga qabo iskudhac beesha Mareexaan dhexdeeda ah.
-
Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirradu maanta Muqdisho ku yeesheen ayey ku ansixiyeen oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya. Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya. Sidoo kale Dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay ku qanceen dib-u-habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hay’adaheeda maaliyadeed saddexdii sano ee la soo dhaafay. Hay’adda lacagta adduunka, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ee ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan in deynta laga cafiyay Soomaaliya, taas oo bog cusub u fureysa dhaqaalaha dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirradu Soomaaliya maanta Muqdisho ku yeesheen ayey ku ansixiyeen oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya. Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya. Sidoo kale dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay ku qanceen dib-u-habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hay’adaheeda maaliyadeed saddexdii sano ee la soo dhaafay. Hay’adda lacagta adduunka, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan in deynta laga cafiyay Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Norway, Ingiriiska iyo Talyaaniga oo bixinaya deynta lagu leeyahay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimadda Online) Waxaa hakad la galiyay munaasbadii lagu xil wareejin lahaa xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya u qaabilsan Puntland, waana amar ka yimid ku simaha Madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan. Xafiiska ku simaha waxaa kasoo baxay dikreeto lagu amray agaasinka guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya inuu hakiyo xil wareejinta xafiiska hay’adda, waxeyna laheyd tixraac ku saabsan warqad 8-dii January 2020 kasoo baxday xafiisak Maxamed Aaden Koofi oo ah agaasimaha guud ee hay’adda. Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee xafiiska hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Ferderaalka u qaabilsan dhulka Puntland, waxaana agaasimahii hore loo dhaadhiciyay xafiiska hay’adda ee magaalada Muqdisho. Munaabadaan la baajiyay waxaa la qorsheynayay in ka hor dhamaadka bishaan lagu qabto magaalada Garowe ee caasimadda Puntland mana la oga wakhtiga la qaban doono.
-
Taliyaha guud ee ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom Gen. Tigabu Yilma iyo wafdi saraakiil ah uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobalka Jubada hoose ee Jubbaland. Taliyaha iyo wafdigii uu hogaaminaayey ayaa waxaa magaalada ku soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Kenya oo qeybta ah ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ee ku sugan gudaha Soomaaliya . Sidoo kale Taliye Tigabu Yilma ayaa booqday saldhigyada ciidama nabad ilaalinta Amisom ay ku leeyihiin degmada Afmadow, waxaana uu la kulmay saraakiisha ciidamada ee dalka Kenya isaga oo kala hadlay arrima badan oo dhanka amniga ee degmada iyo guud ahaan gobalka. Dhanaka kale saraakiisha ku sugan Afmadow ayaa taliyaha warbixin xaaladda guud iyo mida amni ee degmada iyo guud ahaan gobalka Jubbada hoose oo deegaanna dhowra ay ka joogaan ciidamada wadanka Kenya kuwaas oo taageero siiya kuwa Jubbaland. Ugu dambeyn Taliyaha guud ee ciidamada midowga Afrika ee amiso Gen. Tigabu Yilma iyo saraakiisha ciidamada dalka Kenya iyo ku dowlad gobaleedka Jubbaland ee ku sugan degmada Afmadow ee gobalka Jubada hoose ayaa kawada hadlay sidii loo qaadi lahaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo deegaanno badan oo Jubbaland ah ku sugan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku guuleysatay inay dib u celiso Markab jiidayey xadhig Internet, kaasi oo laga lahaa dalka Jabuuti, isla markaana la rabay in Xadhigaasi Internet la mariyo Badda Berbera, loona sii jiido Soomaaliya. Dowladda Jabuuti ayaa hore u shaacisay in Badda Berbera ay marin doonto xadhig Internet, oo kamid noqon doonta Saddex magaalo oo xadhigaasi la marin doono. Somaliland ayaa iyaduna sheegtay in aan lagala soo xiriirin xadhigaasi ay dowladda Jabuuti shaacisay inay marineyso Badda Berbera, isla markaana uu ogolaansho ka haysan xukuumada Muuse Biixi. Ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland ayaa howl-galo ay sameeyeen kaga hortagay Markabkaasi oo ay sheegen in sifo sharci daro ah Xadhig ku marinayay Biyaha Somaliland, iyadoona loo sii jiidayo dhanka Soomaaliya. Waxa la aaminsanyahay in talaabada ay Ciidamada ilaalada xeebahu ay uga hortageen Markabkaasi, isla markanaa ay dib uga celiyeen Biyaha Somaliland inay daba socoto hadal uu dhawaan sheegay Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, kaasi oo ku shaaciyey in Jabuuti wax ogolaansho ah uga haysan xadhigaasi. Markabka xadhiga jiidayay ayaa la sheegay in uu ka dhago adeygay digniino ay ciidamada ilaaladu siiyeen, isagoona isku dayay in uu xoog ku soo galo Biyaha Somaliland, balse ay ugu dambeyntii dib u celiyeen ciidamadu. Saraakiisha Ciidanka Illaalada Xeebaha ayaa ka warbixiyey sida uu howl-galkaasi u dhacay, iyagoona xusay in ilaaladii saarneyd markabkaasi ay rasaas fureen, si ay xoog ugu soo gudbaan, waxayna yidhaahdeen: “Markabkaas oo ka soo dhaqaaqay dalka Jabuuti oo jiidayey Xadhig Cable ah , wuxuu biyaheena meelo kamida ku soo galay si aan sharci ahayn oo aan laga wada-hadlin oo sharci darro ah”. “Markabkaasi wuxuu soo galay biyaha saddexaad iyo Biyaha labaad ee Somaliland meelo kamida. markaa Ciidanka ayaa dhowr jeer is-hortaagay, markaa wuu iska dhego mariyey amarkii Ciidanka, rasaasbaanay cirka u rideen Ciidankii Saarnaa”. Waxayna intaas sii raaciyeen “Markaa xalay goor ay saacadihii dambe ahayd, ayaa lagu guulaystay in laga leexiyo wixii Biyaha Somaliland ah oo loo leexiyo Biyaha Caalamiga ah, markaa halkaas ayey howshu ku dhamaatay”. “Markabkaasi kolay wuxuu u jahaystay xagga Yemen oo aanu filayno in uu qabtay, laakiin annagu waxaanu dib uga celinay xad-gudubkii uu ku soo sameeyey biyaha Dalkeena”. Xukuumada Somaliland ayaa hore u sheegtay in Xadhigaasi ay dowladda Jabuuti badd Berbera ay marinayso, aysan wax ogolaansho ah uga soo qaadan, isla markaana aan loo ogolaan doonin badaasi.
-
Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goordhow ruux shacab ah waxaa uu ku dilay gudaha magaalada Muqdisho ee gobalka Banaadir. Ruuxa la dilay ayaa ahaa dawalka gaari xamuul ah kaas oo ka yimid dhanka dekedda waxaana saarnaa qalabka dhismaha. Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay meel u dhow koontarool ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Shaniimo Nasar ee degmada Hodan . Waxaana la ogeyn sababta keentay in askariga uu xabada ku dhufto darawalka mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa amar ka soo saartay xarumaha qarsoodiga ee dhaqan celinta iyo qur’aan saarka. Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir Abshir Cumar Cabdulaahi oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xarun xabsi u eg aysan ka furnaan doonin Muqdisho, ciddii lagu helana lala xisaabtami doono. “Xarun xabsi u eg maka furnaan karno magaalada Muqdiaho, mana ka aamusi karno, shaqadeena waaye maxkamadda Racfaanka, xasbi wax ku saabsan oo dad lagu heyn karo sharciga ayaa tilmaamaya, sharcigu meel uu tilmaamin cid qof ku hayn karto malahan, haddii uu ku dhintana masuuliyadiisa isagaa qaadaya qofkaas” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir Qaryaqaan Abshir Cumar. Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in xarumaha qur’aan saarka ay mararka qaar garaacaan dadka, isagoo xusay in dhawaan uu soo maray kiis garaacid ah oo qof ku dhintay, hadda kadibna aan la ogolayn xarumaha noocaas ah. Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in meel aan xabsi ahayn lagu hayn karin dadka loo baahdo in la xakameeyo, maadaama uusan sharcigu sidaa qabin ayna meel ka dhac ku noqonayso xuquuqdooda. Qaryaqaan Abshir Cumar ayaa sheegay in kiiska ka dhasha xarumaha xabsiga u eg, uu sababo khiaafka waalidiinta iyo caruurtooda, oo marka uu xumaado la saaro dowladda. Amarkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dawladda Soomaaliya dhawaan Denmark ku wareejisay gabar ka baxsatay xarun dhaqan celin oo ku taalla Muqdsho, taas oo dowladdu kala kulantay buuq iyo eedeyn. PUNTLAND POST The post Amar laga soo saaray xarumaha dhaqan celinta iyo qur’aan saarka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somalia oo war kasoo saaray kulamo uu Nairobi kula qaatay Deni,Axmed madoobe & Lafta-gareen Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Don Yamamoto ayaa maalmahanba Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmayay qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya oo halkaas ku sugan. Safiirka ayaa la kumay madaxweynaha Puntland, Saciid Cbadullaahi Deni, madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xassan Maxamed oo maalma kahor soo gaaray Nairobi. Safiir Yamamoto ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay gacan ka geysaneyso sidii la isgu soo dhawen lahaa dowladda dhexe iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada, si looga wada shaqeeyo ammaanka iyo caqbaadaha taagan. Safiirka ayaa sheegay in wadaxaajood ay yeeshaanlabada dhinac ay muhiim u tahay, si looga miradhaliyo ujeeddooyinka ah Soomalaiya oo ammaan iyo barwaaqo ah. “Waa mid dadka Soomaaliyeed waa arrin ay dalbanayaan, jiillka dambena ay filayaan, hogaamiyeyaasha Soomaalidana looga fadhiyo”, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu daabacay bogga Facebook ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Yamamoto oo kulankii uu la qaatay Axmed Madoobe ka war bixiyay ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubaland uu kala hadlay baahida loo qabo in si degdeg ah loo soo afjaro khilaafka ka taagan Jubaland, taas badelkeedana lagu badelo xiriirka maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, dagaalka kadhanka ah ururka Al Shabaab, xoojinta iyo sidii Soomaalida ay ugu midoobi lahayd ka shaqeynta ammaanka iyo Soomaaliya oo barwaaqa noqota. Waxaa kale oo uu safiirka fahfaahiyay kulankii uu la yeesha Saciid Deni. “Yamamoto 23-kii bishan waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Puntland, waxayna ka wada hadleen tagaeerada Mareykanka uu siiyo laamaha ammaanka ee Puntland, ahmiyadda ay leedahay doorasho qaran oo loo dhan yahay, in horay logu tallabsado horumarinta gobolka iyo baahidaha degdega ah ee loo qabo wadaxaajood ay yeeshaan Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada”, ayaa lagu sheegay qoraalkii kasoo baxay safaaradda. Sidoo kale diblomaasiga ugu sareeya safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in markii uu la kulmay madaxweyne Lafta-gareen ay ka wada hadleen amaanka gobolka Shabeelaha hoose, wuxuuna ku booriyay in uu sii xoojiyo dedaalada uu wado ee u ku aadan mideynta dadka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Hirshabeele, Maxamed Cabdi Waare ayuu safiirka sheegay in uu sidoo kale kala hadlay sidii Mareykanka iyo Soomaaliya ay isgaa kaashan lahaayeen Al Shabaab iyo xoojinya xiriirka maamu goboleedyada iyo Dowladda Federaalka. Waxaa dalal badan oo caalamka iyo hey’adaha caalamiga ay in muddo ah wadeen dedaalo la doonayo in lagu xalliyo khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo Dowladda Fedeaalka. Khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada Soomaaliya qaar kamid ah iyo Dowladda dhexe ayaa ku qotom doorashooyinkii dhacay, doorahsada 2020-ka, dastuurka dhamesyirkiisa, qeybsiga kheyraadka iyo faragelin ay qaar kamid ah maamul goboleedyada ay shegeen in Dowladda Federaalka ay ku sameysay maamuladooda. WAR-SAXAAFADEEDKA KULANKA: Qaran News
-
The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, on Saturday inaugurated the first training workshop organized by the Diplomatic Institute after re-launching it with funding from the sisterly State of Qatar on December 02, 2019 after it had been closed for 29 years due to its destruction in civil wars in the country on January 26, 1991. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) Magaalada Dhuusmaareeb waxaa laga soo warinayaa in hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan Faarax uu la yimid waji cusub, wuxuuna dowladda ka codsaday in jago sare looga magacaabo maamulka cusub ee la rabo in laga dhiso Galmudug si uu gacan uga geysto dhameystirka doorashada lagu dhisayo maamulka cusub. Waxaa lasoo warinayaa in la guda galay waan-waan cusub oo u dhaxeysa maamulka Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka, xogta la helay ayaana sheegeysa in hogaamiyahaan uu doonayo in laga dhigo madaxweyne ku xigeenka Galmudug. Sheikh Maxamed Shaakir ayaa qoraal uu soo qoray ku xaqiijiyay ineysan qeyb ka aheyn doorashada lagu dhisayo Galmudugta cusub kadib markii ay ku qanci waayeen habka ay dowladda u maamuleyso guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka. Qorshaha ay la yimaadeen Ahlu Sunna waxey culeys hor leh ku abuurtay habsami u socodka doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne kux igeenka Galmudug, waxaase la ogyahay in wadahadalada dib ugu bilaabanaya labada dhinac ay dowladda u wakiilatay Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ah wiil uu dhalay hogaamiyaha Ahlu Sunna ee qorshahaan la yimid. Dowladda Federaalka ayaan la ogeyn sida ay qorshahaan ugu fulin doonto hogaamiyaha Ahlu Sunna, waxeyna tani imaaneysaa xilli ay ku guuleysan waayeen xilka gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka cusub ee Galmudug.
