-
Content Count
214,342 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dagaal beeleed u dhaxeeya laba maleeshiyo oo maalmihii dhowaa ka socday duleedka magaalada Kismaayo, ayaa lagu soo warramayaa inuu sii xoogeystay islamarkaana ay dad badan ku dhinteen. Dagaalkan oo u dhaxeeya beelaha Majeerteen iyo Cawrmale ayaa salka ku haya deegaan lahaanshihiisa lagu murasan yahay, wuxuuna xooggiisa ka socdaa tuulada Sanguuni oo 60km u jirta Kismaayo. Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray dagaalka ayaa sheegaya in illaa iyo hadda ay ku dhinteen dad gaaraya 20 qof, halka tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa badankood ah dhinacyada dagaalamaya, sida aan xogta ku helnay. Dagaalka ayaa sidoo kale kusii baahaya deegaano hore leh, mana jirto illaa iyo hadda cid ku guuleysatay inay joojiso. Maamulka Jubaland ayaa sheegay inay dhowaan ciidamo u diraan deegaanada dagaalka uu ka socdo, balse weli kuma guuleysan inay joojiyaan dagaalka. Sidoo kale, dadaallo ay odayaasha labada beel ka sameeyeen magaalada Kismaayo ayaan weli miro-dhalin.
-
Amnesty International Press Release A regional security minister in Somalia arrested for “serious crimes” on 31 August 2019, who recently escaped from detention and is currently in Kenya, must be returned to face justice, Amnesty International said today. “It is unconscionable that Abdirashid Janan, who is suspected of responsibility for crimes under international law and other serious human rights violations, has evaded attempts to bring him to justice,” said Seif Magango, Amnesty International’s Deputy Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes. “The Kenyan authorities must immediately arrest and hand him over to the Federal Government of Somalia, who should conduct his trial in a manner that that meets international fair trial standards, without any further delays. Victims of his alleged crimes have waited patiently for justice and their hopes must not be frustrated.” Abdirashid Hassan Abdinur, also known as Abdirashid Janan, the security minister in the regional administration of Jubaland, was arraigned at the Banadir Regional Court in Mogadishu on 6 October 2019 and thereafter detained until his escape last week. On 28 January 2020, the deputy police commissioner of the Federal Government of Somalia, Zakia Hussein, announced that the minister had escaped. Three days later, the chief of staff in the Office of the President of Jubaland, Abshir Mohamed, announced on Twitter that Abdirashid was “safely back home in Kismayo”. Amnesty International has learnt from multiple sources that Abdirashid is now in Nairobi, Kenya. “Abdirashid’s escape has left many victims of his alleged crimes, including the killing of civilians and obstruction of humanitarian aid doubtful as to whether they would ever get justice. Now that his whereabouts are known, the authorities in Kenya and Somalia must move swiftly to ensure he is re-arrested and promptly tried so that justice and accountability is served,” said Seif Magango. “The Jubaland administration, including President Ahmed Mohamed Islam, who has repeatedly called for Abdirashid’s release from detention, must desist from shielding him from facing justice upon his return.”
-
Xildhibaannada baarlmaanka federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda dowlad gobaleedka Puntland oo maanta Muqdisho kulan ku yeeshay, ayaa ka hadlay khilaafka dhanka waxbarashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedka Puntland. Xildhibaannada ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu wasiirka waxbarashada dowladda fedraalka uu siiyey warbaahinta, waxaana ay sheegeen in dowladda federaalka ah ay ku fashilantay in dowlad gobaleedyada ay kula shaqeyso wada hadal iskaashi iyo Isfahan. Sidoo kale xildhibaannada ayaa kulankooda ku xusay in nasiib darro ay tahay in arday Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada Puntland oo 12 fasal ku soo dhamaaday dhib iyo dhaaqaalo yari dalka ka jiro aaney helin taageero dowladeed in mustaqbalkooda mugdi la galiyo. Xidhibaannada labada gole ee Baarlamaanka federaalka ayaa gaban gabadii kulankooda soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodo waxaana ay la wadaageen warbaahinta. War-muritiyeedka 1. Waxbarashada ardayda Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin kuwa Puntland waa xaq dastuuriya oo lama taabtaan ah sida ku cad qodabka 30-aad ee Dastuurka Jamahuuriyadda federaalka ah , mana dhici karto in awooddii wasaaradda waxbarashada federaalka ay ku dhibaateeyaan waxbarashada ubadka Soomaaliyeed ayaga oo awoodii si qalldan u isticmaalaya. 2. Sida uu sheegay wasiir Goodax majirto wasiiro iyo Senotero ka soo jeeda Puntland oo ka caalwaayey Puntland, laakiin xildhibaannada Puntland waxaa ay door fiican ka qaateen xal u helideeda ayagoo dhowr jeer oo kala duwan la kulmay wasiirka waxbarashada dowladda xukuumadda federaalka iyo wasaaradda waxbarashada Puntland, iyaga oo sameeyey dhexdhexaadin halkaas la isku soo dhawaaday, lakiin wasiir Goodax uu burburiyey howlihii dadaaladii socday oo xildhibaannada laba aqal ay ku jireen oo aheyd in arrintaan ay xal u helaan, sidoo kale xildhibaannada labada gole ma’oga mana maqal xubno xukuumadda federaalka ah oo u tagay Puntland. 3. Waxaan kula xisaabtamaynaa wasiir Goodax arrintaan uu sameeyey, annaga oo adeegsanayna awooda dastuuriga ah la xisaabtanka golayaasha sida ku cad farqada labaad xarafka B iyo C ee qodobka 69-aad ee Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya . 4. Waxaan la kulmeynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka iyo Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo wasiirka u igmaday si uu ugu adeego ubadka Soomaaliyeed. 5. Madaxweynaha iyo Ra’iisalwasaaraha waxaa ay mas’uuliyad ay ka saran tahay in dhacdadaan ay ka qaataan talaabo u qalanta ubaxaha Soomaaliyeed oo mooralkoodii iyo mustaqbakjoodii mugdi la galiyey. 6. Waxaan arday iyo waalidiinta u xaqiijineynaa in arrintaan ay wanaag ku soo dhamaaneyso, annaga oo kaashaneyno qof waliba oo wadaniyad iyo Soomaalinimo ku jirto. 7. Ugu dambeyn waxaan ku boorineynaa waalidiinta iyo ardayda uu dhibku gaaray in ay is dajiyaan jawaabna ay naga sugaan. Warsaxaafadeedka ka soo baxay xildhibaannada laba gole ee BFS lagana soo doorto Puntland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyada oo muddooyinkii dambe uu soo ifbaxay khilaaf dhanka waxbarashada ah ee wasaaradaha federaalka iyo Punland. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa diiday inay joojiso duulimaadyada ay iskaga kala gooshto dalka Ethiopia iyo Shiinaha, xili dhawr shirkadood oo waaweyni oo aduunka ahi ay hakiyeen duulimaadyadii ay ku tagi jireen dalka Shiinaha ka dib markii uu dillaacay caabuqa coronavirus. Shirkadda Ethiopian Airlines oo ka mid ah shirkadaha duulimaadka ugu saameynta badan qaaradda Afrika, ayaa Ethiopian Airlines waxay mar kale xaqiijisay taageero ay u muujinayso dowladda Shiinaha iyo dadkeeda. Waxaanay ku adkaysatay inay la shaqeyn doonto dhammaan hay’adaha Shiinaha iyo Ethiopia ee ay khusayso si looga ilaaliyo rakaabka iyo xubnaha shaqaalaha ah cudurka coronavirus. Hase yeeshee Agaasimaha Shirkadda Ethiopian Airlines, Tewolde Gebre Mariam ayaa sheegay in Ururka Caafimaadka Aduunku ay siisay dhamaan hanaankii la raaci lahaa isla markaana ay si buuxda ugu hoggaanyihiin tilmaamaha Ururka Duulista Hawada Caalamiga, W.H.O. iyo Xarunta Xakamaynta Cudurrada. Si kastaba ha ahaatee dadka qaar ayaa u arka ogolaanshan loo siiyey shirkadda Ethiopian Airlines inay sii wado duulimaadyada ay ku tagayso ama kaga imanayso dalka Shiina inay tahay masuuliyadd daro weyn oo khatar galinaysa boqol milyan oo Ethiopian ah iyo dadka ku nool guud ahaan gobolkan. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa qoraal ay soo saartay ugu dalbatay dawladda Kenya inay qabato Wasiirka Amniga ee Jubbland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, isla markaana ay u gacan geliso dawladda Soomaaliya, si maxkamad loo saaro. War-saxaafadeed ay soo saartay, ayaa hay’adda Amnesty International ay ku sheegtay in Cabdirashiid Janan loo qabtay “dambiyo cuslus” 31-kii August ee sannadkii hore loona baahan yahay in caddaaladda la marsiiyo. Amnesty International ayaa intaas ku dartay in ay ilo xog ogaal ah ka heshay warka ku saabsan in Janan uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee caasimadda u ah daka Kenya. Seif Magango, oo ah agaasime ku xigeenka Amnesty International ee Bariga iyo Geeska Afrika ayaa yiri: “Wax la aqbali karo ma aha in Cabdirashiid Janan, oo lagu tuhunsan yahay inuu mas’uul ka yahay dambiyo xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah iyo kuwo ka dhan ah bani’aadamnimada, uu isku dayo inuu ka baxsado caddaaladda”. Amnesty waxay ugu baaqday dawladda Kenya inay qabato, si degdeg ahna ugu gacan geliso dawladda Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dawladda Soomaaliya inay maxkamadayntiisa ka dhigto mid waafaqsan sharciyada caalamiga ah, iyadoo aan dib loo ridin. “Baxsashada Cabdirashiid Janan waxay dhibanayaasha dambiyadiisa la tuhunsan yahay, oo ay ku jiraan dilal shacab, iyo is-hortaaga gargaar ka dhigeysa kuwa ka shakinaya inay weligood caddaalad heli doonaan. Maadaama hadda la ogyahay halka uu joogo, mas’uuliyiinta Kenya iyo Somalia waa inay ka shaqeeyaan in dib loo qabto, si caddaaladda iyo isla-xisaabtanka loogu fuliyo,” waxaa sidaas yiri agaasime ku-xigeenka Amnesty ee Bariga iyo Geeska Afrika, Seif Magango. “Maamulka Jubaland, oo uu ku jiro madaxweyne Axmed Maxamed Islam, oo si soo noq-noqosho leh ugu baaqay in Cabdirashiid laga sii daayo xabsiga, waa inay joojiyaan inay gabbaad uga noqdaan inuu wajaho cadaaladda marka lasoo celiyo,” ayuu yiri. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu Cabdirashiid Janan ka baxsaday goob lagu hayey 28-kii Jannaayo, isla markaana waxa uu 31-kii Janaayo ka degay magaalada Kismaayo isagoo isla maalintaas diyaarad ku tagay dalka Kenya. Ma cadda go’aanka dowladda Kenya ka qaadan doonto codsiga hay’adda Amnesty International, ayada oo Nairobi ay xulufo la tahay maamulka Axmed Madoobe ee uu Janan ka tirsan yahay, kaasi oo ay xifaaltamaan dowladda Soomaaliya.
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Waddani ayaa kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbiga Waddani uu ku leeyahay magaalada Hargeysa. Shirkan ayay ka soo qaybgaleen hoggaanka sare ee xisbigaasi iyo xubno ka tirsan fulinta xisbigaasi WADDANI, waxaana kulankaasi hagayay guddoomiye xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Shirkan maanta uu yeeshay xisbiga Waddani ayaa la iskaga xogwaraystay arrimaha doorashooyinka, siyaasadda dalka iyo hawlaha xisbiga WADDANI, sida lagu sheegay qoraal kooban iyo muuqaal ka soo baxay xisbiga Waddani. Source
-
Sanca (Caasimada Online) – Cod lasoo duubay oo la rumeysan yahay inuu ka yimid kooxda Al-Qacida ee Jasiiradda Carbeed ayaa Axaddii lagu sheegtay mas’uuliyadda toogashadii bishii December ka dhacday saldhig ciidamada badda ah oo ku yaalla magaalada Pensacola ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka. Hase yeeshee, sheegashada ayaan lagu soo darin wax caddeymo ah oo taageeraya. “Waxaan ugu hambalyeyneynaa umadda Muslimiinta, oo aan taageereyna howl-galkii shahiidnimo ee geesiga Muhammad bin Saeed Al-Shamrani,” ayaa lagu yiri codka ay baahisay kooxda Al-Qacida ee dalka Yemen. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, ka hor inta aan la toogan qofka fuliyey oo ahaa askari Sacuudiyaan ah oo tababar u joogay saldhigga. Ilo-wareed ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa Reuters u sheegay in Mareykanka uusan rumeysneyn sheegashada kooxda Al-Qacida ee Jasirradda Carbeed, ee ah in ninka weerarka fuliyey uu ayaga matalay. Ilo-wareedka ayaa sidoo kale sheegay in kooxdan laga yaabo inay sheegashada u sameysay, si ay uga jawaabto warar dhowaan soo baxay oo sheegaya in la dilay hoggaamiyaheeda. Warar dhowaan laga helay Yemen ayaa sheegayey in hoggaamiyaha Al-Qacidada Jasiiradda Carbeed, Qassim al-Raymi lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Marib. Sarkaal ka tirsan dowladda Yemen ayaa Reuters u sheegay inay jirto duqeyn drone oo ka dhacday Marib, hase yeeshee Raymi uusan ahayn qofka lagu dilay. REUTERS + VOA
-
Bulshada qeybaheeda kala duwan ee gobalka Gedo ayaa waxa ay dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbadeen in si degdeg ah looga qaado xayiraadda ka saran duulimaadyada gobalkaasi. Shacabkaan oo u waramay Goobjoog News ayaa waxa ay sheegeen in maalinkii lixaad uu hakad ku jiro dulimaadyadii gobalka oo idil marka laga reebo degmada Luuq oo dowladdu ay kaliya ka dajinayso ciidamo. Sidoo kale Bulshadan ayaa sheegay in dadka safraya ay isugu jiraan dad kala duwan oo qaarkood ay ka midyihiin dad da’ ah iyo dad kale oo u baahan adeeg caafimaad, wax ayna ka dhawaajiyeen in dowladdu ay arrinkaasi wax ka qabato. Khilaaf siyaasadeed ayaa u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe iyada oo markaani khilaafkaasi uu saameyn xoog leh ku yeelanayo bulshada qeybaheeda kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay booqday cusbitaalka gargaar gaar ahaan xarun lagu dabiibo, islamarkaana qalliinno loogu sameeyo carruurta yar yar ee soo dhasha iyaga oo wadnuhu daloolo oo Kharashka ku baxaya laga bixiyey qasnadda qaranka. Madaxweynuhu waxa uu farxadda iyo rayn-reynta la qaatay carruurta iyo waalidiinta dhashay ubadka ku dhashay iyaga oo wadnuhu daloolo oo daaweyn guulaysatay oo aanay lacagi kaga bixin loogu fuliyey dalka gudihiisa, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxadda caafimaadku. Qaar kamid ah dhakhaatiirta gacanta ku haya daaweynta loo sameeyey ubadka yar yar ee wadnuhu daloolay oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay u galeen carruurta yar yar iyo dhibaatadii ay hore u soo mareen, waxana ay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan caawinta ubadka yar yar, iyaga oo madaxweynahana ku ammaanay sida uu ugu dhiirraday inuu bixiyo kharashka lagu daboolay baahida caafimaad ee ubadkaas. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhakhaatiirta uga mahadceliyey kaalinta ay ka qaateen daaweynta ubadkaas yaryar, waxana uu caddeeyey inuu carruurtaas kharashkii lagu daaweeyey ka bixiyey qasnadda qaranka, waxana uu yidhi, “Kharashku waa kharashkii qaranka, xaq baynna ku leeyihiin, ninka masuulka ahina wixii qaranku hayaa, wax Hooyaday iyo Aabahay iiga tageen oo anigu aan leeyahay oo gaar ah maan bixine waa xoolihii qaranka, iyagaana ugu mudan oo qofka bukaanka ahina qaranka wixiisa wax buu ku leeyahay.” Carruurta soo dhalata iyaga oo wadnuhu daloolo, ayaan haatan ka hore dalka gudihiisa waxba lagaga qaban jirin, islamarkaana intii kharash hesha oo kali ahi ay dalka dibaddiisa qaban jirtey, balse madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aansaday inuu isagu bixiyo kharashkaas, dalka gudihiisana la keeno agabka iyo dhakhaastiirta loo baahan yahay si ubadkaas dalka wax loogu qabto. Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu cusbitaalka International ee magaalada Hargeysa ku booqday Oday Maxamed Diiriye oo ah Aabaha dhalay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo xaalad caafimaad u jiifa halkaasi. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay madaxa guud ee shirkada Dpworld u qaabilsan Somaliland Mr. Supachai Wattanaveerachai. Kulankan oo ay wasiirka ku weheheliyeen agaasimayaasha waaxyaha Telefiishanka Qaranka Maxamed Xasan Cali (Weji), Wada-Xidhiidhka Qaranka Muna Maxamuud Toosane, iyo Qorshaynta iyo Istaastikadda Md. C/qaadir Dayib Askar. Ujeeddada kulanka ayaa ku saabsanayd sidii loo abbuuri lahaa iskaashi iyo wada-shaqayn dhaw oo dhex marta wasaaradda warfaafinta iyo shirkada caalamiga ah ee Dpworld si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada Somaliland ee mashaariicda horumarinta ee Dpworld Somaliland ka wado. Madaxa guud ee shirkada Dpworld ee Somaliland Mr. Supachai oo halkaasi ka hadlay ayaa wasiirka uga mahadceliyey marti qaadka uu u sameeyey, waxaanu soo dhaweeyey wada-shaqayn dhex marta wasaaradda iyo shirkada Dpworld, wuxuuna ballan qaaday in uu taageero la garab istaagayo warbaahinta dawladda iyo xarunta Wada-Xidhiidhka Qaranka. Source
-
Xukuumada Ankara ee Turkiga ayaa maanta soo bandhigtay qorshe ay dooneyso in baarlamaanka dalkaasi ku meel mariyaan muddo kordhin loo sameynayo ciidamada Turkiga ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya, gacanka Cadan iyo biyaha Carbeed. Baarlamaanka Turkiga ayaa la filayaa in maalinta beri ah ay dood adag ka yeeshaan ansixinta qorshaha ay soo bandhigtay xukuumadda wadankaasi. Sidoo kale xukuumadda Ankara ayaa baarlamaanka ka dalbatay in muddo hal sano ah loo kordhiyey ciidamada Badda Turkiga ee jooga xeebaha Soomaaliyaa, si ay u sii wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee burcadbadeeda Soomaalida. Waa markii 12-aad, tan iyo 2008-dii oo dowladda Turkiga ay baarlamaanka dalkaasi horgeyneyso qorshaha mudda kordhinta ciidanka uga howlgala biyaha Soomaaliya. Joogitaanka ciidamada Turkiga ee biyaha Soomaaliya ayaa wax badan ka tara ammaanka marinka baabul Mandab oo ah marinka 4-aad ee ugu weyn aduunka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ku matala deegaanada Puntland oo manta kulan isugu yimd waxa ay kaga hadleen khilaafka ka dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya iyo tan Dowlad Goboleedka Puntland. Mudanayaashaan oo warbaahinta la hadlay kulankooda kadib waxa ay wax laga xumaado ku tilmaameen in xiligaan uu xoogeysto khilaafka salka ku haya qaadista imtixaanka sanadeedka iyo bixinta shahaadada. Xildhibaanada iyo Senatarada ayaa sheegay inay la xisaabtamayaan Wasiir Goodax, waajibkooda dastuuriga ka gudan doonaan, waxaa ay sidoo kale tilmaameen inay arrintan kala hadli doonaan Madaxda dowladda Federaalka, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa duray mas’uuliyadda Wasiir Goodax, iyagoo sheegay in aanu qaadi karin xilkaas culus oo aanu isu keeni karin Soomaalida kala tagtay, waxaana ay ugu baaqeen Madaxda dowladda Federaalka inay soo farageliyaan. Halkaan hoose ka akhriso qodobada ay soo saareen 1: Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed waa xaq dastuuri ah oo laba taabtaan ah sida ku cad qodobka 30.aad ee datuurka KMG ah ee Somalia,isla markaana aysan dhici karin in Magaca dowladda ay mas’uuliyadda Wasaaradda Waxbarashada si qaldan u isticmaalaan. 2: Ma jiraan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo ka qeyb qaadan waayey xalinta arrintaan,balse uu jiro doorweyn ay ka qaateen si xal loo gaari lahaa,iyaga oo la kulmay Wasiir Goodax Barre iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland. 3: In Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu burburiyey howlihii dhex dhexaadinta aheyd oo ay wadeen,isla markaana aysan iyagu maqal Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Puntland u tegay Arrimaha khilaafka. 4: In aan ula xisaabtameyno Wasiir Goodax Arrintaan uu sameeyey anaga oo adeegsaneyna awood Datuuri ah ee la xisaabtanka Golayaasha sida ku ad farqada labaad xarfka B-C ee qodobka 69aad ee Dastuurka KMG ah. 5: In aan la kulmeyno Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare kheyre oo ay mas’uuliyad ka saaran tahay dhacdadaan mugdiga gelineysa Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed. 6: In Ardayda iyo Waaldiinta Soomaaliyeed ay naga war sugaan,isla markaana arrintaan ay wax wanaagsan ku dhamaan doonto.
-
Banaanbaxyo ballaaran oo lagu taageerayey doorashadii shalay lagu doortay hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi. Dibadbaxyada oo ay ka qeyb galeen dadweyne fara badan ayaa ka kala dhacay degmooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq iyo sidoo kale Gaalkacyo. Sidoo kale dibadbaxayaasha oo gacmaha ku sitay sawirrada madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ayaa ku qeylinayey erayo kala duwan oo ay ku taageerayeen. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayey wadooyinka ku yaalla magaalooyinka ay dibadbaxyadu ka dhaceen. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Qarax lala eegtay gaari marayey duleedka Magaalada Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in qarax uu haleelay gaari isticmaalayay inta u dhaxeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Lafoole, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan. Qofka ka mida dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay gaari nuuca Kaaribta ah balse aan la xaqiijin in qaraxu uu ku diyaarsanaa wadada iyo in gaariga uu ku dhaganaa. Inta la ogyahay ilaa hadda 4 qof ayaa ku dhimatay qaraxaas oo la sheegay inay gaariga saarnaayeen. Ma jirto ilaa hadda xog laga helay cidda ay ahaayeen dadka qaraxa ku dhintay ee saarnaa gaariga. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online. -
Dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari, dalka Kenya ayaa sheegay in gudaha degmadaasi, gaar ahaan deegaanka Dadbule ay ku arkeen dhowr iyo toban dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, kuwaas oo aad u hubeysnaa. Qof ka mid ah dadka deegaanka oo magaceeda lagu soo koobay Maryan ayaa sheegtay in tirada dagaalyahanada Al-Shabaab ay arkeen ay gaarayeen ilaa 12 dagaalyahan oo hubeysan, islamarkaana ku sii jeeday qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Sidoo kale haweeneydaan ayaa sheegtay in dagaalyahannada ay arkeen ay meel fagaare ah kula hadleen dadka deegaanka, islamarkaana ay ku war galiyeen in joogitaankooda aysan ogeysiin laamaha ammaanka ee dalka Kenya. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ee lagu arkay nawaaxiga Wajeer ay damacsan yihiin inay weeraro cusub ka fuliyaan halkaasi. Xaaladda ayaa kacsan, waxaana cabsi xoogan ay ka jirtaa deegaano badan oo dhaca xadka Soomaaliya, halkaas oo sidoo kale dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaan ciidamada Kenya. View the full article
-
Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee Puntland laga soo doorto oo war ka soo saaray khilaafka waxbarasho ee Puntland iyo dowladda dhexe, ayaa waxay eedda khilaafka dusha u saareen wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya. Xubnahaan ka tirsan BFS ayaa waxa ay wasiir Goodax Barre ku eedeeyeen in uu ka beenshegey, islamarkaan ay la xisaabtami doonaan. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha kala hadlayaan xal u helista shahaadada ardayda Puntland. Ugu dambeyn mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Puntland ayey dhaliileen u jeediyeen, waxaana ay sheegeen in waxyaabaha qaar qalad ay u fasireen. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee lagu taageeray doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee madaxweynaha Galmudug loogu doortay Axmed Qoor Qoor. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka aysan danta Soomaaliya ka shaqeyn 72-sano ee ugu dambeysay. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Xildhibaan Mahad kusoo qoray bartiisa Facebook: 1. 1948 markii Maraykanka uu yimid Soomaaliya wuxuu u ololeynayay in Soomaaliya gacantii gumeystaha Talyaaniga aysan ka bixin. 2. 1960 markii xorriyada aan qaadanay Soomaaliya wuxuu kala dagaalamay in ay dhisato ciidan qaran oo amnigeeda suga, xuduudaheedana ilaaliya, si Itoobiya u noqoto quwadda kaliya ee Geeska Afrika ka jirta. Waana sababtii Soomaaliya ku riixday in ay aado dhinacii Midowga Soviyeti. 3. 1977 markii dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya uu bilowday Maraykanka wuxuu ka shaqeeyay in khubaradii Ruushka ee gacan siinayay ciidamada Soomaaliya la cayriyo, si loo fashiliyo guulihii ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalkii Itoobiya. Waana sababtii ugu wayneed ee horseeday guuldaradii Soomaaliya kasoo hoysay dagaalkaas, sababtoo Ruushka wuxuu hayay istaratiijiyada dagaal ee ciidamada Soomaaliya ku dagaal galayeen. 4. 1977 – 1990 guuldaradii dagaalkii Itoobiya laga dhexlay iyo jabhadihii ku kacay xukunkii Maxamed Siyaad Bare markii ay isbiirsadeen Maraykanka waxay Siyaad Bare siiyeen hubkii dadka iyo dowladnimada Soomaaliya lagu baabi’iyay. Shacabkii hubkaas lagu xasuuqay waxaa ka mid ahaa shacabka reer Somaliland. 5. 1991 Maraykanku wuxuu taageeray jabhadihii Soomaaliya qabsaday, si loo burburiyo intii ka hartay dowladnimada Soomaaliya, dalkiina cad-cad ayuu u qaybiyay. 6. 1992 – 1994 markii ciidamada Maraykanka yimaadeen gudaha Soomaaliya waxay ku dhex milmeen is riix-riixii qabiilada dhexdooda ahaa waxayna dagaal ay ku jabeen la galeen kacdoonkii uu hoggaaminayay AUN Gen. Maxamed Faarax Caydiid. 7. 1994 – 2009 mudadii u dhaxeysay Maraykanka waxay taageereen hoggaamiye kooxeedyadii Koonfurta Soomaaliya kajiray. Markii Maxkamadaha Islaamiga ah meesha ka saareena waxay ka shaqeeyeen in ciidamada Itoobiya ay soo galaan Soomaaliya lana dagaalamaan wadaadadii ka arriminayay Koonfurta Soomaaliya. Waxaana dagaalkaas ku naf waayay kumanaan Soomaali ah. 72 sanadood kadib maanta waad aragtaan siyaasada gurracan ee dowlada Maraykanka kula dhaqmayso guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug iyo gaboodfallada Safiirka Maraykanka Amb Donald Yamamoto ku gacan siinayo nidaamka Farmaajo ee Kaligii Taliska ah. Ugu danbeyntii waxaan ugu baaqayaa dadka reer Galmudug in ay gacmaha isqabsadaan una midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen siyaasada ma dhalayska ah ee Maraykanka hormuudka ka yahay ee lagula dagaalayo dadka reer Galmudug. Waanan ka guuleysanaynaa inshaa’allah sidii marar badan aan uga guuleysanay iyaga iyo kuwa ay ku shaqeystanba. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad
-
Puntland President, Said Abdullahi Deni, is juggling several balls. Security reform remains a top priority for the administration that celebrated its first anniversary in January 2020. Representatives from the EU met a Puntland committee tasked with the security reform. Biometric identification the administration has introduced eliminates ghost soldiers on Puntland Government payroll. His predecessor, Dr Abdiweli Mohamed Ali, failed to persuade commanders of Puntland Defence Forces to agree to a headcount to stamp out corruption in the security forces. Successful security reform will bring to an end periodic mutinies organised by disgruntled commanders. Deni assumed power at a time relations between the Federal Government and Puntland were strained. In 2019 he organised a summit for Federal Member States and the Federal Government. The summit ended in a deadlock. The collective leadership mechanism modeled on the Leadership Forum has been rebuffed by President Mohamed Abdullahi Mohamed. The second challenge President Deni faces in his second year is the 2021 elections upon which Federal Member States have to agree. The electoral model proposed by the Federal Government has hit a snag. The International Community led by UNSOM Chief and US Ambassador to Somalia held separate meetings in Nairobi with the Presidents of Federal Member States to forge a national consensus on the planned one person, one vote elections. How Deni responds to the Federal Government’s demand to agree to the electoral modalities will determine the standing of Puntland State in Federal Somalia. President Deni: “Security reforms strengthen good governance” Under the 2016 electoral agreement Puntland federally represents some constituencies in the ex-British Somaliland. The territory Puntland claims is mostly under the jurisdiction of Somaliland Administration. The British Government funds development projects in Sool and Sanaag through Somaliland Development Fund. The disputed designation territory is having less impact on Sool and Sanaag. Without clarity on how the territorial dispute will be solved Puntland will lose political status should it agree to the renewal of federal but token representation of constituencies in the disputed territories. There is an emerging consensus that North-South dialogue between Mogadishu and Hargeisa is the way forward. This puts Puntland in the Southern sphere of influence as opposed to its self-image as a rival of Somaliland. This year, 2020, is President Deni’s political moment of truth. His administration has made concessions to Somaliland whose Ministers regularly visit their area of origin claimed by Puntland on the basis of 1998 Puntland Charter. President Deni has his work cut out. His pragmatism may pay off. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post President Deni’s Political Moment of Truth appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markale maanta uu dagaal dib uga qarxay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ay wuxuu u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo wada dega tuulada Dalsan oo 13 KM galbeed ka xigta magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu yimid, kadib markii dhinac ka mid ah maleeshiyaadkaasi uu qaaday weerar culus oo uu xigay dagaal foolka fool ah. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, waxaana tuulada lagu dirirayo gabi ahaan isaga barakacay shacabkii daganaa. Dhinaca kale Cabdirashiid Macalin Gaas oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda oo u warramay Shabelle ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedkaasi. Gaas ayaa sheegay in xubno ka tirsan Jubbaland ay hurinyaan colaada u dhexeysa labadaasi beel ee ka taagan duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Shardi-1.mp3 View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in qarax uu haleelay gaari isticmaalayay inta u dhaxeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Lafoole, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan. Qofka ka mida dadka deegaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in qaraxu uu haleelay gaari nuuca Kaaribta ah balse aan la xaqiijin in qaraxu uu ku diyaarsanaa wadada iyo in gaariga uu ku dhaganaa. Sidoo kale goobjoogahaan ayaa inoo sheegay in ugu yaraan afar ruux ay ku geeriyoodeen qaraxa. Ma jirto wali wax wara oo laga helay dadka geeriyooday waxa ay ahaayeen. Wixii ku soo kordha qaraxaan goordhaweyd dhacay halkaan kala soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com
