Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,342
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa goor dhow gaaray magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Diyaarad milatari oo ay leedahay dowladda Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay saaka ka soo qaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi, oo uu ku sugnaa afartii cisho ee la soo dhaafay, isaga oo ka degtay garoon ku yaalla gudaha degmada Beled-Xaawo. Ilo deegaanka ayaa sheegay in wasiir janan si weyn loogu soo dhoweeyey halkaasi, islamarkaana ay u soo banaan baxeen shacabka iyo maamulka maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goor dhow uu qaban doono shir jaraa’id, islamarkaana uu kaga warbixin doono xarigii loogu geystay magaalada Muqdisho. Safarka uu Janan haatan ku tegay gobolka Gedo ayaa ku soo aadaya, iyadoo hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International Kenya ka dalbatay inay ku wareejiso dowladda dhexe, si loo horkeeno cadaaladda. 28-kii bishii hore ayaa taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed sheegay in wasiir Cabdirashiid Janan uu ka baxsaday xabsiga, kaas oo 31-kii August ee 2019-kii laga qabtay garoonka diyaaradaha ee M/ Muqdisho.
  2. Wasiirka Amniga Dowlada Jubbaland Cabdirshiid Janan ayaa wuxuu maalmaha soosocda uu ku wajahan yahay Magaalada Baledxaawo ee Gobolka Gedo, waxaa sidaasvwarka ku helay Warbaahinta Puntlandi.com. [...] Source
  3. NAIROBI (HOL) - Kenya’s President Uhuru Kenyatta has announced national mourning to be observed in Kenya and all its embassies and missions abroad following the death of the country’s second President Danie Arap Moi Tuesday morning. Source: Hiiraan Online
  4. Wararka laga helayo duleedka magaalada kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal beeldeed halkaasi ka socday ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 20 qof. Dagaalkan ayaa ka soconaya deegaanka Sanguuni oo qiyaastii 60-km dhinaca xeebta kaga beegan magaalada Kismaayo waxa uuna u dhaxeeyaa laba maleeshiyo beeleed oo sida la sheegay isku haysta dhul daaqsin. Wasiirka warfaainta maamulka Jubbaland Eng Cabdi Xuseen Axmed oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan oo igu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa uuna xusay in dhaawac fara badan la geeyay magaalada Kismaayo. “Dhimashado mayaro labaatameeyo labada dhinac ah waa ay gaaraysaa waa ay jiraan dhaawacyo la keenay magaalada kismaayo” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland. Dagaal beeleedyada ka qarxa deegaanada iyo degmooyinka qaar ee dalka ayaa intooda badan waxa ay salka ku hayaan dhul daaqsin iyo aanooyin qabiil iyada oo aysan jirin wali wax xala oo loo helay dagaal beeleedyada ku soo noqnoqda dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Wasiirka Amniga dowladda Jubbaland mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa goor dhaweyd gaaray degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, sida ay shaacisay Jubaland. Maamulka iyo Bulshada Beled-xaawo, ayaa wasiirka si diiran ugu soo dhaweeyey halkaas, waxaana la filaya in uu mar dhow la hadlo warbaahinta kana warbixiyo afduubkii ay dowladda Federaalka ugu geysatay magaalada Muqdisho. Wasiir Janan, ayaa 31 bishii January ee la soo dhaafay, waxa uu gaaray magaalada Kismaayo, kadib markii uu 28 isla bishaasi ka soo baxsaday xabsi ay mudda 5 bilood ah ku haysay dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa saacado kooban oo uu joogay magaalada Kismaayo, waxa uu uga sii gudbay magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, halkaasi oo uu maalmahan ku sugnaa. Dhinaca kale, Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa War-saxaafadeed ay shalay soo saartay, waxay dowladda Kenya kaga dalbatay, in ay qabato Wasiir Janan, isla markaana ay u gudbiso dowladda Soomaaliya si maxkamad loo saaro. Amensty International, ayaa Wasiirka ku eedaysay in uu galay dambiyo cuslus oo ka dhana sharciyada caalamiga ah, iyo kuwa xuquuqda aadanaha, sidaasi darteedna ay tahay in uu wajaho Caddaaladda. 31-dii August 2019, Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa Wasiir Janan ka qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Ethiopia. 6-dii October 2019, ayaa sidoo kale la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Muqdisho, kadib markii lagu soo eedeeyay in uu galay denbiyo kala duwan, balse maxkamadda ayaa amartay in la soo dhammaystiro caddaymaha loo hayo kiiskiisa. PUNTLAND POST The post Wasiir Janan oo lagu soo dhaweeyay degmada Beled Xaawo appeared first on Puntland Post.
  6. Niarobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Daniel Arab Moi ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalkaasi. Moi oo 94 sano jir ahaa ayaa bilihii la soo dhaafay xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay gudaha iyo dibadda Kenya intaba. Geeridiisa ayaa waxaa saaka aroortii hore warbaahinta u xaqijiiyey madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta. Madaxweynihii hore ee Kenya, Daniel Arab Moi ayaa muddo dheer soo xukumayey wadaankaasi, waxaana xil ka loo dhaariyey 1978-dii, isagoona ka tegay 2002-dii. Sidoo kale Moi oo ahaa madaxweynihii labaad ee dalka Kenya ayaa dhashay bishii September ee sanadkii 1924-tii, wuxuuna ka soo jeedaa Qowmiyadda Kalenjinta. Daniel Arab Moi wuxuu sidoo kale mar soo noqday madaxweyne ku xigeenka dalkaasi, isagoona xil kaasi qabtay sanadkii 1967-dii. Geeridiisa ayaa laga dareemay Kenya, waxaana la filayaa inay aaskiisa ka qeyb galaan madax sar sare iyo Kenyaati badan.
  7. Taajirka ” Bill Gates” oo Inantiisa u guuriyey Carab Dalka Masar u dhashay Gabadha curadda ah ee uu dhalay taajirka ku caan baxay amaba iskaleh shirkadda computerada sameysa ee Microsoft, Bill Gates ayaa guursatay nin carab ah oo kasoo jeeda dalka Masar. Gabadhan oo lagu magacaabo Jennifer, ayaa jirta da`da 23, iyada ayaana barteeda bulshada ee Instagram ku shaacisay in ay guursatay Nayel Nassar oo meheradiisu tahay faras wadid. Waxa ay sheegtay Jennifer in Nayel Nassar oo ay saaxiibo ahaayeen uu jilbaha dhulka u dhigtay, uuna ka dalbaday guur, iyadana ay ku waafaqday. Aabaha dhalay gabadhan ee Bill Gates ayaa ah shakhsiga ugu taajirsan caalamka, mana ahan nin ku dheel-dheela lacagta oo u nool si ka baxsan nolosha caadiga ah. Bill Gates oo qaba haweeneyda lagu magacaabo Melinda (55), waxaana a dhaleen saddex carruur ah oo kala ah Jennifer (23), Rory (20) iyo Phoebe (17). Nayel Nassar oo 29 jir ah ayaa ku dhashay magaalada Chicago ee dalkaasi Mareykanka, laakiin waxa uu in mudo ah ku noolaa dalalka Masar iyo Kuwait, waxaana uu sanooyinkii dambe usoo wareegay dalka Mareykanka oo uu jaamacad dhanka dhaqaalaha ah ka galay, kana qalin-jabiyay. Qaran News
  8. (SLT-Hargeysa)-Ayax tiro badan ayaa khatar galiyey isla markaana baabiiyey tobanaan kun oo qoodi ama hectares (acres) oo dhul beereed ah oo ku yaala dalalka Kenya, Somalia iyo Ethiopia, waxaanu Ayaxani uu caqabad weyn uu ku yahay helida cuno. Weerarkan uu soo qaaday Ayaxan dilaacay ayaa lagu tilmaamay kii ugu darnaa ee soo mara dalalkani 70-kii sano ee u dambeeyey. “Ayaxani waxa uu sidoo kale khatar galiyey dalalka, gaar ahaana Koonfurta Sudan, Uganda iyo Eritrea..,” Sidaasi waxa yidhi Bukar Tijani, oo ah Kaaliyaha Agaasimaha hay’adda FAO, qaybteeda Beeraha iyo ilaalinta dalaga. Ayaxan ayaa yimid xili markoodii horeba 11 Milyan oo qof oo ku kala nool Ethiopia, Somalia iyo Kenya ay daris la ahaayeen hubanti la’aan dhinaca raashinka ah, waxaanu Ayaxani uga sii daray xaalada sida ay sheegtay hay’adda FAO. “Sidaa darted, waxa aanu u baahanahay in aanu samayno wax kasta oo lagaga fogaan karo xaaladdan ka sii daraysa,” ayuu yidhi Dominique Burgeon, Agaasimaha FAO qaybteeda Soo Kabashada iyo Xaaladda Degdega ah, oo socdaal ku marayey gobolada Samburu iyo Kitui, oo ka mid ah 15 gobol oo uu saameeyey dalka Kenya oo kaliya. Source
  9. Idiris Xasan Faarax oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed islmarkaana wareysi siiyay Goobjoog News ayaa tilmaamay in baxsashadii wasiir Janan ay ahayd dayacaad ay sameysay dowladda federaalka waxa uuna hoosta ka xariiqay in arrinkaasi uu yahay waji gabax. Aqoonyahan idiris ayaa yiri “waa dayacii ugu weynaa mida kale taas waxaa ka sii weyn xitaa waxaa dhici kartay in la dili karay sababtoo ah marka qofka aad xabsi ku hayso waa in amnigiisa aad ilaaliso waa in aad dadka ka ilaaliso, waji gabax weyn bey ku tahay dowladda arrinkaasi” Sidoo kale aqoonyahan Idiris oo sii hadlayay ayaa sheegay in wasiir Janan uu xasuuq ka geystay gobalka Gedo islamarahaantaana ay baadi goob ugu jirtay hey’adda u doodda xuquul aadanaha ee Amnesty International. “Xasuuq badan ayuu ka geystay gobalka Gedo gaar ahaan Baladxaawo iyo Dooloow marka nin aad loo doondoonayay buu ahaa, marka arrintaasi arrin sahlan ma ahan dowladdana ku sahlan iyo kuwa deriska ah” ayuu hadalkiisa ku sii daray Idirisi Faarax Cabdi. Dhanka kale Aqoonyahan Idiris Faarax ayaa sheegay in dowladda federaalka laga rabo in ay Kenya weydiisato sidii gacanta dowladda mar kale loogu soo celin lahaa wasiir Janan. “Dowladda federaalka waxaa laga rabaa in ay weydiisato Kenya in ay soo celinayso maxbuuska waa wx lagama maarmaan ah waa in DF arrintaasi ay ku dhaqaaqdo laakiin haddii ay sidaasi ku aamusto waxaa imaanaya tuhun” ayuu hadalkiisa ku daray aqoonyahan Idiris. Hey’adaha booliiska Soomaaliya ayaa 28-kii Janaayo ee sanadkan waxa ay sheegeen in gacantooda uu ka baxsaday wasiir Janan oo bishii August ee sanadkii tagay ay ka soo qabteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Warbixin Taariikh nololeedkii Ex-madaxweyne Daniel Arap Moi oo geeriyooday Moi ayaa Kenya maamulayay 24 sano Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa shaaciyay in uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee Kenya, Daniel Toroitich Arap Moi. Sidoo kale wiil uu dhalay Moi oo lagu magacaabo Gideon Moi ayaa sheegay in madaxweyne Moi uu geeriyooday saaka aroortii, waxaana uu ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay. Moi oo da’diisu ay ahayd 95 sano jir waxaa uu dalka Kenya Kenya soo maamulayay 24 sano, waxaana uu xilka ka degay sanadkii 2002. Moi ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay dibadda iyo gudaha dalka Kenya. Madaxweyne Moi oo da’ ah ayaa dhowr jeer la seexiyay isbitaalka Nairobi hospital ee Magaalada Nairobi, waxaana muddooyinkii dambe laga deyrinayay xaaladiisa caafimmaad. Moi ayaa Kenya maamulayay 24 sano Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi waxaa uu dhashay 2-dii bishii Sabtembar ee sanadkii 1924, waxaa uu na kana soo jeeda qowmiyadda Kalenjinta ee degta galbeedka wadanka Kenya. Moi ayaa inta uusan madaxweyne noqonin waxaa uu horay usoo noqday madaxweyne ku xigeen sannadkii 1967-dii, waxaana xilka Madaxweynenimo loo dhaariyay sanadkii 1978. Kadib dhimashadii madaxweynihii koowaad ee Kenya, Jomo Kenyatta, waxay Moi u ahayd guul siyaasadeed oo uu gaaray, maadama xiligaas ay jireen siyaasiyiin kale oo ku ag hareereysnaa Kenyatta, kuwaas oo uu hanqal taagayay in ay xukunka qabtaan Taariikh nololeedkii Ex-madaxweyne Daniel Arap Moi Moi waxaa uu xilka hayay inkabadan 20 sano Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi, oo dhashay 2-dii bishii Sabtembar ee sanadkii 1924, kana soo jeeda qowmiyadda Kalenjinta ee degta galbeedka wadanka Kenya ayaa xilka madaxweyne ku xigeenka qabtay sannadkii 1967-dii. Kadib dhimashadii madaxweynihii koowaad ee Kenya, Jomo Kenyatta, waxay Moi u ahayd guul siyaasadeed oo uu gaaray, maadama xiligaas ay jireen siyaasiyiin kale oo ku ag hareereysnaa Kenyatta, kuwaas oo uu hanqal taagayay in ay xukunka qabtaan. Sannadkii 1978, waxaa Moi loo dhaariyay xilka madaxtinimada, waxaana Kenya uu maamulayay tan iyo 2002-da. Moi waxaa uu ka tirsanaa xisbigii waagaas talada dalka hayay ee KANU, oo waxaa ay aad isugu dhawaayeen Madaxweynihii isaga ka horeyay ee Jomo Kenyatta, arrintaas oo u sahashay in uu saameyn ballaaran ku yeesho maamulkii xiligaasi jiray ee uu ka tirsanaa. Maalmihii ugu horeeyay ee xukunkiisa, waxaa uu shacabka dalka Kenya ugu baaqi jiray in ay gacan ka siiyan sidii uu u dhisi lahaa dalka, oo waxaa uu caan ku ahaa hal ku dhigii caan baxay ee ”Nyayo”, oo uu marwalba doonayay in dalka lagu sii maamulo siyaasadihii Jomo Kenyatta oo ah aabaha dhalay Madaxweynaha iminka talada haya ee Uhuru Kenyatta. Moi waxaa taliyaha ciidamada u ahaa nin Soomaali ah Daniel Toroitich Arap Moi waxaa xiligaas uu taageero badan ka heystay shacabka, waxaana la sheegaa in uu wax badan ka qabtay dhaqaalaha, waxbarashada iyo ammaanka. Moi ayaa xilliyadii ugu horeesay xukunkiisa waxaa uu sidoo kale tagaeero ka heystay dalalka reer galbeedka, oo waxaa ay u arkayeen nin ka hortagi karaa nidaamkii shuuciga ee Soviet-ka oo xiligaas laga cabsi qabay in uu ku baaho geeska Afrika. Inkastoo Maamulkii Moi uu gacan bir ah ku qabtay Kenya, hadana waxaa jiray rag ka tirsanaa militariga oo isku dayay inay xilka ka turaan. Saraakiil ka tirsanaa ciidammada cirka ee milateriga ayaa sanandkii 1982 sameeyay isku day afgambi oo markii dambe fashilmay, kadib markii uu soo farageliyay Jeneraal Maxamuud oo ah nin Soomaali ah oo ka tirsanaa milateriga, kana soo jeeda gobolka waqooyi bari ee Kenya. Tallaabadaas la doonayay in xilka lagaga tuuro Madaxweyne Moi ayaa la aaminsan yahay in ay horseeday in Moi uu la soo baxo dabeecado horleh, sidoo kalena uu noqdo kaligii taliye curiyaamiyay dimuqraadiyaddii Kenya. Dad badan ayaa xiliyadaas loo taxaabay xabsiyada, waxaana xigay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, dilal lagu la kacay dadka aan la dhacsaneyn siyaasadihiisa iyo qabyaaladda oo ku baahday dalka Kenya, waxaana ereygii ahaa Nyayo oo micnihiisa uu yahay hore u socod, dad badanna marka ay maqlaan ay ku xusuusan jireen wadaninimada uu isu badelay mid dadka xusuusiya tacadiyada iyo jirdilka ay dowladda Moi kula kacday dadkii uu markaas u arkayay in ay mixnad ku noqon karaan dowladiisa. MOI oo la dhaarinayo Dowladaha ugu tunka weyna caalamka ayaa xiligaas joojiyay tagaeeradii ay siin jireen maamulkii madaxweyne Moi, waxaana cadaadiskii wadamadaas ay saareen Moi ay keentay in dalka Kenya uu sanadkii 1992 ka hirgalo nidaamka xisbiyada badan, hasayeeshee xiligaas ma aysan jirin mucaraad isku toosan oo awood leh, oo markale doorashooyinkii dhacay sanadihii 1992 iyo 1997 waxaa ku guuleystay xisbigii Madaxweyne Daniel Arap Moi, ee KANU. Horaantii sagaashameeyadii, Madaxweyne Moi waxaa uu cadaadis kala kulmay dalalka iyo hey’adaha caalamka, kadib markii laga deyriyay musuqmaasuqa iyo xaaladda xuquuqda aadanaha ee wadanka Kenya. Xiligaas waxaa sidoo kale aad u liicay dhaqaalaha Kenya, waxaana dhibaatooyin badan oo is -biirsaday ay markii dambe keentay in uu lumiyo taageeradii ay u hayeen dalalka reer galbeedka, arrintaas oo horseeday in la takooro maamulkiisa. Sidoo kale madaxweyne Moi waxaa aad loogu xasuusan doonaa dhowr xasuuq oo uu ka geystay Kenya intii uu xilka hayay, haba ugu darnaadaane xasuuqi ka dhacay Wajeer ee Wagalla, Garissa Gubay iyo Malkamari oo ka dhacay Mandera. Dowladdii Moi waxaa ay xiligaasi ku raad joogtay dadkii aaminsanaa in deegaanadii la isku oran jiray NFD ay ka mid noqdaan Soomaaliya, Waxaana dadkaasi uu Moi ku tilmaami jiray kuwa burcad ah. Ciidmadda Kenya ayaa dad lagu qiyaasay saddex kun oo qof ku laayay tuulada Wagala ee Wajeer. Walow xasuuqi Wagalla uu noqday mid uur ku taala ah, oo xanuun badan ku reebay dad badan oo Soomaali ah ayaa hadana wali waxaa muuqata in tacadiyadii dhacay xiligii taliska Moi aanan waxba laga qabanin. Moi iyo Kenyatta Warbixin ay sanadkii 2013-ka soo saareen guddiga cadaalada iyo dib u heshisiinta ee TJRC ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay u caddaalad fasho, magdhawna siiso dadkii ay waxyeelada ka soo gaadhay dowladdii Madaxweyne Moi, walow warbixintaasi aanan la dhaqan gelinin ilaa iyo haatan. Inkastoo Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi lagu tilmaamo in uu ahaa wadani keligii talis ah, oo Afrikaanimada na ay ku weyn tahay, ayaa hadana dad badan oo reer Kenya waxaa ay ku xusuusaan doonaa xumaan iyo wanaag si gaar ah u saameeysay qofwalba. Moi ayaa la filayaa in aas qaran loogu sameeyo Kenya maalmaha soo socda. Qaran News
  11. Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa ku guuleystay inuu Dekedda Berbera usoo Iibiyo Taag casriya oo lamida kii uu 2018-kii soo iibiyey. (SLT-Istanbal) – Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo xukunka haysay muddo laba Sannadood oo keliya, ayaa Dekeda Caalamiga ah ee Berbera usoo iibisay Taagii labaad oo Casriya, isla markaana la Mataano ah kii hore ee sanad iyo badh ka hor dawlada Somaliland usoo Iibisay Marsada Caalamiga ah ee Berbera. Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi iyo Wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo oo ku sugan Dalka Turkiga gaar ahaan Dekeda weyn ee Tusla, ayaa ku guuleystay inuu sanadkii labaad usoo Iibiyo Dekeda Caalamiga ah ee Berbera Taag casriya oo lamida kii uu 2018-kii usoo Iibiyey Marsada Berbera , kaasoo ay baahi weyn u qabtay, isla markaana wax Badan ka qabtay baahiyihii jiray, hase yeeshee uu dhowaan dhamaan doono dhismaha Dekeda Cusub ee 400, ah. Maareeyaha Dekedaha waxa safarka ku wehelinaaya labo Nin oo ah Khubuuro ku xeel-dheer Taagag-ga, horena ula soo Iibiyey kii hore ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi usoo iibisay Dekeda Berbera, ayaa lamid ah kii hore, isla markaana la isbeerbaadh ah, isagoo ay ku shaqayn doonaan hawlwadeenadii muwaadiniinta ahaa ee hore ugu shaqayn jiray Taaga Casriga ee hada ay ku shaqayso Dekedu, kuwasoo iyaggu muddo sanaad iyo badh ah dalka ku qaatay tabo-bar Caalamiya. Maareeyaha Dekeda Berbera oo si Kooban Warbaahinta ula Hadlay, ayaa sheegay in Taagan iyo kii hore ay yihiin Mataano walaalo ah, dhinac walbana iska metelaan, Maareeyaha oo arimaha ka hadlay waxa uu yidhi, “Hada waxa ku suganahay dalka Turkiga, gaar ahaan Magaalada Istanbul Dekeda weyn ee la yidhaahdo Tusla, Safarka waxa igu weheliyaa, laba Nin oo Khubuuro ah, oo ka socda BNO, waana Nimankii ila soo Iibiyey Taagii hore, waxanay aqoon dheeraadau leeyihiiin Taagaga, waxananu 29/1/2020-ka kusoo Guuleysanayn Taagii hore mataankiisii labaad. Sababta aanu Mataankiisa labaad usoo Iibinaynaa waxa weeye, maadaama oo sanaad iyo shan biloo Macalimiin khubuuro ah, aanu keenay Dekeda, kuwasoo tabobaray Taag-masteradii cusbaa ee Somaliland, si aan tabobar kale loo gelin, ayaanu u dooranay mid lamida kii hore, labada Taagna waa isku isbeerbaadh iyo isku aqoon labadaba. waana Ilahay Mahadii inaynu gacanteena ku jiro, oo ay Maanta Dekedda Berberi leedahay laba Taag oo Casriya”. ayuu yidhi Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi. Source
  12. Madaxweynihii hore re Fslka Kenya Danial Arap Mio ayaa ku geeriyooday da’da 95 sano, Mio wuxuu in mudo ah ahaa Madaxweynaha Kenya wuxuuna Xalay ku [...] Source
  13. Murashaxiinta kala ah Cabdulaahi Faarax Weheliye iyo Kamaal Guutaale oo qoraalo soo saaray ayaa waxa ay si isku mid ah u soo dhoweeyeen madaxweyne Axmed Qoorqoor oo 2-dii bishan ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Murashaxiintan oo horay u qaadacay doorashada Galmudug ayaa hadda waxa ay sheegeen in ay tanaasuleen islamarkaana ay soo dhoweynayaan madaxweynaha cusub ee maamulkaasi loo doortay. Kamaal Guutaale oo qoraal soo saaray ayaa yiri “Aniga oo hoosta ka xarriiqaya ineysan marnaba Dowladda Federaalka ah wax tanaasul ah ka sameyn qodob walba oo la isku qabtay mudadii Galmudug la dhisayay ayaan haddana sidii caadada noo aheyd waxaan rabaa halkaan inaan ka caddeeyo inaan ku dul shaqeeyo natiijadii shalay ka soo baxday Dhusamareb, una tanaasulo danta guud ee reer Galmudug” Dhinaca kale Kamaal ayaa soo dhoweyn u muujiyay madaxwene Axmed Qoorqoor ayaa yiri sida tan “Waxaan halkaan ka soo dhaweynayaa Madaxweyne Ahmed Abdi Kaariye ilaahayna oga baryayaa inuu ku asturo xilka muhiimka ah ee reer Galmudug uu u qaaday, waxaan ugu baaqayaa inuu wax ka badalo hab-dhaqankii Dowladii uu wasiirka u ahaa, u howl galo sidii la isugu keeni lahaa garabyada maanta ku hartamaya Galmudug, uu dhaqan ka dhigto tanaasul iyo dad isku wad si loo gaaro Galmudug mideysan, loo dhan yahay oo isku Dan ah” Dhanka kale murashax Cabdulaahi faarax Weheliye oo isaguna horay u qaadacay doorashada Galmudug ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku cadeeyay in uu soo dhoweynayo natiijadii ka soo baxday doorashadii 2-dii bishan lagu doortay Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor. Xildhibaan Cabdulaahi Faarax Weheliye ayaa yiri “Hadaba anigoo og wadadii dheereed ee loo soo maray isku keenista Galmudug, isla markaana ilaalinaya midnimada iyo wadajirka Galmudug waxaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug u cadeynayaa inaan soo dhoweynayo natiijadii kasoo baxday doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ee lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid. Waxaan leeyahay Hambalyo, xilkana Allaha idinku asturo. Waxaana u balan qaadayaa inaan si buuxda ula shaqeyn doono Inshallah” Xildhibaanka ayaa sidoo kale madaxda cusub ee Galmudug ugu baaqay in ay isku keenaan dhamaan saamileyda siyaasadeed si loo xaliyo tabashooyinka jira. “Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa madaxda la doortay iyagoo kaashanaya DFS, Saamileyda Siyaasada iyo Bulshada reer Galmudugba iney isku doonaan dhinacyada tabashooyinka qaba gaar ahaan ASWJ iyo Madaxweyne Xaaf si loo gaaro xal waara Galmudugna looga daba geeyo Dowlad Goboleedyada dalka” ayuu hadalkiisa raaciyay cabdulaahi Faarax Weheliye. Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa wali wajahaya culeyso siyaasadeed oo uga imaanaya ururka Ahlu sunna iyo madaxweyne Xaaf, lamana oga tallaabada xigta oo uu qaadi karo Axmed Qoorqoor. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT- Chicago)-Fannaan u dhashay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka ayaa lagu xukumay 99 sano oo xabsi ah ka dib markii uu lacag ku bixiyay in la dilo hooyadiis, si uu ula wareego hantideeda ugu jirtay bangiga. Qaw’mane Wilson oo loo yaqaano “Young QC” waxaa lagu helay inuu shirqoolay hooyadiis sanadkii la soo dhaafay, waxaana lagu xukumay noloshiisa inta ka hadhay in uu ku qaato xabsi. Hooyadiis oo lagu magacaabi jiray Yolanda Holmes ayaa lagu dilay xabbad iyo Mindi, waxaana dilkeeda ka dambeeyay oo fuliyay Eugene Spencer isagoo amar ka helayay wiilkeeda Wilson. Fannaanka ayaa u isticmaalayay lacagta uu darteed u dilay hooyadiis, inuu ku muujiyo oo uu kor ugu qaado fankiisa, isagoo inta badan siin jiray kumanaan kun oo doollar taageerayaashiisa. Maxkamada Heesagaan xukuntay waxay sheegtay intii uu xukunku dhacayay in Holmes ay ahayd hooyo dadaashay oo wiilkeeda siisay wax kasta oo uu doonayo. Source
  15. (SLT- Malaawi)-Maxkamada dastuuriga ah ee wadanka Malaawi ee koonfurta Qaaradan Afrika ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay doorashadii madaxtinimada ee Sannadkii hore ka dhacday Dalkaasi. Doorashadan oo dhacday bishii May 2019 ayaa dib loogu doortay madaxweyne Peter Mutharika, taasi oo dhalisay banaanbaxyo iyo iska hor-imaadyo ballaadhan oo ka dhacay wadankaasi oo lagu diidan yahay natiijada doorashadda. Madaxweyne Mutharika ayaa codad tiro yar kaga guulaystay musharixii la tartamayay ee Lazarus Chakwera, isagoo helay 38.5% codadkii la tiriyay. Ninka la tartamayay ayaa ku gacan sayray natiijada isagoo sheegay in la xaday doorashadii waxaana uu dacwad u gudbiyay maxkamadda dastuuriga ee dalkaasi. Maxkamadu waxay amar ku bixisay in muddo 150 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho cusub, maxkamadu waxay kaloo xukuntay in madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenku ay xilka sii hayn doonaan ilaa iyo inta la dooranayo madax cusub. Source
  16. Saraakiisha milatariga ee howgalka nabad ilalainta Midowga Africa ee AMISOM ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen qorshaha lagu dhimayo ciidamada AMISOM ka jooga gudaha Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay saraakiil milatari oo ka kala yimid magaalooyinka ay ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya,waxaana kulankaasi sidoo kale goob joog ahaa gudiga howgalada ee AMISOM. Sidoo kale taliyeyaasha milatari ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo saraakiil ka socota dowladda Soomaaliya ayaa kulanka ka qeyb galay,waxayna ka doodeen xaaladaha amni ee Soomaaliya iyo qorshaha AMISOM ay uga baxeyso guud ahaal dalka. Taliyaha ciidamada AMISOM General Tigabu Yilma ayaa sheegay in gudiga howgalada AMISOM ay ka wada hadli doonana xaalada amaan ee Soomaaliya,iyo howgaladii ugu dambeeyay ee AMISOM. General Tigabu Yilma ayaa sidoo kale tilmaamay in muhiimada kulanka ay tahay sidii looga doodi lahaa qorshaha dhimitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya oo qararakiisa uu soo saaray golaha amaanka ee QM. AMISOM ayaa kun askari kala baxeysa Soomaaliya dhamaadka bishan Febraayo,waxaana socda dadaaladii ugu dambeeyay ee AMISOM ammaanka dalka ugu gacan galinayso ciidamada dowladda Soomaaliya. View the full article
  17. Telefishinka dowlad goboleedka Jubaland, ayaa saaka baahiyay in dhammaan ciidamada Jubbaland ee ku sugan gobolka Gedo, ay dib ugu laabteen xeryohoodii ciidan kadib diiwaan galin sharci darro ah oo ay ku samaysay xukuumadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxman Maxamad Xassan, oo wareysi gaar ah siiyay Barnaamijka Falanqaynta wararka ee Jubbaland TV ka baxa, ayaa sheegay in ciidankan oo si sharci darro ah lagaga soo saaray xeryohoodii gobolka Gedo, laguna khasbay in ay isu diiwaan galiyaan in ay kamid yihiin Ciidamada Federaalka, ay haatan dhammaantood dib ugu laabteen xeryahoodii. Warkaasi ayaa ku soo beegmay, xilli mudooyinkii dambe ay dowladda Federaalka ciidamo kala duwan ku daabulaysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, islamarkaana ay sheegtay in ay la wareegtay ciidamadii Daraawiishta Jubaland ee gobolkaasi ku sugnaa, kadib diiwaan-gelin lagu sameeyay. Mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Jubaland, ayaa dhankooda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay xiisad iyo colaad ka abuurayso gobolka Gedo, si gobolkaasi looga jaro dowlad goboleedka Jubaland. PUNTLAND POST The post Ciidamadii Jubaland ee ay la wareegtay dowladda Federaalka oo la sheegay in ay dib uga soo laabteen appeared first on Puntland Post.
  18. Hay’adda nabad suggida & sirdoonka Qaranka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaaf muddooyinkii dambe ka dhex taagnaa hoggaanka Xarakada Al-Shabaab NISA ayaa xalay soo saartay qoraal kooban oo lagu faafiyey boggeeda Twitter-ka waxayna ku sheegtay in hogaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye Abuu Cubeyda uu xilalkii ka xayuubay, Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay) iyo Bashiir Maxamed Maxamuud (Bashiir Qoorgaab), sidoo kalena uu ka saaray golaha fulinta ee ururkaasi. Qoraalka NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay inay tani timid, markii ay labadaasi xubnood Amiirka Al-Shabaab ka dalbadeen inuu joojiyo qaraxyada ka dhanka ah shacabka ku nool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. “Axmed Diiriye, Horjoogaha argagixisada AS ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qoorgaab Golaha Fulinta Xarakada, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen Xarakada, ka dib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho.” Ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Ay Xalay ku Faafiyeen Bogooda Fariimaha gaagaaban View the full article
  19. Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xoogan oo xalay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo uu xigay dagaal foolka fool ah ayaa ka dhacay saldhig ay ciidanka AMISOM ku leeyiin deegaanka Buufow Bacaad oo ku yaalla afaafka hore ee magaaladaasi. Ilo deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online in weerarka uu ku bilowday madaafiic lagu garaacday saldhiggaasi, kadibna uu xigay dagaal toos ah. Wararka aya sheegay in dagaalka oo socday muddo saacado ah uu ka dhashay khasaare kala duwan, balse aan la xaqiijin karin inta uu la egyahay. Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa haatan degan, balse ciidanka AMISOM ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen deegaanka Buufow Bacaad oo ka tirsan magaalada Marka ee caasimada gobolka Shabeelaha ee koonfurta Soomaaliya. Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa weerarado gaadma ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolkaasi.
  20. (SLT-Nairobi)-War hada soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Goordhow Magaalada Caasimadda u ah dalka Kenya ee Nairobi uu ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daniel Toroitich Arap Moi. Madaxweynihii hore ee dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay in mudooyinkii dambe uu ku xanuunsanayay cisbitaal ku yaalla Nairobi, hayeeshee Goordhow Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyay inuu xanuunkaas u geeriyooday. Daniel Toroitich Arap Moi ayaa xilka Madaxweyne ee Kenya ka degay 2002, waxaana uu dalkaas maamulkiisa uu haayay 24-sanno, waxaana uu ku dhintay da’da 94-sano. Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi waxaa uu dhashay 2-dii bishii Sabtembar ee sanadkii 1924, waxaa uu na kana soo jeeda qowmiyadda Kalenjinta ee degta galbeedka wadanka Kenya. Source
  21. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen qeybo ka mid ah magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi oo hootaga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday saldhig ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin xaafadda Buufow Bacaad oo ka tirsan magaaladaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday madaafiic lagu garaacay saldhiggaasi, kadibna uu xigay dagaal foolka fool ah. Ma cadda illaa iyo hadaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana saldhigga la weeraray ku sugan ciidanka AMISOM oo dhaq dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-04022020.mp3 View the full article
  23. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cabdullaahi Faarax Wehliye oo ka mid ahaa afartii musharrax ee ugu saameynta badnaa doorashadii Galmudug, balse ka haray tartanka doorashadaasi ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi iyo isbedalladii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Wehliye oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa marka hore taageeray doorashadii Dhuusamareeb ee lagu doortay Qoor Qoor, isagoona sidoo kale u hambalyeeyey. Sidoo kale qoraalkaan ayuu Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Wehliye uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Galmudug, wuxuuna tilmaamay inuu isagu gartay inuu tanaasulo, si loo soo afjaro khilaafaadka la dagay horumarka maamulkaasi. Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo wasaaradda arrimaha gudaha. Halkaan hoose ka aqriso: GALMUDUG la wada leeyahay baadi goobkeeda waxaan bilaabay April 2017 kadib markii aan la wareegey xilka Wasiirudowlaha Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta. Dadaal dheer kadib waxaa Alle nagu guuleeyey aniga iyo intii igala shaqeysayba guulahaan :- 1. Curintii, Abaabuulkii iyo hirgelintii heshiiskii Djibouti ee Galmudug iyo Aswj lagu mideeyey. 2. Isku darkii baarlamaankii Galmudug iyo Aswj ee Dhuusamareeb. 3. Heshiiskii DFS iyo Aswj ee Raysulwasaaruhu ku tegey Dhuusamareeb si loo yagleeli Galmudugta Cusub ee maanta. 4. Isku dhafkii Ciidanka DFS iyo Galmudug/ASWJ. In lagu guuleysto shaqooyinkaas waxaa suurta geliyey kana qeyb qaatay masuuliyiinta kala ah:- 1. Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo. 2. Raysulwasaaraha XFS Mudane Xassan Cali Kheyre 3. Wasiirkii Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) 4. Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye 5. Wasiirkii Arrimaha Gudaha Mudane Cabdisamad Macalim Maxamuud 6. Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf 7. Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh Maxamed Shaakir Cali Xassan. 8. Hogaamiyaha Sare Aswj Macalim Maxamuud Sh Xassan 9. Xildhibaan Mahad Salaad 10. Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame 11. Wasiirkii Qorsheynta Galmudug Mudane Cabdikaafi Qaaf 12. Cali Yare Cali 13. Aadan Cismaan Xusseen 14. Maxamed Cabdixaliim. 15. Urur Goboleedka IGAD. Musuuliyiinta kor xusan waxaan uga mahad celinayaa doorkii ay ka qaateen dib u soo nooleenta Galmudugta cusub. Intaas kadib waxaan kamid noqday musharaxiintii usoo istaagey xilka Madaxweynaha Galmudug 2020-2024, hase ahaatee masuuliyiintii Dowladda Dhexe iyo Gudoonka Baarlamaanka Galmudug waxaan ku kala fikir duwanaaney qaabka loo marayo Doorshada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, sidaas ayaana uga haray Doorashadii Galmudug ka dhacday 02-02-2020 ee lagu doortay Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Hadaba anigoo og wadadii dheereed ee loo soo maray isku keenista Galmudug, isla markaana ilaalinaya midnimada iyo wadajirka Galmudug waxaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug u cadeynayaa inaan soo dhoweynayo natiijadii kasoo baxday doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ee lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid. Waxaan leeyahay Hambalyo, xilkana Allaha idinku asturo. Waxaana u balan qaadayaa inaan si buuxda ula shaqeyn doono Inshallah. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa madaxda la doortay iyagoo kaashanaya DFS, Saamileyda Siyaasada iyo Bulshada reer Galmudugba iney isku doonaan dhinacyada tabashooyinka qaba gaar ahaan ASWJ iyo Madaxweyne Xaaf si loo gaaro xal waara Galmudugna looga daba geeyo Dowlad Goboleedyada dalka. Waxaan mar kale si gaar ah ugu mahad celinayaa Raysulwasaaraha XFS dadaalkii aan qiyaasta laheyn ee uu geliyey Galmudug waxaan leeyahay mirihiisii waa la gaarey ee aan xajino Inshallah.
  24. Ugu yaraan afar askari oo Turkish ah iyo 35 Askari oo Siiriyaan ah ayaa lagu soo warramayaa, in ay ku dhinteen dagaal fool ka fool ahoo ciidamada labada wadan ku dhexmaray gobolka Idlib ee waqooyi galbeed ee Suuriya. Sagaal askari ayaa sidoo kale dhaawacyo soo gaareen, kadib markii ciidamada Siiriya ay madaafiic ku garaaceen saldhigyada Milateriga Turkiga, sida laga soo xigtay war ka soo baxay wasaaradda Gashaandhiga Turkiga. Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ergogen ayaaa sheegay in ciidamadiisu ay bartilmaameesadeen 40 xarumood oo ay leeyihiin ciidamada Siiriya iyagoo kaga aargudanaya weerarka ay ku soo qaadeen ciidamada Turkiga. “ Ma Aamusayno, waxaanu sii wadaynayaa jawaabaha milateri ee aanu ka bixinayno gardarada Rajiimka Siirya , Waan u sheegnay Ruushka inay noo baneeyaan wadayada oo aysan garab istaagin” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga Ciidamada Turkiga ayaa ka howlgala Gobolka Idlib oo ay gacanta ku hayaan mucaaradka Suuriya. Gobolkaas waxaa ku nool ilaa 3 Milyan oo qof oo u Badan barakacayaal ka soo cararay gobolada kale ee Siiriya. PUNTLAND POST The post Askar ku dhimatay dagaal dhexmaray Ciidamada Turkiga iyo Suuriya appeared first on Puntland Post.
  25. Ethiopian Airlines management said it is applying WHO and International Air Transport Association Standard.Death Toll in China reached 425.Confirmed cases are over 20,000.Four new Coronavirus suspected cases quarantined in Ethiopia Source: Hiiraan Online