Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,348
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Editorial. The American Embassy in Mogadishu issued a statement in which it calls for reconciliation between the Federal Government and Federal Member States. While the idea to urge the Somali political stakeholders to cooperate over nation-building deserves a support, one wonders if the United States is the right envoy to preach peace and collaboration among Somali political stakeholders. The United States of America is no longer an impartial partner in Somalia. As a super power it has strategic goals that do not mesh with what Somalia needs: robust institutions and accountable politicians. USA is interested in promoting a narrow Horn of Africa integration plan to put in place client states run by unpopular leaders whose sole support stems from periodic press releases from Bretton Woods institutions to paint a picture of potential economic progress. USA First: Yamamoto pursues hegemonic goals in the Horn of Africa Since 2012 Somalia has had a permanent government formed in line with 2012 London Somalia Conference. If the collaboration between the Federal Government and Federal Member States has come to halt, the blame should be pinned on the Somali Presidency, which is nostalgic for authoritarian era that caused state collapse in 1991. The responsibility to make Somalia a peaceful country belongs solely to Somalis. What worries many Somalis is the high-handed diplomatic approach pursued by Ambassador Donald Yamamoto, who usurped the role of Somalia’s International Partners to issue successive statements on political developments in Somalia. How can one trust the work of UNSOM if both Ambassador Yamamoto and UNSOM Chief, James Swan, treat Somali like a vassal state and in the process gradually undo all achievements gained since 2012? The US policies towards Somalia make the country relapse into failed state status. AU, EU, UK and other countries involved in the stabilisation of Somalia should make their voices heard about the US Ambassador’s policies that keep Somalia in permanent state of political instability. © 2020 Puntland Post The post US Policies Make Somalia Relapse into Failed State Status appeared first on Puntland Post.
  2. Puntland state police have detained a TV journalist Omar Mohamed Somane in Garowe, On Wednesday evening. The reporter who works for a London based private TV has been arrested after filling a report on the dispute between the Puntland Ministry of Education and the Ministry of Education of the central Government over the unified national exams. The regional state has rejected to join other states in national exams that led the Federal government to refuse secondary school graduates in Puntland to obtain certificates. A media colleague has confirmed the arrest of the journalist to Radio Shabelle station in Mogadishu. Somane is now held at Garowe central police division. Puntland state is yet to comment on the matter. Somali journalists working in various parts of the troubled nation face frequent arrests, intimidation, and killing due to their work to inform the public about events and issues on the ground and how they affect their lives. View the full article
  3. Nairobi (Caasimadda Online) – Faarax Macalin oo horey u ahaa guddoomiye ku-xigeenka baarlamanka Kenya ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada Kenya ka wadaan Gobolka Gedo. Faarax Macalin ayaa ku baaqay in si deg deg ah ciidamada Kenya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Africa looga saaro gudaha Soomaaliya. Faarax Macalin ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyey inay ku guuldareystay sugidda Amniga, isagoo xusay in Ardayda iyo Macalimiinta Kenya ay dhibaato xoog leh kala kulmaan weerarada ay Al-Shabaab ka fuliyaan gobolo ka tirsan Kenya. Wuxuu sheegay inaysan suurtagal aheyn in Ciidamada Kenya oo ilaalin la’ amniga dalkooda ay nabad ilaalin u joogaan gudaha Soomaaliya. Faarax ayaa tilmaamay in Amniga dalka Kenya uu aad u liito marka loo fiiriyo 11 sano ka hor inta aysan ciidamada Kenya galin gudaha Soomaaliya. Arrinta ugu xasaasisan oo uu sheegay Faarax Macalin ayaa ah in ujeedada ay Ciidamada Kenya u joogaan Soomaaliya ay tahay sidii ay si sharci darro ah uga ganacsan laahayeen Dhuxusha iyo Sokorta sida uu hadalka u dhigay. Dowladda Kenya ayuu sheegay in markii hore ay sheegtay in ujeedada ay ciidamadeeda u geyneeyso Soomaaliya tahay in laga sugo amniga Kenya balse wuxuu xusay inay hadda arrinta kasii dartay oo amnigii uu faraha baxay. Hadalka Faarax Macalin ayaa kusoo aadayo xilli ay Shalay Dowladda Soomaaliya soo saartay qoraal ay ku sheegtay inay ka xun tahay faragelin siyaasadeed iyo mida amni oo ay Kenya ka waddo gudaha Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in faro-gelintaas “aysan u wanaagsanayn xiriirka labada dal iyo shacab ee walaalaha iyo deriska ah, iyo xal u helida mushkiladaha gobolka ee ay ka mid tahay la-dagaalanka Argagixisada.” Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Faarax Macalin soo dhigay bartiisa Twitter-ka
  4. Puntland Current Trend (PCT) oo ah Madal ay ku mideysan yihiin boqolaal Aqoonyahano Reer Puntland ah oo ay kamid yihiin Labadii Wasiir hore ee udubka [...] Source
  5. Abdullahi Mohamed Ali ( aka Sanbaloolshe), the former director of the Somali National Intelligence and Security Agency launched in January 2020 a media campaign “to set the record straight” over the extradition of Abdikarim Qalbidhagah to Ethiopia in 2017. Sanbaloolshe has come under fire for his role in the rendition of a Somali citizen. Dalsan TV website interview with SanbalolLshe has been exceptionally telling for the details the former NISA director had disclosed. “President Mohamed Abdullahi Mohamed has signed the extradition process” Sanbaloolshe said. “In my role I believe I handled the case the best way one could handle and that how Qalbidhagah went to Ethiopia. Puntland and Galmudug were separately vying for the extradition of Qalbidhagah”, who lived in South Galka’yo under Galmudug administration. Sanbaloolshe said that “Allah predestined the extradition of Qalbidhagah. I unreservedly apologise to Qalbidhagah for my role in his extradition. I have a lot of classified information.” He implied that he acted on intelligence to prevent Qalbidhagah from falling into the hands of two federal member states that ” were plotting to extradite” the Somali citizen. The former NISA director has unwittingly disclosed classified information in the interview when he distances himself from the extradition order to argue that ” the buck stops with the Somali President.” Ali presenting his credentials to Queen Elizabeth II in 2013 Abdi Abdullahi Hashi, the Speaker of Somalia’s Upper House, challenges Sanbaloolshe’s version of events. In an interview with a Somali news website, Mr Hashi said: ” I was invited to a meeting with the Somali President and Sanbalooshe. The President asked Sanbaloolshe to tell me what he had told the President. Sanbaloolshe told us that Qalbidhagah, as senior ONLF officer, had made a deal with Ethiopia and asked for the Federal Government to extradite him to Ethiopia. Sanbaloolshe was fervently making the case to extradite Qalbidhaha.” The Somali Federal Parliament formed a committee to investigate the extradition case. The committee report concluded that Abdikarim Qalbidhagah was extradited illegally and the Somalia does not view ONLF as a terrorist organisation.” The report of the committee has resulted in the resignation of Sanbaloolshe as NISA director. In 2013 Sanbaloolshe was appointed the Somli Ambassador to the United Kingdom. He presented his diplomatic credentials to Queen Elizabeth II. The British Government has not permitted Sanbaloolshe to live in London as Somalia’s Ambassador to the Court of St. James’s. Somalia does not have an embassy in the United Kingdom despite Britain spearheading the state-making efforts in Somalia through three conferences held in 2012, 2013 and 2017. The extradition of Qalbidhagah dented the confidence many Somalis had in the Federal Government. Sanbaloolshe has shown bravery to own up to his mistake but his claim that Qalbidhagah went to Ethiopia and that the President of Somalia ordered the extradition contradicts the efforts he argues he had to extradite Qalbidhagah to Ethiopia nearly three years ago. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post How Sanbaloolshe Misspoke About the Extradition of Qalbidhagah appeared first on Puntland Post.
  6. Maanta waxaa Bosaso ka dhacaya Shirka Golaha Wasiirada Puntland ee Khamiislaha ahaa, Shirkaan wuu ka duwan yahay Kuwii hore. Madaxweyne Deni ayaa isugu yeeray Golihiisa [...] Source
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa la guddoon siiyey qalabka fududeeyo maqalka kadib markii ay ku dhaga beeleen weerarada ay kusoo qaadaan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto Gudaha Soomaaliya. Ciidamadaan oo u dhashay dalka Uganda tiradoodana tahay 23 askari ayaa ku dhaga beelay jugta weerarada Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigyadooda, waxaana qalabkaana loo siiyey si ay si fiican wax ugu maqlaan. Mid kamid ah Askartaas oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu muddo afar bil ah dhibaato ku qabo maqal la’aan ka dhalatay dagaaladii ay la galeen AL-Shabaab intii ay ka tirsanaayeen howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. Askarigaan oo magaciisa qarixiyey isla markaasna aan fasax u heysan inuu la hadlo Saxaafadda ayaa sheegay inuu maqalkiisa waayey markii uu qarax ka dhacay meel u dhow saldhigii ay ku sugnaayeen. Qalabka la guddoon siiyey askartaan ku dhaga beelay dagaalada Al-Shabaab ayaa waxaa bixisay hey’adda wax maqalka ee The Starkey Hearing Foundation, waxayna hey’adda u ballan qaaday ciidamadaas inay lacag la’aan ku siin doonto batariga loo isticmaalo qalabkaas. Xafladda ciidamadaan lagu siinayey qalabkaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira oo isaga guddoonsiiyey.
  8. Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa xalay degmada Qardho ee gobolka Karkaar kula shiray qaybaha kala duwan ee dadwaynaha degmada Qardho oo isugu jiray Odayaal, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo waliba guddoonka gobolka iyo degmada oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha golaha degaanka ahna duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan iyo xildhibaannada gobolka. Guddiga ayaa bulshada la wadaagay qorshaha hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo Jadwalka ay doonayaan in ay ku gaaraan, waxayna shacabka ka dhegaysteen aragtidooda ku aaddan hannaanka doorashada qof iyo cod iyada oo guddigu ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay qabeen dadweynihii kasoo qayb galay madasha. PUNTLAND POST The post Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo la kulmay Bulshada Qardho appeared first on Puntland Post.
  9. Qoraal arbacadii ka soo baxay xafiiska hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanka ay mar walbo ay ahmiyad gaar ah siinayaan in DF iyo dowlad goboleedyada kala shaqeeyaan amniga iyo ladagaalanka Al-shabaab iyaga oo ugu baaqay wada hadal iyo tanaasul iney dhinacyada kala duwan muujiyaan. “Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa weji khatar ah oo ku aadan safaka dhanka dimoqoraadiyadda, sharciga doorashada ma dhameystirna, waa in dhammaan xoogga saaraan dib u heshiisiin, lana soo celiyo xiriirkii dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada” Ugu dambeyntii, waxaa uu Mareykanka ugu baaqay dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada, baarlamaanka iyo dhammaan saamileyda in laga shaqeeyo sidii ay doorasho hufan ku dhici laheyd 2020/1 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay degmada Hodan ee gobalka Banaadir. Qaraxan oo ahaa mid lagu soo xiray gaari uu lahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaalya ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Xaafada Taleex gaar ahaa carwadii hore ee qaranka, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Sida goobjoogayaal ay inoo xaqiijiyeen qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay darawalkii gaariga iyo qof shacab ah oo wadada marayay. Ciidamo ka tirsan booliska degmada Hodan ayaa goobta soo gaaray iyaga oo halkaasi ka bilaabay baaritaano. wali ma jirto wax wara oo ka soo baxay laamaha amaanka oo ay uga hadlayaan qaraxan lagu bartilmaameedsaday gaari uu lahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaaka federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. MOGADISHU (HOL) - The U.S has called on Somali Federal Government and the Federal Member States to re-engage following close to three years of sour relations in what is perhaps the U.S’ strongest rebuke of pf the Somali administration. Source: Hiiraan Online
  12. Wararka ka imaanaya magaalada Xaafada Black Sea ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas Kooxo hubeysan ay ku dileen Darawal Mooto Bajaaj. Rag ku labisan direeska Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in saaka Xaafada Black Sea degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dilay Wiil Bajaajle ahaa waxaana la sheegay in kooxdii dilka geysatay ay Mobile kii ka qaateen Marxuumka ay dileen. Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in kooxda dilka geysatay in ay doonayeen marxuumka in ay ka dhacaan Mooto Bajaajta uu ku shaqeysanayay muran kadibna ay toogteen. Meydka marxuumka waxaa goobta ka qaaday dadka degaanka oo ku wareejiyay Eheladiisii. Inta badan Darawalada Mooto Bajaajka kexeeya ayaa tacadiyo kala duwan la kulma taas oo ay ugu badantahay dilalka iyo dhaawac askarta dowladda iyada sidoo kale ay u gaarsadaan kooxo burcad ah oo dhac u geysata. PUNTLAND POST The post Dareewal Mooto Bajaaj oo lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool Wadanka UK ayaa Degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa ka aasay aasay labo koox oo kubbadda cagta ah,iyagoo ugu tala galay in ay dhallinyarada ay ka taageeraan xirfadooda isboortiga waxaana kooxda Jubba Youth hindisay dhallinyarada kala ah Caamir Cabdiraxmaan Xuseen iyo Zakariye Cabdi Xasan. “Markii aan kusoo laabanay dalka waxaan aragnay baahi badan oo haysta dhallinyarada aniga iyo saaxiibo badan oo ku nool magaalada London ayay nagu dhalatay in aan caawino dhallinyarada,sababta loo aas aasay kooxda Jubba ayaa ah in ay wax baan ka badasho Soomaaliya,waxaanse rajaynaynaa in aan mustaqbalka soo saarno caruur badan oo saameyn ku leh Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Caamir Cabdiraxmaan Xuseen oo ah guddoomiyaha guud ee naadiga Jubba Youth. Guddoomiyaha Jubba Youth ee caasimada Muqdisho Cabdullahi Maxamuud Sanka ayaa sheegay in hadafkooda uu yahay in ay dhiirigeliyaan dhallinyarada in ay kooxo badan oo nuucyada ciyaaryaha ka aas aasan degmooyinka Gobolka Banaadir iyo dhamaana gobolada kale ee dalka. Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Yaaqshiid Xasan Tahliil ayaa u mahad celiyay dhallinyaradii aas aastay kooxda Jubba Youth ,wuxuuna balan qaaday in degmada Yaaqshiid ay diyaar u tahay in ay garab istaagto kooxdan oo muhiim degmooyinka dariska ah ee Yaqiishiid iyo Hiliwaa. Macalinkii hore kooxda Hirshabeele iyo Saxafi FC Cabdi Isaaq Maxamed (Cabdi Kuus) ayaa bogaadiyay howlaha horomarinta ay wadaan maamulka iyo macallimiiinta naadiga Jubba,isagoo kula dardaarmay in degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir ay ka her geliyaan fursad siinta dhallinyarada. Guddoomiyaha Ciyaaraha Degmada Hiliwaa Ismaaciil Cali Axmed ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin shaqooyinka is dhaxgalka bulshada ay degmooda ka bilaaween dhallinyarada hindisay kooxda Jubba Youth,isagoo geesta kale sheegay in markasta ay tahay in loo mahad celiyo Caamir Cabdiraxmaan Xuseen iyo Zakariye Cabdi Xasan iyo walaalaha kale ee is xilqaamay. Halkan Ka Daawo Warbixin Ka Saabsan Kooxda Jubba Youth W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay qaraxa xooggan oo laga maqlay xaafado ka tirsan Magaalada. Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay ka soo horjeedka Carwadii hore ee Taleex ee degmada Hodon , wuxuuna haleelay gaari halkaas marayey. Qaraxaan oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso, halka wararka kalana ay sheegayaan inuu ahaa qarax gaariga lagu soo xiray. Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya inkastoo aan weli la xaqiijin inuu isaga saarnaa isla markaasna aan la helin magaciisa. Sida ay goobjoogayaal sheegeen inta la ogyahay waxaa ku dhaawacmay darawalkii gaariga waday, waxaana gaariga soo gaaray burbur xooggan, sidoo kalana waxaa jiro dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah oo jidka marayey. Ciidamada booliska Soomaalia oo tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ku dhawaad saacad xiray wadooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay taasoo saameyn ku yeelatay isku socodka Dadweynaha iyo Gaadiidka.
  15. Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay gobolka Jubada Hoose ku weerareen ciidamo Kenyan ah. Weerarka oo ku bilowday qarax wadada dhinaceeda la dhigay ayaa sababay dagaal fool-fool ah oo dhinacyadda dhexmaray. Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Qooqaani iyo Dhoobley. Ciidanka waxaa la beegsaday iyagoo maraya degaanka Taabta. Dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in uu jiro khasaaro soo kala gaarey dhinacyadda, wallow aanan la xaqiijin tiradda guud. Ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalka oo kasoo baxay dhanka Ciidamadda AMISOM, laamaha ammaanka Jubaland iyo Al-Shabaab. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/KA.mp3 View the full article
  16. (SLT-Washington)-Dawladda Mareykanka oo dawladda fadaraalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedada xubnaha ka ah ee shanta ah ku boorisay in dib u cusboonaysiiyaan wada shaqeyntooda iyo iskaashigooda. Qoraalkan kasoo baxay xafiiska safaaradda mareykanku ku leedahay Muqdisho ayaa muujinaya in meesha laga saarey in Somaliland qeyb ka tahay Soomaaliya. “United States has continued outreach efforts to the Federal Government and all the Presidents of the five Member States” “Mareykanka wuxuu sii wadayaa dadaalkiisa wacyigalinta ee Dowladda Federaalka iyo dhammaan Madaxweynayaasha shanta dowladood ee xubnaha ka ah “. Puntland , Jubaland , Hirshabeele , Koonfur galbeed ,Galmudug. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed ayaa sheegay inay dawlada Itoobiya awoodi wayday inay Somaliland ka buufiso Ayaxa kadib markii uu dalkeeda si daran ugu faafay, waxa uu wasiirku sheegay inay marka hore ku heshiiyeen in ay Somaliland ka taageeraan dagaalka Ayaxa se ay suuroobi wayday. Wasiirka beeraha oo hortagay gudida joogtada ah ee golaha wakiilada ayaa ay warbaahintu waydiisay halka ay ku danbaysay diyaaradii Itoobiya ee Somaliland ka caawinayay dagaalka Ayaxa, waxaanu yidhi“ Waddanka aan jaarka nahay ee Itoobiya xidhiidh wanaagsan ayaa na dhexmaray wasirka dhigayga ah ee deegaanka ee Itoobiya oo aan ka waddahadalnay in waagii dhawayd ay hawshaa wax nagala qabtaan, markaas Ayaxii dalka oo dhan ayuu ku baahay dalka Itoobiyana culays badan ayaa saarnaa Ayaxuna waxa uu u badnaa dhanka Itoobiya intii ay dhibaatada la tacaalayeen waan ku heshiinay inay na soo gaadhaan laakiin waa ay na soo gaadhi kari waayeen, dhibaatadii oo iyaga ku baahday awgeed.” Source
  18. (SLT-Moscow)-Warbaahinta Dalka Ruushka ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn u baahinaysa wararka sheegaya in dalka Ruushku uu indhaha ku hayo magaalada Isataraatajiga ah ee Berbera oo uu doonayo inuu ka samaysto saldhig Milatari. Labada warbaahinood ee laga leeyahay dalka Ruushka ee kala ah Telegraf oo iyadu wararkeeda ku baahisa luuqada Ruushka iyo Russian Business Today oo iyaduna ku baahisa wararka luuqada Ingiriisida, ayaa qoray in dawladda Ruushku ay si weyn indhaha ugu hayso magaalada Berbera ee Somaliland. RBT Russian business Today, ayaa iyadu sheegtay in dalka Ruushku uu kor u qaaday dhaqdhaqaaqyada uu ku doonayo inuu saldhig kaga samaysto magaalada Berbera, waxaanay warbixintu sheegtay in arrintan Berbera ay timid iyadoo uu wada hadal dhex maray madaxda Ruushka iyo Ereteriya oo ku saabsan sidii uu Ruushku xarumo isgaadhsiineed oo Saadka ah uga samaysan lahaa Ereteriya. Russian Bussines Today waxay sheegtay in haddii uu Ruushku talaabadan dhinaca Berbera u qaado uu ku biirayo dalalka Shiinaha iyo Maraykanka oo iyaguna saldhigyo ku leh xeebaha dalka Djibouti oo aanay masaafad badan isu jirin Berbera. Telegraf Warbaahinta Telegraf ee wararkeeda ku baahisa afka Ruushka, ayaa iyaduna qortay warbixin ay ciwaan uga dhigtay “Ruushku wuxuu doonayaa inuu saldhig milatari ka samaysto Berbera.”, waxaanay Telegraf soo xigatay warbixintii uu toddobaadkii hore qoray wargeyska caanka ah ee The New York Times ee lagu soo bandhigay in Ruushka uu damac ka hayo xeebta Berbera. Warkan wargeyska Telegraf ayay warbaahin kale oo badan oo Ruushka laga leeyahay soo xigatay. Ruushka iyo Somaliland Ma jiro war rasmi ah oo ay dawladaha Ruushka iyo Somaliland ka soo saareen wararkan, laakiin wargeyska caanka ah ee The New York Times, ayaa toddobaadkii hore qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay “Ruushka oo saamayn sii kordhaysa ku leh Afrika iyo Reer Galbeed badan oo ka werwersan.”, waxaanu warbixintaas ku sheegay in dalka Ruushku uu xidhiidho badan la sameeyay Afrika, kuwaas oo uu kaga samaystay kalsooni. Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah oo ka tirsan waaxda gaashaandhiga ee Maraykanka, wuxuu sheegay in meelaha uu Ruushku isha ku hayo ay ka mid tahay dekedda Berbera ee Somaliland, “Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigu, madaxda Ruushku waxa ay isha ku hayaan dekedda Berbera inay u noqoto goob ay kaga samaystaan saldhig xeebta Somaliland oo dhacda Gacanka Cadan. Shiinaha iyo Maraykanka, oo saldhigyo ciidan ku leh Jibuuti, waxa ay la wadaagaan isla xeeb dekedda ay suurtagalka tahay in Ruushku dego.” Sidaas ayay tdhi warbixinta wargeysku qoray. Warbixintu waxay sheegtay in saraakiisha Maraykanku ay lafo-gur ku samaynayaan wax ay ugu yeedheen tartan weyn oo awood leh, waxaanay sheegeen inay si dhow ula socdaan saamaynta Ruushka ee sii kordhaysa ee Afrika iyo weliba dalka Shiinaha, iyadoo Washington la halgamaysa himilooyinka dhaqaale iyo amni ee ay ka leedahay qaaradda Afrika. Source
  19. (SLT-Jabuuti)-Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo wax laga weydiiyay korodhka la sheegay inuu ku yimid awooddii Al Shabaab ayaa sheegay inaanu isagu qabin inay korodhay awoodda ururka. Madaxweynaha ayaa sheegay inay awoodda Ururka Al Shabaab ku soo uruurtay qarax meel la dhigo iyo inay wax ku weeraraan gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Sidoo kale waxaa uu sheegay inay Al Shabaab arkayso dib u dhiska ku socda Ciidamada Qalabka Sida iyo horumarada dalka ka jira. Madaxweyne Geelle oo la hadlay VOA ayaa yidhi “Ma qabo inay korodhay awoodooda. Cadowgu marka uu duulimaad dalkiisa ku yahay waa mid, marka uu dal kale oo shisheeye uu ku yahayna waa mid kale.” “2007-dii ayay dagaalkoodu bilaabeen, wadanka Soomaaliyana inuu soo dhismayo way arkayaan, inuu ka soo kabanayo dhibaatooyinkii xagga amniga ka haystayna way arkayaan, in ciidamadu iminka tababaro wanaagsan qaataana way arkayaan, in laga gacan-sareeyana way arkayaan.” “Ayagu in wax dagaal ah ay u soo badheedhaan aad ayay u yar tahay, laakiin qarax meel la dhigo, baabuur lagu soo xidho walxaha qarxa, waxaas ayay u badan yihiin nimanku.” Source
  20. Muqdisho (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaadiid dagaal kuwii ugu badnaa waxay ka dejisay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Dadka degaanka ayaa ku waramay in ay arkeen illaa iyo dhowr xabo oo gaadiidka oo isugu jira Cabdi Bileyaal iyo kuwa kale. Saraakiisha ayaa tilmaamay in arrintaan ay qayb ka tahay ololaha xoogan ee dowladdu ciidamadu ku geyneyso gobolka. Maamulka gobolka ayaa mar sii horeysay tilmaamay in ciidamadda ay qayb ka noqon doonan howlgaladda ka dhan ah Al-Shabaab. Dhanka kale, waxaa sheegayaa in ay duleedka Beledxaawo ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidamadda dowladda iyo kuwa taabacsan Jubaland. Askarkaas ayaa la sheegay in ay daacad u yihiin Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga Jubaland, oo si dhuumaaleysi ku tegay halkaas. Janan ayaa la sheegay in 28-kii Janaayo sanadkan 2020-ka uu ka baxsaday goob uu ugu xirnaa Dowladda Federaalka oo haatan ku raadjoogta. View the full article
  21. (SLT-Qudus)-Millatariga Israa’iil ayaa wiil falastiini ah ku dilay daanta galbeed xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa labada dal. Goob-jooge diiday magaciisa ayaa xaqiijiyay in gacan ka hadal uu dhaxmaray millatariga Israa’iil iyo shacab Falastiin ah oo fiidnimadii xalay dibadbax ka dhan ah Yahuuda ka waday degmada Baab Al-Sawiyah oo daris la ah magaalada Al-Khaliil oo dhacda koonfurta daanta galbeed. Ciidanka Israa’iil waxay adeegsadeen rasaas nool nool waxaa jira dad dhaawac uu soo gaadhay Laakiin ma xaqiijin karo maadaama xilli habeen ah ay tahay ayuu Yidhi. Shacabka Falastiin ayaa ka cadhooday qorshaha loogu magac daray heshiiska qarniga ee Israa’iil iyo Falastiin oo hormuudka ka yahay Mareykanka. Xukuumadda Washington ayaa u aqoonsatay caasimada mustaqbalka Israa’iil in ay noqoto magaalada Qudus taasi oo cadho xooggan ku dhalisay muslimiinta Caalamka. Source
  22. Kismaayo (SMN) – Mid kamid ah wax-garadka gobolka Jubadda Hoose oo la hadlay idaacadda Shabeelle ayaa baaq nabadeed u diray beelo ku dagaalamay duleedka magaalada Kismaayo. Nabadoon Cabdinuur Cabdulle ayaa tilmaamay in dhankooda ay sameyn doonan wax kasta oo ay ku joojin karaan. Maamul goboleedka Jubaland ayuu ugu baaqay in uu soo farageliyaan xaaladda kahor inta aysan meel xun gaarin. Dhinacyadda dirirtu u dhaxeyso ayuu ku booriyey in ay u turaan caruurtooda maadaama ay iyaggu saameyneyso. Ku dhowaad 20 qof ayaa la sheegay in ay ku naf-waayeen dagaalo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka galbeed ee caasimadda gobolka Jubadda Hoose, kaasoo salka ku haya aanooyin qabiil. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Dowlada Mareykanka ayaa dowlada Soomaaliya iyo maamulada xubnaha ka ah ee dowlada goboleedyada ugu baaqday in ay dib u cusbooneysiiyaan dedaalada heshiis,si ay uga dhabeeyaan iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya,si ay hormar badan uga sameeyaan dhinacyada dowlad wanaaga iyo amaanka oo Mareykanka uu sheegay in ay tahay waxa ay shacabka Soomaaliyeed xiligan u baahanyihiin. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in uu dhinaciisa xoojinayo dedaalada lagu dhex dhexaadinayo dowlada Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka,si looga gudbo caqabadaha ku hor gudban labada dhinac,sida amaanka,sidaa darteedna ay muhiim tahay wada hadal dhemxmara labada dhinac. Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in ay diyaar u yahay in uu garwadeen ka noqdo heshiiska lagu dhex dhexaadinayo dowlada Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka,waxaana uu sheegay in xiligan aan loo baahneyn kala qob qobnaan madaxda ugu sareysa dalka ka dhex jirta,iyadoo dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah oo xili doorasho ay kusoo wajahantahay. Si kastaba ha’ahaatee Mareykanka ayaa tilmaamay in heshiis ay wada gaaraan dowlada Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ee dowlad goboleedyada ay muhiim u tahay dedaalada loogu jiro nabadeynta Soomaaliya oo colaado sokeeye ay halakeeyen 30-kii sano ee lasoo dhaafay. Ugu danbeyn, Mareykanka ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ee dowlad goboleedyada in ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan horumarinta amaanka,si loo qabto doorashooyinka 202/2021,waxaana uu sidoo kale Mareykanka ku baaqay in dhamaan bahwadaagta siyaasadeed ee dalka loo baahanyahay in ay ka heshiiyaan mad madowga siyaasadeed ee ka dhex jira. View the full article
  24. (SLT-Washington)-Aqalka Senate-ka Mareykanka ee uu hoggaamiyo xibisga Jamhuuriga ayaa xalay cod u qaaday kaddibna laalay labadii danbi ee lagu soo eedeeyey madaxwenye Donald Trump. Xubnaha aqalka wakiillada ee dimoqraadiga hoggamiyo ayaa bishii December Senate-ka u soo gudbiyay laba danbi oo ay ku soo oogeen Trump oo kala ahaa; ku takrifalid awooddeed iyo is-hortaagid baadhitaanka congress-ka. Aqalka Senate-ka ayaa dhageystay qareennada ka socday aqalka wakiiladda iyo waliba qareennada difaacayay madaxweyne Trump, waxaana xalay ay cod u qaadeen labada qodob. 52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay oggolaadeen. 53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen. ​Mitt Romney ayaa noqday mudanaha kaliya ee Jamhuuriga ka tirsan ee la saftay mudanayaasha dimoqraadiga kaddib markii “HAA” ugu codeeyay qodobka koowaad ee dhigayay in madaxweynuhu uu ku takri falay awooda. Go’aanka aqalka Senate-ka ayaa soo afjaraya dacwadda ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump. Source
  25. Garowe (SMN) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxay xariga xalay booliiska maamulka Puntland ay magaalada Garoowe ugu geysteen wariye Cumar Maxamed Soomane oo ahaa wariyihii gaarka ahaa ee madaxweynaha Puntland. Booliiska maamulka Puntland ayaa wariyihii gaarka ahaa ee madaxweyne Deni ka qabtay maqaayad ku taala magaalada Garoowe,waxaana intaa kadib booliiska ay xabsiga u taxaabeen wariye Cumar Maxamed Soomane. Taliska Booliiska Puntland ayaan faahfaahin ka bixin xariga wariyihii gaarka ahaa ee madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni,balse warar hor dhac ah ayaa sheegaya in wariyaha loo heysto warar uu tabiyay oo ku saabsan in arday kasoo jeeda maamulka Puntland ay usoo safreen magaalada Muqdisho,si ay u galaan imtaxaanka shahaadiga ee qaranka oo ardayda Puntland aysan ka qey galain sanadkii lasoo dhaafay. Sidoo kale madaxtooyada Puntland ayaan ka hadlin xariga loo geystay wariyihii gaarka ahaa ee madaxweyne Deni Cumar Maxamed Soomane oo xalay booliiska maamulka Puntland ay ku xireen magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. View the full article