Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,348
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-07022020.mp3 View the full article
  2. Garowe (PP News Desk) – With relations between Puntland State and the Federal Government of Somalia at a very low ebb, Puntland Government is planning a high level consultative summit to review the Federal Member State’s membership in the Federal Institutions. The cause for the review is said to be the aggressive and marginalising policies adopted by the current occupant of Villa Somalia, President Mohamed Abdullahi Mohamed, towards Puntland. Yesterday, Puntland authorities closed branch offices of National Independent Electoral Commission, which has a mandate under the electoral law passed last December by the Federal Parliament to organise one person, one vote elections in parts of the Federal Republic of Somalia. President Mohamed (left) rebuffed olive branch from Puntland President (right) Puntland State is a constituent and founding member of the Federal Government but hardly enjoys the privilege such membership entails. President Mohamed visited Puntland in 2018 and in 2019. The last visit took place several months after Said Abdullahi Deni took over as a President of Puntland State. Disputes over legislations passed by the Federal Government and educational policies have further driven a wedge between the Federal Government and Puntland State. If the outcome of the impending consultative summit turns out to be withdrawal from membership in the Federal Institutions, a constitutional crisis may result in either the dissolution or downgrading of the Federal Government, which is planning a two-year extension if election plans fail to come to fruition. © Puntland Post, 2020 The post Puntland to Review Its Membership in Federal Institutions appeared first on Puntland Post.
  3. Ceeldheer (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ku caleema saartay Suldaan cusub oo ay yeelaneyso Beesha Waceysle ee Abgaal kaasoo kamid ahaa odayaashii taageersanaa kooxdaas. Kulankaan oo ay si weyn usoo diyaarisay kooxda Al-Shabaab isla markaasna ay ka qeyb galeen Odayaasha Dhaqanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo Ardayda deegaanka Ceeldheer ayaa waxaa Suldaanka Beesha Waceysle loogu doortay Daa’uud Xasan Aadan. Suldaan Daa’uud Xasan ayaa maamuli doono Deegaanka Ceeldheer oo ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-Shabaab, waxaana xafladda lagu caleema saaray kasoo qeybgalay qaar ka tirsan guddoomiyaasha deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab. Odayaashii Waceysle ee kasoo qeybgalay Xafladda oo u badnaa kuwa taageersan Al-Shabaab ayaa sheegay inay garab taagan yihiin kooxda Al-Shabaab isla markaasna ay ku midoobeen Suldaanka cusub. Al-Shabaab ayaa Suldaanka cusub guddoonsiisay Kitaabka Qur’aanka, Calan, Qori iyo booshkiisa iyo Gaari Prado ah iyadoo faras lagu dhex mariyey Magaalada Ceel Dheer.
  4. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa soo xiray Bandhiga suuq-weynaha oo ka socday Maalintii labaad Magaalada Muqdisho. Intii uu ku guda jiray hadal-jeedinta, Filish ayaa sheegay in tahriibka dhalinta arrimaha keenay ay kamid tahay shaqo la’aan. Cumar Filish ayaa carabka ku dhuftay in ay diyaariyeen qorsheyaal balaaran oo ay wax kaga qabanayaan arrimahaas. Dhalinyaradda ayuu ku booriyey in aysan cidna wax ka sugin isla markaana ay mar horey si gaar ah isu xilsaaraan in ay wax-qabsadaan. Maamul ahaan ayuu caddeeyay in ay sameyn doonan wax kasta oo karaankooda si ay xal waara ugu keenaan dhibaatooyinka tahriibka. Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kamid tahay wadamadda ugu badan oo da’yartooda ay ku dhintaan badaha iyaddoo nolol wanaagsan ka raadinaya qaar kamid ah wadamadda caalamka ee dhibaatooyinka colaada ay ka jiraan. View the full article
  5. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas. Madaxweyne Qoor Qoor oo maalmihii ugu dambeeyey kulamo la qaadanayey qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa tilmaamay inuu wado dadaalo lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee taagan iyadoo taas loo marayo odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeedo deegaanka. ” Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay doorashada Maamulka Galmudug iyo kala aragti kuwanaanshaha waxaa lagu dhameynayaa wadahadal iyada oo loo kaashanayo odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Galmudug” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor. Doorashada Galmudug ayaa waxaa ka dhashay khilaaf Siyaasadeed iyada oo dhowr madaxweyne lagu doortay deegaanada maamulkaas, waxaase balan qaaday arrintaan in la dhameynayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato dhinacyada kale sida Ahlu Sunna oo madaxweyne u dooratay Sheekh Shaakir oo ay ku wada sugan yihiin Dhuusamareeb iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Magaalada Gaalkacyo ku dhisay Galmudug kale. Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo bilowgii dhismaha Galmudug waxa ay sheegtay in la dhisayo Galmudug loo dhanyahay, inkastoo doorashada Qoor-qooq ay aqoonsatay dowladda fedraalka Soomaaliya iyo qaar ka tirsan maamul gobaleedyada.
  6. Gaalkacyo (SMN) – Xiisad xoogan ayaa lagu waramayaa in ay ka dhalatay afar ganacsato ah oo lagu dilay duleedka Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug. Eehelada dadkan la khaarijiyey ayaa la sheegay in ay dalbeen cadaalad ay helaan isla markaana lasoo qabto cidda ka dambeysay. Dilka ganacsatadda ayaa yimid markii ay rasaas ku fureen maleeyshiyaad la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka waqoyga Gaalkacyo ee Puntland. Falalka noocaan ah ayaa aad ugu badan degaanada kala duwan ee gobolka Mudug, waxaana la sheegay in aysan muuqan dedaalo wax lagu xalinayo. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Mas’uuliyiin taageersanaa Jubaland oo kamid ahaa xubnaha ugu awooda badnaa gobolka Gedo ayaa lagu xiray Muqdisho. Maxamed Xuseen Isxaaq [Al-qaadi], gudoomiye ku xigeenkii gobolka Gedo iyo Ismaaciil Qoran, gudoomiyihii Baardheere aya xorriyada laga qaadey. Illo wareedyo ayaa u sheegay Shabelle in xubnahaan uu ku qanciyey in ay Muqdisho yimaadaan Taliyaha Qeybta 43aad ee ciidanka xooga. Taliyaha ayaa lagu waramayaa in ay u balanqaadey lacag iyo xilal hadii ay ka tanaasulaan aragtida maamulka Axmed Madoobe. Markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha aya la sheegay in ay la wareegeen ciidam gaar ah oo Dowladda Soomaaliya ka tirsan. Dowladda Soomaaliya ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ku howlaneyd qorsheyaal ay isugu balaarineyso gobolka Gedo oo qeyb kamid ah ay qabsatay. View the full article
  8. Dhuusamareeb (SMN) – Qaban-qaabada xaflad balaaran oo lagu caleema saarayo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], madaxweynaha Galmudug ayaa socota. Munaasabadda oo aan wali la muddeyn xiliga ay qabsoomeyso ayaa la sheegay in loo saari doono koox gaar ah oo ka shaqeyneysa. Qoor-qoor oo shalay la kulmay qaar kamid ah bulshadda oo uu ka gudoomay xoolo loogu talagalay in lagu martiqaado martida ka qeybgaleysa doorashadaas. Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa loo doortay madaxweynaha Galmudug kadib doorasho ka dhacday magaaladda Dhuusamareeb. Caleema-saarkiisa ayaa la sheegayaa in ay ka qeybgeli doonan mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira dowladda federaalka, maamuladda iyo Beesha Caalamka. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Ku dhawaad 50 gaadiidka nooca xamuulka ah ee iskaga kala goosha magaala madaxda dalka iyo gobolada ayaa maalintii 4aad ku xayiran Isgoyska Ex-control Afgooye ee duleedka Muqdisho. Qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in xilliyada habeenkii ah wadada loo oglaa, balse hada gabi ahaanba la joojiyey, isla markaana aysan mari karin wadooyinka doc-dhabaha-ah. Gaadiidleyda isticmaasha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhib ku qaba isticmaalka wadadaas tan iyo wixii ka dambeeyay qarixii Ex-control Afgooye 28 Dec ee khasaaraha badan sababay. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in la xiray jidkaas, sababo ku aadan ammaanka kooxda dhiseysa. Wadada xiriirisa Muqdisho-Afgooye ayaa lagu waddaa dayactir balaaran oo ay maalgelineyso Qadar isla markaana ay fulineyso shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga oo qandaraaska ku guuleystay. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-070220.mp3 View the full article
  11. New York (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Hoggaamiyihii Al-Qaacidda ee Gacanka Carbeed Qasim Al-Raymi lagu dilay howlgal laga fuliyey gudaha dalka Yeman. Howlgalkaan ayaa waxaa xaqiijiyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay in ciidankiisa ay dileen hoggaamiyahaas oo xilkaas hayey tan iyo sanadkii 2015. Labaatankii sano ee lasoo dhaafay, hoggaamiyaha la dilay ayaa lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey weeraro ka dhan ah danaha dalalka reer Galbeed. Hoggaamiyihii uu xilka kala wareegay ayaa waxaa horey duqeyn dhanka cirka ah ku dileen ciidamo ka tirsan Dowladda Mareykanka. Garabka Al-Qaacidda ee Gacanka Carbeed ayaa la sameeyey sanadkii 2009, waxaana loogu talagalay in looga hortago danaha Mareykanka iyo dalalka reer Galbeed ay ka leeyihiin Gobolka. Garabkaan ayaa si weyn ugu xoogaana dalka Yeman, waxaana fursad weyn siisay xasilooni darrida ka jirto dalkaas, waxaana Yemen howlgal Militari ku qaaday dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo xulafooda inkastoo aan weli wax natiijo ah laga gaarin. Warka ku saabsan dilka Hoggaamiyahaan ayaa wuxuu soo ifbaxay bartamaha Bishii January ee sanadkaan inkastoo garabka Al-Qaacidda ee Gacan Carbeed ay sheegeen inaan la dilin iyagoo soo bandhigay cod uu hoggaamiyahooda duubay balse u muuqday inuu ahaa mid xilli hore la duubay. Qoraalka kasoo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in si rasmi ah loo dilay Qasim Al-Raymi balse laguma xusin waqtiga la dilay. “Dhimashadiisa waxaa ay sii kala daadineysaa Al-Qaacidada gacanka Carbeed iyo dhaqdhaqaaqa kooxda ee caalamka, waxaana ay inoo suurtagalineysaa in aynu ka takhalusno khatarta ay kooxdaas ku heyso nabadgelyada caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalkii kasoo baxay aqalka cad.
  12. Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa qabtay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Gudniinka Gabdhaha oo sanadkasta la xuso 6 bisha Febraayo, waxaana halkudhig looga dhigay sanadkaan “ Muujinta Awooda Dhalinyaradda: 10 sano oo ah dardargelinta ciribtirka gudniinka gabdhaha. Xuskan ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Harumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Moxamed Cabdirisaq Nuux, Wasiir ku¬¬-xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland, Madaxda Haya’daha caalamigaa iyo kuwa maxaligaa, waxaana looga hadlay sidii deegaanadda Puntland iyo Soomaaliya guud ahaanba looga ciribtiri-lahaa gudniinka gabdhaha. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka Maxamed Cabdirisaaq Nuux oo Munaasabada daah-furay ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah la isaga kaashado ciribtirka gudniinka gabdhaha, dhalinyaraduna qaybweyn uga qaadan lahaayeen kacdoonka lagu doonayo in lagu ciribtiro gudniinka gabdhaha. Maxamed Cabdirisaq ayaa sidoo kale ka warbixiyay dadaalada ay xukuumadda Puntland ugu jirto u qareemida meelmarinta sharcigga joojinta gudniinka gabdhaha waxaana uu ku dheeraaday waxyaabihii wasaaradda uga qabsoomay arrimaha ciribtirka gudniinka gabdhaha. Wasiir ku¬¬-xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland Cabdiwali Mire Xirsi ayaa sheegay in ay dhibweyn tahay in lagu tacadiyo gabar islamarkaana ay muhiima tahay in laga wacyi-galiyo bulshada joojinta ficilada arxan daradda ah ee lagula kacayo gabdhaha. Baxsan oo ka tirsan Haya’dda UNFPA ayaa sheegtay inay ka go-na tahay hay’adda UNFPA ciribtirka gudniinka loo gaysanayo gabdhaha taasi oo ah dhaqan wuxuushnimo ah. Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Riwaayado,Heeso iyo fariimo xanbaarsan ciribtirka gudniinka gabdhaha oo lagu baraarujinayo bulshada Puntland PUNTLAND POST The post Wasaaradda Haweenka Puntland oo qabatay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Gudniinka Gabdhaha appeared first on Puntland Post.
  13. Guddiga KMG doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa magaalada Dhahar ku qabtay kulankoodii wacyigelinta iyo latashiyada dadwaynaha kala duwan ee reer Puntland. Kulanka waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta gobolka Haylaan oo ay hoggaaminayaan guddoomiyaha gobolka Haylaan Siciid Xuseen iyo maayarka degmada Dhahar Cabdifataax Maxamed Salaad iyo xubno ka socda qaybaha bulshada ee Dhahar. Guddigu waxa uu soo bandhigay qorshe-hawleedka geeddi socdka dimuquraadiyadda iyo jadwalka doorashada dawladaha hoose ee Puntland waxuuna sidoo kale ka jawaabay su’aalihii bulshadu waydiisay iyaga oo kadhegaystay dhammaan talooyinka ay soojeedisay bulshadu. PUNTLAND POST The post Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo wacyi-gelin ka bilaabay degmada Dhahar appeared first on Puntland Post.
  14. In Somali waters, illegal fishing is a pervasive problem. It triggers clashes between foreign and domestic fishers, and destabilizes Somali life. Source: Hiiraan Online
  15. Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kulan la qaatey Wakiilka Qarmada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan. Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen daadejinta dhismaha golayaasha degaanka Hir-Shabeelle,wax ka qabashada arimaha barakacayaasha, Fatahaadaha iyo qodobo kale oo muhiim u ah Maamulka Hir-Shabeelle. Dhinaca kale Wasiir Caadle ayaa Xarunta ugu weyn Hay’adaha Un-ka ee Xalane waxaa uu kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Sooomaaliya amb, Donland Yamamoto ,iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya amb, Donland Yamamoto ayaa sheegay in ay Maamulka Hir-Shabeelle ka caawin doonan ka hortaga arrimaha fatahaadaha oo dhibaato fabadan ku haayo deegaannada Hir-Shabeelle. Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa labada Mas’uul waxaa uu uga mahad celiyey sida ay u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed,isaga oo ugu baaqay iay taageeradaas kordhiyaan. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo Qaramada Midoobay iyo Maraykanka kala hadashay Arrimaha fatahaadaha appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ciidanka Mareykanka ay dileen hogaamiyaha Al Qaacida ee gacanka Carbeed. Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Qasim al-Raymi, oo kooxdaas hogaaminayay tan iyo sanadkii 2015-ka lagu dilay hawlgal uu Mareykanka ka fuliyay gudaha dalka Yemen. Ninkan la dilay ayaa lala xiriiriyay weeraro dhowr ah oo lagu qaaday danaha dalalka reer galbeedka labaatankii sano ee lasoo dhaafay. Waxaa uu xilka hogaaminta kooxda kala wareegay ninkii isaga ka horeeyay ee ay Mareykanka sido kale ku dileen duqeyn dhanka cirka ah. Qoraalka kasoo baxay aqalka cad ee Mareykanka waxaa lagu xaqiijiyay dhimashada al-Raymi’s, balse lama sheegin xilliga la dilay. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo dilay hogaamiye sare oo ka tirsan Al Qaacida appeared first on Puntland Post.
  17. Wararka laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Alqaadi iyo guddoomiyaha degmada Baardheere ee Jubbaland Ismaaciil Qorrax. Wararka waxay intaas ku darayaan in masuuliyiintan ay ka mid yihiin xubanaha si gaar ah u taageersan maamulka Jubbaland islamarkaana ka howlgala Gobolka Gedo. Labadaan mas’uul ayaa la keenay Muqdisho kadib markii taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ay dowladda u dirtay kaas oo ku qanciyey in ay u soo raacaan Muqdisho kadib markii sida la sheegay uu balan qaadyo u samyeey. Intaa kadib masuuliyiinta Markii ay kasoo degeen garoonka Aadan-Cadde ayaa waxaa la sheegay in ay wareegeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya kuwaas oo xabsiga u taxaabay. PUNTLAND POST The post Guddoomiye ku xigeenka gobolka gedo iyo kan degmada Baardheere oo lagu xiray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  18. Sweden: Gawaadhi Gaashaaman oo laga xaday xero ciidan Hay`adaha amaanka dalka Swedan ayaa baadi-goobaya labo gaari oo nooca gaashaman ah kuwaas oo laga xaday xero ciidan oo ku taal magaalada Enköping oo u dhow Uppsala. Gawaaridan ay ciidamadu leeyihiin ee la xaday ayaa ah nooca qaaliga ah ee loo yaqaan Galten, waxaana midkiiba uu yahay ku dhowaad 3 mitir oo joog ah iyo 5 mitir oo jiif ah, halka culeyskiisuna yahay 7 tan. Booliska ayaa sheegay in xerada lagala baxay gawaaridan ay ka warheleen shalay gelinkii dambe, waxaana ayna intaasi raaciyeen in ay u baarayaal kiiskan sida mid tuuganimo xad-dhaaf ah. Qoraal ay soo qoreen booliska ayay ku sheegeen in xatooyadu dhacday inta u dhaxeysay 4. og 5. bishan eynu ku jirno ee februar. Dadka iyo darawallada ayay ugu baaqeen in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa gawaaridan, ayna kusoo wargeliyaan boolisk haddii ay arkaan. Waa markii ugu horreysay oo gawaari ciidan laga xado ciidamada Swedan. Qaran News
  19. Dhakhtarkii ugu horeeyay ee helay cudurka Shiinaha ka dillaacay “Coronavirus”oo u geeriyooday cudurkaa Dhaktarkii shiineyska ahaa ee isku dayay in uu digniintii ugu horreysay kasoo saaro halista caabuqa dilaaga ah ee coronavirus, markii ugu horreysay ee uu dillaacay, ayaa ugu dambeyn u geeriyooday isla cudurkaas oo markii dambe ku dhacay, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas. Li Wenliang wuxuu ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howlgaleysay isbitaalka guud ee magaalada Wuhan, wuxuuna digniinta ku saabsan cudurkan saaxiibadiisa shaqada u diray 30-kii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay. Booliska ayaa markaas ka dib ku booqday gurigiisa waxayna ku amreen inuu joojiyo digniintaas, maadaama ay mas’uuliyiintu doonayeen in la qariyo warka ku saabsan caabuqaas cusub. Coronavirus ayaa hadda galaaftay nolosha in ka badan 560 ruux, wuxuuna soo ritay dad kor u dhaafaya 28,000 oo reer Shiine ah. Caabuqan ayaa sababa xanuun saameyn xoog leh ku yeesha habsami u socodka neef mareenka, calamadihiisuna waxay inta badan ka billowdaan qandho, kaddibna waxaa kusii xigsada qufac angagan. Inta badan dadka uu haleelay ayey u badan tahay inay kasoo kacaan – iyagoo noqonaya sida inuu hargab ku dhacay oo ay ka reysteen. Qaran News
  20. Mareykanka oo dilay hogaamiye sare oo katirsan Al Qaacida Hogaamiyaha la dilay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ciidanka Mareykanka ay dileen hogaamiyaha Al Qaacida ee gacanka Carbeed. Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Qasim al-Raymi, oo kooxdaas hogaaminayay tan iyo sanadkii 2015-ka lagu dilay hawlgal uu Mareykanka ka fuliyay gudaha dalka Yemen. Ninkan la dilay ayaa lala xiriiriyay weeraro dhowr ah oo lagu qaaday danaha dalalka reer galbeedka labaatankii sano ee lasoo dhaafay. Waxaa uu xilka hogaaminta kooxda kala wareegay ninkii isaga ka horeeyay ee ay Mareykanka sido kale ku dileen duqeyn dhanka cirka ah. Kooxdan ayaa la asaasay sanadkii 2009, waxaana ujeedkoodu ugu weyn ay ku sheegeen sidii ay uga hortagi lahaayeen danaha Mareykanka iyo dalalka reer galbeed ee gobolka. Ururka ayaa saameyn badan ku lahaa dalka Yemen, waxaana uu ka faaideystay xasilooni darrida ka taagan dalkaas, taas oo saameysay dalal badan. Wararka ku saabsan in Mareykanka uu dilay hogaamiyaha Al Qaacida ee Yemen ayaa soo shaac baxday bishii Janaayo, haseyeeshee kooxda ayaa soo duubtay cod u muuqday in la duubay xilli hore. Qoraalka kasoo baxay aqalka cad ee Mareykanka waxaa lagu xaqiijiyay dhimashada al-Raymi’s, balse lama sheegin xilliga la dilay. “Dhimashadiisa waxaa ay sii kala daadineysaa Al Qaacidada gacanka Carbeed iyo dhaqdhaqaaqa kooxda ee caalamka, waxaana ay inoo suurtagalineysaa in aynu ka takhalusno khatarta ay kooxdaas ku heyso nabadgelyada caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalkii kasoo baxay aqalka cad. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in dhimashada hogaamiyaha kadib, danaha Mareykanka ee gobolka uu badqabo. Qaran News
  21. DUBAI (Reuters) - The International Monetary Fund (IMF) said on Thursday Gulf Arab states — some of the world’s richest countries — could see their financial wealth depleted in the next 15 years amid lower hydrocarbon revenues if they don’t step up fiscal reforms. Source: Hiiraan Online
  22. BAGHDAD (AP) — Iraq and Russia discussed prospects for deepening military coordination, Iraq’s Defense Ministry said Thursday, amid a strain in Baghdad-Washington relations after a U.S. airstrike killed a top Iranian general inside Iraq. Source: Hiiraan Online
  23. Minnesotans are already heading to the polls with Super Tuesday just a month away. Meanwhile, some Democrats are trying to change a state law they say discriminates against some voters. Source: Hiiraan Online
  24. Waxaa maanta oo Jimce ah xiran isku socodka Gaadiidka isticmaala isgoyska Ex Control Afgooye oo muhiim u ah Gaadiiska isaga kala goosha Gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Gaadiidleyda waxa ay ku doodayaan in ay bixiyeen canshuurta looga qaado Isgoyska Ex Control Afgooye isla markaana loo diiday in ay sii wataan safarkooda, maadaama badeeco kala duwan ay wataan. Qaar kamid ah dadka halkaasi ku sugan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Gawaarida Xamuulka ah ay u raran yihiin qaybo kamid ah Degaanada Koofur Galbeed iyo Jubbaland. PUNTLAND POST The post Gaadiidka Xamuul ah oo ku xanniban Isgoyska Ex Control Afgooye appeared first on Puntland Post.