-
Content Count
214,348 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dubai (Caasimada Online) – Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa Khamiistii sheegtay in ay baabi’in doonto hodantinimada dalalka Khaliijka ee ku dhisan saliidda, 15-ka sano ee soo socda, haddii aysan sameyn is-beddelo misaaniyadeed. Lixda dal ee la iskiu yiraah Golaha Iskaashiga Khaliijka, ee kala ah Bahrain, Kuwait, Oman, Qatar, Saudi Arabia, iyo Imaaraadka Carabta, oo hodantinimadooda ay gaareyso laba trillion oo dollar, ayaa soo saara 20% shidaalka laga isticmaalo caalamka. Hase yeeshee waxaa dhaawacaya hoos u dhaca qiimaha shidaalka dunida. IMF ayaa sheegtay in dalabka dunida ee shidaalka uu dhammaan doono sanadda 2040 ama ka hor, haddii ay sii socdaan dadaallada lagu bad-baadinayo deegaanka iyo isticmaalka tamarta aan ku dhisneyn shidaalka. “Dhammaan dalalka Khaliijka waxay garowsan yihiin caqabadaha ay wajahayaan, hase yeeshee xawaaraha ay ku sameynayaan is-beddelo ma xasilin doonto dakhligooda,” ayay tiri IMF. Dalalka Khaliijka ayaa sanado badan waxay hodantinimadooda tamarta u adeegsanayeen inay mallaayiin ka mid ah muwaadiniintooda siiyaan shaqooyin dowladeed, iyo adeegyo bilaash ah. Hase yeeshee, shaqooyin dowladeed oo lacag badan lagu bixiyo, ayada oo shaqaalaha aysan wax soo saar wanaagsaneyn, iyo shacabka oo sii kordhaya, ayaa sare u qaadi doonta qiimaha ku baxaya. Dalalka Khaliijka ayaa dhowaanahan billaabay inay canshuur saaraan adeegyada iyo iibka walxaha qaarkood, si ay dakhli cusub usoo kordhiyaan, hase yeeshee taasi wax weyn kama tarin in miisaaniyadad dowladda ay hesho ilo-dhaqaale oo kala duwan. IMF ayaa tusaale usoo qaadatay dalka Kuwait oo ay sheegtay in lixda sano ee soo socota ay miisaaniyadda dowladda ka dhinaan doonto 180 bilyan oo dollar, sababo la xiriira dakhliga kasoo galo shidaalka oo sii yaraanaya. Sidoo kale miisaaniyadda dowladda Sacuudiga ayaa waxaa sanadkan ka dhinnaa 50 bilyan oo dollar, taasi oo ka badan tii sanadkii 2019 oo ahayd 35 bilyan. IMF, waxay sheegtay in qiimaha shidaalka oo hoos usii dhacaya darteed, uu sii kordhi doono gaabka miisaaniyadda dalalka khaliijka.
-
Wararka laga helayo gobalka Gedo ee dowlad gobaleedka Jubbaland ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dhowr qof ay geeriyoodeen, kadib markii ay ku waxyeeloobeen Hilib sumeysan oo ay cuneen. Dadka ku sumeebay Hiibka ayaa ku noolaa miyiga degmada Luuq ee gobalka Gedo, waxaana inta la xaqiijiyey geeriyooday 3 qof halka ku dhawaad 150 ruuxna waxaa la dhigay isbitaalada oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ay ku sumoobeen Hilibka neef Geel ah oo ay cuneen, waxaana la ogen sababta keentay in hilibka neefka uu noqdo mid sumeysan. Dhanka kale dadka geeriyooday ee ku sumoobay hilibka ayaa kala ahaa labo caruur ah iyo haweeney, sidoo kale waxaa isbitaalka degmada la dhigay dad badan oo caafimaadkooda lala tacaalayo. Ugu dambeyn maamulka degmada Luuq ayaa ku waramay in saacadihii la soo dhaafay Isbitaalka guud ee degmada la dhigay dad badan kuwaas oo iyagane cunay hlibka Sumaysan dhaqaatiirna ayaa baaritaanno wadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta wariyeyaasha kula hadlay magaalada Boosaaso. Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya in ay maamul goboleedyadda ka abuureyso xasiloonida daro kuna burburineyso dhaqaalo. Xubnaha Puntland ku metela labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayuu ugu yeeray shir 15-ka Maaj, 2020 ka dhacaya Garowe. Kulankaas ayuu xusay in looga hadli doono xiriirka sii xumaanaya ee ka dhaxeeya maamulkiisa iyo xukuumadda federaalka. Ugu dambeyntii, hogaamiyaha Puntland ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta, maamuladda iyo shacabka in laga wada shaqeeyo badbaadinta dalka. View the full article
-
Golaha xukuumadda Puntland oo shir ku yeeshay magaalada Boosaaso, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay ku fashilantay Hoggaaminta dalka. War-murtiyeed ka kooban laba bog oo shirkaasi ka soo baxay, ayaa lagu sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ay ku fashilantay dhammaan hawlihii loo doortay sida sugidda Amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka, dib u-heshiisiinta iyo xoojinta hirgelinta hannaanka Federaalka. Sidoo kale, Puntland waxay madaxda sare ee dowladda Federaalka ku eedaysay, in ay diideen in laga heshiiyo Sharciyada qeybta ka ah hirgelinta hannaanka Federaalka dalka sida dhammaystirka Dastuurka, qeybsiga awoodaha&kheyraadka, arrimaha doorashooyinka, hannaanka Cadaaladda iyo hab qeybsiga deeqaha. Dowladda Puntland, waxay sheegtay in Xukuumadda Federaalka ay xuquuqdii aas’aasiga ahayd ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed u adeegsanayso waddo siyaasadaysan, taasi oo ay caddayn u tahay Shahaadada Ardayda Puntland ee ay siyaasadaysay Villa Somalia. Dhinaca kale, war-murtiyeedka waxaa lagu go’aamiyay in shir weyne wada-tashiya la qabto 15-ka Maarso 2020, kaasi oo lagu marti-qaaday dhammaan xubnaha Puntland ku matala labada gole ee Baarlamanka Federaalka, dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland, si go’aan midaysan looga qaato dowladda federaalka Soomaaliya. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhan PUNTLAND POST The post Nuxurka war-murtiyeedka ay soo saartay Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-habeen-07022020.mp3 View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku baaqay shirweyne ay isugu imanayaan reer Puntland, oo looga tashanayo aayahooda, xilli uu sheegay in dowladda federaalka ay dagaal ku hayso. Shirkaasi ayaa 15-ka Bisha Maarso ka dhacaya magaalada Garoowe, wuxuuna Deni u yeeray xildhibaannada labada gole ee baarlamanka Soomaaliya ku matala Puntland iyo dhammaan waxgaradka reer Puntland. Saciid Deni oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya “ay shaqo ka dhigteen sidii loola dagaalami lahaa” maamul goboleedyada. Waxa uu sheegay in dowladda dhexe ay hantidii qaranka iyo ciidamadii loo soo tababaray in ay waddanka ka xorreeyaan argagixisada ay u adeegsaneyso inay ku burburiso maamul goboleedyada. Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe inay gobolka Gedo ku daabuleyso ciidamo “ujeedka laga leeyahay uu yahay caburinta shacabka.” Saciid Dani ayaa sidoo kale ku eedeeyey xukuumadda federaalka inay baal-martay nidaamkii federaalka ee lagu doortay, islamarkaana ay isku koobtay arrimihii masiiriga ahaa ee dalka, halkii ay wada-tashi kala yeelan lahayd dowlad goboleedyada, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka daawo Saciid Deni
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ,oo galabta warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso, ayaa ku baaqay in Shir Weyne wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dhammaan dadka Reer Puntland, si mowqif midaysan looga qaato dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Deni, ayaa iclaamiyay in shirkaasi caasimadda Garoowe lagu qaban doono 15-ka bisha Maarso ee sannadkan 2020, waxaana uu shirka ku marti-qaaday Xildhibaannada labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee dadka Reer Puntland. Madaxweynaha Puntland, ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay baal-martay Nidaamkii lagu doortay ee Federaalism-ka, islamarkaana ay marooqsatay dhammaan Arrimihii masiiriga ahaa ee waddanka, halkii ay wada-tashi kala yeelan lahayd dowlad goboleedyada dalka. Mudane Deni, ayaa sidoo kale dowladda Federaalka ku eedeeyay, in mudadii ay jirtay dagaal la gashay dowlad goboleedyadii dhisnaa, iyadoo adeegsanaysa hantidii Qaranka iyo ciidamadii loo soo tababaray in ay waddan ka xoreeyaan Argagixisada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dadka Reer Puntland isu’gu yeeray shir weyne wada-tashiya appeared first on Puntland Post.
-
Rwanda and Somalia have inked a Bilateral Air Service Agreement (BASA) that will see the two countries open skies for both republics to ease air transport. Source: Hiiraan Online
-
Ugandan troops under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) in Mogadishu, have carried out a community sanitation exercise and free medical camp to commemorate the Armed Force’s Day. Source: Hiiraan Online
-
Kenya has asked the Africa Union to ensure it protects the integrity of the continental organisation and fidelity to its procedures over Djibouti's insistence to continue its bid for the UN Security Council non-permanent seat. Source: Hiiraan Online
-
Beled Xaawo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa sheegay in madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan, iyo wasiirka amniga Cabdirashiid Janan ay maanta booqasho ku tageen degmada Beled Xaawo. Qoraal kooban oo lagu baahiyey warbaahinta Jublanad ayaa lagu yiri “Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Jubaland ayaa booqday taliska ciidamada daraawiishta Jubaland ee degmada Beladxaawo, waxaana wasiirada ka mid ah wasiirka amniga Jubaland Cabdiraahiid Janan.” Qoraalkan laguma bixin faah-faahin intaas ka badan, hase yeeshee waxaa la raaciyey sawirrada booqashada oo ay ka muuqdaan Maxamuud Sayid Aadan, Janan iyo xubno kale. Caasimada Online si rasmi ah uma xaqiijin karto in goobta ay ku sugan yihiin Janan iyo Maxamuud Sayid Aadan tahay Beled-Xaawo, waxaana jira warar sheegaya inay tahay duleedka Beled-Xaawo ee dhanka xuduudda Kenya. Muuqaalkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee muujinaya Cabdirashiid Janan oo meel fagaare ah taagan, tan iyo markii ay xiratay dowladda Soomaaliya 31-kii August 2019, ka hor inta aanu baxsan 28-kii Janaayo 2020. Arrintan ayaa imaneysa malamo un kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamadeeda ay qabsadeen degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, taasi oo dhalisay in Jubaland ay shaaciso in “dagaal lagu soo qaaday.”
-
Click here to read more Qaran News
-
Isimada dhaqanka iyo culimaa’uddiinka magaalada kismaayo, ayaa ku guuleystay in heshiis laga gaaro colaadii ka taagneyd degaanka Dalsan ee galbeedka kismaayo, halkaas oo dhowaan ay ku dagaallameen laba beelood. Kulamo ka kala dhacay degaannada Dalsan iyo haad-weyne, oo ay garwadeen ka ahayeen Odayaasha dhaqanka iyo culimaa’uddiinka, ayaa laysugu keenay waxgaradka degaanadaasi, iyadoo odayaasha iyo culimada ay ku qanciyeen dhinacyada in dagaalku uusan xal ahayn, loona baahanyahay in wadahadal lagu xaliyo tabashooyinka jira. Isimada dhaqanka iyo culimada oo sadax maalin ka hor tegay deganadaasi, ayaa waday dadaalo la isugu soo dhaweynayo beelaha walaalaha ah ee colaadu u dhaxeysay, waxayna ugu danbeyn ku guuleysteen, in la gaaro heshiis ka kooban dhowr qodob kaas oo ay ugu waaweynaayeen xabad joojin degdeg ah, in la kala qaado ciidamada isku horfadhiyey deegaanadii ay colaadu ka dhacday, iyo in lasoo celiyo xasiloonida deegaanka. Culimaa’uddiinka magaalada kismaayo, ayaa odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka labada beel uga mahadceliyey, sida ay usoo dhaweeyeen dadaalada ay wadeen, islamarkaana ay oga ogolaadeen in xal laga gaaro colaadii halkaasi ku dhexmartay iyo in nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo degaanka. PUNTLAND POST The post Colaad ka taagneyd duleedka Kismaayo oo laga heshiiyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay ciidamada dhowaan ay ku daabushay gobolka Gedo, kuwaas oo qabsaday degmooyin ka mid ah gobolka. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ciidamada tegay gooblka Gedo ay yihiin kuwa militari, islamarkaana tegistooda ay qeyb ka tahay difaaca dalka. “Sida sharciga uu qorayo, difaaca dalka waxaa mas’uul ka ah dowladda dhexe, ciidamada militariga ee hadda dhismaya ayagaa howshaas mas’uul ka ah, sidaas ayayna u tageen Gedo,” ayuu yiri wasiir Maareeye. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada militariga Soomaaliya ay sidoo kale tagi doonaan gobollo kale, oo dalka ka mid ah, islamarkaana aysan jirin sabab arrintaas sharaxaad looga bixiyo. Hadalkiisa ayaa imanaya, ayada qoraal shalay kasoo baxay golaha wasiirada Jubaland lagu sheegay in dowladda dhexe ay “faro-gelin qaawan” ku hayso dowlad goboleedka Jubaland ayna “weerar qaawan kusoo qaaday” gobolka Gedo. Jubaland ayaa ku dhowaaqday inay heegan buuxa geliyaan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland, si looga hortago, baa la yiri “weerarada qaawan ee ay dowladda federaalku kusoo qaaday Jubaland.” Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowrkii malamood ee tagay qabsaday degmada Beled-Xaawo iyo Doolow, taasi oo macanaheedu yahay in si buuxda uu gobolka Gedo, oo ka tirsan maamulka Jubaland, iminka yy gacanta ugu jiro dowladda dhexe. Hoos ka dhageyso codka Maareeye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/02/Cod-Wasiir-Maareeye.mp3
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka dhawaajiyey in siyaasi wata Baasaboor ajnabi ah uusan xal u ahayn dalka. Cumar Maxamuud Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan mas’uuliyiin sar-sarre oo doonaya in ay helaan Baasaboor shisheeye, taasoo uu dhaliilay. Wallow uusan shaacin magacyadda, Cumar Filish ayaa soo jeediyey in laga shaqeeyo sidii sarre loogu qaadi lahaa Baasaboorka Soomaaliya. Dhanka kale, duqa caasimadda ayaa shacabka ku booriyey in ay qeyb ka qaataan bilicda iyo xaqiijinta ammaanka magaala madaxda. Hadalkaan ayuu ka sheegay munaasabad ka dhacday magaaladda Muqdisho, taasoo ay kasoo muuqdeen mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee dadweynaha caasimada. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa sheegay in dad dano qabiil wata ay diidan yihiin dowladnimada. Maareeye oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in dadkaas oo uusan magacaabin ay iska indho-tirayaan wax-qabadka dowladda. Beesha Caalamka ayuu xusay in ay qirsan tahay guulaha xukuumadda uga soo hooyey dhinacyadda ammaanka, dhaqaalaha iyo dowladnimadda. Dhanka kale, wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in Muqdisho ay ka dhici doonan qaraxyo inta dad shacab ay gacanta ugu jiraan hub sharci darro ah. Ugu dambeyntii, dowladda ayuu shaaca ka qaadey in ay qorshe cad ka leedahay arrintaas, wallow uusan carabaabin waqtiga saxda ah ee la fulin doonan qorshahaas uu tibaaxay. View the full article
-
Luuq (SMN) – Inta la xaqiijiyey saddex qof ayaa dhintay, 120 kelana waxaa lala tacaalayaa xaaladooda kadib markii ay ku sumoobeen hilib heel. Musiibadan ayaa laga soo wariyey miyiga magaalada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo hoostaga maamulka Jubaland. Agaasimaha Isbitaalka degmada Luuq, oo la dhigay bukaanada ayaa sheegay in ay gaadiid gurmadka u direen degaanka kadib qaylo dhaan. Dr Cabdi Aadan Maxamed ayaa sheegay in baaritaan ay ku ogaadeen in neefka ay hilibkiisa cuneyn dadkaan uu xanuunsanaa kahor inta aan la gowracin. Caqabadaha haatan ay wajahayaan ayuu ku qeexay dawo yari baahsan, isagoo codsaday in gurmad deg-deg ah loola soo gaaro sidda ugu dhaqsiyaha badan. Dhacdooyin noocaan ah ayaa horey looga soo wariyey degaano iyo degmooyin dhaca koonfurta si lamid ah bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Garowe (SMN) – Xubno ka tirsan GKDP (TPEC) oo uu hogaaminayo Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Jaamac Xirsi Faarax ayaa kulamo la yeeshay Maamulka Gobolka Sanaag, kan Degmada Baran iyo qaybaha bulshada Degmada Baran. Waxay la wadaageen qorshaha GKDP iyo jadwalka doorashada iyagoo dhinaca kalana ka dhagaystay maamulka iyo dadweynaha talooyin ku aaddan hirgalinta hannaanka xisbiyada badan iyo doorasho qof iyo cod ah oo ka qabsoonta Puntland. Maamulka Puntland ayaa Rajeynaya in Nidaamka Hada Jira ee Baarlamaaniga ah ay uga Gudbi Dooonaan Waqtiyada Dhaw Nidaamka Axsaabta Badan. Tiro dhawr Jeer ah oo hore ayey isku dayeen Hogaamiyaahsii Soomaray Puntland in ay Sameeyaan Ururo Siyaasadeed si ay Siyaasiyiinta Ahdafatooda Siyaasadeed uga iibiyan Shacabka Deetana uu shacabku Doorto Hogaamiyaha ay isleeyihiin Danihiina ayuu ka turjumayaa Laakiin Himilooyinkaasi ma noqon Kuwo Guulaysta Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi deni ayaa isagu hada u muuqda Hogaanka duwan kuwii Hore marka loo fiiriyo Dardargalinta Doorashooyinka Shacbiga Maadama uu bilaabay Hawshaasi markii ladoortay Sanad Kahor. View the full article
-
Bejing (SMN) – Waxaa sii kordhaysa halista caabuqa ka dillaacay Dalka Shiinaha ee Coronavirus, kaas oo ka billowday Magaalada Wuhan oo ay ku nool yihiin Dad lagu qiyaasay 11 Milyan oo Qof. Dadka ku nool Magaaladaas waxaa ka mid ah Arday Soomaali ah oo halkaas wax ka barta, kuwaas oo tiradooda ay gaareyso 50 Qof.Ardayda waxa ay ku go’doosan yihiin qolalkooda jiifka, waxa ay cuntada kasoo iibsadaan Suuqa Toddobaadkiiba Hal mar. Ardayda Soomaalida ah oo aan meel ku wada noolayn ayaa ku wada xiriira Qolal ama group Internetka ah, si ay ku kala qaataan macluumaadka iyo xogaha. Cabdiqaadir Maxamed Cabdi , oo ah Arday Soomaali ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in waxa ugu badan ee ay ka cabsi qabaan ay tahay in uu saameeyo Cudurka haddii aysan helin gurmad deg-deg ah. Waxa uu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka daad gureyso Shiinaha, iyada oo kaashaneysa Dowladaha saaxiibka la ah. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda Soomaalida ku nool Magaalada wuhan ee Dalka Shiinaha. View the full article
