-
Content Count
214,348 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay xaafadaha Muqdisho ka baadi goobeyso askar diiday in loo qaado gobolka Gedo, kadibna ka baxsaday xeryaha ciidamada, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Askartaan ayaa tiradooda lagu sheegay toddoba, waxayna la baxsadeen hubkii dowladda siisay, waxaana la la’yahay muddo 13 cisho ah. Ciidankaan oo ka tirsan booliska Soomaaliya gaar ahaan Haramcad ayaa diiday in ay kamid noqdaan askarta loo qaaday Gobalka Gedo, waxayna sababta ku sheegeen dhowr qodob oo kala ah. 1) – In aysan degaanka aqoonin, awoodna u laheyn in ay kula dagaalaan rag xaafadaha kala yaqaana dadkoodiina u dagan yihiin. 2) – In aysan dowladda gobalkaas u diran boqolaal dhalinyaro ah oo u dhashay Gedo islamarkaana ku sugan Muqdisho, taasna ay u arkaan in naftooda halis la gelinayo. 3) – Iyo in aysan waalidoontooda ogoleen in loo qaado Gedo oo ay ku jirto xiisad dagaal, kaas oo sababi kara khasaaro badan. Dhamaan askarta baxsatay ayaa ah isku beel, kana soo jeeda Muqdisho, waxayna ahaayeen wiilal aanan waligood Muqdisho ka bixin. Dowladda ayaa la sheegay in ay la xariirtay odayaal dhaqameed markii hore damiintay ciidankaan kuwaas oo ka walaacsan xaaladda iyo sida ay ka yeeli doonaan kiiskaan.
-
Dal suuli in la helaa xaq dastuuri ah ka tahay Waraaqahayaga taxanaha ah ee ay noo soo diraan suxufiyiinta Afrika, waxa ka mid ah tan ka timi Joseph Warungu oo ah tabobare saxaafadeed oo uu ku eegay xukun maxkamadeed oo dhibaatooyinka safarada ka soo afjari doonta. Hadaanu nahay reer Kenya waxaanu ogaanay in aanu xaq dastuuri ah u leenahay in aanu suuli dadweynaha ka dhexeeya galno oo ay lacagtiisana bixiso dawladdu. Waana sidan. Markaad u kala safrayso meelaha kala fog ee Kenya oo aad dhulka marayso, waa dhibaato aanay dad badani jeclayn. Caqabada ugu wayni se waa weeyi in aad adigoo nabad qaba gaadho halkaad ku socotay. In ka badan 3400 oo qof ayaa wadooyinka Kenya ku dhintay sannadkii hore, taas oo ah in ay dhimashadu korodhay 13% marka la barbar dhigo 2018. Sababta ugu weyni waxa weeyi xawaare badan iyo iyadoo dadka oo sakhraansan oo baabuurta wada iyo daal. Hadii aad geeri ka badbaado ama dhaawac halis ah, ka baxsan maysid naxdinta iyo rafaadka wadooyinka. In kasta oo wax badani iska bedeleen kaabeyaasha dhaqaalaha Kenya sannadihii u dambeeyey, wadooyinka qaar ayaa weli liita oo aan marka roobku da’ o la mari karin. Maadaama oo aanu nahay dal Ingiriisku gumaysan jiray, Kenya haadku waa bidixda laakiin dad badan ayay qasab ku noqotaa in ay dhan walba bidix u maraan maadaama oo godad wadooyinka ka buuxaan xataa kuwa badhtamaha caasimada Nairobi ku yaal. Waxa jirta sabab kale oo safarka kugu dheeraynaysa- suuli la’aanta. Markaad fuushan tahay basaska buuxa ee kaadi ku qabato dhib baad mudanaysaa. Sababtuna waxa weeyi markii dawladu dhisaysay wadooyinkaa waaweyn suuliyo dadka ka dhexeeya wadada agteeda kamay dhisin. Markaa dirawalladu marmar bay joogsadaan kaymaha dhexdooda, isla marka albaabka la furona dadku dhan walba way u cararaan si ay geed yar oo ay ku gabadaan u helaan oo ay u nafisaan. Waxa ka soo baxa sawir laga xishoodo, dumar iyo caruur is wada ag kambadhuudha. Ceebtase waxa qariyaa waa in qof kasta tiisu cuslaysay oo dhamaan kaadi loo wada fadhiyo. ‘Cunto xun’ Ardayda aan wax baro qaarkood oo dhigta kulliyad ku taal gobolka xeebta ee Mombasa ayaa iiga sheekeeyey sida safar ay ku tageen badhtamaha Kenya, masaafo qiyaastii ah 700 Km. Intaanay ka dhaqaaqi Mombasa, ayay cunto cuneen oo calooshu ku xanuuntay. “Maadaama oo aan suuliyo jirin, dirawalkii baska ayey qasab ku noqotay inuu dhawr jeer kaynta dhexdeeda joogsado si aanu caloosha na socota uga nafisno” ayuu igu yidhi ardayda midkood. “Safarkii ugu dhibta badnaa ee aan 10 saacadood socday ayuu ahaa”. Laakiin haatan gurmad baa yimid oo waxa keenay nin maxkamadda dacwad geeyey si ay dawladda ugu qasabto in ay dhibaatadan dadka ka fududayso. Adrian Kamotho Njenga ayaa dawladda dacweeyey doodiisuna ahayd in ay ku xad gudubtay dastuurka maadaama oo ay dadka wadooyinka waawayn agtooda uga dhisi weyday suuliyo. Afar qaybood oo kala ah golaha badhasaabada oo ka kooban 47, hay’adda wadooyinka Kenya, iyo ha’yadda wadooyinka baadiyaha iyo hay’adda wadooyinka magaalooyinka dhexdooda mara ayaa dhamaantood beeniyey eeddaas. Dadka qaar baa yidhi Njenga muu faahfaahin sida dawladdu ugu xadgudubtay dastuurka mar hadaanay suuliyo dhisin. Qaar kale ayaa ku dooday in aanay waajib dastuuri ah arintaasi ka saarrayn dowladda. Laakiin sida qof aan kaadida xajin karayn oo kale ayuu Njenga maxkamadda ugu hawl galay in maxkamaddu xal keento. Wuxu ku dooday maadaama oo dawladu ku guul sarraysatay in ay suuliyo dhisto, in dadka wada marayaa aanay haboonayn in ay dadku ay wadada hareeraheeda fadhiistaan oo sharafkooda arintaasi wax u dhimayso. Suuli la’aan = Ciqaab Wuxu xitaa daliil ka soo qaatay Deuternomy oo ah jiska shanaad ee Bible-ka, markii Muuse reer Banii Israaiil oo ku socda dhulkii loo ballanqaaday uu faray in ay meeshay dageen ay ka samaystaan suuliyo ay ku nafisaan. Xataa hadii taa ay maxkamadu ku qanci waydo aayadahaa uu Bible-ka ka soo xigtay, Njega wuxu ku dooday in suuli la’aantu ay socotada u loogaysto “ciqaab bayoolojiyeed iyo mid jidheedaba marka ay marayaan wadooyinka Kenya”. Waa kuwaa waxaan idin odhan lahaa mana malaysan karo anoo wada agteeda fadhiya qudhaydu. Laakiin waxay noqdeen kuwo adag kama dambaystiina garsoorihii wuu ku qancay doodii Njenga waxaanu amar ku siiyey waaxyaha dawladda ee ay khusayso in ay meel mariyaan in suuliyo iyo adeegyada kale ee nadaafadeed ba au wadooyinka Kenya agtooda ka dhisaan. Markaa, waxaanu dhamaantayo u hanqal taagaynaa maalinta anagoo socoto ah aanu ka nasan doono markaanu istaagno in aanu iska eegno saxaro intaanu raadsanayno meel aanu fadhiisano. Haatan se inta aanay jirin suuliyadaa “dastuuriga” ahi, kaymaha quruxda badan ee ku yaal hareeraha wadada isku xidha Nairobi iyo Kisumu xaga galbeedka ama ilaa Mombasa oo xeebta ah, waxa lagu arki doonaa uun muuqaalo fool xun oo ah aadame saxaro u wada fadhiya. Qaran News
-
Taliye ku xigeenka qaybta 21-aad ee Ciidamada dowladda Federaalka kormeer ugu tagey Ciidamo Ka mid noqonaya qorshaha xoraynta degaanada Galmudug ee Al Shabaab Maamulaan. Cutubyadan oo dhowaan loo diiwaan galiyay Ka mid noqoshada Ciidanka qalabka sida gaar ahaan Xoogga dalka kuna jira dugsiga Tababarka “Aruuris” ee duleedka Ddegaanka Xananbuure ayaa waxaa kormeer la xiriira howlaha diyaarinta ciidankan Ku gaarey G/Le Aadan Siyaad Cabdi Taliye xigeenka Qaybta 21-aad , taliyaha ayaa Warbixino ka dhegaystay saraakiisha xerada iyo guud ahaan Taliska dugsiga oo kaga warbixiyay tilaabooyinka loo qaadey diyaarinta Ciidankan . Taliye xigeenka ayaa Ciidanka kula dardaarmey isku diyaarinta howsha adag ee laga sugayo oo u baahan dhiiranaan iyo ka faaiideysiga casharada lasiinayo mudada tababarku uu socdo. PUNTLAND POST The post Ciidamo loo diyaariyay dagaalka Al-shabaab oo Galmudug lagu soo bandhigay appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, kuna amray inay sugaan gacan bir ahna ku qabtaan amniga magaalada. Madaxweynaha ayaa waxa uu marka hore Saraakiisha Ciidmaada kaga mahadceliyay sida ay ugu hawlan yihiin suggida amniga iyo ka hortagga falalka liddiga ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada deegaanka. Madaxweyne Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ku ammaanay, sida ay uga shaqeeyeen hawlaha nabadgelyada la xiriirta, mudadii ay doorashooyinka ka socdeen Magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu warbixino ku aadana arrimaha amniga ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Militariga, Nabad Suggida iyo Booliska. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu Saraakiisha amray inay sii wadaan hawlaha shaqo, ee ay u hayaan bulshada reer Galmudug.
-
Boorama (Caasimada Online) – Maxamed Cabdi Xaashi (Diini), oo ah lixdan jir muddo badan ka soo shaqeynayay dowladda hoose ee magaalada Boorama, ayaa sheegay in uu Maayirka Boorama, Saleebaan Xasan Xadi uu shaqadii uga joojiyey hayb qabiil. Odeygan Lixdan jirka ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu shaqaalaha dowladda hoose ee Boorama uu ku soo biiray 1975-tii, uuna kamid yahay 550-shaqaale oo ka howl-gala dowladda hoose ee Boorama. Maxamed Diini ayaa xusay in Maayirka Boorama uu ku cunsuriyeynayo inuusan ka soo jeedin beesha Gadabuursi, maadama uu dhalasho ahaan ka soo jeedo degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud. Aabaha dhibanaha ah ee mudada badan ka soo shaqeynayey dowladda hoose ee Boorama, ayaa isagoo ilmeynaya wuxuu sheegay in Maayirka Boorama uu mushaarkiisi ka haysto muddo 7-bilood ah, uuna si gaar ah uga dhex takooray boqolaalka shaqaale ee ka howl-gala dowladda hoose. Waxa uu sidoo kale sheegay in uu Maayirku xiray maadama uu xiligaa gacanta ku hayey buugaagta Canshuurta, isla markaana uu duudsiiyey ‘khidmad’ uu kulahaa bugaagtaasi maadama uu ahaa qeybta gurta canshuuraha. Maxamed Diini ayaa ugu dambeyntiina dalbaday in xaqiisa looga dhiciyo Maayirka, oo uu sheegay in uu baday ‘Ciil’, isagoona si gaar ah Fariin ugu diray dadweynaha reer Boorama oo uu ka dalbaday inay ka dhiidhiyaan dulmiga lagula kacay. Caasimada Online, oo isku deyday inay Maayirka Boorama wax ka weydiiso Aabaha sheegay inuu hayb qabiil uga saaray shaqada, ayeysan u suurta-galin maadama uu ka jawaabi waayey telefoonkiisa gacanta.
-
Waxaan taxliil gaaban ku samaynaa khubaddii uu madaxweyne Deni ka jeediyay 7dii February, 2020 magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga bariga iyo bartamaha Soomaaliya. Deni wuxuu madax ka yahay Puntland (PL). PL waa maamul facwayn oo ah meel dib u dhiska dalka horumar wayn laga gaarsiin karo sida kalana dib u dhacwayn looga keeni karo. Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku xiranyahay hadba sida PL u dhaqanto haddii PL dib u dhiska dalka hor seed iyo daacad ka noqoto waxban ayaa hagaagaya haddiise ay ka daba wareegto Soomaali halkeeda ayay ooli doontaa. Madaxda xukuumadda Nabad iyo Nolol iyo maamulka Puntland waayahaan waxaa u dhexeeyay xurguf siyaasadeed, arrintaan waxay salka ku haysaa Nabad iyo Nolol oo sida badan ka biyadiida rabitaanka maamulka facawayn ee Puntland. Puntland waxay leedahay galaangal siyaasiya oo aad u heer sareeya waxayna federaalka u la gorgortami jirtay si adag ayadoo gorgortankaas ku heli jirtay sed bursi farabadan, waxaa taas tusaale u ah in ay aqalka sare ku leedahay xubno sanatorro ka badan xubnaha Galmudug ama Jubaland ay ku leeyihiin aqalka sare, sidoo kale waxaad maalmahaan arkayseen Puntland oo ku doodaysa in federaalku heshiis kula galay 23kii August, 2009 in Puntland la siiyo deeqaha waxbarashada dibadda ee Soomaaliya hesho 25% sidoo kale mashaariicda horumarinta ee deeqaha caalamigaa ee laga sameeyo dalka markasta waxaa inta u badan ku baxdaa Puntland sida ku cad xisaab xirkii xukuumadda ee sanadkii 2018kii. Sababta keentay in Puntand ay hesho mashaariicdaas qaybta u badan waxaa loo sameeyaa marmarsiyo ay ka mid tahay in Puntland ay awood (capacity) u leedahay in ay fuliso mashaariic waawayn oo aysan fulin karin maamulada kale doodaasina waa mid aan sax ahayn. Maamulada dalku waa ay fulinkaraan mashaariicda Puntland fuliso markii laga reebo maamulka Galmudug oo aan wali diyaarsanayn. Madaxda Puntland waxay ku dawakhmeen sad bursi iyo gorgortan laga galti-baxay shacabkoodana waxay ku afjigaan Soomaaliya waxay wax ku leedahay diriqsi nooga danbeeya aan idiin soo dhicinno xaqiina. Farsamooyinka ay Puntland adeegsato waxaa ka mid ah in PL federaalka u istaagto meelaha isgoysyadaa sida in ay xeerarka la sameeyo diido ayadoo dhahda nalaa ka lama tashan xeerkaas ka dibna federaalka la gasha gorgortan, sidoo kale isgoysyada ay u istaagto waxaa ka mid ah heshiisyada federaalku galo, sida badan waad ragteen heshiisyada federaalku galo PL way durtaa haddii arrintaas lagala xaajoon waayana way laadaa intii tabarteeda ah, intaas kaliya maahan PL federaalka waxay u istaagtaa isgoyskasta oo ay isleedahay alaylehe halkaan ayuu federaalku jilibka laabi doonaa. Madaxweyne Deni wuxuu abaabul siyaasadeed ka wadaa Puntland wuxuuna galabta Boosaaso meel fagaare ah soo dhoobay wasiiradiisii si uu warbaahinta u la hadlo ayakoo gadaal taagan taasoo uu ka lahaa ujeedooyin gaar ah. Deni wuxuu jeediyay khubdad gabaara waclaynaysa oo aan lahayn jahatoosa oo ay abaarsantahay. M. Deni hadalkiisa waxaa ku jiray sida ii muuqatay deelqaaf iyo simbiriraxasho waxaana laga dheehan karay hadal jeedintiisa fariimaha uu Deni rabay kuwo aan ahayn. Hadaan qodob qodob u dul istaago waxa iiga soo baxay hadal jeedintii Deni; 1- Hadlkii Deni waxaa iiga muuqday in madaxda Puntland ay ku sarkhaantay gorgartankii siyaasadda ee caadada u ahaa oo kala dhexeeyay dawladda federaalkaa kana go’antahay in ay waxkasta ugu goodiyaan dawladda federaalkaa markay ka biyadiido doonista Puntland. Shirka wadatashigaa ee uu sheegayo Deni wax kale maahan waa gargaraacasho iyo federaalku hanala hadlo wuxuuna ku raadinayaa fursad uu ku furo gorgortan siyaasadeed oo biyadhiciisu yahay sad bursi, haddii federaalku maqli waayo xitaa waa laga yaabaa in uu ku fiiriyo goodin uu ku goodinayo in ay go’ayso PL. 2- Deni waxaa ka fakaday hadal ahaa “M. Cabdulaahi Yuusuf ayaa Sacrifice u sameeyay Caydiid oo ugu tagay dalkiisa” hadalkaan waa hadal wayn oo aan la dheyelsankarin waxaanse u malaynayaa dadku sida badan ma dareensana sababta hadalkaan uga soo fakaday Deni. Waxbadan ayaad ka maqashaan madaxda Puntiland iyo siyaasiyiinta aan xilka hayn intaba eraga “dalka Puntland” waxaa kaloo ayaduna jirta oo badankeen uu san ka warhayn in dastuurka Puntiland uu qabo in Puntiland ay tahay dal iyo qaran waxayna ku cadeeyay anoo daliil dastuuriya keenaya maqaal aan qoray 29kii May 2019 oo aan ku daabacay blog-ayga https://calicabdalla.blogspot.com/2019/05/dastuurka-puntland-iyo-dawlada.html Siyaasiyiinta Puntland waxay u hanqal taagaan oo ay ku qarwaan casiriyahana ay ku cabaan go’itaan aysan ku dhicin una bareeri karin sida bandanna marka ay hadlayaan ayay faruuryaha ka saarantahay arrintaas waana riyo soo jireen ah oo salka ku haysa boqortooyonimadii hore, waxaana la filayaa in shirkaan uu ku baaqay arrintaas lugu soo hadal qaado ayadoo loogu dhaga waramay lana tijaabinayo shacabka reer Puntland ee dhawrista sharafka iyo midnimada gayiga Soomaaiyeed quluubtooda degtay waxaanan filayaa haddii ay si kulul uga falcelin waayaan markii arrintaas la soo hadal qaado in la tijaabiyay luguna sii wadi doono. 3- Qodobka kale oo aan dul istaagay wuxuu ahaa hadalkiisii ahaa “Jaamacadaha Muqdisho waxaa laga sheegayay Shabaab dhigaya waxna ku darsanmayno waxa nuucaas ah” arrintaan waxay ii la muuqataa jeesjees waana arrin mudan in shacabka reer Puntland ee garashada badan ay ka daba yimaadaan oo ay raaligelin ka siiyaan shacabka Soomaaliyeed. M. Deni magakarafoonada iskuma fiicna haddii uu yimaado miidiyaha jar ayuu ka dhacaa. 4- Waxaa hadalka Deni laga dhadhaminkaray in Deni soo qufayo abaalkii shacabka reer Puntland Alle hortiis iyo Soomaalinimo ay ku bixiyeen oo uu rabo in uu ku daro waxyaabaha uu rabo in uu ku gorgortamo taasina waa simbiriraxasho oo Soomaalidu dhaqan ahaan wax ay isisiisay xiliyada adag iskuguma manna sheegato, dhan ka kalana diinteena kuma banaana nasiib darro garashaa inta ka noqotay M. Deni wuxuuna soo qufay wixii Soomaali isu gashay asagoo u hadlaya sidii nin dhereg-dhacsanaya. 5- Qodob kale oo cajiibka ah ee hadaljeedintiisa laga dheehan karay wuxuu ahaa in Deni u ekaa nin gadaal ka baqanaya: sababtu waxay tahay shirka jaraa’id Garoowe kuma qaban arrintaasoo ah mid dadka ku beeraysa su’aalo farabadan, dhanka kale Deni warbaahinta wuxuu soo hor dhoobay wasiirro iyo dadbadan oo laga yaabo in aysan ku raacsanayn siyaasadaan nuucaan ah wuxuuna intaas ku daray xukuumadda ayaa sidaas qabta asagoo raba in uu ra’yulcaamka qaabeeyo. Waxaa ayaduna xusid mudan in Deni isku deyeyo in uu shir iskugu keeno koox reer Puntland ah ka dibna uu yiraahdo reer Puntland ayaa isku yimid go’aan ayayna gaareen asagoo kaashanaya siyaasiyiintii wax ka soo diyaariyay dastuurkii aan horay uga soo sheekaynay ee mugidiga badan gelinayay midnimada, sharafka iyo karaamada dhulwyanaha Soomaaliya siyaasiyiintaasoo ka macaasha sasabaynta siyaasadda. Hadalka galabtay Deni ka jeediyay Boosaaso waxaa ku raacidoona oo u riyaaqi doona kaliya siyaasiyiinta arrintaan ka macaasha iyo goloaha xukuumadda inta ku jira. PL waxay door ka soo ciyaartay dib-u-dhiska Soomaaliya waxayna ka shakisantahay in la abaal dhacayo waxaana ka qaldan haddii la baal dhaco wixii saxda ahaa ee ay uga jawaabi leheed arinkaas, siyaasiyiinta PL waxay ka badin la’yihiin in ay cimri tagay ceeb ku sagootiyaan. Waxaan xukuumadda Nabad iyo Nolol kula talin lahaa in ay nafteedu is hagaajiso waxaa lugu tuhmayaa tabar darro oo waxaa ka baxay siyaasiyiin rug cadaa ah markaas ka dibna ay la xaajooto maamulada ayadoo carabka u dabcisa maamulada gaar ahaan maamulka facawayn ee Puntland kalana xaajooto wixii lagala xaajoon karo sida ay ii la muuqato markaan waxaa jira waxbadan oo lagala xaajoon karo arrinku sidii hore maahan. Ummadda Soomaaliyeed ee hadalkii M. Deni rajo xumada geliyana waxaan ugu laab qaboonjin ahaa, yaysan idin niyad jabin halada siyaasiyiinta muraadka leh ee laga yaabo in ay isku hayaan dantooda gaar ahaan hadalkii Deni ka jeediyay Boosaaso 7dii February 2020 waxaadna ogaataan Deni intaas kuma ekaan doono marka uu qabto shirka uu sheegay wuxuu bilaabi doonaa in uu abaabulo illaa Kismaayo. Waa caadi in lays qabto dalkaanina u burburimaayo labo qofoo is qabatay waligeed ayaa laysi soo hayay. Ugu danbayntii bulshada rayidkaa iyo dadka wax qora waxaan ku baraarujin lahaa in ay hadlaan oo ay ka marqaati kacaan waxa dhacaya. W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam” Facebook/Twitter: @Fitah252 cccimaam@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
By AGGREY MUTAMBO Somalia’s President Mohamed Abdullahi Farmaajo is supposed to face an election test later this year, assuming the planned calendar goes as scheduled. His critics think he is keen on removing all ‘rebellious’ federal state Presidents and replacing them with those loyal to him, first. Last week, a new President was elected in Galmudug, one of the five federal states in Somalia, but the election was boycotted by some leaders, who went on to run parallel polls. The winner of the boycotted elections, Ahmed Abdi Kariye Qoorqoor, was quickly sworn-in after being endorsed by Mogadishu, the United States, regional bloc IGAD and the African Union. “MISCALCULATION” Some Somali government officials told the Nation that the acknowledgement and quick swearing-in was to avoid chaos, especially since Sufi militia Ahlu Sunna Wal Jama’a (ASWJ) also elected its own leader, Sheikh Mohamed Shakir. Another faction loyal to outgoing President incumbent Ahmed Duale Gelle “Haaf” re-elected him in protest. But local Federal MP Mohammed Hassan Idriss told the Nation the move was indicative of the government’s intent. “He doesn’t seem to be stopping soon. His priorities are to remove those uncomfortable with him, but it is a miscalculation,” he said. Historically seen as an area that sowed the seed that ousted Siad Barre, Galmudug, with its Hobyo Port, is a lucrative region Mogadishu would be keen to protect. CHAOTIC CHANGES But this wasn’t the first chaotic change of leadership in federal states. It started in August 2017 after Ali Abdullahi Osoble was removed controversially removed from office through a motion of no confidence. Subsequent elections saw Mohamed Abdi Waare voted in as the new President. But it left Osoble’s supporters bitter still. In 2018, Somalia controversially detained former Al-Shabaab leader Mukhtar Rubow, who was to contest in South-West presidential race. Accused of being a security hazard, Rubow was barred and put under house arrest. MORE CASES In December 2018, South West local lawmakers elected Abdiasis Mohammed “Laftagareen” president. The elections had followed a deployment of Ethiopian troops, which a report by the UN Panel of Experts on Somalia accused them of brutalising civilians, ostensibly to beat down Rubow’s supporters. Both men belong to the Rahanweyn, one of Somalia’s four main clans. In August, Ahmed Madobe won the election, but the federal government rejected the results. There had been parallel polls too, after opponents accused Madobe of engineering a predetermined victory for himself. The re-run was never held and Madobe, immediately endorsed by the Kenyan government, has become a marked man. This week, Somali forced deployed in parts of Gedo in Jubbaland, ostensibly to take control from Madobe. Officially, Mohamed Abdi Hayir Mareye, the Information Minister, told the media the forces were assigned to guard Somalia’s borders. FAILED WAR But critics pointed out the deployment was in areas controlled by Jubbaland administration, leaving a big chunk of the region still under al-Shabaab unattended. “The impact we will see is a failure on war on terror. We need to stop ticking boxes that do not address the real challenges on the ground,” Abdishakur Abdirahman, a former minister and leader of Wadajir Party told the Nation. “The federal government’s approach in dealing with stakeholders has made it difficult to achieve consensus on crucial national security challenges the country faces. Both security architecture and the security transition plan has failed,” he said, warning the continual conflict between federal states and the government could delay the planned elections. Long depressed with civil war, and now al-Shabaab, Somalia’s partners have called for unity to plan for elections. Critics charge Farmaajo’s plan is to weaken the federal system by reducing autonomy of states. “That is more or less the policy of the President. He started with Hirshabelle…South West, Jubbaland, Puntland and Galmudug followed suit although some cases didn’t work for him,” Abdimalik Abdullahi, a commentator on Somali politics and Horn of Africa, told the Sunday Nation. “If the current trend continues, most likely a standoff between the federal government and some states on issue like electoral model will ensue, something that will ultimately call for the intervention of the international partners,” he said. VIOLENT POLITICS Somali politics, long depressed by violence, is normally imperfect, but international partners are often seen as taking sides. US Ambassador to Somalia Donald Yamamoto, who drew criticism by endorsing Qoorqoor, admitted there has to be a starting point, which he argued could build local democracy. “While recent electoral processes were imperfect, we call on all Somalis to focus on reconciliation,” Yamamoto said in a statement released by the Embassy on Wednesday this week. Endorsing Qoorqoor and calling for cooperation between all states and the federal government looked like a middle ground. But local coalition, Forum for National Parties, thinks supporting chaotic elections amounted to dishonesty. Yamamoto’s critics think he also gives the greenlight to Farmaajo to dismantle ‘rebellious’ federal states. “That approach encourages the federal government to feel that it can ignore the provisional constitution and get away with dismissive relations with member states,” Abdirahman argued. UNPREDICTABLE But Somalia’s political environment isn’t one you can predict. Abdalla Ibrahim, the Director of the East Africa Centre for Research and Strategic Studies, a think-tank on Horn of Africa affairs, argued the US may be interested in one goal regardless of the means. “America’s position is how they can bring together regional states and the federal government. It could be through force or chaotic elections. The process won’t matter much, but the result will,” he said. “Western countries and neighbours are just fed up with Somali politics. Somalia’s problem is a constitutional one, not al-Shabaab or clannism. If everyone stuck to it, we won’t see these chaos,” he charged, referring to how the same politicians opposed to Galmudug elections were supporting Madobe’s victory. In the meantime, the US is calling for unity to chart a common security plan for Somalia.
-
CAPE TOWN, Feb 8 (Reuters) – Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has signed landmark petroleum legislation into law to help open up a new frontier market, the oil ministry said on Saturday. The upper house of Somalia’s parliament in January approved the petroleum law aimed at providing a regulatory framework that will help attract investment in exploration by major oil companies. “The Petroleum Law demonstrates the capacity of the Somalian people to unite in an historic effort to work together to build an equitable, prosperous and peaceful nation,” Farmajo said in a statement. The new law establishes revenue-sharing between the central government and states as well as a legal framework for an industry the country hopes will bring jobs and investment after decades of conflict. Plagued by civil strife, Somalia currently does not produce any oil but production could transform the economy as seismic data has shown there could be significant oil reserves offshore. The government hopes the petroleum law will entice big oil companies like ExxonMobil and Shell to return to the country where they held legacy blocks from the 1990s. Last October, the two companies paid $1.7 million owed to Somalia for leasing these offshore blocks, although operations there remain suspended. “The opportunities for the international exploration and development majors are enormous, with Somalia having the potential to become one of the most significant hydrocarbon plays in offshore East Africa,” Abdirashid Mohamed Ahmed, the Minister of Petroleum and Mineral Resources, said in the statement. (Reporting by Wendell Roelf; Editing by Christina Fincher)
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar-___-Qumana-ha-Wararka-08022020.mp3 View the full article
-
Berlin (SMN) – Wafdi uu hogaaminayo Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ka qeybgalay Shir weynaha Caalamiga ah ee 12-aad ee Wasiirada Cuntada iyo Beeraha ee Golaha Cuntada iyo Beeraha Aduunka oo ka dhacay magaalada Berlin ee Dalka Jarmalka ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeyn Wasiirka Cuntada iyo Beeraha ee Dalka Jarmalka Julia Klöckner iyo Madaxa Hay’adda Cuntada Aduunka ee (FAO) Qu Dongyu Iyo Wasiiiro Kale Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo inay gacan ka geystaan dhiirigelinta iyo garab istaagaan wax-soo saarka iyo dhoofinta Cuntada Soomaaliyeed, sida Xoolaha, Dalagga Beeraha iyo Kalluumeysiga, loona baahanyahay in laga taakuleeyo dhinacyada qalabka iyo tababrsiinta si sare loogu qado aqoontooda, ayna ula jaanqaadaan isticmaalka tiknolojiyadda casriga ah ee Horumarinta Wax soosaarka loogu talogalay si uu dalkeeno u gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran. Dhinaca kale kulanka Wasiirka iyo Madaxa Hay’adda Cuntada Aduunka (FOA) ayaa waxay kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa wax soorka Cuntada, lana horumariyo Caafimaadka Xoolaha, Daaqa, Dib u dhiraynta Dhulka laga xaalufiyay Dhirta iyo in si gaar ah loogu kaalmeeyo Dowladda Soomaaliya ka hortagga Ayaxa oo dhibaato ba’an ku haya Deegaanno farabadan oo dalka ka mid ah, kaa soo inta badan aafeeyay dalagyadii ka soo go’ayay beeraha iyo dhulka Daaqsinka ah ee Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ku nool yihiin. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Xoolaha Dowladda Sacuudiga Dr. Hamad Al -Batshaan ayaa waxay isla garteen in la xoojiyo kor uqaadista Dhoofka Xoolaha Soomaliyeed, isla markaana ay sidhow uga wada shaqeeyaan sidii xanibaadda looga qaadi lahaa dhoofka Xoolaha nool ee Soomaaliya waqtiga Xajka ah ee sanadkan 2020. Ugu dambeyn Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa dhamaan madaxdii uu la kulmay u bidhaamiyay in Soomaaliya oo hodan ku ah Xoolaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga ay diyaar u tahay inay dunida la jaan qaado, isla markaana wax soo saarkeeda tayada badqabka leh ay u iibgeyso dalal badan oo xiriir ganacsi la leh, si loo helo kobac dhaqaale iyo shaqo abuur ay ka faa’iideystaan dhallinyarada Soomaaliyeed. View the full article
-
Jowhar (SMN) – Laba qof ayaa la sheegay in galabta lagu toogtay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Shaqsiyaadka ayaa la tilmaamay in ay ahaayeen burcad jidka u geli jirtay gaadiidka rakaabka ee gobolkaas. Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa la tibaaxay in ay ka dambeeyeen falkaas oo yimid markii ay is-rasaaseeyeen. Wararka ayaa tibaaxaya in ragga Shabaabka ahaa ay horey usii qaateen qoriga ay wateen kooxaha burcadda ah. Hay’adda ammaanka gobolka ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan oo timid iyaddoo tabashooyin ay isa soo tarayeen. View the full article
-
Waajid (Caasimada Online) – Duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool galabta waxaa lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM. Dilka labadan askari waxaa geystay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo wadada u galay, kadib markii labadan askari ay ka baxeen xero militeri oo ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin garoonka degmada Waajid ee gobolka Bakool. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta labadaas askari ay uga baxeen saldhigga ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin duleedka Waajid, waxayna warar soo baxaya sheegayaan in ay baxsad u ahaayeen dhanka dalka Itoobiya. Al-Shabaab oo war kasoo saaray dilka labadan askari ayaa sheegtay in ay ka furteen laba qori nuuca shiishka ee Shaam shuutarka loo yaqaan iyo qori AK47 ah oo ay wateen. Sidoo kale Al-Shabaab warkooda waxa ay ku sheegeen in askartan ay baxsad u ahaayeen dalkoodii Itoobiya, kadib markii ay ku adkaatay nolosha go’doonka ah ee ku heysatay saldhigga, sida lagu yiri qoraalka Al-Shabaab.
-
Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad gobaleedka Jubbaland oo maanta shir jaraaid ku qabtay degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay Xaaladaha ka taagan Gobolka. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka Soomaaliya cunaqabateyntii ay saartay Jubbaland in ay ugu dartay faragalinta ay ku heryso deegaannada kala duwan ee Jubbaland. “ Isbitaaladii waa ay xiran yihiin, dadkii daawo maleh, hey’adihii caalamka ee dalkaan iyo dadkaan kaalmeynayey qalqal amni iyo mid maamul ayaa lagu sameeyey waana ka guureen, garoomadii waa laga xiray dhibaato Baniidamnimo ayaa ka dhalatay, waxaa la yaab ah diyaaro ciidamo Xamar looga soo raraayo ayadoo Jaziira iyo Tooratooroow iyo Xamar dhexdiisa u baahan yahay in amni laga dhigo” ayuu yiri. Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay in dowladdu ay dooneyso deeganno 10 iyo dhowr sano ka hor dowladnimadu gaartay in ay qalqal iyo colaada ay ka huriso waxaana uu yiri. “ 11 sano ka hor ,meeshii dowladda Soomaaliya ay xoreysay oo calankii qaranka uu ka tagan yahay, oo maamul uu ka jiro in ciidamo la dulkeeno oo qalka amni la galiyo waa maxay sababta soo ma ogid inaad Banii’am tihiin Illahey idiiin kula xisaabtamayo adoomihiisana ay kula xisaabtamayaan, waa wax la yaab ah in awoodii dowladda iyo astaankii qaranka dadka lagu baabi’inayo.” Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadam ayaa baaq u diray labada gole ee baarlamaan federaalka ah ee Soomaaliya maadaama ayagu ay wakiil ka yihiin umadda Soomaaliyeed. “Waxaan ugu baaqayaa baarlamaanka labada gole oo u dhaartay in umaddaan in ay matalaan, inta fakarka fiican ku fakaraysa in ay ka hadlaan arrimaha Baniiadmnimada ee ka jira Gedo, dadka la dhibaateynayo amniga la qalqal gelinayo, iyo maamulada la burburinaayo in aysan ku eegan madaama la duminaayo dowladnimadii ” ayuu hadalkiisa ku yiri. Ugu dambeyn Maxamuud Madaxweyne ku-xiigeenka Jubbalanad ayaa sheegay in wax nasiib darro ah ay tahay in maanta la arkaayo dhismihii dowladnimada Soomaaliya oo dhibka badan laga soo maray oo dib loo duminaayo iyo ciidamadii loogu talo galay in cadawga ay la dagaalamaan oo dhaxdoodii is dilayo. “Waxa halkaan ka socda bal fiiriya qarankii oo is burburinaya ciidamadii Soomaaliyeed oo la tababaray lana qalabeeyey oo cadawga la dagaami lahaa oo qoorta la isku geliyey arka hey’adihii dowliga ahaa oo soo kobcayey oo la burburinaayo arka” ayuu ku soo gaban gabeeyey hadalkiisa. Shirka Jaraa’id Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa uu imaanayaa ayadoo xaalado amni aan cago badan aan ku taagneyn ay ka jirto gobalka Gedo ayadoo saacad weliba la filan karo inuu dagaal ka dhex qarto ciidamada dowladda iyo dowladgobaleedka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka dowlad gobaleedka Puntland ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada Bosaso ee gobalka Bari, waxaana magaalada ku soo dhaweeyey goddomiyaha gobalka iyo mas’uuliyiinta degmada Bosaso. Guddiga ayaa kulamo la qaatay maamulka gobalka Bari iyo midka degmada Bosaso, waxaana ayna warbixiyeen higsigooda doorashooyin ka dowladaha hoose ee puntland iyo doraashada xorata ah ee qof iyo cod, taas oo uu balan qaaday in lagaaraayo madaxweynaha hadda talada haya Siciid Cabdillaahi Deni. Guddoomiyaha gobalka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxammed iyo duqa degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir, ayaa siweyn guddiga uga mahad celiyey hadafkooda iyo higsigooda in dowlad gobaleedka Puntland la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod, waxaana siwadajir ah ay ugu hanbalyeeyeen wax qabadkooda. Guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa mudooyinkii ugu dambeeye waxaa ay kulamo wadatashi ah ay ka wadeen deegaannada kala duwan ee uu ka kooban yahay dowlag gobaleedka waxaana la filaayaa in ay bulshada qeybaheeda kala duwan ay la kulmi doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beled-Xaawo(Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beled-Xaawo ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya ay weerar kusoo qaadeen degmada Baledxaawo. Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dooneyso in ay burburiso maamulka Jubaland, ayna nasiib daro tahay in maanta Ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda ay ku dagaallamaan degmada Beledxaawo, iyo in la abuuro qalqal amni. “Maanta waxaa lagu sameeyay qalqal amni, waxaa lagu sameeyay umaddii deganeyd in la iska horkeeno, waxaa lagu sameeyay in laga jeediyo cadowgii kow iyo tobanka sano gobolkan lagula dagaalamayay, oo tuulo walba fadhiya, sidii loo sii ciribtiri lahaa waxaa la saaray cunaqabateen. 28-kii January laga bilaabo diyaaradihii baa laga joojiyay, waa maxay sababta looga joojiyay? Isbitaaladii waa xiran yihiin, shacabkii dawo maleh. Nin aan kartoon dawo ah ku siinayn, hay’adihii caalamka oo dalkan iyo dadkan wax ka qabanaayay oo noo soo gurmadayna qalqal amni iyo qalqal maamul baa lagu sameeyay, waa ka guureen gobolka, garoomadiina waa laga xiray,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in mas’uuliyadda wixii maanta ka dhacay Gedo ay qaadeyso, dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo, oo ay diiwaanka taariikhda loogu qori doono. Maxamuud Sayid Aadan ayaa intaa ku daray “Soo ma ogid inaad bani’aadam tahay, Ilaahayna kula xisaabtamayo, addoomadiisana kula xisaabtamayaan, waa maxay sababta qaranka, shaatiga dowladnimada iyo astaanka qaranka oo Ilaahay ku siiyay aad umaddaan ugu dhibaateenayso? Wax layaab leh weeye.” Waxaa uu wax kaloo layaab leh uu ku sheegay ciidamada diyaaradaha looga soo qaaday Magaalada Muqdisho, xilli aanay amni ahayn wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye. “Waxaa weeye waxa layaabka leh ee ka socda, diyaaradaha aad ku soo gureyso ciidamada oo Xamar kaga keenayso, ayadoo Jaziira, Toora Toorow iyo Afgooye iyo Xamar dhexdoodu u baahan in ammaan laga dhigo, oo kow iyo toban sano ka hor meeshii Dowladdii Somaliya xoreysay, oo Dowladdii Somaliya ka dhisan tahay oo Calankii Qaranka ka taagan yahay, maamulkii ka jiro oo Ciidamada Qaranka ka hawlgalayaan in intaad keento aad ammaankii qalqal ku gelinayso, waa maxay sababta?” Ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.
-
Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Suleymaan Maxamuud Aadan oo maanta furay kala fadhigii 71-aad ee golaha wakiilada , kaas oo inta badan ay soo xaadireen xildhibaannada. Guddoomiyaha ayaana sheegay in doorashada waqtigii loogu talo galay ay dhaceyso, waxaana uu xusay in wax iska badalayo aysan jirin muddo kordhintii golaha guurtida ay u sameeyeen golaha wakiilada Somaliland. “Doorashooyinka la la qeylinaayo muddo ayaan u qabannay walina waa la qeylinayaa qeyladaasna meel qura ayey ka socotaa, waxaadna moodaa in axsaabtu buunbuuninayaan, axsaabta waxaan leenahay waaqica ha la aqbalo doorashada muddo ayaa loo qabtay waqtigaas ayeeyna ku dhaceysaa” ayuu yiri guddoomiye Suleymaan. Guddoomiye Suleymaan Maxamuud oo hadalkiisa sii wato ayaa xusay in doorashada in la qabto ay muhiim tahay loona baahan yahay in loo wada istaago sidii ay ku qabsoomi laheyd waxaana uu yiri. “Haddii guddiga doorashada ay nagala qeyb galaan , doorashadana loo dhaqaaqo waa la qaban karaa, doorashadu waa mihiim wixii turxaan gelinaayo inaan ka dhaafno golaha kama hadlaayo ee qaran ahaan aan ka dhowrno oo aan sidaas ku howl galno”. Dhinaca kale guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Suleymaan Maxamuud Aadam, ayaa sheegay in hadda deegaannada Somaliland aysan ka jirin wax colaad ah, marka laga reebo dagaal beeleedyo ku soo noqnoqda bariga gobalka Sanaag. “Wax uur xumaa oo maanta aan idiin sheegno bariga gobalka Sanaag mahane ma heyno waxaan idiin sheegno, arrinta bariga midi soke ee deegaanka Ceel Afweyn reeraha degan waa ay dhameysteen Illahey nabadaa la xirtay mid waarta ha ka dhigo, lakiin bariga fog xaaladiisu ma qurux badna” ayuu hadalkiisa ku soo gabangabeeyey guddoomiyaha golaha wakiilada.” Ugu dambeyn hadalka ka soo yeeray guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Suleymaan Maxamuud Aadan,ayaa waxaa uu imaanayaa ayadoo mudooyinkii ugu dambeyey uu taagnaa khilaaf ka dhashay mudo kordhin golaha guurtida ay u sameeyeen golaha wakiilada Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa uga qeyb galaya Shirka 34-aad ee Caadiga ah ee Madaxda Dalalka iyo Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD. Kulan madaxeedka ayaa waxaa diiradda lagu saarayo sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Suudaan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa war ka soo saaray laba duqeymo dhanka cirka ah oo diyaaradahooda ay ka fuliyeen nawaaxiga magaaladda Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Mareykanka ayaa sheegay in duqeymahaasi fuliyeen iyagoo garab ka helaya ciidamadamada sidda gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, isla markaana ay duqeyntaasi la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi ay ku burburiyeen goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalana ay laba xubnood oo Al-shabaab ah halkaasi ku dileen. Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in duqeynta aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee halkaasi ku nool,balse ay wali wadaan baaritaan dheeraad ah. Dowladda Mareykanka ayaa sanadihii ugu danbeeyay kordhisey duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah xarakadda Al-Shabaab ee uu ka fuliso qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha waddanka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-08022020.mp3 View the full article
