Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,385
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka aan maanta ka helayno gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in deegan ka tirsan goblkaasi uu ka dhacay dagaal aad u qaraar oo u dhaxeeyay ciidamo Itoobiyaan ah iyo meeleeshiyo ka tirsan kooxda Macawisleey. Dagaalkan ayaa waxa uu si gaara uga dhacay tuulo la yiraahdo Afqurun oo qiyaastii 48-km u jirta degmada Farlibaax, waxaa uuna dagaalku yimid ka dib markii ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid gobalka Bakool ay gudaha u soo galeen fariisin ay ciidanka Macawisleyda ku lahaayeen halkaasi. Dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiyaanka ah iyo kooxdan ayaa qaatay saacado waxaana la soo sheegayaa in uu jiro khasaare kala duwan oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah. Taliyaha kooxda macawisleey Maxamed Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalka xalay ka dhacay deegaanka Afqurun ay ku dileen askar Itoobiyaan ah oo uu tiradooda ku sheegay 20 askari. Sidoo kale taliyahan ayaa tilmaamay in askarta ay la dagaalameen ay ahaayeen kuwa baxsad ah oo ka soo baxsaday gobalka Bakool, waxa uuna xusay in inta ay dileen maahine qaarka kale ay gacanta ku hayaan. Wali ma jirto wax wara oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Itoobiya ee ku aadan dagaalkan la sheegay in kooxda macawsileey iyo ciidan ka tirsan dalkooda uu ku dhexmaray gobolka Hiirran. 9-kii bishan ayey ahayd markii dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay sheegeen in gobalka Bakool ay ku dileen 2 asakri oo Itoobiyaan ah oo ay sheegeen in ay baxsad ahaayeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Xiisad u dhaxaysa qaar ka mid ah ganacsata Somaliland, bulshada magaalada Wajaale iyo xukuumadda Somaliland ayaa ka taagan magaalo ganacsiyeeda Wajaale waxaana shalay xabsiga loo taxaabay qaar ka mid ganacsato dhawaan la hadlay warbaahinta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Muqdisho (SMN) – Munaasabadan lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee ka hortagga askareynta carruurta oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho, Iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhinaanno ka tirsan labada Aqal, Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Difaaca, Ururada Bulshadda Rayidka iyo mas’uuliyiin mataleysay hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgalla dalka. Axmed Diini oo ku hadlayay magaca Ururada Bulshadda Rayidka oo xafladda ka hadlay ayaa xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay ku guuleysatay dhaqan-galinta shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, isagoo arintaas ku bogaadiyay mas’uuliyiinta Wasaaradda. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in taliska xoogga ay ka go’antahay ka hortagga askareynta carruurta, isagoo intaa ku daray in argagixada Al-Shabaab aan loogu dulqaadan doonin in carruurta ay si qasab ah ku askareeyaan, kana codsaday shacabka inay ku gacansiiyaan sidii loo soo badbaadin lahaa carruurta sida khaldan ay u adeegsadaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed oo ugu dambeyn xafladda ka hadlay ayaa shaaciyay in dowladdu ay ka go’antahay ka hortagga askareynta carruurta Soomaaliyeed… Munaasabadan ayaa ku soo aadaysa xilli dhawaan ciidanka xoogga dalka ay ku guuleysteen inay soo furtaan carruur ay argagixada si qasab ah ku askareyneysay, kuwaasi oo la geeyay saldhiga booliska ee magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxaana sanad walba manta oo kale 12 February oo loo asteeyay Maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga askareynta carruurta laga xusaa dalal badan oo caalamka ka tirsan. View the full article
  4. (SLT-Cape Town)-Muddooyinkii dambe waxaa isasoo tarayay weerarka lagu hayo goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin Ajaanibta ka shaqeysata gudaha magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Africa iyo qaar ka mid ah gobolada dalkaas. Budhcadda Koonfur Afrikaan ka ah ayaa caadeystay weerarada goobaha ganacsiyada oo dhac u gesta inta badana sameeyay weeraro dhiig uu ku daato,oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac lagula kaco ganacsatada Ajaanibta ah ee ay ku jiraan Soomaalida. Ganacsatada Koonfur Africa ayaa sheegay in ay arkeen dhacdo ay aad uga argagaxeen kadib markii ay arkeen Ganacsade Itoobiyaan ah oo goobtiisa Ganacsi Isku daldalay, kadib markii Booliisku ay ku amreen in uu xidho goobtiisa Ganacsi sida ay sheegeen. Muuqaal laga soo qaday ayaa muujinayay Ganacsadaha oo xadhig ku xidhay goobtiisa Ganacsi kadibna qoorata gashaday isaga oo sidaas ku geeriyooday,qaar ka mid ah Soomaalida ka ag dhawaa oo ku baxay ayaa sheegay in ay aad ula yaabeen dhacdadaan kuna wargeliyeen Booliiska. Ganacsato ayaa xaqiijiyay in dhacdadaani ay ka dhacay Gobolka Gauteng mawaadin Itoobiyaan ka ahna uu isku daldalay kadib markii lagu amray in uu xidho goobtiisa ganacsi taas oo u cuntami weyday kana door biday in uu isdilo. Inta badan dalka Koonfur Africa ayaa waxaa laga soo weriyaa weeraro khasaare geysta oo Budhcad Koonfur Afrikaan ah kula kacaan Soomaalida iyo qaar kale oo ka mid ah Ajaanibta kale ee ganacsiyada ku leh gudaha dalka Koonfur Africa. Source
  5. Muqdisho (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqdey in ay xayiraadii ka qaadey shirkadii Al Barakaat ee Soomaaliya. Paul Onela, xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa shaaciyey in tani ay ka dambeysay markii ay ku waayeen wax dambi ah. Mr Onel ayaa daaha ka rogay in ay gebi ahaanba xireen gal-dacwadeedkii shirkaddaas kana saareen liiska argagixisadda. Sanadkii 2012-kii ayay ahayd markii xayiraad la saarey Barakaat, taasoo timid weerar culus oo ka dhacay gudaha Mareykanka. View the full article
  6. NAIROBI (HOL) -The U.S has resumed support to Somali National Army two years after it suspended following corruption claims but remained categorical the support will only be tied to operations ‘focused on defeating terrorist organizations.’ Source: Hiiraan Online
  7. (SLT-Berbera)-Shabakadda Wararka Al-masdar Online ee laga leeyahay dalka Yemen ayaa Ilo-wareedyo gudaha ah waxa ay u sheegeen in 2 Kalluumeysato oo ka mid ahaa saddex kalluumeysato oo la la’aa ilaa dabayaaqadii bishii hore ee Jeeniweri laga helay Badda Calaamiga ee u dhexeysa Xeebaha Somaliland iyo Yemen ee Kaabiga ku haya Gacanka Cadmeed oo marin muhiim ah u ah Kalluumaysatada. Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Kalluumeysatadaasi inay dhowr maalmood ka hor u kalluumeysi tageen Xeebta magaalada Axwaar ee Gobalka Abyan ee Yemen si ay gutaan shaqo maalmeedkooda hase’ahaatee la waayay markii dambe. Markab nooca Ganacsiga ah ayaa la sheegay inuu Maydadkaasi ka helay dooni dul sabaynaysay meel ku dhow Xeebta Degmadda Shakra oo ku taalla Badda Xeebta Caraabi oo la aamnisanyahay in ay kusoo cariday. Kalluumaysatada Yamanyiiinta ah ee Maydadka la helay waxaa lagu kala sheegay Ali C/llahi Xasan oo 40-jir ahaa iyo wiilkiisa Saciid Cali oo 14-jir ah, kuwaasi oo la la’aa tan iyo bishii la soo dhaafay ee Jeeniweri 27-dii. Dhinaca kalana Shabakadda Almasdar Online waxay kaloo qortay in weli la la’ yahay wiil 13-jir ah, oo lagu magacaabi jirey Abu Bakar Fowzi Abu Bakar, kaasi oo la socday doonida laga helay maydadka Aabe iyo Wiilkiisa. Source
  8. Garoowe (Caasimadda Online) Khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa sii xoogeysanaya, waxaana muuqata in Puntland ay digniin hordhigtay madaxda dowladda federaalka. Cali Xasan Axmed (Sabareey) oo ah Wasiirka Wasaradda Warfaafinta ee Puntland ayaa ka dhawaajiyay in Dowlada ay bilahii ugu dambeysay sare u qaaday faragalinta dhanka maamulkaoo ay ku heyso nidaamka ay ku shaqeeyaan, wuxuuna u sheegay iney horseedi karto dhibaato hor leh. Wasiirka wuxuu carabka ku adkeeyay in Puntland ay dhawr jeer isku dayday iney wada-hadal la gasho dowladda Federaalka si loo dhameeyo mugdiga ku dhex jira, balse ay dowladda ku fashilantay. “Dhibaato ayaa ku imaan karta dalka hadii aan la tixgelin dastuurka, madaxda dowladda waxaan usoo jeedinayaa iney maamulka Puntland ka dhaafaan faragalinta” ayuu yiri ali Sabareey. Hadalkaan ayaa imaanaya xilli wareysi gaar ah oo ay TV-ga Universal ka qaadeen madaxweyne Farmaajo ku sheegay inuu dhawr jeer isku dayay inuu la fariisto Deni, balse madaxweynaha dhawaan la doortay uu ka caga-jiiday.
  9. (SLT-Doha)-Dowlada Maraykanka iyo kooxda Taalibaan ayaa gaadhay heshiis muhiim ah oo lagu yareynayo colaada ka taagan Afghanistan, iyadoo la filayo in si rasmi ah loogu dhawaaqo heshiiskan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Taalibaan. Waxaan gaadhnay heshiisyo la xidhiidha wadaxaajoodka nabada waxaana si rasmi u soo saari doonaa warsaxafadeed la xidhiidha yareynta colaada ka taagan Afghanistan, ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan taalibaan oo la hadlay Tv-ga Al-Jazeera Arbacadii shalay. Arintaan ayaa wadada u xaadhi doonta in si rasmi ah ay Mareykanka iyo Taalibaan qalinka ugu duugaan heshiis nabadeed, oo lagu soo afjarayo dagaalada 18-kii sanno ee la soo dhaafay ka socday dalka Afghanistan. Qorshaha ayaa waxaa ka mid ah in Mareykanka uu ka saaro kumanaan askari oo ka jooga dalkaasi iyo in Taalibaan ay aqbasho wadahadal ay la gasho xukuumada Kabul, loona damaanad qaado sidoo kale amniga saraakiishooda sare oo Mareykanka beegsanayo. Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa sheegay In Mareykanka uu ku wargaliyay in meel wanaagsan ay marayaan wada xaajoodka ka socda caasimada Dooxa. Source
  10. The U.S. Treasury Department on Wednesday delisted a Somali-owned group of companies chiefly involved in remittances, closing a chapter in sanctions history that dates back to the beginning of the War on Terror. Source: Hiiraan Online
  11. Kismaayo (SMN) – Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in Cabdi Rashiid Xidig iyo Cabdi Naasir Seeraar oo ah musharixiintii isku doortay magaalada Kismaayo ay khalalaaso dhinaca Amniga ah ka wadaan halkaas. Shir Jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtey Kismaayo ayuu ku sheegay wasiirka in labada mas’uul ay u dul qaadanayeen muddoo badan, isla markaana ay yihiin kuwo aan rabin in kismaayo ay xasisho. Wasiirka warfaafinta maamulka jubaland ayaa sheegay in dhinac walba masuuliyiintaasi xalkooda in ay u mareen balse wax natiijo ah aysan kala kulmin. Talaabada maamulka Jubaland iyo go’aankooda ugu dambeeya ka maamul ahaan ayuu tilmaamay wasiirka in ay tahay in ragaasi markale aysan ugu dulqaadan doonin waxyaabaha ay ku kacayaan. Wasiirka warfaafinta maamulka Jubaland ayaa ugu dambeen sheegay in jawi nabdoon ay kusoo dhaweeyeen wafdigii shalay gaaray Kismaayo oo uu horkacayey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Hadalka wasiirka wasaarada warfaafinta maamulka Jubaland ayaa kusoo aadaya xili shalay dagaal kooban magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose uu ku dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka iyo ciidamada Cabdinaasir Seeraar dagaalkaasina waxa uu sababay dhaawaca labo qof oo haween ah oo kamid ah dadka dushooda lagu dagaalamay iyo askari ka tirsan maamulka Jubanad, inkastoo Kasaaraha dagaalka uusan ka hadlin maamulka Jubaland. View the full article
  12. Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) introduced a broad package of bills Wednesday that would amount to an overhaul of America’s approach to global affairs. It’s a bold move for the already high-profile first-term representative — and one that gives her a bigger role... Source: Hiiraan Online
  13. Jowhar (SMN) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay ciidamadda xooga ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka ayaa la tilmaamay in uu si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa degmadda Cadale iyo degaanka Xaaji Cali. Illo wareedyo ayaa Shabelle u xaqiijiyey in askarta dowladda ay soo saareen Miino la damacsanaa in qarax lagu fuliyo. Saraakiisha ciidamadda ayaa u mahadceliyey askartii fulisay howlgalka oo qeyb ka ahaa kuwa lagu sugayo ammaanka. Inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa falal noocaan ah ka fuliya dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab oo aan wali hadlin. View the full article
  14. Beledwayne (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro geystay oo xalay fiidkii ka dhacay degaanka Af-quran ee gobolka Hiiraan. Dagaalka oo u dhaxeeyay Macawiisleyda iyo Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa sababay dhimashadda 20 qof oo labada dhinac ah. Illaa iyo haatan lama ogga waxa dhaliyey dagaalka. Ciidamadda Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in ay kasoo baxeen magaalada Xudur ee gobolka Bakool kuna soo jeedeen Kilinka Shanaad. Saraakiil u hadashay Macawiisleyda ayaa tilmaamay in ay sidoo kale qabteen qaar kamid ah ciidamadda Itoobiya, oo aan wali dhankooda hadlin. Isku dhacaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo Macawiisleyda ay la galaan ciidamo shisheeye maadaama looga bartay Al-Shabaab. View the full article
  15. (SLT-London)-Wadamada Turkiga, Ingariiska iyo Mareykanka ayaa laga dalbaday in ay furaan baadhitaano ka dhan ah tacadiyo bani’aadanimo oo ciidanka Imaaraadka carabta ay ka geesteen dalka Yemen intii u dhaxeysay sanadkii 2015-kii ilaa sanadkii dhamaaday ee 2019-ka. Hey’ad ka shaqeysa dhanka sharciga oo fadhigeedu yahay UK oo lagu magacaabo Stoke White ayaa booliska Ingariiska iyo waaxyaha garsoorka ee dalalka Mareykanka iyo Turkiga u gudbisay cabasho ka dhan ah saraakiil ka tirsan dowlada Imaaraadka oo mas’uul ka ahaa tacadiyo bani’aadanimo oo ka dhacay Yemen. Sharci yaqaanadan ayaa tusaale ahaan u soo qaatay duqeyn lala beegsaday saxafi lagu magacaabo Abdullah Suleymaan Cabdulaahi Dubaalax sannadkii 2015-kii. Inkastoo uu badbaaday wariyahaan ayaa hadane waxaa uu ka mid yahay dhibanayaasha eheladooda waxyeelada ka soo gaadhay dagaalka sokeeye ee ka taagan dalkan carbeed waxaana ku dhintay walaalkii oo lagu magacaabi jiray Salah Muslem Salem. Mr Suleymaan ayaa intaa ku daray in loo beegsaday saxafi ahaan weerar dhacay 29-kii December, sanadkii 2015-kii duqeyn diyaaradaha imaaraadka ka gaysteen magaalada Seeyuum, balse uu ku dhintay Mr Muslim Saliim. Si kastaba ha ahaatee hey’ada UK ee gudbisay dacwadan ayaa sheegtay inay heyso caddeymo muujinaya tacadiyo loo gaystay dad rayid ah iyo siyaasiyiin diidan joogitaanka ciidanka Imaaraadka ee ku sugan Yemen. Lama oga sida ay ka yeeli doonaan wadamada Turkiga Ingariiska iyo Mareykanka dacwada loo gudbiyay oo ah in ay gacanta ku dhigaan sarakiisha Imaaraadka ee eeda loo Jeediyay. Source
  16. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-130220.mp3 View the full article
  17. Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose ayaa sheegaya in xaaladda goobahii ay shalay ku dagaalameen ciidamo kala taageersan Cabdinaasir Seeraar iy Axmed Madooba ay dagan tahay. Guud ahaan amaanka magaalada ayaa si aad ah looga taxaaada taxadarayaa maanta, waxaana wadooyinka ku sugan ciidamo badan. Taliska Axmed Madoobe wuxuu dhibaatadii shalay ka dhacday magaalada ku eedeeyay dowladda Federaalka oo aan maamulkaas ku qanacsaneyn. Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegeysa in jawiga Kismaayo saakay uu yahay mid iska dagan, balse ay jirto feejignaan daran maadaama ciidamada Jubbaland ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka sameynayaan wadooyinka magaalada.
  18. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka dowladda Netherlands Soomaaliya Frans Makken. Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in wasiirka iyo Danjiruhu ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka laba-geesoodka iyo iskaashiga dhammaan dhinacyada ku suntan nafci wadaagga labada dal. Qoraalku wuxuu intaas raaciyay in kulanka lagu fallanqeeyay arrimaha nabadgelyada socdaalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherlands, iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee ka soo if baxay gobolka iyo dunida inteeda kale. PUNTLAND POST The post Wasiir Cawad oo qaabilay Safiirka Netherlands ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. Faahfaahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ciidamada Itoobiya iyo Kooxda Macawiisley ku dhexmaray degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa ku bilowday israsaaseyn dhexmartay dhinacyada iyada oo markii dambana uu sii xoogeystay dagaalka oo la sheegay in ay ku dhinten dad kor u dhafaya 15-ruux o dhamaantood ah dhinacyada dagaalamay. Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in dagaalku uu ka dhacay degaanka Afqurun ee duleedka degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan,islamarkaana uu ku bilowday rasaas ay ciidamada Itoobiya ay ku fureen Kooxda Macawiisley. Ilaa iyo haatan maamulka Hirshabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka kama aysan hadal dagaalkaasi hase yeeshee Itoobiya ayaa u ruuqaansaday dhinaca xuduuda ay wadaagaan labada dal. PUNTLAND POST The post In ka badan 15 ruux oo ku dhintay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
  20. Ciiddamada Dowladda Maraykanka iyo Maleeshiyaad u dhashay Waddanka Suuriya ayaa ku dagaalamay Waqooyiga dalkaasi Suuriya ka dib banaan bax looga soo horjeedo Maraykanka uu ka dhacay halkaas. Dagaalka oo ka dhacay Tuuladda lagu magacaabo Khirbet Ammo oo u dhow Xuduudka Degmadda Qamishli ayaa la sheegay in lagu dilay Wiil 14-jir ah halka qof waayeel ahna lagu dhaawacay. Milliteriga Maraykanka ayaa la sheegay in ay rasaas fureen kadib markii ay dadka degaanka isku dayeen in ay ka dibad-baxaan Kolonyo Gaadiidka Ciiddankaasi oo doonaya inay gudaha u galaan dhulka ay Dowwladda Syria maamusho. Dhinaca kale Saxafi la socda Milliteriga Suuriya ayaa waxa uu Muuqaal Video ah ka qabtay Diyaarad Dagaal oo ay Maraykanka leeyihiin oo duqeyn ka geysatay Fariisimo ay Ciiddanka Dowladda Syria ku leeyihiin gudaha Degmadda Qamishli. Muuqaalka Video-ga waxaa ka muuqday Diyaarad nooceedu ahaa F 15 Jet oo ay Ciiddanka Cirka Maraykanka leeyihiin oo dul martay Deegaanka ay Ciiddanka Maraykanka iyo dadka Deegaanka ku dagaalameen. Isbahaysiga Maraykanka weli war kama soo saarin Muquaalka Diyaaradda duqeynta geysatay. PUNTLAND POST The post Ciidamada Maraykanka iyo Malayshiyaad ku dagaallamay gudaha Suuriya appeared first on Puntland Post.
  21. Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay howlgal miino baaris ah ka sameeyay degaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellada Dhexe. Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabellada dhexe ayaa sheegay in waddooynka ka baxa degaankaasi laga saaray miinooyin badan oo ay Al-shabaab ku aaseen. Sidoo kale waxay sheegeen in ciidanku ay isku fidiyeen tuulooyinka hoos yimaada ku deegaanka Xaaji Cali si Amniga loo xaqiijiyo Ciidamada Militariga dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa muddooyinkaan dambe howlgallo ka dhan ah Al-shaaab waxay ka wadeen degaanno ka tirsan gobolkaasi Shabeellada Dhexe. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Federaalka oo miina baaris ka fuliyay gobolka Shabeellada Dhexe appeared first on Puntland Post.
  22. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka qeyb-galay shirka 47aad ee Wasiirrada shaqada Afrika oo ay soo qabanqaabisay ARLAC,kaas oo lagu qabtay Magaalada Kambala ee dalka Uganda. Waxaa uu Wasiirka Shirkaasi ka sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kor u qaadday dadaallada Shaqada lagu abuurayo iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed. “Waxaan dhowaan dhaqan galiney Nidaamka daryeelka Bulshada haddana waxaan ku jirnaa wajigii ugu horreeyay ee hirgelintiisa.” ayuu yiri Wasiirka. Wasiir Sadiiq ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu kulamo kala duwan la qaato qaar kamid ah Wasiirada dhigiisa ah ee ka qyeb-galay shirka 47aad ee Wasiirrada shaqada Afrika. PUNTLAND POST The post Wasiir Sadiiq Warfaa oo ka qeyb-galay Shirweynaha ARLAC appeared first on Puntland Post.
  23. Turkey’s military will strike Syrian government forces by air or ground anywhere in Syria if another Turkish soldier is hurt, Turkish President Tayyip Erdogan said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  24. Bella, a young Somali, arrived in Switzerland when she was 16, carrying a burden that 200 million women in the world also have to live with. When she was five, she had to endure female genital mutilation (FGM). Source: Hiiraan Online