Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,385
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug ee garabka Dowladda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Maanta booqasho ku tagay xarumaha Ciidamada kala duwan ee Maamulka Galmudug, waxaana safarkiisa qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa booqashadiisa ka bilaabay Xarunta Ciidamada Xoogga Dalka, qeybta 21-aad, wuxuuna warbixin ka dhageystay taliyaasha ciidamada. Madaxweynaha ayaa Taliyaasha iyo ciidamadii ku sugnaa Xarunta 21-aad ku amray inay dardargeliyaan howlaha ay u hayaan guud ahaan dalka, gaar ahaan Dowladda Goboleedka Galmudug oo uu hareeyey khilaaf xoog leh kadib markii ay iska garab dhismeyn ilaa 3 Madaxweyne. Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa booqasho ku tagay taliska Ciidamada Haramcad ee Booliska kuwaas oo dhawaan la geeyey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ciidamada Haramcad ee Booliska ku amaanay doorkii wanaagsanaa oo ay ka qaateen sugidda ammaanka xilligii ay dhaceyso doorashadii isaga lagu doortay, isagoo kula sii dardaarmay inay laba jibaaraan shaqada ay shacabka Galmudug u hayaan. Sidoo kale Waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay inay xaqiijiyaan Amniga Guud ahaan deegaannada Galmudug, hayeeshee aysan aqbaleyn in carqalad laga abuuro amniga ay heystaan. “Cidna kama yeelayno in ay amniga Galmudug Caqabad ku noqoto , ciidamadu waxaan u diyaarineynaa ilaalinta amniga iyo xoreynta deegaanada maqan ,waxaana ku amrayaa in cidda ka hortimaada Amniga ay xoog iyo xeeladba u adeegsadaan. Madaxweyne Qoor Qoor oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri ” Waxaan maanta booqdey fadhiyada Ciidamada qalabka sida ee ka howlgala deegaanada Galmudug” Waxaan warbixin kaga dhageystey taliyayaasha Ciidamada qalabka sida, waxaan ciidamada kula dardaarmey inay dardargeliyaan howlaha ay u hayaan dowlad-Goboleedka-Galmudug iyo Guud ahaan dalka. Ciidamada ayuu sidoo kale uga mahadceliyay dagaaladii ay la galeen Al shabaab,waxa uuna u sheegay in ay dhawaan qaadidoon howlgalo Al shabaab looga saarayo deegaanada iyo Degmooyinka ay Maamulaan ee Goboladda Galgaduud iyo Mudug ee Bartamaha Soomaaliya. Madaxweyne Axmed Cabdi Kariye (Qoor Qoor) ayaa maalmahaan waxaa uu waday kulamo uu la qaadanayay Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla deegaannada Galmudug, hayeeshee uusan weli la kulmin Madaxda kale ee kasoo horjeeda oo qaarkood ku sugan yihiin Magaalada Dhuusamareeb. Maamulka Galmudug ayaa wajahayo khilaafkii ugu adkaa tan iyo markii maamulkaas la sameeyey afar sano ka hor, waxaana muuqato inaysan jirin ififaalo muujinayo isku soo dhawaansho dhex marto dhinacyada isku hayo maamulkaas oo kala ah Ahlu Sunna, Madaxweyne Xaaf iyo Dowladda Soomaaliya.
  2. A high-ranking official in Somaliland has confirmed a possible visit to Hargeisa by Ethiopian Prime Minister and the Somali president in the coming week. Hargeisa is capital of Somaliland, an autonomous region of Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. ABIY AHMED IYO DAWLADA ETHIOPIA HADII AY RABAAN SOMALIWEYN IYAGUNA HA KA TANAASULAAN SOMALIDA ETHIOPIA ! Waxa aan daawanayay hadalka Gudoomiyaha Guurtida Somaliland oo u dhignaa sidii wax culeys lagu saarayo in Farmaajo Hargeisa yimaado oo uu wado Raisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali , hadalkaasi oo ah mid la yaab ah isla markaana aan aheyn mid qabta dadka iyo dawlada Jamhuriyada Somaliland. Haddaba Somaliland iyo Somalia oo isku biiray qadiyada Somaliweyn way ka waynayd waxaana ay ahayd in Somalida Geeska Africa degani hal dawlad isku noqdaan , Soomaalidaasi oo kala ah Somaliland, Somalia , Djibouti, Somalida Ethiopia iyo Somalida Kenya , waxaana ay ahayd rabitaan shacab oo xiligaasi taagnaa 1960kii. Maantana hadii ay hal dawlad isku noqonayaan Somalida ku nool Gobolka Geeska Africa iyaga ayey u taalaa , waana go’aan shacbigu leeyahay waxaana suuragal ahba in ay xili xiliyada ka mid ah ay dhici karto , ha yeeshee marka maanta la eego xaqiiqada iyo marxaladaha lagu kala sugan yahay taasi maaha wax fudud oo si degdeg ah u iman karta waxaana ay qaadanaysaa wakhti dheer hadii ay dhacdoba weeyaane . Marka aynu u soo noqono qadiyada Somaliland iyo Somalia dhex taalay maaha kaliya cadho , xasuuq iyo mansabyo la kala tirsanayo iyo waxii dhex maray dawladihii Somalia iyo Somaliland ama jabhadii xaq u dirirka ahayd ee SNM, ee waa wax aad uga weyn isla markaana ku fadhida masalo sharci ah iyo qawaaniinta caalamku wada dhigtey ee dawladnimo aan isir iyo abtirsiin midna ku dhisnayn. Somaliland 1885kii ilaa 1991kii waxa ay soo gashay halgano badan oo kala duwan oo magacyo kala duwan leh oo ay ku dooneyso in ay gobanimadeeda iyo dawladnimadeeda u madax banaanaato , halganadaasi midho dhalkoogii ayey ku taagan tahay Somaliland, sumad ahaan iyo magac ahaana waa dalkii xornimada ka qaatay dawladii ingiriiska 26 June 1960 kii oo aduunka oo dhami wada og yahay marka taariikhda dib loo raaco. Waxa xusid mudan in Madaxwaynihii hore ee dalka #Kenya Mwai Kibaki xili wafti Somaliland ah uu la kulmay uu xubno golihiisa wasiirada ah ku yidhi #Somaliland miyaad garaneysaan ? Niman dhalinyaro ah ayaad tihiin e Somaliland waxa ay ahayd dawladihii ugu hor xoroobay Africa sanadkii xornimada 1960kii. Haddaba waxa muhiim ah in la fahmo waxii la odhan jiray #Somaliweyn oo ahayd in 5ta soomaaliyeed calan iyo ciid maamul qudha wada yeeshaa ka taliyo , waxa ay dhicisowday markii ay isku biireen labadii ugu horeeyey ee British Somaliland protectorate iyo Italian Somalia oo ay sameysteen dawladii la odhan jiray Jamhuuriyadii Somalia 1 july 1960 kii , taasi oo burbirtay 1990kii. Jamhuriyada Somalia waxa ay jirtay 30 sanadood , soddonkaa sanadood ba Somaliland halgan bay u ahayd oo waa kii inqilaabka ay isku dayeen reer Somaliland 1961kii ee uu ka fashilmay , ilaa maalintaa ilaa 1991kii oo la saxay khaladkii dhacay dadka #Somaliland waxa ay u ahayd halgano kala duduwan oo lagu oo celinayo dawladnimadoodii , saddexdii Somali ee kalena waxa ay arkeen midnimadii midhaheegii in uu bislaan waayey oo hakadkii ay galeen ayey midwaliba danaheega raacatay. Qaladaadkii dawladii Somalia gashay ayaa waxa ka mid ahaa in ay tidhaahdo dhul soomaaliyeed ayaan xoog ku soo xeraynayaa oo ku qabsanayaa maadaama aan Somaali dhulka xoog lagaga qaadin ee dawladihii gumeysigu sharci iyo qalin ku qaybiyeen , taasi oo u baahneyd hadii la rabo in la soo celiyo in loo maro wadooyin sharci oo dadka soomaaliyeed ee Ethiopia na ay iyagu iskood xornimada u helaan Somalida Kenyana sidaa si la mid ah , hadii ay dalalkaa ka mid ahaanayaana rabitaankooga kaga mid ahaadaan. Haddaba hadalada iyo siyaasadaha Geeska Africa iyo Ethiopia ka socda ayaa hadii ay yihiin in Somaliweyn la sameeyo waxa shuruud ah in sadexda dal ee Ethiopia, Kenya iyo Djibouti laba ka mid ahi ka tanaasulaan gobolada somalida ee dalalka Kenya iyo Ethiopia ka sadexaad oo Djibouti ahina ha ka tanaasulo dawladnimadiisa si loo yagleelo somaliweyn. Hadii ay suuragalayso waa wax wanaagsan Somaliland na waxa ay noqon doontaa iyada oo waliba ka fiirsanaysa dalka ugu dambeeya shanta Soomaaliyeed waaba hadii ay u aragto in ay dan u tahay e , hadii kale ma jirto xal ka dhow Somaliland iyo Somalia oo labadii dawladood ee ay ahaayeen 1960 kii kala noqda , is kaashada kana wada shaqeeya horumarka Gobolka Geeska Africa . Maantana #Somaliland iyo #Somalia 30 kii ay mideysnaayeen ee waliba aan lagu calool fayoobayn soddonka sanoba ee halganadu socdeen , soddon la mid ah ayey kala maqan yihiin oo wax yar oo koobani ka hadhay , markaa sabab midnimo labadooda ah loo raadiyaa ma jirto oo intii la wada jirayba la isku seegay , ee waxa ka dhow laba dal oo walaalo ah oo sidaa #Ethiopia iyo #Erateria jaar ah in la noqdo oo la is kaashado , si gobolkani aynu ku noolahay ee Geeska Africa na u noqdo mid horumar gaadha oo Africa iyo aduunka kale hiigsada. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Fikradaha halkani ku soo baxaa ma aha aragtida shabakada ee qoraha ku xusan ayay ku koobantahay Qaran News
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi Oo Maalinta Salaasada Ah Hor-tagaya Golaha Wakiillada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ka dalbaday in uu bulshada u soo bandhigo waxyaabihii ay kaga wada-hadleen kulankii uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya. Waddani ayaa shaki badan ka muujiyey arrimihii ay Biixi iyo Farmaajo kaga wada-hadleen kulankoodii Addis-Ababa, isla markaana ku baaqay in si cad loo soo bandhigo waxyaabihii lagu wada-heshiiyey. Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani oo warbaahinta la hadlayey, ayaa kulankaasi ku sheegay mid khuseeyay qaranimada Somaliland, oo aheyd inay ka qeyb galaan xisbiyadu. Xoghayuhu wuxuu sidoo kale sheegay in uu hoos u dhac weyni ku yimid qadiyada Somaliland ee Ictiraaf raadinta intii ay talada la wareegtay xukuumada Muuse Biixi, Wuxuuna yiri “Madaxweynaha Somaliland waxa uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, wasiirka arrimaha diabdda Somaliland siduu uga hadlay kulankaasi wax dadku gayaan maaha, inuu yidhaahdo wasiirkii dhamaa xafiiska Raysul wasaaraha Itoobiay oo madaxdu isku sii macaasalaamaynayso ayuun baanu ku kulannay”. “Xafiiska Raysul wasaaruhu maaha istaankii basaska xaafadaha u kala baxa ay dadku si aan ku talagal ahayn iskaga soo hor bixi-jireen, waa xafiis nidaam dawladeed leh cid aanay iskugu tallogalin inay is arkaana aanay is arag, taasi waxay muujinaysa inay wax ay qarinayaan oo ay dadayaan ay jirto ama wax ay yidaahdaan aanay garanayn”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu doonayna in aynu ogaano ajandaha kulanku muxuu ahaa, maxa laga wada hadlayey, maxay ahaayeen qorshaha ay iyagu la tageen, maxa ka soo baxay kulankaasi, maxa la isku soo afgartay, halkee looga dhaqaaqayaa, qarankan hore socodkiisu sir maaha ee waa in dadka lala wadaagaa”. “Waana waajib inay kasoo qeyb galaan daneeyayaasha Somaliland iyo Xisbiyada qaranku kulamada noocaasi oo kale ah, maadama ay khuseeyaan qaranimada, oo ay kamid yihiina qaranka Somaliland”.
  6. Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliland ayaa Qoraal ay u direen Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya waxay ku wargaliyeen in Uusan Hargeysa iman Karin Madaxweynaha Soomaaliya. Sida ay [...] Source
  7. Xildhibaan Naasir Xaaji oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliland ayaa guul daro weyn ku tilmaamey hadii ay rumowdo Imaatinka Hargeysa ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi [...] Source
  8. Agaasimaha guud Isbitaalka degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan Maxamed Xasan Nuur ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaad dadkii uu soo ritay xanuunka Shuban biyoodka oo ka dilaacay degmada iyo nawaaxigeeda. Agaasimaha oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xanuunka in dilaaco ay sababtay cimilada hawada oo kulul iyo dadka oo cabay biyaha wabiga oo inta badan bulshada gobalka ay isticmaalaan waxaa uu yiri. “Sanad waliba bilahaan oo kale wabiga markii uu biyo yareeyo ama hawadu ay kululaato, waxaa ka faaiideysta cudurada faafa nuucii uu rabo ha aheado sida Jadeecada Shuban Biyoodka iyo Xiiqdheerta labadii bisha ilaa maanta waxa xauunka u geeriyooday 12 ruux halka kuwo kale ay u jiifaan”. Sidoo kale agaasimaha oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay in xanuuka uu deegaannada kala duwan ee gobalka uu ka jiro taasna ay sababtay inuu marba magaalo uu ka dilaaco. “Sida aad ka warqabtaan magaalada Baladweyne ayuu ka soo bilowday, Baladweyne, Jalalaqsi iyo Buuloburde xiriir ayaa ka dhaxeeyo, kaas oo ah biyaha ay cabaan, dadka reer Hiiraan inta badan waxaa ay ku teedsan yihiin wabiga labadiisa dhinac”. Ayuu yiri agaasimaha. Dhanka kale agaasime Maxamed Xasan ayaa sheegay in dawada hadda taallo Isbitaalka guud ee degmada Jalalaqsi ay gababsi tahay xaaladda ka jirta iyo daawada taalla aysan isku filneyn. “Daawooyinka gabaabsi ayeey nagu yihiin oo daawooyinkii hore oo wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle hadda ka hor naga soo gaaray iyo hey’adda save the children ayaa noo yaalay waxaana ku jira kuwo date uu ku dhow yahay oo bisha 9-aad ka dib aan la isticmaali Karin” Ugu dambeyn agaasimaha Isbitaalka degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan Maxamed Xasan Nuur ayaa hadalkisa ku daray in hadda aysan jirin daawo ku filan oo soo gartay Isbitaalka lakiin ay jirto rajo ay ka qabaan in ay soo gaarto. “Hey’adaha dibada iyo kuwo gudaha marka laga reebo afar kartoon oo daawo ah oo ay inoo keentay hey’adda Sucaado iyo afar kale oo Hirshabeelle ka timid waxaan heyno oo aan aheyn majiraan” ayuu yiri agaasimaha guud ee Isbitaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ardayda Dugsiyada sare ee Puntland Ilo’ xog-ogaal ah oo ka tirsan madaxtooyada Puntland, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmiya u ogolaatay bixinta Shahaadada Ardayda Reer Puntland. Saraakiil diiday in magacyadooda la xigto oo ku sugan madaxtooyada Puntland, ayaa sheegay in arrintaas ay dadaal badan ku bixiyeen xildhibaanno iyo mas’uuliyiin xilal ka haya Xukuumadda Federaalka oo ka soo jeeda degaannada Puntland. Sidoo kale, waxa dadaal kaas lamid ah sameeyay qaar kamid ah isimada ugu caansan Puntland, oo magaalada Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiina dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana cadaadis ku saaray in mustaqbalka Ardayda Puntland aan loo xannibin arrimo siyaasadeed. Ugu dambeyntii, Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo xalay khadka Taleefonka kula hadlay madaxweyne Deni ayaa u xaqiijiyay in Xukuumadda Federaalku ay ka laabatay go’aankii ay ku xannibtay Shahaadada Ardayda Puntland. Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Puntland, ayaa ka wada-hadlay arrimaha farsamo ee ka harsan dhammaystirka is-fahamka laga gaaray Shahaadada Ardayda Puntland. ©PUNTLAND POST The post XOG: Dowladda Soomaaliya oo ogolaatay Shahaadada Ardayda Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. Kismaayo (Caasimadda Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland Eng Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay soo qiyaantay Ciidamadii ay keentay Gobolka Gedo. Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamada la geeyey Gedo markii lasoo wadayey loo sheegay inay soo xoreyn doonaan magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubada Dhexe. Waxa uu intaas ku daray in ciidamadii halkaas la geeyey ay “ka xumaadeen” kadib markii ay ogadaeen in waxa loo soo aaday aysan aheyn xoreynta Bu’aale iyo ilaalinta xuduudaha dalka sida uu hadalka u dhigay. Wasiir Eng. Cabdi Xuseen ayaa sheegay in ciidamadaas qaar ka tirsan ay usoo goosteen dhanka Jubbaland maadaama uu sheegay ay “ka xanaaqeen hab dhaqanka Dowladda iyo qiyaanada lagula kacay.” “Ciidamadii ay dowladdu geysay weeye Gedo oo ka xun howsha loo keenay iyo in ay u socdeen cadaw, waxaa loogu sheekeeyay in la qaban doono magaalada Bu’aale ama ay xuduudaha ilaalinayaan, laakiin marka ay arkeen xaaladdu sida ay tahay ayey ka xumaadeen, marka sidaas ayey ciidamada kale ugu tageen” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland. Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay geysay Gobolka Gedo ay sii huriyeen Khilaafka u dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Maamulka uu Wasiirka ka yahay ee Jubbaland. Wasiirka ayaa intaas ku daray inaysan suurtagal aheyn inay heshiiyaan Dowladd Dhexe iyo Jubbaland inta ay Dowladda ciidamo kusoo daabuleyso Gobolka Gedi oo hoos tago Maamulka Jubbaland. “Ciidamadan khilaafka ayey sii badinayaan, ciidankan oo jooga wax heshiis ah maba imaan karo ayaan aaminsanahay, sababtoo ah ciidan baan soo daabulayaa aan heshiino ama aan wadahadalno wax macquula ma ahan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Eng Cabdi Xuseen. Xiisadda u dhaxeysa ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa wali waxa ay ka jirtaa gobalka Gedo, waxaana degmooyinka qaar ee gobalkaasi sida Beladxaawo isku horfadhiya ciidamo kala taabacsan labada dhinac. Dowladda Soomaaliya ayaa qaadacday Doorashadii ka dhacday Kismaayo ee dib loogu doortay madaxweyne Axmed Madoobe, waxayna wadaa qorsho ay maamul kale ugu dhiseyso Jubbaland.
  11. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa Warqad Rasmi ah u dirtay Dawladda Ethiopia, taas oo ay ku muujisay in aanay Ogolayn in uu Madaxweyne Farmaajo yimaaddo Caasimadda Somaliland ee Hargeisa. Warqaddaasi ayaa Nuxur ahaan loogu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Abiy ahmed, in aanay Somaliland diyaar u ahayn in ay Hargeisa ku soo dhawayso Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. sida ay Xaqiijiyeen Ilo wareedyo Muhiim ah. Warqadda xambaarsan mawqifka diidmada ah ee xukuumadda Somaliland, ayaa maanta la gaadhsiiyay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dalka Ethiopia, sida la xaqiijiyey Ila wareedyada, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, uu Toddobaadkan gudihiisa Baarlamaanka la hadli doono isla-markaana uu faahfaahina ka bixin doono kulamadii uu madaxda kula yeeshay Magaalada Addis Ababa iyo dhamaalkan uu ethiopia u diray ee uu kaga hortagayo imaatinka Madaxwaynaha Soomaaliya. Warkan ayaa soo baxay, Saacada uun ka dib markii uu soo baxay Warka sheegaya in Raysal-wasaaraha Itoobiya uu doonayo inuu Hargeysa u soo hor-kaco Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kaasi oo ay Toddobaadkii hore kulan Magaalada Addis Ababa kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Source
  12. Qoor qoor oo booqday ciidamo ka tirsan Federaalka Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaahiye (Qoor Qoor) ayaa maanta booqday xerada ciidamada 21aad ee magaalada Dhuusomareeb. Qoor Qoor oo hadal u jeediyey ciidamo halkaas ku sugnaa oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo carqabad ku noqota amniga Galmudug. “Cidna kama yeelayno in ay amniga Galmudug caqabad ku noqoto, ciidamada waxaan u diyaarineynaa ilaalinta amniga iyo xoreynta degaanada maqan” ayaa yiri Madaxweyne Qoor Qoor. Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa kulan gaara la yeeshay saraakiisha taliska ciidamada 21-aad ee Dhuusomareeb. Dhanka kale magaalada Dhuusomareeb, waxaa kulamo kawada Sheekh Shaakir oo isaguna sheegta Madaxweyne Galmudug. PUNTLAND POST The post Qoor Qoor oo hanjabay appeared first on Puntland Post.
  13. Guddoomiyaha Mudug ee Puntland, Axmed Muuse Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in DF ay qorsheyneyso inay ciidamo geyso degmada Gaalkacyo ee gobolkaasi. Mr Axmed ayaa sheegay in Puntland iyo dadkeeda ay isku tashi ku sugteen ammaanka, islamarkaana ay ka hortagi doonaan waxkasta oo caqabad ku ah jiritaankooda. Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu intaasi ku daray inay ka maamul ahaa ka digayaan in ciidamo ka socda dowladda federaalka la geeyo gudaha magaaladaasi. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan khilaaf uu Puntland kala dhexeeyo dowladda dhexe, kaas oo saameeyey xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/War-Cali-Gaab-Putland.mp3 View the full article
  14. Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleed Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta kormeer ku tegay xerada ciidanka qeybta 21-aad ee Xoogga, taas oo ku taalla gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ugu horreyn Qoor Qoor ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan xeradaasi, kuwaas oo ka warbixiyey xaaladda ciidamada iyo amniga. Sidoo kale madaxweynaha Galmudug oo hadal kooban ka jeediyey xerada ayaa kula dardaarmay ciidamada inay xoojiyaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in Galmudug ay ka bilaaban doonaan howlgallo cusub oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka heystaan maamulkaasi. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  15. Dowladda Mareykanka ayaa diyaarado dagaal oo hor leh ku kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah oo ay ka fuliso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Diyaaradahaan oo uu markii ugu horreysay Mareykanka u adeegsanayo dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana nuuceedu yahay B-52H ayaa lagu arkay deegaanada Jubbaland. Dadka deegaanka ee jasiirada Koyama oo 42 KM uga beegan dhinaca koonfur galbeed magaalada Kismaayo ayaa arkay diyaarad jawi hoose ku duuleysa oo nuuceeda aan horay loogu arag Soomaaliya, waxaana diyaaradaasi ay walaac ku abuurtay dadka deegaanka. Sawiro laga soo qaaday ayaa muujinaya diyaarada oo jawi hoose ku duuleysa, iyadoo dul heehaabeyso deegaano ku dhaw jasiiradaasi. Taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa xaqiijiyey in diyaaradahaasi cusub ay ka howgali doonaan dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan kuwa ay ka howlgalan ciidamadiisa. Diyaaradaha B-52H oo ah kuwa duqeymaha sameeya ayaa Mareykanka horay wuxuu u geeyay biyaha gacanka Persia, kadib markii uu xumaaday xiriirka Mareykanka iyo Iran. View the full article
  16. Weriye lagu magacaabo Cabdi Wali Cali Online ayaa lagu dilay saacdo ka hor degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose. Dilka waxaa geystay kooxo hubeysan, sida uu xaqiijiyey Television-ka Universal oo ka tirsanaa Weriye Cabdi Wali Cali Online. Dilka weriyehan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmo ka hor hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ay soo saartay warbixin ay ku sheegtay in weerarada, hanjabaadaha, dabagalada iyo cabsi gelinta shaqaalaha warbaahinta ay ku sii badanayaan Soomaaliya, oo ah meesha ugu halista badan adduunka ee suxufi ka shaqeeyo. Amnesty International ayaa warbixintaas ugu magacdartay ‘Lanoolaashaha cabsida joogtada ah’. Soomaaliya: Dilalka, musuqmaasuqa iyo faafreebida oo hareeyay xorriyadda saxaafadda PUNTLAND POST The post Weriye lagu dilay Afgooye appeared first on Puntland Post.
  17. Guddoomiye ku xigeenka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in maalmaha soo socda wafdi sare oo ka socda dowladda federaalka ay gaari doonaan gobolkaasi. Xaaji ayaa tilmaamay in xubnaha wafdigaasi uu hoggaamin doono ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, islamarkaana socdaalka uu haatan ku joogo degmada Beledxaawo uu hordhac u yahay safarka wafdigaasi ka socda dowladda dhexe. Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay ciidamada ammaanka inay xoojiyaan amniga, islamarkaana ay isku diyaariyaan soo dhoweynta mas’uuliyiinta. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Cod-Jaamac.mp3 View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa Si Adag Uga Hadlay Imaanshaha Farmaajo Ee Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca miinada oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo la socday Cabdi Bile ku socdaalayey inta u dhexeysa isgoysyada Xoosh iyo Ex-control. Inta la xaqiiijiyey waxaa qaraxaas oo ay sheegatay Al-Shabaab ku geeriyooday 3 askari, iyadoo ay ku dhaawacmeen 2 kale oo ka mid ahaa ciidankii saarnaa gaarigaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Dharkenley oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa qaraxyo nooca miinada ka fuliya Muqdisho, iyaga oo la eegta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM intaba. View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in raysal wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed, Somaliland ku cadaadinayo in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya wada yimaadaan Hargeysa. Saleebaan, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ka diiday codsiga raysal wasaaraha balse Abiy mar kale ku soo celiyay codsigooda imaanshaha Hargeysa. Guddoomiyaha ayaa sheegay in aanay ogolaanayn in Farmaajo, oo madaxweyna ahi yimaado Hargeysa. “Annagu waxa aannu leenahay ha noo keenin laakiin haddii uu la yimaado dee dilimayno laakiin nin Soomaaliyeed oo Abiy, la socda ha ahaado” Saleebaan. Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa saaka xukun xabsi ah ku riday mas’uul ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir oo lagu helay in uu horay uga tirsanaa Xarakada Al-Shabaab. Maxkamadda ayaa shan sano oo xabsi ah ku ridday ku-simihii Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir, Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) oo lagu helay in uu ka tirsanaa Al-Shababa, isla markaana uusan soo marin habka is diiwaan gelinta Dadka ka haray fikirka Al-Shabaab. Mas’uulkan xukunka lagu riday ayaa laga soo dhex xiray xarunta gobolka Banaadir, waxaana xariggiisa yimid kadib qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng; Cabdiraxmaan Yariisow. Laamaha amaanka dowladda Soomaaliya ayay maxkamadda fartay in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed oo maxkamadda ciidamada sii deysay kadib markii dambe lagu waayay, kaas oo walaalo ahaayeen Basiira oo lagu eedeeyay in qaraxii xarunta ka dhacay ay iyadu ka dambeeysay. Weerarkii xarunta dowladda hoose ee Xamar oo lagu waayey mas’uuliyiin dhowr ah ayaa dhacay 24-kii bishii July ee sanadkii hore, iyadoona kadib dowladdu ay bilowday baaritaano dheeraad ah oo lagu soo qabtay agaasimaha la xukumay ee Mahad Alle. View the full article
  22. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun xabsi ah ku ridday mas’uul ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir oo lagu helay in uu horey uga tirsanaa Al-Shabaab. Maxkamadda ayaa shan sano oo xabsi ah ku ridday ku-simihii Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir, Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) oo lagu helay in uu ka tirsanaa Al-Shababa, isla markaana uusan soo marin habka is diiwaan gelinta Dadka ka haray fikirka Al-shabaab. Mas’uulkan xukunka lagu riday ayaa laga soo dhex xiray xarunta gobolka Banaadir , waxaana xariggiisa yimid kadib qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng; Cabdiraxmaan Yariisow. Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayay maxkamadda fartay in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed oo maxkamadda ciidamada sii deysay kadib markii dambe lagu waayay. Dhinaca kale Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa dambi ku weysay Cabdulaahi Cabdi raxmaan Maxamed oo walaalo ahaayeen Basiira oo Agaasimo ka ahayd Gobolka Banaadir oo lagu eedeeyay in qaraxii xarunta ka dhacay ay iyadu ka dambeeysay, iyadoo laamaha ammaanka dowlada Soomaaliya ay maxkamadda fartay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed oo maxkamadda ciidamada sii deysay kadib markii dambi lagu waayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-16022020.mp3 View the full article
  24. Xukuumadda Somaliland ayaa Warqad Rasmi ah u dirtay Dawladda Ethiopia, taas oo ay ku muujisay in aanay Ogolayn in uu Madaxweyne Farmaajo yimaaddo Caasimadda Somaliland ee Hargeisa. Warqaddaasi ayaa Nuxur ahaan loogu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Abiy ahmed, in aanay Somaliland diyaar u ahayn in ay Hargeisa ku soo dhawayso Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. sida ay Xaqiijiyeen Ilo wareedyo Muhiim ah. Warqadda xambaarsan mawqifka diidmada ah ee xukuumadda Somaliland, ayaa maanta la gaadhsiiyay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dalka Ethiopia, sida la xaqiijiyey Ila wareedyada, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, uu Toddobaadkan gudihiisa Baarlamaanka la hadli doono isla-markaana uu faahfaahina ka bixin doono kulamadii uu madaxda kula yeeshay Magaalada Addis Ababa iyo dhamaalkan uu ethiopia u diray ee uu kaga hortagayo imaatinka Madaxwaynaha Soomaaliya. Warkan ayaa soo baxay, Saacada uun ka dib markii uu soo baxay Warka sheegaya in Raysal-wasaaraha Itoobiya uu doonayo inuu Hargeysa u soo hor-kaco Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kaasi oo ay Toddobaadkii hore kulan Magaalada Addis Ababa kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Xigasho: Horn Cable Tv PUNTLAND POST The post Xukuumadda Somaliland Oo Diidday In Farmaajo Yimaaddo Hargeysa appeared first on Puntland Post.