-
Content Count
214,385 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho caawa ka dhacday magaaladda Gaalkacyo, qeybta ay maamusho Puntland. Fahfaahinada ayaa intaas ku daraya in la beegsaday nin magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Nuur (Gees diir). Geesi diir ayaa kamid ahaa nabadoonada magaaladda iyo mid kamid ah xubnaha aad ugu dhow maamulka halkaas ka jira. Wararka ayaa sheegaya in Gees-diir uu u dhintay dhaawac kasoo gaarey rasaasta ay ku dileen kooxaha hubeysan oo baxsaday. Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Garsoor, sidda ay Shabelle u sheegeen goobjoogeyaal ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen. Sidoo kale goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaarey qaar kamid ah Ciidamada isku dhafka ah ee ka howlgalla Magaalada Gaalkacyo,kuwaas oo sameeyey howlgallo baaritaano ah,kaas oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey dilkaas. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilkaas,iyaga oo sheegay in uu xiriir la lahaa Ciidamada PSF-ta Puntland,waxaana weli dilkaasi ka hadlin Maamulka Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland. View the full article
-
Waxaa caawa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug lagu dilay mas’uul ka tirsanaa dowlad gobaleedka Puntland. Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa caawa maqribkii ka dib dil ugu geystay xaafadda Garsoor mas’uul la sheegay inuu ahaa guddooomiyihii waaxda shanaad ee xaafada Garsoor. Wararka cawa Goobjoog News ay Gaalkacyo ka helayso ayaa ku waramaya in marxuumka la dilay lagu magacaabayey Cabdiraxmaan Nuur Geesdiir, sidoo kale waxaa uu ahaa mid ka mid ah nabaddoonnada sida weyn looga yaqaanay gobalka Mudug. Wararka ayaana intaasi ku daraya in guddomiyaha la dilay ka dib markii uu ka soo baxay Masjid uu salaadii Maqrib ku tukaday, xili uu ku siijeeday hooygiisa isla xaafada ah. Kooxii dilka geystay ayaa goobta isga baxday, ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa bilaabay baaritaanno ay ku baadi goobayaan qoolyihii dilka ugu geystay guddoomiyaha, mana jiro cid loo soo qabtay dilka caawa ka dhacay Gaalkacyo. Waxaa mudooyinkii dambe isa soo taraayey dilalka ka dhacaayo magaalada Gaalkacyo iyo deegannada kale ee Puntland, kuwaas oo loo geysto ciidama ammaanka iyo dadka mas’uuliyiinta ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa maanta magaalada Hargeysa shir jaraa’id ku qabtay qaar kamid ah Saraakiishii ururkii SNM iyo Siyaasiyiin reer Somaliland, kaasi oo u daarna safarka la sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo ku imanayo magaalada Hargeysa. Saraakiishan ka tirsanaa Ururkii SNM ayaa si adag uga hadlay safarkaasi Farmaajo ee Hargeysa, iyagoona si cad u diiday imaanshaha Madaxweynaha Soomaaliya. Waxa kale oo ay ka dhawaajiyeen Saraakiishaasi in Madaxweyne Farmaajo uu ka meer-meerayo inuu qirto Xasuuqii dowladdi kacaankii u geystay gobolada Waqooyi, oo hadda loo yaqaano Somaliland, isla markaana uusan qiimeyn baaxada xasuuqaasi. Saraakiishan ayaa sheegay inay waqti xaadirkan aysan u muuqan in wada-hadal lala furo dowladda federaalka ah ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, ilaa inta ay ka garowsaneyso xasuuqaasi, waa sida ay hadalka u dhigeene. “Si toos ah baanu u diidanahay inuu yimaado Farmaajo, waana qalad cida soo qaadatay, hadduu yimaadana Hargeysa wuxuu kala kulmi doona wax aan fiicneyn” ayuu yiri Ibraahim Dhagaweyne oo kamid ahaa Saraakiishii ururkii SNM ee la hadlay warbaahinta. Wuxuuna intaas kusii daray “Ninka ku dhici waayey Xasuuqii dhacay ee dabar-goynta ahaa inuu qirto, Dadkiina u furin Maxkamad ee aanan qiimeyn baaxadii xasuuqaasi, ee weliba aan diyaarna u aheyn in laga wada-hadlo. Saddexdaasi qodob oo laga jawaabo mooye cid iman karta ama wada-hadal furi kartaa majirto”. Ibraahim Dhagoweyne ayaa ugu dambeyntii sheegay inaysan marnaba suurta-gal aheyn xataa in uu Madaxweyne Farmaajo u yimaado Magaalada Hargeysa si looga wada-hadlo arrimaha labada dhinac. Guddoomiyaha golaha guurtida ee Somaliland, Suleymaan Maxamuud Aadan ayaa shalay sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku imanayo magaalada Hargeysa, iyaga oo ay wada socdaan Raysul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo isagu ku cadaadinaya xukuumada inay soo wada dhaweeyan. Waxaana dhawaaqa Guddoomiyaha ee safarka Farmaajo siyaabo kala duwan uga hadlay Mas’uuliyiinta reer Somaliland, kuwaasi oo badankoodu ka horyimid in uu Farmaajo booqasho ku imaado Hargeysa. Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa in todobaadkan uu hortagi doono labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, isagoona ka jeedin doona khudbad sanadeedkii Dastuuriga aheyd, midaasi oo la filayo in uu si gaar ah ugu warbixiyo kulankii Farmaajo ee Addis-Ababa iyo safarka la sheegay inuu Hargeysa ku imanayo.
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Ethiopian Prime Minister Nobel Laureate Dr Abiy Ahmed is under fire for allowing to have a map of dismembered Somalia posted in his Facebook and Twitter accounts. While Ethiopia remains one country, the map divides Somalia into white and grey parts. The grey part bears the name Somalia whereas the white area, presently known as Somaliland, remains nameless. The Ethiopian Government has not apologised for the cartographic absurdity. Cartographic absurdity of Abiy Ahmed “Abiy Ahmed is an irredentist Nobel Peace Laureate. This is not absurdity” Farah Jimale, an educational management professional in Mogadishu, told Puntland Post. “The Horn of Africa Integration Initiative shows the naivete of President Farmaajo and Prime Minister Abiy Ahmed” said Jimale. Somalis know past Ethiopian expansionist agenda as black colonialism of Habesha. Puntland Post, 2020 The post Abiy Ahmed’s Twitter and Facebook Pages Post a Map of Dismembered Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, goor dhaw waxaa lagu dilay guddoomiyihii xaafadda Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo, Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Nuur Gees-diir. Dilka guddoomiyaha ayaa waxaa geystay koox bastoolado ku hubeysan, waxayna sidoo kale weerarkaas dhaawac ugu geysteen nin kale oo la socday guddoomiyaha. Dableyda oo sida la sheegay tiradoodu dhameyd seddax nin oo dhalinyaro ah ayaa madaxa xabado kala dhacday guddoomiye Gees-diir oo goobta ku dhintay, waxayna qeybaha sare ee jirkiisa dhaawac ka gaarsiiyeen nin kale oo la socday, kaas oo dhaawaciisa loola cararay cisbitaalka guud ee magaalada. Kooxdii geysatay dilkaas ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana in yar kadib gaaray askar ka tirsan ciidanka isku dhafka ah ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo bilaabay baaritaano ay ku baacsanayaan qoladii ka dambeysay dilka iyo dhaawaca loo geystay guddoomiyihii xaafadda Garsoor iyo ninka la socday.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay safarka la sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo magaalada Hargeysa, wuxuuna sheegay in shan sabab dartood aan la aqbali karin safarkaas. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi. Shan arrimood oo maangal ah oo aan Farmaajo loogu ogolaan karin In uu booqdo Hargaysa: Guddiyadii wadahadalka labada dhinac oo hawlgab ahaa intii Farmaajo uu madaxweynaha ahaa, mudadaasna uusan muujin niydsami iyo shaqo socota oo uu ku mutaysan karo tagista halkaas. Inuusan jirin ajande cad oo ay soo bandhigeen labada dhinac oo safarkaan lagu soo xaqiijinayo, ayadoo Somaliland dhankeedana ay ka muuqato In lagu dirqinayo ayagoon raalli ka ahayn, Farmaajana uu doonayo meel aan laga rabin in uu isku maqiiqo. Fashilka isku haynta maamulkiisa iyo dawlad goboleedyada ka dhisan koofurta Soomaaliya iyo aaminsanaantiisa In xoog iyo ismaquunin lagu kala baxo sida waxa ka taagan Galmudug iyo Jubaland. Habdhaqankaan oo ahaa kii Somaliland gaarsiiyey meesha ay taagan tahay.! Inuu ku jiro Md. Farmaajo bilihisii u dambeeyey asagoo waajahaya waxqabad xumo, kana dhiganaya booqashadan buunbuunin uu u adeegsado ololihiisa doorashada. Cidda soo hindistaya sida gaarka ahna uga faa’idaysa safarkan waa Abiy Ahmed oo doonaya dekedda Zaylac in ciidamada badda Ethiopia ay saldhig u noqoto. Ardayda waxaa marka ay fasal ka gudbayaan la marsiiyaa imtixaan, haddii ay ku guulaystaan imtixaankaas un bay u gudbi karaan fasalka xiga, madaxweyne Farmaajo wuxuu ku dhacay imtixaankii asaasiga ahaa ee nabadaynta Muqdisho, isku haynta dawlad goboleedyada iyo abuurista dhaqan dimuqraadi ah oo oggol wax wada lahaansho iyo tala-wadaag, sidaas awgeed asagoo col la ah maamuladii dalka in uu diyaarad ku sii dulmaro asagoo Abiy xambaarsan yahay waa iska muuqataa safarkaas inuu yahay mid qolada loo tagayana aan waxba u wadin, kuwa laga tagayna aysan waxba ka sugayn. Xildhibana Axmed Macallin Fiqi
-
Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaaladda Boosaaso ka daah-furay carwada ganacsiga Puntland. Carwadan oo ah tii labaad ee nooceeda lagu qabto Puntland waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Rugta Ganacsiga Puntland. Daah-furka carwada waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiinta goloyaasha dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, ganacsato, isimo, haweeen, qurba joog, mas’uuliyiinta rugta ganacsiga naamulada dalka qaar iyo madax ka socotay dowladda Deegaanka Soomaalida. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo khubad ka jeediyay furitaankii carwada ayaa bogaadiyey carwada, sida looga soo shaqeeyay iyo dhammaan dadka kasoo qeybgalay, wuxuuna sheegay in dowladdu ay muhiimad siinaysa kor u qaadista ganacsiga iyo maalgashiga dalka. Carwada lagu soo bandhigayo ganacsiga Puntland ayaa socon doonta muddo shan cisho, mudaddaasi oo dadku si furan ay uga dukaamaysan doonaan. PUNTLAND POST The post Boosaaso oo laga daah-furay carwada ganacsiga Puntland appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Lughaya)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay nin ku eedaysan kufsi iyo dil loo gaystay gabadh 15 jir ah. Falkan kufisiga iyo dilka isugu jira aayaa ka dhacay degmada Lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal ee Somaliland. Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa xaqiijiyey in ciidamada Bileysku ay gacanta ku soo dhigeen xalay eedaysana, maantana ay u gudbiyeen magaalada Boorama. Dhinaca kale, Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland ayaa noo xaqiijiyey in shaqadii ciidanka laga eryey Askari waddada dhexdeeda ku garaacaya qof dumar ah, taas oo muuqaal laga duubay Askariga haweenayda garaacaya uu dhex xulay baraha bulshadana ee facebook-gu ka mid yahay. Sidoo kale qoraal barta Facebook ee Ciidanka Booliisku Somaliland leeyahay lagu baahiyey manata ayaa lagu sheegay in shaqadii ciidanka laga eryey askari wadadda dhexdeeda ku garaacaya qof dumar ah, waxaanay fariintu u dhignayd; “Saacado ka hor waxa baraha bulshada la soo geliyey saddex allifle Mahad Cabdi Cismaan oo gacan u qaaday ruux dumar ah. Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa annaga oo ka duulayna in booliisku yahay saaxiibka dadweynaha in la ruqseeyey askarigaa xadgudubka sameeyey, isagoo xidhan sharaftii ciidanka booliiska Somaliland, saacado gudahood. Booliiska Somaliland waa saaxiibka dadweynaha.” Talaabadan ayaa muujinaya deedaalada Ciidanka Booliiska Somaliland iyo madaxdoodu ugu jiraan sarraynta sharciga iyo ilaalinta nabadgelyada bulshada, mudan yihiina in mahadcelinteeda. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa bartiisa twitter-ka ku baahiyey khariidad yaab leh oo muujineysa Soomaaliya oo laga jaray Somaliland. Khariidaddan ayaa Abiy Ahmed wuxuu Itoobiya ku muujinayaa midabka cagaaran, hase yeeshee waxaa ka muuqda Soomaaliliya oo laga jaray gebi ahaan Somaliland. Waxaa la socda farriin kooban oo afafka amxaariga iyo English-ka lagu qoray oo macno ahaan noqoneysa “xoriyadda dalkeena, barwaaqada dalkeena.” Ka sokow in khariidaddan Soomalaiya laga jaray Somaliland, haddana sidoo kale kama muuqdaan guud ahana gobollada Somaliland, oo waa meel iska madhan. Dadka qaar ayaa taas ku macneeyey in Abiy aamisan yahay in Somaliland ayna ka mid ahayn Soomaaliya, balse ayna aqoonsi haysan, sidaas darteedna aanu u muujin. Lama garanayo sababta uu Abiy u sameeyey sidan, hase yeeshee waxa kaliya ee laga fahmi karo ayaa ah waxa uu ka aaminsan yahay Somaliland iyo Soomaaliya siyaaddiisa ku waajahan. Dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkii tegay roogga cas u fidisay, islamarkaana dhinac dhigtay calanka Somaliland, markii ay soo dhoweysay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Khariidadda cusub ee maanta uu baahiyey Abiy Ahmed ayaa twitter-ka lasoo dhigay 4:38 pm, hase yeeshee laga saaray 5:30 pm kadib markii muran xooggan ay ka dhalatay oo Soomaali badan ay qoraallo ka dhan ah ku muujiyeen twitter-ka. Tweet-kaas ayaa sidoo kale ahaa mid pinned ah, oo meesha sare lagu dhajiyey si qoraalalda ka dambeeya ay mar walba uga kor ahaato. Screenshot ayaa laga qaaday tweet-ka ka hor inta aan laga saarin. Source
-
Ever since Abiy Ahmed Ali became the Prime Minister of Ethiopia Amhara chauvinists have been entertaining the dream to annex Eritrea to Ethiopia. It is dream symbolised by Goshu Wolde’s 1991 statement in which he resisted the idea of breaking up Ethiopia into two countries. Goshu compared EPLF to invaders. At the same event organised House Foreign Affairs subcommittee Professor Mesfin Wolde-Mariam said that EPLF and TPLF “enjoy uncontested military supremacy in Ethiopia“. Amhara extremists incorporate Eritrea into the Ethiopian map Amhara extremists have drawn a map of Ethiopia incorporating Eritrea. It is second time some Amharas nostalgic for feudal Ethiopia have unfurled a flag of Ethiopia that treat Eritrea as a part of “Imperial Ethiopia”. Eritrea seceded from Ethiopia in 1993 after more than 98% of Eritreans voted for independence. The Eritrean People’s Liberation Front (EPLF), which the defeated the Soviet-backed former Derg regime of Ethiopia, waged a 30 year long war against Imperial and subsequently communist Ethiopia. Tigray People’s Liberation Front and EPLF defeated the Mengistu regime in May 1991. “This amounts to slap in the face. A puzzled friend asked why do ‘such weird things only happen in … [the] Amhara region'” tweeted Professor Gaim Kibreab of South Bank University in London. © Puntland Post Monthly, 2020 The post Amhara Chauvinists Irritate Eritrean Nationals appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-17022020-ok-sax.mp3 View the full article
-
Heshiis Laga Gaaray Arrimaha Shahaadada Ee Ardeyda Puntland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay dowlad gobaleed Puntland oo maanta Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay xal laga gaaray khilaafkii dhanka waxbarasada dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedka Puntland. Xildhibaannada ayaa xusay in madaxda sare ee dalka ay la kulmeyn kalana hadleen sidii xal loogu heli lahaa khilaafka muddooyinkan dambe ka dhex jiray wasaaradaha waxbarashada dowladda federaalka iyo Puntland. Xildhibaan Maxamed Axmed Runsheeg oo ka mid ahaa xildhibaannadii ku jiray waanwaanta laga dhexwaday labada dhinac ayaa sheegay in madaxda dalka ay u sheegeen in ardayda ay helayaan Shahaadadooda. “Maadaama aan balan qaaday inaan madaxda u tageynno, madaxdii qaranka waan u tagnay waxaana kala kulanay waji furan iyo turuunshiyo ay u hayaan arday Soomaalliyeed, waxaana ay noo xaqiijiyeen in ardayda ay helayaan Shahaadadooda, wixii farsamo ahna ay isla qabanyaan wasaarada qaranka iyo midda Puntland”.ayuu yiri xildhibaanku. Xildhibaanka oo hadalkiisa siiwato ayaa uga mahad celiyey madaxda qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedka Puntlnd sida ay u aqbaleen wadahadaladii ay ka dhex wadeen labada dhinac. “Waxaan leeyahay wixii rag u kaco waa rumoobaan oo Rabi aqbalo, waxaan rabaa inaan u mahad celiyo madaxda qaran iyo madaxweynaha Puntland oo isaguna muujiyey baahida ardaydu qabaan go’aanna ku gaaray in arday Shahaadadooda helaan iyaga oo aan dhibtoonin”. Dhanka kale Senator Siciido Xasan oo ka mid aheyd xubnihii warbaahinta la hadlay ayaa sheegtay in dadaal badan lagu bixiyey sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii ka taagnaa arrinta waxbarashada, madaxda dalkana ay kala hadleen sidiii loo dhameyn lahaa, waxaana ay intaas ku dartay in madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uuu balan qaaday in ardayda lasiin doono Shahaadada. Ugu dambeyn hadalka maanta ka soo yeeray xildhibaannada labada gole ee baarlabaanka ee laga soo doorto Punland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa aydoo dhawaan la filayo in wasaaradda waxbarashada ay qaado imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiyada kaas oo horay labada dhinac hanaanka loo qaadayo ay isku khilaafeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
(SLT-Muqdisho)-Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay safarka la hadal hayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tagayo magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn sheegay in aanu isaga ka war qabin safarkaas la sheegayo inuu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Magaalada Hargeysa aanu diyaar u aheyn inuu ka hadlo. “Anigu wax war ah kama hayo safarka la leeyahay madxweyne Farmaajo ayaa ku tegayo magaalada Hargeysa, kana hadli mayo,” ayuu yidhi Wasiir Maareeye . Wasiir Maareeye oo kasoo jeedo Somaliland, ayaa kula taliyey shacabka inay ka faa’ideystaan fursadda hor taallo, isla markaasna ay isku dayaan inay la-jaan qaadaan isbadalka siyaasadeed ee ka socdo Geeska Africa iyo Beesha Caalamka. “Waxaan kula talinayaa shacabka iyo madaxda Somaliland oo aan anigu kasoo jeedo inay iska daayaan buuqa oo la yimaadaan siyaasad iyo tallo ay kula jaanqaadi kartaan isbedelka siyaasadeed, Dhaqaale iyo amni ee ka socda Geeska Afrika iyo adduunka oo haddii aad ka hadhaan mar dambe aadan heli doonina fursad aad kula qabsan kartaan, ” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Wasiir Maareeye ayaa is waydiiyey dhibaatada ku jirto in Madaxweyne Farmaajo lagu soo dhaweeyo Hargeysa xataa haddii ay u aqoonsan yihiin inuu yahay madaxweyne wadan daris la ah Somaliland. “Madaxweyne Farmaajo waa qofka ugu mudan ee Hargeysa lagu soo dhaweyn lahaa kaasoo ay dano kaga xidhan yihiin Somaliland, maxaa diidayo in Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyo Hargeyso sidii loogu soo dhaweyn lahaa madaxda wadamada dariska ee Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti” ayuu yidhi Wasiir Maareeye. Wasiir Maareeye ayaa Somaliland ku eedeeyey inay 28 sano isticmaaleyso siyaasad fadhiid ah oo aan Somaliland dhaafsiisneyn. “28 sano ayay Somaliland lahayd hal siyaasad oo fadhiid ah oo marfishyada looga taliyo oo aanay maskaxdu iyo siyaasiyiinta talin,” ayuu yidhi Maareeye. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu faah-faahin ka bixiyo Kulankii uu Madaxweyne Farmaajo kula soo qaatay caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa. Madaxweyne Biixi ayaa hortagi doona bari oo Salaasa ah labada golle ee Baarlamaanka wakiilllda iyo Guurtida, isagoona ka jeedin doona khudbad sannadeedkii Dastuuriga aheyd, midaasi oo la filayo in uu si gaar ah ugu warbixiyo natiijada kulankaasi iyo waxqabadka xukuumaddiisa. Madaxweyne Biixi ayaa markuu Golaha hortago ka warbixin doona waxyaabihii ka soo baxay kulankii uu la qaatay Farmaajo, iyo waxa ka jirra safarka la sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo ku iman doono magaalada Hargeysa. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa la filayaa in uu khudbadaasi ku soo qaato Raali-gelintii uu Farmaajo dhowaan siiyey reer Somaliland, taasi oo la xidhiidhay xasuuqii ay dowladdii kacaankii ay ku qaaday dadka reer Somaliland. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu diirada saari doona khilaafka baahsan ee hadheeyay qabsoomida doorashooyinka iyo Komishanka cusub ee sii huriyey xiisada ka taagan doorashooyinka Somaliland. Khudbada Madaxweynaha ee la filayo in uu maalinta bari ah ka horjeediyo Golaha ayaa noqon doonta mid uu si mug leh uga warbixiyo kulankii uu la qaatay Farmaajo oo ay dul hoganayaan su’aalo badan oo ay ka gaabsadeen labada dhinac. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shaqada ka Eryay saddex alifle Mahad Cabdi Cismaan, kadib markii maanta qof Dumar uu ugu gacan qaaday badhtahama Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Aadam Saqadi ayaa waxaa lagu shaaciyay in shaqada laga ruqseeyay Mahad Cabdi oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska oo sameeyay tallaabo xad-gudub ah. Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidanka Booliska ay yihiin saaxiibka dadweynaha, isla markaana Taliska sare aanu aqbalaynin ficilada noocan oo kale. Baraha Bulshada ayaa waxaa lagu faafiyay muuqaal kooban oo laga soo duubay saddex alifle Mahad Cabdi Cismaan oo badhtamaha Magaalada Hargeysa ku dharbaaxaya Gabadh dhalinyaro ah. Source
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa bartiisa twitter-ka ku baahiyey khariidad yaab leh oo muujineysa Soomaaliya oo laga jaray gobollada Waqooyi ee Somaliland. Khariidaddan ayaa Abiy Ahmed wuxuu Itoobiya ku muujinayaa midabka cagaaran, hase yeeshee waxaa ka muuqda Soomaaliliya oo laga jaray gebi ahaan gobollada waqooyi ee Somaliland. Waxaa la socda farriin kooban oo afafka amxaariga iyo English-ka lagu qoray oo macno ahaan noqoneysa “xoriyadda dalkeena, barwaaqada dalkeena.” Ka sokow in khariidaddan Soomalaiya laga jaray gobollada Waqooyi, haddana sidoo kale kama muuqdaan guud ahana gobollada Somaliland, oo waa meel iska maran. Dadka qaar ayaa taas ku macneeyey in Abiy aamisan yahay in Somaliland aysan ka mid ahayn Soomaaliya, balse aysan qoonsi haysan, sidaas darteedna uusan u muujin. Lama yaqaan sababta uu Abiy u sameeyey sidan, hase yeeshee waxa kaliya ee laga fahmi karo ayaa ah waxa uu ka aaminsan yahay Soomaaliya iyo siyaaddiisa ku wajahan. Dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkii tegay roogga cas u fidisay, islamarkaana dhinac dhigtay calanka Somaliland, markii ay soo dhoweysay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Ma ahan markii koowaad ee Abiy Ahmed iyo dowladdiisa ay ku xadgudbaan madax-banaanida iyo qarannimada Somaliland. Website-ka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa 26-kii May 2019 lasoo dhigay map ama khariidad si cad ugu xadgudubtay madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya. Khariidaddaas oo aheyd tan qaaradda Afrika, ayaa gebi ahaanba laga tiray Soomaaliya, oo lagu daray Itoobiya, laguna muujiyey khariidadda in Soomaaliya ay ka tirsan tahay Itoobiya. Khariidadda cusub ee maanta uu baahiyey Abiy Ahmed ayaa twitter-ka lasoo dhigay 4:38 pm xilliga Muqdisho, hase yeeshee laga saaray 5:30 pm kadib markii carro xoogan ay ka dhalatay oo Soomaali badan ay qoraallo ka dhan ah ku muujiyeen twitter-ka. Tweet-kaas ayaa sidoo kale ahaa mid pinned ah, oo meesha sare lagu dhajiyey si qoraalalda ka dambeeya ay mar walba uga kor ahaato. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Abiy Ahmed ka dhigtay saaxiibkiisa koowaad, wuxuuna rumeysan yahay inuu yahay ninka bad-baadin kara Soomaaliya. Caasimada Online ayaa screenshot ka qaaday tweet-ka ka hor inta aan laga sarain.
-
(SLT- Rwanda)-Heesaa caan ka ahaa dalka Rwanda Mizito Mihigo oo qaada heesaha Gospel-ka oo si weyn u gilgilay dalkaasi markii la xidhay sanadkii 2014-kii oo lagu eedeeyey inay inuu shirqool u dhigayey Madaxweynaha iyo masuuliyiin sarsare oo dawlada ka tirsan, ayaa geeriyooday isagoo da’diisu tahay 38 jir. Kizito Mihigi ayaa looga shakisan yahay inuu isagu is-dilay inkastoo oo xidhnaa, waxaanay ciidamada bileysku ay sheegeen in dib loo soo xidhay mar kale saddex maalmood ka hor isagoo isku dayaya inuu dalka ka fakado. Heesaagan ayaa lagu hayey xarunta dambibaadhista ee dalka Rwanda ee the Rwanda Investigative Bureau (RIB) oo ku taala Remera oo caasimada Kigali ah, halkaas oo la arkay isagoo soo daldalan. “Askari ayaa arkay subaxnimadii Isniinta isaga oo soo daldalan. Waxaanu isticmaalay go’ii sariirta ee uu ku hurday inuu isku daldalo. Baadhitaan hordhac ah ayaa muujinaya in qaabka uu isku daldalay ay ahayd inuu go’a ku soo xidhay daaqada. Balse baadhitaano badan oo dheeraad ah ayaa la wadaa,” sida ay sheegtay Ms Marie Michelle Umuhoza, oo ah Afhayeenka qaybta baadhista ee Rwanda ee the Rwanda Investigative Bureau (RIB) oo la hadashay warbaahinta The EastAfrican. Source
-
Baraha internet-ka (Twitter-ka iyo Facebook-ga) ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta la soo dhigay qariidad muujinaysa Soomaaliya oo kala jaray iyo Somaliland oo la dhigay bad. Qariidada oo markii dambe dib looga saaray baraha Internetka-ka ee Abiy ayaa Somaliland looga dhigay midab wada cad oo isku furan ilaa badda, sidoo kale ka jaran Soomaaliya. Qariidada la soo dhigay baraha Internet-ka Abiy Ahmed waxaa la socotay fariin ah “Xornimada Dadkayaga – Barwaaqo Umaddeena!”. Fariinta Abiy oo ku qorneyd afafka Amxaari, Oromada iyo Ingiriiska ayaa u qarneyd sidan hoose. ነጻነት ለህዝባችን – ብልጽግና ለአገራችን! Bilisummaan uummata keenyaaf – badhaadhinni biyya keenyaaf! Freedom to our People – Prosperity to our Nation!. “Xornimada Dadkayaga – Barwaaqo Umaddeena !”. Qariidadii la soo dhigay baraha internet-ka Abiy ee la saaray Muddo 50 qadiiqo ah ka dib ayaa la badelay qariidadii la soo galiyey baraha internet-ka Abiy, waxaana la reebay tan Itoobiya oo kaliya. Qariidadii dambe ee la soo dhigay baraha internet-ka Abiy Arrintan ayaa durba baraha bulshada ka bilowday falcelin. Qariidadan la soo dhigay baraha internet-ka ee Abiy Ahmed ayaa lagu soo aadiyey, iyadoo Abiy dhawaan uu kulan siiyey Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, hadana warar soo baxaya ay sheegayaan in Abiy iyo Farmaajo laga yaabo in ay booqdaan Hargeysa. Sanadkii 2019, waxaa bogga internet-ka ee Wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya la soo dhigay qariidad muujinaysay Afrika, iyadoo Soomaaliya lagu daray Itoobiya, balse wax yar ka dib waa la saaray. PUNTLAND POST The post Qariidad kala jaraysa Soomaaliya oo la soo dhigay baraha internet-ka Abiy appeared first on Puntland Post.
-
By Abdi Latif Dahir for New York Times MOGADISHU, Somalia — She had just finished battling the floods, and then the bomb went off. For a month of 10-hour days, Dr. Amina Abdulkadir Isack, 27, tended to anemic mothers, children with malaria and pregnant women as a volunteer in central Somalia, where record floods had left thousands of people in dire need of help the government could scarcely provide. But only days after she came home, on a hot Mogadishu morning in late December, terrorists detonated an explosives-laden truck in a busy intersection, killing 82 people and injuring nearly 150, including university students studying to become health specialists and doctors like her. Dr. Isack sprang right back into action, helping a youth-led crisis response team of volunteers who tracked the victims, called their families, collected donations and performed many services the government was too overwhelmed to manage on its own. “The youth are the ones who build nations,” Dr. Isack said. “We have to rely on ourselves.” Much like the floods before it, the attack in Mogadishu, the deadliest in Somalia in more than two years, underscored the feeble emergency response in a nation that is no stranger to natural and man-made disasters. The Somali government struggles to provide basic public services like health care and education, let alone a comprehensive response to emergencies. Yet in the face of the country’s mounting challenges — from a changing climate to the indiscriminate violence of terrorism — young Somalis are increasingly getting organized and bootstrapping their way out of crises, rather than waiting on help from their government or its foreign backers. Government officials say they do respond to the country’s emergencies, including establishing a national committee to aid the victims of the Dec. 28 attack. Turkey and Qatar airlifted dozens of the badly injured. But many youth activists in Somalia say that the response from the authorities is often tardy or inadequate, making it all the more essential for citizens like themselves to jump in and help fill the gaps. Somalia has experienced one degree or another of chaos for almost three decades, bedeviled first by clan infighting and then by violent extremism. But through it all, Somalis have found ways to not only establish thriving businesses, but also take on core state services like building roads and providing health care and education. This independent spirit was amplified after militants with the Shabab, a terrorist group affiliated with Al Qaeda, surrendered control of Mogadishu in 2011, effectively leaving the capital in the hands of an internationally-backed but weak government that has often been unable to secure the capital, much less the country. Since then, young Somalis, including members of the diaspora who have returned home, have taken a leading role in the stabilization and rebuilding process. They have worked on rehabilitating child soldiers, reviving domestic tourism, responding to humanitarian crises, organizing multiple book fairs and even selling Somali camels to customers worldwide using bitcoin. When a truck bombing in Mogadishu in 2017 killed 587 people and injured 316 others, hundreds of volunteers marshaled to identify victims, launched social media campaigns to appeal for global attention and collected tens of thousands of dollars to assist the operations of Mogadishu’s only free ambulance service, Aamin Ambulance. Organizers of the response said they collected $3.5 million in donations; the government later contributed $1 million. The year “2017 was a turning point for us,” Dr. Isack said. “Everyone knew someone who was impacted. It showed us we could do something to save lives.” Despite their efforts, civilians can only do so much when attacks happen. And instead of learning from previous tragedies, the authorities remain disorganized and unprepared for the next one, said Saida Hassan, a Somali-American who previously worked with the ministry of education. After the big attack on Dec. 28, Ms. Hassan said she attended a government crisis meeting in which officials squabbled and didn’t have a plan of action. “I kept thinking ‘There are people dying every second we keep talking,’” she said. After leaving the meeting “so heartbroken,” Ms. Hassan helped form the Gurmad Ex-control rescue initiative — the volunteer group that Dr. Isack joined. “It’s frustrating,” Ms. Hassan said. “It often feels like we are crawling when we cannot only walk, but also run if we want.” Somalia’s government has made some strides toward developing the economy, reforming state institutions and improving security. Yet the country’s progress has been undermined by rampant corruption, the government’s tight resources and limited presence across the country, as well as a political stalemate between the central government and federal member states. For young people trying to build the nation’s future, the prospects for change sometimes look bleak. Sami Gabas is the founder of Saamionline, an online retailer that serves thousands of Somalis across the country. While the authorities in the various regions are quick to demand taxes, Mr. Gabas said, they barely understand the difficulties of setting up and running a start-up, let alone offer help or incentives. “We just don’t want to do business,” he said. “We want to create and innovate and help move the country forward.” For those who defy all the odds, insecurity remains a serious impediment. The Shabab remains strong and continues to carry out deadly attacks against civilians and the government. Beyond that, activists and business people continue to be killed in mysterious circumstances. Mohamed Sheik Ali was a serial entrepreneur who opened a number of businesses, including Mogadishu’s first post-war flower store and dry-cleaning service. He also ran a mentoring program for local entrepreneurs, and participated in events and shows that helped turn their ideas into successful businesses. Six years after he launched his first business in Mogadishu, unknown assailants fatally shot Mr. Ali in August 2018. He was 31. In a country with a young population and high unemployment rates, his philosophy was all about self-reliance, his sister Sagal Sheikh-Ali said in an interview. When engaging with young people like himself, he used to tell them, “‘If you have an idea and a passion, just go ahead and do it,’” she recalled. Following his death, his sister said she felt angry and didn’t want to stay in Mogadishu. But afterward, she felt that it was her “duty” to step into his shoes and keep the businesses going. “If I leave, then I guess he died for nothing,” she said. “But if I stay, then it meant something. His name will always continue. His legacy will continue. His drive and passion will continue in others.” Still, the frequent attacks and at times tepid response from the authorities leave many feeling numb and discouraged, Ms. Hassan said. She said some of her friends have derided her for constantly wanting to act, when even the authorities seem resigned. The attacks from the Shabab have become so normal that she and her friends try to guess when the next one will happen. Barely an hour after the interview, a suicide car bomb killed three people and injured 11 others near an intersection close to the Parliament building in Mogadishu. “I don’t think we should wait for the government,” Ms. Hassan said. “It’s become our reality and we know these attacks are coming. I just want us to be prepared so that we can save ourselves.” For volunteers like Dr. Isack, there is no option but to rush to the scene of the next disaster. In January, the Somali Medical Association recognized her efforts in saving lives during the floods. “I myself could face harm tomorrow,” Dr. Isack said. “So I am providing support to my people while I can.”
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay safarka la hadal hayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tagayo magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Wasiir Maareeye ayaa ugu horeyn sheegay inuusan isaga ka war qabin safarkaas la sheegayo inuu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Magaalada Hargeysa uusana diyaar u aheyn inuu ka hadlo. “Anigu wax war ah kama hayo safarka la leeyahay madxweyne Farmaajo ayaa ku tegayo magaalada Hargeysa, kana hadli mayo,” ayuu yiri Wasiir Maareeye . Wasiir Maareeye oo kasoo jeedo Somaliland, ayaa kula taliyey shacabka halkaas inay ka faa’ideystaan fursadda hor taalo, isla markaasna ay isku dayaan inay la jaan qaadaan isbadalka siyaasadeed ee ka socdo Geeska Africa iyo Beesha Caalamka. “Waxaan kula talinayaa shacabka iyo madaxda Somaliland oo aan anigu kasoo jeedo inay iska daayaan buuqa oo la yimaadaan siyaasad iyo talo ay kula jaanqaadi kartaan isbedelka siyaasadeed, Dhaqaale iyo amni ee ka socda Geeska Afrika iyo adduunka oo haddii aad ka hartaan mar dambe aadan heli doonina fursad aad kula qabsan kartaan, ” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Wasiir Maareeye ayaa is waydiiyey dhibaatada ku jirto in Madaxweyne Farmaajo lagu soo dhaweeyo Hargeysa xataa haddii ay u aqoonsan yihiin inuu yahay madaxweyne wadan daris la ah Somaliland. “ Madaxweyne Farmaajo waa qofka ugu mudan ee Hargeysa lagu soo dhaweyn lahaa kaasoo ay dano uga xiran yihiin Somaliland, maxaa diidayo in Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyo Hargeyso sidii loogu soo dhaweyn lahaa madaxda wadamada dariska ee Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti” ayuu yiri Wasiir Maareeye. Wasiir Maareeye ayaa Somaliland ku eedeeyey inay 28 sano isticmaaleyso siyaasad fadhiid ah oo aan Somaliland dhaafsiisneyn. “28 sano ayay Somaliland lahayd hal siyaasad oo fadhiid ah oo marfishyada looga taliyo oo aanay maskaxdu iyo siyaasiyiinta talin,” ayuu yiri Maareeye. Hadalka Wasiir Maareeye ayaa imaanayq xilli Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan uu sheegay inaysan suurtagal aheyn in uu Madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa. Wasiirka ayaa safarkaasi Farmaajo ee la sheegay inuu ku imanayo Hargeysa ku tilmaamay mid ah ‘Riyo maalmeed’ aan marnaba suurto gal noqon karin. Hoos ka daawo Maareeye
