-
Content Count
214,385 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Axmed Muuse Nuur Yare oo ah Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya wado qorsho ay ciidamo ugu daabuleyso qeybo kamid ah Gobolka Mudug. Guddoomiye Axmed oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay inay mar hore ka war heleyn qorshaha dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan ugu daabuleyso Gobolka Mudug si ay ula wareegto guud ahaan. Gudoomiyaha ayaa xusay in Bisha Sedexaad ee sanadkaan ay Dowladda Soomaaliya dooneyso inay ciidamo geyso Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug si ay u qabsato guud ahaan Gobolka Mudug oo ay isla maamulaan Puntland iyo Galmudug. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay Dowladda Soomaaliya qorshahaas ugu magac dartay Xoraynta Gobolka Mudug isla markaasna ay ujeedada tahay sidii loogala wareegi lahaa Maamulka Puntland qeybaha ay ka maamusho Gobolkaas. Axmed ayaa sheegay in qorshaha ay wado Dowladda uusan shaqeyn doonin isla markaasna uu kusoo dhammaan doono fashil weyn sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa jira qorshe ay ugu magac dartay Villa Somalia xoreynta gobolka Mudug laguna doonayo in Puntland looga xoreeyo gobolka, balse fashil buuxa ayuu ku dambeyn doonaa.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug. Mar wax laga waydiiyey waxa ay Puntland uga jawaabeyso qorshaha Dowladda ee Gobolka Mudug ayuu sheegay inay uga jawaabi doonaan tallaabo Militari haddii ay Dowladda Soomaaliya ciidamo keento Gobolka Mudug. Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa xusay in qorshahaan ay Villa Soomaaliya wado uu qeyb ka yahay barnaamij ay ku dooneyso inay kula wareegto deegaanada ay ka taliyaan maamul Goboleedyada, wuxuuna tusaale usoo qaatay ciidamada ay Dowladda Soomaaliya geysay Gobolka Gedo. Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday inay awood ciidan u isticmaasho Maamul Goboleedyada dalka ka jiro si ay halkaas u geyso shakhsi ay iyada wadato oo ku shaqeenayo siyaasadeeda.
-
Tacsi Tiiranyo leh Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun,Geeridu waa xaq!!!!. Anigoo ah Eng.Maxamed Jaamac Boosolaaye (Eng.Maskax) Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ganacsade Cabdiwahaab Maxamuud Aw-Caqli oo Inaadeerkii Nasir Cabdi Cusmaan ku geeriyooday Maanta Magaalada Hargeisa,isla-maantana lagu aasi doono Magaalada Berbera. Waxan ilaahay ugu baryayaa inuu Marxuum Nasir Cabdi Cusmaan janatul-Firdoows ka waraabiyo Qoyska,xigtada,Xasabada & Ehelkuu ka geeriyoodayna samir & imaan saadiqa ka siiyo. Aamin Aamin Aamin Qaran News
-
Golaha wasiirada maamulka Soomaaliland ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay codsiga madaxweyne Muuse Biixi oo ahaa in madaxweynaha Soomaaliya uu tago magaalada Hargeysa. Muuse Biixi ayaa lagu wadaa in uu isla codsigan ka ansixiyo labada gole ee baarlamaanka Soomaaliland maalinta Talaadada ah ee nagu soo aadan. Wararka ay Goobjoog News helayso ayaa sheegaya in Axadda ay Farmaajo oo uu wehliyo ra’isulwasaaraha Itoobiya ay ka degi doonaan magaalada Hargeysa. Arrintan ayaa imaanaysa todobaad ka dib markii Farmaajo iyo Muuse Biixi ay ku kulmeen Adis ababa iyo seddex maalin ka dib markii uu raali galin bixiyay Farmaajo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Rape and Murder Case Hearing Begins in Garowe – The First Level Court of Nugaal started the first hearing of men accused of raping and killing Hodan Shanlayste. Hodan was raped and killed in Garowe, the adminstrative capital of Puntland State. Seven defendants are on trial for the rape and the murder of Hodan on 11 April 2019. The second hearing will resume on 22 of February 2020. Selection of South West State MPs in Full Swing The Chairman of Selection Committee of South West MPs told the media that the selection process was in full swing. He said the the ommittee collaborates with South West State elders to finalise the selection of a new cohort of South West State MPs. South West State President Abdiasis Hassan Mohamed urged elders to select fewer MPs than the batch of MPs whose tenure is coming to an end. Forum for National Parties Express Concern About Gedo Situation Somalia’s Forum for National Parties expressed concerns about the situation in Gedo region where the Federal Government deployed troops. In a statement the Forum called for the President of Somalia and the Federal Government to be alive to consequences from deployment of Ethiopian troops in Gedo for political reasons. The Forum urged people of Gedo to prevent any measures that could result in a civil strife in the region. © Puntland Post, 2020 The post Puntland Post News in Brief – 16 Feb. 2020 appeared first on Puntland Post.
-
Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo safar ku tago qeyb kamid ah Gobolka Gedo oo ay Dowladda Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyey ku daad gureeneysay ciidamo badan. Safarka Ra’isulwasaare Kheyre ee Gobolka Gedo ayaa waxaa xaqiijiyey Mas’uuliyiin ka tirsan deegaanada Gobolka Gedo, waxaana safarkiisa qeyb ka noqon doono Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya. Cismaan Nuur Xaaji Macalimow oo ah Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ra’isulwasaare Kheyre, Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Gaashaandhiga ay maalmaha soo socdo imaanayaan Gobolka Gedo halkaas oo ay kulamo kula qaadan doonaan Mas’uuliyiinta Gobolkaas ee taageersan Dowladda. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay ilgaar ah ku heyso Gobolka Gedo,kadib cabasho kasoo gaartey Shacabka, isla markaana Ciidamada ay Dowladda Keentay Gobolka Gedo ay yihiin kuwo ilaalinaya Amniga Xaduudaha. Safarka Ra’isulwasaare Kheyre ee Gobolka Gedo ayaa imaanayo xilli uu jiro khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyo Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Dhexe, xilli maamulka Axmed Madoobe uu ku hanjabay inay Dowladda qaadan doonto mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalato ciidamada la geeyey Gobolka Gedo.
-
Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland Saleebaan Maxamuud Aaden, ayaa ka hadlay safar la sheegayo in madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, ay ku tegayaan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in Ra’iisulwasaaraha waddanka Itooobiya Abiy Ahmed, uu marar badan xukuumadda Somaliland usoo jeediyay safarkaas, balse ay iyagu diiden. Wuxuu intaa ku daray in aysan dilayn, hadii uu Farmaajo Hargeysa yimaado iyagoo u arkaya oday Soomaaliyeed. Gudoomiyaha ayaan hadalkiisa caddayn waxa uu uga jeedo ‘oday Soomaaliyeed’ balse arintan ayaa xaqiijin u ah in uu jiro safar la qorsheeyay oo madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaarha Itoobiya ay ku tegaan magaalada Hargeysa. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland midkoodna ka soo saaray safarkaasi la sheegay. Hoos ka daawo hadalka Guddoomiyaha oo dhan PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Guurtida Somaliland oo sheegay in uusan Farmajo tegi karin Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed uu maamulkaas ku cadaadinayo in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya wada yimaadaan gudaha magaalada Hargeysa. Guddoomiye Saleeaan ayaa tilmaamay in xukuumadda ay iska diiday dalabkaasi oo uu mar hore u soo gudbiyey ra’iisul wasaare Abiy, balse uu mar labaad haatan ku soo celiyey codsigaasi. Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu carabka ku dhuftay in aysan diidaneyn imaashiyaha Farmaajo, balse laga rabo inuu noqdo nin Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. “Annagu waxa aannu leenahay ha noo keenin laakiin haddii uu la yimaado dee dilimayno laakiin nin Soomaaliyeed oo Abiy, la socda ha ahaado” ayuu guddoomiyuhu. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ra’iisul wasaare Abiy uu qorsheynayo kulan 2-aad oo dhexmara madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, kuwaas oo todobaadkii hore ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Khamiistii ayey sidoo kale aheyd markii uu Farmaajo raalli-gelin ka siiyey dadka dega gobollada Waqooyi weerarkii ay dowladdii milatariga aheyd ku qaaday gobolladaasi.
-
Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland Eng Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo ka hadlay xaaladda ciidamada ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidankaasi markii la soo qaadayay loogu sheekeeyay in ay la dagaalami doonaan cadaw iyo in ay xoreyn doonaan magaalada Bu’aale ee gobalka Jubbada dhexe. Wasiirka oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa tilmaamay in ciidanka dowladda ay ku daad gureysay gobalkaasi ay aad uga xumaadeen arrinkaasi waxa uuna sidoo kale sheegay in ciidankaasi qaarkood ay sababtay in ay u soo goostaan dhinacooda. Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa yiri “Ciidamadii ay dowladdu geysay weeye Gedo oo ka xun howsha loo keenay iyo in ay u socdeen cadaw, waxaa loogu sheekeeyay in la qaban doono magaalada Bu’aale ama ay xuduudaha ilaalinayaan, laakiin marka ay arkeen xaaladdu sida ay tahay ayey ka xumaadeen, marka sidaas ayey ciidamada kale ugu tageen. Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in ciidanka lagu daad gureynayo gobalka Gedo ay sii kordhinayaan khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, waxa uuna hoosta ka xariiqay in aysan macquul ahayn in la heshiiyo inta dowladdu ay ciidamo ka dejinayso deegaanada qaar ee dowlad goboleedka Jubbaland. “Ciidamadan khilaafka ayey sii badinayaan, ciidankan oo jooga wax heshiis ah maba imaan karo ayaan aaminsanahay, sababtoo ah ciidan baan soo daabulayaa aan heshiino ama aan wadahadalno wax macquula ma ahan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Eng Cabdi Xuseen. Xiisadda u dhaxeysa ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa wali waxa ay ka jirtaa gobalka Gedo, waxaana degmooyinka qaar ee gobalkaasi sida Beladxaawo isku horfadhiya ciidamo kala taabacsan labada dhinac. Wali ma jirto wax wadahadala ah oo dhexmaray labada dhinac inkastoo waxgaradka Jubbaland ay ku baaqeen in dowladda Soomaaliya ay deegaanada maamulkaasi ka deyso faragalinta ay ku hayso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
At least one soldier was killed and several others sustained wounds in an ambush attack on a military convoy in southern Somalia on Sunday morning, residents said. The attack came after heavily armed militants launched an assault against South-West state troops travelling in a convoy in the vicinity of Deynunay in Bay region. The skirmish has led the death of one regional soldier and injured a number of others, according to local authorities who spoke to Radio Shabelle via phone. There were no immediate reports of casualties on civilians as well as Al-Shabaab side. South-West state forces backed by Somali army and AMISOM have been in a battle with Al-Shabaab in the region for years as the militants continue to hold key areas between the major town. View the full article
-
Garoonka kubbadda cagta Dhuusamareeb ayaa dhawaan la dhigidoono cowska macamilka waxaana guud ahaan maamulka Galmudug ka socda dayactirka iyo quruxinta garoomada,iyadoo dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha ayaa soo dhaweyeen howlaha socda sida uu Gooobjoog u sheegay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdifataax Cabdullahi Warsame (Badshaa). “Waan u mahad celinaynaa madaxda Dowladda kaalinta ay ka qaateen howlaha iminka ka socda garoomada kubbadda cagta Galmudug,waxaanse rajaynaynaa in aan dhawaan helno garoomo casri ah” ayuu isna Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha ciyaaraha Dhuusamareeb Mahad Cabdi. Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya ayaa ku mashaquulsan taageereeda ururada kubbadda cagta Maamul Goboleedyadawaxayna Xiriirka Galmudug codsanayaan in laga caawiyo dhigista rooga cowska iyo habeynta tarabuunada garoomaadka maadaama howshan ay iyaga qibrad wanaagsan u lee yihiin. Si kastaba waxaa dhawaan xariga laga jaridoonaan garoomada kubbadda cagta Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Puntland waxaana dhallinyarada iyo bulshada isboortiga gobolaadaas ay la dhacsanyihiin quruxinta iyo dib u dayactirka ka socda garoomada kala duwan ee maamuladaas. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dhismayaasha Garoomada Kubbadda Cagta Galmudug W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya lagula eegtay duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miino ayaa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah, xilli uu marayey inta u dhexeysa isgoysyada Xoosh iyo Ex-control Afgooye. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamadaasi, kaas oo uu soo gaaray burbur xoogan. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa saddex askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen afar kale oo ka mid ah ciidankii saarnaa gaariga la qarxiyey. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay gaareen meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo muddo kooban xiray halkaasi. Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo laamaha ammaanka dowladda ay ka bixiyeen qaraxaas iyo khasaaraha ka dhashay. Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxaan, iyada oo baahisay inay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiisay askartaasi. Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro qaraxyo ah ka fuliya duleedka Muqdisho, iyaga oo beegsada ciidamada dowladda, kuwa AMISOM intaba.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun adag ku riday Nuur Cali Axmed (Mahad Alle) oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta ka howlgalka xarunta maamulka gobolka Banaadir ee dowladda hoose Xamar. Mahad Alle oo in muddo ku jiray xabsi, islamarkaana ay ku socdeen baaaritaano dheeraad ah ayaa ahaa ku simaha agaasimaha shaqada ee gobalka Banaadir. Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in mas’uulkan lagu helay Shabaabnimo, islamarkaana uu horay ula soo shaqeeyey kooxdaasi. Sidoo kale waxa ay maxkamaddu tilmaamtay in Nuur Cali Axmed (Mahad Alle) uusan soo marin habka is diiwaan galinta xubnaha isaga baxay firkirka Al-Shabaab, iyada oo ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale sii deysay C/laahi Cabdiraxmaan Maxamed oo ay walaalo ahaayeen Basiiro Cabdi Maxamed, balse magaceeda runta uu ahaa Maryan Cabdi, taas oo fulisay weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Weerarkaas oo dhacay 24-kii July ee sanadkii hore ayaa waxaa ku dhintay mas’uuliyiin caan ahaa oo uu ku jiray guddoomiyihii gobolka Banaadir, Marxuum Injineer Yariisow. Tan iyo markaas dowladda Soomaaliya ayaa waday baaritaano ku aadan qaraxaasi, iyadoona loo qabtay dad uu ku jiray agaasimaha maanta la xukumay ee Mahad Alle.
-
Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goordhaw askar ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya lagula eegtay agagaarka warshada Al naciim ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxa ay haleeshay gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana askartaasi soo gaaray khasaare kala duwan. Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen dad ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxa ay inoo sheegeen in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen ilaa iyo seddex askari halka 4 kalane ay ku dhaawacmeen, waxaana la soo warinayaa in gaariga uu isaguna gubtay. Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna bilaabeen howlgallo kala duwan. Wadada xiriirisa inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa qaraxyo lagula eegtaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay mid kale dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa DF ay gaari rakaab ah ku rasaaseeyeen duleedka Muqdisho. Gaariga oo ay la socdeen dad shacab ah ayaa waxaa lagu rasaaseeyey inta u dhexeysa deegaanada Xaawa Cabdi iyo Calamada ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu ka baxay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday dhinaca degmada Afgooye ee gobolkaasi. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa rasaasta aan loo meel dayin ee lagu furay gaarigaasi. Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan ciidamada dowladda ayaa rasaas waxyeelo geysata fura, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda intaba. View the full article
-
Wararka aan ka helayno gobalka Baay ayaa waxa ay ku soo waramayaan in dagaal khasaare kala duwan geystay uu gobalkaasi ku dhexmaray dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab iyo ciidanka maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ka soo baxaya faahfaahino kala duwan. Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Baay ayaa waxa uu soo sheegayaa in dagaalka uu yimid ka dib markii dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay wadada u galeen ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku socdaalayay wadada xiriirisa deegaanka Deynuunaay iyo magaalada Beydhabo. Dagaalka oo qaatay mudoo kooban ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiin Karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Baraha lagu taageero Al shabaab ayaa waxaa lagu daabacay in dagaalkan ay ku dileen askari ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayana sidoo kale sheegeen in seddex kale ay weerarkaasi ku dhaawaceen. Al shabaab ayaa weerarada nuucaana inta badan la beegsada ciidanka dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dabayaaqada bishaan February yeelanaya kulan ay uga hadlayaan guud ahaan xaaladda Soomaaliya. Kulanka oo ah mid muhiin ah ayaa waxaa ka qeyb galaya ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya , James Swan oo ka warbixin doono xaaladda dalka. Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa looga hadli doonaa waqtiga u harsan howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee UNSOM iyo sidoo kale qorshaha ka bixitaanka ciidamada ururka Midowga Afrika AMISOM ee dalka Soomaaliya. Xubnaha golaha ammaanka ee QM ayaa waxaa sidoo kale si weyn loogu falan qeyn doonaa doorashooyinka Qaran ee dalka ka dhici doona sanadka 2021,iyadoo baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyay sharciga doorashooyinka ee dalka. Golaha ayaa sidoo kale la filayaa in ugu dambeyn ay ka hadlaan hormaradiballaarnaa ee laga sameysay kobaca dhaqaalaha Soomaliya. View the full article
-
Guddoomiye Axmed Muuse Nuur yare Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur Yare, oo waryesi saaka wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay doonayso in ay ciidamo badan ku soo daabusho gobolka Mudug, si ay ula wareegto. Guddoomiyaha ayaa sheegay ,in uu ka sii war-helay qorshe abaabulan oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku raadinayso, in ay bisha saddexaad ee soo socota ciidamo ku soo daabusho gobolka Mudug, gaar haanna magaalada Gaalkacyo, si ay ula wareegaan guud ahaan gobolkaasi. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu tilmaamay in qorshahaas ay Villa Somalia u bixisay xoraynta gobolka Mudug, islamarkanaa lagu doonayo in Puntland looga xoreeyo gobolka, balse uu fashil buuxa ku dambeyn doono. Mudane Axmed Muuse Nuur, oo wax laga weydiiyay go’aanka Puntland ka qaadan doonto arrinyaas, ayaa xusay in ay tallaabo militari kaga jawaabi dooonaan, haddii ciidamada Federaalku ay cag soo dhigaan taaka kamid ah dhulka Puntland. Guddoomiyaha sidoo kale tilmaamay, in qorshaha Villa Somalia uu yahay mid ballaaran oo la doonayo in lagu qabsado dhulka Nabadda ah ee dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamo la geeyay gobolka Gedo. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay tallaabo militari ka qaadayso dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah Muqdisho ayaa muuqaal uu soo duubay kaga hadlay tallaabadii raalli-gelinta aheyd oo uu dhowaan sameeyey madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Ugu horreyn Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go’aanka madaxweyne Farmaajo, kuna faraxsan yahay inuu raalli-gelin siiyo reer Somaliland. “Walaalkaa haddii ay candhuuftaadu gaarto waa inay gacantaadu gaartaa ayey dhahaan runtii marka kiiskaas aad iyo aad waan ku farax sanahay, meel wanaagsana waa dhacay” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lala soo daahay raalli-gelinta, islamarkaana ay habooneyd inay dhacdo markii la riday nidaamkii markaasi jiray. “Waxa ay aheyd sida runta ahi in markiiba nimaadkaasi la riday warkaasna inuu dhaco”. ayuu markale yiri Sheekha. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynuhu qaaday tallabo geesinimo leh, isaga oo Somaliland ay u heysatay inuu qaaday jidkii adeerkiis, sida uu hadalka u dhigay. “Isaga hadda waxaa loo heystay beryahaan oo raggaasi u heysteen dariiqii adeerkii ayuu ku joogaa, marka hadane in isagu kiiskaas uu yiraahdu runtii aad ayey ugu haboon tahay”. ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Sheekh Xasan Daahir Aweys. Raalli-gelinta uu bixiyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo aad loo boggaadiyey ayaa waxaa lagu soo aadiyey, xilli uu todobaadkii hore Addis Ababa kula soo kulamay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.
-
Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen Al-Shabaab xili ay ku sugnaayeen Duleedka Magaalada Baydhabo. Ciidamada ayaa iska caabiyey weerarka Argagixisada ay [...] Source
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun xabsi ah ku ridday mas’uul ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir oo lagu helay in uu horey uga tirsanaa Al-Shabaab. Maxkamadda ayaa shan sano oo xabsi ah ku ridday ku-simihii Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir, Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) oo lagu helay in uu ka tirsanaa Al-Shababa, isla markaana uusan soo marin habka is diiwaan gelinta Dadka ka haray fikirka Al-shabaab. Mas’uulkan xukunka lagu riday ayaa laga soo dhex xiray xarunta gobolka Banaadir , waxaana xariggiisa yimid kadib qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng; Cabdiraxmaan Yariisow. Dhinaca kale Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa dambi ku weysay Cabdulaahi Cabdi raxmaan Maxamed oo walaalo ahaayeen Basiira oo Agaasimo ka ahayd Gobolka Banaadir oo lagu eedeeyay in qaraxii xarunta ka dhacay ay iyadu ka dambeeysay. Laamaha ammaanka dowlada Soomaaliya ay maxkamadda fartay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa ninkaas. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Maxkamada Ciidamada oo xukun xabsiya ku riday mas’uul lagu helay Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.
