Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,385
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo warramayaa in maanta howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaan gobolka Sh/ Hoose. Howlgllada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay ka socdaan inta u dhexeysa degmada Qoryooley iyo deegaanka Golweyn ee gobolkaasi. Ujeedka dhaq dhaqaaqyadaan ayaa lagu sheegay inay la xariiraan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi. Guddoomiyaha deegaanka Golweyn, Maxamed Sheekh Cismaan (Islow) oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Jaamac-1-1.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka, islamarkaana deegaan doorashadeedu tahay Somaliland ayaa ka hadashay safarka la sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ku tegayo magaalada Hargeysa. Fowsiyo oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso ‘safarka Farmaajo’, islamarkaana ay bogaadineyso. Sidoo kale waxa ay sheegtay in tallaabadaan ay tahay mid aad loogu farxo, ka xildhibaan ahaana ay soo dhoweyneyso. “Waxa aan leenahay Madaxweyne Farmaajo ku dhaqaaq go’aanka aad uga dageysid Magaalada Hargeysa, waana ku bogaadinayaa tallaabadaas oo ah runtii wax lagu farxo, diyaarna u noqdo wax waliba uu kala kulmo”. ayey wareysigaan ku tiri Fowsiyo. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay soo dhaweyneyso dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ee uu ku doonayo inuu isugu soo dhaweeyo madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Somaliland. Ugu dambeyn Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo mar soo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa carabka ku adkeysay in xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, islamarkaana ka soo jeeda gobollada waqooyi inay Muqdisho u joogaan midnimada iyo israaca Soomaaliya iyo Somaliland. “Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ee deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, waxa ay halkaan u joogaan Midnimada iyo in ay Soomaali is raacdo, oo ay dib u hesho sharafteeda iyo karaamadeeda, waynu taageereenaa hab waliba oo lagu gaari karo”. ayey hadalkeeda ku soo gabagabeysay xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan. Safarka la sheegay in Farmaajo iyo Abiy ku tegayaan markii ugu horreysay magaalada Hargeysa ayaa noqday mid aad loo hadal hayo, waxaana ku kala qeybsamay mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka Somaliland oo siyaabo kala duwan uga hadlay arrintaasi.
  3. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug garabka Ahlu sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxa uu kaga dhawaajiyay in xaaladda Galmudug ay haatan u muuqato mid deegaanada maamulkaasi lagu beerayo Al shabaab, isaga oo arrinkaasi si aad ah uga digay. Sidoo kale warka ka soo baxay Ahlu sunna ayaa lagu caddeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku guul dareysatay in deegaanadaasi ay ka dhisto maamul loo dhanyahay, taas badalkeedana waxa ay dowladda ku eedeeyeen in ay dhistay maamul ay iyadu wadato islamarkaana ay ku doonayso in ay ku hesho xildhibaanada cusub ee 2021. Dhanka kale Sheekh Shaakir ayaa dowladda, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamla ugu baaqay in Galmudug laga dhiso gole loo dhanyahay, kaas oo uu tilmaamay in lagu ilaalinayo nidaamka federaaleynta. Sheekh Shaakir ayaa dhinaca kale ka digay in ciidamada ay soo tababareen Turkiga iyo Mareykanka loo adeegsado burburinta, caburinta shacabka iyo dhiira galinta Al shabaab. Ugu dambeyn Ahlu sunna waxa ay sheegeen in doorashada Galmudug ay la mid noqon doonto tan dalka ka dhici doonta sanadka 20201. Halkaan ka akhriso bayaanka Ahlu sunna ayaa 29-kii Janaayo waxa ay madaxweyne u doorteen Sheekh Maxamed Shaakir cali Xasan, waxaana la ogeyn halka uu ku dambeyn doono khilaafka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Shabelle u sheegay inay maqlayeen daryanka hub culus oo ay is weydaar sanayeen labada dhinac. Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay dagaalkaas ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac, balse xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidanka huwanta. View the full article
  5. Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa cambaareeyay dilka Wariye Cabdiwali Cali Online oo ka tirsanaa Universal Tv iyo Idaacadda Kulmiye. Wariyaha ayaa shalay gelinkii dambe kooxo hubeysan waxa ay ku dileen degmada Afgooye kuwaas oo la sheegay inay ku raad joogaan hay’adaha ammaanka. Sidoo kale Maareeye ayaa tacsi u diray qoyskii iyo ehelkii uu ka geeriyooday Marxuum Cabdiwali Cali Online. Ugu dambeyn wuxuu wasiirku tilmaamay inay xooga saari doonaan sidii lagu soo heli lahaa kooxihii ka dambeeyey dilkaasi. View the full article
  6. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo xalay lagu qaaday ciidamo ku sugnaa isgoyska Afarta Darjiin ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa si gaar ah loola beegsaday barkoontarool oo ay ciidamadu ku baarayeen gaadiidka isaga kala gooshada wadadaasi. Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaan, iyadoo raggii fuliyey ay goobta isaga baxsadeen. Sidoo kale ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa howlgallo kooban ka sameeyey halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada, kuwaas oo u badnaa dilal qorsheysan. View the full article
  7. Ciidamada Dawlada Suuriya ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Xalab oo ka mid ah degaanadii ay iska hor imaadyada xoogani ku dhex mareen kooxaha mucaaradka dalkaasi Suuriya. Warbaahinta dalkaas ayaa xaqiijisay in ciidamada xukuumadda Suuriya ee ka amar qaata Madaxweyne Bishaar Al-sasad ay si buuxda ugu suurta gashay inay hantiyaan gacan ku haynta magaalada Xalab oo ka mid ah deegaanada ugu muhiimsan ee dhinacyada Suuriya isku haya ay doorbidayeen gacan ku haynteeda. Dhanka kale wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in 4 ruux oo rayid ah ay ku dhinteen qarax ka dhacay magaalada Tal-abyad ee waqooyiga dalka Suuriya. Qaraxa ayaa waxaa sababay gaari lagu soo raray walxaha qarxa oo la dhigay waddo dhinaceeda oo ah meel ay dadku ku badan yihiin. Gaariga qarxay ayaa la sheegay in laga hagayay rimuudka gacanta. Laamaha amniga ayaa rumeysan in qaraxaasi ay fuliyeen kooxaha argagixisada ee dalka Suuriya muddooyinkii dambe weerarada ka geysanayay kuwaasi caadaystay dhibaateynta shacabka iyadoo waddada la dhigay qaraxa ee magaalada Tal-abyad ay si joogto ah u isticmaalaan ciidamada Suuriya ee dagaalka kula jira kooxaha mucaaradka iyo argagixisada dalkaasi. PUNTLAND POST The post Ciidamada Bishaar Al-sasad oo si buuxda ula wareegay magaalada XALAB appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-170220.mp3 View the full article
  9. Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Bakool saacadihii la soo dhaafay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab ku soo bandhigay degmada Xudur ee caasimada gobolkaasi. Sarkaalkan oo 11 sano ka tirsanaa kooxdaas, islamarkaana ka soo jeeda degmada Xudur ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Colaad Cabdriaxmaan Xerow. Guddoomniye ku xigeenka dhanka amniga ee magaaladaasi, Ibraahim Isaaq Ibarahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ninkaan uu xiriir la soo sameeyey ciidamada, kadibna uu isku soo dhiibay, sidaasina ay ku soo dhoweeyeen ciidamada dowladda. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo sarkaalka isa soo dhiibay oo deegaanka u dhashay. Dhankiisa Colaad Cabdriaxmaan Xerow oo la hadlay wariyeyaasha ayaa tilmaamay inuu Al-Shabaab ugu shaqeyn jiray darawalnimo, haatana uu isaga soo baxay fikirkooda. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dagalaayahannada Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan arrinta sarkaalkaasi. Na’ahan sarkaalkii ugu horreeyey ee isku dhiiba ciidanka dowladda ee ka howlgala gobollada Baay iyo Bakool, tan iyo markii la kordhiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
  10. Marxuum Cabdiweli Online Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), ayaa si adag u cambaareeyay dilka wariye Cabdiweli Cali Xasan (Cabdiweli Online) oo lagu toogtay degmada Afgooye, Gobolka Shabeelaha Hoose maalinimadii Axaddii 16 Febraayo, 2020. Dad aan la aqoonsan, ayaa wariyaha madaxa iyo feeraha kaga dhuftay dhowr xabbadood, taasoo sababtay inuu dhaawac daran soo gaaro, xilli uu u socday hoygiisa oo ku yaalla Xaafada Xaawo Taako ee degmada Afgooye, sida ay SJS ka soo xigatay xubno ka tirsan qoyskiisa iyo wariyaal ay wada shaqeeyeen. Wariye Cabdiweli, ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, intii loo sii waday isbitaalka., waxaana goobta ka baxsaday Kuwii dilkiisa geystay. “Waxaan cambaareyneynaa sida ugu adag dilka saaxiibkeen Cabdiwali Cali Xasan, oo lagu dilay Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Afgooye. Allah Ha u Naxariistee, Cabdiwali waxaa toogtay rag hubeysan oo aan la aqoonsan xilli uu u socday hoygiisa.” sidaasi waxaa yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliya ee (SJS). “Waa maalin kale oo murugo u ah bahda saxaafadda Soomaaliya. Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose inay baaritaan deg deh ah billaabaan, ayna soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha oo ay horkeenaan sharciga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Mumin. Dilka Cabdiwali Cali Xasan, waa kii ugu horreeyay ee sannadkan 2020 wariye loogu gaysto gudaha Soomaaliya. Allaah Ha u Naxariistee wuxuu wariye Cabdiwali oo ahaa 25 jir, dunida kaga tagay xaas iyo labo carruur ah. PUNTLAND POST The post Ururka Suxufiyiinta Soomaaliya oo si adag u cambaareeyay dilkii weriye Cabdiweli Online appeared first on Puntland Post.
  11. Sarkaalka isa soo dhiibay Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Degmada Xudur Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegeen in uu isku soo dhiigay Sarkaal in muddo ah ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab. Sarkaalkaas ay soo bandhigeen Ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya oo magaciisu yahay Colaad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu Al-shabaab ku biiray sanadkii 2009-kii. Sidoo kale Colaad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka waddista gaadiidka. Guddoomiyaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Ibraahim Isaaq Ibraahim oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Colaad baaritaano dheeraad ah lagu samayn doono si loo hubiyo. Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ayaa horay dhawr jeer soo bandhigay Saraakiil iyo dagaalyahano ka soo goosatay Al-shabaab kuwaas oo isku dhiibay ciidamada dowladda. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo isu dhiibay Ciidamada dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  12. Wefdi ka tirsan dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Degaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gamadiid oo ay weheliyaan Wasiir ku xigeenka wasaaradda Sucaad Saalax Nuur iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer shaqo ku tegay Degaanka Beeraha iyo dalxiiska caanka ku ah ee Laag oo ka tirsan degmada Boosaaso. Waftigaas oo la socdeen saraakiil ka tirsan xafiiska latalinta madaxweynaha Puntland iyo iskaashatada Beeralayda ayaa waxay u kuurgaleen xaalada Beeralayda degaanka Laag oo kamid ah degaanada lagu yaqaaano waxsoosaarka iyo tabaca beeraha waxaana ay la kulmeen bulshada magaalada Laag kuwaas oo uga waramay xaaladda beeraha Laag. Beeralayda Laag oo aad u beerta Timirta iyo geed miroodyo kale ayaa wasiirka iyo waftigiisa uga waramay xaalada beeraha iyo caqabadaha haysta iyagoo soo dhaweeyayn u sameeyay waftigaas booqday. PUNTLAND POST The post Wefdi ka socda dowladda Puntland oo booqday Beeraha Laag appeared first on Puntland Post.
  13. Wasiir Ku xigeenka Arimaha Dibbada Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, oo qoraal kooban soo dhigay batiisa Twitter-ka, ayaa jawaab ka bixiyay Wararka ku saabsan in madaxweyne Farmaajo uu booqan doono magaalada Hargeysa. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur, islamarkaana madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan gebi ahaanba imaan doonin caasimadda Somaliland ee Hargeysa. “Booqashada Farmaajo ee Magaaladda Somaliland gabi ahaanba waa Riyo maalmeed & Howl aan macquul aheyn !!. Go’aanka dowladnimo ee SL wuxuu u taagan yahay ilaalinta jiritaankiisa iyo degenaanshaha ” ayuu Wasiirka. Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay shacabka Somaliland oo si carol eh uga falceliyay wararka la xiriira imaatinka madaxweyne Farmaajo ee Somaliland” Waxaan u mahadcelinayaa shacabka reer Somaliland ee wadaniyadda iyo feejignaanta badan.” Xukuumadda Somaliland, waxay dhinaca kale beenisay warar ay Saxaafaddu qortay oo sheegaya, in Golaha Wasiirada Somaliland ay ka shireen socdaalka madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa. PUNTLAND POST The post Somaliland oo si rasmiya u beenisay Socdaalka madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug garabka Ahlu-Sunna Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa war ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya. Warka ka soo baxay Sheikh Maxamad Shaakir Cali Xassan, ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda siyaasadeed wakhti xaadirkan ka taagan degaanada Galmudug. Shiikh Shaakir ayaa dowladda Federaalka soomaaliya, dowlad Goboleedyada iyo Beesha caalamka waxaa uu ugu yeeray in la dhiso gole loo dhanyahay oo u xil-saaran Federaalnimada, dimoqoraadiyada & doorashooyinka gobolada inta uu dalka helaayo xasilooni siyaasadeed oo degan. Qoraalka Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale waxaa looga digay in Ciidamada ay tababareen Wadamada Mareykanka iyo Turkiga loo adeegsado caburinta Shacabka iyo dano siyaasadeed “Waxaan bulsho waynta Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Galmudug iyo beesha caalmaka u cadaynayaa in dowladda federaalka ay ku guul-daraysatay in loo dhiso Galmudug maamul loo dhan yahay, taas bedelkeeda waxa ay dhisatey maamul ay wadato kaas oo dowladda dhexe ku doonayso in ay xildhibaano taageersan ku hesho doorashada 2021 si madaxda hadda jirta ay u soo noqdaan” ayuu yiri Sheikh Maxamed Shaakir. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post Ahlusunna oo dalbatay in la dhiso gole cusub oo dalka xasilooni gaarsiiya appeared first on Puntland Post.
  15. In a country that has endured three decades of chaos — from extremist attacks and environmental crises — the responders, medics, road-builders and educators are often not government workers, but young volunteers. Source: Hiiraan Online
  16. Waxaa Maanta Shir Deg-deg ah degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ku yeeshay labada Golle ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Shirkaan ayaa waxaa shir Guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, waxaana looga hadlay Xaaladda degmooyinka Beled-xaawo, Luuq ee Gobolka Gedo iyo arrimo kale. Shirka ayaa markii uu dhamaaday kadib labada Golle ee Jubbaland waxaa ay soo saareen War-Murtiyeed ka kooban dhowr qodob. Labada Golle ee Jubbaland ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay faragelin ka wado Gobolka Gedo, isla markaana degmooyinka Gobolka ay ka abaabushay jabhad la-dagaalanka nidaamka iyo kala dambeynta dowladnimada dalka. Ugu dambeyntii Jubbaland ayaa dowlad Goboleedka dalka ka jira, hay’adaha Garsoorka dalka, Madasha Xisbiyada Qaran iyo Beesha Caalamka ugu baaqday inay si deg deg ah u soo farageliyan xaalada cakiran ee ka jirta Gobolka Gedo. Ugu dambeyntii Jubbaland ayaa dowlad Goboleedka dalka ka jira, hay’adaha Garsoorka dalka, Madasha Xisbiyada Qaran iyo Beesha Caalamka ugu baaqday inay si deg deg ah u soo farageliyan xaalada cakiran ee ka jirta Gobolka Gedo. PUNTLAND POST The post Jubaland oo war xasaasiya ka soo saartay Xaaladda gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
  17. CHICAGO (Reuters) - A jam-packed United Center fell silent for eight seconds before Sunday’s 69th NBA All-Star game as some 21,000 fans joined hands to pay their respects to the late Kobe Bryant, the global sports icon who dominated professional basketball for two decades. Source: Hiiraan Online
  18. The Turkish forces have brought in 2,000 military vehicles into northern Syria over the past 12 days, a war monitor reported on Saturday. Source: Hiiraan Online
  19. ST. CLOUD — Right now, Fartun Jama's store is small. It's one room in a one-story brick building on East St. Germain St. But Jama has big plans. Macy's department store-sized plans. Stores-around-the-world plans. Source: Hiiraan Online
  20. Somaliland has rejected a planned joint visit by Somali president Mohamed Abdulahi Farmaajo and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed. Source: Hiiraan Online
  21. Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa ka hadlay Marxalada Kala guurka ah ee Soomaaliya iyo doorashada 2021-ka. Mr Geelle oo haatan ah musharrax u taagan doorashada 2021-ka ayaa si adag ugu nuux-nuuxsaday in aan marnaba madaxda sare ee dowladda Federaalka la aqbli doonin in ay mudda kororsi sameeyaan. Musharrax ayaa tilmaamay in ay hadda dareemayaan hal sano iyo wax ku siman in ay Villa Somalia damacsan tahay mudda kororsi iyo in ay Xilligeeda Xukunka ay wax ku darsato. “Lagama sugayo Dawladeenu inay Muddo xilleedkeeda wax ka badan sii joogto,hore uma dhicin iyaguna lagama rabo inay sameeyaan Mas’uuliyiinta Xilka heysa” ayuu yiri Daahir Geelle. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo looga digay in ay mudda kororsi samayso appeared first on Puntland Post.
  22. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna, Dr Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Beesha caalamka in ladhiso gole loo dhan yahay oo u xil-saaran federaalnimada, dimoqoraadiyada iyo doorashooyinka gobolada inta uu dalka helaayo xasilooni siyaasadeed oo degan. Qoraal kasoo baxay Sheekh Shaakir, ayaa sidoo kale looga digay in ciidamada ay tababareen wadamada Mareykanka iyo Turkiga ee GORGOR iyo HARAMCAD loo adeegsado caburinta shacabka iyo dano siyaasadeed, oo gaar ah. Sheekh Shaakir ayaa sheegay in xaaladda Galmudug ee iminka ay u muuqato mid Al-Shabaab “dib loogu beerayo” dhulkii horay looga sifeeyey ee Galmudug, taasina ay tahay arrin aysan Ahlu-Sunna aqbali karin. “Waxaan bulsho waynta Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Galmudug iyo beesha caalmaka u cadaynayaa in dowladda federaalka ay ku guul-daraysatay in loo dhiso Galmudug maamul loo dhan yahay, taas bedelkeeda waxa ay dhisatey maamul ay wadato kaas oo dowladda dhexe ku doonayso in ay xildhibaano taageersan ku hesho doorashada 2021 si madaxda hadda jirta ay u soo noqdaan,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir. “Waxay u muuqataa in doorashooyinka 2021 la mid noqon doonto tan Galmudug haddii aysan beesha caalamku dadaal cusub oo arrinkan wax looga badalayo la imaan,” ayuu yiri. Hoos ka aqriso qoraalka Ahlu-Sunna