-
Content Count
214,385 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-17022020-ww.mp3 View the full article
-
Xubno ka tirsan Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda degaannada Puntland ayaa maanta ka hadlay sida loo dhammeeyay Khilaafkii ka taagnaa bixinta Shahaadaha heer Federaal ee Ardayda Puntland oo ay horay u siyaasadaysay Xukuumadda Soomaaliya. Maxamuud Axmed Ciise Maas oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in kulamo ay la qaateen Madaxda Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo ay Villa Somalia ku garowsatay in aan la siyaasadayn Mustaqbalka Ardayda islamarkaana shahaadada heer Federaal la siiyo Ardayda Puntland. Sidoo kale Xildhibaan Daahir Maxamed Muuse ayaa isna soo jeediyay in aan la siyaasadeyn Waxbarashada Ardayda iyada oo dano gaar ah laga eeganayo waxaana uu dalbaday in aan gor-gortan la gelin Mustaqbalka Ardayda sida uu hadalka u dhigay. Siciido Maxamed Xasan iyo Xaawo Yuusuf Axmed oo katirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay sheegeen in doorkooda ay ka qaadanayaan sidii looga gudbi lahaa wax waliba oo kala fogeyn kara Dowladda Federaalka iyo Puntland. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno ka hadlay xalkii laga gaaray bixinta Shahaadada heer Federaal ee Ardayda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Xisbiga Waddani oo kamid ah xisbiyada mucaaradka Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dadka reer Hargeysa ay baadi goobayaan madaxweynaha Maamulkaas Muuse Biixi Cabdi. Barkhad Jaamac Batuun oo ah Afhayeenka Xisbigaas ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu ka dhuumanayo shacabka Somaliland isla markaasna laga rabo inuu caddeeyo tuhunka ka jiro safarka Madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa. “Si guud labadii sano ee uu xilka hayey madaxweyne Biixi muuqaal kastoo saxaafadu ka duubto iyo muuqaalkastoo ka hadlo wuxuu ku maagayey Farmaajo, labadii habeen ee u dambeysayna waxay bulshadda Somaliland baafineysaa madaxweynahooda,” ayuu yiri Barkhad Jaamac. Afhayeenka ayaa tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee uu qaaday Madaxweyne Muuse Biixi ku sheegay inay ahaayeen kuwa liddi ku ah jiritaanka iyo dastuurka Somaliland. Afhayeenka Xisbiga Waddani ayaa ugu baaqay Madaxweyne Muuse Biixi inuu si deg deg ah cafis furan u waydiisto Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Somaliland. Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Xisbiga Waddani ayaa kusoo aadayo xilli Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan uu sheegay inaysan suurtagal aheyn in uu Madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa. Wasiirka ayaa safarkaasi Farmaajo ee la sheegay inuu ku imanayo Hargeysa ku tilmaamay mid ah ‘Riyo maalmeed’ aan marnaba suurto gal noqon karin.
-
National Union of Somali Journalists (NUSOJ) is deeply troubled by the assassination of Abdulwali Ali Hassan also known as “Online” who was killed in Afgoye town of Lower Shabelle Region, 30 KM south of Mogadishu. Abdulwali Ali Hassan was shot and wounded by men armed with pistols on Sunday evening (16 February 2020) at around 18:53 while he was on his way back from duty. He has been a freelance reporter with Mogadishu-based Kulmiye Radio and Universal TV. He later succumbed to the injuries he sustained in Mogadishu where he was taken for a medical emergency. “We express our anger and condemnation at the killing of Abdulwali Ali Hassan, the latest victim in this ongoing cycle of intimidation, violence, and murder against journalists in this country,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. “The killers wanted to silence one of the few independent voices coming from Afgoye. They won by killing our colleague.” “We demand a quick & thorough investigation This cold-blooded murder and apprehension of those who killed Abdulwali. The absence of justice for those who use the right to free expression in the media is unacceptable. Killers must face the full force of the law, and that responsibility squarely lies with the authorities of the federal government and the Southwest Administration in Afgoye,” stated Osman. Journalists in Afgoye told NUSOJ that Abdulwali has been receiving threatening calls from a caller who have hidden their telephone numbers but widely suspected to be Al-Shabaab. They also believe that he was killed because of his recent reports about the local security situation as the late journalist was covering the recent build-up and movements by the Somali National Army (SNA) in Lower Shabelle region. “I have ordered the security agencies in the Afgoye District to conduct an official investigation into the murder of Abdulwali Ali Hassan, apprehend killers and hand them over to the justice authorities. Abdulwali Ali has been working closely with our regional administration to cover important events and we cannot allow him to be silenced so easily” said Ibrahim Adan Ali “Najah”, Governor of Lower Shabelle Region. While no one has claimed responsibility for the murder yet, the murder resembles operations by Al-Shabaab, which did not like the reporting of the journalist on SNA movements, according to local authorities. “We send our respects to the family, friends, and colleagues of Abdulwali Ali Hassan who died for doing his cherished job to ensure that the truth is told in his own town of Afgoye,” added Osman. Abdulwali, 25, is sadly the first journalist to be killed in Somalia this year and is survived by a wife and 2 children. His death comes amid growing demands for a credible, functioning and effective national safety mechanisms for the protection of the safety of journalists. View the full article
-
(SLT-Berlin)-Safiirka Mareykanka ee Germany ayaa Axaddii sheegay in madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay inuu joojin doono sirdoonka uu la wadaago dalalka la macaamila shirkadda Shiineeska ee Huawei. Washington ayaa dalalka xulufada ah la ah ku cadaadineysa inay mamnuucaan adeegsiga barnaamijka 5G ee Huawei, oo ah mid ka mid ah shirkadaha teknoolajiyadda ee ugu weyn caalamka, sababo la xidhiidha halis amni. Safiir Richard Grenell ayaa yidhi “Trump wuxuu igu amray inaan caddeeyo in dalkii doortaa inuu isticmaalo adeegga aan la aamini karin ee 5G ee Huawei, uu halis gelinayo awoodda aan kula wadaagi karno akhbaaraadka sirdoon ee heerka sare.” Grenell ayaa barta twitter-ka ku sheegay in Trump uu Axaddii kasoo wacay diyaaradda Air Force One ee madaxweynaha, si usoo gaadhsiiyo farriintan. Dalal badan oo Europe ah islamarkaana xulufo la ah Mareykanka, sida Britain iyo France, ayaa sheegay in ayna ka mamnuuci dooni Huawei inay u dhisto shabakadaha 5G balse ay kusoo rogi doonaan xannibaado. Jawaabta Mareykanka ee shaacsan waxay ahayd mid xaddidan, hase yeeshee Trump ayaa lagu warramay inuu aad ugu cadheysan yahay London. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Shirka Amniga Munich u sheegay Sabtidii in Huawei ay tahay “faraska dheereeya ee sirdoonka Shiinaha.” Shirkadda Huawei waxay si kulul u beenisaa eedeymaha Mareykanka, islamarkaana Beijing ayaa sida loola dhaqmayo ku macneysay “awood sheegasho dhaqaale.” AFP Source
-
By Simeon Kerr, Financial Times. 17 February 2020. Dubai is to delist state-controlled DP World as it seeks to pay back debt owed by the ports operator’s parent Dubai World. DP World and its majority owner Port and Free Zones World on Monday offered to pay a 29 per cent premium to acquire the 19.5 per cent of DP World listed on Nasdaq Dubai to take the ports operator private. As part of the transaction, PFZW would pay $5.15bn to its parent Dubai World to help repay debt to bank lenders “so that DP World can implement its strategy without any restrictions from Dubai World’s creditors”. The move to take DP World private comes as Dubai struggles to steer itself out of a five-year economic slowdown triggered by the 2014 collapse in oil prices and growing geopolitical turmoil. The region’s petrodollar recycling hub has faced a decline in real estate prices amid slow tourism, trade, retail and job growth as it is set to grapple with a series of upcoming loan negotiations. Dubai and its state-related entities may seek to restructure a chunk of $23bn in loans maturing through 2021, Fitch said last year. While the delisting deal would see the ports operator take on an additional net debt of $8.1bn, DP World said it expects to receive an investment grade rating from Fitch and Moody’s. PFZW and DP World are committed to a “progressive deleveraging strategy” and would eventually seek to refinance parts of its debt with longer term maturities. DP World, which operates in more than 50 countries, said going private would allow it to take a longer term view on the ports and logistics business, rather than being beholden to public markets’ short-term view on capital allocation and shareholder returns. Dubai World, a conglomerate built around the ports operator that extended into real estate, hospitality and leveraged international investments, was at the centre of the emirate’s debt crisis in 2009, when Dubai had to rely on $20bn in bailout loans from Abu Dhabi and the United Arab Emirates central bank to prevent a sovereign default. Senior Dubai official Mohammed al-Shaibani last month took over as chairman of Nakheel, the developer previously owned by Dubai World, which has been hit hard by a slide in property prices by 40 per cent since their last peak in 2014. Nakheel’s extensive leverage triggered the 2009 debt crisis when the city’s real estate bubble burst in 2008. DP World this month reported a 1 per cent rise in container volumes last year, compared with 2.9 per cent year-on-year growth in 2018, saying it had been a “challenging year” due to trade disputes and tensions in the Middle East. Sultan bin Sulayem, chief executive, said that 2019 was “a challenging year with the trade war between China and US and regional geopolitics causing uncertainty in the market”. Source: Financial Times The post Dubai’s port operator DP World to return to private hands appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - A freelance journalist who was shot dead in Afgooye Monday had received death threats from the militant group Al-Shabaab in 2019 over his reporting, a journalists’ group has said. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dareenkoodu mar qudha cirka isku-shareeray, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la weedhaaminayo qorshe Madaxweynaha Maamulka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu ku imanayo Magaalada Hargeysa, taas oo sida la tibaaxay ay ku howlan yihiin hoggaamiyeyaal ay kamid yihiin Reysal-wasaaraha Itoobiya Abbiy Axmed. Qorshahan oo sida la dareensan yahay daba socda isku day uu dabayaaqadii sannadkii hore Abbiy Axmed dalab arrintaasi la xidhiidha ugu soo gudbiyey xukuumadda Somaliland, balse xilligaasi dhicisoobay, ayaa inkasta oo hubanti badan aan laga haynin xaqiiqanimadiisa, haddana sida uu ka dhawaajiyey guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleeban Maxamuud Aadan u muuqday in uu dhab yahay, taas oo mar qudha bedeshay shucuurta bulshada. Guddoomiye Saleeban ayaa tilmaamay in reysal-wasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo aanu magac dhabin ka shaqaynayaan in ay Farmaajo keenaan Hargeysa, waxaanu ka muujiyey diidmo cad isagoo yidhi “Waar hanoo keenina Farmaajo, haddii aanu ku imanayn isagoo ah qof shacab ah”. Dhinaca kale, Dadweynaha Somaliland ee daafaha caalamka kala jooggga, ayey arrintani laf-dhuun gashay ku noqotay, isla markaana ma dhacdo ku tilmaamay, waxaana ra’yul caamka bulshada laga dareemayey jawi cadho badani ka muuqato. Geesta kale, Siyaasiyiin isugu jira mucaarid iyo muxaafid oo gooni-gooni warbaahinta uga hadlay, ayaa dhamaantood filan-waa iyo qorshe fashilan ku sifeeyey qadiyada fool-eriga ah ee la sheegay in uu wato Reysal-wasaare Abiy. Qaar kamida Dadweynaha oo la hadlay Wargeyska Dawan ayaa sheegay in imaanshiyaha Farmaajo ee Somaliland uga dhigan tahay in xukunkii Siyaad Barre dalka dib u qabsaday, isla markaana aanay dawladda ka aqbalayn in ay ogolaato qorshahaasi, isla markaana Somaliland ay tahay nidaam ku dhisan rabitaan shacab “Maxaanu ku dhimanaynay, maxaa raggayagii ku dhintay, ee xabsiyada ugu jireen, ee xabbada loola dhacay, haddii uu Ninka xamar xukumi kari waayey Hargeysa dhayal ku imanayo.”sidaasi waxa tidhi Khadra Ibraahim Axmed oo kamid haweenka reer Hargeysa. “Farmaajo haddii uu Hargeysa nabad ku yimaado, nabad kaga tegi maayo oo raggii dalka xoreeyey waa jooggaan, sidaa ha u ogaadaan kuwa leh waxaanu keenaynaa Hargeysa” sidaasina waxa yidhi mid kamida aqoonyahanka reer Hargeysa oo magaciisa ku soo koobay Cali Daahir. Si kastaba ha xaalku ha noqdee, shacbiga somaliland, gaar ahaan waayeelka, dhalinyarada, haweenka iyo da’ihii soo gaadhay wakhtigii halganka dib-u-xorayntu socday ee goob-joogga ka ahaa gabood-falladii Dawladda Soomaaliya ka geysatay magaallooyinka Hargeysa, Burco iyo meelo kaleba, ayaa waxa ay arrintani ku kicisay xannuun ka dhashay doogtii ay kaga tageen dhibaatooyinkaasi. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintan dareenka shacbiga kicisay oo illaa hadda ka soo baxay Xukuumadda Somaliland, hase ahaatee sida ay ilo-wareedyada dhinaca Dawladda laga helay tilmaamayaan, waxa socda shirar is-daba joogga oo ay Xukuumadda iyo Hay’addaha kale ee Dawladdu kaga tashanayaan mowqifka lagu waajahayo qorshaha ay maleegayaan Abbiy Axmed iyo daneeyayaasha kale ee diblomaasiyadeed. Somaliland ayaa Itoobiya la leh xidhiidh dhinacyo badan khuseeyo oo soo jiireen ah, kaasoo ahmiyad weyn u leh xasiloonida iyo horumarka qoomiyadaha dalkaasi, waxaana la filayey in uu xidhiidhkaasi sii xoogaysto sannadaha soo socda, maadaama uu iminka furmay albaab cusub oo Iskaashi dhaqaale ay ku wadagayaan labada dawladood mashruuca maal-gelinta dekedda Berbera oo dhinacyada ku shuraakoobay kamid yihiin labada dal. Hase ahaatee, dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in haddii Itoobiya ay si ka fiirsasho la’aan ah ku dhex gasho arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, ay caqabad weyn oo halisteeda leh kala kulmi karto, sidaasi darteed loo baahan yahay in aanu Reysal-wasaare Abbiy wakhtigan ku deg degin arrinta cakiran ee Muqdisho iyo Hargeysa. Source
-
(SLT-Yemen)-Dhinacyada isku haya dalka yemen ayaa isku raacay in ay is dhaafsadaan maxaabiista ay iska hayaan sida ay ku warameeso Qaramada Midoobay. Heshiiskan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay uu sara usii kacayay dagaalka u dhaxeeya falaagada Xuutiyiinta iyo Isbahaysiga uu hogaamiyo Sucuudiga ee taageero dowladda Yemen. Ku dhawaaqista isdhaafsiga maxaabiista ayaa lasugayay mudo dheer iyadoona heshiiskan ugu danbeen uu ka dhacay magaalada caasimada u ah dalka Jordan kadib maalmo uu halkaasi kulan kaga soconayay ergooyin kasocda falaagada Xuutiyiinta iyo dowladda uu caalamku aqoonsanyahay ee dalka yemen. Source
-
(SLT-Khartoum)-Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar xasan Albashiir oo hadda ku xidhan xabsi ku yaalla dalkaasi ayaa lagu soo oogay eedaymo cusub oo ah Musuqmaasuq, Maalgalin ururo argagixiso iyo eedaymo kale. Xeer Ilaaliyaha ee Suudaan ayaa sheegay inay suurtagal tahay in madaxweynihii hore inuu qayb ahaan masuul ka ahaa maalgalinta ururka akhwaanul muslimiin iyo ururo kale oo argagixiso oo caalami ah, Albashiiri waxaa kaloo lagu soo eedeeyay inay haystay lacago sharci darro ah iyo inuu ka iibiyay maalgaliyayaal ajnebi ah saamiyo shirkadaha telefoonada ee Mobitel iyo MTN ee Suudaan Toddobaadkii hore, xukuumadda kumeel gaadh aha ee Suudaan ayaa go’aansatay in madaxweynihii hore lagu wareejiyo Maxkamada dambiyada ee aduunka ee ICC. Albashiir ayaa loo haysto eedaymo la xidhiidh inuu dambiyo dagaal ka gaystay gobolka Daarfuur ee Suudaan. Cumar Xasan Albashiir oo muddo 30 sanno xukumayay dalka Suudaan ayaa xukunka laga tuuray bishii April ee sanadkii hore kadib markii ay dalkaasi ka dhaceen banaanbaxyo dhiig badani ku daatay oo looga soo horjoogay xukunkiisa. Source
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ee faraca Soomaaliya ayaa dagaalyahanno cusub ku soo bandhigtay dhulka buuraleyda ee gobolka Bari. Dagaalyahannadaan oo aad u hubeysan ayey kooxdu ku soo bandhigtay xero ku taalla halkaasi, taas oo loogu magac daray hoggaamiyihii la dilay ee Abuubakar Al-Baqdaadi. Sawirro laga soo qaaday dagaalyahannadaasi ayaa muujinaya, iyaga oo tababar ku qaadanaya gudaha xeradaasi. Sidoo kale dagaalayahannada ayaa sameynayey dhoolatus xoogan, iyaga oo xiran dhar tuuta ah, sidoo kalena uu u duubnaa wejiga. Kooxda Daacish oo si aad ah ugu xoogan Puntland ayaa muddooyinkii dambe is ballaarineysay, waxaana ay dhaq dhaqaaq ka waday buuraleyda gobolka Bari. Bishii September ee sanadkii hore ayey sidoo kale aheyd markii ay soo bandhigtay dagaalyahanno badan oo dhoolatus ciidan ka sameynayey halkaasi. Daacish oo qatar ku ah amniga guud ahaan Puntland ayaa inta badan weeraro culus iyo dilal qorsheysan ka fulisa deegaanada mamaulkaasi.
-
(SLT-Berlin)-Xubno ka tirsan kooxaha midigta fog ee dalka Jarmalka ayaa la xidhay kaddib markii ay qorsheynayeen inay weeraraan misaajido, siyaasiyiin iyo dadka magangelyo doonka ah, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha ee dalkaas. Xubnahan oo gaadhaya illaa 12 qof ayaa waxay ka tirsan yihiin koox lagu magacaabo Der harte Kern, waxaana xabsiga la dhigay Jimcihii. Qof kale oo ka tirsanaa kooxdan ayay booliska ku raad joogaan, sida uu ku warramay wargeyska Welt am Sonntag. Jarmalka waxaa kusoo batay dadka taageero kooxaha midigta fog gaar ahaan waxaa laga taageera deegannada bariga dhaca. Mas’uuliyiinta Jarmalka waxay wadaan howlgallo lagu raadinayo dadka ka tirsan ururka midigta fog kaddib dilkii loo geystay siyaasi u dhashay dalkaas iyo weerarkii lagu qaaday goob ay ku cibaadeystaan dadka Yuhuudda ah sannadkii lasoo dhaafay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil goor dhow kooxo hubeysan ay ka geysteen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda oo ku sugnaa isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howlwadaag. Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysnaa bistoolado ay marxuumka rasaas ku fureen, taas oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa. Sidoo kale dad goobjoogagaayl ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dableyda dilka geysatay ay goobta ka baxsatay falka kadib. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale gaaray meesha uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Illaa iyo hadda wax hadal dowladda Soomaaliya kama soo saarin toogashada loo geystay marxuumkaasi. Dilka askarigaan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad galyada oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey gudaha caasimada. Xalay ayey aheyd markiii kooxo hubeysnaa ay bam gacmeed ku weerareen ciidamo ku sugnaa isgoyska Afarta Darjiin ee magaalada Muqdisho.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska wadanka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay, kadibna xabsiga u taxaabay nin Facebook-giisa uga digay weerar uu sheegay inay dagaalyahannada Al-Shabaab la beegsan karaan xarun waxbarasho oo ku taalla deegaanka Bomed ee ismaamulka Nakuru. Ninkaan oo Boolisku ay sheegeen inuu lahaa laba magac ayaa waxaa haatan ku socda baaritaano dheeraad ah oo ay ku hayaan hay’adaha amniga. Qoraal ka soo baxay laanta dambi baarista ee deegaanka Bomed ayaa sidoo kale lagu sheegay in ninkaan uu Facebook-giisa ku caddeeyay inuu yahay Soomaali. Warkaan ayaa waxa kale oo lagu sheegay in magaca ninkaasi uu yahay Timothy Koech, balse uu Facebook-ga uu ku isticmaalayey, Joseph Langat. “Hay’adaha sirdoonka iyo kuwa baarista waxa ay gacanta ku dhigeen nin Facebook ku isticmaala Joeph Langat oo soo daabacay digniin ah suurta galnimada weerar Al-Shabaab ay ku qarxiyaan goob waxbarasho oo ku taalla Bomed” ayaa lagu yiri warkan. Eedeysanaha ayaa la sheegay qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ee loo soo xiray uu ku sheegay in xoogag aad u hubeysan ay ku sugan yihiin magaalada Rongai, islamarkaana ay geysan doonaan weerarkii ugu xumaa, sida uu digniintiisa ku sheegay. Sidoo kale hadda dambi baarista ee deegaanka Bomed ayaa soo bandhigay qoraalka ninkaasi uu shaaciyey oo u dhignaa “Magaceyga dhabta ah waa Maxamed, kana yimid Soomaaliya….. Kenyanka si fudud ayey wax u hilmaamaan”. Xarigga ninkaan oo la tuhmayo inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe ay kordheen weerarada ay kooxdaan ka fuliso dalka Kenya.
-
Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobalka Bokool ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay sarggaal ka tirsanaa Al-shabab kaas oo muddo la shaqeynayey. Sargaalka la sheegay in uu isi soo dhiibay ayaa lagu soo bandhigay magaalada Xudur, waxaana magaciisa lagu sheegay Colaad Cabdiraxmaan Maxamed oo Al-shabaab ka mid noqday sanadkii 2009-kii. Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in sargaal Colaad uu Al-shabaab u qaabilsanaa wadista gawaarida, waxaana uu ka howl galayey deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, sida lagu daabacay Sonna. Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobalka Bakool Ibraahim Isaaq Ibraahib oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in sargaal Colaad Cabdiraxmaan oo isu soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Milatariga hadda ay ku socdaan baaritaanno laguna sameynayo. Ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala gobalada kala duwan ee dalka ayaa mudooyinkaan soo bandhigayey saraakiil ka soo goosata Al-shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibayey dhankooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka aan ka helayno degmada howlwadaag ayaa sheegaya in goordhaw degmadaasi lagu dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska. Dilka aya waxa uu si gaara uga dhacay xaafadda Baar ubax ee magaalada Muqdisho waxaana dilka fuliyay kooxo bistoolado ku hubeysnaa sida Goobjoog News ay u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Kooxihii dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta, waxaana durbadii goobta soo gaaray ciidamada amaanka dowladda oo halkaasi baaritaano kala duwan ka sameeyay. Dilalka magaalada Muqdisho loogu geysto askarta ka tirsan ciidanka dowlada ayaa si aad ah u soo badanaya, waxaana wali jirin howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ay sameeyeen ciidamada amaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cabdullahi Sheikh Cilmi oo ka tirsan naadiga Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa maalmihii lasoo dhaafay booqasho iyo aqoon korarsi ku qaatay wadanka Spain,isagoo booqday garoomada kooxaha kubbbadda cagta ee kala ah Esponyal iyo Barcelona waxaana socdaalkiisa ku wehliyay macallinkiisa Maxamed Cabdiqaadir Sheikhdoon waxaana talabaadan soo dhaweeyay gorfeeyaaasha ciyaaraha gudaha,iyagoo u rajeeyay in noqdo laacibkii ugu horeeyay oo Soomaali ah kana ciyaara horyaalka Laliga. Ciyaaaryahan Cabdullahi Sheikh Cilmi oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in uu haminayo in meel wanaagsan Ka gaaro xirfada kubbadda cagta safarkii uu ku tagay dalka Spain uu ahaa mid taariikh ah uu wax badan kaga faa’iday,uuna rajaynayo in aan ka dheelo horyaalka Laligaha ee Spian. Tababaraha kooxda Som United Maxamed Cabdiqaadir Sheikhdoon ayaa wadanka Spain la tagay laacib Cabdullahi wuxuuna Goobjoog u sheegay in arintan ay albaabada u furidoonto sidee ay fursado u heli layaan dhallinyarada xirafada wanaagsan ee kubbadda cagta dhawaan la arkidoono ciyaaryahan badan oo Soomaali ah kuwaas ka ciyaara qaarada yurub. Si kastaba ciyaaryahan Cabdullahi Sheikh Cilmi ayaa ka mid ahaa tiro badan oo dhallinyarao ah kuwaasoo kala kala socday caalamka dalka Spain ugu qeyb galay in ay ka faa’dieestaan kooxaha waaweyn ee ka dhisan magaalada Barceolana waxaana falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa sheegayaan in ay tahay talaabo horay loo qaaday. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Booqashadii Laacib Cabdullahi Sheekh Cilmi W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si rasmiya u Aas-aasay Sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland, kaasi oo noqonaya Sanduuq dhaqaale oo ka shaqeyn doona horumarinta hal abuurka Dhalinyarada. Sanduuqan uu maanta Aas-aasay Madaxweynuhu ayaa waxa uu yeelan doona Miisaaniyad u gaar ah oo lagu maal-galiyo ganacsiga iyo xirfadaha hal-abuurka ee dhalinyarada Somaliland. Waxaana maal-galinta Sanduuqaasi lagu bixin doona labo hab oo kala ah; deyn soo celin u baahan iyo maal-gelin, hadba sida kolkaasi ku haboon, sida lagu sheegay Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha, waxayna u dhigneyd sidan: “Markaan Arkay: Qodobbada 90aad, 11aad, 15aad, 16aad, iyo 20aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: In dhallinyarada dalku bud-dhig u yihiin dhismaha cududda Qaranka, isla markaana ay muhiim tahay in si mug iyo miisaan leh loo eego duruufaha kala duwan ee ku gadaaman Dhallinyarada; Markaan Arkay: In dhiiri-gelinta iyo taageerada hal-abuurka iyo curinta dhallinyaradu muhiim u yihiin horumarka iyo dhismaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Ku Qancay: In Qaranku baahi weyn u qabo ka faa’iidaysiga maskaxda iyo xooga culayga ah ee dhallinyarada iyo abuurista fursado dhaqaale oo bud-dhig u noqon kara jihaynta xooga dihin ee dhallinyarada; Markaan La Tashaday:Laamaha Dawladda ee ay khuseyso; Waxaan soo saaray; Qodobka 1aad Aasaaska Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland 1) Waxa halkan lagu aasaasay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah sanduuq dhaqaale oo ka shaqayn doona horumarinta hal-abuurka iyo curinta Dhallinyarada Dalka. 2) Sanduuqu waxa uu yeelan doonaa miisaaniyad u gaar ah oo lagu maalgeliyo ganacsiga iyo xirfadaha hal-abuurka ee Dhallinyarada Dalka, taasi oo lagu siin doono hab dayn ama deeq ahaaneed, kolba sida ay ku habboonaato. 3) Barnaamijka Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada waxa gundhig u ah dhiirrigalinta hal-abuurka iyo curinta Dhallinyarada Dalka, si loo horumariyo maskax ahaan iyo dhaqaale ahaan, isla markaana loo helo dhallinyaro ka fayow qabyaalad, balwado iyo ficillada xun-xun, qayb weyna ka qaadata horumarka dhaqan-dhaqaale ee bulshada. 4) Xarunta guud ee Sanduuqu waxay noqonaysaa Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeisa, hasa-yeeshee waxa uu Sanduuqu laamo ku yeelan karaa Gobollada Dalka, haddii loo baahdo. Qodobka 2aad: Ujeedooyinka Sanduuqa Horumarinta Dhalinyaradda Ujeedooyinka Sanduuqa Hormarinta Dhallinyaradu waa: 1) Dhiirigalinta iyo gacan qabashada dhallinyarada hal-abuurka iyo curinta leh ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. 2) Maalgalinta dhallinyarada la yimaadda hal-bauur ganacsi iyo xirfadeed ee u baahan gacan qabasho dhaqaale. 3) Abuuridda fursado shaqo oo hor leh iyo maalgelinta ganacsiga raandhiiska leh iyo xirfadaha dhallinyarada dalka, si loo gaadho horumar waara. 4) Dhiirigelinta ka qayb-qaadashada dhallinyarada ee dhinaca horumarka dhaqan-dhaqaale ee dalka iyo daboolidda baahida dhallinyarada hal-abuurka ganacsi lihi u qabaan maalgashi dhaqaale oo aan lahayn dul-saar iyo shuruudo maaliyadeed. 5) Gacan ka gaysashada in dhallinyaradu abuurtaan shaqooyin, una noqon lahaayeen shaqo bixiyayaal (Employers), halkii ay mar walba ka noqon lahaayeen shaqaale (Employees). Qodobka 3aad Shaqooyinka Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland Masuuliyadda iyo waajibaadyada Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada, waxa ka mid ah: 1) In uu dejiyo siyaasadaha maalgalinta dhalinyarada hal-abuurka iyo curinta leh ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. 2) In uu dejiyo, isla markaana curiyo qorsheyaal iyo istaraatijayado lagu dhiirigelinayo dhallinyarada hal-abuurka leh. 3) In uu abuuro saaxad Dhallinyarada Somaliland ku tartami karaan hal-abuurkooda iyo hindiseyaashooda maangalka ah ee maalgalinta u baahan. 4) In uu diyaariyo, isla markaana fuliyo barnaamijyo dhallinyaradu ku soo bandhigayaan fikradahooda, hibooyinkooga iyo curintooda maskaxeed. 5) In uu dhallinyarada ku tartansiiyo hal-abuurka iyo curinta fikradaha ganacsi ee maalgalinta iyo dhiirigalinta u baahan. 6) In uu baahiyo isla markaana xayaysiiyo barnaamijyo maalgalineed oo loogu talogalay in dhallinta hal-abuurka iyo curinta maskaxeed leh lagu abaal mariyo laguna maalgaliyo. 7) In uu maalgalin lacageed iyo mid niyadeedba siiyo dhallinta hal-abuurka iyo curinta leh ee ku guulaysata barnaamujyada maalgalinta ah. 8) In uu dhallinyarada Somaliland tuso in Qaranku u baahan yahay maskaxdooda iyo muruqoodaba; lana abuuro saaxad dhallinyaradu kaga qayb-galaan horumarka dalka. 9) In uu ku wacyi galiyo bulshada ujeedada iyo faa’iidooyinka Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland. 10) In uu ka siiyo tallooyin Madaxweynaha siyaasadaha iyo qorshayaasha lagu horumarinayo hal-abuurka iyo curinta faa’iidada leh ee ay la yimaadaan Dhallinayarada Somaliland. 11) In uu diyaariyo warbixinta Sanduuqa, una gudbiyo Madaxweynaha iyo meelaha kale ee sharcigu waajibiyo. 12) In uu wada-shaqeyn dhow iyo iskaashi la yeesho Hay’adaha Qaranka, Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ay shaqo-wadaagta yihiin, raaadiyana barnaamijyo lagu maalgalinayo dhalinyarada hal-abuurka leh ee dalka. 13) In uu qaado tallaabo kasta oo uu ku xaqiijinayo hirgelinta ujeedooyinka loo abuuray sanduuqa horumarinta dhalinayarada JSL. Qodobka 4aad Qaab-dhismeedka Maamulka Sanduuqa 1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu yeelanayaa Guddi Sare oo maamul (Board of Directors) oo ka kooban: a) Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha =Guddoomiye= b) Guddoomiyaha Gaboodka Haweenka ee Nagaad =G/ku-xigeen= c) Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Somaliland SONYO =Xoghaye= d) Wasiirka Horumarinta Maal-geshiga =Xubin= e) Wasiirka Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska =Xubin= f) Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga =Xubin= g) Laba Xubnood oo Qaadhaan-bixiyayaasha metela =Xubin= h) Saddex Xubnood – Shirkadaha Ganacsi ee waaweyn ee dalka =Xubin= 2) Xubnaha ay soo magacaabaan Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah, waxa ay u soo gudbinayaan Guddoomiyaha Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland, ahna Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ee hadba haya xilka. 3) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu yeelanayaa Agaasime Fullineed, oo uu soo magacaabo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qodobka 5aad Shaqooyinka Guddida Sare ee Sanduuqa Shaqooyinka Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada waxa ka mid ah: 1) Hoggaaminta guud ee Sanduuqa iyo Dejinta, hubinta iyo hirgalinta siyaasaddaha iyo qorsheyaasha dhaqaajinta Sanduuqa. 2) Dejinta siyaasadaha iyo qorsheyaasha lagu maalgalinayo hal-abuurka dhallinyarada Somailland ee Sanduuqu ku shaqaynayo. 3) Hubinta in dhaqaalaha Sanduuqa loo isticmaalay hawlihii loogu talo galay, loona isticmaalay si waafaqsan xeerarka iyo qorsheyaasha loo dajiyay barnaamijka Sanduuqa. 4) In ay masuul ka noqdaan hagidda, maamulidda, daba-galka, qiimaynta iyo kor kala socoshada dhammaan fulinta hawlaha iyo mashaariicda Sanduuqu hirgalinayo. 5) In ay hagaan, hogaamiyaan, isla markaana la xisaabtamaan Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada, si loo sugo fulinta hawlihii la qorsheeyey. 6) In ay qabtaan shaqo kasta oo kale oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u igmado. Qodobka 6aad Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa 1) Awoodaha shaqo ee Agaasimaha Fulinta waxa ka mid ah: a) Hoggaaminta guud ee Hawl-maalmeed Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada. b) Socod-siinta, hagista iyo maamulida dhammaan hawlaha Sanduuqu u xil-saaran yahay ee awoodiisa ah, isla markaana ay ansixiyeen Golaha Sare ee Sanduuqu. c) Maamulka iyo maaraynta hawl-maalmeedka shaqo ee Sanduuqa. d) Fulinta siyaasaddaha, qorsheyaasha iyo barnaamijyada Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada ee ay dajiyeen Guddiga Sare ee Sanduuqu. e) Qorshaynta, qaabaynta iyo fulinta hawlaha Sanduuqa, kadib marka ay u ansixiyaan Guddida Sare. f) Diyaarinta miisaaniyadda iyo kharashaadka Sanduuqu u baahan yahay; iyo u gudbinta Guddida Sare si loo ansixiyo. g) Diyaarinta warbixinaha kala duwan ee Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada. h) Diyaarinta fagaarayaasha lagu soo bandhigayo hidisayaasha iyo hal-abuurada dhallinyarada dalka. i) Wacyi-galinta iyo dhiirigalinta hal-abuurka iyo curinta fikradaha ganacsiga iyo xirfadaha dhallinyarada. j) Qabashada tartamada lagu xulanayo dhallinyarada hal-abuurka ganacsi la timaada. k) Ka hawl-galida in dhaqaale iyo deeqo loo helo Sanduuqa. l) Fulinta dhammaan go’aamada, wareegtooyinka, qorsheyaasha iyo tallaabooyinka maamul ee ka yimaad Guddida Sare. m) Diyaarinta warbixinaha Sanduuqa (Activities Report) oo bille, Saddex biloodle iyo Sannadle ah, waxaana loo gudbinayaa Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada. n) Fulinta shaqooyinka ay Guddida Sare ee sanduuqu u igmato. Qodobka 7aad Dhaqaalaha Sanduuqa Dhaqaalaha Sanduuuqa Horumarinta Dhallinyaradu waxa uu ka kala imanayaa ilaha dhaqaale ee kala ah: 1) Qoondada Miisaaniyadda Qaranka. 2) Kaalmooyinka iyo tabarucaadka ganacsatada iyo muwadiniinta. 3) Deeqaha Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah. 4) Daymaha si sharciga waafaqsan loo qaato,IWM. Qodobka 8aad Hab-Xisaabeedka Sanduuqa 1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradu waxa uu ka furan karaa Lambar Xisaabeed (Bank Accounts) Baananka Dalka. 2) Qaab-xisaabeedka Sanduuqu waa inuu ahaado mid sax ah oo hufan, islamarkaana ay ka muuqato dakhliga iyo kharashka, taas oo ku salaysan hanaan xisaabeedka dalka. 3) Dhammaan Lambar Xisaabaadka Sanduuqa ee ka furan Baananka waxa uu yeelanayaa laba saxeex oo kala ah Guddoomiyaha Guddida Sare iyo Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa. Qodobka 9aad Xisaab-xidhka Sanduuqa 1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada waxaa ku waajib ah in uu sameeyo xisaab xidh saddex bilood ah, oo ay ku xusan tahay: a) Cadaynta xisaab xidhka iyo hadhaaga xisaabadka lacageed, hadduu jiro. b) Caddaynta Hawlaha shaqo ee ay ku baxeen kharashaadka baxay. 2) Sanduuqu waa in uu xisaab-xidhkiisa u gudbiyo Guddida Sare, Guddida Sarena ay u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka”.
-
Wararka aan maanta ka helayno gobolka Shabeelaha dhexe ayaa soo sheegaya in tuulo lagu magacaabo Gumarow oo hoostagta degmada Warsheekh ay kooxo hubeysani dil iyo dhac ugu geysteen dad safar ahaa. Dhacdadan oo dhacday xalay ayaa waxa ay qabsatay dad ka baxay magaalada Muqdisho kuwaas oo ku sii jeeday qeybo ka mid ah gobalka Shabeelaha Dhexe, balse kooxo hubeysan ayaa waxa ay jidgooyo ugu dhigteen Tuulada Gumaro, waxa ayna dadkii kula dhaqaaqeen dil, dhac iyo kufsi. Ilyaas Coloow Muuse oo ka mid ah dadka deegaanka islamarkaana u waramay Goobjoog News ayaa waxa uu inoo sheegay in dadka dhibaatadu ay gaartay ay tira ahaan gaarayeen ilaa 18 qof waxa uuna inoo xaqiijiyay in la dilay darawalkii gaariga kaxeynayay waxa uuna sidoo kale tilmaamay in halkaasi kufsi loogu geystay gabadh ka mid ahayd dadkii gaariga saarnaa. Sidoo kale goobjoogahan ayaa inoo sheegay in dhamaan dadkii gaariga saarnaa laga furtay xoolohii ay heysteen, waxa uuna xusay in goor dhaw ay meydka goobta ka qaadi doonaan, maadaama dadkaasi ilaa saakay aysan helin wax gurmad ah. Maamulka degmada warsheekh oo ay tuuladan hoostagto wali kama aysan hadlin dhacdadan loo geystay dadkan safarka ahaa. Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa qeylo dhaan xoog leh laga muujinayay amni darro baahsan oo ka taagnayd tuullooyinka hoosyimaada degmada warsheekh ee gobalka Shabeelaha dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aynu ka heleyo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay kooxo burcad ah ay dil iyo dhaawac u geysteen dad shacab ah oo ku socdaalayey duleedka degmadaasi. Dadkaan oo saarnaa gaari rakaab ah oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa ku dhacay isbaaro raggaasi u tiilay deegaanka Bashaqle ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dableyda ay jidgooyada u tiilay rasaas ku fureen gaariga, islamarkaana uu ku dhintay wadihii, iyagoona sidoo kale dhaawacay qaar ka mid ah rakaabka la socday baabuurkaasi oo tiro ahaan gaarayey illaa 18 ruux. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga dilka geystay ay sidoo kale dhac u geysteen rakaabka saarnaa gaariga, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.. Ma jiro illaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo kan degmada Warsheekh oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan waxaa HirShabelle dhibaatooyin xoogan ka geysta kooxo qooleysato ah oo alaaba jidka u gala gaadiidka isaga kala goosha deegaanada maamulkaasi.
