-
Content Count
214,385 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
WAREEGTO MADAXWEYNE: 17/02/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-469/022020, uu ku Aas-aaska Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somalilland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Aasaaska Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somalilland Markaan Arkay: Qodobbada 90aad, 11aad, 15aad, 16aad, iyo 20aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: In dhallinyarada dalku bud-dhig u yihiin dhismaha cududda Qaranka, isla markaana ay muhiim tahay in si mug iyo miisaan leh loo eego duruufaha kala duwan ee ku gadaaman Dhallinyarada; Markaan Arkay: In dhiiri-gelinta iyo taageerada hal-abuurka iyo curinta dhallinyaradu muhiim u yihiin horumarka iyo dhismaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Ku Qancay: In Qaranku baahi weyn u qabo ka faa’iidaysiga maskaxda iyo xooga culayga ah ee dhallinyarada iyo abuurista fursado dhaqaale oo bud-dhig u noqon kara jihaynta xooga dihin ee dhallinyarada; Markaan La Tashaday:Laamaha Dawladda ee ay khuseyso; Waxaan soo saaray; Qodobka 1aad Aasaaska Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland 1) Waxa halkan lagu aasaasay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah sanduuq dhaqaale oo ka shaqayn doona horumarinta hal-abuurka iyo curinta Dhallinyarada Dalka. 2) Sanduuqu waxa uu yeelan doonaa miisaaniyad u gaar ah oo lagu maalgeliyo ganacsiga iyo xirfadaha hal-abuurka ee Dhallinyarada Dalka, taasi oo lagu siin doono hab dayn ama deeq ahaaneed, kolba sida ay ku habboonaato. 3) Barnaamijka Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada waxa gundhig u ah dhiirrigalinta hal-abuurka iyo curinta Dhallinyarada Dalka, si loo horumariyo maskax ahaan iyo dhaqaale ahaan, isla markaana loo helo dhallinyaro ka fayow qabyaalad, balwado iyo ficillada xun-xun, qayb weyna ka qaadata horumarka dhaqan-dhaqaale ee bulshada. 4) Xarunta guud ee Sanduuqu waxay noqonaysaa Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeisa, hasa-yeeshee waxa uu Sanduuqu laamo ku yeelan karaa Gobollada Dalka, haddii loo baahdo. Qodobka 2aad: Ujeedooyinka Sanduuqa Horumarinta Dhalinyaradda Ujeedooyinka Sanduuqa Hormarinta Dhallinyaradu waa: 1) Dhiirigalinta iyo gacan qabashada dhallinyarada hal-abuurka iyo curinta leh ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. 2) Maalgalinta dhallinyarada la yimaadda hal-bauur ganacsi iyo xirfadeed ee u baahan gacan qabasho dhaqaale. 3) Abuuridda fursado shaqo oo hor leh iyo maalgelinta ganacsiga raandhiiska leh iyo xirfadaha dhallinyarada dalka, si loo gaadho horumar waara. 4) Dhiirigelinta ka qayb-qaadashada dhallinyarada ee dhinaca horumarka dhaqan-dhaqaale ee dalka iyo daboolidda baahida dhallinyarada hal-abuurka ganacsi lihi u qabaan maalgashi dhaqaale oo aan lahayn dul-saar iyo shuruudo maaliyadeed. 5) Gacan ka gaysashada in dhallinyaradu abuurtaan shaqooyin, una noqon lahaayeen shaqo bixiyayaal (Employers), halkii ay mar walba ka noqon lahaayeen shaqaale (Employees). Qodobka 3aad Shaqooyinka Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland Masuuliyadda iyo waajibaadyada Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada, waxa ka mid ah: 1) In uu dejiyo siyaasadaha maalgalinta dhalinyarada hal-abuurka iyo curinta leh ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. 2) In uu dejiyo, isla markaana curiyo qorsheyaal iyo istaraatijayado lagu dhiirigelinayo dhallinyarada hal-abuurka leh. 3) In uu abuuro saaxad Dhallinyarada Somaliland ku tartami karaan hal-abuurkooda iyo hindiseyaashooda maangalka ah ee maalgalinta u baahan. 4) In uu diyaariyo, isla markaana fuliyo barnaamijyo dhallinyaradu ku soo bandhigayaan fikradahooda, hibooyinkooga iyo curintooda maskaxeed. 5) In uu dhallinyarada ku tartansiiyo hal-abuurka iyo curinta fikradaha ganacsi ee maalgalinta iyo dhiirigalinta u baahan. 6) In uu baahiyo isla markaana xayaysiiyo barnaamijyo maalgalineed oo loogu talogalay in dhallinta hal-abuurka iyo curinta maskaxeed leh lagu abaal mariyo laguna maalgaliyo. 7) In uu maalgalin lacageed iyo mid niyadeedba siiyo dhallinta hal-abuurka iyo curinta leh ee ku guulaysata barnaamujyada maalgalinta ah. 8) In uu dhallinyarada Somaliland tuso in Qaranku u baahan yahay maskaxdooda iyo muruqoodaba; lana abuuro saaxad dhallinyaradu kaga qayb-galaan horumarka dalka. 9) In uu ku wacyi galiyo bulshada ujeedada iyo faa’iidooyinka Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland. 10) In uu ka siiyo tallooyin Madaxweynaha siyaasadaha iyo qorshayaasha lagu horumarinayo hal-abuurka iyo curinta faa’iidada leh ee ay la yimaadaan Dhallinayarada Somaliland. 11) In uu diyaariyo warbixinta Sanduuqa, una gudbiyo Madaxweynaha iyo meelaha kale ee sharcigu waajibiyo. 12) In uu wada-shaqeyn dhow iyo iskaashi la yeesho Hay’adaha Qaranka, Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ay shaqo-wadaagta yihiin, raaadiyana barnaamijyo lagu maalgalinayo dhalinyarada hal-abuurka leh ee dalka. 13) In uu qaado tallaabo kasta oo uu ku xaqiijinayo hirgelinta ujeedooyinka loo abuuray sanduuqa horumarinta dhalinayarada JSL. Qodobka 4aad Qaab-dhismeedka Maamulka Sanduuqa 1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu yeelanayaa Guddi Sare oo maamul (Board of Directors) oo ka kooban: a) Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha =Guddoomiye= b) Guddoomiyaha Gaboodka Haweenka ee Nagaad =G/ku-xigeen= c) Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Somaliland SONYO =Xoghaye= d) Wasiirka Horumarinta Maal-geshiga =Xubin= e) Wasiirka Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska =Xubin= f) Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga =Xubin= g) Laba Xubnood oo Qaadhaan-bixiyayaasha metela =Xubin= h) Saddex Xubnood – Shirkadaha Ganacsi ee waaweyn ee dalka =Xubin= 2) Xubnaha ay soo magacaabaan Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah, waxa ay u soo gudbinayaan Guddoomiyaha Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland, ahna Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ee hadba haya xilka. 3) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu yeelanayaa Agaasime Fullineed, oo uu soo magacaabo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qodobka 5aad Shaqooyinka Guddida Sare ee Sanduuqa Shaqooyinka Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada waxa ka mid ah: 1) Hoggaaminta guud ee Sanduuqa iyo Dejinta, hubinta iyo hirgalinta siyaasaddaha iyo qorsheyaasha dhaqaajinta Sanduuqa. 2) Dejinta siyaasadaha iyo qorsheyaasha lagu maalgalinayo hal-abuurka dhallinyarada Somailland ee Sanduuqu ku shaqaynayo. 3) Hubinta in dhaqaalaha Sanduuqa loo isticmaalay hawlihii loogu talo galay, loona isticmaalay si waafaqsan xeerarka iyo qorsheyaasha loo dajiyay barnaamijka Sanduuqa. 4) In ay masuul ka noqdaan hagidda, maamulidda, daba-galka, qiimaynta iyo kor kala socoshada dhammaan fulinta hawlaha iyo mashaariicda Sanduuqu hirgalinayo. 5) In ay hagaan, hogaamiyaan, isla markaana la xisaabtamaan Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada, si loo sugo fulinta hawlihii la qorsheeyey. 6) In ay qabtaan shaqo kasta oo kale oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u igmado. Qodobka 6aad Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa 1) Awoodaha shaqo ee Agaasimaha Fulinta waxa ka mid ah: a) Hoggaaminta guud ee Hawl-maalmeed Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada. b) Socod-siinta, hagista iyo maamulida dhammaan hawlaha Sanduuqu u xil-saaran yahay ee awoodiisa ah, isla markaana ay ansixiyeen Golaha Sare ee Sanduuqu. c) Maamulka iyo maaraynta hawl-maalmeedka shaqo ee Sanduuqa. d) Fulinta siyaasaddaha, qorsheyaasha iyo barnaamijyada Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada ee ay dajiyeen Guddiga Sare ee Sanduuqu. e) Qorshaynta, qaabaynta iyo fulinta hawlaha Sanduuqa, kadib marka ay u ansixiyaan Guddida Sare. f) Diyaarinta miisaaniyadda iyo kharashaadka Sanduuqu u baahan yahay; iyo u gudbinta Guddida Sare si loo ansixiyo. g) Diyaarinta warbixinaha kala duwan ee Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada. h) Diyaarinta fagaarayaasha lagu soo bandhigayo hidisayaasha iyo hal-abuurada dhallinyarada dalka. i) Wacyi-galinta iyo dhiirigalinta hal-abuurka iyo curinta fikradaha ganacsiga iyo xirfadaha dhallinyarada. j) Qabashada tartamada lagu xulanayo dhallinyarada hal-abuurka ganacsi la timaada. k) Ka hawl-galida in dhaqaale iyo deeqo loo helo Sanduuqa. l) Fulinta dhammaan go’aamada, wareegtooyinka, qorsheyaasha iyo tallaabooyinka maamul ee ka yimaad Guddida Sare. m) Diyaarinta warbixinaha Sanduuqa (Activities Report) oo bille, Saddex biloodle iyo Sannadle ah, waxaana loo gudbinayaa Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada. n) Fulinta shaqooyinka ay Guddida Sare ee sanduuqu u igmato. Qodobka 7aad Dhaqaalaha Sanduuqa Dhaqaalaha Sanduuuqa Horumarinta Dhallinyaradu waxa uu ka kala imanayaa ilaha dhaqaale ee kala ah: 1) Qoondada Miisaaniyadda Qaranka. 2) Kaalmooyinka iyo tabarucaadka ganacsatada iyo muwadiniinta. 3) Deeqaha Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah. 4) Daymaha si sharciga waafaqsan loo qaato,IWM. Qodobka 8aad Hab-Xisaabeedka Sanduuqa 1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradu waxa uu ka furan karaa Lambar Xisaabeed (Bank Accounts) Baananka Dalka. 2) Qaab-xisaabeedka Sanduuqu waa inuu ahaado mid sax ah oo hufan, islamarkaana ay ka muuqato dakhliga iyo kharashka, taas oo ku salaysan hanaan xisaabeedka dalka. 3) Dhammaan Lambar Xisaabaadka Sanduuqa ee ka furan Baananka waxa uu yeelanayaa laba saxeex oo kala ah Guddoomiyaha Guddida Sare iyo Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa. Qodobka 9aad Xisaab-xidhka Sanduuqa 1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada waxaa ku waajib ah in uu sameeyo xisaab xidh saddex bilood ah, oo ay ku xusan tahay: a) Cadaynta xisaab xidhka iyo hadhaaga xisaabadka lacageed, hadduu jiro. b) Caddaynta Hawlaha shaqo ee ay ku baxeen kharashaadka baxay. 2) Sanduuqu waa in uu xisaab-xidhkiisa u gudbiyo Guddida Sare, Guddida Sarena ay u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Qaran News
-
Degmada dhahar ee gobolka sanaag ayaa laga bilaabay dhismaha Waddadii ugu horreysay oo Laami ah oo dhex mari doonta bartamaha magaalada oo cabirkeedu dhanyahay 1km iyo bar, taasi oo fududeyn doonta isu socodka gaadiidka iyo Ganacsiga deegaanka. Dadka deegaan ayaa isku tashi ku dhisanaya jidkan, waxayna taageero ka helayaan Hey’ada Save Children, maamulka degmadaas oo puntland xaruun uga dhigtay Gobol lagu magacaabo Haylaan ayaa xaqiijiyay in la bilaabay dhismaha jidka laamiga ah. Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Haylaan Fu’aad Maxamed Muuse ayaa sheegay in dadka deegaanka ay wacyigelinayaan inay qaybtooda qaataan dhismaha laamiga, ayna maamulka kala shaqeeyaan habkii loo dhamaystiri lahaa jidka, oo ay ugu muhiisan tahay in la dumiyo dhismayaasha soo galay Waddada iyo dhirta lagu beeray. Gobolka Sanaag waxaa ka socota dhismaha Waddo kale oo laami ah oo isku xirta gobolada Sanaag iyo bari, taasi oo ka bilaabtay Deegaanka Ceel-daahir kuna eg degmadda Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag, Walaw aan la dhamaystirin haddana dadka gobolkaasi ku dhaqan iyo guud ahaaN shacabka puntland ayaa ka qaybgalay Dhaqaalaha lagu dhisayo Laamigaas oo wajigii Labaad maraya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa markii u horraysay ka hadlay wararka sheegaya in madaxweyne Farmaajo socdaal ku tegi doono magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Wasiirka ayaa sheegay in uusan waxba kala socon in madaxweyne Farmaajo socdaal ku tegi doono magaalada Hargeysa balse haddii ay jirto ay tahay in ay soo dhaweeyaan madaxda iyo shacabka Somaliland maadaama aysan go’doon kaga jiri Karin isbeddelada ka socda Geeska Afrika. Wasiir Maareeye ayaa kula taliyay Somaliland in ay joojiyaan buuqa iyo qeylada islamarkaana la jaan-qaadan isbeddelka siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika kaasi oo uu sheegay in aysan mar dambe qeyb ka noqon doonin haddii aysan hadda la jaan-qaadin. Sidoo kale Maareeye ayaa sheegay in Somaliland mudda 28 sano looga talinayey marfishyada qaadka oo ay ku jireen khiyaali aan socon doonin taasina ay mas’uul ka yihiin madaxda hadba loo doorto maamulkaas. Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Maareeye: Somaliland 28 sano ayaa looga talinayey marfishyada qaadka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-469/022020, uu ku Aas-aaska Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somalilland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Aas aaska Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somalilland Markaan Arkay: Qodobbada 90aad, 11aad, 15aad, 16aad, iyo 20aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: In dhallinyarada dalku bud-dhig u yihiin dhismaha cududda Qaranka, isla markaana ay muhiim tahay in si mug iyo miisaan leh loo eego duruufaha kala duwan ee ku gadaaman Dhallinyarada; Markaan Arkay: In dhiiri-gelinta iyo taageerada hal-abuurka iyo curinta dhallinyaradu muhiim u yihiin horumarka iyo dhismaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Ku Qancay: In Qaranku baahi weyn u qabo ka faa’iidaysiga maskaxda iyo xooga culayga ah ee dhallinyarada iyo abuurista fursado dhaqaale oo bud-dhig u noqon kara jihaynta xooga dihin ee dhallinyarada; Markaan La Tashaday:Laamaha Dawladda ee ay khuseyso; Waxaan soo saaray; Qodobka 1aad Aasaaska Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland 1) Waxa halkan lagu aasaasay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah sanduuq dhaqaale oo ka shaqayn doona horumarinta hal-abuurka iyo curinta Dhallinyarada Dalka. 2) Sanduuqu waxa uu yeelan doonaa miisaaniyad u gaar ah oo lagu maalgeliyo ganacsiga iyo xirfadaha hal-abuurka ee Dhallinyarada Dalka, taasi oo lagu siin doono hab dayn ama deeq ahaaneed, kolba sida ay ku habboonaato. 3) Barnaamijka Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada waxa gundhig u ah dhiirrigalinta hal-abuurka iyo curinta Dhallinyarada Dalka, si loo horumariyo maskax ahaan iyo dhaqaale ahaan, isla markaana loo helo dhallinyaro ka fayow qabyaalad, balwado iyo ficillada xun-xun, qayb weyna ka qaadata horumarka dhaqan-dhaqaale ee bulshada. 4) Xarunta guud ee Sanduuqu waxay noqonaysaa Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeisa, hasa-yeeshee waxa uu Sanduuqu laamo ku yeelan karaa Gobollada Dalka, haddii loo baahdo. Qodobka 2aad: Ujeedooyinka Sanduuqa Horumarinta Dhalinyaradda Ujeedooyinka Sanduuqa Hormarinta Dhallinyaradu waa: 1) Dhiirigalinta iyo gacan qabashada dhallinyarada hal-abuurka iyo curinta leh ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. 2) Maalgalinta dhallinyarada la yimaadda hal-bauur ganacsi iyo xirfadeed ee u baahan gacan qabasho dhaqaale. 3) Abuuridda fursado shaqo oo hor leh iyo maalgelinta ganacsiga raandhiiska leh iyo xirfadaha dhallinyarada dalka, si loo gaadho horumar waara. 4) Dhiirigelinta ka qayb-qaadashada dhallinyarada ee dhinaca horumarka dhaqan-dhaqaale ee dalka iyo daboolidda baahida dhallinyarada hal-abuurka ganacsi lihi u qabaan maalgashi dhaqaale oo aan lahayn dul-saar iyo shuruudo maaliyadeed. 5) Gacan ka gaysashada in dhallinyaradu abuurtaan shaqooyin, una noqon lahaayeen shaqo bixiyayaal (Employers), halkii ay mar walba ka noqon lahaayeen shaqaale (Employees). Qodobka 3aad Shaqooyinka Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland Masuuliyadda iyo waajibaadyada Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada, waxa ka mid ah: 1) In uu dejiyo siyaasadaha maalgalinta dhalinyarada hal-abuurka iyo curinta leh ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. 2) In uu dejiyo, isla markaana curiyo qorsheyaal iyo istaraatijayado lagu dhiirigelinayo dhallinyarada hal-abuurka leh. 3) In uu abuuro saaxad Dhallinyarada Somaliland ku tartami karaan hal-abuurkooda iyo hindiseyaashooda maangalka ah ee maalgalinta u baahan. 4) In uu diyaariyo, isla markaana fuliyo barnaamijyo dhallinyaradu ku soo bandhigayaan fikradahooda, hibooyinkooga iyo curintooda maskaxeed. 5) In uu dhallinyarada ku tartansiiyo hal-abuurka iyo curinta fikradaha ganacsi ee maalgalinta iyo dhiirigalinta u baahan. 6) In uu baahiyo isla markaana xayaysiiyo barnaamijyo maalgalineed oo loogu talogalay in dhallinta hal-abuurka iyo curinta maskaxeed leh lagu abaal mariyo laguna maalgaliyo. 7) In uu maalgalin lacageed iyo mid niyadeedba siiyo dhallinta hal-abuurka iyo curinta leh ee ku guulaysata barnaamujyada maalgalinta ah. 8) In uu dhallinyarada Somaliland tuso in Qaranku u baahan yahay maskaxdooda iyo muruqoodaba; lana abuuro saaxad dhallinyaradu kaga qayb-galaan horumarka dalka. 9) In uu ku wacyi galiyo bulshada ujeedada iyo faa’iidooyinka Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland. 10) In uu ka siiyo tallooyin Madaxweynaha siyaasadaha iyo qorshayaasha lagu horumarinayo hal-abuurka iyo curinta faa’iidada leh ee ay la yimaadaan Dhallinayarada Somaliland. 11) In uu diyaariyo warbixinta Sanduuqa, una gudbiyo Madaxweynaha iyo meelaha kale ee sharcigu waajibiyo. 12) In uu wada-shaqeyn dhow iyo iskaashi la yeesho Hay’adaha Qaranka, Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ay shaqo-wadaagta yihiin, raaadiyana barnaamijyo lagu maalgalinayo dhalinyarada hal-abuurka leh ee dalka. 13) In uu qaado tallaabo kasta oo uu ku xaqiijinayo hirgelinta ujeedooyinka loo abuuray sanduuqa horumarinta dhalinayarada JSL. Qodobka 4aad Qaab-dhismeedka Maamulka Sanduuqa 1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu yeelanayaa Guddi Sare oo maamul (Board of Directors) oo ka kooban: a) Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha =Guddoomiye= b) Guddoomiyaha Gaboodka Haweenka ee Nagaad =G/ku-xigeen= c) Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Somaliland SONYO =Xoghaye= d) Wasiirka Horumarinta Maal-geshiga =Xubin= e) Wasiirka Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska =Xubin= f) Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga =Xubin= g) Laba Xubnood oo Qaadhaan-bixiyayaasha metela =Xubin= h) Saddex Xubnood – Shirkadaha Ganacsi ee waaweyn ee dalka =Xubin= 2) Xubnaha ay soo magacaabaan Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah, waxa ay u soo gudbinayaan Guddoomiyaha Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland, ahna Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ee hadba haya xilka. 3) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu yeelanayaa Agaasime Fullineed, oo uu soo magacaabo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qodobka 5aad Shaqooyinka Guddida Sare ee Sanduuqa Shaqooyinka Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada waxa ka mid ah: 1) Hoggaaminta guud ee Sanduuqa iyo Dejinta, hubinta iyo hirgalinta siyaasaddaha iyo qorsheyaasha dhaqaajinta Sanduuqa. 2) Dejinta siyaasadaha iyo qorsheyaasha lagu maalgalinayo hal-abuurka dhallinyarada Somailland ee Sanduuqu ku shaqaynayo. 3) Hubinta in dhaqaalaha Sanduuqa loo isticmaalay hawlihii loogu talo galay, loona isticmaalay si waafaqsan xeerarka iyo qorsheyaasha loo dajiyay barnaamijka Sanduuqa. 4) In ay masuul ka noqdaan hagidda, maamulidda, daba-galka, qiimaynta iyo kor kala socoshada dhammaan fulinta hawlaha iyo mashaariicda Sanduuqu hirgalinayo. 5) In ay hagaan, hogaamiyaan, isla markaana la xisaabtamaan Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada, si loo sugo fulinta hawlihii la qorsheeyey. 6) In ay qabtaan shaqo kasta oo kale oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u igmado. Qodobka 6aad Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa 1) Awoodaha shaqo ee Agaasimaha Fulinta waxa ka mid ah: a) Hoggaaminta guud ee Hawl-maalmeed Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada. b) Socod-siinta, hagista iyo maamulida dhammaan hawlaha Sanduuqu u xil-saaran yahay ee awoodiisa ah, isla markaana ay ansixiyeen Golaha Sare ee Sanduuqu. c) Maamulka iyo maaraynta hawl-maalmeedka shaqo ee Sanduuqa. d) Fulinta siyaasaddaha, qorsheyaasha iyo barnaamijyada Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada ee ay dajiyeen Guddiga Sare ee Sanduuqu. e) Qorshaynta, qaabaynta iyo fulinta hawlaha Sanduuqa, kadib marka ay u ansixiyaan Guddida Sare. f) Diyaarinta miisaaniyadda iyo kharashaadka Sanduuqu u baahan yahay; iyo u gudbinta Guddida Sare si loo ansixiyo. g) Diyaarinta warbixinaha kala duwan ee Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada. h) Diyaarinta fagaarayaasha lagu soo bandhigayo hidisayaasha iyo hal-abuurada dhallinyarada dalka. i) Wacyi-galinta iyo dhiirigalinta hal-abuurka iyo curinta fikradaha ganacsiga iyo xirfadaha dhallinyarada. j) Qabashada tartamada lagu xulanayo dhallinyarada hal-abuurka ganacsi la timaada. k) Ka hawl-galida in dhaqaale iyo deeqo loo helo Sanduuqa. l) Fulinta dhammaan go’aamada, wareegtooyinka, qorsheyaasha iyo tallaabooyinka maamul ee ka yimaad Guddida Sare. m) Diyaarinta warbixinaha Sanduuqa (Activities Report) oo bille, Saddex biloodle iyo Sannadle ah, waxaana loo gudbinayaa Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada. n) Fulinta shaqooyinka ay Guddida Sare ee sanduuqu u igmato. Qodobka 7aad Dhaqaalaha Sanduuqa Dhaqaalaha Sanduuuqa Horumarinta Dhallinyaradu waxa uu ka kala imanayaa ilaha dhaqaale ee kala ah: 1) Qoondada Miisaaniyadda Qaranka. 2) Kaalmooyinka iyo tabarucaadka ganacsatada iyo muwadiniinta. 3) Deeqaha Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah. 4) Daymaha si sharciga waafaqsan loo qaato,IWM. Qodobka 8aad Hab-Xisaabeedka Sanduuqa 1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradu waxa uu ka furan karaa Lambar Xisaabeed (Bank Accounts) Baananka Dalka. 2) Qaab-xisaabeedka Sanduuqu waa inuu ahaado mid sax ah oo hufan, islamarkaana ay ka muuqato dakhliga iyo kharashka, taas oo ku salaysan hanaan xisaabeedka dalka. 3) Dhammaan Lambar Xisaabaadka Sanduuqa ee ka furan Baananka waxa uu yeelanayaa laba saxeex oo kala ah Guddoomiyaha Guddida Sare iyo Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa. Qodobka 9aad Xisaab-xidhka Sanduuqa 1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada waxaa ku waajib ah in uu sameeyo xisaab xidh saddex bilood ah, oo ay ku xusan tahay: a) Cadaynta xisaab xidhka iyo hadhaaga xisaabadka lacageed, hadduu jiro. b) Caddaynta Hawlaha shaqo ee ay ku baxeen kharashaadka baxay. 2) Sanduuqu waa in uu xisaab-xidhkiisa u gudbiyo Guddida Sare, Guddida Sarena ay u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Fariin Qoraala oo Taliska Guud ee Booliiska Somaliland baahiyey & waxay daaran tahay Fariin Qoraala oo Taliska Guud ee Booliiska Somaliland baahiyey & waxay daaran tahay Saacaddo ka hor waxa baraha bulshada la soo galiyay saddex alifle mahad cabdi cisamaan oo gacan u qaaday ruux dumara . Shacabka somaliland waxan u sheegaynaa anaga oo ka duulayna in boolisku yahay saaxiibka dad waynaha in la ruqseeyay asakarigaa xad gudubka sameeyay isagoo xidhan sharftii Ciidanka Booliska Somaliland . Boolisku waa saaxiibka dad waynaha Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu faah-faahin ka bixiyo Kulankii uu Madaxweyne Farmaajo kula soo qaatay caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa. Madaxweyne Biixi ayaa hortagi doona todobaadkan labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, isagoona ka jeedin doona khudbad sanadeedkii Dastuuriga aheyd, midaasi oo la filayo in uu si gaar ah ugu warbixiyo natiijada kulankaasi iyo waxqabadka xukuumadiisa. Biixi ayaa markuu Golaha hortago ka warbixin doona waxyaabihii ka soo baxay kulankii uu la qaatay Farmaajo, iyo waxa ka jirra safarka la sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo ku iman doono magaalada Hargeysa. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa la filayaa in uu khudbadaasi ku soo qaato Raali-gelintii uu Farmaajo dhowaan siiyey reer Somaliland, taasi oo la xiriirtay xasuuqii ay dowladdii kacaankii ay ku qaaday gobolada Waqooyi. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu diirada saari doona khilaafka baahsan ee hadheeyay qabsoomida doorashooyinka iyo Komishanka cusub ee sii huriyey xiisada ka taagan doorashooyinka Somaliland. Khudbada Madaxweynaha ee la filayo in uu todobaadkan ka horjeediyo Golaha ayaa noqon doonta mid uu si mug leh uga warbixiyo kulankii uu la qaatay Farmaajo oo ay dul hoganayaan su’aalo badan oo ay ka gaabsadeen labada dhinac ka jawaabidooda.
-
Wararka aan ka helayno xaafadda Haanta dheer ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku waramayaan in xafaddasi maanta lagu bireeyay gabadh da’ yar ahayd. Gabadha la bireeyay ayaa da’deeda lagu sheegay 12 jir, waxaana bireysay haweeneey ay u shaqeyn jirtay sida Goobjoog News ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka. Falkan argagaxa leh ayaa yimid ka dib markii muran dhinaca shaqada ah uu soo kala dhex galay gabdha la bireeyay iyo haweeneyda falka geysatay. Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray waxa ayna gacanta ku dhigeen haweeneydii falka geysatay. Dadka ku dhaqan xaafadda Haanta dheer ayaa aad ula yaaban dhacdadaan maanta ka dhacday xaafadooda, waxa ayna is weydiinayaan waxa haweeneydan ku kalifay in gabadh 12 jir ah ay bireyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
By: Prof. Dr. Bischara Ali Egal On Saturday morning December 28th, a truck bomb exploded at a busy intersection at KM 5 + security checkpoint at in Somalia’s capital, killing at least 90 people including many University students on their way to Universities outside the capital city, Hawkers, women and children authorities said. It was the worst attack in Mogadishu in more than two years, and witnesses said the force of the blast reminded them of the devastating 2017 bombing that killed hundreds, over 500 dead. President Mohamed Abdullahi Mohamed, PM Hassan Khaire and the entire Somali Federal Government condemned the attack as “heinous” but did not mention the likely culprit, the al-Shabab extremist group, by name. But The Somali leadership and Public suddenly suspected and blamed this heinous vicious, immoral, genocidal terrorist act on UAE and Saudi and their Al-shabab islamist praxis’s for destroying the stability and developmental progress. In turn, the terrorist activities of Al shabab, [sponsored by foreign governments] are highlighted with a view to defaming in the eyes of world opinion (as well as estabilizing) the current pro-nationalist Somali federal government of President Farmajoo. Al-Shabab was blamed for the truck bombing in Mogadishu in October 2017 that killed more than 500 people. The group never claimed responsibility for the blast that led to widespread public outrage. Some analysts said al-Shabab didn’t dare claim credit as its strategy of trying to sway public opinion by exposing government weakness had badly backfired. This explosion is similar to the one in October2017 and thus, Security and intelligence people suspected that this blast like the one in 2017 is more sophisticated and deadlier and thus, it couldn’t have been a locallyimprovised explosive device(IED) by Al Shabab. Historical Background Historically, Gulf (khaleejis)(Saudi a, Emirates and Qatar) countries had culturally, commercial , social and religious inter-relations with Somalia and the peoples of the Horn of Africa from time immemorial From early maritime seafaring and trading includes various stages of Somali navigational technology, shipbuilding and design, as well as the history of the Somali port cities. It also covers the historical sea routes taken by Somali sailors which sustained the commercial enterprises of the historical Somali kingdoms and empires, in addition to the contemporary maritime culture of Somalia.”[1] Khaleeji Interventions in Post- Soviet Somalia. 1991-2015 From 1991 Gulf sheikhdoms were only interested in establishing war-torn Somalia as a commercial & maritime gateway and markets for their sub-standard products which dominated the whole business and commercial enterprises of Djibouti, Eritrea, Somalia and Sudan. For decades, the Gulf States (Saudi Arabia, UAE, Bahrain, and Qatar) have been buyers, rather than suppliers, of security. Relying on outside protection, they persistently avoided the use of military means. Two analysts used the term “quiet diplomacy” to describe the external policies of Saudi Arabia and the UAE during the pre-Arab spring period. Oil and Islam have been the main leverage used by the Saudis since the 1960s, while foreign aid and personal networks were the basic policy tools of the Emiratis. Both countries were characterized by low-profile initiatives and the behind-the-scenes negotiations with their regional partners that aimed at promoting amicable relations and guaranteeing the peaceful settlement of disputes.[6] However, until very recently the Horn of Africa was a rather low priority in the foreign policies of both states of the Gulf. Much of the Gulf’s current interest in the Horn is related to competition with Iran. The election of President Mahmoud Ahmadinejad in 2005 led to increased Iranian activity in the Horn of Africa that included an alliance with Eritrea, various agreements with Djibouti, and the further strengthening of relations with Sudan. By the early 2010s, as Iran increased its influence in Iraq and Syria, Saudi Arabia and the UAE were forced to re-examine their foreign and security policies. Their disquiet over Iranian hegemonic ambitions was further heightened in July 2015 with the nuclear agreement between Iran and the West. Saudi and UAE leaders decided to increase military and political coordination and developed a strategy to counter what they perceived as Iranian “expansionism” in the wider region. The change in their foreign and security policies, however, is not exclusively tied to their competition with Iran; it is also related to the wider political developments brought about by the fake Arab Spring. Concerned about the possible spillover effects of the uprisings that swept the Middle East in 2011, both Saudi Arabia and the UAE began to gradually exhibit a newfound assertiveness in international affairs, adopting at times a more active stance in their foreign involvements, and even becoming more willing to use their militaries in support of their national interests. Both countries, for example, have sent their armies to Bahrain and Libya and later to Iraq and Syria to fight against ISIS. In place of their prior “quiet diplomacy” there was increasingly a show of assertiveness and muscle flexing in response to security concerns. The Obama administration’s fatigue with Middle Eastern affairs (Libya, Syria, the Iraq war and of course Afghanistan) and its pronounced pivot toward Asia also fueled this desire to bolster their own security “independence,” without sacrificing the strong strategic partnership with the United States. Times were changing and, having previously relied on the British until they militarily disengaged from the region, the Gulf countries had no excuse to not plan ahead. They were keenly aware of the need to avoid a repeat of history. Saudi Arabia’s defense spending, for instance, reached a record $82 billion in 2015, and in February and March 2016 the country hosted its largest-ever joint military exercise, North Thunder, with the involvement of troops from 20 countries. In parallel, the United Arab Emirates became the world’s third-largest importer of arms. So pronounced was the shift in security concerns and the strengthening of the country’s military capabilities that James Mattis, the American defense secretary, even went so far as to characterize the UAE as a “little Sparta.”[2] While this is a highly exaggerated comparison, the UAE is looking to not only bolster its military capabilities, but also forge a greater unity and common national identity among its different Emirates through the recent institution of obligatory military service for all Emirati males. Piracy and Islamic terrorism were among the major threats that led to the upgrade of the African Horn’s importance in the Saudi and Emirati foreign-policy agendas. Seeing threats from al-Qaeda offshoots across the Sahel to the al-Shabab movement in Somalia that had developed close ties with the Yemen-based al-Qaeda in the Arabian Peninsula, Saudi Arabia, the UAE and other Gulf states recognized that across East Africa’s countries with significant Muslim populations a host of violent and extremist Islamic groups were ranged against both their interests and the security of their nations. The war in Yemen, moreover, led to an escalation of Gulf-Iran tensions and was a major factor in persuading the Saudis and the UAE of the need to strengthen their regional presence. Both countries were apprehensive about the growth of the Shiite Houthi insurgency in Yemen and the perceived associated Iranian encroachment on the Arabian Peninsula, evaluating them as major threats. Furthermore, the perception that the United States was reluctant to contain Iran made Gulf policy makers more apprehensive. In fact, the Obama administration’s desire to quickly normalize relations with Iran was a source of both tension and contention with the Emirates and Saudi Arabia, which argued, albeit discreetly, that the United States was moving too swiftly without having obtained the guarantees necessary to assuage their traditional allies’ security concerns. When, in March 2015, Saudi Arabia and the UAE decided to militarily intervene in the Yemeni war, it became clear that they would need additional ground forces, ports and air bases. Moreover, it was imperative to secure the support of countries across the Red Sea and the Gulf of Aden with whom Iran had developed close relations since the 1990s. The Qatar Crisis, Shockwaves Throughout The Middle East The Horn of Africa has a 4,000 km coastline that runs from Sudan in the north to Kenya in the south and lies astride vital Indian Ocean trade routes. At the Bab al-Mandab straits, where the Red Sea and the Indian Ocean meet, Yemen is just 30 km from Eritrea and Djibouti; and the port of Aden is closer to Mogadishu and Hargeisa than Riyadh. Gulf States estimated that Iran could threaten shipping through the Bab al-Mandab, as it has long sought to do with the Strait of Hormuz. This meant that Yemen’s location was strategic both because it represented the soft underbelly of Saudi Arabia and because of the importance of the straits for both Gulf and world trade.[3] In this coastline, “where cash-strapped regimes often teeter on the brink of financial survival,”[4] the Gulf states have found willing partners. In return for financial aid, Sudan, Eritrea, and Djibouti proved willing to support the Saudi-led Operation Decisive Storm against the Houthis. Sudan deployed 4,000 to 10,000 men in Yemen — mainly to secure Aden and its vital port — as Emirati Special Forces fought Houthi rebels in the rest of the country.[5] The deployment was rewarded with significant monetary support: in August 2015; Sudan’s central bank announced that it had received a $1 billion deposit from Saudi Arabia. Eritrea leased the port of Assab and the strategically located Hanish Islands to the UAE in return for financial compensation and oil. In December 2016, the UAE signed a renewable 25-year contract for the establishment of an air and naval base in Berbera on the coast of Somaliland(NW Somalia). In June 2015, the UAE foreign minister visited Somalia, and a few days later a shipment of armored vehicles arrived in Mogadishu.[6] In return, Somalia’s government has allowed its airspace, land and territorial waters to be used by the coalition. By 2016, it was revealed that Djibouti was negotiating the leasing of a military base to Saudi Arabia “to further enable the encirclement of Yemen.”[7] As an analyst argues, “The internationalization of the Yemeni war is proving a major windfall for the Horn of Africa, providing a source of ready cash and diplomatic support for governments in the region.”[8] Another member of the Gulf Cooperation Council (GCC), Qatar, while also engaging in the Horn, took a somewhat different approach. Its troubled relations with Saudi Arabia have resulted in its “minimal participation in every security framework under Saudi influence.”[16] Instead, it opted for a low-profile, rather neutral, policy based on mediation in East African conflicts, often using financial inducements and investments to facilitate the settlement of conflicts. Qatar’s 2003 constitution had established mediation as a cornerstone of its foreign policy.[9] The emir and the prime/foreign minister, Sheikh Hamad bin Jassim Al-Thani, had been involved in the Darfur peace process after violence escalated in 2008. Qatar’s mediation efforts led to a ceasefire agreement signed in February 2010[10] between the Khartoum government and the largest opposition group, the Justice and Equality Movement. Qatar has also mediated a truce in the Eritrea-Djibouti border dispute and deployed a small contingent of peacekeepers along the border in 2010. However, when Eritrea broke its diplomatic ties with Qatar in 2017, following the sanctions imposed on Qatar by the other Gulf states, Doha decided to withdraw its peacekeepers from the border.[11] In general, Qatari mediating efforts have not proven particularly successful as its “reliance on business ties to lubricate political relationships has [given it] only limited diplomatic influence.” Like Qatar, Oman was careful not to upset its relations with Saudi Arabia and Iran, and remained neutral throughout the conflict in Yemen, offering to mediate on several occasions.[12] Saudis and Emirates played the role of un-declared agents of Western Empire in Somalia fueling the civil war through tribal communalist competitions and funding for inter-clan militias and warlords the entire 90’s and up 2014. The Scramble for Somalia’s Geostrategic position in Search for Military Bases and Ports Khaleeji states of Suadi ,UAE and Qatar plus Turkey have heightened their geostrategic scramble for The Horn of African countries and specially Somalia seeking Economic, diplomatic and Military relations such as Military Bases and commercial Ports since 2014. Thus, competing with each other and the Chinese Belt and Road Infrastructure Initiative (BRI) or/ and Maritime Silk Road (MSR). For political, economic and ideological reasons, Saudi Arabia, the United Arab Emirates (UAE), Qatar and Turkey are locked in a push-pull to set the rules for a Middle Eastern region long in turmoil. Two overlapping rivalries drive and define this engagement: a split within the Gulf pitting Saudi Arabia, the UAE and Egypt against Qatar and Turkey; and competition between Saudi Arabia and Iran. In strengthening their relationships in the Horn, Gulf states and Turkey hope to secure both short- and long-term interests. In both those struggles, the main rivals see Africa as a new arena for competition and building alliances, particularly as the Horn is poised for strong economic growth over the next generation. With their significant financial resources, the Gulf countries and Turkey see a chance to adjust the future economic and political landscape of the Red Sea basin in their favour. They are all expanding their physical and political presence to forge new partnerships and ring-fence their enemies – most often one another. In strengthening their relationships in the Horn, Gulf states and Turkey hope to secure both short- and long-term interests. In the short term for example, the Yemen war made it imperative for Saudi Arabia and the UAE to obtain a Red Sea military base. The internecine Gulf crisis that burst into the open in 2017 accelerated efforts by both sides of the rift to seek new allies. In the long term, each country is jockeying for a prime position in the Red Sea corridor’s economy and politics. Economically, they seek to enter the Horn of Africa’s underserved ports, energy and consumer markets as gateways to rapid economic expansion across the continent. All four describe China as the emerging dominant force in the Horn, and hence one with which they will need to ally, as U.S. and European influence recedes. The UAE, Qatar and Turkey, in particular, view China’s Belt and Road initiative (BRI), with projects planned across East Africa, as a chance to bolster their relationships with Beijing. The tools in this new power scramble range from transactional to coercive. Gulf countries and Turkey can offer aid and investment in amounts that few others can, or in market conditions that many Western firms consider too risky. Their terms for dispensing aid are often more attractive for local political leaders than those of Western donors. Instead of democratic or market reforms, Gulf states expect preferential access to new investment opportunities and ask aid recipients to take their side in either of the two rivalries in which they are involved. In exchange for military assistance, Gulf states may ask their local allies to push back or suppress domestic political forces aligned with their external enemies. Conclusions The Horn of Africa region has been the scene of continuing struggles of foreign actors throughout history. The centuries-long Ottoman influence in this region has left its place to the colonial activities of the Western countries. The region had witnessed the competition for the influence of the Soviet block with the West during the Cold War era. In recent years, a number of new actors such as Turkey, the United Arab Emirates, and China have started to seek influence in the region. While China and Russia have developed significant economic activities in the region, Turkey has been utilizing its historical ties as well as developing its humanitarian aid programme in Somalia and other countries in the region. The region has been lying in the shores of Gulf of Aden, Bab al-Mandab, and the Red Sea, a route that is one of the most important passages for world maritime trade. Bab al-Mandab is particularly important for Asian trade giants such as China and Japan that exports significant amount of goods to Europe through this route. In addition, a great deal of the oil and natural gas exports from the Gulf countries to the European market are shipped through the Gulf of Aden, Bab al-Mandab, and the Red Sea route. Therefore, for many countries, the stability of this region is of great importance. The region is important also since it is considered to be one of the most important entry points to the African market by the leading countries of Asia and the Middle East. This is indicative of China’s investment in Ethiopia and Russia’s efforts to develop closer economic and political relations with regional countries such as Eritrea and Djibouti. Another country that closely follows the region, in this sense, is the United Arab Emirates. Two UAE economic giants, Abu Dhabi and Dubai, export significant amount of goods to Africa. The two Emirates also serve as a hub for other countries and international companies that seek business with the continent. This makes the Emirati ports as a crucial transfer point for big companies that export their goods to Africa. While global firms, including Nestle, use Dubai as the hub of African operations, thousands of containers leaving China and India for Africa arrive at the port of Dubai to be transferred to Africa. This trend has derived from the increasing volume of trade, particularly from Dubai to Africa, over the years. Between 2008 and 2013, non-oil trade from Dubai to Africa increased by 700 percent.[14] The tools in this new power scramble range from transactional to coercive. Gulf countries and Turkey can offer aid and investment in amounts that few others can, or in market conditions that many Western firms consider too risky. Their terms for dispensing aid are often more attractive for local political leaders than those of Western donors. Instead of democratic or market reforms, Gulf states expect preferential access to new investment opportunities and ask aid recipients to take their side in either of the two rivalries in which they are involved. In exchange for military assistance, Gulf states may ask their local allies to push back or suppress domestic political forces aligned with their external enemies. This competition for influence raises risks of new conflict. The Gulf states and Turkey each say they are seeking “stability” in the Horn, but their definitions differ dramatically and put their interests directly at odds. Saudi Arabia and the UAE view civil unrest as something to control lest the region become a playground for Sunni Islam-inspired political movements or Iran. They privilege short-term stability imposed by strong security states. Although they urge allies to open their markets to investment, they would rather bandage economic grievances and postpone hard reforms that would threaten the status quo. Qatar and Turkey, meanwhile, are more inclined to see popular uprisings as a way to empower groups such as the Muslim Brotherhood that they believe will promote their interests in the long run. Yet the Brotherhood and its local spinoffs have overreached in some cases since the 2011 uprisings by imposing their ideological agendas and thus creating as many new grievances as addressing existing ones. With their competing views, these two camps consider relationships in the Horn to be a zero-sum game, pressing states to take sides and supporting domestic opposition groups or local leaders if national capitals do not oblige. They can do this because relations between the Gulf and the Horn are deeply asymmetrical and favour the former. While competition and rivalry may serve [Gulf’s] immediate political and commercial goals, it is just as likely to harm the long-term stability of a fragile region.[16] The Somali Federal Government and political leadership feels that the Emirates are intervening aggressively in Somali internal affairs; stalking communal/ clan warfare; encouraging balkanization of Somalia; funding and encouraging Al-shabab and fostering regional insecurities since 9/11 Moreover, they are acting willingly as Agents of US/NATO as well as of USAFRICOM’s “Global war on terror “(GWOT). The latter is directed towards towards Somalia contributing to weakening Horn Of Africa countries from an economic and military standpoint. * Note to readers: please click the share buttons above or below. Forward this article to your email lists. Crosspost on your blog site, internet forums. etc. Prof. Dr. Bischara Ali Egal is Executive Director, Chief Researcher of The Horn of Africa Center for Strategic and international Studies (Horncsis.org) Notes 1) https://en.wikipedia.org/wiki/Maritime_history_of_Somalia (accessed december 29,2019) 2) https://mepc.org/journal/gulf-states-and-horn-africa-new-hinterland (accessed 29, 2019) 3) Ibid 4) Ibid 5) Ibid 6) Ibid 7) Ibid 8) Ibid 9) Ibid 10) Ibid 11) Ibid 12) Ibid 13) https://www.crisisgroup.org/middle-east-north-africa/gulf-and-arabian-peninsula/206-intra-gulf-competition-africas-horn-lessening-impact (accessed December 30, 2019) 14) http://studies.aljazeera.net/en/reports/2018/05/lost-love-horn-africa-uae-180528092015371.html(accessed December 29, 2019) 15) Afshin Molavi, the Emerging Dubai Gateway to Africa, John Hopkins School of Advanced International Studies – Foreign Policy Institute, 9 October 2014, https://www.fpi.sais-jhu.edu/single-post/2014/10/09/The-Emerging-Dubai-Gateway-to-Africa;(accessed 29thDecember, 2019) 16) Ibid The original source of this article is Global Research Copyright © Dr. Bischara A. Egal, Global Research, 2020
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo iska soo horjeeda oo ka socda gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galgaduud. Kulamada ayaa waxaa kala hoggaaminaya madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka soo horjeedo maamulka Qoor Qoor. Madaxweynaha Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay xarunta madaxtooyada kula kulmay qeybaha bulshada, isagoo ka dalbaday inay la shaqeeyaan maamulkiisa. Sidoo kale Shaakir ayaa isna ururada kala duwan ee bulshada rayidka ah ku qaabilay xafiiskiisa, wuxuuna kala hadlay ammaanka iyo inay taageeraan Ahlu Sunna. Xaaladda Galmudug ayaa weli ku jirta is jiid jiid ku jirta, iyadoona uu khilaaf hor leh ka dhashay doorashadii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. View the full article
-
Taliyaha Booliska Somaliland, Gen. Maxamed Aadan Saqadhi Somaliland ayaa ruqseysay Askri Booliis ah oo dharbaaxo la dhacay qof dumar ah oo ku nool magaalada Hargeysa. Qoraal la soo dhigay barta Facebook-ga ee hoggaanka Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in la ruqseeyay saddex Alifle Mahad Cabdi Cismaan, oo u gacan daaqay qof dumar ah, isagoo xiran sharta ciidanka Booliska. “Saacaddo ka hor waxa baraha bulshada la soo galiyay saddex Alifle Mahad Cabdi Cismaan oo gacan u qaaday ruux dumara. Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa anaga oo ka duulayna in boolisku yahay saaxiibka dadwaynaha in la ruqseeyay asakarigaa xad gudubka sameeyay isagoo xidhan sharftii Ciidanka Booliska Somaliland. Boolisku waa saaxiibka dadwaynaha” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska Somaliland. Baraha bulshada ayaa maanta la soo dhigay muuqaal magaalada Hargeysa lagaga duubay askari xiran dareyska ciidanka Booliska Somaliland oo dharbaaxo la dhacaya qof dumar ah. Balse Booliska Somaliland ayaa saacado ka dib sheegay in uu raqseeyey askarigaas xadgudubka sameeeyey. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ruqseysay Askari u gacan qaaday qof dumar ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan maanta ay Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaaradaha Warfaafinta iyo kuwa isgaarsiinta ayaa waxa ay uga hadleen sharciga isdiiwaangalinta iyo hanaanka bixinta ruqsadaha shirkadaha isgaarsiinta dalka ka howlgalla. Hey’adda isgaarsiinta qaranka ayaa waxa ay sheegtay in muddo 45 cisho ah ay u qabanayaan shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa warbaahinta, waxa ayna sheegeen in shirkaddii horay u heysatay ruqsad ay soo mari doonto hey’adda isgaarsiinta qaranka. “Maanta laga bilaabo muddo 45 maalin ah cid kasta oo ka shaqeysa xarumaha ay maamusho hey’adda isgaarsiinta waa in ay qaataan ruqsadaha, warbaahinta waxaan u sheegaynaa ruqsad qaadashada waxa ay ka bilaabmeysaa wasaarada warfaafinta ciddii aqoonsi ka heysatana waa in ay noo keenaan, ciddii aan heysana ay ka soo qaataan wasaaradda warfaafinta” ayuu yiri maareeyaha hey’adda isgaarsiinta qaranka Cabdi Sheekh Axmed. Amarkan ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli maanta hey’adda isgaarsiinta qaranka ay daah furtay hanaanka bixinta ruqsadaha shirkadaha. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Hey’adda oo dhameystiran Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta ku dhawaaqday Hannaanka Mideysan ee Rukhsadaha Isgaarsiinta & Teknolojiyada dalka (Unified Licensing Framework – ULF), ka dib markii ay soo gabagabowday muddadii loogu talo galay wada-tashiga dadweynaha. Hannaankan oo ku saleysan Sharciga Isgaarsiinta Qaranka wuxuu shirkadaha u fududeynayaa nidaamka ay ku qaadan karaan rukhsaddii ay ku shaqeyn lahaayeen, waana mid aan shirkadaha ku xaddideynin nooca teknolojiyada iyo adeegga ay bixinayaan, taas oo u sahleysa inay hal-abuurro cusub soo kordhiyaan. Nidaamkan ayaa ku soo ururinaya rukhsadaha 3 qeybood oo waaweyn oo kala ah 1) shirkadaha bixiya adeegyada kaabayaasha isgaarsiinta (Communications Infrastructure Providers (CIP); 2) shirkadaha bixiya barnaamijyada iyo adeegyada (Application Service Providers -ASP) 3) shirkado isku bixiya kaabayaal iyo adeegyaba (Communications Infrastructure and Services Providers (CISP). Hannaankan oo ah kii ugu horreeyay ee uu dalkeenu yeesho, ayaa ujeeddada laga leeyahay waxay tahay in la dhiirrigeliyo horumarinta adeegyada teknolojiyadeed ee dalka; fududeynta habka loo qaato rukhsadaha si loo fududeeyo qaabka ay shirkaduhu suuqa u soo gali karaan; iyo in si wanaagsan looga faa’iideysto kaabayaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka si loo kordhiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta shirkadaha. Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta & Tekenolojiyada, Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee Hay’adda ay tahay in la hirgeliyo hannaan rukhsadeed oo casri ah oo sidoo kalena tixgelin siinaya duruufaha dalkeena. “Shirkadaha bixiya adeegyada ay Hay’addu nidaamiso waxay haystaan illaa 1da Abriil inay ku soo dalbadaan rukhsadihii ay ku shaqeyn lahaayeen, haddii kale waxaa loola dhaqmi doonaa inay yihiin shirkado cusub,” ayuu yiri Maareeyaha oo intaasi ku daray in warbaahinta laga doonayo in marka hore ay rukhsad ka soo qaataan Wasaaradda Warfaafinta ka hor intaysan Hay’adda Isgaarsiintu siinin hirkii (frequency) ay ku shaqeyn lahaayeen. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Md. C/raxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa soo dhoweeyay tallaabadan cusub ee ay qaadday Hay’adda Isgaarsiinta, isagoo xusay in wasaaraddiisu qeyb ka ahayd hannaankan maadaama ay ka khuseyso arrimaha warbaahinta iyo hirarka ay ku shaqeeyaan maadaama Wasaaradda Warfaafintu u xilsaaran tahay nidaaminta waxyaabaha ay baahinayaan. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Xildhibaan C/laahi Bile Nuur, oo soo xiray kulanka ayaa ku ammaanay Hay’adda Isgaarsiinta dadaalka ay ku bixisay diyaarinta dokomintigan oo nidaaminaya isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, wuxuuna faray shirkadaha inay rukhsadaha ku qaataan muddada ay jaan-goysay Hay’addu. Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiillo ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta, ISPs, bankiyada, shirkadaha diiwaangeliya website-yada, ururrada warbaahinta iyo wakiillo ka socda wasaaradaha kala duwan ee dawladda.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-469/022020, uu ku Aas-aaska Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somalilland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Aasaaska Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somalilland Markaan Arkay: Qodobbada 90aad, 11aad, 15aad, 16aad, iyo 20aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: In dhallinyarada dalku bud-dhig u yihiin dhismaha cududda Qaranka, isla markaana ay muhiim tahay in si mug iyo miisaan leh loo eego duruufaha kala duwan ee ku gadaaman Dhallinyarada; Markaan Arkay: In dhiiri-gelinta iyo taageerada hal-abuurka iyo curinta dhallinyaradu muhiim u yihiin horumarka iyo dhismaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Ku Qancay: In Qaranku baahi weyn u qabo ka faa’iidaysiga maskaxda iyo xooga culayga ah ee dhallinyarada iyo abuurista fursado dhaqaale oo bud-dhig u noqon kara jihaynta xooga dihin ee dhallinyarada; Markaan La Tashaday:Laamaha Dawladda ee ay khuseyso; Waxaan soo saaray; Qodobka 1aad Aasaaska Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland 1) Waxa halkan lagu aasaasay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah sanduuq dhaqaale oo ka shaqayn doona horumarinta hal-abuurka iyo curinta Dhallinyarada Dalka. 2) Sanduuqu waxa uu yeelan doonaa miisaaniyad u gaar ah oo lagu maalgeliyo ganacsiga iyo xirfadaha hal-abuurka ee Dhallinyarada Dalka, taasi oo lagu siin doono hab dayn ama deeq ahaaneed, kolba sida ay ku habboonaato. 3) Barnaamijka Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada waxa gundhig u ah dhiirrigalinta hal-abuurka iyo curinta Dhallinyarada Dalka, si loo horumariyo maskax ahaan iyo dhaqaale ahaan, isla markaana loo helo dhallinyaro ka fayow qabyaalad, balwado iyo ficillada xun-xun, qayb weyna ka qaadata horumarka dhaqan-dhaqaale ee bulshada. 4) Xarunta guud ee Sanduuqu waxay noqonaysaa Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeisa, hasa-yeeshee waxa uu Sanduuqu laamo ku yeelan karaa Gobollada Dalka, haddii loo baahdo. Qodobka 2aad: Ujeedooyinka Sanduuqa Horumarinta Dhalinyaradda Ujeedooyinka Sanduuqa Hormarinta Dhallinyaradu waa: 1) Dhiirigalinta iyo gacan qabashada dhallinyarada hal-abuurka iyo curinta leh ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. 2) Maalgalinta dhallinyarada la yimaadda hal-bauur ganacsi iyo xirfadeed ee u baahan gacan qabasho dhaqaale. 3) Abuuridda fursado shaqo oo hor leh iyo maalgelinta ganacsiga raandhiiska leh iyo xirfadaha dhallinyarada dalka, si loo gaadho horumar waara. 4) Dhiirigelinta ka qayb-qaadashada dhallinyarada ee dhinaca horumarka dhaqan-dhaqaale ee dalka iyo daboolidda baahida dhallinyarada hal-abuurka ganacsi lihi u qabaan maalgashi dhaqaale oo aan lahayn dul-saar iyo shuruudo maaliyadeed. 5) Gacan ka gaysashada in dhallinyaradu abuurtaan shaqooyin, una noqon lahaayeen shaqo bixiyayaal (Employers), halkii ay mar walba ka noqon lahaayeen shaqaale (Employees). Qodobka 3aad Shaqooyinka Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland Masuuliyadda iyo waajibaadyada Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada, waxa ka mid ah: 1) In uu dejiyo siyaasadaha maalgalinta dhalinyarada hal-abuurka iyo curinta leh ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. 2) In uu dejiyo, isla markaana curiyo qorsheyaal iyo istaraatijayado lagu dhiirigelinayo dhallinyarada hal-abuurka leh. 3) In uu abuuro saaxad Dhallinyarada Somaliland ku tartami karaan hal-abuurkooda iyo hindiseyaashooda maangalka ah ee maalgalinta u baahan. 4) In uu diyaariyo, isla markaana fuliyo barnaamijyo dhallinyaradu ku soo bandhigayaan fikradahooda, hibooyinkooga iyo curintooda maskaxeed. 5) In uu dhallinyarada ku tartansiiyo hal-abuurka iyo curinta fikradaha ganacsi ee maalgalinta iyo dhiirigalinta u baahan. 6) In uu baahiyo isla markaana xayaysiiyo barnaamijyo maalgalineed oo loogu talogalay in dhallinta hal-abuurka iyo curinta maskaxeed leh lagu abaal mariyo laguna maalgaliyo. 7) In uu maalgalin lacageed iyo mid niyadeedba siiyo dhallinta hal-abuurka iyo curinta leh ee ku guulaysata barnaamujyada maalgalinta ah. 8) In uu dhallinyarada Somaliland tuso in Qaranku u baahan yahay maskaxdooda iyo muruqoodaba; lana abuuro saaxad dhallinyaradu kaga qayb-galaan horumarka dalka. 9) In uu ku wacyi galiyo bulshada ujeedada iyo faa’iidooyinka Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland. 10) In uu ka siiyo tallooyin Madaxweynaha siyaasadaha iyo qorshayaasha lagu horumarinayo hal-abuurka iyo curinta faa’iidada leh ee ay la yimaadaan Dhallinayarada Somaliland. 11) In uu diyaariyo warbixinta Sanduuqa, una gudbiyo Madaxweynaha iyo meelaha kale ee sharcigu waajibiyo. 12) In uu wada-shaqeyn dhow iyo iskaashi la yeesho Hay’adaha Qaranka, Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ay shaqo-wadaagta yihiin, raaadiyana barnaamijyo lagu maalgalinayo dhalinyarada hal-abuurka leh ee dalka. 13) In uu qaado tallaabo kasta oo uu ku xaqiijinayo hirgelinta ujeedooyinka loo abuuray sanduuqa horumarinta dhalinayarada JSL. Qodobka 4aad Qaab-dhismeedka Maamulka Sanduuqa 1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu yeelanayaa Guddi Sare oo maamul (Board of Directors) oo ka kooban: a) Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha =Guddoomiye= b) Guddoomiyaha Gaboodka Haweenka ee Nagaad =G/ku-xigeen= c) Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Somaliland SONYO =Xoghaye= d) Wasiirka Horumarinta Maal-geshiga =Xubin= e) Wasiirka Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska =Xubin= f) Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga =Xubin= g) Laba Xubnood oo Qaadhaan-bixiyayaasha metela =Xubin= h) Saddex Xubnood – Shirkadaha Ganacsi ee waaweyn ee dalka =Xubin= 2) Xubnaha ay soo magacaabaan Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah, waxa ay u soo gudbinayaan Guddoomiyaha Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland, ahna Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ee hadba haya xilka. 3) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu yeelanayaa Agaasime Fullineed, oo uu soo magacaabo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qodobka 5aad Shaqooyinka Guddida Sare ee Sanduuqa Shaqooyinka Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada waxa ka mid ah: 1) Hoggaaminta guud ee Sanduuqa iyo Dejinta, hubinta iyo hirgalinta siyaasaddaha iyo qorsheyaasha dhaqaajinta Sanduuqa. 2) Dejinta siyaasadaha iyo qorsheyaasha lagu maalgalinayo hal-abuurka dhallinyarada Somailland ee Sanduuqu ku shaqaynayo. 3) Hubinta in dhaqaalaha Sanduuqa loo isticmaalay hawlihii loogu talo galay, loona isticmaalay si waafaqsan xeerarka iyo qorsheyaasha loo dajiyay barnaamijka Sanduuqa. 4) In ay masuul ka noqdaan hagidda, maamulidda, daba-galka, qiimaynta iyo kor kala socoshada dhammaan fulinta hawlaha iyo mashaariicda Sanduuqu hirgalinayo. 5) In ay hagaan, hogaamiyaan, isla markaana la xisaabtamaan Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada, si loo sugo fulinta hawlihii la qorsheeyey. 6) In ay qabtaan shaqo kasta oo kale oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u igmado. Qodobka 6aad Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa 1) Awoodaha shaqo ee Agaasimaha Fulinta waxa ka mid ah: a) Hoggaaminta guud ee Hawl-maalmeed Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada. b) Socod-siinta, hagista iyo maamulida dhammaan hawlaha Sanduuqu u xil-saaran yahay ee awoodiisa ah, isla markaana ay ansixiyeen Golaha Sare ee Sanduuqu. c) Maamulka iyo maaraynta hawl-maalmeedka shaqo ee Sanduuqa. d) Fulinta siyaasaddaha, qorsheyaasha iyo barnaamijyada Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada ee ay dajiyeen Guddiga Sare ee Sanduuqu. e) Qorshaynta, qaabaynta iyo fulinta hawlaha Sanduuqa, kadib marka ay u ansixiyaan Guddida Sare. f) Diyaarinta miisaaniyadda iyo kharashaadka Sanduuqu u baahan yahay; iyo u gudbinta Guddida Sare si loo ansixiyo. g) Diyaarinta warbixinaha kala duwan ee Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada. h) Diyaarinta fagaarayaasha lagu soo bandhigayo hidisayaasha iyo hal-abuurada dhallinyarada dalka. i) Wacyi-galinta iyo dhiirigalinta hal-abuurka iyo curinta fikradaha ganacsiga iyo xirfadaha dhallinyarada. j) Qabashada tartamada lagu xulanayo dhallinyarada hal-abuurka ganacsi la timaada. k) Ka hawl-galida in dhaqaale iyo deeqo loo helo Sanduuqa. l) Fulinta dhammaan go’aamada, wareegtooyinka, qorsheyaasha iyo tallaabooyinka maamul ee ka yimaad Guddida Sare. m) Diyaarinta warbixinaha Sanduuqa (Activities Report) oo bille, Saddex biloodle iyo Sannadle ah, waxaana loo gudbinayaa Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada. n) Fulinta shaqooyinka ay Guddida Sare ee sanduuqu u igmato. Qodobka 7aad Dhaqaalaha Sanduuqa Dhaqaalaha Sanduuuqa Horumarinta Dhallinyaradu waxa uu ka kala imanayaa ilaha dhaqaale ee kala ah: 1) Qoondada Miisaaniyadda Qaranka. 2) Kaalmooyinka iyo tabarucaadka ganacsatada iyo muwadiniinta. 3) Deeqaha Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah. 4) Daymaha si sharciga waafaqsan loo qaato,IWM. Qodobka 8aad Hab-Xisaabeedka Sanduuqa 1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradu waxa uu ka furan karaa Lambar Xisaabeed (Bank Accounts) Baananka Dalka. 2) Qaab-xisaabeedka Sanduuqu waa inuu ahaado mid sax ah oo hufan, islamarkaana ay ka muuqato dakhliga iyo kharashka, taas oo ku salaysan hanaan xisaabeedka dalka. 3) Dhammaan Lambar Xisaabaadka Sanduuqa ee ka furan Baananka waxa uu yeelanayaa laba saxeex oo kala ah Guddoomiyaha Guddida Sare iyo Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa. Qodobka 9aad Xisaab-xidhka Sanduuqa 1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada waxaa ku waajib ah in uu sameeyo xisaab xidh saddex bilood ah, oo ay ku xusan tahay: a) Cadaynta xisaab xidhka iyo hadhaaga xisaabadka lacageed, hadduu jiro. b) Caddaynta Hawlaha shaqo ee ay ku baxeen kharashaadka baxay. 2) Sanduuqu waa in uu xisaab-xidhkiisa u gudbiyo Guddida Sare, Guddida Sarena ay u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
-
Diyaarad ay leedahay Israa’iil ayaa markii u horreysay ku duushay hawada dalka Sudan taasi oo uu Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benajmin Netanyahu ku sheegay tusaale kale oo ku aadan hagaajinta xidhiidhka dalalkii ay hore isku hayeen. Israa’iil ayaa farsamo ahaan dagaal la ah dalka Sudan, oo taageerta kooxaha Islaamiyiinta ah oo ay ku jiro Alqaeda oo ay mar caawin jirtay xilligii Madaxweyne Cumar Al-Bashir. Bashir ayaa Ciidammada qalabka sida ee dalkaasi ay xilka ka eryeen bishii April ee sanadkii hore ka dib banaanbaxyo socday muddo billo ah oo dowladdiisa lagaga soo horjeeday. “Diyaaradda Israa’iil waxa ay dhaaftay shalay hawada Sudan. Waa mid muujineysa isbadal,” ayuu Netanyahu ugu sheegay magaalada Qudus xubno ka tirsan hogaamiyeyaasha Yuhuudda Mareykanka ah, mana aanu bixin wax tafaasiil ah. Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa’iil ayaa ka soo xigtay sarkaal ka tirsan dowladda oo aan magaciisa la sheegin ayaa in diyaaraddu ay ahayd mid khaas ah. Netanyahu ayaa laba toddobaad ka hor la kulmay hogaamiyaha Sudan Abdel Fattah al-Burhan taasi oo ay xafiiska Ra’iisulwasaaraha Israa’iil ku sheegeen wadahadallo looga gon leeyahay in caadi laga dhigo xidhiidhka labada dal. Afhayeenka dowladda Sudan ayaa sheegay in Burhan “aanu siin wax ballan ah oo ku aadan in caadi laga dhigo xidhiidhka labada dal ama ay yeeshaan xidhiidh dublumaasiyadeed.” Sudan ayaa ka mid ahayd wadamada Carbeed ee muddo go’doominta ku haayay Israa’iil sababo la xidhiidha habka ay Israa’iil kula dhaqanto Falastiiniyiinta iyo haysashadeeda dhul Carbeed. Markii uu dhammaaday dagaalkii lixda cisho ee sanadkii 1967-kii kaasi oo Israa’iil ay kula wareegtay dhul ballaadhan oo Falastiiniyiintu leeyihiin iyo sidoo kale buuraleyda Golan Heights oo laga qabsaday Suuriya, ayaa madaxda wadamada Carabtu waxa ay ku kulmeen magaalada Khartoum halkaasi oo ay ka soo saareen qaraarka loo yaqaan “3 maya” oo kala ah; Nabad maya, aqqoonsi maya, wadaxaajood lala yeesho Israa’iil maya. Wadamada Khaliijka ayaa dhowaanahan sameeyey calaamado muujinaya iney hagaajinayaan xidhiidhkooda Israa’iil oo ay wadaagaan cadaawadda ku wajahan Iran. Netanyahu ayaa booqday dalka Cumaan sannadkii 2018 wuxuuna ku celceliyaa in go’doomintii dalkiisu ay soo idlaaneyso iyadoo aanay jirin wax qorshe nabadeed ah oo lala galay Falastiiniyiinta. Masar iyo Jordan ayaa ah laba dal ee Carab ah ee xidhiidhka tooska ah ee dublumaasiyadeed la leh Israa’iil. AFP Source
-
Safiirka dowladda Mareykanka ee dalka Jarmalka, ayaa Axaddii shalay laga soo xigtay in madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay inuu joojin doono sirdoonka uu la wadaago dalalka la tacaamula shirkadda Shiinayska ee Huawei. Wakaaladda Wararka AFP, ayaa ku soo warrantay in Xukuumadda Washington, ay is-bahaysigeeda ku cadaadinayso, in ay mamnuucaan adeegsiga barnaamijka 5G ee Shirkadda Huawei, sababo la xiriira halis amni. Shirkadda Huawei ayaa ah mid ka mid ah shirkadaha teknoolajiyadda ee ugu weyn caalamka, Dalal badan oo Europe ah islamarkaana xulufo la ah Mareykanka, sida Britain iyo France, ayaa sheegay in aysan ka mamnuuci dooni Huawei in ay u dhisto shabakadaha 5G, balse ay kusoo rogi doonaan xannibaado kale. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo, ayaa isna Shirka Amniga Munich u sheegay Sabtidii in Huawei ay tahay fayraska dheereeya ee sirdoonka Shiinaha. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo Xulafadiisa uga digay La-tacaamulka Shirkadda Huawei appeared first on Puntland Post.
-
Ururuka suxufiyiinta qaranka ee NUSOJ ayaa si xoogan u cambaareeyey dilkii Allaha u naxariistee wariye Cabdiwali Cali Xuseen Online oo shalay galinkii dambe kooxo hubeysan ay ku dileen gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Xoghayaha ururka suxufiyiinta qaranka, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa geerida wariye Online uga tacsiyadeeyay Ummadda Soomaaliyeed, eheladiisa iyo bahda saxaafadda. Cumar Faaruuq ayaa sidoo kale tilmaamay inay dalbanayaan baaritaan sax ah oo ka dhan ah dilka wariye Cabdiwali Online, isagoo dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dalbaday in cadaalada la hor keeno kooxaha dilka geystay. Allaha u naxariistee dilka wariye Online ayaa yimid, mar uu ka soo laabtay waajibaadkiisa shaqo, wuxuuna xilliga la tooganayey ku sii jiiday hoygiisa. Marxuumka ayaa ifka uga tegay labo caruur ah iyo xaas, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa. Waa wariyihii ugu horreeyey ee sanadkaan 2020-ka lagu dilo gudaha Soomaaliya oo la sheego inay ka mid tahay dalalka lagu dhibaateeyo suxufiyiinta. View the full article
-
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu ay tahay Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la soo afjaray khilaafkii dhinaca waxbarashada ee dowladda federaalka iyo maamulka Pubtland. Sida ay tilmaameen xildhibaanadu ardayda Puntland ayaa dhowaan heli doono shahaadooyinka dugsiga sare oo muddooyinkii dambe ay caqabad ka taagneyd. Xildhibaan Cumar Cismaan Waabari oo la hadlay warbaahinta kulanka kadib ayaa ka warbixiyey sida loo xaliyey khilaafkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Jaamac-1.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xubno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xal laga gaaray khilaafkii dhanka waxbarashada ee mudooyinkii dambe ka dhex jiray wasaaradaha waxbarashada ee maamul goboleedka Puntland iyo tan xukuumadda fedraalka Soomaaliya. Maxamuud Axmed Ciise Maas oo katirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay inay arrintaan kala hadleen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isla markaasna uu madaweynaha aqbalay in Shahaadada Dugsiga Sare la siiyo ardayda kasoo qalin jabisay dugsiyada sare ee Puntland kuwaas oo aan gelin imtixaankii guud ee Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya. Senator Saciido Xasan oo ka mid aheyd xunbaha warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegtay in dadaal badan ay ku bixiyeen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka dhex taagnaa Dowladda iyo Maamul Goboleedka Puntland, ugu dambeyntii ay kusoo dhamaatay guul iyo isfaham labada dhinac ay ku qanceen. Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa ay tilmaameen in Madaxweyne Farmaajo uu hay’addaha ku shaqada leh dhinaca Shahaadada ku amray in Ardayda Puntland la siiyo Shahaadada. Xildhibaanada ayaa sheegay in Labada Wasaarad Waxbarasho ee heer federal iyo heer Dowlad Goboleed ay isla kaashanaayaan sidii Ardayda ay u geli lahaayeen Imtixaanka kadibna ay u qaadan lahaayeen Shahaada Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya oo ah midda laga aqoonsan yahay caalamka. Xildhibaanada kasoo jeedo deegaanada Puntland ayaa Wasaaradda Waxbarashada Puntland ugu baaqay inaysan ka hor imaan habraaca Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya isla markaasna la dhawro sharciga iyo kala dambeynta. Ugu dameyntii Xildhibaanada ayaa Madaxda ugu sarreysa Dowladda , Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Waxbarashada maamulkaas uga mahadceliyay sida wanaagsan ee loo dhameeyay Khilaafkii la xiriiray dhinaca Shahaadada Ardayda deegaanada Puntland kaas oo bilihii lasoo dhaafay taagnaa.
-
Xisbiga Mucaaradka Somalilandee Waddani ayaa sheegay in dadka reer Hargeysa ay baafinayaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Afhayeenka Xisbigaas Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ka dhuumanayo shacabka Somaliland isla markaasna laga rabo inuu caddeeyo tuhunka ka jiro safarka Madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa. “Si guud labadii sano ee uu xilka hayey madaxweyne Biixi muuqaal kastoo saxaafadu ka duubto iyo muuqaalkastoo ka hadlo wuxuu ku maagayey Farmaajo, labadii habeen ee u dambeysayna waxay bulshadda Somaliland baafineysaa madaxweynahooda,” ayuu yiri Barkhad Jaamac. Mudane Batuun, ayaa sidoo kale madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ku kacay falal liddi’ ku ah jiritaanka iyo madax-bannaanida Somaliland, isagoo ugu baaqay deg deg ah cafis furan u waydiisto Shacabka Somaliland. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, xilli madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ay ku kulmeen magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, islamarkaana ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo tegi doono magaalada Hargeysa, inkastoo Somaliland wararkaas beenisay. PUNTLAND POST The post Wadani: Shacabka Somaliland waxay baafinayan madaxweyne Muuse Biixi appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Muuse Macalin Maxamed oo wareysi siiyey Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku saabasan dadka u cadaalad doonta Al-Shabaab. Muuse Macalin ayaa sheegay in wax wanaagsan aysan aheyn in loo cadaalad raadsado Al-Shabaab oo uu ku eedeeyey inay dhibaato ku heyso dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka tega deegaanadooda ay ka tallaabeen sharciga, islamarkaana ay ka hortagi doono dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/cd.mp3 View the full article
-
Kulan maanta ay Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaaradaha Warfaafinta iyo kuwa isgaarsiinta ayaa waxa ay uga hadleen sharciga isdiiwaangalinta iyo hanaanka bixinta ruqsadaha shirkadaha isgaarsiinta dalka ka howlgalla. Hey’adda isgaarsiinta qaranka ayaa waxa ay sheegtay in muddo 45 cisho ah ay u qabanayaan shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa warbaahinta, waxa ayna sheegeen in shirkaddii horay u heysatay ruqsad ay soo mari doonto hey’adda isgaarsiinta qaranka. “Maanta laga bilaabo muddo 45 maalin ah cid kasta oo ka shaqeysa xarumaha ay maamusho hey’adda isgaarsiinta waa in ay qaataan ruqsadaha, warbaahinta waxaan u sheegaynaa ruqsad qaadashada waxa ay ka bilaabmeysaa wasaarada warfaafinta ciddii aqoonsi ka heysatana waa in ay noo keenaan, ciddii aan heysana ay ka soo qaataan wasaaradda warfaafinta” ayuu yiri maareeyaha hey’adda isgaarsiinta qaranka Cabdi Sheekh Axmed. Amarkan ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli maanta hey’adda isgaarsiinta qaranka ay daah furtay hanaanka bixinta ruqsadaha shirkadaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaloya loogu geystay qeybo ka mid ah M/Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howlwadaag, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in toogashada ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga xilliga la diliyey uu saarnaa mooto mareysay halkaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay gaareen goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey Baar-Ubax. Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
