Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid cabdulaahi Deni ayaa waxa uu xilalkii ka qaaay saraakiisha ugu sareysa ee ciidamada badda Puntland sida Agaasimaha Guud, Agaasime ku-xigeenka iyo taliyayaashooda. Digareetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntaland ayaa u qorneyd sida tan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.16 February 17, 2020, kuna saabsan Xil-kaqaadis iyo magacaabid Agaasimaha Guud, Agaasime ku-xigeenka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF). Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dibu habaynta Ciidanka Badda ee Dowladda Puntland (PMPF). Wuxuu xeeriyey: Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenada Ciidanka PMPF, waxaana loo bedelay Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. 1.1. Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax 1.2. Admiral Maxamuud Siciid Ciise 1.3. Admiral Cabdullaahi Axmed Yuusuf Waxaa Cabdirabi Cabdisamed Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka PMPF Waxaa Axmed Yuusuf Axmed loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidanka PMPF Waxaa G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac loo magacaabay Taliyaha howl galinta Ciidanka PMPF Waxaa G/dhexe Xabiib Faarax Xassan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka lugta PMPF. Waxaa G/dhexe Baarri Salaad Axmed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka kumaandoosta PMPF Waxaa G/dhexe Maxamed Cabdi Diiriye loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaybta Badda (ABS) ee Ciidanka PMPF Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Madaxweyne Deni ayaa maalmihii dambe waday isbadalo dhanka ciidanka ah, kaas oo lagu xoojinayo howlgalada ciidamada dhulka iyo kuwa badda ee maamulkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. KHILAAFADII ISLAAMKA Allaah waxa uu Nabigiisa Muxamad soo saaray iyada oo dadka carbeed ee Jaziiradda Carabta ku nooli ay yihiin dhaqato aan dawlad iyo xaddaarad midna lahayn. Xilliga uu nabigu soo baxayey waxaa caalamka ugu itaal roonaa dawladdii Persianka oo dib u dhalatay iyo Romankii bari (Byzantine) oo ahaa qayb ka go’day Romankii galbeed ee aynu soo sheegnay in reer miyigii Jarmalku dumiyeen. Romankaan bari waxaa looga talin jirey Constantinople oo ah Istanbuusha maanta. Waxa ay ka talinayeen dhul badan oo uu ka mid ahaa gobalka Shaam iyo Masar oo ay Rome la wareegeen xilligii Augustus ee ay Imbaradooriyadda noqdeen, ka dib markii ay tuureen nidaamkii ugu dambeeyey ee Faraaciinta oo ay hoggaaminaysay Fircoonad Cleopatra. (inkasta oo Cleopartra iyo nidaamkeedu ba ahaayeen kuwo dhaqan ahaan faraaciin u ah haddan dhalasho ahaan waxa ay ahaayeen Giriigii Elexender uu Masar ugaga tagey qabsashadii 330bc ka bacdi) Risaaladii Islaamka ee uu nabigu waday waxa ay islaaxinaysay mujtamaca aakhiradiisa iyo adduunkiisa ba, sidaas daraadeed ayaa dhaqatatii carbeed wax yar kabacdi ba waxa ay dhidibbada u aaseen xaddaarad dawladnimo tii ugu waynad uguna xilliga dheerayd. Inkasta oo dawladnimadaan fidisteedu ay bilaabatay xilligii Khulufaa’u Raashidiinka, haddana waxa ay dawlad rasmiya noqotay xilligii Amawiyiinta gaar ahaan xilligii Cabdimalik ibn Marawaan. Xilligaan waxaa hirgalay dawlad dhul ahaan ka ballaaran kuwii aynu horay usoo aragnay, nidaam ahaanna ka casrisan. Waxaa kale oo ay uga gaddisnayd nidaamyadii hore, dawladdii islaamku waxa ay hayd mid sharciga oo ah shareecadu uu saldhig u yahay. Nidaamyadii hore boqorka ayaa sharcigu ahaa, sidaas daraadeed dawladdii Islaamku waxa ay ahayd nidaamkii ugu horeeyay oo dawlad qaanuun oo sal-balaaran ah. Dawladdii labaad ee islaamiga ahayd waxa ay ahayd tii Cabbaasiyiinta oo uu dhidibbada u aasay Abuu Jacfar Al-Mansuur, saldhiggana ka dhigatay Baqdaad. Dawladdaani si lamida tii Amawiyiinta ayay dawladnimada dhidibbada ugu aastay, xaddaaradda islaamkana u kobcisay. Dhulkii islaamka ayaa marakan ahaa halka dawladnimada, awoodda iyo cilmigu ba yaalay. Dadyow badan oo raacato ahaa ayaa imminka madani xaddaarad leh noqday, ka dib markii dhulalkii xaddaardaha kala gaddisani ka jireen ee islaamku furtay ay dageen aqoontoodii dawladnimana ay dabbaqeen. Arintaan waxaa si wanaagsan kitaabkiisa Muqadamada ugaga hadlay caalimkii caanka ahaa ee Ibn Khladuum oo noolaa qarnigii 14aad. Dawladdii Cabaasiyiintu waxa ay heerkeedii ugu saraysay gaartay xilligii Haaruun Rashiid iyo wiilashiisu ka talinayeen. Nasiib daro dawladdaan waxaa soo afmeeray dagaalkii ay soo qaadeen raacatadii Tataarka ee xaddaaradaha colka u ahaa. Wixii ka dambeeyey dhicistii dawladdii Cabaasiyiinta gayigii islaamka kama hirgalin dawlad sal-ballaaran oo dhulka oo dhan cammimta. Inkasta oo ay jireen dawlado ka hirgalay qaybo kamida dhulkii islaamka sida dawladdii Faadimiyiinta iyo Mamaaliiktii ka dambaysey ee reer Masar haddana dawlad xoog badan oo gayiga oo dhan cammimta waxaa ugu horreysay xilligii Cusmaaniyiinta. Dawladdii Cusmaaniyiinta Nasiib wanaag mar saddexaad ayaa dawlad sal-ballaarani gayigii islaamka ka curatay qarnigii 14aad taas oo gayigii muslimiinta mar kale cammimtay. Waa dawladdii Cusmaaniyiinta ee soo gaartay horraantii qarnigii 20aad. Hoggaamiye dhaqameed Sulaymaan Shaah oo hor kacaya jifidiisa ayaa soo gaaray waqooyiga Siiriyada maanta, kadib kolkii uu ka soo qaxay dabkii Tataarka. Sulaymaan waxa uu yimid dhul uu ka aloosnaa dagaal sokeeye oo u dhaxeeyey labo dawlad-gobaleed oo islaama, waa Salaajiqadii iyo Khawaarisimiyiintii. Waxa uuna gacan siiyey kuwa hore, taas oo guul darro u horseeday kuwa dambe. Suldaankii Salaajiqada ayaa Sulaymaan ku abaal mariyey dhul uu dago, ka bacdina wiilkiisii Ordoqol ayaa dhulkii sii laba jibbaaray kolkii uu weeraray dawladdii Romankii bari ee Byzantinka. Usmaan oo ahaa wiilkii Ordoqol iyo aasaasihii dawladda cusmaaniyiinta ayaa dhulkii aabihiis hantay dawlad yar ka soo saaray illaa aakhirkii ay hirgashay Ottoman Empire-kii caalamka ba qabsaday ee ay reer Cismaan iska dhaxli jireen. Dawladdaani waxa ay noqotay dawlad leh nidaam adag oo ka gaddisan nidaamyadii dawladnimo ee ay dawladihii hore ee islaamku ku dhaqmi jireen. Nidaam kaan waxaa saldhig looga dhigay falsafad lagu soo ururshay toddoba qodob. Qodobadaasi waxa ay u dhignaayeen sidaan: 1-Boqortooyo jiri mayso haddii uusan ciidan jirin. 2- Ciidanna jiri maayo haddii aysan hanti jirin. 3-Hanti jiri mayso haddii aysan raciyadi jirin. 4- Raciyad na jiri mayso haddii aysan caddaaladi jirin. 5- Caddaaladi jiri mayso haddii aysan dawladnimo jirin. 6-Dawladnina jiri mayso haddii uusan qaanuun jirin (shareecada). 7- Qaanuun na fuli maaya haddii uusan boqorku awood lahayn. Sida ka muuqataba nidaamka falsafaddaani ka turjumaysaa waxa uu ka kooban yahay dhadhaabyo isdheelli tiraya. Waa awood dhexe oo xoog badan oo boqorku matalayo, nidaam dhaqaale oo shacabku ka wakiil yahay, ciidan mushaariya oo amniga suga iyo caddaalad iyo qaanuun intaas ba isku haya. Falsafaddaani waa middii sababtay in Cusmaaniyiintii ay noqdaan awood dad badan muquunisay illaa ay labo goor kasoo istaagtay albaabka Vienna oo ahayd xaruntii Holey Roman Empire-ka looga talin jirtey iyo caasimadda Austeriyada maanta. Dhanka kalana waxa ay dawladdaani bilowday nidaam cusub oo aan horay u jirin oo ah in hawl-wadeenadeeda karti iyo hufnaan lagu xulo. Waxa ay la dirirtay nidaamkii qaraabo-kiilka dadka xilalka loogu magacaabi jirey. Waxa ay keentay in qofka mudan loo dhiiba booska uu mudanyahay. Intaas oo kaliya kuma ekaan ee waxay abuurtay in xilalka sarsare ee dawladda loo tababaro dad aan suldaanka qaraabo la ahayn. Waxaa laga soo uruurshay daafaha dhulkii dawladdu ka talin jirtey gaar ahaan dhulkii ay dagganayeen raciyaddii aan muslimka ahayn caruur yaryar oo loo tababaray maamulayaasha mustaqbalka. Kuwaas oo markii dambe jagooyin waawayn ka qabtay khilaafadii, fulin na jiray hawl-maalmeedkii dawladda. Ummado badan oo dhaqato ahaa ayaa dawlddaan xilligeedii madani dawlad-yaqaana noqday waxaana ugu horeeyey Turkida laftigooda oo markii hore dhaqato reer guuraaya ahaa sidii aynu soo xusnay ba. xaddaaraddaas dawladnimo ee qarniyaal ka hor ka hirgashay gayigooda wali waxa ay si fiican uga muuqataa dhulka Turkida maanta. La soco qaybta 5aad Mohamed Ahmed Elmi The post Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 4aad appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Hargeysa)-Faysal Cali Waraabe Oo Shaaciyey In Uu Hayo Xoggo Qarsoon Oo La Xidhiidha Kulankii Biixi Iyo Farmaajo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay dagaal shalay gelinkii dambe ciidanka daraawiishta maamulkaasi iyo dagaalyahanada Al shabaab ku dhexmaray deegaan qiyaastii 150-km u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose. Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Qooqaani ayaa yimid ka dib markii dagaalyahano ka tirsan Al shabaab ay dhabada u galeen kolonyo ka tirsan ciidanka Jubbaland oo ku sii jeeday degmada Dhoobleey, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo la hadlay GoobjoogNews ayaa waxa ay sheegeen in khasaare xoog leh ay gaarsiiyeen dagaalyahanada Al shabaab ee weerarka ku soo qaaday waxa ayana xuseen in dagaalkaasi ay ku dileen 8 dagaalame oo ka tirsan Al shabaab. Dhinacooda Jubbaland waxa ay sheegeen in dagaalkaasi ay uga geeriyoodeen 2 askari oo sida ay sheegeen uu la kacay gaari walxaha qarxa ay ku rakibnaayeen Al shabaab, waxaana sidoo kale dagaalkaasi ku dhaawacmay 2 askari sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland. Ciidamada Jubbaland ayaa haatan dhaqdhaqaaqyo ciidan waxa ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Jubbada hoose, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Axmed Madoobe u ku wajahanyahay degmada Dhoobleey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Wuhan)-Weli waxaa sii kordhaya tirada dadka u dhimanaya xanuunka Corona Virus oo faro-ba’an ku haya dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan. Ilaa haatan waxaa Shiinuhu ay sheegeen inay ku dhinteen ku dhowaad 1900 qof sida ay sheegeen hay’adaha warbaahinta, Tirada guud ee dadka cudurkan ugu dhintay dalka Shiinaha ayaa waxa hadda mareysaa 1,868 qof, halka ay la il-daran yihiin in ka badan 72 kun oo qof. waxaana weli magaalada ku xayiran arday Soomaali ah , Waxaana hakad galay ganacsiga ay dadka Soomaalid ahi ka keeni jireen dalka Shiinaha . Arday badan oo reer Somaliland ah oo wax ka baranaayey dalka Shiinaha ayaa dalka dib ugusoo noqday iyada oo qaar ka mid ah ay imaadeen ka hor baadhitaanka ay laamaha caafimaadku ka bilaabeen goobaha dalka lagasoo galo. Source
  6. (SLT-Tel Aviva)-Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu dalkiisa xidhiidh diblomaasiyadeed la leeyahay dhammaan dalalka Carabta marka laga reebo laba ama seddex dal. Sida laga soo xigtay Channel-ka Cibraaniga ah ee “i24news”, Ra’iisul wasaaraha Israel oo khudbad ka jeedinayey shir ay isugu yimaadeen hoggaamiyaasha urururada waaweyn ee Yahuuda dalka Mareykanka oo ka dhacay magaalada Qudus ee xoogga lagu heysto ayaa sheegay inuu sii wadayo hormarinta xidhiidhada dalalka Carabta iyo wadamada Islaamka. Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan idiin sheegi karaa in tirada wadamada Islaamka ama Carabtu oo aynan xidhiidh qoto dheer la lahayn ay yihiin kaliya laba ama saddex.” Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa soo hadal qaaday booqashadii uu dhawaan ku tagay Suldanada Cumaan iyo kulankii uu la qaatay madaxweynaha Golaha Suudaan Abd al-Fattah Al-Burhan ee ka dhacay dalka Uganda. Israa’iil ayaa kaliya xidhiidh diblomaasiyeed oo rasmi ah la leh Masar iyo Jordan oo ka tirsan Wadamada Carabta, halka warbixinada warbaahinta reer Galbeed ay ka hadlaan xidhiidh sii kordhaya oo ka dhaxeeyo Tel Aviv iyo wadamada Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo kuwa kale. Netanyahu ayaa isbadal weyn ku tilmaamay in diyaaradaha Israel ay markii ugu horeysay isticmaalaan hawada dalka Suudaan. Isaga taas ka hadlayo wuxuu yidhi, “Dalxiisayaasha Israa’iil ee u safrayo Koonfurta Ameerika waxay ku safri karaan dhanka hawadda Suudaan. Waxaan yareeynay safarkooda qiyaastii seddex saacadood. Wixii hadda ka dambeeya uma baahna inay aadaan Spain ka dibna Afrika iyo Koonfurta Ameerika. Haatan waxay toos uga duuli karaan Sudan ilaa Brazil iyo Argentina.” Netanyahu ayaa tilmamaay inuu kaliya si guud u sheegi karo inuu xiriir dalkiisa la leeyahay wadamada Carabta balse uusan faahfaahin kale ka bixineyn. Wuxuu is waydiiyey “Inta la ogyahay Intee in le’eg ayuu la egyahay xiriirka dowladeed ee aan la leenahay wadamada carabta?” “Waxay ku dhowdahay 10% oo shaacsan, balse inta kale waa xiriiro qarsoon ee aan la ogeyn.” Wuxuu intaas ku daray, “Isbeddelo waa weyn ayaa dhacay maxaa yeelay Israel waxay hadda noqotay awood ay tahay in tixgalin lasiiyo, Dowlad kasta waxay ku qasban tahay inay Israel xiriir la sameysato si ay taas gacan uga geysato xasilloonida, mustaqlka dadka iyo sidii loo hubin lahaa mustaqbalka wanaagsan oo ay helaan dalalka, taasina waxay ku jirtaa maskaxda qof walba”. Mar uu ka hadlayey xiisadda Iran, wuxuu Netanyahu yidhi “khatarta ugu weyn ee amniga waddamada Bariga Dhexe iyo waddamada adduunka waxay tahay isku dayga Iran ee ah inay hesho hubka wax gumaado ee Nukliyeerka.” Source
  7. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.16 February 17, 2020, kuna saabsan Xil-kaqaadis iyo magacaabid Agaasimaha Guud, Agaasime ku-xigeenka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF). Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dibu habaynta Ciidanka Badda ee Dowladda Puntland (PMPF). Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenada Ciidanka PMPF, waxaana loo bedelay Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. 1.1. Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax 1.2. Admiral Maxamuud Siciid Ciise 1.3. Admiral Cabdullaahi Axmed Yuusuf 2. Waxaa Cabdirabi Cabdisamed Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka PMPF 3. Waxaa Axmed Yuusuf Axmed loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidanka PMPF 4. Waxaa G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac loo magacaabay Taliyaha howl galinta Ciidanka PMPF 5. Waxaa G/dhexe Xabiib Faarax Xassan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka lugta PMPF. 6. Waxaa G/dhexe Baarri Salaad Axmed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka kumaandoosta PMPF 7. Waxaa G/dhexe Maxamed Cabdi Diiriye loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaybta Badda (ABS) ee Ciidanka PMPF Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. View the full article
  8. (SLT-Nairobi)-Dawladda Kenya ayaa cabasho ka muujisay olole xoogan oo ay dawladda Djibouti waddo, kaas oo ku saabsan kursiga qaaradda Afrika ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay. Midowga Afrika ayaa wuxuu sanadkii hore ee 2019 kursigaas u caleemo saaray dalka Kenya oo gudaha Midowga Afrika kaga cod badatay Djibouti, iyadoo uu Midowga Afrika go’aankaas u gudbiyay New York si loo xaqijiyo in kursigaas uu Midowga Afrika u gartay Kenya. Laakiin Djibouti ayaan joojin ololihii kursigaas ay ku doonaysay, waxaanay Kenya dhaqdhaqaaqa Djibouti ku tilmaantay mid ixtiraam darro ka muuqato oo ka soo horjeeda qawaaniinta Midowga Afrika. Doorashada rasmiga ah ee kursigan ayaa bisha June ee sannadkan ka dhici doonta New York. Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa Djibouti ku eedaysay inay garab martay go’aankii Midowga Afrika oo ay waddo olole ka dhan ah soo jeedinta Midowga Afrika iyo natiijadii ka soo baxday Midowga Afrika ee tartankii dhex maray kal hore. Dawladda Djibouti ayaa iyaduna qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inay si sharci ah u hor istaagtay murashaxnimada Kenya ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo ay sheegtay inaanay ansixin guddiga fulinta ee Midowga Afrika. Gole lagu magacaabo PRC oo ah wakiilada joogta ah ee Midowga Affrika oo ah safiirada Midowga Afrika u qaabilsan dalalkooda ayaa waxay qoraal u qoreen safiirada Afrika ee New York jooga, waxaanay ka codsadeen inay tixgelin gaar ah siiyaan murashaxnimada Kenya ee kursigaas, waxaanay ku wargeliyeen in ay tartan ku galeen Addis Ababa dalalka Djibouti iyo Kenya oo ay Kenya ku guulaysatay inay kursigaas Afrika u metesho. Golahan the Permanent Representatives Committee (PRC), ayaa awood u leh inay gaadhaan go’aamada cidda Afrika u metelaysa golaha ammaanka Qaramada Midoobay, waxaana awooda siiyay madaxweynayaasha Afrika. Hase yeeshee Djibouti ayaa u muuqata inaanay u hoggaansamin soo jeedinta golahan iyo Midowga Afrika, waxaanay Djibouti sheegtay inay haysato taageerada dalal badan oo ay saaxiib yihiin, iyadoo Kenya ku eedaysay inaanay qaadi karin masuuliyada ammaanka Afrika. Codayntaas uu Midowga Afrika qaaday bishii August ee sannadkii hore, ayaa waxay Kenya heshay 37 cod, halka ay Djibouti heshay 13 cod oo ka mid ah dalalka Midowga Afrika. Source
  9. Dowladda Puntland ayaa si rasmiya shaqada uga hakisay dhammaan Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ku sugan degaannada Puntland, inta laga hubinayo habsami-u-socodka Shaqadooda. Qoraal ka soo baxay Xafiiska wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Puntland dowladda Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, ayaa lagu hakiyay shaqada dhammaan Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ku sugan degaannada Puntland, inta laga hubinayo habsami-u-socodka Shaqadooda. Wasiirka ayaa ku amray Shirkadaasi, in ay mudda 7 cisha gudahooda oo ka bilaabata maanta, ay ku yimaadan xarunta Wasaaradda, si loo hubiyo habsami-u-socodka Shaqadooda, waxaana uu ku hanjabay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono shirkaddii u hoggaansami wayda amarkaasi. Hoos ka akhriso qoraalka Wasiirka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo hakisay Shaqada Shirkadaha XAJKA IYO CUMRADA appeared first on Puntland Post.
  10. Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in 8 Milyan oo dollar ay ugu deeqday dalalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya, si wax looga qabto saameynta uu anyaxa uu ku yeeshay. Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo oo deeqdaasi yaboohay taaladadii ayaa sheegay in lacagahaasi ay si gaar ugu talagaleen Soomaaliya,Kenya iyo Itoobiya. “Mareykanka wuxuu 8 Milyan oo dollar ku taagerayaa howgalada iska caabinta anyaxa ee wadamada Itoobiya,Kenya iyo Soomaaliya” ayuu yiri Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa. Kaalmada Mareykanka ayaa ku soo beegmeysa,iyadoo hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO ay ka digtay in anyaxa uu saameyn doono dalaga dalal hor leh oo ka tirsan Geeska Africa. View the full article
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo wareegto soo saaray ayaa xilalkii ka qaaday agaasimihii, taliyihii iyo taliye ku xigeenadii ciidanka Badda maamulkaasi ee PMPF. Digreetadaan ayaa waxaa sidoo kale lagu magacaabay agaasime iyo afar taliye. Halkaan hoose ka aqriso: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.16 February 17, 2020, kuna saabsan Xil-kaqaadis iyo magacaabid Agaasimaha Guud, Agaasime ku-xigeenka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF). Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dibu habaynta Ciidanka Badda ee Dowladda Puntland (PMPF). Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenada Ciidanka PMPF, waxaana loo bedelay Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. 1.1. Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax 1.2. Admiral Maxamuud Siciid Ciise 1.3. Admiral Cabdullaahi Axmed Yuusuf 2. Waxaa Cabdirabi Cabdisamed Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka PMPF 3. Waxaa Axmed Yuusuf Axmed loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidanka PMPF 4. Waxaa G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac loo magacaabay Taliyaha howl galinta Ciidanka PMPF 5. Waxaa G/dhexe Xabiib Faarax Xassan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka lugta PMPF. 6. Waxaa G/dhexe Baarri Salaad Axmed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka kumaandoosta PMPF 7. Waxaa G/dhexe Maxamed Cabdi Diiriye loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaybta Badda (ABS) ee Ciidanka PMPF Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
  12. Nabadoon Idiris Xasan Nuur oo ka mid ah waxgaradka degmada Beled-Xaawo ayaa walaac ka muujiyey dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gobolka Gedo. Idris oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ciidamo aad u badan la geeyey degmooyinka gobolka, kuwaas oo ka kala socda dowladda iyo Jubbaland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xiisadaha u dhexeeya ciidamadaasi ay sababi karaan inuu dagaal dhexmaro labada dhinac. Ugu dambeyn Nabadoon Idiris Xasan Nuur ayaa ku baaqay in la qaboojiyo xiisada, islamarkaana laga wada shaqeeyo xasiloonida gobolka. Halkaan hoose ka dhageysi codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Jaamac-1-2.mp3 View the full article
  13. Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Qoryooley. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu ku bilowday qarax loo adeegsaday gaari, kaas oo la sheegay in lagu burburiyey buundada degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo dagaalyahannadii weerarka qaaday. Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan iyo dagaalka ka horreeyey intaba. Guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo ka warbixiyey weerarkaasi ayaa sheegay in la fashiliyey, islamarkaana ciidanku ay ka hortageen. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay dileen ciidamadu illaa saddex ka tirsanaa raggii weerarka soo qaaday, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda ayaa hadda yara degan, waxaana degmada Qoryooley weli gacanta ku haya ciidamada milatariga Soomaaliya oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi. View the full article
  14. Ku simaha madaxweynaha Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay safar ugu baxay waddanka Jabuuti, xilli ay horay dalka uga maqnaayeen madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamanka Puntland. Haddaba, waxaa ilaa shalay baraha bulshada ka socday dood la xiriirta cidda noqonaysa ku-simaha madaxweynaha, haddii ay hal mar dalka ka wada-maqan yihiin saddexdii mas’uul ee ugu sarreeyay. Haddii aan u laabano Dastuurka Puntland, meelna kuma xusayo cidda sii-hayaha madaxweynaha noqonaysa, marka madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamanku ay wada maqan yihiin. Haddaba, si aan u helno cidda noqonaysa ku simaha madaxweynaha, marka saddexdooduba maqan yihiin, waa in aan mar kale Dastuurka ku laabano, si aan u ogaano Nidaamka dowladeed ee Puntland ku dhisantahay; ma Parliamentary system mise waa Presidentialism? Parliamentary system: waa nidaamka madaxweynaha ay soo doortan Baarlamanka, sidaas darteedna dowladda nidaamkaas ku dhisan, hay’adda ugu sarraysaa waa Baarlamanka. Presidentialism: waa nidaamka madaxweynaha ay soo doortaan Shacabka, islamarkaana awoodda ugu sarraysa dowladda ay tahay xukuumadda oo madaxweynuhu hoggaaminayo. Intaas kadib, Puntland waxay ku dhisantahay nidaamka Parliamentary system ,kaas oo Baarlamanka ka dhigaya hay’adda ugu awoodda sarraysa dowladda, maadaama madaxweynaha iyagu soo doorteen. Kolkaas, nidaamka Parliamentary system-ka marka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku maqan yihiin, waxaa sii haye noqonaya guddoomiyaha Baarlamanka, haddii uu guddoomiyaha maqanyahayna, waxaa sii hayaha madaxweynaha noqonaya, guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka. Sidaas darted, Puntland waxaa hadda jooga guddoomiye ku xigeenkii kowaad ee Baarlamanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, isaga ayaana sii hayaha madaxweynaha noqonaya. PUNTLAND POST The post Waa kuma sii haya madaxweynaha Puntland? appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-19022020.mp3 View the full article
  16. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo saaka aroortii hore dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Qooryooley ee gobolka Sh/Hoose. Weerarka oo ku bilowday qarax loo adeegsaday gaari ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidanka dowladda iyo raggii weerarka qaaday. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay qarax ku burburiyeen buundada degmadaasi oo muhiim aheyd isku socodka dadweynaha. Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo si adag uga hadlay weerarkan ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen. Najax ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalyahanno badan ay ku dileen ciidanku, hubna ay ku furteen dagaalkaas, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan u hambalyeynayaa ciidamadeena degmada qoryooley kuwaas oo difaacay shacabka degmada kana hortagay qarax baabuur la rabay in lagu burburiyo buundada degmada,waxaa Shabaab looga dilay dagaalka mileeshiyaad badan waxaana looga furtay hub uu ka mid yahay qoriga BKMka waxaana hada la hayaa 3 meyd oo ay ka carareen Al-Shabaab”. ayuu yiri gudoomiye Najax. Dhanka kale weerar ku bilowday ismiidaamin ayaa lagu soo warramayaa in dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceel-Saliini ee gobolkaasi. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen askar badan, sidoo kalena ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaasi. Shalayey ayey aheyd markii ciidamada dowladda ay la waregeen tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla duleedka degmada Qoryooley, inkastoo ay markii dambe dib uga soo baxeen.
  17. Malayshiyaadka Al-shabaab, aayaa la sheegay in ay weerar arbushaad ah ku qaadeen, degaanka Ceel-saliini ee gobolka Shabeeladda Hoose,halkaasi oo fariisimo militari ay ku leeyihiin ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Wakaaladda Wararka SONNA, ayaa ka soo xigatay Saraakiisha ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya, in Kooxda Shabaab khasaare xooggan lagu gaarsiiyay degaanka Ceel-saliini ee Sh/Hoose, kadib markii weerar arbushaad ah ay soo qaadeen saacadihii la soo dhaafay. Saraakiisha ayaa sheegay, in ciidamada oo ka feejignaa dhagarta Alshabaab ka hortageen isku daygaasi weerarka ah oo ay soo qaaday Alshabaab, balse khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyay halkaasi. Dhinaca kale, wakaaladda SONNA waxay ku warrantay in Miltariga dowladda Soomaaliya, ay howlgallo ka sameeyeen degaanno hoostaga degmada Qoryooley, islamarkaana ku qabsadeen degaano dhawr ah. Degaanada Ciidamadu qabsadeen waxaa kamid ah ; Dharsheenley,Bandar,Farkeerow,Xero koowaad iyo Xero labaad,kuwaasi oo dhamantoodi hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose sida ay sheegtay SONNA. Balse ma jirto cid ka madax-bannaan dowladda iyo Al-shabaab oo si rasmiya u xaqiisay khasaaraha kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale sheegashada la xiriirta in degaannadaas ay qabsadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay dagaallo kala duwan oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  18. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka fuliyeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ciidamadu waxa ay ka sameeyeen agagaarka degmada Qoryooley, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda, gaar ahaan tan ciidamada ayaa sheegay in howlgalladan ay ku qabsadeen deegaanada Dharsheenlay, Bandar, Farkeerow, Xera koowaad & Xera labaad oo hoostaga Qoryooley. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadu iska hor imaadyo kooban ay kala kulmeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab oo muddo ka talinayey halkaasi. Ma cadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee dagaalladaasi oo goos goos ahaa ka soo kala gaaray labada dhinac. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana haatan ciidanka dowladda ay isku sii ballaarinayaan duleedka degmada Qoryooley, si dib loogu durjiyo Al-Shabaab. Inta badan dagaalyahannada mintidiinta ahi oo ku xoogan Sh/Hoose ayaa weeraro ku qaaday saldhigyada ciidanka dowladda ee gobolkaasi.
  19. Senator Bernie Sanders, the Democratic frontrunner for the US presidency, lambasted Saudi Arabia's leadership during a town hall meeting on CNN, reaffirming his promise to pursue a more even-handed foreign policy in the Middle East. Source: Hiiraan Online
  20. Behind a thriving fisheries industry in Somalia are the spirited efforts of a Danish-Somali NGO. Fairfishing that has not only played a key role in giving Somali pirates a new lease of life at fishing but created thousands of jobs for the locals, Source: Hiiraan Online
  21. LONDON (Reuters) - Britain will prioritize access for high-skilled workers from around the world in its post-Brexit, points-based immigration system, the government said on Tuesday, setting out its plans to put an end to a reliance on “cheap labor from Europe”. Source: Hiiraan Online
  22. Wararka laga helayo degaanka Qooqaani oo qiyaastii 150km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ku dhexmaray malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubaland. Cutub Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo ka baxay magaalada Kismaayo kuna sii jeeday magaalada Dhoobley ee isla gobolka Jubbada hoose ayaa dagaal adag la galay malayshiyaadkaas kadib markii ay weerar jidgal ah ku sameeyeen ciidamada Jubaland oo marayey duleedka degaanka Qooqaani. Dagaalkaas ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo sidoo kale 2 askari oo kamid ah ciidamada Daraawiishta Jubaland kuwaasi oo gaarigii ay saarnaayeen miino la kacday halka 2 askari oo kalena ka dhaawacmeen Jubaland. Ciidamada Daraawiishta Jubaland ayaa la soo sheegaya in dagaalkaas kadib ay halkaasi ka saareen malayshiyaadkii jidgooyada dhigtay islamarkaana socdaalkoodi sii wateen. PUNTLAND POST The post Ciidamada Jubaland oo dilay 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.