-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-19022020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha guriga xukuumadda (Ex-xaruntii xisbiga) oo lagu wado dib u dhis ballaaran. Mudane; Khayre ayaa howl-wadeennada ka shaqeynaya dib u dhiska ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan dhismaha. Kheyre ayaa kula dardaarmay howl-wadeennada in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhammeeyaan, si loogu guuleysto in ay xukuumaddu ku shaqo billaawdo. Guriga xukuumadda ayaa noqoqeyna xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo xarun dhexe oo ay xukuumaddu ku shaqeyso. Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliso wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale kormeeray sida uu u socdo dhismaha garoonka ciyaaraha Muqdisho oo dayactirkiisa uu geba-gebo marayo.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay gaaray magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti ayaa maanta booqday xarumo dowladeed. Madaxweyne Deni iyo wafdigii la socday ayaa booqday Dekadda Dooraale, Dekadda Damerjoog, xarunta xargaha qaada Internetka xawaarihiisu dheereeyo “Fibre Optic Cables” iyo aaga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti Free Trade Zone sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa booqashada xarumahan ku weheliyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dalka Jabuuti iyo masuuliyiinta xarumaha uu booqday oo warbixin ka siinayey xarumahaasi. Madaxweynaha Puntland waxaa socdaalkiisa Jabuuti ku weheliya Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda, Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada, Saraakiil ka tirsan madaxtooyada iyo ganacsato. PUNTLAND POST The post Jabuuti: Madaxweyne Deni oo booqday xarumo dowladeed appeared first on Puntland Post.
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has filed an application at the Supreme Court of Somalia to challenge the constitutionality of the decision made by the Upper House of the Federal Parliament (Senate) to pass repressive media law on 14th January 2020. Though the application was lodged on 1 February 2020, the President of Supreme Court has just given the greenlight for the case to proceed and parties to appear before the highest court of the land. “Although we have previously protested at the inclusion (in the new media bill) of certain sneaky and mischievous clauses meant to muzzle and curtail media freedom and frustrate reporting on critical public interest issues, our application is centred around the unconstitutionality of the decision by the Senate to pass the new repressive media law,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. The purported passage of the Media Bill by the Senate not only violated the rules of procedures of the Federal Parliament, but even more egregiously, it offended the constitutional provisions in relation to decision-making in the Upper House of the Federal Parliament. Under Article 76 of the Provisional Constitution of Somalia (Decision-making in the Upper House of the Federal Parliament), clause (2) states that: “Decisions of the Upper House of the Federal Parliament can pass only with a majority vote of the total membership of the Upper House of the Federal Parliament”. There are currently 54 members of the Senate as per article 72 of the Constitution, indicating that a simple majority is attained when 28 members vote in favour. However, the Senate’s decision on the new media law was legislated when 23 members voted in favour, three (3) voted against it, while there was one (1) abstention. NUSOJ therefore contends that the passage of this new media law was not in line with the provisions of the Provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia. In light of this manifest breach of the constitution, NUSOJ has taken this timely action to petition the Supreme Court of Somalia to declare the Senate’s decision to pass the new media law on 14th January 2020 a nullity in law and fact. The union believes that the Supreme Court will find merit in this case and will declare the Senate’s decision invalid and unconstitutional. “This action is in defence of our most supreme legislative framework, the provisional constitution of Somalia. It is about defending the rule of law. Our Provisional Constitution must work for all who live in Somalia and any evidence that it is under threat must be met with an appropriate and equally potent legislative response. We are asking the highest court in the land to uphold the constitutionality of decisions made by state organs. This will set the tone and precedent going forward, and will encourage everyone in Somalia to place their confidence in the Constitution and its proper application,” stressed Osman. “Whilst we recognise the mandate, roles and responsibilities of both Lower and Upper Houses of the Federal Parliament to pass legislation, we however insist that they must discharge their legislative function in line with the constitution. Our supreme law, the constitution, came into being as a result of tireless efforts to ensure the principles of democracy and accountability, along with all the relevant checks and balances are applied throughout all processes related to the state, including Parliament. As citizens and as a union, we expect the parliament and all its members to abide by the spirit and tenets of the Provisional Constitution in its entirety,” added Osman. “With our deep reservations about what this new media law means for the rights of journalists, the right of freedom of the media, and the right to impart information without political interference, we are unapologetically vigilant about this legislative process. We believe this draft media law will have serious ramifications in Somalia’s transition to democratisation and therefore, it is in national public interest and in the service of good governance that all decisions around it are constitutional,” concluded Osman. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaa maanta oo Arbaco ah lagu soo bandhigay natiijada ka soo baxday baaritaan iyo dib u habeyn lagu sameeyay (Security–Vetting) dhammaan shaqaalaha Maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar. Dib u habeyntan waxaa sameeyay Xafiiska Agaasinka guud ee Amniga Caasimadda ee Maamulka Gobalka Banaadir. Guddoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobalka Banaadir Mdane Maxamed Cabdullaahi (Tuulaax) oo joogay kulanka ayaa sheegay in dib u habeyntan lagu sameeyay dhammaan shaqaalaha Maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar, ay tahay tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo ay sameeso hey’ad dowli ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dib u habeyntan ayaa timid kaddib dhacdadii ka dhacday Aqalka dowladda Hoose 24-kii July sannadkii horre oo dadka ku dhintay uu ku jiray Duqii Magaalada Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo masuuliyiin kale. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa bogaadiyay howsha ay qabteen Xafiiska Agaasinka guud ee Amniga Caasimadda ee Maamulka Gobalka Banaadir. Duqa Caasimadda ayaa amray in dib u habeyntan shaqaalaha lagu sameeyay ay u gudubto wajiga labaad (Phase-2). Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ballan qaaday in dib u habeynta shaqaalaha lagu sameeyay ay noqon doonto mid joogto ah si loo xaqjiiyo Amniga xarumaha Maamulka Gobalka Banaadir.
-
PRESS RELEASE Statement by the United Nations Support Mission in Libya The Mission calls for an end to the escalation and provocative actions and urges all parties to resort to dialogue as the only means to end the crisis TRIPOLI, Libya, February 19, 2020/ — The United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL) hopes to resume the second round of talks of the Libyan Joint Military Commission (5+5), while expressing its strong and renewed condemnation of the bombing of Tripoli’s seaport yesterday by the Libyan National Army, which resulted in a number of casualties and could have led to a real disaster had the vessel transporting liquefied gas been hit. The Mission calls for an end to the escalation and provocative actions, especially expansion of the conflict area, and urges all parties to resort to dialogue as the only means to end the crisis Distributed by APO Group on behalf of United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL). SOURCE United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL) Qaran News
-
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo la hadlayey askar ka tirsan ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo tababar loo soo xiray ayaa sheegay in laga doonayo in isbaladal muuqda ay ku soo kordhiyaan shaqada ciidamada Asluubta. Guddoomiye Shuute ayaa xusay in xabsiyada ay gacanta ku hayaan ciidamada ay ka jirto xaalad adag loona baahan yahay in ay baabi’iyaan magac xumada ka soo yeerta xabsiyada dalka gaar ahaan xabsiga dhexe oo gacanta ay ku hayaan ciidamada Asluubta Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa uu intaas ku daray haddii aan arrintaas aysan wax ka badalin ciidamada ilaalada xabsiyada ay xabsiyadu noqon donaan meel fikradaha Xagjirnimada ah ee mucaskarka lagu faafiyo waa sida uu dalka u dhigay. ‘Haddii taliyaha xabsiga heysto danbiilayaasha la soo xiray aysan gaarsiinin in asluubtooda wanaagsanaato ay ku laaban karaan bulshadii ay ka yimaadeen oo ay dhameystaan intii garsoorku soo xukumay sidaas uusan gaarsiinin, taliye ma’ahan ee waxaa uu horjooge ka yahay mucaskar Axgigixisada lagu kobciyo” ayuu yiri guddoomiye Shuute. Dhanka kale wasiirka cadaaladda Xukuumadda federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo joogay goobta lagu dhaariyey ciidamada ayaa xusay xukuumad ahaan ay soo dhicin doonaan xuquuqda ciidamada Asluubta Soomaliyeed. “Waxaad ogtihiin in la bilaabay diiwaan gelinta ciidamada oo xuquuqda ay la socoto askarta iyo saraakiisha, xukuumad ahaan waxaan ku dadaaleynaa in aan ka miro dhalino sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqdii ay ku lahaayeen qarankooda. Hadalka ka soo yeeray guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo xaalad mamul xumo ay ka jirto xabsiga dhexe sida uu qiray guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sido,. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa shalay khudbadiisi sanadlaha aheyd ee uu ka hor-jeediyay labada gole ee baarlamaanka ku shaaciyay go’aan ah in uu dib u furayo Ururada siyaasadeed ee Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayey ay ku lumeen murano ka dhashay qabsoomida doorashooyinka oo u dhaxeeyay xukuumadiisa iyo xisbiyada Mucaaridka uu go’aansaday in uu xal bido in la furo ururada siyaasada. Biixi ayaa ku doodaya in muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka Somaliland xal loo helayo haddii dib loo furo ururadaasi, midaasi oo ah waqti kale oo sii fogeynaysa qabsoomida doorashooyinka. “Mar haddii laba sanno oo hore ay inagaga lumeen muranka Xisbiyada Mucaaradka ah ee aan sharciga ku fadhiyin, jidka kaliya ee innoo furan maanta, waa in aan soo hor-marino furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka” ayuu yiri Madaxweynuhu isagoo arrinkaasi ka hadlaya. Caasimada Online ayaa ogaatay in uu Madaxweyne Biixi uu qorshe halis ah ka damacsan yahay dib u furista ururada siyaasada, kaasi oo gebi ahaanba lagu tirtirayo xisbiga mucaaridka Somaliland ugu tunka weyn ee Waddani. Madaxweyne Biixi ayaa qorshahaasi ku raba in uu Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu ku hadho tartankaasi ay dib ugu soo baxayaan xisbiyada qaranku, isla markaana uu ku soo saaro Xisbiyo kale oo ku raacsan aragtiyihiisa. Waddani ayaa caqabad weyn ku noqday qorshe uu Biixi ka lahaa Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland, kaasi oo xisbiyada mucaaridku si adag uga horyimaadeen oo ay kala noqdeen Kalsoonidii wada shaqeyneed. Muuse Biixi ayaa fursad weyn oo uu dib ugu soo laaban kara xilka u arka haddii uu xisbiga Waddani ee mucaaridada weyn kala dhaxeyso uu gebi ahaanba tirto. Haddii uu ka dhabeeyo Madaxweyne Biixi qorshaha dib u furista ururada, waxa sidoo kale meesha ka bixi kara xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, inkasta oo uusan aheyn ujeedka ugu weyn ee looga dan leeyahay furista ururada. Waxa waqti xaadirkan Somaliland ka jirra Saddex xisbi qaran oo mid talada hayo waa Kulmiye, halka labada kale ee Waddani iyo Ucid ay yihiin Mucaarid aan la dhacsaneyn hab maamulka Madaxweyne Biixi.
-
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Francisco Madeira ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay xoghayaha fulinta Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD), Dr. Workneh Gebeyehu, iyo ergayga gaarka ah ee IGAD dhanka Badda Cas, gacanka Cadan iyo Soomaaliya, Dr. Maxamed Cali Guyo. Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay kaga wada hadleen horumarka ilaa iyo hadda ay ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM ka gaareen soo celinta nabadda iyo Ammaanka Soomaaliya. Danjire Madeira wuxuu ammaanay sida ay IGAD uga go’antahay dhawrista nabadda gobolka wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo ujeeddada Midowga Afrika ee nabadda iyo amniga guud ahaan Afrika. Xoghayaha Fulinta ee Urur-goboleedka IGAD Dr. Workneh iyo ergeyga gaarka ah ee IGAD ee dhanka Badda Cas, gacanka Cadan iyo Soomaaliya, Dr. Maxamed Cali Guyo ayaa ku wada sugan Soomaaliya si ay uga qaybgalaan wada-tashiga qaran ee ku aadan kor u qaadidda hanaanka nabadaynta gobolka ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo sidoo kale arrimaha kale ee gobolka. PUNTLAND POST The post Midowga Afrika iyo IGAD oo ka wada hadlay ammaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay Shir ku saabsan isu diyaarinta howl-gallo ballaaran oo ka dhana Al-shabaab kaasi oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa shirka ku weheliyay wasiirka iyo wasiiru Dowlaha maaliyadda, wasiiru Dowlaha difaaca iyo taliyaasha Booliiska iyo Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha la sheegay in uu dhammaan wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidamada ku amray in ay dar-dar geliyaan dedaallada lagu diyaarinayo howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab si looga xoreeyo degaannada ay dalka kaga sugan yihiin. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarineed ee dhammaan adeegyada Bulshada looga hir-gelinayo degaannada laga saaro Al-shabaab. Taliyayaasha iyo wasiirrada kulanka ka qeyb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan ay ku dhammeystirayaan qorsha xoreynta degaannada ay Al-shabaab maamulaan iyo hir-gelinta adeegyada bulshada ee dhulkaas. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo isu diyaarinaysa Hawlgal ballaaran oo ka dhana Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansaxiyey wax-ka-beddel ay Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanku ay ku soo sameeyeen Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliya oo ay hore u ansaxiyeen Golaha Shacabku. Xildhibbaanada Golaha fadhiyey, ayaa dhammaantood ba cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey sharcigaasi, waxaana sidaas looggu gudbinayaa Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si uu u soo saxeexo. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Daahir Cabdi Cabdullaahi oo goob-joog ka ahaa fadhigii lagu ansaxinaayey Sharcigan, ayaa u mahad-celiyey guud ahaan Xildhibbaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in sharcigani uu ahmiyad weyn u lee yahay dalka isla mar ahaantaana ay ka Wasaarad ahaan ku dedaali doonaan siddii loo hir-gelin lahaa ka dib marka uu saxeexo Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sharcigan, ayaa abuuraya hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliya oo ilaalin doonta tayada badeecadaha iyo waxyaabaha kale ee dalka gudahiisa lagu isticmaalayo, kuwa la dhoofinayo iyo weli ba kuwa laga keeno dalka dibaddiisa. Waxaana uu wax weyn ka tari doonaa bad-qabka caafimaad ee qofka Soomaaliga ah sida oo kale wuxu fududeyn doonaa Ganacsiga dalkeena oo uu Ganacsatadeena u sahli doono in si fudud loogga aqbalo suuqyada Caalamka maadaama markii hore ay dhibbaato kala kulmi jireen la’aanta sharcigan Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Golaha Shacabka oo dib u ansixiyay wax-ka-beddelka Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Dalka appeared first on Puntland Post.
-
The head of AMISOM Francisco Madeira on Tuesday met with the IGAD Executive Secretary Dr. Workneh Gebeyehu and the IGAD Special Envoy for the Red Sea, Gulf of Aden and Somalia, Dr. Mohamed Ali Guyo and discussed progress made so far to restore peace and security in #Somalia. Francisco Madeira commended IGAD’s commitment towards maintaining regional peace and underscored the importance of collaborating on the AU objective of peace and security across Africa. On Tuesday, President Farmajo hosts IGAD Executive Secretary Gebeyahu assuring him and the regional body of Somalia’s unlimited support. During the meeting at Villa Somalia, Farmaajo has called on IGAD to continue its reforms to maintain the body’s critical role in strategic affairs of the region, according to Abdinur Mohamed at President’s office. View the full article
-
Afgooye (Caasimadda Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saakay aroortii Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Qoryooleey iyo deegaanka Ceelsaliini ee gobalka Shabeelaha hoose. Al- Shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilawday waxa ay ku qaadeen degmada Qoryooleey, waxaana markaas wixii ka dambeeyay degmadaasi ka bilawday dagaal fool ka fool ah oo ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab u dhaxeeyay, waxaana la soo sheegayaa in dagaalkaasi uu qaaatay saacado. Ciidamada AMISOM ayaa soo galay dagaalka oo caawimaad ka geystay in Shabaabka laga caabiyey weerarka Qoryooley kadib markii qof is-miidaamiyey uu baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey ku dhuftay buundo tagta saldhigga. “Argagixisada waxay soo weerareen saldhigyada Qoryooley iyo Ceel-Saliini, hase yeeshee wiilasheenna geesiyaasha ah ayaa iska caabiyey, khasaare xooggan ayaa gaaray Shabaabka, waxaana hadda si buuxda saldhigyada gacanta ugu haya ciidanka,” waxaa sidaas yiri Maxamed Aadan oo ah taliye ka tirsan militariga. Dagaalka Qoryooley ayaa la rumeysan yahay in jab weyn lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha Soomaaliya waxay sheegtaan inay kooxdan ka dileen ku dhowaad 40 qof. Dhinaca kale Al-Shabaab waxa ay ka hor weerarka Qoryooley weerareen degaanka Ceel-Saliini, halkaasi oo sida aan xogta ku helnay ay waqti kooban qabsadeen ka hor inta aan laga sarain. Shabaabka waxay sheegteen in ciidankii halkaasi ku sugnaa ay ka qabsadeen gaadiid iyo saanad hub. Al-Shabaab ayaa sidoo sheegatay inay dagaalkaas ciidamada dowladda uga dishay ilaa 40 askari, inkastoo aysan jirin cid madax banaan oo xaqiijisay. Marka laga yimaado sheegashada labada dhinac ay kala sheeganayaan, ma jirto war cid si madax banaan u xaqiijin karta khasaaraha ka dhashay weerarada lagu kala qaaday degmada Qoryooleey iyo deegaanka Ceel Saliini ee gobalka Shabeelaha hoose. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan bartilmaameydsato goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee ka tirsan howlgalka AMISOM.
-
Somali military has said it foiled al-Shabaab attack on SNA base in Lower Shabelle region. In a statement, the military said Shabaab attacked Wednesday El-salini military base some 30 kilometres away from Qoryoley town. Shabaab attacked the base using a suicide vehicle bombing before o er hundred fighters try to storm the base. “The troops were vigilant, immediately the group tried to strike the base from different directions, our troops managed to block the fighters thus Shabaab retreated,” the statement reads in part. The statement confirmed casualties but did not mention the figure. Al-Shabaab claimed responsibility for the attack in a statement, saying it overran the base and killed several soldiers. The group also boasted that they had “captured a sizeable amount of military supplies”. Shabaab control number villages in the region as it lost major towns including Qoryoolay, Afgooye, Marka, Janaane and other to SNA forces. Following heavy military operations by the Somali army, the group opted to hit and run tactics. Shabaab which once was a powerful group had lost almost all its territories including the capital after their fighters were defeated by the Somali army backed by AMISOM. View the full article
-
Qaran News
-
A high-level delegation led by Ethiopian Finance minister has today arrived in Hargeisa town of northern Somalia. Ahmed Shide, the Ethiopian finance minister has reached the town a day after Somaliland welcomed president Farmajo’s apology to people in northern Somalia over alleged atrocities committed by the government led by late Siyad Barre. The delegation is expected to hold talks with Somaliland authorities over wide range issues. According to sources privy to Ahmed’s trip, the minister and his delegation will discuss with Somaliland leader, Muse Abdi Bihi over the Ethiopian prime minister’s proposed plan to visit Hargeisa with President Farmajo. The move barely comes a week after Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo and Somaliland leader met in Addis Ababa town for the first time since Farmajo came to power in 2017. The agenda of the closed-door meeting between the leaders which brokered by Ethiopian prime minister Abiy Ahmed has not yet been public. View the full article
-
Al-Shabaab has on Wednesday carried out attacks on two Somali military bases, using a suicide vehicle bombing and dozens of heavily armed militants, a military official said. African Union troops stepped in to help repel the second, larger attack after a suicide bomber drove a vehicle packed with explosives onto a bridge leading to the Qoryoley army base some 95 kilometers (59 miles) west of Mogadishu and detonated it. “The militants carried out an … attack on the military bases at Qoryoley and El-salini but our brave boys repelled them, they (Shabaab) have suffered heavy casualties this morning and the army is in full control in both areas now,” said Mohamed Adan, a Somali military commander in a nearby town. “They have destroyed part of the bridge across the entrance to Qoryoley where the Somali military base is located using a vehicle loaded with explosives.” He said the AU peacekeeping force AMISOM had helped fight the Al-Qaeda linked militants. It was not yet known how many casualties there were. Witnesses said dozens of heavily armed Shabaab militants entered Qoryoley town and addressed a gathering of residents before retreating. “The Shabaab fighters entered the town and one of their commanders spoke with a gathering before they made their way out of the town, the situation is quiet now and the Somali forces backed by AMISOM soldiers are patrolling the streets,” Ali Moalim, a resident in Qoryoley said by phone. Al-Shabaab claimed responsibility for the attack in a statement, saying they had “captured a sizeable amount of military supplies”. The group has fought for over a decade to topple the internationally-backed Somali government, and carries out regular attacks against civilian and government targets, despite losing much of the territory they once controlled. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tegay dhismaha guriga xukuumadda (Ex-xaruntii xisbiga) oo lagu wado dib-u-dhis. Xasan Cali Khayre ayaa howl-wadeennada ka shaqeynaya dib-u-dhiska ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan dhismaha, waxuuna kula dardaarmay in sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhammeeyaan si loogu guuleysto in xukuumaddu ku shaqo billawdo. Guriga xukuumadda ayaa noqoqeyna xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta dhexe ee xukuumaddu ku shaqeyso. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliso wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, ayaa sidoo kale kormeeray sida uu u socdo dhismaha garoonka ciyaaraha Muqdisho oo qeyb ka ah xarumaha muhiimka ah u ah horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo is-dhex galka bulshada. PUNTLAND POST The post Khayre oo kormeeray Xarunta dhexe ee Xukuumadda oo dib loo dhisayo appeared first on Puntland Post.
-
Cabdiraxmaan Maxamed Cali guddoomiyaha degmada Wadajir oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgallo laga sameeyey gudaha degmadaasi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in baaritaanadu ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayey amniga, islamarkaana laga sameeyey afarta waaxood ee degmada Wadajir. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gacanta lagu soo dhigay illaa shan ruux oo lala xariirinayo inay ku lug lahaanshaha falal amni darro ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Wadajir.mp3 View the full article
-
Maxay tahay sababta madaxweyne Donald Trump loogu qabsaday sawirkan? Sawirka ay sheegteen kooxda ololaha Trump Madaxa ololaha doorashada ee madaxweyne Donald Trump ayaa masaxay sawir uu soo dhigay barta Twiter-ka ee ololaha doorashada ee Madaxweynaha. Sawirkan oo la qaaday sanadkii 2004, xilligaas oo madaxweyne George Bush uu booqday goob ay ka socotay tartanka baabuurta ayaan kooxda ololaha doorashada madaxweyne Trump waxay ka dhigeen in la qaaday tartan maalma kahor ka dhacay gobolka Florida oo uu Madaxweynaha ka qeybgalay. Madaxa ololaha doorashada ee Trump, Brad Parscale ayaa bogga ololaha doorashada Trump ku qoray: “madaxweyne Trump waxaa uu ku guuleystay tartanka Daytona 500 oo aan wali bilaabanin”. Qoraalka iyo sawirka ayaa muujinaya diyaaradda khaaska ah ee Madaxweynaha Mareykanka oo ku dul duuleysa dad daawanaya tartanka baabuurta, waxaana barta Twiter-ka ee ololaha Trump ay ku jirtay muddo saddex saac ah kahor inta aanan laga saarin. Sawirkan oo hadalheyn badan ka abuuray baraha bulshada ee Mareykanka ayaa inta aanan la saarin waxaa ka falcelisay ku dhawaad soddon kun oo qof. Taageerayaasha Trump oo aan ogeyn sawirka iyo xilliga la qaaday ayaa aad ula dhacay sawirka iyo sida loo qaaday, waxaana ay uga falceliyeen qoraalo ay ku muujinayaan sida wanaagsan ee diyaaradda loo sawiray. Dad badan ayaa Madaxweynaha iyo kooxdiisa ololaha doorashada ku dhaleceeyay in sawir uusan lahayn uu iska sheegto, ayna ka been sheegaan xilliga la qaaday. Sawirkan ayaa waxaa qaaday sawir-qaade Jonathan Ferrey 15-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2004-ka, xilligaas oo madaxweynihii hore ee Mareykanka, George W. Bush uu booqday goob ay ka socotay tartanka baabuurta. Sawir-qaade Jonathan Ferrey oo xilligaas sawiray sawirkan ayaa mar qura waxaa u isla helay diyaaard oo kacday, kadibna ku aaday dadkii daawanayay tartanka oo ka dhacayay meel aan sidaas uga fogeyn garoonka diyaaradaha ee Daytona. “Waxaan leeyahay saaxiibo badan oo aqoon u leh sawir qaadida tartanka Daytona 500 ee sanadkan,” ayuu yiri Ferrey oo la hadlayay telefishenka CNN ee dalka Mareykanka. Wuxuu intaa raaciyay in maanta uusan halkaas ku sugneyn, balse sawir qaadaha tartankii 2004 uu ku guuleystay kahor inta uusan tartanka bilaabanin. Sawirkan ayaa haatan laga heli heli karaa wakaaladda sawirada ee Getty Images, waxaana sidoo kale loo adeegsdaay maqaalo laga qoray booqashada Trump toddobaadyo kahor safarkiisa. Warbaahinta Mareykanka ayaa markiiba ogaatay in sawirka la qaaday 16 sano kahor, waxaana taas ay keentay Parscale uu tirtiro sawirkii hore oo uu ku badelo midkale oo ah booqashada Trump. Kooxda ololaha doorashada ee madaxweyne Trump kama aanay jawaabin waxa ku kalifay inay adeegsadaan sawir la qaaday waa hore. Qaran News
-
Askari nus doolar u dilay qof rayid ah Warbaahinta maxalliga ee dalka Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad u wax uga qortay nin kamid ah dadka mootada kaga shaqeysta magaalada Nairobi oo nin boolis ah uu toogasho ku dilay. Ninka la dilay oo lagu magacaabo Daniel Mburu Wangari ayaa la sheegay in mootadiisa uu kusoo qaaday ilma yar oo ku haftay biyaha webi mara duleedka Nairobi iyo hooyadii dhashay canuga, waxaana uu usoo qaaday isbitaal, si loola tacaallo xaaladda canugaas. Ninkii mootada waday ayaa markii uu yimid isbitaalka Mama Lucy waxaa uu qeybta degdeg geeyay canugii yaraa ee uu soo qaaday, waxaana loo oggolaaday in uu gudaha u galo, balse waxaa loo diiday in uu mootada gudaha la galo. Sida ay dad goobjoogayaal u shegeen wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya, ciidan boolis ah oo ku sugnaa albaabka isbitaalka ayaa ninkii mootada waday waxay ka dalbadeen lacag dhan nus dollar, si mootadiisa loogu oggolaado inay gudaha gasho. “Waxay ku yiraahdeen ma jiro qof loo oggol yahay in gudaha uu mooto ama baabuur dhigto, waxayna ka dalbadeen lacag 50 shilling ah (nus dollar ah), balse waxaa uu ku yiri ma hayo lacagtaas. Dadkii kale ayaa ku yiri bannaanka iska dhigo mootadaada, markiiba waxa uu damcay in uu bannaanka dhigto mootada, waxaana booliska uu ka dalbaday inay u oggolaadaan in uu mootada dhigto bannaanka isbitaalka,” ayuu yiri qof goobjooge ah oo la hadlay Daily Nation. Mootadii uu watay ninka dhintay Hase yeeshee booliska ayaa dalbaday in kahor inta uusan bixin uu bixiyo lacagtii laga dalbaday, waxaana taas ay keentay in gacan-qaad uu dhexmaro Daniel Mburu oo ah ninkii mootada waday iyo askarigii booliska ahaa, wuxuuna markii laga itaal roonaaday uu dalbaday cafis. “I cafiya fadlan oo idayaa aan kaxeysto mootadeyda”, ayuu ku baryootamay. Dad goobjoogayaal ah ayaa sidoo kale warbaahinta Kenya u sheegay in ninkii waardiyaha ahaa uu u yeeray askar boolis ah, kuna yiri “ninkan si madax adag ayuu ila dhaqmayaa, wuxuuna isku dayayaa in uu xoog uga baxo dhismaha”. Daily Nation oo soo xiganaya dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa halka ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in mid kamid ah askartii booliska ee loo yeeray uu u tegay ninkii mootada lahaa oo waardiyihii uu ku hayo meel qol ah, wuxuna xabbad kaga dhuftay feeraha. “Wuxuu arkay anigoo aad u walwalsan, wuxuuna ii soo qaaday canugeyga, wuxuuna na keenay isbitaalka. Markii aan nimid waxaa inoo yimid oo ina caawiyay dad kale oo gaaraya, balse gudaha nooma aysan raacin, markii an cunuga u geynay dhakhtarkana waxaa isagii lagu yiri bannaanka u bax”, ayay tiri Agnes Waheti oo ah hooyada dhashay wiilka isbitaalka la geeyay. Hooyada dhashay canugii uu soo qaaday ninka dhintay Hooyadan ayaa intaa raacisay in wiilkeeda uu ku dhacay webi isagoo la ciyaaraya caruur kale, waxayna tiri “waxaan daaqadda ka arkay ninkii ina keenay oo ay ku dhegan yihiin waardiyeyaasha”. “Waxaan u soo baxay bannaanka, si aan u ogaado waxa dhacay, waxaana la kulmay ninkii o xabbad wadnaha lagag dhuftay, kadibna waxaa la geeyay isbitaalkii aan joognay, halkaas ayuuna ku naf baxay,” ayay raacisay. Nin ay saaxiibo yihiin ninka dhintay ayaa la sheegay in uu dhulka ka qaaday fooqa xabbadii lagu dhuftay. “Booliska waxay toogteen nin ay horay u dhibaateeyeen waardiyeyaasha, markaas gacanta lagu hayay”, ayuu yiri qofkale oo goobjoog ahaa marka ay wax dhacayeen. Afhayeen u hadlay guddiga korjoogteynta hawlaha booliska Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo IPOA ayaa sheegay in markiiba ay goobtaasi u direen koox katirsan guddigaas, si ay baaritaan u sameeyaan. Buuq iyo rabshad ayaa ka billaabatay isbitaalka lagu toogtay ninka, kadib markii dhallinyaro careysan ay ku dibadbaxeen afaafka hore ee isbitaalka, iyagoona ku qeylinayay ereyo ay kamid yihiin “askariga dhiig cabka ah ayaan rabnaa”. Qaran News
