-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xukumadda Somaliland Oo Beenisay Warar Ay Idaacada BBC-du Baahisey War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinyta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu beeniyey War aan sal iyo raadtoona laheyn oo ay baahisay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da kaasi oo ay ku sheegtay in “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu kulan xafiiskiisa kula yeeshay Wufuud ka socota Beesha caalamka,kuwaasi oo galabtanna la shiraya axsaabta siyaasadda.” War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo soo gaadhay galabta Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warkaas xaqiiqada ka fog ee ay maanta baahisay Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, Waxaanay Wasaaraddu caddanaysaa in aanu jirin kulan uu maanta Madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi la yeeshay weftigaas beesha caalamka ee ay BBC-du sheegtay inay la shireen. Sidaas darteed, waxa Wasaaradda Warfaafintu ay Idaacadda BBC-da u soo jeedisay inay ka waantoobaan wararka noocan oo kale ah ee sameyska ah ee ay ka faafinayaan JSL, taasi oo nusqaan ku ah idaacadaas caalamiga ah oo indhaawle noqotay mid si joogto ah warar aan jirin uga faafisa Jamhuuriyadda Somaliland. Wasaaradda Warfaafintu waxay ku boorinaysaa Laanta Afsoomaaliga ee BBC-du inay ilaaliso karaamada dhegaysteyaasheeda oo aanay baahin warar been abuur ah isla markaana aan dhicin. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hogaamiyayaasha Waqooyi Bari Kenya ee Soomaalida ah u qabtay 14 maalmood, si ay ula yimaadaan xal wax looga qabanayo dhibaatooyinka amni-darro iyo falalka argagixiso ee ka jira gobolka. Uhuru ayaa dalabkan hor-dhigay barasaabyada kala ah Cali Roba (Mandhera), Maxamed Cabdi Maxamud (Wajir), iyo Cali Korane (Gaarisa), oo ay wehliyaan hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale, iyo xildhibaano uu ka mid yahay Adan Kenynan. Sida uu weriyey wareyska The Standard, madaxweynaha ayaa xubnahan u sheegay in falalka argagixiso ee gobolka ka socda ay gaysanayaan dad gobolka kasoo jeeda, ayna qasab tahay inay wax ka qabtaan dadka gobolka. Sida ay sheegeen dad goobjoog u ahaa kulanka, Uhuru ayaa u sheegay mas’uuliyiinta Soomaalida ina hay’adaha amniga Kenya ay xireen xuduudda Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin xubno Shabaab ah oo usoo gudbaya Kenya. Uhuru ayaa sheegay in xalka wax looga qabanayo saameynta ay weerarada ku yeesheen gobolka uu u yaallo hoggaanka gobolka. Barasaab Cali Korane ayaa kulanka ku sheegay mid miro-dhal ahaa, islamarkaana ay madaxweynaha hordhigeen arrimaha gobolka ka taagan sida amniga iyo waxbarashada. “Waxa uu ballan-qaaday inuu xallin doono, hase yeeshee waxa uu dalbaday inaan annaga ka cayaarno kaalin fir-fircoon,” ayuu yiri Korane. Hogaamiyayaasha ayaa soo bandhigay dhibaatada ka dhalatay macallimintii aan Soomaalida ahayn ee gobolka isaga baxay kadib markii ay kordheen weerarada, hase yeeshee Uhuru ayaa dalbaday in marka hore xaalaadaha qaar wax laga qabto si macallimiinta dib loogu soo celiyo. Macallimiinta aan Soomaalida ahayn ama kasoo jeedin deegaanka ayaa laga saaray gobolka markii weeraro badan si toos ah loola beegsaday. Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeri ah gaysay gobolka, hase yeeshee ma muuqato in taas ay yareysay weeraradii Al-Shabaab ay ka gaysaneysay gobolka. Ma cadda sida hogaamiyayaasha Soomaalida ay hadda xal ula iman karaan muddo laba toddobaad gudahood ah.
-
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu bartiisa soo dhigay waxa uu ku soo dhaweeyay go’aanada ka soo baxay hay’adda lacagta adduunka IMF iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo go’aamiyay habkii ay ku cafin lahaayeen deynta Soomaaliya “Hadaan nahay Soomaaliya Dadaalkeenii wuu muuqdaa, waana ku farxi karnaa. Dadaalkani waa taariikhi, laakin intaan ka badan oo horumar ah ayaa inoo haray, kamana caajisidoono inaan ka miro dhalino hadafkeena ah guusha Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Hadalkaas wasiirka, ayaa ku soo beegmay xilli Shalay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ay shaacisay in 100 dal oo xubno ka ah IMF, ay ballan qaadeen in ay bixinayaan $334 milyan oo qeyb ka ah deynta laga qafiinayo Soomaaliya Soomaaliya oo lagu leeyahay deyn gaareysa $5.3 bilyan, ayaa waxaa deynta looga qafiifinayaa barnaamij gaar ah oo lagu kaalmeeyo dalalka ugu saboolsan dunida. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka ka soo baxay IMF appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in la xiro Maxamuud Maxamed Ibraahim Geeleey oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee Jubbaland. Mr Geeleey ayaa doontay xilka wasiirka garsoorka Jubaland oo ay saaxiibo yihiin Axmed Madoobe, waxaana la sheegay in wasiirka uu Axmed Madoobe ku wargeliyay in wiilka xilka soo doontay ay macaamiil yihiin Xukuumadda Soomaaliya ayna ka bixisay waxbarasho dibadda ah iyo waxyaabo kalane uu kala shaqeeyay. Wasiirka ayaa dalbaday in la xiro Mr Geeleey ama uu maamulka ku soo fasixi doono culeysyo badan oo siyaasadeed iyo mid amni, kuwaas oo ka imaan kara beesha uu wasiirka u yahay oo aan la dhacsaneyn maamulka Jubaland. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda qoyska Maxamuud, ayaa u tagay wasiirka garsoorka Jubaland oo Axmed Madoobe ka dalbaday in la xiro Maxamuud, waxaana la sheegay in ilaa hadda la isky fahmi la’yahay sii deynta wiilkaan xilka wasiirka doontay ee damacsanaa inuu xilka ka qaado Wasiirka Garsoorka ee Jubaland. Maxamuud Maxamed Ibraahim waa uu ahaa wiil dhalinyar ah oo aqoonyahaan ah waxa uuna aaminsanaa aragti ah in Jubaland iyo dowladda wada-shaqeeyaan iyo in beeshiisa ay ku dulmantahay maamulkaasi, isagoo damacsanaa xilka wasiirka Cadaaladda oo ay isku heyb yihiin, balse wasiirka ayaa la sheegay in uu yahay saaxiibka Axmed Madoobe islamarkaana uu bixiyay amarka xarigga ah isagoo soo maray madaxtooyada. Odayaasha degaanka ayaa dalbaday in la sii daayo Maxamuud Maxmaed Geeleey halka Madaxweynaha Jubaland saraakiil ka socoto ay sii deysmadiisa ku xireen raali ahaanshiyaha wasiirka Cadaaladda oo ka soo sheegtay islamarkaana ah wasiirka ku matala kursiga beesha. Jubaland ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo maamul waxaana isa soo taraya cabashada dadka degaanka iyo caburinta saaran beelaha iyo siyaasiinta qaar, waxaana arrintaan ugu wacan khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland.
-
Lafoole (Caasimada Online) – Maamulka degaanka Lafoole ee koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhibaato badan ku qabaan ciidamada Haramcad ee booliska Soomaaliya kuwaas oo ku sugan wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. Muqtaar Nuur Geeseey, oo ah guddoomiye ku xigeenka degaankaas ayaa sheegay in uu shalay ka badbaaday isku dhac gacan ka hadal ah oo dhaxmaray ciidan ilaalo u ah iyo ciidanka Haramcad kadib markii loo diiday in uu galo xarunta degmada. Guddoomiyaha sheegay in isaga, taliyaha Saldhigga, Guddoomiyaha degaanka iyo masuuliyiinta kalaba ay ku dhawyihiin ay ka soo barakacaan degaanka Lafoole iyo xarumihii shaqada kadib markii ay is hortaageen ciidamada Haramcad sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan doonaynaa in ay ka soo barakcno xafiisyadeena iyo guryaheena sababtoo ah ciidankaan xushamad maleh, qof looga dacwoodana maleh, dhibaato daranna waan ku qabnaa annaga iyo shacabkaba” ayuu yiri guddomiyaha ku xigeenka degaanka Lafoole ee mamaulka Koonfur Galbeed. Ciidanka Haramcad oo laga amro magaalada Muqdisho ayaa xiray wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye waxaana dhibaato daran ku qaba dadka degaanka iyo gaadiidka halkaasi ku safra waxayna dadweynaha isticmaalaan wadooyin qardo jeex ah. Waddadan oo uu ka socdo dhismaha jidka, ayaa waxaa horey dhow qarax oo dhimasho badan sababay uga gaysatay kooxda Al-Shabaab, oo isku dayeysa inay joojiso dhismaha.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Howlaha guud ee Somaliland, Cabdirashiid Qambi ayaa raali-gelin ka bixiyey eedeyn uu shalay u jeediyay Shirkada shidaalka ee Hass, taasi oo uu kula xiriiriyey Jabhado ka jira deegaanada Buuhoodle. Wasiir Qambi ayaa sheegay in uusan hayn wax cadeymo ah oo muujinaya in Shirkadaasi ay maal-geliso Jabhada SSC ee sida weyn uga soo horjeeda maamulka Muuse Biixi iyo gooni isu-taaga Somaliland. Raali-gelintan uu maanta bixiyey Wasiirku ayaa waxa ay ku soo aadeysa xili ay Shirkadu si weyn isaga fogeysay eedeymahaasi, isla markaana ay sheegtay inay maxkamad la tiigsaneyso haddii uusan cadeyn arrinka uu shalay ku soo eedeyay. Cabdirisaaq Ibraahim, Maamulka guud ee shirkada Hass oo eedeyntaasi iska difaacaya ayaa sheegay in Wasiirku uu kula dul dhacay dambi weyn oo aysan wax shaqo ah ku laheyn shirkadoodu. Waxayna Raali-gelinta wasiirku ay damineysa xiisad cusub oo ka dhex-qaraxday Shirkada Hass iyo maamulka Muuse Biixi, midaasi oo salka ku haysay eedeynta ah inay maal-geliso Jabhado ka soo horjeeda Somaliland.
-
Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay hawlgal culus oo Booliisku ka bilaabeen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. hawlgalkaasi oo habeen ka hor ka bilowday Garoowe, ayaa Taliyuhu sheegay in lagu qabto dad ka badan 30 ruux oo ay ku tuhunsan yihiin dambiyo kala duwan, kuwaasi oo haatan ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe, islamarkaana dhowaan sharciga la hor-gayn doono. Gen Muxiyadiin, ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay dib u-habayn ballaaran oo ku socota ciidanka Booliiska Puntland, si loo helo ciidan Booliis ah oo tiro sugan leh. Taliyaha oo la weydiiyay, waxa Puntland uga qorshaysan, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay magaalada Gaalkacyo keento Booliiska gaarka ah ee loo yaqaanno HARAMCADKA? Ayaa ku jawaabay “ HARAMCAD haddii ay keenaan Shabeel baa u diyaarsan.” Hoos ka daawo wareysiga oo dhan ©PUNTLAND POST The post Puntland: HARAMCAD haddii ay Gaalkacyo keenaan Shabeel baa u diyaarsan appeared first on Puntland Post.
-
Labo kulan oo ka tirsan lugta hore ee wareega 16-ka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League ayaa caawa oo Arbaco ah laga ciyaaray qaarada Yurub. Kooxda Manchester City ayaa hal lug la sii gashay wareega siddeed dhamaadka ee tartanka kooxaha Yurub ee Champions League, ka dib markii ay guul soo laabasho ah oo 2-1 ah ka gaartay kooxda Real Madrid oo marti loogu ahaa gurigeeda Santiago Bernabeu, lugta hore ee wareega 16-ka. Kooxda Real Madrid ayaa goolka la hormartay waxaana u dhaliyay Isco, balse labo gool oo afar daqiiqo gudahood ku dhaliyeen Gabriel Jesus iyo Kevin De Bruyne ayaa Manchester City ka caawiyey in ay kooxda ugu hanashada badan tartankan ay guul taariikhi ah ka gaarto. Real Madrid ayaa ciyaarta ku dhameysatay 10 ciyaaryahan, markii dhammaadka ciyaarta kaarka cas loo taagy Sergio Ramos oo maqnaan doona kulanka lugta labaad oo ka dhici doona magaalada Manchester 17-ka besha soo socota ee Maarso. Dhanka kale Juventus ayaa guuldaro 1-0 ay ka soo gaartay kooxda Faransiiska ee Lyon oo marti loo ahaa lugta hore ee wareega 16-ka Champions League. Lyon ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 3-aad, markii uu shabaqa soo taabtay Tousart, waxayna ku guuleysatay inay shabaqa ka ilaashato Juventus ka hor lugta labaad ee Torino ka dhacaysa 17-ka besha soo socota ee Maarso. PUNTLAND POST The post Man City oo guul soo laabasho ah ka gaartay Real Madrid appeared first on Puntland Post.
-
In ka badan 100 dal oo xubno ka ah IMF ayaa ballan qaaday inay bixinayaan $334 milyan oo qeyb ka ah deynta laga qafiinayo Soomaaliya, sida ay shalay sheegtay IMF. Ballan qaadkan ayaa u ogolaanaya Soomaaliya in ay hesho lacag cusub oo dalka lagu caawinayo. Soomaaliya oo lagu leeyahay deyn gaareysa $5.3 bilyan, ayaa waxaa deynta looga qafiifinayaa barnaamij gaar ah oo lagu kaalmeeyo dalalka ugu saboolsan dunida. Guddiyada fulinta IMF iyo Banka Adduunka ayaa horaantii bishan ansixiyey in Soomaaliya ay u qalanto in deynta looga cafiyo barnaamijka HIPC ee dalalka ay saaran tahay deyn ka tan weyn. Si ay ugu guuleysato ansixinta rasmiga ah, Soomaaliya waa inay sii waddaa in ay muujiso hanaan maaliyadeed lagu qanci karo, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka IMF ay dusha kala socoto. PUNTLAND POST The post In ka badan 100 dal oo ballan qaaday lacag deynta looga cafinayo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar-____-Qumanaha-Wararka-26022020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota dowladda Kenya, iyagoo fariin u diray dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay codka Afhayeenka ururka Cali Maxamuud Raage (Cali dheere) oo arrimahaas ka hadlaya mudo ku siman 20 daqiiqo, isagoo sheegay in ay u damqanayaan dadka Muslimka ah eek u nool gobolkaas. “Iyadoo laga duulaayo walaaltinimada Islaamka iyo soo celinta dhulalka islaamka ayay walaalihiina Al-Shabaab idiin soo gurmadeen si ay dhulkiina idiinku soo celiyaan, si aad u xorowdaan, aayihiinana ugu madax -bannaanaataan” ayuu yiri Cali Dheere. Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in haatan dowladda Kenya ay ku jirto xaalad rafasho ah, “Dadka Muslimiinta ah waxaan uga digayaa in ay Kenyaatigaasi garab u noqdaan”ayuu yiri. Sidoo kale sarkaalkan u hadlay Al-Shabaab ayaa dadka ku nool gobolka Soomaalida ee NFD ugu baaqay in aysan ku kalsoonaan siyaasiyiinta gobolkooda ku metela dowladda dhexe ee Kenya. Oo uu ku tilmaamay “Fulayo aan wax damiir ah laheyn”. Dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ee NFD ayuu Afhayeenka Al-Shabaab kula taliyey in ay isku tashadaan, “Waxaan kalsooni ku qabnaa in ay karti iyo aqoon ku filan u leeyihiin oo ay heli karaan macallimiin Muslimiin ah, dhaqaatiir Muslimiin ah iyo aqoonyahanno Muslimiin ah intaba, mana muuqato sabab ay ugu baahan yihiin Kenyaatiga” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Qeybaha dambe ee hadalkiisa Cali Dheere waxa uu uga hadlay weerarradii ay Al-Shabaab halka maalin ka geysteen saldhigga miluiteriga Soomaaliya ee Ceel-saliini, Qoryooley iyo deegaanka Lafoole oo ka wada tirsan gobolka Shabeellada Hoose. Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere waxa uu sheegay in seddaxdii weerar ee maalinkaas ay fuliyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab in ay ku furteen hub iyo gaadiid badan oo ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku dileen askar badan. Warka Cali Dheere waxa uu imaanayaa xilli weerarkii ugu dambeeyey ay Al-Shabaab waaberigii hore ee saakay ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin tuulo lagu magacaabo Dabasiti oo hoos tagta degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay ku sheegteen warkooda in ay ku burburiyeen saldhiggii ciidamada iyo xarun ay deegaanka ku laheyd shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee ka howlgasha dalka Kenya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Maxamuud Ibraahim Goodir oo ah xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii hore ee dalka, ayaa si kulul uga jawaabay hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ku hanjabay in laga saari doono beesha Gaaljecel oo ay kasoo wada jeedaan. Arrinta ka dhaxeysa labadan mas’uul waxay salka ku heysaa muranka ka dhashay dhagaxii qaaliga ahaa ee laga helay deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan oo ay beeshoodu degto. Xildhinbaan Jeesow ayaa Goodir ku eedeeyey inuu la shaqeeyo kooxda Al-Shabaab, islamarkaana uu hadda isku dayayo inuu kiiska Dhagaxa laga helay Ceel Cali u beddalo mid ganacsi. Xildhibaan hore Maxamed Goodir oo ka jawaabayey hadalka Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in sifo sharci ah uu uga fal-celinayo gef uu sheegay in uu kula kacay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow. “Waxaan warqad u qorayaa guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo ay garbaheyga taagan yihiin ugaaska iyo nabadoonada beesha Gaal-jecel oo dhan, kuwaas oo cadeynaaya in Xildhibaan Jeesow uu diiday in uu joojiyo fidnada uu beesha ka dhex wado, xasaanada looma siin in uu dadka ka sameysto waxa uu rabo, balse waxaa loo siiyey xasaanadda in uu dadka ugu adeego” ayuu yiri Ex Xildhibaan Goodir. Maxamed Maxamuud Ibraahim Goodir ayaa sheegay in Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow uu ugu hanjabay in naftiisa iyo maalkiisa uu dhibaateyn doono. “Horta waxaan u sheegayaa in aana aheyn qof la cabsi geliyo sida uu aaminsan yahay, Shabaabku dadka waa gaaleysiiyaan, isaguna dadka waa uu Shabaabeeyaa, ama qofkii uu rabo in uu baad ka qaato Shabaab ayuu ku tilmaamaa, cidii Shabaab ahna ha’adaha ammaanka ayaa dadka ka yaqaan oo kasoo dhex saaraya” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Maxamed Goodir. Ex Xildhibaan Goodir ayaa sheegay in beesha ay kasoo jeedaan isaga iyo Xildhibaan Jeesow ee Gaaljecel ay ku ballameen in aan laga jawaabin waxa uu ku hadlay Jeesow, balse uu hadda gaaray xilligii la iska dhicin lahaa Xildhibaan Jeesow. “Meel walba oo uu kasoo hadlo ayaan ugu jawaabeynaa, xoogga uu igu handadayana in uu shaqeynaayo umadda ayaa marqaati nooga ahaaneysa, koley cid aanaa u bandhigin arinka ninkan ma jirto, hadii ay ahaan laheyd ugaas ama waxgarad kale toona” ayuu yiri xildhibaan hore Maxamed Maxamuud Ibraahim Goodir. Ugu dambeyntii masuulkan ayaa sheegay xasaanadda uu ku faanaayo Xildhibaan Jeesow aysan ka hor istaagi doonin sharciga. Hoos ka daawo Goodir
-
Muqdisho (SMN) – In ka badan 100 dal ayaa balanqaadey 334 milyan oo Doolar si deynta looga cafiyo Soomaaliya, sidaas waxaa shaacisay Hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF. Kristalina Georgieva, agaasimaha guud ee IMF, ayaa sheegtay in tani ay hoos u dhigeyso deynta guud ee lagu leeyahay waddanka dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika. Iyaddoo soo saartay war-saxaafadeed, Georgieva ayaa u mahadcelisay dalalka yaboohay deeqda. IMF ayaa horaantii bishaan Febraayo furtay barnaamij lagu maalgelinayo deyn cafinta Soomaaliya. Qaanta lagu leeyahay waddankeena waxay gaareysaa 5.3 bilyan oo Doolar. View the full article
-
KHARTUUM, Sudan – Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islaw oo ka qeyb galaya shirka urur goboleedka IGAD uga socda dalka Suudaan ayaa gaaray magaalada Khartuum ee caasimadda dalkaas. Wafdiga Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Agaasimaha guud ee iskaashiga caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Suudaan Xaatim Maxamuud Cabdirisaaq, Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq Madaxa ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Mudane Yuusuf Jeeg iyo Madaxa socdaalka iyo jinsiyadda ee Safaaradda Mudane Yacquub. Mudane Abuukar Ducaale Islow ayaa dalka Suudaan uga qeyb galaya shirka urur goboleedka IGAD, kaasi oo diiradda lagu saarayo hanaanka isu socodka dadweynaha iyo ganacsiga, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa inta uu joogo madaxda ka qeyb galeysa shirka iyo kuwa dalka Suudaan oo uu kala hadli doono xoojinta iyo wadashaqeynta kala dhexeysa Soomaaliya. View the full article
-
Washington (AFP) More than 100 IMF members have pledged to provide $334 million in debt relief for Somalia, which then will unlock fresh funds to help the country, the International Monetary Fund announced Wednesday. Facing a debt load that measured $5.3 billion at the end of 2018, the relief will be provided under a special program to help the world’s poorest nations, first by allowing the government to clear its arrears with the IMF. With financing pledged, the African nation is one step closer to the final approval “which will significantly reduce Somalia’s total debt and enable access to new resources to jump start growth and begin reducing poverty,” IMF Managing Director Kristalina Georgieva said in a statement. “This marks a clear recognition by our members for Somalia’s strong and sustained commitment to economic and financial reforms, despite very challenging circumstances,” she said. The executive boards of the two Washington-based crisis lenders, the IMF and World Bank, earlier this month approved the East African nation’s eligibility under the Enhanced Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative. To win final approval, the country must continue to have “satisfactory” performance under an IMF monitored economic program, and pay arrears to multilateral creditors or agree to a strategy to clear them. The World Bank said at the time it expected to have an operation to clear Somalia’s arrears by the end of this month. A final decision to release the funds could be made by the end of March. To date, debt relief packages under the HIPC initiative have been approved for 36 countries, including 30 in Africa. According to World Bank criteria, Somalia is one of the poorest countries on the planet, with a GDP per capita of less than $995 per-year. According to NGOs, most of Somalia’s debt is the result of investments made before the 1990s which have since been destroyed in whole or in part as a result of conflict.
-
(SLT- Hadaaftimo)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal maanta deegaanada gobolka Sanaag ku dhex-maray ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland. Dagaalkaasi oo saaka ka dhacay deegaanka Hadaaftimo, ayaa waxa ka dhashay khasaare kala duwan, inkasta oo aan si rasmiya loo wada ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Taliska guud ee Ciidammada Millatariga Somaliland oo war ka soo saaray dagaalkaasi ayaa guullo ka sheegtay, iyadoona warkaasi lagu sheegay in dagaalka ay ku qabsadeen hub iyo gaadiid. Dhinaca kale, taliska ciidamada Puntland ayaa sheegay in saaka aroortii hore in ciidamo ka tirsan Somaliland weerar kusoo qaadeen Ciidamada Puntland, hase yeeshee ay iska difaaceen. Sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay inay ku filan tahay difaacidda dhulkeeda, waxaana loogu baaqay shacabka inay ka qeyb qaataan difaaca dhulkooda, ayada oo baaq loo diray dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka lagu sheegay in ayna Puntland mas’uul ka noqon doonin cawaaqibka ka dhashay dagaalka. Sida dad deegaanka ayaa sheegaya in xaalka guud ee deegaanada saaka lagu dagaalamay laga dareemaya daganaan, kadib markii Ciidamada Somaliland ay ku noqdeen deegaanka Yubbe oo hore ay ugu sugnaayeen. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay inay cabsi badan dareemayaan, maadama ay saaka saacado badan ku dul dagaalameen ciidammada Puntland iyo kuwa Somaliland, ayna ka cabsi qabaan inuu dib u qarxo dagaal u dhaxeeya ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland. Source
-
Washington DC (Caasimada Online) – Agaasimaha maamulka hay’adda lacagta adduunka ee IMF Kristalina Georgieva ayaa maanta ku dhowaaqday in IMF ay xaqiijisay ballan-qaadyo maaliyadeed oo ku filan, si loo maal-geliyo deyn-cafin buuxda oo loo sameeyo Soomaaliya. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay IMF, 100 dal oo xubno ka ah IMF ayaa ballan-qaaday in ka badan 334 milyan oo dollar oo lagu maal-gelinayo deyn-cafinta Soomaaliya. “Marka ballan-qaadka laga dhigo rasmi, waxaa xigi doona hanaanka deymaha looga tirayo Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Tani waxay gacan ka gaysan doontaa in la fasaxo lacag cusub oo kaalmo horumarineed ah, taasi oo dhabbaha u xaari doonta kobac sare oo buuxa.” Ms. Georgieva ayaa ballan-qaadka cusub ku qeexday inay fursad taariikhi ah u tahay Soomaaliya, si ay ugu dhaqaaqdo deyn-cafin buuxda oo ay ka hesho IMF iyo Beesha Caalamka. “Waxaa naga go’an inaan Soomaaliya ka taageerno dib usoo kabashadeeda kadib muddo fog oo dagaalo iyo burbur ahaaa” ayey tiri Kristalina Georgieva. Kristalina Georgieva ayaa taageeradooda uga mahad-celisay dalalka xubnaha ka ah IMF. “Tani waxay astaan cad oo lagu qirayo u tahay dadaallada xooggan ee joogtada ah ee Soomaaliya ay ku sameyneyso is-beddelo maaliyadeed iyo kuwa dhaqaale, inkasta oo ay jiraan marxalado caqabad leh,” ayey tiri. Soomaaliya ayaa la filayaa in deynta lagu leeyahay, oo ka badan 5 bilyan dollar, laga cafiyo dabayaaqada bisha March.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-26022020-sax.mp3 View the full article
-
Ciidamada ammanka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta xabsiga dhigay rag lagu soo eedeeyey in ay rabeen in Garsoor u aadaan maxkamadda Al-shabab, ka dib markii uu soo kala dhex galay muran dhanka dhulka ah. Ragga xabsiga la dhigay ayaa kala ahaa Cumar Joowle Dhiijaaan iyo Axmed Cumareey, ciidamada ayaana gacanta ku dhigay oo xiray xili ay doonayeen in ay u anbabaxaan magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud. Waxaan jirin wax war ah oo wali ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan ragga maanta lagu xiray magaalada Dhuusameeb, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyey soo baxayey dadka ka u dacwad doonayo Al-shabab. Dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka ayaa marar badan warar ka soo saaray dadka u garsoorka doonta maxkamdaha Al-shabab, waxaana ay shegeen in dadkaas talaabo sharciyalaga qaadi doono Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinyta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu beeniyey War aan sal iyo raadtoona laheyn oo ay maanta duhurkii baahisay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da kaasi oo ay ku sheegtay in “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu kulan xafiiskiisa kula yeeshay Wufuud ka socota Beesha caalamka,kuwaasi oo galabtanna la shiraya axsaabta siyaasadda.” War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo soo gaadhay galabta Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warkaas xaqiiqada ka fog ee ay maanta baahisay Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, Waxaanay Wasaaraddu caddanaysaa in aanu jirin kulan uu maanta Madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi la yeeshay weftigaas beesha caalamka ee ay BBC-du sheegtay inay la shireen. Sidaas darteed, waxa Wasaaradda Warfaafintu ay Idaacadda BBC-da u soo jeedisay inay ka waantoobaan wararka noocan oo kale ah ee sameyska ah ee ay ka faafinayaan JSL, taasi oo nusqaan ku ah idaacadaas caalamiga ah oo indhaawle noqotay mid si joogto ah warar aan jirin uga faafisa Jamhuuriyadda Somaliland. Wasaaradda Warfaafintu waxay ku boorinaysaa Laanta Afsoomaaliga ee BBC-du inay ilaaliso karaamada dhegaysteyaasheeda oo aanay baahin warar been abuur ah isla markaana aan dhicin. Source
