Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in la joojiyey duulimaadyada Caalamiga ah ee yimaadda Soomaaliya iyo kuwa ka baxa Dalka laga billaabo 18 Bishan illaa iyo 3-da April. Wasiir Oomaar oo kulan deg-deg ah la qaatay Raiisulwasaaraha Dalka, Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda duulista ayaa sheegay in sababta ay tallaabadan u qaadeen ay tahay feejignaan laga muujianyo Cudurka Coronavirus oo Kiiskiisi ugu horreeyay laga helay Muqdisho. Mudane; Maxamed Cabdullaahi Oomaar, ayaa sheegay in Dowladdu ay mudnaan gaar ah siin doonto Diyaaradaha Dalka u yimmaadda howlaha Bini’aadam-nimo. Tallaabada Maanta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay ku joojisey Duulimaadyada Caalamiga ah ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maanta kiiskii ugu horreeyey ee Cudurka Coronavirus-ka laga helay Magaalada Muqdisho View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-16032020.mp3 View the full article
  3. Mogadishu (PP News Desk) — The Federal Government of Somalia is assessing the impact Covid-19 May have on milestones of which 2021 elections is the most significant. Somalia is a country with less than rudimentary health services. The Federal Health Ministry confirmed earlier today one person in Mogadishu had tested positive for COVID-19. The possibility of Coronavirus spike through community transmission is high in Somalia. The Federal Government cannot introduce and enforce lockdown on areas known to have the largest number of patients nor is there a mechanism through which the Federal Government and Federal Member States coordinate health emergencies. “With no consensus on the electoral model insight, uncertainty about Covid-19 in Somalia can prove a pretext to postpone 2021 elections indefinitely” says Ali Hassan, a political commentator in Garowe. Grounds for a term extension are in the electoral law Article 53 of the electoral law passed in December by the Federal Parliament stipulates “elections can be postponed in the event of force majeure throughout or half of the country.” © Puntland Post, 2020 The post COVID-19 MAY “PROVE A FEDERAL GOVERNMENT PRETEXT FOR TERM EXTENSION” IN SOMALIA appeared first on Puntland Post.
  4. Janaale (Caasimadda Online) – Magaalada Janaale oo muddo badan ay ka talinayeen kooxda Al-Shabaab ayaa ugu dambeyn Maanta lagala wareegay markii ay dagaal ku qaadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada xoogga dalka ay si rasmi ah ula wareegeen magaalada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo intaa ku daray in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano dheeraad ah. Taliyaha ayaa Shacabka ku nool Magaalada Janaale ugu baaqay inay isdajiyaan isla markaasna ay si wanaagsan ula shaqeeyaan Ciidamada Amniga. Wararka ayaa intaa ku daraya in Al-Shabaab ay markii hore isaga baxeen deegaanka markii Ciidamada ku soo dhowaadeen, hase ahaatee weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ah ayey ku soo qaadeen intii Ciidamada soo galayeen deegaanka. Deegaanka Janaale ayaa afartii sano u dambeysay ay ka talinayeen Al-Shabaab, 1-dii bishii September ee sanadkii 2015 ayay aheyd markii Al-Shabaab weerar ku bilowday qarax weyn ay ku qaadeen saldhigga Ciidanka AMISOM, waxaana weerarkaas lagu dilay askar ka tirsan Ciidanka Uganda, weerarkaas wixii ka dambeeya oo khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay Ciidanka AMISOM ayay bilaabeen inay isaga baxaan. Al-Shabaab weli ma aysan ka hadlin qabshada Ciidamada Dowladda ee Magaalada Janaale, waxaana laga cabsi qabaa inay qorsheenayaan weeraro ku dhufo oo dhaqaaq ah.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) ― Kadib markii goordhoweyd oo maanta ah ay Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ay xaqiijisay in magaalada Muqdisho laga helay Kiis la xiriira fayruska faraha ba’an ku haya dunida ee Coronavirus, waxa soo baxaya cabsi balaaran. Waxaana ka dhashay su’aalo badan oo cabsi abuuraya, midaasi oo ah inay jiran Kiisas ka badan inta Wasaaradu ay maanta shaacisay, maadama qofka la sheegay in cudurkaasi laga helay uu rakaab la saarna diyaaraddii uu Muqdisho ku yimid. Inkasta oo ay wasaaradu aysan sheegin dalka uu qofkaasi ka yimid iyo waxa laga yeelay rakaabkii la saarnaa diyaarada, haddana waxaa loo badinaa inuu ka yimid Shiinaha, maadaama horey loo sheegay in dad ka yimid Shiinaha la karantiilayey, midaasi oo sii xoojineysa cabsida ku aadan in caabuqan uu gudaha u galay magaalada Muqdisho. Wasaaradu marnaba kama aysan hadlin sidii laga yeelay rakaabkii kale ee la saarna diyaarada qofkan laga helay caabuqa, taasi oo ka dhigan in dadkaasi ay gudaha u galeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Haddaba, qaab nooceeya ayey Wasaaradu u martay kala xulista rakaabka wada saarna halka diyaarad, midaasi oo dhalisay in Hal qof oo rakaabkaasi kamid ah laga helo Coronavirus. Markii qofkan uu imanayey Muqdisho durbadiiba lagama helin cudurka, taasi oo fududeyn lahayd in dadkii diyaaradda la saarnaa la karantiilo, hase yeeshee maadaama baarista loo diray dibedda, watqina ay qaadatay, dadkii diyaaradda la saarnaa qofkan waxay gudah u galeen magaalada. Sababta kaliya ee dadka la karantiilayo loo hayo ayaa ah inay ka yimaadeen dalal uu ku faafay fayruska, hase yeeshee la isma weydiin dadka diyaaradda la saarnaa dadka la hayo waxa laga yeelayo. Xanuunkan ayaa maalmaha hore astaamihiisu yihiin kuwa qarsoon oo aan qofka laga garan, taasi oo sahasha in qofka uu faafiyo inta aan lagu arag calaamadaha. Waxaa la gudboon Wasaarada in warbixin ka balaaran midda ay maanta ku shaacisay ay ka soo saarto Kiiskan cusub ee la xiriira Coronavirus ee ay xaqiijisay inay dalka gudihiisa ka heshay. Sidoo kale, go’aanka maanta lagu joojiyey duulimaadyada dalka wuxuu ahaa mid wanaagsan oo ka hortagi kara in dad badan oo xanuunka qaba ay soo galaan dalka.
  6. Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday in gabi ahaan si rasmi ah loo joojiyey duulimaadyada caalamiga ah ee imaanayey iyo kuwa ka baxayo dalka si gaar ah garoonka Aadan Cade ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sababo la xariira xanuunka Corona virus, oo kiis ka mid ah laga helay gudaha qof ka yimid dibadda. Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa ku dhawaaqay in la joojiyey duulimaadyadii caalamiga ahaa laga bilaabo 18-03/2020-ka . Wasiirka ayaa sheegay in kulan deg deg ah oo golaha wasiirada xukuumaada federaalka Soomaaliya ay isugu yimaadeen si looga hadlo xaaladda soo korortay ee la xariirta hadalkii ka soo yeeray wasaaradda caafimaadka oo la xariiray shaacinta kiiskii ugu horeeyey oo la helay waxaana hadalkiisa ka mid ahaa wasiirka duulista hawada. “Maanta oo taarriikhdu tahay 16-03-2020-ka Dowladda Soomaaliya si ay uga hortagto una xakamayso inuu xanuunka Coronavirus uu faafo ayaa waxaa ay joojisay guud ahaan duulimaadyada caalamiga ah ee wadanka yimada ama ka baxo laga bilaabo dhamaadka 18-ka bisha March 2020-ka saqda dhexe muddo 15 cisho ah. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in duulimaadyada la joojiyey uusan saameyn doonin arrimaha qaarkood sida xaalada gaarka ah iyo arrimaha Bani’aadanimada , waxaana uu intaas ku daray in xayiraaddu ay saaran tahay wadanka oo dhan. Waxaa dowladdu ogolaansho gaar ah siin doontaa haddii Allah uu ka raali noqdo duulimaadyada la xiriira Bani’aadanimada iyo xaalado gaar ah, insha allah waxaan Illaah ka rajeynaynaa inuu cudurkaan naga badbaadiyo dhammaanteen xayiraaduna waxaa ay saaran tahay wadanka Soomaaliya dhammaantiis” ayuu yiri wasiirka. Hadalka ka soo yeeray wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ayaa imanaya iyadoo waxyar ka hor wasiirka wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur shaacisay in qof Soomaali ah oo ka yimid dalka dibadiisa laga helay Cudurka Coronavirus, kaasi oo kal horey ay karantiishay Wasaaradda caafimaadka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Kismayo (HOL) - A senior Jubbaland military commander has sensationally claimed the Federal Government is exploring means to capture parts and set base to eventually end Ahmed Madobe’s reign. Source: Hiiraan Online
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si qoto dheer uga hadlay xanuunka saf-maareenka ah ee dunida oo dhan ku faafaya ee Corona Virus iyo sida ay dawlad ahaan ugu diyaar garoobeen ka hortagga iyo la tacaalista xaalad kasta oo kasoo korodha xanuunkaas adduunka saameeyey. Madaxweynaha Somaliland oo maanta saxaafadda kula hadlay qasriga madaxtooyada oo ay hareero joogaan xubnaha guddida ah ee uu dhawaan u magacaabay ka hortagga Xanuunka CORONA VIRUS, ayaa ugu horrayn caddeeyey inaanu caabuqaasi weli soo gelin Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana warbixintii ugu dambaysay ee laga keenay xuduudaha kala duwan ee dalku ay caddaynayso badqab buuxa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. PRESS RELEASE U.S. Africa Command cancels exercise Obangame Express The decision not to proceed with the exercise comes in response to the global effort to contain the spread of the novel coronavirus (COVID-19) JOHANNESBURG, South Africa, March 16, 2020/ — After careful consideration with exercise participants and host-nation countries, exercise Obangame Express 2020 has been canceled. Obangame Express is designed to improve regional cooperation, maritime domain awareness, information-sharing practices, and tactical interdiction expertise to enhance the collective capabilities of participating nations to counter sea-based illicit activity. The decision not to proceed with the exercise comes in response to the global effort to contain the spread of the novel coronavirus (COVID-19), while minimizing exposure of U.S. and partner nation service members to this virus. “We continue to remain on top of the COVID-19 situation and take appropriate action to protect our troops and African partners,” said Gen. Stephen J. Townsend, commander of U.S. Africa Command. “We may reduce in scope the size or cancel an exercise, but we will continue to lean forward to make sure troops in Africa have what they need.” U.S. Africa Command will continue to evaluate and adjust the scope of its activities as necessary to ensure force health protection and prevent the spread of the virus. The U.S. routinely exercises with partners in Africa to build enduring relationships and combined capacity to ensure the safety and security of the regional maritime environment. Exercise Obangame Express is one of three African regional “Express” series exercises sponsored by U.S. Africa Command and conducted annually by U.S. Naval Forces Europe-Africa/U.S. 6th Fleet. While this year’s exercise has been canceled, planning continues for a senior leader seminar and Obangame Express 2021. Distributed by APO Group on behalf of Africa Regional Media Hub. SOURCE Africa Regional Media Hub Qaran News
  10. MOGADISHU (HOL) - Somalia has confirmed the first case of the novel corona virus making it the fourth country in East Africa after Kenya, Ethiopia and Rwanda to record the presence of the viral infection. Source: Hiiraan Online
  11. Wasaaradda caafimaadka XFS ayaa maanta xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus laga helay qof ka yimid dibadda oo lagu karantiilayo garoonka Muqdisho. Fowsiyo Abiikar Nuur oo ah wasiirka wasaaraddaasi ayaa sheegtay in qofka laga helay cudurka uu yahay muwaadin Soomaaliyeed. Wasiirada ayaa tilmaamtay in qofkaasi uu ka mid ahaa muwaadiniin ay dowladdu ku karantiileysay garoonka, islamarkaana baaritaan kadib hal qof laga helay caabuqa. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in muwaadinka laga helay xanuunkaan uu ka yimid mid ka mid dalalka uu sida ba’an u sameeyey Corona, inkastoo aysan shaacin dalkaasi. Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in gabi ahaan ay mamnuucday duulimaadyada caalmiga ah ee soo gaari jiray gudaha Soomaaliya. Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in laga bilaabo dhammaadka maalinta 18-ka bisha Maarso lix saac habeenimo la joojiyey duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Oomaar ayaa tilmaamay in go’aankaan uu yimid, kadib markii uu kulan deg deg ah golaha wasiirada uu isugu yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre. DF ayaa muddooyinkii dambe waday qorshe ballaaran oo ay uga hortageyso cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya caalamka, kaas oo asalkiisa ka soo bilowday shiinaha View the full article
  12. Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in gudaha dalka uu soo gaaray xanuunka Coronavirus ee addunka ku sii faafaya. Wasiirka ayaa sheegtay in ay xaqiijiyeen in qofkii ugu horeeyay laga helay caabuqa Coronavirus waxaana wasaaraddu ay sheegtay in qofkaasi uu ahaa shaqsi ka yimid dalalka uu caabuqa ka jiro baaritaan lagu sameeyayna laga helay maanta. “Maanta oo taariiqdu tahay 16-ka bisha waxaan xaqiijinay kiiskii ugu horeeyay ee caabuqa Coronavirus sidaad la socotaan waxaa jira muwaadiniin oo dibadda ka timid oo lagu haayay ayraboorka dhexdiisa si loo hubiyo caafimaadkooda maadaama ay ka yimaadeen meelo uu aad iyo aad uga jiray caabuqan, waxaa laga qaaday baaritaan saakay ayaa jawaabtii naloo keenay hal qof ayaa cudurkii qaba” ayey tiri wasiirka caafimaadka Soomaaliya. Dhinaca kale Fowsiyo Abiikar ayaa tilmaamtay in dadkan la karaantiilay oo uu ku jiro shaqsiga maanta laga helay cudurka Coronvirus ay dhamaantood yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed. Muddooyinkii dambe ayaa bulshada Soomaaliyeed waxa ay walaac ka qabeen in xanuunka Coronavirus uu dalka soo gaaro taasi oo maanta dhacday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Muqdisho)-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya aya hadda ku dhawaaqay in kiiskii ugu horreeyay Cudurka Coronavirus laga helay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya. Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur oo si toos ah shacabka ugala hadashay telefashinka dowladda ayaa sheegtay in qof kamid ah dadkii ka yimid dalka dibaddiisa oo dowladda karantiishay laga helay Cudurka Coronavirus. Sidoo kale Wasiirka Fowsiya ayaa sheegtay in qofka la helay Cudurka Coronavirus xaaladihiisa haatan ay tahay mid wanaagsan, isla markaana haatan lala tacaalayo. Dhanka Kale Dawladda fadaraalka Soomaaliya ayaa si rasmi u joojisay duulimaadyadda caalamiga ahaa laga bilaabo 18 bishan aan hadda ku jirno muddo 15 maalmood ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday dhammaan duulimaadyada Caalmiga ah ee Soomaaliya iman jira Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga bilaabo marka la gaaro dhammaadka maalinta 18 bisha Maarso lix saac habeenimo la joojiyey dhammaan duulimaadyadii kasoo dagi jiray iyo kuwii ka duuli jiray dalka Soomaaliya. Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay inuu amarkaan soo baxay kadib markii uu kulan deg deg ah isugu yeeray Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in amarkaan lagu joojinayo duulimaayada Caalamiga ah uu ka dhaqan geli doono dhammaan dhulka Soomaaliya. Wuxuu intaas ku daray inay Dowladda Soomaaliya fasixi doonto kaliya duulimaayada xagga bini’aadanimada iyo kuwa gargaarka. Go’aankaan ayaa kusoo aadayo xilli Maanta Kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka CoronaVirus laga helay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan laga helay qof ka mid ah dadkii ka yimid dibedda ee lagu karantiilayey garoonka Muqdisho, ayada oo natiijada baaritaan lagu sameeyey ay soo baxday, islamarkaana xaqiijisay inuu qabo fayruska. Wasiirka ma aysan shaacin dalka uu ka yimid qofkaas, hase yeeshee dadka lagu karantiilayey Muqdisho oo saddex qof ahaa ayaa horey loo sheegay inay ka yimaadeen dalka Shiinaha Wasiirka ayaa shaaca ka qaadday in qofkan uu hadda wanaagsan yahay, islamarkaana uusan wax halis ah ku hayn muwaadiniinta kale, oo lagu hayo meel aysan dad kale u dhoweyn.
  15. Al-Shabaab has claimed responsibility for an attack in the port city of Bosaso, which serves as the commercial hub of Somalia’s northeastern Puntland. In a statement, Al-Shabaab said its fighters carried out mortar attacks and blasts in the city targeting state security personnel. At least one officer was killed in the assault. Puntland has not released a statement regarding the attack. Bosaso has been the scene of attacks in the past, some claimed by the ISIS-linked militants in the Bari region who faced several US airstrikes on their hideouts. View the full article
  16. Qodobada barnaamij wareedka galabnimo ee GoobjoogFM ugu doorka roon ayaa waxa ay kala yihiin: Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta darajada Gaashaanle Dhexe u dalacsiiyay Taliyihii Ciidanka Daraawiishta qeybta Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose. Saraakiisha Ciidan Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay la wareegeen Magaalada Janaale oo ALshabab maamulayeen ku dhowad 10 sano. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa wadahadallada la qorsheynayo inay yeeshaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka warbixyay Guddi ka socday Dowladda federaalka oo gaaray Magalaada Beledweyne. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana si wadajir ah u soo jeedinaya Bashiir Maxamuud Maxamed iyo Najiib Cabdulaahi Xalane https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-waredka-galabnimo-16-03-2020.mp3-ok.mp3 Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah laga helay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan laga helay qof ka mid ah dadkii ka yimid dibedda ee lagu karantiilayey garoonka Muqdisho, ayada oo natiijada baaritaan lagu sameeyey ay soo baxday, islamarkaana xaqiijisay inuu qabo fayruska. Wasiirka ma aysan shaacin dalka uu ka yimid qofkaas, hase yeeshee dadka lagu karantiilayey Muqdisho oo saddex qof ahaa ayaa horey loo sheegay inay ka yimaadeen dalka Shiinaha Wasiirka ayaa shaaca ka qaadday in qofkan uu hadda wanaagsan yahay, islamarkaana uusan wax halis ah ku hayn muwaadiniinta kale, oo lagu hayo meel aysan dad kale u dhoweyn.
  18. Dowladda Soomaaliya ayaa Galabta shaacisay, in kiiskii u horreeyay ee caabuqa Coronavirus laga helay gudaha dalka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa xaqiijisay in kiiskii u horreeyay cudurka Coronavirus laga helay muwaaddin Soomaaliyeed oo ka yimid dal dibadda ah, kaasi oo hataan lagu karantiilay gudah magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay in muwaaddiniin Soomaaliyeed oo ka soo laabtay dibadda, mudda karantiil la geliyay, si looga baaro caabuqa koronavirus, kadibna midkood saaka laga helay caabuqaas, balse intoodi kale ay caafimaad qabaan. Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya aya mamnuucday dhammaan duullimaadyada Caalamiga ah ee dalka imaan jiray laga bilaabo maalinta Arbacada ah ee ku beegan 18 –bishaan Maarso 2020-ka, sid ay sheegtay Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya. Wasaaradda ayaa sheegtay in amarka lagu joojiyay duullimaadyada Caalamiga ah uu ka dhaqan-geli doono guud ahaan dalka Soomaaliya, balse keliya la ogolyahay in ay dalka soo galaan duullimaadyada sid Gargaarka bani’aadanimo. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo laga helay kiiskii u horreeyay Coronavirus iyo duullimaadyada Caalamiga ah oo la mamnuucay appeared first on Puntland Post.
  19. Gudiga arrimaha bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si deg deg ah Dalka looga joojiyo Qaadka ka yimaada dalalka Dariska. Kulan gaar ah oo ay maanta Muqdsiho ku yeesheen Guddiga Gudiga arrimaha bulshada ee Golaha Shacabka waxaa ay sheegeen in loo baahan yahay in laga fiirsado Qaadka Soomaaliya uga yimaado dalalka Kenya iyo Itoobiya, sababo la xiriira caabuqa Caronavirus oo dalal badan oo dunida ah waxyeelo weyn gaarsiiyey. Guddoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Cismaan Xirsi ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay kasoo yeerayso cabashooyin ku aadan cudurka Caronavirus, isla markaana Xukuumadda Soomaaliya ay si ku meel gaar ah u joojiso Qaadka ka yimaada wadamada deriska. Sidoo kale waxaa uu sheegay Qaadka gacmaha lagaga soo guro beeraha, taasina ay sababi karto in dad qaba cudurka Caronavirus ay soo guraan sidaasina uu ku soo gaaro Soomaaliya. Xildhibaano kale oo kulankaasi ka hadlay oo kamid yahay Mahad Cawad ayaa si la mid ah u sheegay in laanta fulinta ee Xukuumadda ay ugu baaqay inay qaadato hadalkaan kasoo yeeray Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka, isla markaana la joojiyo Qaadka ka yimaada wadamada deriska oo ay ugu horeeyso Kenya. Kenya iyo Itoobiya oo xuduud dheer la wadaaga Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheeciyey in dalkooda laga helay kiisaska dad qaba Coronavirus. Soomaaliya waxaa soo gala alaabo laga keeno labadaasi dal oo ka mid yahay Qaadka. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo Qaadka appeared first on Puntland Post.
  20. Sawir hore: Siyaasi Faarax Cali Shire Wasiirkii hore ee Maaliyadda dowladda Puntland Faarax Cali Shire, oo kamid ahaa murashixiintii doorashada kula tartamay madaxweyne Deni, ayaa sheegay in dekedda weyn ee magaalada Boosaaso ay ciid ku xirantay. Siyaasi Faarax Cali Shire oo hadal ka jeediyay Shirka wada-tashiga Puntland ee maalintii labaad ka socda Garoowe, ayaa xukuumadda madaxweyne Deni ugu baaqay in ay wax ka qabato ciid uu sheegay in ku xirantay dekedda magaalada Boosaaso. “Horumarinta amniga, dhaqaalaha oo burbur ka muuqdo, dekaddii oo ciid ku xirmayso, caqabadahaas oo dhan Madaxweyne adiga iyo xukuumaddaada ayay sugayaan, aragtideeda in aad hillaadiso qorshana ka yeelataan ayaan idinku baaqaynaa” ayuu yiri siyaasi Faarax Cali Shire. Ex. Wasiir Faarax wax faahfaahina kama bixin ciidda uu sheegay in ay ku xirantay dekedda Boosaaso iyo meelaha ay xirtay, balse keliya wuxuu hadalkiisa ku koobay in wax laga qabto. Dekedda Boosaaso, waxaa gacanta ku haysa shirkadda DP World kadib markii ay heshiis kula wareegtay 6-bishii April-2017, islamarkaana uu Baarlamanka Puntland ansixiyay bishii July ee isla sannadkaas. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxa shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, ayaa xilligaas qalinka ku duugay in DP World ay mudda 30-sannadood ah maamusho dekedda. Nuxurka heshiiskaasi ayaa lagu sheegay in shirkadda DP World, ay ballaarin iyo casriyeyn ku samayso dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, mudda laba sannadood gudahood ah, iyadoo lagu kordhinayo 450 mitir oo ballac ah. Sida ku xusan qoraalka heshiiska, shaqada ballaarinta iyo dhismaha dekedda, waxaa ku baxaysa lacag dhan $336 malyan oo Dollar, taasi oo wejiga kowaad ee dekedda la gelin doono $ 200 malyan Dollar, halka wejiga labaadna la gelin doono $ 136 malyan oo Dollar. 4- February 2019, waxaa Boosaaso lagu dilay madaxii shirkadda P&O oo ay leedahay DP World, taasi oo gacanta ku haysa dekedda Boosaaso, waxaana dilkiisa sheegatay kooxda Al-shabaab. 6- April 2019, waxaa dhammaaday mudadii loo qabtay fulinta mashruuca ballaarinta dekedda Boosaaso oo soo bilowday 6- April 2017, iyadoo aysan weli shirkaddu wax shaqo ah ka qaban dhismaha dekeddaas. 15-April- 2019, waxaa magaalada Dubai ku kulmay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxa DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, waxaana ay isla garteen in si dhaksho ah loo bilaabo ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso, sida lagu sheegay qoraal wakhtigaas ka soo baxay madaxtooyada Puntland. shirkadda P&O ee ay leedahay DP World, oo gacanta ku haysa dekedda Boosaaso, ayaan weli hawshii dhismaha bilaabin sida ay sheegayaan Ganacsato ku sugan Boosaaso. PUNTLAND POST The post Dekedda Boosaaso oo la sheegay in ciid ku xirantay appeared first on Puntland Post.