-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Tifaftiraha cusub ee BBC Somali oo shaqada billaabay Muhyadin Roble, Tifaftiraha cusub ee BBC Somali Muhyadin Roble oo dhawaan loo magacaabay Tifaftiraha laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa maanta si rasmi ah uga shaqo billaabay xafiiska, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay doorka cusub ee uu la wareegay. Maamulka BBC-da oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ku dhawaaqay magacaabista Mr Roble. Madaxa BBC-da ee Bariga Afrika Rachael Akidi Okwir ayaa tiri: “Aad baan ugu faraxsan nahay in Muhyadin uu nagu soo biiray. Wuxuu howl-wadeennada BBC-da ka mid noqday waqti ay saameyn aad u ballaaran leedahay laanta Afsoomaaliga. Isagoo madax u ah qeybta digital-ka iyo Raadiyaha, diiraddiisa ugu horreysa wuxuu saari doonaa inuu dusha kala socdo isbaddalka dhinaca digital-ka iyo casriyeynta idaacadda soo jirtay 63-ka sano”. Khibrad iyo aqoon dhinaca saxaafadda ah Ka hor inta aan loo xulanin madaxa laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, Muhyadin wuxuu kasoo shaqeeyay Warbaahinta arrimaha Bani’aadannimada diiradda saarta ee Radio Ergo (oo horay loo oran jiray IRIN). Halkaas wuxuu ku hoggaaminayay koox wariyeyaal ah oo wararkii ay ka sameyn jireen arrimaha bani’aadannimada ee dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Yemen ay ahaayeen kuwo abaalmarinno muteystay. Wuxuu heystaa shahaadaha heerka loo yaqaanno MA oo uu ku qaatay waxbarashada Xiriirka Caalamiga ah, Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Diblomaasiyadda. Sidoo kale wuxuu shahaadada BA ku qaatay Aqoonta Saxaafadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, taasoo uu ka dhigtay Jaamacadda United States International University. “Sharaf weyn ayey ii tahay inaan hoggaamiyo Laanta Afsoomaaliga ee BBC Somali, oo ah warbaahinta ugu muhiimsan, kalsoonida ugu weynna ka heysata dadka ku hadla luqadda Soomaaliga – kuwooda ku nool geeska Afrika iyo kuwooda qurbajoogta ahba. BBC Somali Waxay qeyb ka tahay dhaxalka Soomaalida, waxay u tahay aqoonsi iyo hab nololeed, waxaana iyadoo jirta dhageysigeeda indhaha kusoo kala qaaday dhowr jiil oo aan aniguba ka mid ahay. Aad baan ugu faraxsanahay inaan qaato fursaddan,” ayuu yiri Muhyadin oo cabirayay dareenkiisa. Sidoo kale, qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook-ga ayuu ku sharraxay dareenkiisa ku aaddan kusoo biiritaanka BBC-da Ka gudub Facebook daabacaad W.Q Muhyadin Dhammaadka Facebook daabacaadda qore Muhyadin Muyadin waa tababare saxaafadeed oo khibrad leh, qoraa iyo falanqeeye ka faallooda arrimaha Geeska Afrika. Qormooyinkiisa shaqo waxaa lagu daabacay wargeyskayada The East African, The Jamestown Foundation, African Arguments iyo kuwo kaleba. Wuxuu sidoo kale kasoo muuqday warbaahinno caalami ah oo ay ka mid yihiin Aljazeera, DW, VOA, France 24 iyo CBC. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka aha ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa taliska Ciidanka Militariga ugu hambalyeeyay qabsashadii deegaanka Jannaale oo kamid ahaa fariisimaha ugu waaweynaa ee Al-Shabaab. Sidoo kale Kheyre ayaa sheegay in Guusha Ciidanka ay ka dhalatay dib-u-habayn iyo tayeyn lagu sameeyay qeybaha kala duwan ee ciidamada taas oo horseedday in taliska ciidanku la wareegaan hoggaanka howlgalka dalka looga saarayo Al-Shabaab. “Dib-u-habeyntii aan ku sameynay ciidanka waxay sare u qaadday tayadooda iyo niyaddooda waxayna soo celisay haybadda qarankeena taas oo suurtagelisay in cadowga laga saaro dhul ay sanado badan ku sugnaayeen taas oo qeyb ka ah qorshaha Badbaado ee Al-shabaab dalka looga saarayo” ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hadalkiisa raaciyay. Howlgalkan oo ka duwan Howl-galladii hore ayaa u jeedkiisu yahay gaarsiinta adeegyada muhiimka ah dhammaan deegaannada lala wareegay, taas oo looga gol-leeyahay inaan Al-Shabaab kusoo laaban deegaannada lala wareegay. PUNTLAND POST The post R’iiusul wasaare Khayre oo bogaadiyay la wareegitaankii Ciidanka ee Jannaale appeared first on Puntland Post.
-
Khamiistii March 5, 2020 waxaa si degdeg ah u yimid Muqdisho wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga dalka Kenya Dr. Fred Matiang’i. Wafdigu wuxuu farriin toos ah ka siday Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Arbacadii March 4, 2020, xilli ay xiisada colaadeed oo ka taagan xudduudda labada dal ee deriska ah ay marayso heer xun, ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya ay teleefoonka isku afgarteen. Kenya waxay gabbaad siinaysay tan iyo January 28, 2020 Cabdirashid Xasan Abdinuur, Janan kaasoo ka baxsaday Muqdisho, halkaasoo August 31, 2019 loo xiray eedaymo la xiriira ku xadgudubyo xaquuqda aadanaha. Inkastoo Nairobi ay ku sheegtay in aysan Muqdisho codsi rasmi ah ka helin, haddana Wasiirka Arrimaha Dibedda DFS oo wareysi siiyay Haruun Macruuf ayaa sheegay inay [Soomaaliya] si rasmi ah u weydiisteen “Interpol” oo ay Kenya xubin ka tahay (VOA New – 09/03/2020). Sidoo kale, wargeyska Daily Nation, ayaa qoray in Amnesty International ugu baaqday Kenya inay si dhaqsa leh u qabato baxsadka, gacantana ugu geliso Soomaaliya (Daily Nation – 8/02/2020). Ciidamada Soomaaliya oo ku sugan xudduudda ayaa March 2, 2020 caabbiyay weerar ay Mandheera ku soo abaabuleen baxsad Cabdirashiid Janan iyo Maxamuud Sayid Aadan madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland. Tan iyo bartamihii November 2019 Maxamuud Sayid iyo koox la socotay waxay ku sugnaayen hoteel ku yaal Mandheera, halkaas oo ay ciidamada Kenya ku ilaalinayeen (The East African – 26/11/2019). Eedaymo isku tuur-tuur ah kaddib, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isla oggolaaday inay qaboojiyaan xiisada ka aloosan xudduudda, kana wadaxaajoodaan wixii khilaaf ah ee taagan. Waxaase lala yaabay in xaalad diblomaasiyadeed loo soo adeegsaday Wasiirka Guddaha, inkastoo war uu sheegay Raila Odinga uu muujinayo in Uhuru Kenyatta uu ku sugan yahay mawqif cariiri ah. Haddaba, aan isweydiinnee maxuu Farmaajo uu u oggolaaday mar kale inuu wadahadal natiijadiisu miro aysan dhali doonin luggoya mooyaane? Walow xiriirka Kenya iyo Soomaliya uu yahay mid hoostiisa ay ku aasan yihiin arrimo masiir-qaran ah, haddana heerar kala duwan ayuu soo maray. Kenya sida ay ugu jeeddo deriskeeda Soomaaliyeed waa aragti mar waliba uu hagayo dareen ka baqaya soo rogaalcelinta Soomaali Wayn. Cabsidaas waxay kororta mar allaale marka ay soo muuqato dawlad Soomaaliyeed oo itaal leh. Haseyeeshee, markii dagaalka sokeeye uu burburiyay qarankii Soomaaliyeed, cabsidii waxay gashay hakad. Kenya markaas waxay xadka u furtay Soomaaliya waxaana dhacday in labada dal ay galaan heer aan horey loo arag: qaxooti ka sokow waxaa Kenya galay maalgelin Soomaaliyeed oo itaal iyo tayaba leh oo lagu qiyaasi karo dhawr bilyan Doollar. Taasi waa iyadoon la tixgelin xiriirka ganacsi ay Kenya maanta la leedahay Soomaaliya iyo ardayda Somaaliyeed oo jaamacadaha Kenya wax ka barata. Haddii hantidaas ay meesha ka baxdo, waxaa hakad geli kara dhaqaalaha iyo suuqa shaqada Kenya (Farah Abdulsamed, Somali Investment in Kenya, Africa Programme March 2011). Marxaladdaas rajada miiran ahayd waxay ku hakatay 2011 kolkay ciidamada Kenya ay xoog ku soo galeen gayiga Soomaaliya, Kenyana ay muujisay dhaqan horror ah kaddib markii ay ka heshay Golaha Ammaanka ee QM in lagu daro AMISOM, taas oo cawaaqibteeda ay maanta taagan tahay. Arrinka wuxuu sii kullaaday markii waanwaan ay waxtari waysay oo Dawladda Soomaaliyeed ay doorbidday – Agoosto 2014 – inay maxkamadda caalamiga ICJ miciin ka doonto. Waa arrrin laga dheregsan yahay in Kenya ay ka soo horjeeddo dacwada Maxkamadda, balse ay jeclaan lehayd inay iyadoo ka itaal roon Soomaaliya ay waanwaan la gasho, si ay tanaasul uga hesho. Faraggelinta iyo taageerada maamul goboleedka aagga soohdinta, gardarrada, adeegsiga jiritaanka Al-Shabaab, ku gorgortanka Cabdirashiid Janan, dhamaan waa tabo la doonaayo in lagu qanciyo Dowladda Federalka Soomaaliya in laga taag roon yahay, sidaas daraaddeed is-horfariisad iyo tanaasul inay yihiin lama huraan. Arrimaha aan ka hadlayno waa kuwa muuqda, balse waxaa jira xoogag kale oo daahsoon oo kala safan misna ah xoogagga dhabta ah oo iyaguna wata qoorshahooda iyo damacooda horarka ah. Isrogrogaya Kenya wuxuu xoog yeeshaa mar waliba oo go’aanka maxkamadda uu soo dhawaado. Kenya waxay 2019 gaarsiisay xiriirka diblomaasiga heer kala tag ah, waxay xoojisay faraggelinta Jubbaland iyo la safashada Axmed Madoobe heer ay u bareerto ku tumashada madaxbannanida qarannimada, bishii Oktobar 12kii oo ahayd waqtigii calemasaarkiisi, waxaa xigay gabbaadsiintii Cabdirashiid Janan iyo weerarkii Beled Xaawo, iwm kuwasso gaarsiiyay xiisada heer sare. Sidii aan horey uga barannay Kenya, dabcan kuma qamaari karto dagaal fool-ka-fool ah oo ay waqtigan la gasho Soomaaliya, taasoo gebigeedba xasilloonida aagga khatar gelinaysa, beesha caalamkana aysan oggolaanaynin, kursiga QM ee ay Jabuuti kula tartameysana ay ku seegi karto, markaas ayay u bahan tahay inay baaq nabadeed ku dhawaaqdo si xiisada loo dejiyo. Horta iyadoon waxba la fafalanqayn baaqa Uhuru qudhiisa ayaa ah meel ka dhac iyo jeesjees ama waxa Qarbiga ay ugu yeeraan “Illinta Yaxaaska” (crocodile tears), waana musalsal oo aan horey u aragnay oo soo noqnoqonaaya. Tan iyo bilowgii sanadkii tegay, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya waxay fool ka fool u kulmeen tiro seddax jeer ka badan, waxayna teleefoon ku wada xiriireen dhowr jeer, balse kulunka haddeer madlan ma dhici kartaa inuu wax cusub la yimaado, mise baaqa Uhuru wuxuu ka yahay dhankiisa Aniga ayaa dabka shida aniga ayaana demiya, halka uu dhanka DFS-na ka yahay Nabaddu Dhegtay U roon tahay? W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horeysay si cad u sheegay in Dowladdaha Kenya iyo Itoobiya aysan wadin danta Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale shaaciyey Meelaha ay tahay in laga raadiyo xalka Soomaaliya, isagoona farta ku fiiqay dowladdu uu sheegay in qeyb ka noqon karaan sidii ay Soomaaliya uga bixi laheyd dhibaatada. Faysal Cali ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaalida kale ee Somaliland, Soomaalida Kenya, kuwa Itoobiya iyo Jabuuti ay iska kaashadaan sidii dhibaatada looga saari lahaa Soomaaliya. Faysal ayaa waxa kale oo uu xusay in Madaxda hogaanka dalka gacanta ku haysa ay awoodoodi iskugu geeyeen sidii ay u soo qaban lahaayeen Somaliland, isagoona carabka ku adkeeyay in wax talo ah aysan jirin gudaha Somaliland, balse laga wado horumarka Somaliland xaga rabbi. “Arrinta Soomaaliya, Kenya ma waddo, Itoobiyana ma waddo, waa arrin Soomaaliyeede Afarteena kale aynu isku tagno oo aynu u talino” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe. “Soomaali way iska dhaaftay taladeedii oo sidii Somaliland loo soo qaban lahaa ayuun bay xoogga saareen. Kilimka Shanaadoow markii la idin haystay waanu idin Markhaati furi jirnay ee noo markhaati fura oo Kalmadda Xaqa ah noo dhaha”. “Somaliland way iska barakaysan tahay oo ILLAAHAY baa wada, xagga Rabbi ayaa laga wadaa Somaliland ee talo ma jirto” ayuu sii raaciyey Faysal Cali Waraabe.
-
Turkish Airlines on Monday suspended its flights from Istanbul to Somalia after the Horn of African country confirmed its first case of coronavirus and took a similar suspension. The flag carrier has suspended all flights to the capital Mogadishu for two weeks, said a statement by Turkey’s Embassy in Mogadishu. “As part of the fight against the COVID-19 outbreak, the Somalia government reported that all international flights, including humanitarian flights, have been stopped for 15 days, starting Wednesday, March 18,” said the statement. It added that Turkish Airlines “will suspend Mogadishu flights over the next 15 days, and the last scheduled flight to Istanbul will be held on the morning of March 17.” Turkish airlines started regular service to Mogadishu in 2012. Turkey is Somalia’s strongest ally and has spent over $1 billion on aid and infrastructure in Somalia since 2011. It also support Somalia’s National Army and has its largest embassy in the world in Mogadishu. Suurce: Anadolu
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Coronavirus (Covid-19) ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay dowladda Soomaaliyeed ilaalinta badqabka caafimaad ee dalka. Madaxweynaha ayaa xusay in caabuqan oo ku faafay dalal badan ay diiwaan gelisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya bukaan laga helay oo ah muwaadin Soomaaliyeed, arrinkaas oo ay tahay in uu feejignaan dheeraad ah u horseedo shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sidii ay ugu midoobi lahaayeen xakameynta iyo ka hortagga cudurkan. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad iyo awaamiirta dowladeed ee lagaga hortagayo faafidda cudurka Covid-19 oo ay ugu horreyso in la yareeyo isu-socodka, safarrada iyo isu-imaanshaha laga maarmi karo. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay dar-dar geliso tallaabooyinka iyo qorsheyaasha ka hortagga cudurkan, lana mideeyo cududda iyo caqliga shacabka iyo Dowladda Soomalaiyeed si aynu uga gudubno marxaladdan adag. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay cudurka Caronavirus appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa hambalyo ku aadan xoreynta deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose u diray taliska ciidanka xoogga dalka. “Waxaan bogaadinayaa guusha ciidamadeenna geesiyaasha ah ka soo hooyeen howl-galka Argagaxisada looga dul qaadayay shacabka ku dhaqan Janaale iyo deegaannada ku xeeran. Waad ku mahadsantihiin gudashada waajibaadka idinka saaran ilaalinta dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in guushaasi ay ka dhalatay dib u habeyn lagu sameeyey qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda, taas oo sida uu sheegay hor seeday in lagu dhiirado xoreynta deegaano ay mudo dheer maamulayeen Al-Shabaab. “Dib u habeyntii aan ku sameynay ciidanka, waxay sare u qaadday tayadooda iyo niyaddooda, waxayna soo celisay haybadda qarankeena, taas oo suurtagelisay in cadowga laga sifeeyo dhul ay sanado badan ku sugnaayeen, taas oo qeyb ka ah qorshaha Badbaado ee Al-shabaab dalka looga saarayo” ayuu Kheyre hadalkiisa sii raaciyey . Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa yiri “Si loo hubiyo soo celinta nolosha deegaannada la xoreynayo, howlgalkani waxuu isugu jiraa, ciidanka xoogga oo wiiqaya argagixisada, booliska oo xoreynta kadib la wareegaya amniga, dhismaha maamullada deegaannada iyo hey’adaha kale ee dowladda oo adeegyada aas-aasiga ah gaarsiinaya shacabka”. Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maanta si buuxda gacanta ugu dhigay deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose, oo in ka badan 10 sano ay ka arriminayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab. Ciidamadan huwanta ah ayaa iska caabin kala kulmay Shabaab-kii ku suganaa Jannaale, waxaana jira dad rayid ah oo dhimasho iyo dhaawacyo ay kasoo gaareen madaafiic ay is weydaar sadeen labada dhinac.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar___Qubanaha-16032020.mp3 View the full article
-
Laascaanood (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaas lagu dilay Taliyihii ciidamada dembi baarista booliska ee gobolka Sool. Sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Cabdiqani Guhaad ayaa waxaa la sheegay in caawa lagu hor dilay guri uu ka deganaa degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Taliye Guhaad uu gacanta ku hayey baaritaanka dilkii 2-dii bishan isla magaalada Laascaanood loogu geystay guddoomiyihii maxkamadda gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud oo qarax gaarigiisa loogu xiray. Dabley aan heybtooda la garaneyn ayaa dishay taliyaha, xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee gurigiisa, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa goorta uu falkaasi dhacayey. Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana caawa degmada Laascaanood baaritaano la doonayo in lagu soo qabto ragaas ka wada ciidamada ammaanka Somaliland ee ka howlgala Laascaanood. Gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa ka bad-qabay dilalka qorsheysan ee sida qarsoodida ah loo fuliyo, kuwaas oo intooda badan ka dhaca koonfurta Soomaaliya. Laascaanood oo xarun u ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa dilka caawa loogu geystay Taliyihii ciidanka dembi barista booliska gobolkaas, waxa uu noqonayaa dilkii labaad ee loo fuliyo si qarsoodi ah, mudo laba todobaad ah.
-
Turkish Airlines on Monday suspended its flights from Istanbul to Somalia after the Horn of African country confirmed its first case of coronavirus and took a similar suspension. Source: Hiiraan Online
-
Lassnod (PP News Desk) — Unidentified gunmen have shot dead Abdiqani Guhad, a senior Somaliland Intelligence officer, in Lasanod. It is the second high profile assassination in the disputed town since February when the former Chairman of Sool Regional Court was killed in a bomb attached to his car. The security crisis in Lasanod prompted Somaliland authorities in Sool to review security arrangements for top officials of the regional administration. It is not clear which part of Lasanod the slain intelligence officer was staying when assasins targetted him. The resumption of targetted assassinations against Somaliland government employees in Lasanod will put a question mark over the securitisation strategy Somaliland administration has banked on. In 2013 the current Lasanod Mayor survived an attempt on his life. The suspect was taken into custody but has not been tried. © Puntland Post, 2020 The post SENIOR SOMALILAND INTELLIGENCE OFFICER ASSASSINATED IN LASANOD appeared first on Puntland Post.
-
Koox hubeysan aan oo aan weli heybtooda la garan ayaa caawa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee ku dilay taliyihii danbi baarista gobolka oo la dhihi jiray Guhaad, qolyihii dilka geystay oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaana goobta isaga baxsaday markii dilka u geysteen taliyaha. Wararka Goobjoog News caawa ay ka helayso maagaalada Laascaanood ayaa ku waramayo in taliyaha la dilay uu ahaa taliye gacanta ku haayey baarista dilka dhowaan gobolka Sool loogu geystay guddoomiyihii Maxkamadda gobolka oo qarax lagu dilay. Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa caawa bandow lagu soo rogay waxaa jira baaritaanno ay sameynayaan ciidamada ammaanka magaalada oo ay ku baadi goobaayaan qolyihii dilka geystay mana jro wax war ah oo ka soo baxay laama ammaanka oo ku aadan dilka caawa dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ka hadlay cudurka Coronavirus oo maanta markii ugu horeysay la shaaciyey in qof qaba uu joogo dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa fariin u diray shacabka Soomaaliyeed, taas oo ku aadan caabuqa Coronavirus, waxuuna tilmaamay in ay ka go’an tahay dowladda Soomaaliya ilaalinta badqabka caafimaad ee dalka. Madaxweynaha ayaa xusay in dalalka deriska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya ay ka mid yihiin dalal badan oo caalamka ah, kuwaas oo uu ku faafay cudurkan, sida soo bandhigay diiwaan gelin uu sheegay in ay sameysay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya. “Ilaa iyo hadda waxaan xaqiijinnay gudaha dalkeenna hal qof oo bukaan ah. Xanuunkan waxaa khatartiisu gaarsiisan tahay meel aad u sarreysa oo waxa uu si deg-deg ah ugu faafay dalal badan oo ay ka mid yihiin dalalka dariiskeenna ah ee Itoobiya iyo Kenya ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad iyo awaamiirta ay bixineyso wasaaradda caafimaadka, isla markaana la yareeyo isku socodka, safarrada, kulamada laga maarmi karo iyo wixii lamid ah, si loo yareeyo faafidda caabuqa COVID-19. “Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka ay dowladdu kaga hortageyso cudurkan, sidaas darteed waa in ay u istaagaan wacyigelinta, una hoggaansamaan farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha dowladdu ay kaga hortageyso in dalkeenna uu ku faafo caabuqa Coronavirus”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Farmaajo. Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa faray xukuumadiisa in ay dardar geliso tallaabooyinka iyo qorsheyaasha looga hor tegayo cudurkan si uusan ugu faafin dalka. Halkan ka Daawo
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Coronavirus (Covid-19) ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Soomaaliyeed ilaalinta badqabka caafimaad ee dalka. Madaxweynaha ayaa xusay in caabuqan oo ku faafay dalal badan ay diiwaan gelisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya bukaan laga helay oo ah muwaadin Soomaaliyeed, arrinkaas oo ay tahay in uu feejignaan dheeraad ah u horseedo shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sidii ay ugu midoobi lahaayeen xakameynta iyo ka hortagga cudurkan. “Ilaa iyo hadda waxaan xaqiijinnay gudaha dalkeenna hal qof oo bukaan ah. Xanuunkan waxaa khatartiisu gaarsiisan tahay meel aad u sarreysa oo waxa uu si deg-deg ah ugu faafay dalal badan oo ay ka mid yihiin dalalka dariiskeenna ah ee Itoobiya iyo Kenya .” Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad iyo awaamiirta dowladeed ee lagaga hortagayo faafidda cudurka Covid-19 oo ay ugu horreyso in la yareeyo isu-socodka, safarrada iyo isu-imaanshaha laga maarmi karo. “Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka ay dowladdu kaga hortageyso cudurkan, sidaas darteed waa in ay u istaagaan wacyigelinta, una hoggaansamaan farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha dowladdu ay kaga hortageyso in dalkeenna uu ku faafo caabuqa Coronavirus.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay dar-dar geliso tallaabooyinka iyo qorsheyaasha ka hortagga cudurkan, lana mideeyo cududda iyo caqliga shacabka iyo Dowladda Soomalaiyeed si aynu uga gudubno marxaladdan adag. View the full article
-
Taliyihii Ciidamada Sirdoonka gobolka Sool Cabdiqani Guhaad, ayaa caawa lagu dilay Magaalada Laascaanood. Taliye Guhaad ayaa la sheegay inuu gacanta ku hayay baadhista ciddii ka danbaysay dilka guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool oo qarax lagu dilay dhawaan. La soco warkan oo faah-faahsan goor-dhaw Source
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay talooyin ku aadan ka hortagga xanuunka caabuqa COVID-19 oo dhaliya xanuunka Coronavirus kaas kiis ka mid lagu arkay maanta gudaha dalka sida ay shaacisay wasaradda caafimaadka. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda wasaaradda caafimaad iyo daryeelka bulshada ayaa lagu sheegay qodobo dhowr ah kuwaas oo waasaaraddu u dirayso bulshada qeybaheeda ka duwan si ay u muujiyaan taxadarkooda Coronavirus. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somali National Army backed by AMISOM troops has taken the full control of Janale in Lower Shabelle region on Monday. “Somali armed forces took the full control of Janale in Lower Shabelle region from armed group al-Shabaab which controlled the area in the past ten years.” State television SNTV reported. Eyewitness in the area has reported a heavy exchange of fire in the agricultural town between the allied forces and the militants before the full control. Military officials said they detonated a vehicle full of explosives set up by the fighters. Somali National Army and AMISOM forces retreated in 2015 following a brief seizure. The operation by Somali National Army backed by international partners launched mid last year focused on strategic towns in the banks of river Shabelle. The military maneuvers saw the recapture of Sabid, Anole, and Aw-dheegle late last year. The lower Shabelle region is believed to be a hub to organize explosive attacks in the capital Mogadishu targeting government installations. View the full article
-
Somalia has confirmed its first case of Covid-19, popularly known as Coronavirus. The country’s health minister, Fowsiyo Abikar, made the announcement on the state-owned Somali National TV (SNTV) this afternoon. The patient is a Somali citizen who recently returned from China. After the result was confirmed and before it was announced to the public, Prime Minister Hassan Ali Kheyre called an emergency meeting of the cabinet and directed the Ministry of Transport to suspend all international flights for 15 days. Minister Mohamed Oomaar said exceptions will only apply to humanitarian flights. The directive will be effective from 19 March. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu soo warramayaa inuu shalay dib u dhigay shir gaar ah oo uu la lahaa safiirada dalalka beesha caalamka. Kulanka ayaa la filayey in lagu qabto xarunta Villa Somalia, balse madaxweynuhu uu baajiyey xilli dambe, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Waxaa shirka ka qeyb gali ahaa wakiilada dalalka Midowga Yurub, UK, ergeyga gaarka ah ee xoghayaha QM ee Soomaaliya iyo safiiro kale. Wararka ayaa sheegaya in kulanka oo ahaa mid hore loo sii qorsheeyey lagu waday in looga hadlo xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda iyo xiisada u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee ka taagan gobolka Gedo. Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababaha rasmiga ah ee uu madaxweyne Farmaajo dib ugu dhigay shirkaasi oo ahaa mid xasaasi ah. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii la soo dhaafay dowladda federaalka ay cadaadisyo kala kulmeysay xubnaha beesha caalamka oo si aad ah isha ugu heyey dhaq dhaqaaqyada haatan ka jira qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Midowga Yurub ayaa dhowaan sheegay in taageerada militari iyo midda dhaqaale ee uu siiyo Soomaaliya ay ka dhigan tahay in la isla xisaabtamo.
-
Muqdisho (SMN) – Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada xoogga dalka ay si rasmi ah ula wareegeen magaalada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay kala wareegeen Al-Shabaab. Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in ciidanka ay si buuxdo gacanta ugu dhigeen Janaale, isagoo intaa ku daray in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano dheeraad ah. Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Janaale inay xoojiyaan la shaqeynta ciidanka amniga. View the full article
-
Faarax C. Shire oo ka hadlay shirka Garowe Mid kamid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa ka hadlay waxa ka soo bixi kara shirka wadatashiga Puntland ee ka socda Garowe. Siyaasi Faarax Cali Shire oo maanta ka hadlay shirka wadatshiga Puntland ayaa sheegay in shirkan looga tashanayo aayaha Puntland 20 ama 30 sano ee soo socda, maadaama shirkii lagu asaasay Puntland 1998 lagaga soo taliyey, wixii qabsoomay 21-kii sano ee la soo dhaaday. “Shirweynahan muhiimad gaar ah ayuu leeyahay, waa fursad qaali ah oo reer Puntland soo martay, waayo waa shirweynihii kan la mid ah oo la qabto ilaa iyo dhismihii Puntlamd kadib, waxaana lagaga talinayaa aayaha Puntland 20 ama 30 sano ee soo socda, waayo kii lagu asaasay 21 sano baa lagaga soo teliyey, barwaaqada iyo hurumarka la sheegay baana ku gaarnay”. ayuu yiri Faarax Cali Shire. Faarax Cali Shire oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri “Dadku shalay waxay ka sheekaynayeen Puntland u jeedooyinkii loo asaasay ma gaartay?, waxaas in aan gaarnay waan ognahay, intani waa waayeel wada joogay”. Faarax Cali Shire oo horey u soo noqday Wasiirka Maaliyadda Puntland (2009-2013) kana mid ahaa musharaxiintii la tartamay Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in u jeedooyinkii Puntland loo asaasay la gaaray, balse kadib dhacday aragti la’aan iyo isku walaahoob. “Waxaa la sheegay in Puntland loo asaasay labo qodob oo ah, Puntland sidii ay u heli lahayd amni iyo adeeg bulsho iyo sidii loo heli lahaa dowlad iyo midnimo Soomaaliyeed, labadiiba waa la gaaray. Hadii la gaaray Puntlad waxaa ku dhacay aragti la’aan waa isku walaahoobaysaa, meelna uma socoto, loomana sameyn argti dambe”. ayuu yiri siyaasi Faarax. Siyaasi Faarax Cali Shire waxa uu sheegay in shirkan lagu go’aamiyo aragtidii, hadafkii iyo himiladii lagu dhaqi lahaa Puntland 20-ka sano ee soo socda. Faarax Cali Shire wuxuu xusay in shir kan oo kale ah uu ku baaqay 36 bilood ka hor, balse dowladdi xiligaas jirtay ee Cabdiwali Gaas ay ka dagaalantay, oo ay ku eedeysay kicin dadweyne. PUNTLAND POST The post Faarax Cali Shire: Puntland waxaa ku dhacday aragti la’aan iyo isku walaahoob appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
