-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre has left the country heading to the Ethiopian capital, Addis Ababa on Wednesday morning. Somali Premier is scheduled to hold talks with Ethiopian government officials during the trip according to the office of the Prime Minister. “A delegation led by the Prime Minister has left for Addis Ababa. They will hold talks with Ethiopian government officials.” Office of the Prime Minister said in a tweet. Mogadishu and Addis Ababa developed close diplomatic ties since the arrival of Prime Minister Abiy Ahmed Ali in office in April 2018. The horn of African trio nations signed a tripartite agreement to cooperate on peace, security and develop economically in September 2018. The three leaders signed by the respective heads of state would enhance economic, political, social, cultural and security cooperation among the three countries. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga qaban qaabada Xafladda Caleemka saarka Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in dib loo dhigay xafladda oo la qorsheenayey inay dhacdo 26 Bishaan. Guddoomiyaha Guddiga, Yuusuf Garaad Cumar ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray in shirka dib loo dhigay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo la sheegay in laga helay Soomaaliya. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka Yuusuf Garaad Guddiga Qabanqaabada caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku Xigeenkiisu ka dib markii uu qiimeeyay xaaladda uu dalku galay, dulinka Korona oo soo gaaray awgiis, wadatashina la sameeyay Madaxtooyada Galmudug, wuxuu go’aansaday in dib loo dhigo munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020. Guddigu wuxuu go’aankan gaaray markii uu arkay saameynta ay xannibaadda dayaaraduhu ku yeelatay qurbajoogta Soomaaliyeed ee ka qeyb geli lahaa munaasabadda, arkay talada dhakhaatiirta, dhegeystayna soo jeedinta Dowladda Federaalka ee ah in la dhimo kulammada waaweyn. Guddigu wuxuu garawsaday baahida loo qabo in maskax, muruq iyo maalba la isugu geeyo ka hortagga faafidda dulinka Korona iyo daryeelka dadka qaada cudurka ka dhasha ee Covid-19. Caleema saarka waxaa la qaban doonaa xilli ku habboon kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha xilli gudboon. Madaxtooyada Galmudug waxay muddo gaaban gudaheed faahfaahin rasmi ah ka bixin doontaa howlaha ay Madaxtooyada iyo Baarlamaanku ku dhaqaaqi doonaan maalmaha iyo toddobaadyada foodda nagu soo haya.
-
(SLT-Addis Ababa)-Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa soo saartay War cusub oo la xidhiidha duulimaadyadeedii Somaliland. Diyaaraddu waxay sheegtay in duulimaadyadii caadiga ahaa ee Somaliland ay sidoodii ahaan doonaan, maadaama garoommada diyaaradaha ee Somaliland ay shaqeynayaan. Hase ahaatee Ethiopiam Arilines waxa kale oo ay sheegtay in ay joojisay duulimaadyadii Soomaaliya, kenya iyo wadamo kale oo caalamka ah. Source
-
Caawa oo Khamiis ah waxaa guud ahaan dalka ka bilaaban doono Qur’aan akhris ballaaran, kaas oo socon doono muddo todobaad ah. Ujeedka Qur’aan akhriska ayaa Culimada Soomaaliyeed waxa ay ku sheegeen inuu yahay Alle bari, si uu Ummaddiisa uga xijaabo cudurka Coronavirus. Sheekh C/raxmaan Khaliif Axmed ayaa sheegay in Qur’aan akhriska ay ka bilaabi doonaan masjidka Xaaji Yuusuf, isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay duceystaan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-turki.mp3 View the full article
-
Taliska Midowga Africa ee AMISOM ayaa tababar muddo socday ciidamo ka tirsan Jubbaland ugu soo xiray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Tababarka oo muddo 12 maalmood ah socday ayaa waxay AMISOM u qabatay ciidamo ka tirsan kuwa nabad galyada waddooyinka ee maamulkaasi. Saraakiisha ka qeyb galay tababarkaan oo ahaa 25 sarkaal ayaa waxa ay qaateen ciwaano kala duwan oo ay ka mid tahay shuruucda waddooyinka, xakameynta shilalka iyo baarista kiisaska shilalka ee ka dhaca deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Qaar ka mid ah saraakiisha ilaalada nabad galyada waddooyinka ee ka qeyb galay tababarka ayaa sheegay in khibrado hor leh ay faa’iideen, islamarkaana ay ugu adeegi doonaan bulshada deegaanada maamulka Jubbaland. Ma’ahan markii ugu horreysay oo AMISOM ay tababar u qabaneyso saraakiil ka tirsan Jubbaland, gaar ahaan kuwa ilaalada nabad galyada wadooyinka ee maamulkaasi. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb James Swan. Labada masuul ayaa ka wadahadlay Arrimaha la xiriira geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka waxa ayna isla soo qaadeen arrimo horay u sii dhaqaajinaya howlaha dhameeystirka dastuurka. Wasiir Saalax oo ay shirka ku wehliyeen Agaasimaha Guud iyo La-taliyha Arrimaha Warbaahinta iyo Xiriirka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, ayaa ka hadlay howlaha qabsoomay bilihii la soo dhaafay iyo kuwa u qorsheysan Wasaaradda iyo labada guddi ee qaran ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka. Sidoo kale, Wasiirka waxa uu sheegay in Wasaaradaha ku lugta leh arrimaha masiiriga ah ee ku jira dastuurka ay door wanaagsan ka qaadanayaan howsha socota maadaama ay horay heshiisyo wadashaqeyn iyo dhanka awoodaha ah ula galeen wasaaradaha dowlad goboleedyada, dhanka kalena ay ku gacan siinayaan Wasaaraadda Arrimaha Dastuurka sidii loo dhameeytsiri lahaa dastuurka. Wasiirka waxa uu ka mahadceliyay taageerada Qaramada Midoobay ay la garabtaagantahay dowladda federaalka gaar ahaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka kuwaasoo isugu jira arrimaha is-dhaafsiga khibradda oo ay ka gacan-geystaan hay’adaha UNka iyo arrimaha Wacyigelinta Dadweynaha oo iminka uu soocdo olole ay si gaar ah u taagereyso UNSOM. PUNTLAND POST The post Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo qaabilay Ergayga Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Burco)-Waxa Maanta Magaalada Burco lagu soo gebogabeeyay Shir-dhaqameed Saddexdii Maalmood ee u dambeeyay halkaa uga socday Beelaha Walaalaha ah ee Bariga iyo Galbeedka Burco. Shirkan oo ay labada beelood kaga wada-hadlayeen sidii ay u horumarin lahaayeen deegaannada ay wada degaan, is-laab-xaadhasho iyo in wixii hore ee dhex yaallay laga gudbo ayaa waxa ka soo baxay 9 Qodob. Halkan Hoose ka Akhri Qodobbada ka soo baxay Shirkii Samo-talis 1 ee Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco. Source
-
Sareeya Gaas Cabdi Maxamed Xasan Xijaar taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxa uu deegaanada maamulka Koonfur galbeed u magacaabay taliyayaal cusub, isaga oo kuwii horena xilalkii ka badalay. Taliye Xijaar ayaa taliyaha cusub ee booliska Koonfur galbeed u magacaabay gaashaanle sare Cabdi Ibraahim Shaamoow. Dhanka kale ku simaha taliyaha booliska ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxaa loo magacaabay gaashaanle dhexe Cali Maxamed Sahal, waxaana taliyaha dambi baarista gobalka Baay laga dhigay Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan. Ugu dambeyn Taliyaha booliska ayaa faray taliyayaasha xilalka loo magacaabay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kula wareegeen xilkooda, sidoo kalane ay dardargaliyaan howlaha loo igmaday. Halkan ka akhriso magacaabista Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Shilka ayaa yimid, kadib markii gaari Xamuul ah uu ku rogmaday waddada isku xirta deegaanka Godinlabe iyo degmada Cadaado ee gobolkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa shilkaasi ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyadoona ay ku dhawaacmeen tiro kale. Inta badan gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa ku soo laa laabta shilalka gaari, iyadoona loo sababeeyo burburka waddooyinka ee gobolladaasi. View the full article
-
Taliye ky xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Zakiyo Xuseen Axmed ayaa maanta shaacisay in beri la xirayo waaxda faraha ee CID oo bixisa warqadda dambi la’aanta. Zakiyo ayaa sababta ku sheegtay taxadar ku aadan faafinta cudurka Coronavirus oo kiis ka mid ah dhowaan laga helay magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in go’aankaan ay qaateen iyadoo la raacayo awaamiirta guud ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Iyadoo la raacaya awaamiirta guud DFS oo ku aadan taxadirka faafinta cudurka coronavirus, waxaa shacabka Somaliyeed ku wargelineynaa in laga bilaabo BERI taariikhduna ku beegantahay 19/03/2020 aan xirnay Waaxda Faraha ee CID oo bixisa warqada dembi la’aanta muddo 15 cisho ah.” ayey tiri Zakiyo Xuseen Axmed. Dowladda federaalka ayaa wada qorshe ballaaran oo looga hortagayo caabuqa Corona, iyadoo muddo 15 cisho ah la xiray goobaha waxbarashada ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
Dowladda Kenya ayaa waxa ay xaqiijisay in kiisas kale oo hor leh oo caabuqa Coronavirusa laga helay dalkeeda, waxaana tirade guud ee dalkaasi ay sii cagacageynaysaa ilaa 7 kiis. Mutahi Kagwe oo ah wasiirka Caafimaadka Kenya ayaa sheegay in dadka laga helay cudurkan ay dhamaantood ka yimaadeen dalka dibaddiisa. Kiisaskan ugu dambeeyay ayaa kala ah lamaane kasoo safray caasimadda Spain, waxayna soo mareen Dubai 5-tii bishan, halka qofka saddexaad uu u dhashay Burundi isla markaana uu dalka yimid 17-kii bishan. Dalalka dhaca bariga Afrika ayaa hadda laga helayaa kiisaskii ugu horeeyay ee xanuunka Coronavirus, waxaana sidoo kale dowladda Jabuuti ay xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-18032020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska howlgalada AFRICOM ayaa sheegay inaysan qorsheyn in waqtiyada dhow ay joojiyaan tababarada ay siiyaan Ciidamada DANAB ee Soomaaliya. Iyada oo Waaxda Difaaca Mareykanka culeys lagu saarayo dib u eegista joogitaanka Ciidamada mareykanka ee Africa iyo meelo kale, AFRICOM waxay saadaalineysaa inay sii wadi doonto horumarinta waxa ay ugu yeertay “Hillaaca Guusha” ilaa 2027, Miguel Castellanos, ku xigeenka agaasimaha howlgalada AFRICOM, ayaa hadalkaas ku sheegay wareysi uu siiyey Military Times. Ciidamada Soomaalida ah ee Dowladda Mareykanka tababarka siiso ayaa waxaa loo yaqaanaa Kumaandooska DANAB, waana guuto ka tirsan ciidamada Dowladda oo si gaar ah loo tababaray. “Danab waa ciidamada leh kartida ugu badan, si gaar ah gudaha Soomaaliya,” ayuu Miguel Castellanos, isagoo tilmaamay in ay rajeynayaan in tababarada ay joogsan doonan marka la gaaro sanadka 2027-da. Waqtiga ay AFRICOM sheegtay inay joojin doonto tababarka Ciidamada Dowladda ee DANAB ayaa waxay ku aadan tahay 10 sano kadib markii ay Ciidamada Howlgalka Gaarka ah ee Mareykanka ay markii ugu horeysay ka qeyb qaateen tababar dhallaanka lagu siinayey sidii ay ula dagaalami lahaayen Al-Shabaab. Ciidamada uu Mareykanka u tababaro Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sanadkii 2013 waxaa lagu bilaabay 150 askaro, waxayna hadda tiro ahaan gaarayaan 800 Boqol ilaa 1000 Askari, wuxuuna qorshaha AFRICOM yahay in ciidamadaas la gaarsiiyo illaa 3 Kun oo Askari. Bancroft Global Development oo ah shirkad aan dowli aheyn, balse la shaqeyso Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa la siiyey qandaraaska qorsita Ciidamada DANAB ee loo tababaro Dowladda Soomaaliya. Bancroft Global Development, marka ay diiwaan geliso Ciidamada, waxay si toos ah ugu wareejisaa Taliyaasha Ciidamada Mareykanka, waxaana markaas wixii ka dambeeyo la siiyaa tababar ku saabsan farsamooyinka dagaalka iyo sidii ay howlgalo uga sameyn lahaayeen goobaha halista ah oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kooxda Al-Shabaab. Howlgalka AFRICOM waxaa la sameeyey sanadkii 2007 si looga hortago khatarka Al-Qaacidda ee qaaradda Africa, illaa haddana si rasmi ah looma oga guutooyinka ka joogo Soomaaliya sababo ku saabsan badbaadinta Ciidanka.
-
Qoraal ka soo baxay guddiga qabanqaabada munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay waqtigii loo asteeyay in ay dhacdo munaasabadda caleema saarka madaxweyne Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa oo ahayd 26-ka bishan. Sababta dib loogu dhigay munaasabadda ayey guddigaan ku sheegeen in ay tahay xanuunka Coronavirus oo dalka laga helay kiiskii ugu horeeyay, sidaasina ay go’aankii hore ku badaleen. War qoraala oo uu boggiisa facebuugga ku daabacay guddoomiyaaha guddiga Yuusuf Garaad ayaa lagu yiri “Guddiga Qabanqaabada caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku Xigeenkiisu ka dib markii uu qiimeeyay xaaladda uu dalku galay, dulinka Korona oo soo gaaray awgiis, wadatashina la sameeyay Madaxtooyada Galmudug, wuxuu go’aansaday in dib loo dhigo munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020” Sidoo kale guddiga ayaa ka dhawaajiyay in munaasabadda ay baajiyeen ka dib markii ay arkeen saameyn ay ku yeelanayso xayiraadda dowlaaddu ay ku soo rogtay duulimaadyada caalamiga ah, maadaama munaasabadda la qorsheynayo in ay ka soo qeyb galaan masuuliyiin heer caalami ah. “Guddigu wuxuu go’aankan gaaray markii uu arkay saameynta ay xannibaadda dayaaraduhu ku yeelatay qurbajoogta Soomaaliyeed ee ka qeyb geli lahaa munaasabadda, arkay talada dhakhaatiirta, dhegeystayna soo jeedinta Dowladda Federaalka ee ah in la dhimo kulammada waaweyn, Guddigu wuxuu garawsaday baahida loo qabo in maskax, muruq iyo maalba la isugu geeyo ka hortagga faafidda dulinka Korona iyo daryeelka dadka qaada cudurka ka dhasha ee Covid-19” ayaa la sii raaciyay hadalka ka soo baxaya Yuusuf Garaad Cumar. Ugu dambeyn guddigu waxa uu sheegay in munaasabadda la qaban doono xilli ku habboon, islamarkaana ay dadweynaha la soo wadaagi doonaan waqtiga. “Caleema saarka waxaa la qaban doonaa xilli ku habboon kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha xilli gudboon” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha guddiga qabanqaabada munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa. Dowladda federaalka ayaa sheegtay in xayiraad dhinaca duulimaadyada caalamiga ah ay ku soo rogtay dalka si looga baaqsado in uu waddanka ku faafo caabuqa Coronavirus oo kiiskii ugu horeeyay ay wasaaraddu caafimaadku shaacisay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Fayraska Corona oo gaadhay Jabuuti Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee fayraska Corona lagu arkay dalkaasi. Wasiirka caafimaadka Jabuuti, Maxamed Warsame Diiriye ayaa BBC-da u xaqiijiyay in qof u dhashay dalka Spain laga helay, kaasoo dalka gaaray 14-kii bishan. Cudurkan saf-marka ah ayaa maalmo ka hor laga helay dalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya. Qaran News
-
War-murtiyeed:Shirkii Burco uga socday Beelaha Habar-jeclo iyo West Burco Clan oo la soo gabo-gabeeyay+Go’aamadii ka soo baxay+Sawirro Shirkii magaalada Burco uga socday beelaha Habar-jeclo iyo West Burco Clan ayaa goor-dhawayd la soo gabo-gabeeyay. Gabagabadii shirkan ayaa waxa maanta lagu soo casuumay dhammaan Salaadiinta Guud ee Beelaha Somaliland. Shirkan oo muddo afar maalmood ah ka socda Huteelka City Plaza ee Magaaladaasi Burco ayaa maanta waxa laga soo saaray go’aamo ka kooban 9 qodob. War-murtiyeedkii+Go’aamadii ka soo baxay shirka Qaran News
-
(SLT-Jabuuti)-War hada soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Goordhow dalka Jabuuti laga helay Kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka halista ee Coronavirus, kaasi oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka. Wasiirka Caafimaadka Jabuuti, Maxamed Warsame Diiriye oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa u xaqiijiyay in qof u dhashay dalka Spain laga helay, kaasoo dalka gaadhay 14-kii bishan. Cudurkan saf-marka ah ayaa maalmo ka hor laga helay dalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya. Cudurka Coronavirus ayaa marka hore kasoo bilaamay dalka Shiinaha, waxaana u geeriyooday in ka badan 7,000 qof, halka kumanaan kalena uu soo ritay, iyadoona ay xusid mudan tahay in boqlaal qof kalena ay ka bogsadeen Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Siciid Cabdullaahi oo maanta u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan cudurka Corona. Wasiir ku xigeenka ayaa marka hore shaaciyey in dalka, gaar ahaan magaalada Muwqdisho uusan oolin qalab caafimaad oo lagu ogaan karo cudurka Corona. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muwaadinka Soomaaliyeed ee laga helay cudurka, muunada laga qaaday loo diray dalka dibaddiisa, sidaasina lagu ogaaday. Dhinaca kale wuxuu beeniyey weerar la’isla dhex-marayey baraha bulshada oo sheegayey in qof labaad oo qaba xanuunka lagu arkay isbitaal Digfeer. Maxamed Siciid Cabdullaahi ayaa xusay in ka wasaarad ahaan ay wadaan dadaallo xoogan, isagoona ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay dhankooda taxadar muujiyaan. Soomaaliya oo laga helay kiis ka mid ah xanuunkaa COVID19 ayaa waxa ay haatan dad badan wal-wal ka muujinayaan halista cudurkaan, maadaama dowladda federaalka aysan heysan qalabkii loogu tala galay in looga hortago cudurka iyo kuwa karantiilka. Coronavirus oo markii sii hore ka soo bilowday Shiinaha ayaa si weyn ugu baahay dunida intiisa kale, wuxuuna sababay in wadamadu ay kala xirtaan xuduudaha.
-
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqey in la xirayo Waaxda Faraha ee Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-DA sababo la xiriira Cudurka Coronavirus. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in iyada oo la raacayo awaamiirta Madaxda Dowladda Federaalka ee ku aaddan ka taxadarka Caabuqa karoona feyras in wixii ka bilaawda maalinta Berri la xirayo Waaxda Faraha ee CID. “Iyadoo la raacaya awaamiirta guud DFS oo ku aadan taxadirka faafinta cudurka coronavirus, waxaa shacabka Somaliyeed ku wargelineynaa in laga bilaabo BERI taariikhduna ku beegantahay 19/03/2020 aan xirnay Waaxda Faraha ee CID oo bixisa warqada dembi la’aanta muddo 15 cisho ah” ayeey tiri Taliye Zakiya. Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaallo ku aaddan sidii looga hortegi lahaa faafida cudurka karoona, waxeyna amartay in la laga fogaado dhammaan goobaha sabab u noqo karo in uu faafo xanuunkaan. PUNTLAND POST The post Taliska Booliska Soomaaliya oo xiraya Waaxda Faraha ee CID-DA appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta inta badan magaalada Muqdisho ka dhaqan galay amarkii xalay ka soo baxay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa in la xiro goobaha waxbarashada, sababo ku aadan cudurka Coronavirus. Xarumaha iskuulladda iyo kuwa Jaamacadaha ayaa maanta badi hirgaliyey amarkaasi, iyaga oo fasaxay ardayda, lana wadaagay fariinta ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee aheyd in la xiro muddo illaa 15 cisho ah, si looga hortago faafinta cudurka Coronavirus. Tallaabadaasi oo muhiim u ah xakameynta cudurkaan oo fara ba’an ku haya caalamka ayaa waxaa sidoo kale si aad ah u boggaadiyey dadka Soomaaliyeed. Dowladda federaalka ayaa horay u soo saartay amar lagu joojinayo duulimaadyada caalamiga ah ee ee garoonka Aadan Cadde, kaas oo caawa kadib dhaqan-gali doono. Sidoo kale taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta hakiyey muddo 15 cisho ah howlaha waaxda faraha ee hay’adda CID oo bixisa warqadda dambi la’aanta. Dhammaan tallaabooyinkaan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda dhexe ee Soomaaliya uga hortageyso COVID19, iyadoo sidoo kale ku dhawaaqday inay u dooneysay la tacaalida cudurkan lacag gaareysa 5 milyan oo Doller-ka Mareykanka ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyey in la hakiyey muddo kooban howlaha ay qabato waaxda faraha ee hay’adda CID, taas oo bixisa warqadda dambi la’aanta. War qoraal ah oo ay soo saartay taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Zakiyo Xuseen Axmed ayaa waxa ay ku sheegtay in laga bilaabo beri oo ay taariikhdu ku beegantahay 19/03/2020-ka, la xirayo xaruntaasi illaa muddo 15 cisho ah. Zakiyo ayaa sababta ku sheegtay taxadar ku aadan faafinta cudurka Coronavirus oo kiis ka mid ah dhowaan laga helay magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxay qoraalkeeda ku sheegtay in go’aankaan ay qaateen iyadoo la raacayo awaamiirta guud ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Iyadoo la raacaya awaamiirta guud DFS oo ku aadan taxadirka faafinta cudurka coronavirus, waxaa shacabka Somaliyeed ku wargelineynaa in laga bilaabo BERI taariikhduna ku beegantahay 19/03/2020 aan xirnay Waaxda Faraha ee CID oo bixisa warqada dembi la’aanta muddo 15 cisho ah.” ayey tiri S/ Guuto Zakiyo Xuseen. Arrintaan ku soo aadeysa, iyadoo xalay dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in muddo 15 maalmood ah la xirayo goobaha waxbarasho ee magaalada Muqdisho. Caawa 12:00-ka saqde dhexe ayaa sidoo kale la filayaa inuu dhaqan galo go’aankii lagu joojiyey duulimaadyada caalamiga ah ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
-
Popular Contributors
