Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in saaka qaraxyo nooca miinada ah ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Qaraxyada oo labo ahaa ka kala dhacay labo maqaaxi oo ku taalla degmadaasi, xilli ay ku sugnaayeen ciidamo Boolis ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadaasi ku dhintay ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay yihiin dad shacab ah, halka ruuxa kale uu ahaa askari. Sidoo kale waxaa wararku ay sheegayaan in qaraxyadaasi ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidamada dowladda. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay weeraradaasi qaraxyada ah ayaa sheegay inay wadaan haatan baaritaano ku aadan, sida ay wax u dhaceen. Awdheegle oo ay ka dhacaan falal liddi ku ah nabad-gelyada ayaa ka mid ah meelihii u dameebeeyey ee ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Inta badan Al-Shabaab ayaase weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.
  2. Wararka naga soo gaaraya degmada Awdheegle ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi qaraxyo lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, qaraxyadaan ayaa ahaa labo miino oo dhulka lagu aasay kuwaas oo lala beegsaday askar ka tirsan ciidanka dowladda waxaana qaraxyadaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyada ku geeriyooday labo qof oo mid ka mid ah uu yahay askari, halka saddex qof oo kale ay dhaawacmeen. Ciidamo ka tirsan dowladda oo soo gaaray goobta ayaa bilaabay baaritaano kala duwan iyaga oo waqti kooban hakad galiyay isku socodka degmada Awdheegle wallow markii dambe ay xaaladdu si caadi ah ku soo laabtay. Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaan iyada oo inta badan dagaalamayaasha Al shabaab looga bartay inay sheegtaan qaraxyada nuucaan ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Boorama (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xalay saqdii dhexe lagu qaaday hoyga uu degan yahay Duqa magaalada Boorama ee gobolka Awdal, Mudane Saleebaan Xasan Xadi. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey rag hubeysnaa, kuwaas oo rasaas huwiyey guriga mas’uuliyiinkaasi, xilli ay ku sugnaayeen isaga iyo qoyskiisa. Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray askar ilaalo ka aheyd hoyga iyo kooxda weerarka soo qaaday oo goobta isaga baxsatay. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay is-rasaaseynta labada dhinac, sidoo kale guddoomiyaha iyo xubnaha qoyskiisa ayaa bad-qaba, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Sawirro laga soo qaaday guriga ayaa muujinaya waxyeelo ay rasaasta lagu furay u geysatay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland saaka ay tageen halkaasi, islamarkaana ay sameeyeen baaritaano dheeraad ah. Illaa iyo hadda wax faah faahin mas’uulka la weeraray iyo laamaha amniga Somaliland kama bixin dhacdadaasi. Deegaanada Somaliland ayaa waxaa inta badan weeraro ka geysta jabhado hubeysan oo ku xoogan maamulkaasi, inkastoo aysan weli jirin cid sheegatay weerarkaasi xalay lagu qaaday guriga Duqa magaalada Boorama ee gobolka Awdal, Mudane Saleebaan Xasan Xadi.
  4. (SLT-Boorama)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysan oo saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaaday Guriga uu degan yahay Maayirka Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal Saleebaan Xasan Xadi. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Ragga weerarka ku qaaday Guriga Maayirka Boorama iyo ilaaladiisa ay dhex-martay Is rasaaseyn socotay muddo daqiiqado ah, wallo markii dambe ay iskeed u istaagtay. Dadka deegaanka ayaa Somalilandtoday u sheegay in xalay ay maqlayeen dhawaqa rasaas xooggan, isla markaana ay markii dambe ka war heleen in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Guriga Maayirka Boorama. Intaas kadib ragii hubeysnaa ayaa goobta ka baxsaday, waxaana saaka lagu soo warramayaa in xaalada ay degan tahay, sidoo kalena ay howlgallo baadhitaan ay wadaan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ee ku sugan Boorama. Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Boorama, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo kan degmada Boorama. Source
  5. Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, Guutada 16-aad Ururka 5-naad Ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal Ka fuliyay tuulooyinka Cabdi Dhoore iyo Beerxaani oo qayaastii 50 (KM) dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in howlgalkaasi ciidamadu khasaare ay ku gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ay la wareegeen Cabdi Dhoore iyo beerxaani, islamarkaana ay soo dhoweeyeen dadka shacabka ah. Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Danab ay fariisimo cusub ka sameysteen tuulooyinkaasi oo hoostaga gobolka Jubbada Hoose. View the full article
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo weli ku sugan Kenya, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Nairobi ayaa kulamo ka wada gudaha magaaladaasi. Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa wuxuu Madaxweynuhu la qaatay xubno ka mid ah beesha caalamka, isagoo kala hadlay qodobo quseeya xaaladda dalka. Sida ay ogaatay Caasimada Online Axmed Madoobe ayaa xubnaha beesha caalamka ee uu la kulmay kala hadlay doorashada 2020/2021-ka, amniga iyo dhaqaalaha. Sidoo kale waxaa kulamadaan lagu soo qaaday sidii ay beesha caalamka Jubbaland uga taageeri laheyd ka hortagga cudurka faafa ee Coronavirus. Axmed Madoobe oo in muddo ah ku sugan gudaha dalka Kenya ayaa halkaasi kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan iyo madax ka tirsan dalkaasi. Sidoo kale wuxuu heshiis horudhac ah Nairobi kula gaaray xubnaha mucaaradka ku ah maamulkiisa ee Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seerar, kadib gogol ay u dhigtay Kenya. Arrimahaan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo weli halkiisii yahay khilaafka u dhexeeyey dowladda goboleedka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ka soo bilowday doorashadii muranka dhalisay ee lagu qabtay magaalalada Kismaayo.
  7. Cabdullaahi Dheere oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa wareysi gaar ah uu siiyey Shabelle kaga hadlay arrimo ku aadan doorashada iyo maqaamka Muqdisho. Siyaasigaan ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka ay uga fadhiyaan doorashada ka hor in la cadeeyo doorka mataalada ee caasimadda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in Muqdisho la siiyo xaqeeda, si la mid ah maamul goboleedyada kale ee ka jira dalka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Maqaamka.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-200420.mp3 View the full article
  9. There are many attributes that capture Somali identity, however none seem so deep and abiding as these two: constant hyper anxiety over scarce rainfall, and uncommon talent in poetic composition and artistic performance. Source: Hiiraan Online
  10. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay shaacisay in bukaanno horleh oo ku sugan magaalada Muqdisho laga helay xanuunka Coronavirus. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shalay oo keliya magaalada Muqdisho laga helay 29 ruux oo qaba xanuunka kuwaas oo 21 kamid ay yihiin Rag halka 8 qof kalena yihiin Dumar. Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu xusay in mid kamid ah dadkii horey looga helay Cudurka uu bogsaday isla markaana dadka Cusub ee laga helay Cudurka la geeyay Xarunta karantiilka. Tirada guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee dalka Soomaaliya ayaa gaartay 164 Qof, waxaana xusid mudan in Puntland ay xalay shaacisay kiiskii ugu horreeyay ee COVID-19. PUNTLAND POST The post Bukaannada laga helay xanuunka COVID-19 ee Muqdisho oo kordhay appeared first on Puntland Post.
  11. Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Covid-19, ee uu sababay Viruska Corona, ayaa kor u dhaaftay 2,320,456 milyan adduunka oo dhan. Xanuunkaas waxaa dhintay in ka badan 160,000, waxaana ka caafimaaday 600,000 caalamka oo dhan, sida lagu sheegay tirakoobyadii ugu dambeeyay ee ay soo saareen Jaamacadda Johns Hopkins iyo mareegta World Meter oo labaduba ku takhasustay la-socodka xanuunka COVID-19. Dalka Mareykanka ayaa ugu horeeya liisaska dalalka ugu badan ee cudurka Corona uu ku faafay, wuxuuna ku dilay in ka badan 60,000 oo qof, Talyaaniga ayaa isaguna galay kaalinta labaad, waxaana xanuunka ugu dhintay 23,227, Spain oo gashay kaalinta saddexaad waxaa Corona ku laayay 20,639 kaalinta afaraad waxaa ku jira dalka Faransiiska oo cudurka dhibaateeyey 19,323 sidoo kale kaalinta shanaad waxaa joogta Dawldda Britain isagoo laayay 15,464. Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa dhowaan sheegtay inay tijaabo ku jiraan saddex tallaaal oo la damacsan yahay in lagu soo afjaro faafitaanka iyo khatarta Crona Virus, valse arrintaasi ilaa hadda ma aha mid si rasmi ah loo ogaan karo. PUNTLAND POST The post Warbixintii u dambaysay Xanuunka COVID-19 ee dunida oo dhan appeared first on Puntland Post.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay shaaciyay in Xukuumadiisu ay 3-Milyan ugu deeqday Sanduuq gaar ah oo loo sameeyay cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus ama Covid-19. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in Xukuumadoodu ay uga deeqday lacagtaasi si ay qeyb uga noqdaan kharashaadka cudurka Coronavirus, hadey noqoto caawinta Bukaanka iyo wacyi-gelinta. Madaxweyne Biixi ayaa Ganacsatada Somaliland ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dhaqaalaha cudurkaasi, iyada oo la iskaga wada kaashanayo sidii bulshada looga samatabixinaya cudurkaasi halista ah. Biixi ayaa xusay in lacagtaasi ay ku shubeen Sanduuqa Coronavirus ee Somaliland, laga soo wareejiyay Mashaariicdii horumarineed ee sanadkan Xukuumada ugu jiray Miisaaniyada 2020-ka, ee ay hakinta ku sameeysay. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqay Bulshada inay aad uga taxadaraan cudurkaasi, iyaga oo xoojinaya nadaafada, isla markaana ay ka fogaadan goobaha dadweynuhu iskugu yimaadaan. Xukuumada Somaliland ayaa hore loogu dhaliili jirey inaysan soo bandhigin dhaqaale ay ugu talo-gashay cudurkaasi, sida ay hore u saameeyen wadamada caalamku, maadama ay Somaliland ku doodo inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya. Somaliland ayaa iyadu la daala dhaceysa ka hortaga cudurka Coronavirus, xili deegaanadeeda laga helay 6-Kiis oo kii u dambeeyay ay shalay shaacisay Wasaarada caafimaadka ee Somaliland.
  13. ISTANBUL (Reuters) - Turkey’s confirmed coronavirus cases have risen to 86,306, Health Minister Fahrettin Koca said on Sunday, the highest total for any country outside Europe or the United States. Source: Hiiraan Online
  14. Idris Elba and Sabrina Dhowre Elba began a push with the United Nations to lessen the impact of Covid-19 on farmers and food producers in rural areas. Source: Hiiraan Online
  15. Africans are not convinced that China is doing enough to curb alleged racism related to the coronavirus. Source: Hiiraan Online
  16. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo shir guddoomiyay kulan ay ka qeyb galeen guddoomiyaasha guddiyada ka hortagga Covid-19 ee dowlad gobaleedyada, kaas oo looga hadlay dardar gelinta dadaallada lagu xakameynayo faafidda iyo saameynta bulshada uu ku yeelanayo xanuunka COVID-19. Guddoomiyaasha guddiyada dowlad gobaleedyada ee ka hortagga COVID-19 ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee dowlad gobaleedyada iyo caqabadaha jira. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dowladda federaalku ay dadaalkeeda oo dhan isugu geyneyso wax ka qabashada COVID-19, waxaana uu ku baaqay in wadajir loo wajaho cudurkaan, lana laba jibaaro dadaalka maadaama lagu jiro xilli aad u adag. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo warbixin ka dhegaystay guddiyada dowlad goboleedyada u qaabilsan COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  17. ISTANBUL (Reuters) - Turkish authorities blocked Saudi and United Arab Emirates news websites on Sunday, days after the sites of Turkey’s state broadcaster and news agency were blocked in Saudi Arabia. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga oo saaxiib dhow la ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday xadiga lacagta uu bil walba siiyo dowladda federaalka. Turkiga ayaa daboolka ka qaaday in Labo Milyan iyo shan boqol oo kun oo dollarka Mareykanka ah ($2.5M) uu bil walba siiyo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyey idaacada VOA laanteeda Af-Soomaaliga ayaa arrinkaasi shaaciyey, isagoona hoosta ka xariiqay in lacagtaasi ay dowladda Soomaaliya u siiyaan si ay ugu noqoto kaabis dhaqaale. Safiirka ayaa sidoo kale xusay in Lacagtaaasi $2.5-Milyan ay qeyb ka tahay Miisaaniyada dowladda, si buu yiri loogu socodsiiyo shaqooyinka dowladdu wado. Lacagta ay dowladda Turkigu ay siiso dowladda ayaa noqoneysa sanadkii 30-Milyan, iyada oo laga tixraacayo lacagta uu sheegay Safiirku inay qasnada dowladda federaalka ku shubto bil walba. Turkiga ayaa kamida dalalka sida dhow saaxiibka ula ah Dowladda Soomaaliya, iyada oo maamulada dalka qaarkoodna ay ku eedeeyaan in uu qeyb ka yahay cadaadisyada ciidan iyo dhaqaale ee dowladda federaalku ay saarto.
  19. Waxa saaka deggan xaaladda degaanka Fadhigaab oo ka tirsan Gobolka Sanaag halkaasi oo ay shalay ku dagaallameen laba malayshiya-beeleed. Dagaalka u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday laba Ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhamaantood ah dhinacyada dagaallamay ka tirsanaa. Warbaahinta Somaliland ayaa ku soo warramay in saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayo degaankaas balse ay weli is hor-fadhiyaan malayshiyaadkii dagaallamay. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay dagaalkaas ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka labada dhinac islamarkaana labada dhinac ay wada-hadal isu’gu yimaadaan. PUNTLAND POST The post wararkii ugu dambeeyay ee dagaallo ka dhacay gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  20. Maqaal maalintii Jimcaha Abril 17, 2020 lagu soo qoray wargeysyada “Standard iyo The Star”, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay gacan daahsoon kula shaqeyso kooxda Al Shabaab. Wargeysyada oo soo xiganayay wax ay ugu yeereen warbixin qarsoodi ah “confidential report”, ayaa shaaciyay in hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed NISA iyo argaggixisada Al Shabaab ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii loo fashilin lahaa ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya oo joogga aagga 2aad (Jubaland). Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federalka Soomaaliyeed oo durbadiiba ka jawaabcelisay warka aan raadka lehayn ayaa qoraallada wargeysyada “Standard iyo The Star” ku tilmaantay, “weerar afeed oo si qorsha leh lagu bartilmaameedsanayo dowladda [Soomaaliyeed] iyo hay’addeheeda”. Warbaahinta madaxabannaan qaarkeed ee maxalliga ah [Sida Caasimada Online) iyo baraha bulshada ayaa iyaguna ka daba tegay oo soo bandhigay in been abuurka laga soo xigtay barta Facebook “Mudaaharaadka 7 of February”. Balse, waxaa isweydiin mudan, waa maxay ujeeddada dowladda Kenya ay uga gol leedahay ololaha cusub, xilli aan xiisaddii xuduudda weli meel laysla dhigin? Haddiise dowladda Kenya, ay gacanta ku heyso xog “biyo kama dhibcaan ah,” maxay u hordhigi la’dahay dowladda Soomaaliyeed? Barabbagaanka, waa dagaal maskax huwan Dowladda Kenya waxay qaadan la’dahay in Soomaaliya oo in mudda ahba u ahayd tusaale dowladaha fashilmay, ay kaga guuleysatay siyaasaddii cunaqabateenta “sanctions” duullimaadka hawada, ku adkeysatay inaan dib loo soo celin dacwada badda, hortaagan in awooddeeda la wiiqo si Jubbaland u noqoto maamul hayin u ah Kenya “buffer zone.” Adeegsiga ololaha wargeysyada, ayaa ugu muuqda in dowladda Kenya ay u gogolxaaraneyso duullaan hor leh oo ay ku soo qaaddo deeganada Gedo, Jubada Dhexe iyo kan Hoose, iyadoo ku marmarsiyooneysa in dhammaan Soomaalidu (shacab iyo xukuumadba) ay la safan yihiin argaggixisada, maadaama dadweynaha deegaankaas ay hiil u muujiyeen qorshaha dowladda dhexe ay ciidamada dalka kula wareegayaa ilaalinta xuduudda Soomaaliya iyo Kenya. Qoraalka lagu dhaamayo sumacadda dowlada Soomaliyeed, waxaad mooddaa inuu yahay mid Dowlada Kenya ay dooneyso inay dib ugu soo ceshato shacabiyadeed “Public Relations – PR”, si qorsheysanna loogaga dhaadhicinayo shacabkeeda fikirka ah, in Xukuumadda hadda ka jirta Muqdisho ay dagaal ba’an oo wajiya badan leh, “ku hayaan waddankooda, maalkooda iyo ummadooda”. Maxay Tahay Ulajeeddada Kenya Dhowr sababood baa ku kellifaya Dowladda Kenya inay qaado tillaabooyin quus ah: (1) Inay u muuqato inaysan sii joogi doonin Soomaaliya, iyadoo hugsan magaca AMISOM, kol haddii Soomaalida ay aad ugu hanweyn yihiin inay yeeshaan Ciidamo Qaran, sida ka muuqata guulaha bilowga ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku hantay fariisamahii Al Shabaab ee Shabeellada hoose; (2) In ay saadaalinayso inay ku guul darraysan doonto garta dacwada soohdinta badda ee Juun 2020; (3) In Kenya ay ku agoontowday isbahaysi gobolleedka IGAD dhexdiisa; (4) Inay ka cabsi qabto natiijadda doorashada qof iyo cod oo la filayo 2021 oo isbeddel u sababi kara xulafadeeda; iyo (5) In Soomaaliya laga furay dabarkii maaliyadda, lagana yaabo in laga qaado cunaqabateenta hubka. Kenya waxaa ka go’an, inay danaheeda siyaasadeed, bad iyo barri, iyo meel kasta oo kheyraad kaga jiraba caqli iyo xoogba ku muquuniso kuna ilaashato, xitaa haddii dunida u aragto in Soomaaliya marar badani ay kaga gar-guuleeysatay. Oraahdii Soomaaliyeed ayaa leh, Tuug intaadan Tuug oran ayuu tuug ku yiraahdaa, waxba ma ahaateen. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Nova Scotia (Caasimada Online) – Nin hubeysan oo mar isku soo ekeysiiyey boolis ayaa ugu yaraan 16 qof ku dilay gooblka Nova Scotia ee dalka Canada, halkaasi oo uu ka fuliyey weerar socday 12 saac. Weerarkan oo lasoo geba-gebeeyey xilli dambe oo Axaddii ahayd ayaa ahaa toogasho wadareedkii ugu xumeyd ee soo marta taariikhda Canada. Dhibanayaasha toogashadan, oo ka dhacday qeybo kala duwan oo gobolka ka mid ah, ayaa waxaa ku jiray sarkaal boolis oo lagu magacaabay Heidi Stevenson, oo 23 sano ka tirsaneyd booliska, ahaydna hooyada laba caruur. Booliska Royal Canadian Mounted Police (RCMP) ayaa sheegay in weerarka uu fuliyey 51 jir dentist ah oo lagu magacaabay Gabriel Wortman. Booliska waxay intaas ku dareen in weerarka lasoo geba gebeeeyey markii uu geeriyooday Wortman, hase yeeshee ma aysan xaqiijin muuqaallo kaamirada qarsoon ee CCTV laga arkay oo muujinayey inay toogteen. Wortman ayaa toogashada ka fuliyey dhowr goobood oo kala duwan oo ka tirsan gobolka Nova Scotia, sida ay sheegeen booliska. Madaxa booliska RCMP, Brenda Lucki ayaa taleefishinka CBC u sheegtay in ugu yaraan 16 qof, iyo ninka weerarka fuliyey ay geeriyoodeen. Waxay intaas ku dartay inaysan jirin wax astaamo ah oo muujinaya in weerarka uu ahaa mid argagixiso. Booliska ayaa sidoo kale sheegay inaysan muuqan wax xiriir ah oo ka dhaxeeyey Wortman iyo qaar ka mid ah dhibanayaashiisa. Waxay intaas ku dareen inaysan wax fikrad ah ka haysan waxa ku dhiiri-geliyey inuu weerarka fuliyo. Dhimashadan ayaa ka badan xasuuqi Montreal ee dhacay 1989-kii, markaasi oo nin hubeysan uu dilay 15 qof. Toogasho wadareedyada ayaa wax naadir ah ka ah dalka Canada, oo leh shuruuc lagu xakameeyo hubka, oo aad uga adag tan Mareykanka. Wortman ayaa weerarka soo billaabay xilli dambe oo sabtidii aheyd, wuxuuna waday 12 saac oo xiriir ah, ka hor inta aan lagu dilin magaalo xabeedka Partapique oo 130 km waqooyi kaga beegan magaalada caasimad goboleedka ah ee Halifax.