-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – In badan oo ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya xanuuno aad ugu calaamado eg Covid-19, balse aan la xaqiijin waxa uu yahay, kaasi oo dad badan soo ritay. Inkasta oo aysan jirin daraasad ama tira-koob ku aadan boqolkiiba dadka ka sheeganaya xanuunkaan, haddana waxaa dad badan ay kuu sheegayaan inay xanuunkan dareemayaan toddobaad illaa ugu badnaan 15 cisho sida ay noo sheegeen tobaneeyo dad oo aan la hadalnay, oo kasoo bogsaday. Xanuunkan ayaa dadka uu haleelay waxay ku sheegeen Hargab xooggan balse malahan astaamihii hargabka, waxaana u wehliya calaamado kale oo ka mid ah 1 – Qandho saa’id ah 2 – Kor xanuun darran gaar ahaan, kala-goysyada, dhabarka iyo murqaha. 3 – Bukaanka oo raashinka ka go’a ama ay ku adkaato inuu qaato. 4 – Af-qaleel iyo urka ama carafta oo ka tagta 5 – Qufac iyo Hindhisyo aan badneen. Dhamaan Calaamadahaan waa kuwa ay si isku mid ah u arkeen dadkii uu ku dhacay waxaana hadda la jiifa boqolaal kale. Dadka uu xanuunkaan soo ritay ayaa kaliya Isticmaala kaniini xanuun baabi’iye ah, Maraq iyo Shaah Sanjawiil leh, waxaana la sheegaa in ay ka bogsadeen dadkii uu haleelay. Wali ma jirto dhaqtar ama Isbitaal xanuunkaan baaray balse waxay dadku sheegayaan in waxa haaya ay yihiin hargab mana ka muuqato astaamihii hargabka oo dhameystiran. Sidoo kale xanuunkaan ayaa si safmar ah ugu dhaca qoysaskii uu haleelo qof kamid ah waxayna bulshada qaar muujinayaan walaac xoog leh oo arrintaan ku saabsan. Wali wasaaradda caafimaadka Soomaaliya kama aysan hadlin xanuunkaan u calaamadaha eg Covid-19 oo ku sii faafaya Muqdisho. Bulshada qaar ayaa kuu sheegaya in xanuunkaan uu yahay Coronavirus islamarkaana uu Alle u fududeeyay shacabka Soomaaliyeed, balse lama xaqiijin karo. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliyeed ayaan lahayn awood ay maalinkii ku baarto boqolaal ama kumanaan qof, taasi oo dad badan ku keentay inay xanuunka la jiiftaan guryahooda.
-
Deeqdan caafimaad oo ah deeqdii ugu horeysay ee noooceeda ah ee ka timid Dowladda Mareykanka ayaa maanta lagu wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, taasi oo loogu talagalay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19 oo dhibaato ku haya caalamka. 350 sariirood, firaashyo iyo qalab kale oo looga hortagayo xanuunka Coronavirus ee dhibaatada ku haya caalamka ayey ka koobantahay, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa xakamenta cudurka, waxaana dowladda Mareykanka ay usoo marisay hey’ada USAID oo ka mid ah hey’adaha caawiya Soomaaliya. Mukhtaar Yuusuf Cirro oo ka mid ah masuuliyiinta hey’adda Mareykanka ee arrimaha gar gaarka oo ku wareejiyay deeqan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay tahay mid loogu talagalay inay dowladda Soomaaliya kaga hortagto cudurka COVID-19. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Soomaaliya Dr.Fowsiya Abiikar Nuur oo qabaka la wareegtay ayaa uga mahadcelisay hey’adda USAID oo deeqada soo gaarsiisay, waxaana ay tilmaamtay in Wasaaraddu ay ku howlantahay sidii loo xakameyn lahaa xanuunka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Saleebaan Xaddi oo ka hadlay weerarkii lagu khaarajin rabay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Boorama (Caasimada Online) – Maayarka magaalada Boorama, Saleebaan Xasan Xaddi ayaa goordhoweyd si kulul uga hadlay weerarkii xalay saqdii dhexe lagu qaaday hoygiisa uu ka deganaa magaalada, kaasi oo la rabay in lagu khaarajiyo. Maayar Saleebaan ayaa sheegay in Ragg hubeysan oo haybtooda aan la aqoon ay weerar ku soo qaadeen xalay gurigiisa, iyagoo rasaas xoogan ay ku fureen darbiga hore ee gurigiisa. Maayarka ayaa sheegay inay iska caabin weyn Raggaasi hubeysnaa ee soo weeraray ay kala kulmeen Ciidamada ilaalada ka ah gurigiisa, kuwaasi oo fashiliyey qorshihii ay ka lahaayeen weerarka ay kusoo qaadeen gurigiisa. Sidoo kale waxa uu sheegay Maayarku inaysan wax khasaaro ah ka dhalan rasaastii cusleyd ee ay is weydaarsadeen Dableydii hubeysneed ee soo weeraray iyo Ciidamada ilaalada ka ahaa guriga uu ka dagan yahay magaalada Boorama. Maayar Saleebaan ayaa sheegay in Laamaha amnigu ay ku wadaan baaritaan weerarkaasi, isagoona xusay in ilaa hadda aan la garaneyn habyta dableydaasi weerarka kusoo qaaday gurigiisa, balse uu warbaahinta la wadaagi doono natiijada ka soo baxda baaritaanka Hay’addaha amniga. Saleebaan ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay inuusan marnaba joojin doonin Howlaha ay bulshada u hayaan, oo uusan cabsi galin doonin weerarkaasi xalay lagu soo qaaday. Inkasta oo uu Maayar Saleebaan ka gaabsaday cidda soo weerartay, ayaa haddana sida ay Xogta ku helayso Caasimada Online, in Ragaasi hubeysan ee xalay weeraray guriga Maayarka, ay kasoo jeedaan beel kamid ah labo beel oo dhowaan ku dagaalamay bariga magaalada Boorama. Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, Dableydaasi ayaa Maayarka Boorama ka tirsanaya in uu eex qabiil garab ugu muujiyey beesha kale ee ay isku hayaan dhul-beereed ku yaala bariga magaaladaasi. -
Al-Shabaab dhowr jeer ayay hoobiyaal ku weerareen garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaallada Muqdisho. Qaar ka mid ah hoobiyayaashaas ayaa ku dhacay saldhigga Xalane oo garoonka ku dheggan. Weerarro kale oo gaadiid la qarxiyay loo adeegsaday, waxyeellana geystay ayaa sidoo kale lagu qaaday saldhigga Xalane iyo garoonka diyaaradaha. Weerarrada lagu qaado garoonka diyaaradaha iyo nawaaxigiisa waa ay ka saammayn badanyihiin kuwa ay sida joogtada ah Al-Shabaab uga fuliyaan magaalada dhexdeeda. Inkastoo qasaaraha muuqda sida dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed ay ka sinnaan karaan, haddana marka ay garoonka diyaaradaha joogto weerarrada noocaan ah waxa ay bulshada iyo magaallada ku yeelan karaan saammayn taban oo intaas ka badan. Marka koowaad, Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle waxa uu adeeg siiyaa Soomaalida ku nool magallada iyo gobollada, Waxa uu il dhaqaale u yahay dowladda. Sidoo kale, waxaa adeegsada hay’adaha gargaarka siiya dadkeenna, diblomaasiyiinta Soomaaliya fadhigoodu yahay iyo howl-galka AMISOM oo kaalin lixaad leh ku leh dowlad-dhisidda Soomaaliya. Sidoo kale, garoonku waxa uu waayadaan dambe soo jiidanayay indhaha caalamka, ayadoo diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadka ka billaabay ay kordheen. Haddaba haddii aan wax laga qaban weerarrada ay Al-Shabaab ku qaadayaan garoonka iyo nawaaxigiisa waxa ay saammayn doontaa dhammaan howlaha garoonka ka socda. Waxaa istaagi doona duulimaadyada caalamiga ah marka hore, kuwa gudaha iyo gobolkana waa saammayn doontaa. Hay’adaha iyo safaaradaha fadhigoodu yahay Xalane ayaa guuri doona, ayadoo la ogyahay waqtiga ay qaadatay in lagu qanciyo in ay dalka soo dagaan. Howlaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo aasaas u ah howlaha dowlad-dhisidda ee dalka ka socdana waa ay saammayn doontaa, dalkeennana uma wanaagsana dhinac ammaan, dhinac bani’aadamnimo iyo dhinac ganacsi ba. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa walaacan, aniga oo ku boorrinaya dowladda in aysan weerarka garoonka lagu qaadayo u arkin “Hoobiye la soo tuuray uun” ee ay dareento saammaynta taban ee dalkeenna ku yeelan karaan weerarrada lagu qaado goobaha muhiim ka ah. Dowladdu waa inay arrin qaran u aragtaa difaacidda garoonka diyaaradaha iyo xerada ay marti sharafta dalku deggan yihiin ee Xalane. Ugu dambeyn, Al-Shabaab waa dabeecad lagu yaqaan in ay isku dayaan in ay bulshada gaarsiiyaan nabarba midka uu ka xanuun badan yahay, lagama filayo wax aan dil, qaxin iyo burburin ahayn. Yaan laga yeelin in ay u suurto gasho arrintaasi ee xoogga iyo dhaqaalaha la haysto ha la isugu geeyo ka hortagga iyo la dagaallidda kooxdaan duulaanka ku ah wax kasta oo diinteenna iyo dhaqankeennu xarrimeen in lagu xadgudbo. Qofkasta oo ka warqaba dhibka laga soo maray dib u furitaanka garoonka Aaden Cadde burburkii kadib wuu ka welwelayaa in garoonka wax soo gaaraan dhaawici kara sumcadiisa iyo haykalkiisa shaqo. Daahir Maxamuud Geelle – Waa wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Shirkadaha biyaha sifeeya ee Somaliland waxa ay u eegyihiin kuwo aan cidi daba galin agabka ay biyaha ku shubaan oo nadaafadoodu ay aad u liidato, gaar ahaan caagadaha waaweyn ee biyaha lagu soo shubo. Waxa mudo hore igu dhacday in aan soo iibsaday caagaad weyn taasi markii aan furay ku arkay waxyaabo dul yaacaaya, hadana todobaadkani ayaa isla shirkadii aan ka iibsaday caagadweyn oo tii la mid ah waxana aan nasiibdaro caagadii oo aanan furin markii aan guriga geeyay aan ku arkay caleemo ku dhex jira caagada, arintaasi oo igu abuurtay cabsi madaama oo in mudo ah macmiil u ahaa shirkadaasi oo aan yiqiinsaday in agabka ay biyaha nagu siinayeen uu ahaa kuwo aan nadaafadoodu wanaagsanayn. Waxa aan dhawaan umadda Somaliland u soo bandhigi doonaa caagadaasi ay ku jiraan biyaha ay caleentu ku dhex jirto ee la iga iibiyay iyada oo u xidhan sidii shirkada lagaga soo saaray ama ay warshada kaga soo baxday, kadib macluumaad ku saabsan cida leh iyo halka laga leeyahay, macluumaadkaasi oo dhamaystiran la soco Waxana aan dadka u soo jeedinayaa in ay iska eegaan biyaha ay iibsanayaan ka hor inta ayna isticmaalin M. Osman Qaran News
-
Naiorbi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya ayaa waxaa ku sugan qaar ka mid ah Masuuliyiintii Maamulka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe (Galmudug), ee looga itaalka roonaaday dagaalkii magaalada Dhuusamareeb. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Masuuliyiinta Ahlu Sunna ee ku sugan Magaalada Nairobi ayaa wareysi uu siiyey VOA ku sheegay in ujeedka ay u joogaan Nairobi uu yahay mid shaqo. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay inau kulamo la leeyihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka. Waxa uu shaaca ka qaaday in inta badan xubnaha Ahlu-Sunna, marka laga reebo dhowr mooyee, ay ku sugan yihiin deegaanada Galmudug, ayna sii wadi doonaan inay difaacaan, sida uu hadalka u dhigay. Sheekh Shaakir ayaa dhinaca kale ku eedeeyey dowladda federaalka inay uga baxday heshiiskii ay la galeen, si ay si buuxda ugu qabsato awoodda Galmudug. Waxa uu sheegay inuu ballan-qaadayo in Galmudug ay midowdo oo ay hal noqoto, haddii sida uu sheegay ay dowladda federaalka ogolaato in wax la wada yeesho, oo la wada dhisto. Hoos ka dhageyso wareysiga Sheekh Shaakir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/560b7020-fd60-4db9-a643-c4695047aa1d_48k.mp3
-
Barlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa muddo kordhin hal sano ah u sameeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen. Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa Cod u qaadista muddo kordhin loogu sameynayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen). 87 Xildhibaan oo Maanta kulanka soo xaadirtay ayaa Cod gacan taag ah muddo kordhin hal sano ah ugu sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen oo xil-hayntiisu ku e kayd 2024. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa mudadii la doortay waxaa kasoo wareegtay Muddo dhan 2-sano waxaana haatan la is waafajiyey Mudda xileedka Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka maamulkaas iyo Madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Koofur Galbeed oo mudda kordhin u sameeyay Madaxweyne Laftagareen appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia has put up a 24 hour call centre and two more hospitals to treat COVID19 patients as the country battles a surge in the number of citizens testing positive for the global pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii degmada Shibis C/raxmaan Sayid Cali sabab la xiriirta eedeeyn musuq-maasul. Guddoomiyaha xilka laga qaaday oo ku xiran xarunta Dambi Baarista CID, ayaa warku intaa ku daray in ay ku socdaan baaritaanno la xirira wax,isdaba-marin ka dhalatay amar degmadaasi ay ku soo rogtay guryaha oo ku aadan warqad diiwaangelin ah oo guri kasta la sheegay in lagaga qaadaayey lacag sharci darro ah, Tallaabadaasi ay ku dhaqaaqeen maamulka degmada Shibis ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Shibis maadaama aysan ka warqabin ama la socon Maamulka Gobolka Banaadir sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii degmada Shibhis ee gobolka Banaadir oo xilka qaadis iyo xarig la isu’gu daray appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (PP News Desk) — The founder of the global money transfer company WorldRemit Dr Ismail Ahmed has donated one million US dollars to the Covid-19 Fund in Somaliland. The donation to the Fund comes in the form of medical supplies and equipment to combat Coronavirus. It is the first and single largest donation from a pioneering Somali business person to efforts to prevent spread of Covid-19. The donation to the Fund boosts efforts by Somaliland Government through Somaliland health service providers to which it committed three million dollars. The Director of the Somaliland Diaspora Department Sa’ad Mohamed Abdi thanked Dr Ismail and WorldRemit for the timely contribution to the Somaliland Covid-19 Fund. WorldRemit is based in London. © Puntland Post Monthly, 2020 The post WORLDREMIT FOUNDER DONATES ONE MILLION DOLLARS TO COVID-19 FUND IN SOMALILAND appeared first on Puntland Post.
-
Somali elite forces have liberated two villages in Southern Somalia following operations against al-Shabaab. According to a statement issued by SNA on Monday, Somalia’s DANAB forces have engaged al-Shabaab fighters in Abdi-Dhore and Berhani villages which lies 50km west of Kismayo town in Lower Jubba region. The forces managed to dislodge the group’s fighters from the villages. The locals in the villages have welcomed Danab soldiers. The villages are now secure and are in the hands of the forces,” the statement reads in part. The military said in its statement that the forces killed a number of al-Shabaab fighters during the clashes. The liberation of the two villages came hours after the Somali national army recaptured Bandhub and Bilane villages near Dinsor district of Bay region. The Somali government has intensified aerial and land operations against al-Shabaab in southern Somalia. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali, xilli uu wajahayo eedeymo la xiriira musuq-maasuq. Cabdiraxmaan Sayid Cali ayaa markii xilka laga qaaday kadib lagu xiray xarunta dambi-baarista CID ee Muqdisho, ayada oo uu ku socdo baaritaan musuq-maasuq oo ka dhashay lacag lagu soo rogay dadka degan degmada Shibis. Maamulka Degmada Shibis ayaa dhowaan waxa uu qoysaska dagan degmadaasi ku amray in ay bixiyaan lacagta dhan 12$, taasi oo laga rabo guri kasta oo ka mid ah guryaha ku yaalla degmada. Lacagta ay soo rogtay degmada Shibis ayaa ahayd mid ku kooban oo maamulka gobolka uusan ka war-hayn islamarkaana aysan la wadaagin degmooyinka kale ee gobolka. Warqadda lacagta oo lagu sheegay lacag diiwaan-gelin ah ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay dadka xaafadda, ayaga oo cabasho ka muujiyey taasi oo sida la sheegay maamulka gobolka uu ka war-helay. Markii maamulka Shibis uu soo saaray amarkan, ayaa dadka xaafadda la amray inay bixiyaan lacagtan dhan 12$ qoys kasta, qoyskii diidana laga qaadi doono tallaabo adag, sida ku qoran warqado shacabka loo qeybiyay. “Ma awoodno lacagtaan sababtoo ah shaqo ma jirto, shaqooyinkii waxaa loo fasaxay Covid-19 caruurtayda ayaa u la’ahay waxay cunaan meel kale lacag igama soo gasho dowladda waxaan ka codsanaynaa iney naga joojiso go’aankaan,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha ku nool degmadaasi oo la hadlay Caasimada Online.
-
Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Faah-faahinno kala duwan oo ka soo baxaya laba Qarax oo barqabbinadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha hoose. Sheikh Shaakir oo sheegay in Dowladda federaalka ay dano gaar ah ka leedahay Siyaasadda Galmudug. Guddiga ka hortagga CRONA VIRUS oo ka digay halista ka dhalan karta in la qarsado xanuunkaan. Puntland oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee xanuunka CRONA laga helo deegaannada Maamulkaasi. Maamulka Puntland oo Kordhinayay Goobaha lagula Tacaalayo Xanuunka Coronavirus oo dhowr iyo boqol kiis laga helay gudaha Dalka Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inay 3 milyan oo doller ay u diyariyeen la tacaalidda xanuunka COVID-19. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaysa Anfac Aadan cabdi https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-galabnimo-20-04-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii maamulka degmada Shibis, Cabdiraxmaan Sayid Cali. Qoraal kooban oo lagu baahiyey Telefishinka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in sidoo kale xabsiga la dhigay mas’uulkaasi, islamarkaana loo heysto musuq-maasuq. Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay inuu haatan Cabdiraxmaan Sayid Cali ku xiran yahay xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da, islamarkaana lagu hayo baaris. Ma’ahan mas’uulkii ugu horreeyey ee ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo loo xero eedeymo la xaruura wax is-daba marin ama musuq-maasuq. View the full article
-
Wararka ka imaanaya gobolka Sanaaga ayaa sheegaya in maanta ay dagan tahay xaaladda deegaanka Fadhigaab oo ay shalay ku dagaalameen labo beelood. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay haatan socdaan dadaallo nabadeed oo lagu dhex-dhexaadinayo maleeshiyaadka labada dhinac. Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in labada beelood oo walaalo ah ay isku hayaan arrimo la xariira dhul-daaqsimeed. Dagaalkii u dambeeyey oo shalay dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 5 qof oo isugu jiray dhinacyada diriraya iyo sidoo kale dad shacab ah oo aan waxba galabsan. View the full article
-
Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shaaciyey in dib loo dhigay furitaanka Kal-fadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Warqad ay si wadajir ah u soo saareen labada guddoomiye ayaa waxaa lagu sheegay in sababta dib loogu dhigay tahay ka hortagga faafitaanka Covid-19. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo qorshuhu ahaa inuu maanta furmo kal-fadhiga 7-aad ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Halkaan hoose ka aqriso: oon View the full article
-
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka adeegyada mashaariicda Soomaaliya ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNOPS ayaa 12 gaadiid ah kuwa ammaanka ah ku wareejisay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed. QM ayaa sheegtay in gaadiidka ay ku wareejiyeen Booliska Soomaaliyeed loogu tala galay in lagu xoojiyo ammaanka baraha koontarool ee magaalada Muqdisho. Gaadiidkaasi ayaa waxaa UNOPS kala wareegay ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda amniga, Mudane Axmed Cabdi Kooshin. Sidoo kale mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay kala wareegay gaadiidkaan ayaa waxaa ka mid ah agaasimaha gaadiidka ee Booliska Soomaaliyeed, Korneyl Cabdulaahi Dabshid. Mas’uuliyiintii ka socday wasaaradda amniga iyo Booliiska ee la wareegay gaadiidka ayaa QM uga mahadceliyey deeqda ay soo gaarsiiyeen. Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka taageerto dhinacyada siyaasadda, arrimaha bani’aadanimada iyo ammaanka. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
