-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cali Jeyte Cismaan guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi ayaa ka jawaabay hadalkii dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ee ahaa in ganacsatada maamulkaas aysan raashin ama badeeco geyn karin meelaha ka baxsan Puntland, sida Galmudug iyo HirShabelle. Guddoomiyaha oo si adag uga hadlay arrintaasi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, islamarkaana wuxuu sheegay inay abuureyso cadawaad bulsho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka Puntland iyo kuwa gobollada dhexe uu ka dhexeeyo xiriir ganacsi iyo mid bulsho intaba. Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku goday in aysan kala maarmin dadka Soomaaliyeed, isagoona ugu baaay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni inuu ka laabto go’aankaasi. Jeyte ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in gobolka Hiiraan looga qaado Puntland Qudaar, xoolaha nool iyo adeegyo kale, islamarkaana ay canshuurta ku kordhin doonaan badeecooyinkaasi, haddii maamulka Garoowe uusan ka laaban tallaabadaas. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan Soomaaliya uu fara ba’an ku hayo cudurka dilaaga ah ee COVID-19, kaas oo sababay in la joojiyo isku socodka magaalooyinka iyo isu-imaatinada dadweynaha, si loo xakameeyo cudurkaasi. View the full article
-
Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda maanta lagula eegtay deegaanka Muuri oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose. Ilo deegaanka ah ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxa oo miino ahaa uu haleelay mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamadaas, kuwaasi oo xilligaa marayey bariga deegaankaasi. Lama oga inta uu la egyahya khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamada qaraxa miino lala bartilmaameedsaday. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada la weeraray ay ka yimaadeen dhanka magaalada Muqdisho, kuna sii jeedeen deegaanka Number 50 ee gobolka ee isla Sh/Hoose. Al-Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga gooshayaan koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Geneneraal Cabdi Jamac cabdulle xabeeb oo ka tirsan saraakiisha amniga Galmudug iyo masuulkiyiin ka socday maamulkaasi ayaa ku guuleystay xallinta colaado ka jiray deegaanno ka tirsan gobalka Mudug . Deegaanada Kaxan-dhaale, Daca-dheer iyo deegaano kale ayaa mudooyinkii dambe waxaaa ku dagaalamayey maleshiyaad xoolo dhaqato ka soo jeeda, deegaanka , kuwaa oo isku haystay daaqsinka iyo waraabka biyaha Sarakiishaan ayaa sheegay in ay heshiis kala dhex dhigeen beelaha colaadu ay dhexmartay ,waxayna u rajeeyeen in aysan dib u soo laaban dagaaladaasi ka dhacay gobalka. Joojinta colaadaha u dhexeeya dadka xoolo dhaqatada ah waa dadaal ay wadaan dawlad goboleedka Galmudug iyo dawlada federaalka,kaas oo la doonayo in lagu nabadeeyo dadka walaalaha ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-21042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay waxaa sii xoogeestay caburinta ay weriyaasha kala kulmayaan dowladda Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira qaarkood. Weriyaal badan ayaa muddo ka yar 60 cesho loo geestay jirdil, xarig, hanjabaad iyo cabsi gelin waxayna weriyaashaan kala joogaan magaalooyinka kala ah Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Jowhar. Weriyaasha magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa ugu badan ee dhibaatada kala kulma ciidamada ammaanka, waxaana wali xabsiyada ku jira weriyaal aan wali maxkamad la soo taagin islamarkaana aan la ogeyn dambiyada loo heesto. Qaar kale ayaa sidoo kale lasii daayey kadib maalmo la hayey, halka qaarna si kooban inta loo xiro isla maalinkiiba lasii daayo. Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee lagu xiro weriye ama lagu dhibaateeyo ayaa muddo 24 saac gudahood ah waxay ka kala dhaceen Muqdisho iyo Baydhabo. Magaalada Baydhabo waxaa ku xiran weriyihii VOA-da Mukhtaar Maxamed Catoosh, halka Muqdisho 46 cesho uu ku xiran yahay Weriye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja. Waxaa sidoo kale saddex maalmood ka hor lasii daayey tifaftiraha warbaahinta Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye. Sidoo kale Gaalkacyo iyo magaalooyin kale ayaa kamid ah meelaha lagu dhibaateeyo saxafiyiinta Soomaaliyeed. Xaaladda ayaa u muuqata mid ka sii dareysa waxaana sii kordhaya cabsida saxafiyiinta Soomaaliyeed. Inkasta oo dowladda Soomaaliya horey loogu eedeeyey caburinta saxaafadda, haddana waxaa muuqata in ayada iyo maamul goboleedyada taageersan ay bilihii dhowaa laba-laabeen beegsiga suxufiyiinta. Ma cadda sababta xilliga kordhisay beegsiga, hase yeeshee dadka qaar ayaa ku macneeyey in la doonayo in lasii aamusiyo saxaafadda ka hor doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan bilaha soo socda.
-
Jowhar ( PPM) — The Governor of Hiiraan Mr Ali Jayte Osman urged Puntland President to rethink an instruction to Puntland traders to reduce the volume of commodities they market to other Somali regions. Mr Jayte criticised President for calling on local businesses to limit trade relations with Somali regions during the health emergency brought on by Covid-19. Hiiraan is one of the regions whose agricultural products constitute a large segment of Puntland economy. Hiiraan Governor said Puntland levies steep tax on products from Hiiraan. “Bosaso Port is a national Port. It is not a property of Puntland’s” Jayte said. “Hiiraan will stop selling agricultural products to Puntland and its traders will begin to rely on other ports if President Deni does not change his mind on limiting trade with Hiiraan” he added. Hiiraan Governor (right) takes President Deni (left) to task for a convoluted message In a speech to Puntland State businesses last week President Said Abdullahi Deni explained why he had accepted the judgement of business leaders in Puntland who “assured us that there will not be commodity shortages” despite marketing goods and commodities from Puntland to other regions in Somalia. President Deni surmised that emerging but unsubstantiated inflationary trends in Puntland result from commodity shortages. President Deni has warned against profiteering from the health emergency. “Inflation happens when there is less supply for the demand” President Deni said while implying food and commodities marketed to other Somali regions have caused inflationary pressures in Puntland. “Some traders may be tempted to exploit the situation either by raising prices or hoarding commodities ” says Mowlid Ali, an economist in Bosaso. Some business leaders have accused President Deni of making a wrong economic case for rationing. “The Government should not use fiat to make decisions with serious economic consequences. It should consult economists” says a Garowe-based businesswoman, who buys agricultural products from Hiiraan and Middle Shabelle regions. Puntland Post contacted Puntland State Minister for Commerce Abdullahi Abdi Hersi but was not available to comment. “The Governor of Hiiraan has twisted the words of President Deni, whom we assured of the availablity of enough stock of different commodities and goods and that trade with Somali regions will not lead to food shortages in Puntland. President Deni cannot stop us from trading with Somali regions” said a member of Puntland Chamber of Commerce, who prefers anonymity. © Puntland Post Monthly, 2020 The post Hiiraan Governor ‘twists’ President Deni’s words appeared first on Puntland Post.
-
Wareekto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa shaqadii looga joojiyay wasiir dowlaha wasaaradda dastuurka maamulkaasi ee Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo guddoomiyaha maxkamadda farcfaanka gobalka Shabeellaha dhexe Cali Cabdulle Nuur. Shaqo joojintaan ayaa timid ka dib markii wasiirkaan lagu soo eedeeyay inuu jabiyay amar la xiriira ka hortagga xanuunka Coronavirus islamarkaana uu sameeyay isu imaatin maadaama maamulka Hirshabeelle wasiir ka tirsanaa uu xanuunkaan u geeriyooday. Sidoo kale Cali Cabdulle Nuur oo ahaa guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobalka Shabeellaha dhexe ayaa isagane wareektadaan waxaa looga joojiyay shaqooyinkii uu hayay ka dib markii isaga lagu eedeeyay amar jabin ku aaddan ka hortagga COVID-19. Lama oga tallaabada xigta ee uu qaadi doono madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare ee ku aaddan masuuliyiintaan uu maanta shaqada ka joojiyay islamarkaana ka tirsan maamulkiisa. Halkaan ka akhriso dikareetada Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan oo yeeshay kulan dhanka mareegta Interneetka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka Soomaaliya marayo, gaar ahaan arrimaha la tacaalidda Xanuunka COVID-19. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in mudane Khayre uu mas’uuliyiinta kulanka qaybta ka ahaa ku war geliyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka. Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa safiirrada u sheegay in la joogo xilligii caawinta baahida ugu badan loo qabay, ayna muhiim tahay in sida ugu dhaqsaha badan dowlad gobaleedyada dalka looga dhiso min hal Isbitaal oo awood u leh la tacaaliida bukaannada uu haleelo COVID-19. Safiirrada iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo bogaadiyay dadaallada dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee ku wajahan la tacaalidda xanuunka Coronavirus ayaa ballan qaaday in dhammaan qorshayaashii howl-gallooda dalka ay u weecinayaan xakameynta COVID-19 iyo caawinta qoysaska danta yar ee Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Beesha caalamka oo sheegtay in Taageerada ay Soomaaliya siiso u weecinayso La tacaalidda COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Pyongyang (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil dowladeed ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un uu ku ku sugan yahay “xaalad halis ah” kadib markii qalliin looga sameeyey wadnaha. Taleefishinka CNN ayaa sarkaal sare oo Mareykan ah oo arrintan xog-ogaal u ah kasoo xigtay in Washington “ay isha ku hayso xog sirdoon” oo sheegeysa in xaaladda Kim ay liidato. Warbaahinta Bloomberg ayaa iyana kasoo xigatay sarkaal aan la magacaabin in xaaladda Kim ay ka dartay markii qalliinka lagu sameeyey. Kim ayaa la sheegay inuu seegay dabaal-degga sanad-guurada dhalashada awoowgiisa oo ku beegneyd 15-kii April, taasi oo dhalisay xan ku saabsan xaaladdiisa caafimaad. Waxaa kulan dowladeed lagu arkay afar maalin ka hor xilligaas. Sarkaal kale oo la hadlay CNN ayaa sheegay in ay jiraan walaacyo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Kim balse ay adag tahay in la qiimeeyo heerka ay le’eg tahay. Wargeyska Online ah oo lagu magacaabo Daily NK, oo fadhigiisu yahay Korea-da Koonfureed, ayna leeyihiin mucaaradka Pyongyang, ayaa weriyey in Kim lagu sameeyey qallin wadnaha 12-kii April. Kim ayaa qalliinka wadnaha loogu sameeyey sababo la xiriira “sigaar cabis xad dhaaf ah, cayil iyo shaqada oo ka tan badatay” sida uu weriyey wargeyska Daily NK, kaasi oo intaas ku daray in lagu daweynayo Villa ku taalla magaalada Hyangsan. Kadib markii la sheegay in xaaladdiisa ay horumar sameysay, ayaa inta badan shaqaalaha caafimaadka ee daweeyey ay kusoo laabteen Pyongyang 19-kii April. CNN ayaa intaas ku dartay in warbixinada Daily NK aan si madax-banaan loo xaqiijin karin. REUTERS
-
Gaariga la dhacay balse dib loo soo furtay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Karkaar, ayaa Maanta warbaahinta u soo bandhigay, Gaari nooca Xamuulka ah oo ay ka soo furteen dableey hubaysan, kuwaas oo xalay ku dhacay Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Qardho. Taliska ayaa sheegay, in saddex nin oo hubaysan ay Gaarigaas xalay ka dhaceen meel u dhexaysa magaalada Qardho iyo Tuulada Yakka ee Gobolka Karkaar, islamarkaan ay ula baxsadeen dhinaca Degmada Taleex ee Gobolka Sool, balse uu kaga xumaaday halka lagu magacaabo Dhaxan oo ka tirsan Sool. Saraakiisha Booliiska Gobolka Karkaar, waxay sheegeen in ay xoog ku soo furteen Gaarigaas Xamuulka ah iyo Alaabtii saarnayd, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen saddexdii nine ee Gaariga af-duubtay, kuwaas oo jeelka loo dhaadhiciyay. Sidoo kale, Saraakiisha ayaa u mahadceliyay Ciidanka Booliiska Gobolka Karkaar, oo u hawlgalay in ay soo bad-baadiyaan Gaarigaas Xamuulka ah iyo dhammaan ALaabtii saarnayd. PUNTLAND POST The post Qardho: Gaari la dhacay iyo Dableeydii la baxsatay oo la soo qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Deeqdan ayaa Hay’adda Hormuud Telecom Foundation waxay maanta u qeybisay, ilaa 10kun qoys oo ka mid ah Qoysaska Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan degaanka km-13 Qeybinta Deeqdan ayaa waxay horudhac u tahay Barnaamijka Taakuleynta Dadka danyar ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay Caawinaada u sameyso Hay’adda Hormuud Telecom Foundation. Sidoo kale Hay’adda Hormuud telecom foundation ayaa deeqdan waxay ugu talagashay in ay ka faa’ideystaan Dadka nugul ee aan awoodin inay helaan waxyaabaha Aas Aasiga ah ee nolosha looga maarmin. Qaar ka mid ah Dadka la siiyay deeqdan oo la hadlay warbaahinta ayaa u mahad celiyay Madaxda ugu sareysay Hay’adda Hormuud telecom foundation iyagoo sheegay in qeybinta deeqdan lagu soo beegay xiligii ay u baahnaayeen Madaama ay ku jiraan Diyaargarowga Fadliga Bisha Barakeysan oo Fooda nagu soo heysa. Cabdulahi Nuur Cismaan Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Foundation ayaa warbaahinta u sheegay in barnaamijkan uu daah fur u yahay Deeq noocaan oo kale oo maalmahan soo socda la siin doono dadka u baahan gar gaarka Sidoo kale Gudoomiyaha Hay’adda Hormud Foundation waxaa uu sheegay in kaalmooyinka noocaan ah ay ugu talagaleen dadka soomaaliyeed in ay si weyn uga faa’ideystaan Gudashada Fadliga Bisha barakeysan ee Ramadaan Sanad Walba Marka la gaaro bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa sidan oo kale Hay’adda hormuud Foundation waxay Caawinaad u sameysa dadka Somaaliyeed ee ku nool guud ahaan gobolada Dalka oo dhan. halkaan ka daawo sawirrada Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka Gobalka Banaadir oo uu hor boodayo duqa caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa waxa ay sheegeen inay magaalada Muqdisho ka bilaabeen olo’ole caasimadda looga buufinayo cudurka Coronavirus ee saameynta ku yeeshay caalaka oo idil. Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir waxaana olo’olahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Filish ayaa sheegay in maamulkiisa iyo xukuumadda dhexe ay isla garteen in xilliga habeenkii ah oo ay magaaladu bandowga tahay in guud ahaan magaalada Muqdisho laga buufin doono xanuunka COVID-19, waxaana intaas uu hadalkiisa ku daray inay sii wadi doonaan wax kasta oo cudurkaan looga hortagi karo. Cudurka Coronavirus ayaa haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya maadaadama wasaaradda caafimaadka dalka ay xaqiijiyay tirade guud ee dadka laga helay cudurkaan inay gaarayaan 237 qof halka ay Soomaaliya xanuunkaan ugu geeriyoodeen 7, waxaana wasaaraddu ay sidoo kale sheegtay in COVID-19 ay ka bogsatay 3 ruux. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa waxa uu si kulul uga jawaabay hadal dhowaan ka soo baxaya madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni kaasi oo ku aaddanaa in ganacsatada reer Puntland aysan wax badeeco ah u dirin deegaanno kale oo ka baxsan kuwa Puntland. Guddoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan ayaa hoosta ka xariiqay in haddii maamulka Puntland aysan ka laaban hadalkaasi ay iyaguna ka bixin doonaan jawaab ku haboon hadalkaasi oo uu madaxweyne Deni ku fasiray in la beekhaaminayo raashinka yaal deegaannadooda. Cali Jeyte Cusmaan ayaa waxaa uu ku hanjabay in ay canshuur xad dhaaf ah saari doonaan badeecada ay u iib geeyaan deegannada Puntland isaga oo ku goodiyay in tanagga yaanyada ah ay canshuuri doonaan lacag dhan 20 doolar, waxa uuna ka dhawaajiyay in aysan iyagu joojin doonaanin badeecahada ay halkaasi u diraan. Lama oga halka uu sal dhigan doono khilaafkaan iminka soo kala dhexgalay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi deni iyo guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan, inkastoo wali aysan jirin hadallo ka soo baxay ganacsatada labada dhinac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hiiraan governor slams President Deni for divisive comments
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - The newly minted governor of Hiiraan, Ali Jeyte Osman has expressed his disappointment in the recent remarks made by the Puntland President Said Deni about sharing food resources during the COVID pandemic. Source: Hiiraan Online -
Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta shir ku saabsan hogaaminta iyo ansixinta mashaariicda Cadaaladda ee dalka, waxa uu la qaatay Hay’adaha Bahda Cadaaladda Federaal-ka iyo dhinaca kale Deeqbixiyeyaasha taageera Bahda Cadaaladda Soomaaliya iyo Saaxiibada la shaqeeya ee isugu jira Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo kale oo caalami ah. Shirka oo ka qabsoomay Khadka Video-ga ee Internet-ka, waxaa wada-shirgudoominayey Wasiirka Cadaaladda Abukaato Xasan Xuseen Xaaji iyo madaxda UNDP-Soomaaliya iyo UNSOM madaxa qeybta Cadaaladda iyo Amniga. Waxaa shirka goob joog ahaa deeq bixiye yaasha sida Netherland, Midowga yurub iyo Sweden Waxaan lagu anisixiyey howl qorsheyntii 2020 oo dib u eegis iyo wax ku dar lagu sameeyey. Sidoo kale, waxaa lagu anisixiyey in mashruuca waqtigiisa ku egyahay 2020 laagaarsiiyo 2021 si hakad uusan ugu iman adeegga cadaalladda ee loo hayo dadka. PUNTLAND POST The post Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo Shir la qaatay hay’adaha Taageera Bahda Cadaaladda dalka appeared first on Puntland Post.
-
Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil dowladeed ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un uu ku ku sugan yahay “xaalad halis ah” kadib markii qalliin looga sameeyey wadnaha. Taleefishinka CNN ayaa sarkaal sare oo Mareykan ah oo arrintan xog-ogaal u ah kasoo xigtay in Washington “ay isha ku hayso xog sirdoon” oo sheegeysa in xaaladda Kim ay liidato. Warbaahinta Bloomberg ayaa iyana kasoo xigatay sarkaal aan la magacaabin in xaaladda Kim ay ka dartay markii qalliinka lagu sameeyey. Kim ayaa la sheegay inuu seegay dabaal-degga sanad-guurada dhalashada awoowgiisa oo ku beegneyd 15-kii April, taasi oo dhalisay xan ku saabsan xaaladdiisa caafimaad. Waxaa kulan dowladeed lagu arkay afar maalin ka hor xilligaas. Sarkaal kale oo la hadlay CNN ayaa sheegay in ay jiraan walaacyo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Kim balse ay adag tahay in la qiimeeyo heerka ay le’eg tahay. Wargeyska Online ah oo lagu magacaabo Daily NK, oo fadhigiisu yahay Korea-da Koonfureed, ayna leeyihiin mucaaradka Pyongyang, ayaa weriyey in Kim lagu sameeyey qallin wadnaha 12-kii April. Kim ayaa qalliinka wadnaha loogu sameeyey sababo la xiriira “sigaar cabis xad dhaaf ah, cayil iyo shaqada oo ka tan badatay” sida uu weriyey wargeyska Daily NK, kaasi oo intaas ku daray in lagu daweynayo Villa ku taalla magaalada Hyangsan. Kadib markii la sheegay in xaaladdiisa ay horumar sameysay, ayaa inta badan shaqaalaha caafimaadka ee daweeyey ay kusoo laabteen Pyongyang 19-kii April. CNN ayaa intaas ku dartay in warbixinada Daily NK aan si madax-banaan loo xaqiijin karin. Si kastaba, saraakiisha China iyo Korea-da Koonfureed ayaa shaki geliyey warbixinada sheegaya in Kim uu xanuunsan yahay. Laba sarkaal oo ka tirsan dowladda Korea-da Koonfureed ayaa ku gacan seeray warbixinta CNN, ayaga oo aan sharxin in Kim uu qalliin maray iyo in kale. Madaxtooyada Korea-da Koonfureed ayaa sheegtay inaysan jirin wax astaamo qayrul caadi ah oo ka imanaya dalka Korea-da Waqooyi. Sidoo kale sarkaal ka tirsan xisbiga shuuciga ah ee maamula Shiinaha, gaar ahaan qeybta qaabilsan arrimaha Korea-da Waqooyi ayaa Reuters u sheegay inay rumeysan yihiin in Kim uusan xanuunsaneyn. China ayaa ah xulufada ugu weyn ee Korea-da Waqooyi. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Warar is-khilaafsan oo laga werinayo xaaladda caafimaad ee Kim Jong Un appeared first on Puntland Post.
-
Galmudug oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug, Naciimo Maxamed Catoosh ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeeyey ee cudurka halista badan Covid-19 laga helay deegaanada maamulkaasi. Wasiirada ayaa sheegtay in qofka laga helay xanuunka haatan lagu hayo isbitaalka weyn ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Sidoo kale Naciimo Maxamed Catoosh ayaa carabka ku dhufatay inay jiraan dad kale oo looga shakiyey cudurka Coronavirus, kuwaas oo ay shaacisay nay ku kala sugan yihiin magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Caabudwaaq oo hoostaga maamulkaasi. Wasiir Naciimo ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in ka maamul ahaan ay diyaariyeen isbitaal haddii ay xaalado soo baxaan lagu daaweeyo. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanada Galmudug inay muujiyaan taxadar, islamarkaana ay qaataan talooyinka caafimaadka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu marba marka ka dambeyso cudurka Covid-19 uu ku sii baahayo gudaha dalka, kaas oo kiisas ugu badan laga helay Muqdisho. Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa illaa iyo hadda shaacisay kiisas gaaraya illaa 237 qof, iyadoo dhimashaduna ay mareyso 8 ruux. -
Midowga Yurub ayaa Soomaalida ugu deeqay 27 milyan oo Euro, oo loogu tallo galay la dagaalanka Covid_19. Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga, ayaa kulan uu Hargeysa kula yeeshay ururada bulshada oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnayeen, wuxuu ku sheegay in lacagtaas oo uu Midowga Yurub soo marin doono dawladda Soomaaliya ay Midow Yurub ahaan ugu tallo galeen inay Somaliland hesho 10 milyan oo Euro oo ka mid ah, waxaanu ururada ka codsaday inay dabo-gal ku sameeyaan qorshahan Midowga Yurub si ay lacagtaasi u soo gaadho Somaliland. Hase yeeshee waxa yaab noqday ka dib markii ay toddobaadkan Ururka Midowga Yurub iyo Ergayguba bartooda twitterka ku baahiyeen qorshe ka duwan oo ah in dhaqaalihii dhammaa 27 Milyan ee Euro laga saaray qaybtii Somaliland oo badankiisa la geliyay miisaaniyadda dawladda Soomaaliya iyo horumarinta imkaaniyaadka gobalka Banaadir. Sida ka muuqata Jaantuuska lagu baahiyay barta twitterka ee xafiiska Midowga Yurub ee Soomaalida qaabilsan 55.6% ka mid ah lacagtaas oo qiyaastii ah 15 million oo Euro, waxa toos loogu taageerayaa miisaaniyadda dawladda Soomaaliya, halka 20.4% milyan oo lacagtaas ka mid ah oo u dhiganta 5.5 milyan Euro loogu tallo galay horumarinta baahiyaha caafimaad ee gobalka Banaadir, iyadoo 24.1% oo u dhiganta 6.5 milyan loogu tallo galay wacyigelinta iyo kaabayaasha caafimaadka ee dhammaan dhulka oo dhan. Qaybtan dambe ee dhan 24.1% ayaa loogu tallo galay maamul goboleedyada ka tirsan dawladda Soomaaliya oo loo qaybin doono. Si rasmi ah looma garanayo sababta uu Midowga Yurub u bedelay qorshihii uu hore u dejistay, meeshana uga saaray qoondadii ay ugu tallo galeen Somaliland. Laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in dawladda Soomaaliya ay iyadu samaysay qorshahan oo ay ku laashay qorshihii uu Midowga Yurub hore u dejiyay ee uu qaybteeda ku siiyay Somaliland, ka dib markii ay shir dhinaca telefoonka ah yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo xubno ka tirsan saraakiisha Midowga Yurub. Lama oga in dawladda Somaliland la socoto qorshahan lagu qadiyay Somaliland ee meesha lagaga saaray qaybtii ay Somaliland ka heli lahayd deeqdan. Laakiin xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ayaa Geeska Afrika u sheegay inay walaacooda arrintan la xidhiidha qoraal ahaan ku gaadhsiiyeen ergayga Midowga Yurub oo aanay weli jawaab ka helin. Wasaaradaha qorshaynta iyo arrimaha dibadda oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo arrintan ayaanay noo suurtogelin. Xukuumadda Somaliland iyo ergayga Midowga Yurub ayaa muddooyinkan dambe aad isugu soo dhawaaday ka dib markii uu diblomaasigani dhexdhexaadiyay Madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiyada mucaaradka oo uu dhex dhigay heshiis dejiyay xiisadii siyaasadeed ee ka dhalatay guddiga doorashooyinka qaranka. Source
-
Toronto (HOL) - The Toronto Development Association of Youth (TODAY) group has announced that the annual Somali Week tournament held in Toronto will be cancelled because of the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Riyadh)-Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inay bilaabeen maraakiibtooda inay isticmaalaan khad cusub oo u dhaxeeya iyaga iyo dalalka Bariga Afrika, wakaalada wararka Sacuudiga (SPA) ayaa werisay sidaa. Ku dhawaaqistaan ayaa ku soo beegmaysa xilli Sacuudi Carabiya ay kor u qaadday maalgashiga dekeddeeda warshadaha King Fahd ee ku taalla xeebta Badda Cas si ay u buuxiso baahiyaha gobolka. Khadkan cusub ee maraakiibta ayaa gacan ka geysan doona kor u qaadista gaadiidka xeebaha ee u dhexeeya dekedaha Boqortooyada iyo dekedaha Bariga Afrika. Sacuudigu wuxuu sheegay inuu khadkan bixin doona adeeg toos ah oo toddobaadle ah oo cusub oo u dhaxeeya Boqortooyada, Kenya Somaliland iyo Soomaaliya iyada oo loo sii marinayo 4 markab oo heeggan ah. Source
