-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa xalay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde soo caga dhigatay diyaarad sidday muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo ku xayirnaa dalka Turkiga ka dib saameyntii ka dhalatay xanuunka COVID-19. Muwaadiniinta laga soo qaaday dallka Turkiga ee xalay Muqdisho soo gaaray ayaa gaaraya 58 ruux, waxaana soo celinta dadkaan ka shaqeysay safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb Jaamac Caydiid ayaa dowladda madaxweyne Erdogan uga mahadceliyay sida loogu fududeeyay in dadkaasi laga soo daabulo magaalooyinka Ankara iyo Istanbuul, waxaana dadkaasi kala bar laga soo qaaday magaalada Ankara. Dhanka kale isla diyaaradaan oo la yiraahdo Turkish Airlines ayaa magaalada Muqdisho waxa ay ka qaaday 101 muwaadin oo u dhalatay dalka Turkiga kuwaas oo iyaguna halkaan ku xayirnaa. Tan iyo markii uu baahay saameynta cudurka Coronavirus ayaa waxaa kala xirmay dhamaan isku socodkii caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle isaga horyimid degmooyinka Xamar-Weyne iyo Heliwaa oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir. Labada degmo oo ku wada jiray Group-ka B, is aragiisa koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa soo bandhigay tartan aad u xiiso badan. Tartanka ayaa ku soo idlaaday bar-bar dhac, kadib markii Xamar-Weyne ay la timid 12 dhibcood, halka si la mid ahna Heliwaa ay keensatay 12 buundo, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka Shabelle, Xasan-Weli Sheekh Abuubakar. Waa habeenkii saddexaad ee uu tartanka ku dhammaanayo bar-bar dhac, iyadoona natiijo isla mid ah ay la yimaadeen degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley oo isku beegmay iyo sidoo kaleKaaraan iyo Howlwadaag oo iyana bar-bar dhac galay. Caawa waxaa tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo galaya habeenkiisa 4-aad ku ballansan Balcad iyo Dayniile oo kala matali doono gobollada Banaadir iyo Sh/Dhexe. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
-
Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dil qorsheysan Boosaaso loogu geystay askari ka tirsanaa ciidanka amniga Puntland. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cumar Maxamed Yuusuf, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in dilka ka hor uu iska hor imaad dhex-maray ragga weerarka fuliyey iyo askariga oo dhaawac ahaan markii dambe u geeriyooday. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen raggii ka dambeeyey toogashadaasi, iyagoona horay u sii qaatay qorigii uu watay askarigaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan Al-Shabaab iyo Daacish ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya deegaanada maamulka Puntland, kuwaas oo weli ku xoogan gobolka Bari. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo saacadihii hore ee saaka askari ka tirsanaa ciidanka amaanka ee dowlad goboleedka Puntland loogu geystay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dilka oo ay fuliyeen kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa askariga loo geystay magaciisa lagu sheegay Cumar Maxamed Yuusuf. Wararka ayaa sheegaya in dilka ka hor uu iska hor imaad kooban dhex-maray kooxda wararkaasi fulisay iyo askariga oo dhaawac ahaan markii dambe u geeriyooday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga ka dambeeyey toogashadaasi ay horay u sii qaateen qorigii uu watay marxuumka, iyagoona goobta ka baxsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland ayaa sidoo kale gaaray meesha uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka Puntland ay ka bixiyeen dilkaasi iyo howlgallada xigay intaba. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Boosaaso ka dhacayey falal liddi ku ah nabad-gelyada, kuwaas oo u badnaa dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegteen Al-Shabaab.
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay guryahooda ku booqday qoysaskii ay ka baxeen Allaha u naxariisto Madiina Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe oo si sharci darra ah lagu dilay in kastoo dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay gacan ku dhiiglihii dilkaas geystay. Filish ayaa qoysaskii uu la kulmay u sheegay in maamulka gobolka uu ka faala qaaday nolashooda, islamarkaana dhawaan sharciga la horkeeni doono askarigii dilka geystay. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-260420-Okey.mp3 View the full article
-
Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa ka hadashay dacwadda ay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay sheegtay inay ka gudbisay weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda Codka Mareykanka ee VOA. 23-kii bishan, Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliay, ayaa qoraal kooban oo dhigtay barta twitter-ka ku tiri “NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista gal-dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon.” Qoraal ay Ilhaan soo saartay ayey arrintan ku qeexday “olole cabsi gelin ah, oo aad looga walaaco, islamarkaana aan la aqbali karin.” “Ololaha cabsiga gelinta ee ka dhanka ah Haaruun Macruuf waa kuwa si qoto-dheer looga wel-welo. Weeraradan, iyo sidoo kale xarigii 14-kii April loogu gaystay weriye Cabdicasii Axmed Gurbiye ka warramidiisa saameynta COVID-19 ee Soomaaliya, waa xadgudub aan la aqbali karin oo lagu sameeyey xuquuqda aas-aasiga ah ee bani’aadamka,” ayey tiri Ilhaan. Hoos ka aqrio qoraalka Ilhaan oo dhameystiran. “Shaqadayda kamid ahaanshaha aqalka arrimaha dibadda ee xubnaha Xildhibaanadda, Ilaalinta xaquuqda iyo xorriyaddaa saxaafaddu waxay ka mid yihiin arrimaha aan siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba u aaminsanahay. Haddii ay noqon lahayd in caddaalad loo helo dilkii Jamal Khashoggi, uqareemidda in xabsiyada laga sii daayo suxufiyiinta xabsiyadda ku jira amaba dhawrista xaquuqda jiritaanka saxaafadda madaxa banaan inay ka hadlaan arrimaha gudaha wadankan si aan cabsi lahayn, Kamana reebana aragtidayda ku aadan in saxaafadda xorta ahi ay aasaas u tahay umad leh qaab demoqoraadi ah. “Hanjabaadaha joogtada ah ee hayada Nabadsugidda Soomaaliya ay kula kacday wariye Harun Macruf waa wax aan aad uga calool xumaaday. Ladagaalankaan oo ay kamid ahayd tii lagu xiray Iyana 14kii bisha afaraad Abdiaziz Ahmed Gudbiye asagoo kasoo waramaya cudurka caabuqa ee COVID-19 ee Soomaaliya maahan arrin la aqbali karo, waana xadgudub xaqqda bini’aadanka ah. “Dawladda dhexe ee Soomaaliya waxay qayb ka ahayd is hortaaga xaquuqahaas iyo xadgudyadda lagula kaco saxaafadda sanaddihii lasoo dhaafay. Waxaan si joogtay isu garab istaagay sidii daymaha looga cafin lahaa Soomaaliya si loogu tilaabsado horumar waara. Waxaase sii kordhayay caga juglaynta, cabsigalinta, iyo xariga saxufiyiinta ay ka midyihiin Harun iyo Abdiaziz ayaa wuxuu kamid yahay dib u dhaca saxaafadda.”
-
The first person in Sadad Dakhare’s two-bedroom apartment in Oslo, Norway, to show symptoms was his 4-year-old niece. Next, his mother, his sister and he himself fell ill. Then, about a week after his niece became sick, Dakhare heard his 76-year-old father coughing heavily. Source: Hiiraan Online
-
Death toll stands at 2; overall case count rises to 1,008 Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa xalay muwaadiniinteeda kala baxday magaalada Muqdisho, xilli ay sii kordhayaan kiisaska cudurka Coronavirus ee dalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in tallaabadan la qaaday ayada oo ay qeyb ka tahay taxaddarka madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ee looga hortagao faafitaanka cudurka Coronavirus. “Sababo la xiriira taxaddarada uu madaxweynaha qaatay si looga hortago faafitaanka COVID-19, muwaadiniinteena ku sugnaa Soomaaliya, waxaa si ku-meel gaar ah looga qaaday Muqdisho laguna celiyey Turkiga, si waafaqsan amarka dhammaan muwaadiniinteena ku sugan dibedda lagu keenayo Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda. Safaaradda ma aysan shaacin tirada muwaadniinta la waday, hase yeeshee ilo-wareedyo ku dhow ayaa Caasimada Online u sheegay inay ahaayeen illaa 101 muwaadin. Dhinaca kale, diyaaradda qaaday muwaadiniinta Turkiga ee Turkish Airlines ayaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo dejisay dad Soomaaliyeed oo ay kasoo qaaday dalka Turkiga. Illaa 58 qof ayaa la sheegay inay la socdeen diyaaradan kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Waxaa jira dalal kale oo caalamka ah oo ay ku xayiranyihiin dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo wajahaya duruufo kala duwan, qaarkoodna lasoo sheegayo inay sahaydii ka go’day. Dowladda Federaalka ayaa maalmo ka hor guddi u xil saartay inay kasoo tala bixiyaan sidii dalka loogu soo daabuli lahaa muwaadiniinta ku xayiran wadamada caalamka. Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa sheegay in dadka ugu badan ay ku xayiranyihiin wadamada Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.
-
RIYADH: The Saudi minister of industry and mineral resources, Bandar Al-Khorayef, has issued seven decisions relating to the largest allocation process for mining-reserve sites in the Kingdom. Source: Hiiraan Online
-
the Aurora Humanitarian Initiative hosted an online discussion to honor those who perished a century ago and celebrate modern heroes, including those fighting the global outbreak of COVID-19. In accordance with the symbolic traditions upheld by the Initiative for many years Source: Hiiraan Online
-
Officials tell Al Jazeera Sudan transitional gov't in process of handing over Port Sudan facility to UAE giant DP World. Source: Hiiraan Online
-
A second wave of locusts is expected to cause severe damage in Eastern Africa, two months after a group of dangerous pests invaded the region shortly before the outbreak of the coronavirus. ”It seems that those who escaped COVID-19 will face locusts,” said Akinwumi Adesina, President of the African Development Bank and former Nigerian Agriculture Minister. Source: Hiiraan Online
-
Regional security agencies must beware of a potential new wave of violent extremism in the season of Covid-19. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The Turkish Embassy in Somalia has announced that it has begun repatriating it's citizens in the country as a precaution to prevent the spread of COVID-19, according to a statement released on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Somali and the African Union forces on Friday destroyed two al-Shabab explosive vehicles and foiled a suicide bomb attack at the AU mission’s base in Barawe city, about 270kms southwest of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Pyongyang (Caasimada Online) – Xaaladda caafimaada ee hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa lagu warramay inay tahay “miyir uusan lahayn” kadib markii qalliin guul-darreystay looga sameeyey wadnaha, sida laga soo xigtay dhaqaatiirtii daweysay. Inkastoo warar qaar ay werinayaan inuuba dhintay, haddana warbaahinta lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan inuu ku sugan yahay xaalad aad u liidata. Wargeyska toddobaadlaha ah ee dalka Japan ee Shukan Gendai ayaa weriyey in xubin ka mid koox caafimaad oo Shiinaha ay u direen Korea-da Waqooyi uu xaaladda Kim u sharxay tifaftiraha saree e Wargeyska Kondm Daisuke. Dhaqtarkan ayaa sheegay in intii lagu guda jiray booqasho uu horraantii bishan ku tegay baadiyaha, uu Kim wadnaha qabsaday kadibna dhulka ku dhacay. Dhaqtar wehliyey ayaa durba siiyey neef, kadibna waxaa loola cararay qeybta xaaladda deg degga ee isbitaal ka ag dhowaa, halkaas oo looga sameeyey qalliin dhinac wadnaha ah. Kooxda caafimaadka ayaa rumeysan in qalliinka fududaa, balse daahitaan dhacay uu sababay in Kim Jong un uu galo xaalad halis ah. “Kim wuu soo jeedaa, wuu ku eegayaa balse ma lahan wax dareen warqab ah,” ayuu yiri. Shiinaha ayaa markaas kadib koox caafimaad u diray Korea-da Waqooyi, si ay u talo-siiyaan, sida laga soo xigtay dad xog-ogaal u ahaa arritan. Wafdi ka socda qeybta xiriirka caalamiga ah ee xisbiga xukumada Shiinaha ayaa sidoo kale khamiistii ka tegay Beijing ayaga oo aaday Korea-da Waqooyi, sida ay Reuters kasoo xigatay laba qof oo xog-ogaal ah. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo wargeyska fadhigiis yahay Seoul ee Daily NK, uu horraantii toddobaadkan weriyey in Kim uu kasoo kabanayo qalliin wadnaha looga sameeyey 12-kii April. Kim, oo la rumeysan yahay inuu 36 jir, ayaa muddo dhowr toddobaad ah kasoo muuqan warbaahinta dowladda, taasi oo shaki sii gelisay xaaladdiisa caafimaadka. Inkasta oo Korea-da Waqooyi weli aysan shaacin cidda beddeli doonta, haddii uu geeriyoodo ama xaalad caafimaad darteed oo shaqeyn kari waayo, haddana khubarada ayaa rumeysan in walaashiid Kim Yo Jong ay noqon doonta hogaamiyaha cusub ee Korea-da Waqooyi, ugu yaraan muddada xaaladda kala-guurka ah. Khubaro kale ayaa rumeysan in Korea-da Waqooyi ay si wadajir ah u maamuli doonaan hoggaanka ama dadka ugu xisbiga talada haya, si la mid ah Midowga Soviet kadib geeridii Stalin.
-
Kiisaska Cudurka Coronavirus oo gaadhay 390 Ruux gudaha Soomaaliya. 62 bukaan oo cusub ayaa maanta laga helay Cudurka Covid-19 gudaha Soomaaliya sida ay xaqiijisay Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya 18 kamid ah ayaa dheddig ah, halka 44 ay lab yihiin. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fawsiya Abiikar Nuur, oo Galabta soo gudbisay warbixinta xanuunka COVID-19, ayaa sidoo kale sheegtay in laba ruux ay u geeriyoodeen cudurka halka laba kalena ka bogsadeen. Wasiir Fawsiya, ayaa sheegtay in tirada guud ee bukaannada laga helay COVID-19 ee dalka ay gaadhay 390 qof, halka tirada dadka u geeriyooday ay gaadhtay 18 ruux, sidoo kalena ay ka bogsoodeen 10 bukaan. Marwo Fawsiya, ayaa sidoo kale dadweynaha ugu baaqday in ay taxaddar ka muujiyaan xanuunka COVID-19, islamarkaana ay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago faafidda xanuunka. Qaran News
-
Dil Argagax leh oo ka dhacay Puntland Marxuumka la dilay Cumar Maxamed Yuusuf Ilo’ wareedyo ku sugan Boosaaso, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in Boosaaso lagu dilay marxuum Cumar Maxamed Yuusuf, oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska Puntland. Dableey hubaysan, ayaa abbaare 10:00 subaxnimo ee shalay, waxay gudaha Boosaaso ku weerareen askarigan, xilli uu ku sugnaa isgoyska laga raaco baabuurta u baxda magaalada Qardho, Is-rasaasayn mudda daqiiqado ah socotay, ayaa dhexmartay askariga iyo kooxda soo weerartay oo ka koobnaa lix nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo aan weli xaqiijin ciday yihiin & Halkay ka tirsan yihiin Waxaase xusid mudan, in mudadii Rasaastu dhexmaraysay askariga iyo kooxda hubaysan, aysan jirin cid u soo gurmatay, waxaana marxuumka jidhkiisa ku dhacay ilaa sideed xabbadood oo ay rideen kooxdii soo weerartay, kuwaas oo u gaystay dhaawac culus oo uu markii dambe u geeriyooday. Sida ay xaqiijiyeen ilo’ wareedyo sugan, isgoyska dilku ka dhacay oo xilligaas ahaa mid mashquul badan, waxaa dadkii halkaas ku sugnaa ay noqdeen kuwa cararay, kuwa goobahooda ganacsiga hoosta ka xidhay iyo kuwa iska daawanayay askariga la dilayo. Dableeydii marxuumka dilay oo aan weli dhinac ay ka tirsan yihiin la xaqiijin, ayaa goobta isaga tegay, waxaana ay sii qaateen qorigii uu watay askariga oo uu daqiiqado ku dagaallamayey. Dilkaas ayaa ku soo beegmaya, xilli uu sii xumaanayo Amniga magaalada Boosaaso, halkaas oo dilal qorshaysan ka dhacayeen todobaadyadii u dambeeyay. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ka digtay xeelado ay sheegtay inay kaga faa’iideysan karaan cadowgeedu, kuwaasi oo khal-khal gelin karaya nabad-gelyada ay mudada badan ku naaloonaysay Somaliland. Yaasiin Faratoon, Wasiirka arrimaha dibada Somaliland, ayaa sheegay in xeeladahaasi looga faa’iideysan karo Somaliland, ay kow ka tahay dagaalka beeleysan ee inta badan ku soo noq-noqday deegaano ka tirsan maamulkooda, kuwaasi oo horseeday khasaaro nafeed. Faratoon ayaa ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto ilaalinta nabad-gelyada, iyada oo gacmaha la iswada haystana laga hortago cadowga uu sheegay inuu ka faa’iideysanayo dagaaladaasi. “Ha laga digtoonado dagaal beelaysan iyo xeelad kasta oo cadageenu inaga ga faa’iidaysan karo, isku duubnideena iyo ilaalinta nabadgalyadeena meel aynu uga soo wada jeedsano, qabyaaladdana ha laga dheerado” ayuu yiri Wasiir Yaasiin Faratoon. Wasiirka ayaa waxa kale oo uu ka hadlay xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, isagoona soo jeediyey in loo dhago nuglaado oo la qaato talooyinka caafimaad ee looga hortago cudurkaasi, wuxuuna yiri: “Xanuunka Coronvirus maaha xanuun sahlan oo la fududaysan karo, mana ah xanuun la mid ah xanuunnada kale ee jira, waa xanuun sababay inay dad badan oo ku kala nool daafaha dunida iyo qaaradaha dunida u dhinteen, dad badana u liitaan, waana xanuun si yar oo fudud loo kala qaadayo, si deg-degna u fidiya, waxaana tusaale inoogu filan qaabka uu xanuunkani go’doonka u galiyey caalamkii”. “Sidaas awgeed in la qaato awaariinta lagaga hor tagayo xanuunkan ayaa haboon, wacyigelinta iyo awaamiirta ay Dawladdo waddana maaha in la fududaysato, ee waa in sidooda loo qaadata, maxaa yeelay Dawladdu dadkeeda lexejeclo ayey ka qabtaa, xaalad kasta oo ay ku badbaadinaysana waa u diyaar inay ku dhaqaaqdo, qaadkana sababta loo joojiyey waa in taxadir badan la sameeyo”.
-
Boris Johnson muxuu ka aaminsan yahay qaaradda Afrika?+Maantoo u xilka Dib ula wareegayo Boris Johsnon ayaa xilka la wareegayo maanta Boris Johnson, ka dib marka uu la wareego xilka Ra’iisulwasaaraha, wuxuu wajahayaa caqabado Theresa May ku kallifay in ay iska casisho jagada. Waxaa caqabadahaas ka mid ah in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub. Heshiisyadii hore ee May waxaa diiday Baarlamaanka. Balse taasi ka dib muxuu yahay qorshihiisa ku wajahan Afrika? Waxaa suuragal ah in hadallo aan wanaagsaneyn ay ku jiraan wixii uu horey uga sheegay Afrika. Warbixin uu qray sanadkii 2002, ka dib booqasho uu ku tegay Uganda, nuxurkeeda waxaa ka mid ahaa inuu yiri: “Dhibaatada haysata Afrika ma aha inaan mar xukumi jirnay, ee waa in aynaan hadda gacanta inoogu jirin”. Wuxuu inta ku daray in “nidaamkii gumaystaha uu soo afjaray adoonsiga uuna keenay falashadda beeraha, halka dedaallada caawinta ay keenaan gabaabis dhanka siyaasadda ah. Isla sannadkaasi ayaa warbixin uu ku qoray wageyska Daily Telegraph, waxa uu ku sheegay in dalalka Barwaaqa-Sooranka ah ay boqoradda u hibeyn jireen “carruur madow oo sacabka iyo calan ruxidda ku wanaagsan”. Intii uu ahaa xoghayaha arrimaha dibadda ee UK, dalalkii uu booqday waxaa ka mid ahaa Soomaaliya Sanadkii 2016 wuxuu wargeyska the Sun ku qoray in madaxweyne Barrack Obama uu “naceyb soojireen ah u qabo Boqortooyadda Britain” maadaama uu “Asal ahaan ka soo jeedo Kenya”. In kastoo aanu ka xishoon hadalladaasi adag, haddana marka uu xilka la wareego, wuxuu xoogga saari doona ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, taasoo qeyb ay ka tahay inuu heshiisyo ganacsi la saxiixdo dalalka Afrika. Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dalalka Afrika ayaa durbadiiba soo dhaweeyay xilka loo dhiibay Boris Johnson. Madaxda qaaradda Afrika ee ka hadlay doorashadiisa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Ghana iyo kan Zimbabwe oo sheegay inuu doonayo “xiriir aad u dhaw ay yeeshaan labada dal”. Warm congratulations to @BorisJohnson on his decisive election as the leader of the @Conservatives and Prime Minister of the United Kingdom. Best wishes for his success, and I look forward to working with him to strengthen the already strong ties between our two countries. pic.twitter.com/64Iycx0FKR — Nana Akufo-Addo (@NAkufoAddo) July 23, 2019 Congratulations @BorisJohnson on your election as leader of the Conservative Party and on becoming Prime Minister of the UK. I wish you good luck for the journey ahead, and look forward to building ever closer ties between our two nations under your leadership — President of Zimbabwe (@edmnangagwa) July 23, 2019 Sidoo kale madaxdii u hambalyeesay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bartiisaTwiter-ka ku sheegay in uu rajeynayo inay ka wada shaqeeyaan danaha labada dal. Congratulations to @BorisJohnson on being elected to become the new Prime Minister of the United Kingdom. My best wishes as you begin your leadership at @10DowningStreet. We look forward to working with you to secure the great future we envision for our countries. — Mohamed Farmaajo (@M_Farmaajo) July 23, 2019 Qaran News
