Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in dalka laga diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19, halka Sedax bukaan oo cusub ay cudurka ugu geeriyoodeen gobalka Banaadir, Puntiland iyo Somaliland. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 48 kamid ah bukaannda cusub ay yihiin, halka 22-na ay yihiin haween. Saddex qof oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka, sida ay sheegtay wasaaradda. Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, 67 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, sedaxda-na waxay ku suganyihiin Somaliland. Tirada xaaladaha COVID-19 ee wasaaradda caafimaadku ay dalka ka diiwaan gelisay ayaa gaartay 670, waxaa cudurka ka bogsooday 34 qof. 31 qof oo kale ayaana u geeriyooday. Dowladda oo wadda dadaallo looga hor-tegayo laguna xakameynayo faafitaanka COVID-19, ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiisay dowlad gobaleedyada dalka si ay awood ugu yeeshaan la tacaalidda Feyruska Karoona.
  2. Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 70 kiis cusub oo ah Coronavirus. Saddex kamid ah kiisaskaas ayaa laga helay degaanadda Somaliland, sidda ay warbaahinta u sheegtay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas. Fowziya ayaa tilmaamtay saddex kale ay gudaha waddanka ugu dhinteen Covid-19. Muqdisho, Puntland iyo Somaliland ayay xusteen in ay ku geeriyoodeen. Sidda laga soo xigtay wasiiradda, waxaa sidoo kale ka caafimaadey caabuqa saddex bukaan kale, kuwaas oo caasimadda ku sugan. Sikastaba ha ahaatee, tani ayaa ka dhigan in tiradda guud ee kiisaska ay gaareen 671; dhimashadda ay dul-tagtay 31, dadka ka bogsadeyna ay sii mareyso 34 ruux. View the full article
  3. Nine members of the Uganda People’s Defence Forces (UPDF) contingent in Somalia are under isolation after coming into contact with a confirmed case who is in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  4. TACSI MADAXWEYNE- 02/05/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi (Bidhaan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaranka ka baxay kana mid ahaa ganacsatada waa weyn, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH TACSI MADAXWEYNE: 01/05/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mustafe Faarax Dhoore oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 01/05/2020, magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay dalka, kana mid ahaa muwaadiniintii ka soo qayb-qaatay horumarka dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay qaranka oo uu ugu danbeeyey wasiirkii boosaha iyo isgaadhsiinta ee xukuumaddii madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
  5. Ururka Hablaha TALO-MAAL Oo Soo Bandhigay Deeq Raashin Ah Source
  6. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay gargaarkii uu soo diray Soomaaliya ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Kaalmadan agabka caafimaad ah ayaa isugu jirtay maaskaro , galoofyada ilaalinta leh, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, dharka isku-joogga ilaalinta leh ee loogu talogalay xirfadlayaasha caafimaadka, qalabka lagu baaro COVID-19, qalabka neef-siinta (ventilators) iyo agab kale. Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu madaxweyne Erdogan ku yiri ““Mashiinada neefta bixiya (ventilator) ee lagu sameeyey gudaha Turkey waxaa ku neefsan doona walaalaheen Soomaaliyeed. Dareenkeena waxa uu mar walba la jiraa kuwa la caburiyo ee iyo dalalka baahida qaba.” #MilliTeknolojiHamlesi ile geliştirdiğimiz solunum cihazları Somalili kardeşlerimize nefes olacak. Medeniyet imkân değil, vicdan meselesidir. Milletimizin imkânları da vicdanı da mazlum ve muhtaçların yanındadır. Aziz Milletim, senin kalbinde merhamet adlı bir çınar vardır! pic.twitter.com/z5aqyPqZe9 — Recep Tayyip Erdoğan (@RTErdogan) May 2, 2020 Dowladda Turkiga ayaa qalabkan usoo dirtay Soomaaliya, si looga caawiyo dagaalka ay kula jirto faafitaanka cudurka Coronavirus, kadib amar Jimcihii kasoo baxay madaxweyne Erdoğan, sida uu sheegay afhayeenka madaxweynaha Ibrahim Kalin. Kaalin ayaa sheegay in Turkey ay sii wadi doonto inay Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika ku garab taagnaato dhib kasta oo ay wajahayaan. Kalin ayaa xusay in Erdigan uu ahaa qofkii indhaha caalamka kusoo jeediyey Soomaaliya sanaddii 2011, xilligaasi oo uu booqday ayada oo kumanaan qof oo Soomaali ah ay u dhinteen macluul ka dhalatay abaar xooggan oo dalka ku dhufatay.
  7. MOGADISHU ( HOL) - Three officials from the EU Mission in Somalia have contracted COVID-19, the Mission has said noting those who came into contact with the three have been put under quarantine. Source: Hiiraan Online
  8. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya ayaa manta soo saartay warbixinta ku sadaasha fatahaadaha iyo daadadka roobka Guga ee bisha May oo dhan. Warbixin ka kooban ilaa shan bayj ayay Wasaaradda uga hadashay heerarka biyaha labad webi ee Dalka Shabeelle iyo Jubba. Waxaa sidoo kale Warbixinta ay soo saartay Dowladda looga hadlay meelaha iyo deegaannada ay sadaashu tilmaameyso in ay saamey ku yeelan karaan fatahadaadaha iyo daadadka roobka ee ka bilowday Goballada iyo Demooyinka Dalka Fatahaadaha Webiyada iyo Daadadka ka dhasha xilli roobaadyada oo ah kuwa soo noq noqday ayaa waxey saameyn ku yeeshaan Bulshooyinka ku nool meelaha ay ka dhacaan. Laba ka mid ah seddexdii xilli roobaad ee ugu dambeysay waxaa ka dhashay oo ay sababeen xaalad bani’aadannimo oo saameeyay nolosha iyo dhaqaalaha bulshooyinka ku nool meelihi ay ka dheceen Xilligii Deyr-ta ee dhammaadkii sanadkii hore 2019, waxaa Dalka ka dhacay mid ka mid ah fatahaadihi ugu ba’naa ee abid ka dhaca Soomaaliya. Sidoo kale Gugi sanadkii ka horreeyay ee 2018 waxa dhacday fatahaad maasheysay hanti iyo kaabaashi dhaqaale iyagoo barakiciyay kumannaan dad ah. Hadaba sanadkan xiligan Gu’ga waxaa la saadaalinayaa in ay di’I doonaan roobab cabbirkooda lagu qiyaasay in ay ka badan doonaan roobabkii hore uga di’i jiray Dalka. Sida sadaashu tibaaxayso, waxaa laga cabsi qabaa in inta lagu guda jiro bisha May,2020-ka ay fatahaado ka dhici doonaan dhowr Degmo oo Webigu oo ah ka mid ah kuwa uu Webigu maro. Kuwa halista ugu badan wajahaya waxaa ka mid ah Jowhar, Baardheere, Baladweyne iyo qaar kale. Marka loo barbar dhigo dhulalka wabi mareenka ah dalka intiisa kale waa dhul lugu tiriyo dhulalka qalalan, iyadoo ay taasi jirto ayaa xilli roobaadyada sida xilliga Gu’ga markuu si fiican u roob dhigo ayuu wuxuu sababaa in ay dooxyadu biya badan soo rogaan kuwaas oo loo yaqaanno “daadad” waxayna saameeyn iyo waxyeelaba u geeystaan kaabayaasha dhaqaale iyo hab-nololeedka bulshooyinka u badan xoolo dhaqatada ee halkaas degan iyo sidoo kale dadka ku nool magaalooyinka. Inta lugu guda jiro bisha May 2020ka, meelaha ay saadaashu ka digeeyso in ay dadka ku dhaqani aad u feejignaadaan ayaa waxaa ka mid ah gobollada sida Bari, Nugaal, Sanaag, Sool, Awdal iyo kuwa kale. Iyadoo ay bulshooyinkeennu haatan la daalaa dhacayaan saameeynta dhaqaale iyo mida caafimaad ee uu keenay caabuqa safmarka ah ee COVID19, waxaa murugo iyo tiiraanyaba leh sida ay u muuqato in fatahaaduhu ay sii murjinayaan xaalad horeba dadku ay ula daalaa dhacayeen dhaqaale xumi baahsan iyo xaalad bani’aadannimo oo ka jirta wadanka dacaladiisa. Warbixintan oo ay diyaariyeen qubarada ka howl-gasha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS waxaa ku jirta talooyin muhiim ah oo haddii ay bulshooyinka qaataan yareyn karta halista ay wajahayaan “Sida aan ka garan karno saadaasha cilmiga ku dhisan ee roobabka, waxaanu qiyaasi karnaa baaxadda ay yeedlan karto khatarta fatahaad dhici karta, dhinaca kale waxaa adkaan doonta in loo gurmado bulshooyinka ay fatahaaduhu saameeyn doonaan iyadoo ay sababtu tahay in isku socodku adagyahay xaaladda COVID19 darteed”, ayaa lagu yiri warbixinta. In bulshooyinka aadka u nugul ee ku nool meelaha ay ka dhici karaan khataraha fatahaaduhu ay goor hore si iskood ah ugu guuraan dhul sareeya oo naftooda iyo hantidooduba ku badbaadi karto. Iyo in xilligan xasaasiga ah dartiis la mideeyo ka jawaab bixinta caabuqa COVID19 iyo ka jawaab celinta Fatahaadaha iyo Daadaka roobka si loo baajiyo dayac ku imankara qeyb bulshadeena ka mid ah. View the full article
  9. https://www.youtube.com/watch?v=p2AwECBfuRw&feature=youtu.be Source
  10. Qoraal kooban oo bogga uu ku leeyahay Twitter-ka uu ku daabacay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlang Martinez ayuu ku xaqiijiyey in saddex xubnood oo ka trisan xafiiskiisa laga helay cudurka halista badan ee Coronavirus. Danjire Nicolas Berland ayaa qoraalkaan ku xusay in dadkaasi lagu arkay qaar ka mid ah astaamaha COVID-19, kadib baaritaan lagu sameeyayna laga helay cudurka. Sidoo kale safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berland Martinez ayaa sheegay in saddexdaas ruux ee ka mid ah shaqaalaha Midowga Yurub ee Soomaaliya la karantiilay, islamarkaana xaaladooda ay la wareegeen saraakiisha caafimaadka. Dhamaan dadkii kale ee saddexda ruux xiriirka dhOw la yeeshay ayuu tilmaamay Nicolas Berland in iyaguna la galiyey xaalad go’doon ah, baaritaana lagu sameyn doono. Lama shaacin dhalashada saddexda ruux ee ka tirsan xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ee laga helay cudurka Coronavirus, balse waxa ay ka mid noqonayaan in ka badan 600 oo kiis oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diwaan-galiyey gudaha Soomaaliya. View the full article
  11. Ankara (Caasimada Online) – Dagaal dhanka afka ah ayaa Khamiistii ka dhex billowday Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, kadib markii Abu Dhabi ay sheegtay in Ankara ay dhibaato ka waddo dalal Carbeed oo ay ku jirta Libya, halka Ankara ay ku eedeysay Abu Dhabi inay taageerto kooxo argagixiso oo ay ka mid tahay Al-Shabaab. Dagaalka dhanka afka ah ee labada dal ayaa yimid xilli Imaaraadka Carabta iyo Jeneraalka ay taageeraan ee fallaagada ah ee Khalifa Xaftar guul-darrooyin culus ay ku wajahayaan dagaalka Libya. Ciidamada dowladda fadhigeedu yahay Tripoli ee loo yaqaan GNA ayaa maalmihii dhowaa dhulal badan ka qabsaday kooxda Xaftar ee la baxay LNA. Ayada oo Turkey ay ku caawinayaan diyaarado drone ah oo hubeysan, dagaal-yahanno Syrian ah, iyo hub casri ah, ayaa ciidamada dowladda waxay kooxda Xaftar ka qabsadeen saddex magaalo oo ku teedsan xuduudda, waxayna kusii siqayaan saldhigga howl-gallada kooxdaas ee Tarhouna, oo 65km koonfur bari kaga aadan magaalada Tripoli. Guul laga soo hoyo Tarhouna ayaa soo geba-gebeyn karta dagaalka sokeeye ee Libya, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda. Guulaha is-daba joogga ah ee ciidamada dowladda ay ka gaareen fallaagada Xaftar ayaa mowjado argagax leh u diray Abu Dhabi, oo diyaarado Drone ah laga soo iibiyey Shiinaha iyo ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah ku taageeray Xaftar, si loo rido dowladda. Xaftar ayaa dhowaan sheegtay inuu yahay madaxweynaha Libya, kadibna ku dhowaaqay xabad-joojin Ramadanka soconeysa, taasi oo dadka siyaasadda fallanqeeya ay ku qeexeen isku day uu doonayo inuu dib isugu soo abaabulo. Bayaanka Khamiistii kasoo baxay Imaaraadka ayaa lagu macneeyey mid ka tarjumaya carrada Imaaraadka Carabta ay ka qaadeen xaaladda Libya, oo ay u babac dhigi waayeen awoodda Militari ee Turkiga ku taageeray dowladda, ayada oo ballaayin dollar oo ay ku bixiyeen Xaftar kadib ku guuleysan waayeen inay dowladda ridaan. Xiisadda Turkey iyo Abu Dhabi ayaa aad u sarreysay tan iyo afgambigii 2016-ka fashilmay ee Turkey. Inkasta oo labada dowladooda ay kala taageereen dhinacyo badan oo isku haya dalal badan oo Bariga Dhexe, oo ay ruxeen kacdoonadii Carabta, Ankara waxay hadda rumeysan tahay in Abu Dhabi ay isku dayeyso in afgambi kale ka fuliso Turkey.
  12. Turkey has sent medical supplies to Somalia to help the country combat the coronavirus outbreak, the Turkish presidential spokesman said on Friday. “Today, by instructions of President Recep Tayyip Erdoğan, a cargo load of medical supplies, masks, overalls, test kits, and other equipment is going to Somalia to help them against COVID-19,” İbrahim Kalın said on Twitter. “Turkey stands together with Somalia and Africa against all calamities,” Kalın added. Recalling Erdoğan’s first visit to Somalia in 2011 when “tens of thousands of people had died because of the famine,” Kalın said, “the visit drew the world’s attention to the forsaken country of Somalia, and Erdoğan became the hope of our Somali brothers and sisters.” Since first appearing in Wuhan, China last December, the coronavirus, the virus that causes COVID-19, has spread to at least 187 countries and regions, with the U.S. and Europe among the hardest-hit areas. Over 3.27 million cases have been reported worldwide, with the death toll surpassing 233,700 and more than 1 million recoveries, according to data compiled by Johns Hopkins University in the U.S. View the full article
  13. Nine members of the Uganda People’s Defence Forces (UPDF) contingent in Somalia are under isolation after coming into contact with a confirmed case who is in Mogadishu. On Wednesday evening, UPDF confirmed a soldier attached to the African Union Mission to Somalia (AMISOM) had tested positive COVID-19 and was undergoing treatment. The UPDF said that the confirmed case, a soldier who first manifested flu and cough signs, is now very stable and those with whom he got contact, are isolated. According to the Deputy Spokesperson of the UPDF Lt Col Deo Akiiki, measures are in place at their bases to control the spread of the virus. Lt Col Akiiki says that taskforces on base camp and the Forward Operating Bases (FOBs) have been constituted. “Hand wash points have been installed in base camp and forward operating bases. All shops and bases except banks have been closed, while the base camp where the UPDF main base is, is under total lockdown for two weeks,” Akiiki said. He added that gatherings of all sorts have been suspended and if at all Contingent Commanders must meet the soldiers, social distancing is observed. “We have distributed booklets on COVID-19 awareness and mitigation measures in base camp and the operating bases. Measures to minimize movement of soldiers have also been imposed. There is curfew from 1800hrs – 0500hrs,” Lt Col Akiiki said. He added that disinfectants, hand sanitizers and face masks have been distributed, and an isolation facility at LII Firld/Hospital has been designated to take care of any cases. Somalia has so far registered 601 cases of COVID-19, 28 deaths and 31 recoveries. View the full article
  14. MOGADISHU: The King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSRelief) in cooperation with Al-Musbah Development Association on Friday distributed 1,200 Ramadan food baskets, weighing 108 tons, benefiting 7,200 people in Somalia. This comes within the framework of distributing 10,761 food baskets to needy people in Somalia during Ramadan, aimed at helping 64,566 people. Saudi Arabia has been ranked fifth in the world, and first in the Arab world, for provision of humanitarian aid. In Somalia, KSRelief carried out 50 projects costing $191 million in cooperation with seven partners. View the full article
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi (Bidhaan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi (Bidhaan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaranka ka baxay kana mid ahaa ganacsatada waa weyn, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN إنا لله وإنا اليه راجعون… كل نفس ذائقة الموة. ALLE ha u naxariistee, waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, waxgaradka, ganacsatada iyo shacabka Soomaalilaan geerida ku timid Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi [Bidhaan] oo Hargeysa xaqii ugu yimid. Marxuumku waxa uu ahaa ganacsatadii waaweyneyd ee qarankan tacabka badan soo gashatay, isla markaana qeyb laxaad leh ka qaatay nabadeyntii iyo dib u dhiskii dalka, Ilaahayna waxa aan uga baryayaa in uu Jannooyinkiisa sarsare ku maamuuso, eheladii, qaraabadii, qoyskii, asxaabtii iyo shacabka JSL samir iyo iimaan ha ka siiyo. Aamiin Aamiin. Source
  16. Diyaarad Milatari oo Turkigu leeyahay oo agab caafimaad keentay Muqdisho Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshad dowladda Federaalka Soomaaliya, Fawsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta oo Sabti ah guddoontay shixnad kaalmo caafimaad oo ka timid dalka Turkiga, taas oo loogu talagalay ka hortaga xanuunka Coronavirus. Safiirka Turkiga, Mudane Mehmet Yılmaz, ayaa wareejiyay kaalmada agabka caafimaad oo ay ku jiraan maaskaro , galoofyada ilaalinta leh, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo iyo dharka isku-joogga ilaalinta leh ee loogu talogalay xirfadlayaasha caafimaadka, waxa kale ka mid ah qalabka neef-siinta (ventilators) . Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad, ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga taageeradooda iyo garab-istaagooda Soomaaliya, isagoo aad u bogaadiyay kaalinta howsha bani’aadannimo ee dunida ay ka geysanayaan xilligan oo dalalka intooda badan ay wajahayaan xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus. Munaasabadda lagu guddoomayay kaalamada caafimaad ee Turkiga waxaa kaloo goob-joog ka kala ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa iyo Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cali-Nuur Xaaji. Kaalmada caafimaad ee Turkiga oo huwanayd halkudhigga “rajo xumada waxaa ka dambeeya yididiilo weyn , mugdigana waxaa ka dambeeya qorax iftiin badan” ayaa ah midii labaad oo muddo labo todobaad gudahooda lagu soo gaarsiiyo Soomaaliya, iyadoo la filayo in maalmo kadib Caasimadda Muqdisho ay ka degto diyaarad sida sariiraha isbitaallada, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Turkiga ayaa deeq caafimaad siiyay 33 dowladood oo uu ku gaarsiiyay diyaaradihiisa milatari ee xamuulka si looga hortago cudurka safmarka ah ee Coronavirus. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 601 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Coronavirus, oo ay ka mid yihiin 31 ruux oo bogsatay iyo 28 ruux oo u geeriyootay. PUNTLAND POST The post Turkiga oo mar labaad deeq caafimaad soo gaarsiiyey Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  17. Turkiga oo qalab caafimaad ku wareejiyey Dawlada Soomaaliya Dowladda Turkiga ayaa maanta qalab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta cudurka Coronavirus ku wareejisay dowladda Soomaaliya, kaas oo uu soo amray Madaxweynaha wadankaasi, Reccep Tayyip Erdogan. Diyaaradda Turkish Airlines ayaa qalabkaan caafimaad keentay Muqdisho, iyadoona ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa goob joog ahaa wasiirka gargaarka, Xamza Siciid Xamza iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad. Fowsiyo Abiikar Nuur wasiirka caafimaadka oo hadal kooban jeedisay ayaa sheegtay in qalabkaan uu kaalin weyn ka qan doono ka hortaggida iyo la-tacaalida covid19. Dhankiisa safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho, Amb. Maxamed Yilams ayaa xusay in dowladdiisa ay ka go’an tahay garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu ku amaanay dowladda federaalka dadaalka ay kaga hortageyso cudurka faafa ee Coronavirus. Ugu damneyn wasiirka arrimaha dibada Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ay mar-weliba siiso Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee ma’an gargaarkii ugu horreeyey ee uu Turkiga u soo diro Soomaaliya, isagoona dhowaan agab iyo daawooyin ku wareejiyey dowladda dhexe. Qaran News
  18. 1/The EU informs that 3 members of one of the EU missions in Somalia tested positive for COVID-19. The patients have been isolated under medical supervision and those with whom the had contact are also in quarantine. pic.twitter.com/OOWefK17w8 — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) May 2, 2020 Illaa saddex xubnood oo ka tirsan xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa la shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus. Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaiya, Nicolas Berlanga ayaa sheegay in 3-da qof ee ka tirsan howlwadeenada xafiiskiisa laga helay cudurka, kadib baaritaan lagu sameeyey. Nicolas Berlanga ayaa tilmaamay in la karantiilay xubnahaasi, islamarkaana lagu hayo meelo gaar ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la go’doomiyey dhammaan dadkii ay la kulmeen saddexdaasi qof ee la xaqiijiyey in laga helay Covid-19. Safiirka ayaa ugu dambeyn xusay inay qaadi doonaan tallaabooyinka caafimaad ee hay’adda WHO, si loo badbaadiyo shaqaalaha ka shaqeeya xafiiska Midowga Yurub. Coronavirus oo haatan si aad ah ugu sii fidayo Soomaaliya ayaa waxaa dhowaan laga helay askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee magacoodaloo soo gaabiyo AMSISOM, iyadoona sidoo kale sarkaal kale oo looga shakiyey xanuunka la karantiilay. Kiisaska illaa iyo hadda ay xaqiijsay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kor u dhaafay 600 oo ruux. Qaran News
  19. Wasiirrada caafimaadka, arrimaha dibadda iyo gargaarka ayaa si wadajir ah safiirka Turkiga ee Soomaaliya maanta uga guddoomaya qalab caafimaad oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya, si ay ugu adeegsato dagaalka loogu jiro xakameynta Faafitaanka COVID19. Gargaarka ay dowladda Turkigu soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya waxaa kamid ah qalabka Sheybaarka, qalabka lagu neefsado, Labiska shaqaalaha caafimaadka iyo qalab kale oo muhiim ah oo dhammaan xilligaan loo qabay baahi xooggan. Wasiirrada ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa munaasabadda ka sheegay in diyaarado kale oo gargaar caafimaad sida ay maalamaha soo socda soo gaari doonaan magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta kahor tagga iyo xakemynta cudurka halista badan View the full article
  20. Iyadoo xalay la guda galay is-araga labaad ee wareega koowaad tartan aqooneedka faca weyn ee Idaacadda Shabelle ayaa waxaa markale kulanka caawa ku baratami doono degmooyinka Dharkenley iyo Holwadaag oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir. Labada degmo ayaa ku wada jira group-ka A ee wareega koowaad tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan oo haatan maraya meel xiiso badan. Dharkenley ayaa horay barbara ula soo gashay dhiggeeda degmada Wadajir is-aragii koowaad ee tartanka, halka degmada Kaaraan ay iyana barbar dhac la soo gashay dhiggeeda Howlwadaag, sidaasi waxa ay ku leeyihiin min hal dhibcood. Is-araga labaad ee tartanka oo xalay lagu bilaabay degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag ayaa waxay guushu raacday tartamayaasha Wadajir. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
  21. Ku xigeenka afhayeenka ciidamada difaaca Uganda, Deo Akiiki ayaa xaqiijiyay in magaalada Muqdisho lagu karantiilay 9 askari oo u dhashay dalkasi, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Deo Akiiki ayaa sheegay in la karantiilay askartaas ka tirsan howlgalka AMISOM, kadib markii la xaqiijiyay iay xiriir dhaw la yeesheen askari ka tirsan AMISOM oo horay looga helay cudurka Coronavirus. Sidoo kale Mr Akiiki ayaa xusay in 9-ka askari ee la karantiilay xilligan lagu sameenayo baaritaano dheeraad ah oo ku aadan cudurka COVID-19. Si kastaba ha’ahaatee dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 6 kun oo ah ciidamadeeda, kuwaas oo ka mid ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM. View the full article
  22. Wasiirrada caafimaadka, arrimaha dibadda iyo gargaarka ayaa si wadajir ah safiirka Turkiga ee Soomaaliya maanta uga guddoomay qalab caafimaad oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya, si ay ugu adeegsato dagaalka loogu jiro COVID19. Gargaarka ay dowladda Turkigu soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya waxaa kamid ah qalabka Sheybaarka, qalabka lagu neefsado, Labiska shaqaalaha caafimaadka iyo qalab kale oo muhiim ah oo dhammaan xilligaan loo qabay baahi xooggan. Wasiirrada ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa munaasabadda ka sheegay in diyaarado kale oo gargaar caafimaad sida ay maalamaha soo socda soo gaari doonaan magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta kahor tagga iyo xakemynta cudurka halista badan. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  23. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-020520.mp3 View the full article