Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Ankara)-Laacibka Mascuud Ozil ayaa kafaale qaaday afurinta 16,000 oo qof bisha Ramadaan, kuwaas oo ka kooban 2,000 qoys oo Suuriyaan iyo Turkish ah. Dhanka kale Mascuud Ozil ayaa 90,000 oo raashin Af-fur ah ugu deeqay Soomaaliya, taasi oo lagu qaybin doono magaalada Muqdisho, waxaanu lacagta ka baxaysa oo caddadkeedu dhan yahay £80,000 uu gacanta ka saaray Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga. Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ayaa wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa waddankaas u sheegay in sannadka oo dhan ay quudiyaan dadka baahan, waxaanu u mahadceliyey muxsiniinta sadaqada ugu tabaruca ee la socda shaqadooda. Kerem Kinik waxa uu yidhi: “Bisha Cas ahaan, waxaanu garab taaganahay kuwa baahan 365-ka maalmood ee sannadka. Dabcan, waxa aanu taakuladan uga mahadcelinaynaa qaadhaan bixiyeyaasha saaxiibada ah ee nala shaqeeya. Ozil ayaa hore ula shaqeeyey hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, iyadoo markii uu guursaday uu u dhiibay lacago lagu quudiyo qoysaska baahan. Xiddigan caalamiga ah ee xulka qaranka Germany oo asal ahaan kasoo jeeda Turkey, waxa sannadkii uu sadaqo ku bixiyaa lacag lagu qiyaasay £2 milyan. Si kastaba, Ozil ayaa dhowaan iska diiday inuu ogolaado in Arsenal ay mushaharkiisa ka jarto lacag dhan 12.5 boqolkiiba oo ay ciyaartoyda kale ee kooxdu ogolaadeen, hase yeeshee waxa muuqata in lacagtiisa uu u adeegsanayo bixinta qaadhaan Diinta Islaamku jidaysay oo uu Allah ugu dhowaanayo. Source
  2. Muqdisho ( Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shirka guddiga xakameynta cudurka faafa ee Covid-19, kaas oo habeen weliba la qabto. Kulanka ayaa intii uu socda waxaa looga hadlay sida ay u socdaan dadaallada lagula dagaalamayo cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya. Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday arrimo ku aadan gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen daadadkii ka dhashay Roobabka iyo fataahadaha ay sameeyeen wabiyada. Khayre ayaa faray xubnaha guddiga in la’isku dhinac wado xakameynta cudurka Covid-19 iyo gurmadka la gaarsiinayo walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaateysan. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa amray in la dadajiyo dadaalada loogu gurmanayo dadka taabaaleysan, xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan “Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka guddiga qaran ee kahor tagga Covid19, oo lagu go’aamiyay in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta COVID-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Dhowaan ayey aheyd markii dowladda dhexe ay Puntland gaarsiisay gurmad loogu talagalay qoysaskii ay saameeyeen daadadkii magaalada Qardho ee maamulkaasi.
  3. Guddoomiye Axmed Muuse Nuur Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur, oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa faahfaaahin ka bixiyay dagaal culus oo xalay ciidamo taabacsan Galmudug ay ku qaadeen Saldhig ciidan, oo Daraawiishta Puntland ku leeyihiin galbeedka Magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha ayaa sheegay, in Shufto isa-soo abaabushay oo ka soo gudbay dhinaca Galmudug, ay weerar xooggan ku soo qaadeen saldhiga ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku yaalla Degaanka Teerage ee galbeedka Magaalada Gaalkacyo, balse Ciidanku iska difaaceen weerarkaas. Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, wuxuu beeniyay in Weerarka ay soo qaadeen Ciidamo Galmudug iyo xataa Ciidan Beeleed midna, waxaase uu sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyeen Shufto abaabulan oo ka yimid dhinaca Galmudug, kuwaas oo doonayay in ay arbushaad ku sameeyaan Ciidanka Puntland. Hal askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland, ayaa ku dhintay dagaalka halkaas ka dhacay, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha, isagoo xusay in kooxdii weerarka soo qaaddayna la sheegayo in qof ka dhintay, ha yeeshee uusan xaqiijin Karin. Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamo xooggan oo ka tirsan Puntland ay tan iyo xalay gaareen Degaanka lagu dagaallamay, si ay u xoojiyaan Ciidanka halkaas ku sugan waxaase uu ku cel-celiyay in aysan dagaal doonayn, islamarkaana dhankooda si adag u xakamayn doonaan Ciidanka. Halkaan ka daawo Wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland oo faahfaahin ka bixisay Dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  4. Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ee shabakadda warbaahinta Shabelle oo haatan maraya meel aad u xiiso badan, gaar ahaan is-araga labaad ee wareega koowaad ayaa waxaa xalay ku baratamay degmooyinka Kaaraan iyo Dharkenley ee gobolkaan Banaadir. Labada degmo oo ku wada jiray group-ka A ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadana ayaa waxaa guul ka gaartay Dharkenley, kadib markii ay ka badisay dhiggeeda Karaaan . Dharkenley ayaa la timid 14 dhibcood, halka Kaaraan ay keensatay 12 buundo, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuubakar guddoomiyaha tartanka. Sanadkaan taaba-gelinta tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
  5. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyay shirka guddiga qaran ee ka hor tagga Covid-19, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah. Waxaa kulankaan intiisa badan diirada lagu saaray xakameynta Coronavirus iyo sidoo kale gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka Roobabka iyo fatahaadaha Wabiyada. Khayre ayaa faray guddiga in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta Covid-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha haatan ka jira dalka “Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka guddiga qaran ee kahor tagga Covid19, oo lagu go’aamiyay in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta COVID-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiisa Ra’iisul wasaaraha. Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal looga hortagayo Coronavirus iyo sidoo kale gurmad loo fidinayo dadka ay saameeyeen daadadka Roobabka iyo fatahaadaha. View the full article
  6. Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey maleeshiyaad kala taabacsan Puntland iyo Galmudug uu ka dhacay gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka qarxay deegaanka Teerage oo dhaca galbeedka magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi. Inta la xaqiijiyeey illaa laba qof ayaa ku dhintay dagaalkan, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jira dhinacyadii diriray iyo dad shacab ah. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana bilowday dadaallo nabadeed oo looga hortagayo xiisadaasi. View the full article
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-030520-sx.mp3 View the full article
  8. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Qardho, ayaa maanta kormeeray xarumaha uu ka socdo Gurmadka loo fidinayo dadkii ay fatahaadu saameysay. Guddoomiyaha Guddiga sare gurmadka fatahaadda Qardho, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed Dhabanacad iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa Madaxweynaha halkaasi kusoo dhoweeyay. Madaxweynaha ayaa kormeeray xarumaha lagu kala maareynayo raashinka gurmadka ah, goobaha kale ee shaqadu ka socoto iyo suuqa weyn ee Qardho halkaasi oo Madaxweynuhu ku lugeeyay si uu u arko howsha baaxada leh ee socota. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kormeeray xarumaha uu ka socdo Gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.
  9. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo xalay saqdii dhexe ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Mudug. Dagaalka oo u dhexeeyey maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa xoogiisu waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Teerage oo dhaca Galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo socday in muddo ah la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ugu yaraan laba qof ku geeriyooday dagaalkaasu, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dagaalka labada dhinac, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamullada Puntland iyo Galmudug. Xaaladda ayaa saaka ah mid yare degan, waxaana bilowday dadaallo looga hortagayo xiisadaasi. Maleeshiyaadka labada dhinac ka soo kala jeeda ee ku sugan gobolka Mudug ayaa inta badan ku dagaalama gobolkaasi, iyadoo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro rayidka.
  10. Sawirkan maanta maaha waa mid hore Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland, oo ka baxay magaalada Gaalkacyo, ayaa saaka isku fidiyay degaanka Teerage oo ku yaalla galbeedka magaalada Gaalkacyo, halkaas oo xalay dagaal culus ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug. Ciidanka oo ku hubaysan noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka, ayaa difaacyo kala duwan ka xirtay goobihii xalay lagu dagaallamay ee nawaaxiga saldhiga Teerage, si ay u xoojiyaan difaacyada ciidanka Daraawiishta ee ku sugan halkaas. Tallaabadaas ayaa ku soo beegmatay, kadib markii xalay ciidamo taabacsan Galmudug ay weerar ku soo qaadeen saldhiga ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku yaalla Teerage, halkaasna uu ka dhashay khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale, waxaa saaka labada dhinac ee magaalada ka socda gurmad iyo hub-urursi ciidan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal toos ah ka dhex qarxo ciidamada Puntland iyo Galmudug. PUNTLAND POST The post Puntland oo ciidamo xooggan gaysay goobihii xalay lagu dagaallamay appeared first on Puntland Post.
  11. Allow Public Debate on Security, Covid-19 Responses Source: Hiiraan Online
  12. Ciidamo ka soo jeeda Galmudug ayaa xalay weerar ku soo qaaday degaanka Teerage ee galbeedka magaalada Gaalkacyo waxaana halkaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac inkastoo markii dambe ay dib uga laabteen. Ciidamada ka yimid Galmudug ayaa weerarka la beegsaday saldhig ay leeyihiin ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku yaalla degaankaas waxaana goobta ka dhacay dagaal culus oo mudda saacad ah socday. Inta la xaqiijiyay waxa dagaalka ku dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland saddex kalena waa ku dhaawacmeen balse lama oga khasaaraha gaaray ciidamadii weerarka soo qaaday. Wararku waxay sheegayaan in haatan labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland uu ka socdo gurmad xooggan iyo hub-urursi taasi oo laga cabsi qabo in mar kale dagaal dhexmaro labada dhinac. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo saaka ka aloosan magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  13. Saudi Arabia will need to take “painful” measures and look for deep spending cuts as the kingdom faces a double crisis caused by the coronavirus pandemic and the meltdown in global oil markets, its finance minister said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  14. Ciyaarahan Mascuud Ozil oo Soomaaliya ugu deeqay Raashin Af-fur ah Laacibkan ayaa kafaale qaaday afurinta 16,000 oo qof bisha Ramadaan, kuwaas oo ka kooban 2,000 qoys oo Suuriyaan iyo Turkish ah. Dhanka kale Mascuud Ozil ayaa 90,000 oo raashin Af-fur ah ugu deeqay Soomaaliya, taasi oo lagu qaybin doono magaalada Muqdisho, waxaanu lacagta ka baxaysa oo caddadkeedu dhan yahay £80,000 uu gacanta ka saaray Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga. Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ayaa wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa waddankaas u sheegay in sannadka oo dhan ay quudiyaan dadka baahan, waxaanu u mahadceliyey muxsiniinta sadaqada ugu tabaruca ee la socda shaqadooda. Kerem Kinik waxa uu yidhi: “Bisha Cas ahaan, waxaanu garab taaganahay kuwa baahan 365-ka maalmood ee sannadka. Dabcan, waxa aanu taakuladan uga mahadcelinaynaa qaadhaan bixiyeyaasha saaxiibada ah ee nala shaqeeya. Ozil ayaa hore ula shaqeeyey hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, iyadoo markii uu guursaday uu u dhiibay lacago lagu quudiyo qoysaska baahan. Xiddigan caalamiga ah ee xulka qaranka Germany oo asal ahaan kasoo jeeda Turkey, waxa sannadkii uu sadaqo ku bixiyaa lacag lagu qiyaasay £2 milyan. Si kastaba, Ozil ayaa dhowaan iska diiday inuu ogolaado in Arsenal ay mushaharkiisa ka jarto lacag dhan 12.5 boqolkiiba oo ay ciyaartoyda kale ee kooxdu ogolaadeen, hase yeeshee waxa muuqata in lacagtiisa uu u adeegsanayo bixinta qaadhaan Diinta Islaamku jidaysay oo uu Allah ugu dhowaanayo. Qaran News
  15. The South African Government has officially moved to shut down South African Airways and form a new national airline. Source: Hiiraan Online
  16. ISTANBUL (AP) — The Turkish Trade Ministry lifted temporary export restrictions and a requirement for private companies to obtain advance permission before shipping abroad medical equipment used in treating COVID-19. Source: Hiiraan Online
  17. U.S. Rep. Ilhan Omar launched her political career with an underdog win over a well-known fellow Democrat. Now she’s facing a challenger trying to pull off the same kind of upset. Source: Hiiraan Online
  18. Somalia receives a boost in fight against COVID-19 in the form of home-made mechanised respirators, created by 21-year-old Mogadishu-based mechanical engineer Source: Hiiraan Online
  19. Ethiopian Public Health Institute called up on the pubic not to be lured by the numbers and continue to practice prevention measures including social distancing. No Coronavirus cases reported on May 2. Source: Hiiraan Online
  20. AHU, waxa aan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, ganacsatada iyo shacabka JSL geerida ku timid Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi [Bidhaan] oo Hargeysa xaqii ugu yimid, Ilaahayna waxa aan uga baryayaa in uu ku maamuuso Jannooyinkiisa sarsare. Aamiin Aamiin pic.twitter.com/HtqSteAl4P — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) May 2, 2020 Qaran News
  21. Booliska dalka Norway ayaa dacwad kusoo oogay haweeney soomaaliyaa taas oo haweeney kale oo iyana soomaali ah ay is af-dhaafeen qaniinyo uga goysay mid ka mid ah faraheeda. Dhacdadan ayaa ka dhacday gudaha masjidka soomaalida ee Tawfiiq Islamsk Senter ee magaalada Oslo sagaalkii bisha Febraayo ee sannadkan, waxaana haweeneyda dacwadda lagu soo oogay ay jirtaa da`da kontameeyada. Kaddib dhacdadan ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana iminka ay wajahi doontaa maxkamad taas oo go`aan ka gaadhi doonta kiiskeeda. Haweeneyda farta laga gooyay oo iyana jirta da`da 30-meeyada ayaa waxaa xilligaas laga dabaqaaday farteeda oo looga dabageeyay dhakhtarka si dib loogu rakibo. Wali ma cadda waxa ay isku qabsadeen labadan dumar ah, balse xilliga ay dhacdadu dhaxeysay ayaa waxaa ka taagnaa masjidka Tawfiiq is-qab-qabsi dhanka maamulka ah. Qaran News
  22. London (Caasimada Online) – Xiddiga kooxda Kubadda Cagta Arsenal iyo dalka Jarmalka Mesut Ozil ayaa gargaar loogu talo-galay bisha Ramadan ka qeybinaya goobo ay ka mid tahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ozil ayaa lacag 101,000 oo dollar ah ugu deeqay hay’adda Bisha Cas, si ay gargaar ugu qeybiso muslimiinta dhowr dal, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan. Lacagtan ayaa waxaa loo adeegsan doonaa in afur lagu siiyo 16,000 oo qof oo ku nool dalka Turkiga, inta lagu guda jiro bisha Ramadan, sida ay sheegtay hay’adda Bisha Cas ee Turkey. Sidoo kale qoysas ku kala nool Turkiga iyo Syria ayaa 2,000 oo xirmo oo gargaar ah ka heli doona deeqda Ozil, halka 90,000 oo xirmo oo afur ah laga qeybin doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Kerem Kinik, oo ah oo ah madaxa hay’adda Bisha Cas ee Turkey, ayaa xiddigan fadhigiisu yahay magaalada Lodnon uga mahd-celiyey deeqdiisa. “Waxaan qeybin doonaa xermooyinka gargaar ee uu ku deeqay walaalkey Mesut, waxaana u gaarsiin doona dadka loogu talo-galay sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Kerem. Ozil, ayaa ku dhashay kuna koray dalka Jarmalka, hase yeeshee qoyskiisa ayaa asal ahaan kasoo jeeda Turkiga.
  23. #MilliTeknolojiHamlesi ile geliştirdiğimiz solunum cihazları Somalili kardeşlerimize nefes olacak. Medeniyet imkân değil, vicdan meselesidir. Milletimizin imkânları da vicdanı da mazlum ve muhtaçların yanındadır. Aziz Milletim, senin kalbinde merhamet adlı bir çınar vardır! pic.twitter.com/z5aqyPqZe9 — Recep Tayyip Erdoğan (@RTErdogan) May 2, 2020 Qoraalkan oo M/weyne Erdogan soo bandhigay Bartiisa Twitterka ayaa u dhigan Sidan:- “Mashiinada neefta bixiya (oxgyen ventilators) ee lagu sameeyey gudaha dalka Turkey waxaa ku neefsan doona walaalaheena Soomaaliya oo ay hayso baahi weyn oo xagga mishiinada lagu neefsado ah. Dareenkeena wuxuu mar walba la jiraa kuwa la cabudhiyo & Dalalka baahida qaba.” Turkey supports Somalia in the fight against Covid-19. Upon the instruction of the President of the Republic of Turkey, H.E. Recep Tayyip Erdoğan, a military cargo plane brought medical assistance to Somalia today. pic.twitter.com/yAhMSmMMzN — Turkey in Somalia (@TC_Mogadishu) May 2, 2020 Qaran News
  24. Turkiga oo si weyn ugu bah-dilay Imaaraadka Carabta dagaalka ka socda Libiya Dagaal dhanka afka ah ayaa Khamiistii ka dhex billowday Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, kadib markii Abu Dhabi ay sheegtay in Ankara ay dhibaato ka waddo dalal Carbeed oo ay ku jirta Libya, halka Ankara ay ku eedeysay Abu Dhabi inay taageerto kooxo argagixiso oo ay ka mid tahay Al-Shabaab. Dagaalka dhanka afka ah ee labada dal ayaa yimid xilli Imaaraadka Carabta iyo Jeneraalka ay taageeraan ee fallaagada ah ee Khalifa Xaftar guul-darrooyin culus ay ku wajahayaan dagaalka Libya. Ciidamada dowladda fadhigeedu yahay Tripoli ee loo yaqaan GNA ayaa maalmihii dhowaa dhulal badan ka qabsaday kooxda Xaftar ee la baxay LNA. Ayada oo Turkey ay ku caawinayaan diyaarado drone ah oo hubeysan, dagaal-yahanno Syrian ah, iyo hub casri ah, ayaa ciidamada dowladda waxay kooxda Xaftar ka qabsadeen saddex magaalo oo ku teedsan xuduudda, waxayna kusii siqayaan saldhigga howl-gallada kooxdaas ee Tarhouna, oo 65km koonfur bari kaga aadan magaalada Tripoli. Guul laga soo hoyo Tarhouna ayaa soo geba-gebeyn karta dagaalka sokeeye ee Libya, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda. Guulaha is-daba joogga ah ee ciidamada dowladda ay ka gaareen fallaagada Xaftar ayaa mowjado argagax leh u diray Abu Dhabi, oo diyaarado Drone ah laga soo iibiyey Shiinaha iyo ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah ku taageeray Xaftar, si loo rido dowladda. Xaftar ayaa dhowaan sheegtay inuu yahay madaxweynaha Libya, kadibna ku dhowaaqay xabad-joojin Ramadanka soconeysa, taasi oo dadka siyaasadda fallanqeeya ay ku qeexeen isku day uu doonayo inuu dib isugu soo abaabulo. Bayaanka Khamiistii kasoo baxay Imaaraadka ayaa lagu macneeyey mid ka tarjumaya carrada Imaaraadka Carabta ay ka qaadeen xaaladda Libya, oo ay u babac dhigi waayeen awoodda Militari ee Turkiga ku taageeray dowladda, ayada oo ballaayin dollar oo ay ku bixiyeen Xaftar kadib ku guuleysan waayeen inay dowladda ridaan. Xiisadda Turkey iyo Abu Dhabi ayaa aad u sarreysay tan iyo afgambigii 2016-ka fashilmay ee Turkey. Inkasta oo labada dowladooda ay kala taageereen dhinacyo badan oo isku haya dalal badan oo Bariga Dhexe, oo ay ruxeen kacdoonadii Carabta, Ankara waxay hadda rumeysan tahay in Abu Dhabi ay isku dayeyso in afgambi kale ka fuliso Turkey. Qaran News
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray oo ku aadan munaasabadda maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka, waxa uu ku boorriyay ixtiraamka xorriyadda saxaafadda Soomaaliya. Hoos ka aqriso warsaxaadeedka oo dhameystiran Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu maanta ugu baaqay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay awood u yeeshaan in ay shaqadooda u gutaan si xor ah. “Warbaahintu dowr muhiim ah ayey ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed, laga bilaabo soo tebinta jawiga siyaasadeed ilaa u-hadalka iyo cod-siinta dadka nugul iyo kuwa la faquuqo. Waxay u baahan yihiin in ay awood u yeeshaan in ay howlohooda muhimka ah u gutaan si ka madaxbanaan rabshado, kadeed, xarig, cadaadin, cabsi-gelin iyo faafreebid,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Waa in sidaas xaaladdu ahaato mar walba, gaar ahaan xilligan lagu jiro oo Soomaaliya ay isku diyaarinayso doorashooyinkeeda qaran ee ‘qof-iyo-cod’ ah. Tani waa munaasabad taariikhi ah oo u baahan waax warbaahineed oo firfircoon, xor ah oo bed-qabta, taas oo awood u leh inay wararka usoo tabiso si cabsi la’aan iyo eex la’aan ah,” ayuu raaciyay. “Maadaama dalku uu la tacaalayo cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, ayaa baahida loo qabo in warbaahintu soo tebiso warar sugan oo waqtigooda kusoo beegma ayaa sidoo kale ah arrin muhiim ah oo gacan ka geysanaysa kor u-qaadista wacyiga, taas badbaadin kara nolosha dadka.” Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka waxaa looga dan leeyahay in lagu xuso laguna difaaco mabaadi’da asaasiga ah ee xorriyadda saxaafadda. Waxaa la xusaa sanad kasta 3da Maajo, waxaana halkudhigga Maalinta sanadkan uu yahay ‘Saxaafad aan lahayn Cabsi ama Eex,’ iyadoo halkudigga faaf-faahsan uu yahay sidan: bed-qabka haweenka iyo ragga suxufiyiinta ah, saxaafad madaxbanaan oo xirfad leh oo ka caaggan saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyo sinnaanta jinsiga ee dhammaan dhinacyada warbaahinta. Baaqa Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka, oo Soomaaliya ay saxiixday, ayaa dhigaya in xorriyadda hadalka ay tahay xuquuq aadane oo asaasi ah.