Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay saaka rag hubeysan ku qaadeen sarkaal ka tirsan dowladda oo ku sugnaa xaafadda Seybiyaano ee M/Muqdisho. Sarkaalka la weeraray oo ilaalo ka ahaa suuqa Caanaha ee Seybiyaano ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Mahad Dollar. Wararka ayaa sheegaya inuu weerarkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah askartii ilaalada u aheyd sarkaalkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga weerarka fuliyey oo gaarayey illaa saddex, mid ka mid ah isaga oo dhaawac ah gacanta lagu dhigay. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Goobjooge-.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Shacab ku sugan xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodo nee magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyey arrin dhiiranaan leh kadib markii ay gacanta ku dhigeen nin Shabaab ah oo isku day dil ka gaystan xaafadda. Ninkan Shabaabka ah ee shacabka ay qabteen ayaa waxa uu isku dayay inuu dilo sarkaal ka tirsan ciidamada booliska, kaasi oo uu ku dhuftay dhowr rasaas ah, kadibna isku dayey inuu goobta ka baxsado. Sida ay sheegeen goobjoogeyaal, Sarkaalka ayaa la sheegay inuu dhaawacymay, waxaana kadib inuu baxsado isku dayey ninka Shabaabka ah, hase yeeshee waxaa ceersaday dad meesha ka ag dhowaa, si ay usoo qabtaaan. Shacabka oo ku qeylinayaa “Qabta Shabaabka” ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Shabaabkii, kaasi oo markii xoogaa jirdileen kadib u dhiibay ciidamada booliska, oo kadibna la wareegay ninka. Tallaabada ay qaadeen Shabaabka ayaa waxaa aad usoo dhoweeyey maamulka Degmada Hodan oo sheegay in arrintan ay tahay mid dhiiranaan leh, oo haddii dadka oo idil ay sameyn lahaayeen aan la arki lahayn Shabaab wax ku dila gudaha magaalada. Tallaabada maanta lagu qabtay ninkaan ka tirsan Shabaab ayaa waxa ay muujinaysa in dadka shacabka ay yihiin kuwa soo jeestay oo dhibsaday falalka Al-Shabaab ay dadka ku laynayaan, iyadoo lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.
  3. @US2SOMALIA has collaborated w/ @flyethiopian to establish a charter flight from #Mogadishu (MGQ) to @Dulles_Airport, departing Thurs, May 14 with a stop in #AddisAbaba. Tickets can be purchased online on a first-come, first-serve basis. Steps >> https://t.co/M59a9BJxGx #COVID19 — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) May 8, 2020 Qaran News
  4. Dagaalka ka qarxay Puntland+Khasaaraha & Dhinacyaduu dhexmaray Ciidanka Amniga Puntland ee PSF, ayaa ayaa faahfaahin dheeriya ka bixiyay, hawlgal saaka ka dhacay magaalada Boosaaso, oo ay ku fashiliyeen weerar ay soo qaadeen dableey ka tirsan kooxda Daacish. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Puntaland, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi lagu dilay xubin ka tirsanaa Daacish, islamarkaana nolosha lagu qabtay isagoo dhaawac ah madaxii Daacish u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada gobolka Bari, inkastoo aysan magaciisa shaaacin. “Intii hawlgalku socday,waxay ciidanka PSF dileen xubin ka tirsan Amniyaatka Daacish,waxayna dhaawac u geysteen nololna ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaatka cadowga Daacish,kaas oo ahaa madaxii dilalka iyo qaraxyada u qaabilsanaa cadowga Daacish ee gobolka Bari,kaas oo ay xogtiisa ciidanku ku raad-joogeen.” ayaa lagu yidhi qoraal PSF Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in ciidanku hawlgalkaasi ku qabteen gaadhi miinaysan, oo ay wateen xubnaha Daacish, kaasi oo ay ka buuxeen hub iyo qaraxyo la doonayay in waxyeello loogu gaysto shacabka Boosaaso. “Sidoo kale, intii hawlgalku socday waxay ciidanka PSF fashiliyeen oo ay soo qabteen qarax cadowgu gaari ku soo xireen oo ay doonayeen in ay ku waxyeelaan shacabka magaalada Bosaso.” ayaa la sii raaciyay qoraalka. Dhinaca kale, weerarka waxa ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidanka PSF, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan, inkastoo PSF aysan Qoraalkeeda ku xusin khasaaraah dhankooda gaaray. Qaran News
  5. Kani waa sawir hore Ciidanka Amniga Puntland ee PSF, ayaa ayaa faahfaahin dheeriya ka bixiyay, hawlgal saaka ka dhacay magaalada Boosaaso, oo ay ku fashiliyeen weerar ay soo qaadeen dableey ka tirsan kooxda Daacish. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ee magaalada Boosaaso, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi lagu dilay xubin ka tirsanaa Daacish, islamarkaana nolosha lagu qabtay isagoo dhaawac ah madaxii Daacish u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada gobolka Bari, inkastoo aysan magaciisa shaaacin. “Intii hawlgalku socday,waxay ciidanka PSF dileen xubin ka tirsan Amniyaatka Daacish,waxayna dhaawac u geysteen nololna ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaatka cadowga Daacish,kaas oo ahaa madaxii dilalka iyo qaraxyada u qaabilsanaa cadowga Daacish ee gobolka Bari,kaas oo ay xogtiisa ciidanku ku raad-joogeen.” ayaa lagu yiri qoraal PSF. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in ciidanku hawlgalkaasi ku qabteen gaari miinaysan, oo ay wateen xubnaha Daacish, kaasi oo ay ka buuxeen hub iyo qaraxyo la doonayay in waxyeello loogu gaysto shacabka Boosaaso. “Sidoo kale, intii hawlgalku socday waxay ciidanka PSF fashiliyeen oo ay soo qabteen qarax cadowgu gaari ku soo xireen oo ay doonayeen in ay ku waxyeelaan shacabka magaalada Bosaso.” ayaa la sii raaciyay qoraalka. Dhinaca kale, weerarka waxa ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidanka PSF, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan, inkastoo PSF aysan qoraalkeeda ku xusin khasaaraah dhankooda gaaray. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay qabatay madaxii Daacish u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  6. Ethiopian troops have admitted that they shot down the Kenyan plane from African Express after it flew so low that they suspected Al Shabaab was trying to conduct a suicide mission with it. According to Sector Three Commander Brigadier General Alemu Ayene, there was no information that the plane was scheduled to fly to Bardaale and the Ethiopian forces didn’t find ways of communicating with it. It’s not clear why the Ethiopian forced were not aware of the flight which was authorised by the Somalia Civil Aviation Authority. Somalia authorities close to the investigations have indicated that the plane was shot very close to the ground that three of the six crew members didn’t die on impact. The three who survived were reportedly shot at close range by the Ethiopians to ensure that only a single narrative would sell. The African Express flight 711 with registration 5Y AXO was hit by a truck-mounted rocket-propelled grenade while landing in Bardaale on 4th May. Kenyan and Somalia leaders ordered for immediate and thorough investigations into the incident which also saw the death of Captain Hassan Bulhan who is the son of Captain Musa Hassan Burhan, the owner of African Express. Out of the 6 crew members, four were Kenyans while 2 were Somali. AU Mission in Somalia headquarters blamed the shooting on the pilot who was landing West-East and not East-West as all normal landings. The commander said the plane almost landed on ZU 23 crew, believed to a military contingent based in Bardaale. While Ethiopian troops under sector three command are admitting the mistake, it is believed that a contingent of Ethiopian troops which are not under the AMISOM mission conducted the strike which downed the plane. The admission by the troops under the African Union Mission is to allow Ethiopia not to be sanctioned by the International community.
  7. Taliyaha Booliska, qeybta gobolka Bari ee Puntland, G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ka warbixiyey howlgal ciidanka amniga ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso G/Sare Xuseen Cali ayaa sheegay in howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan lagu soo qabtay walxaha qarxa, hub iyo raggii watay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilliga la qabanayey raggaasi hubeysnaa ciidamadu ay wadeen howlgallo roondo ah, islamarkaana uu labada dhinaca dhex-maray iska hor imaad lagu dilay mid ka mid ah kooxdaasi, halka mid kalena isagoo dhaawac la qabtay. Muddooyinkii la soo dhaafay Booliska Puntland ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka waday magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso ee maamulkaasi. View the full article
  8. Muxuu yahay xannuunka u dheer Soomaalida UK murugada iyo geerida fayraska corona? Khadiija Maxamed Cali Kaar Murugada iyo tiiraanyada ay huwan tahay geerida qofka aad jeceshay aabe, hooyo, sey, xaas, walaal, ehel ama saaxiib waa mid ka mid ah waxyaabaha qofka soo wajaha, balse hadda waxyaabaha aafada fayraska corona uu sababay ayaa ah inaanay suurtagal aheyn inaad hareer joogto ama aad macasalaamo tiraahdo. Xaqiiqda dhabta ah ee jirta ayaa ah in ujeedadu tahay sidii qof kasta looga illaalin lahaa fayraska, kuwa aadka cudurka ula ildaran waxaa xannuunka ugu sii daran inaanay awoodin in qoyskoodu aanay la joogi karin, kuwa dhintayna waxaa adag in sidii hore looga qayb galo aaskooda. Soomaalida boqolaalka kun ah ee ku nool UK waxay ka mid yihiin bulshooyinka sida ba’an uu saameeyey cudurku, inkastoo tiro koob dhameystiran aan loo hayn haddana dadka Soomaaliyeed ee cudurka u geeriyooday waxaa lagu qiyaasayaa ku dhawaad 40. Qoysaska ay dadkaasi ka baxeen wax aysan ku maqlin sheeko iyo shaahid ayuu covid19 uga tagay waa dadkoodii oo la aasay xittaa iyagoon wajigooda arag. Muniir Maxamed Xaaji Maki oo 23 sano jir ah iyo Aabihiis Maxamed Maki Muniir Maxamed Xaaji Maki oo 23 sano jir ah Aabihiis Maxamed Maki wuxuu ka mid ahaa dadka 30-ka kun ka badan ee cudurka u geeriyooday, isagoo ka hadley waxa aan qalbigiisa iyo tan qoyska ka go’i karin ee dhimashada Aabihiis u dheer wuxuu yiri; “Aabahay wuxuu Isbitaal ku yaal London ku jiray in ku dhow 4 todobaad, muddadaas aniga , hooyadey iyo toddobada caruurta ah ee ila dhalatay ma aynan arki karin aabaheen oo xannuunsan, cunto xittaa uma aynan geyn karin, waxa kaliya ee xaaladiisa inooga warami jiray waxay ahaayeen dhakhaatiirta” Murugadii ugu darneyd. “Markii naloosha soo sheegay geeriday Aabahey 8-dii April, waxaa naloo sheegay inaan diyaarsano aaskiisa, waxaa naloo sheegay inaynu arki karin, markii aan diyaarinay aaskiisa oo ay sameynay qolyaha ka shaqeeya aaska dadka, waxay naga diideen inaan aragno, markii la dhaqayey maydkiisa ayaa sawir laga soo qaaday la istusay, ka diba Aabe sidaas ayaan ku aasnay” Munir wuxuu kaloo sheegay in isaga oo kaliya uu ahaa qofkii ka socday shantii qof ee loo ogolaaday aaska Aabihiis, isagoo arrintaasi ka hadlaya wuxuu hadalkiisa ku daray; “Aabahay oo jaceyl iyo naxariis nagu soo koriyey ILAAHAY wuxuu qadaray in anigoon arkin wajigiisa aan duugno, tani ma noqon doonto wax aniga iyo qoyskeenna qalbigooda ka go’i doonta” Injineer Baana Cali oo isagoo ka soo qaxay dagaaladii ka dhacay Soomaaliya soo galay London ayaa waqtigiisii wuxuu cudurka covid19 u geeriyooday 28-kii April. Injineer Baana Cali Baana oo ka mid ahaa xiddigii kubadda koleyga Soomaaliya wuxuu muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa dib u soo nooleynta ciyaaraha kubadda koleyga, isagoo ka mid ahaa masuuliyiinta sar sare, waxaa kale oo uu Baana ka shaqeyanyey hay’adda gaadiidka dadweynaha London qaybta tareenada oo uu ka ahaa maamule sare. Xaaskiisa Muna oo ay isku dhaleen afar caruur ah ayaa iyadoo ka hadlaysay tiiraanyadeeda waxay ku sifaysay saygeeda “Aabe la jecel yahay”, iyo “Shakhsi bini’aadamtinimadu ku weyneyd qalbi wanaagsanna lahaa”. Waxay intaasi ku dartay “Ma aanan waayin nin aan jeclaa oo kaliya, balse waxaan waayey deeqsi, shakhi dadka ka tilmaamnaa, kaasi oo ahaa lafdhabarka qoyska, inta aan noolahay waan xusuusan doonaa, waxaan illaalin doonaa xusuustiisa iyo wanaagiisii, waligey ma ilaawi doono” Muna geerida saygeeda waxaa u dheer in Covid19 sidoo kale uu dilay Aabaheed iyo adeerkeed. Khadiija Maxamed Cali Kaar (Baarcad) oo aheyd 60 sano jir waxay London ugu geeriyootay cudurka covid19, booqasho qoys ayay u timid halkan laakiin waxaa ka qodnaa godkeeda, waxay qabtay xanuun wadnaha oo ay qalliin looga sameeyey. Inkastoo Khadiija geerideedu ka duwanyd tan Soomaali badan maaddaama ay ku geeriyootay guri haddana waxay marna laba naxdin u aheyd qoyskeeda marna waxoogaa nasiib aanay helin dad badan oo aan arag dadkoodii saacadihii ugu dambeeyey nolashooda. Cabdalla Maxamed Cali-Kaar (Cabdalla Nairobi) oo ay walaalo ahaayeen Khadkiija, ayna ku geeriyootay gurigiisa, wuxuu BBC-da u sheegay in naxdintii geerida walaashiis ay xitaa saameyn ku yeelatay qoyska oo dhan oo ay ilmihiisu ku jiraan ,maaddaamma si kadis ah ay ugu dhex geeriyootay guriga. Waxaa lagu aasay xabaalaha Muslimiinta ee Eternal Gardens “Walaashey xannuun badan lama kulmin, waxoogaa ayay dareentay hargab waxay bilowday inay qufacdo, markii aan damcay inaan Isbitaalka wado way iga diiday oo waxay igu tiri “Ma rabo adinkoon ila joogin inaan geeriyoodo, guriga ayaan joogayaa ee yaan la igeyn Isbitaal”, ka dib way seexatay, waxaan u haysanay inay jiifto, dhawr saacadood markii ay qolka ku jirtay ayaan shakiyey inaan la hadlo ayaan damcay balse waxay aheyd meyd” “Inagoo oohin iyo naxdin ku jirna ayaan wacnay qaybta xaaladda deg deg ah, waxaa inoo timid Ambulance iyo Booliis ka dib baaritaan ayay ku sameeyey walaashey, waxay inoo sheegeen inay geeriyootay oo ay geynayaan qaybta meydka ee Isbitaalka, isla markaana aan diyaarsano qaabkii loo aasi lahaa, xilligaas habeen ayuu ahaa magaaladu way kala xirneyd xaallad adag ayeynu galnay iyo inaan raadino aaskii, qoladii aaska waxay inoo sheegeen in xabaal wadareed oo kaliya ay ku aasi karaan maadaama aanay hayn qabuuro ku filan dhamaan meydadka, laakiin taasi waan diidanay qolo kale ayaan maalmo ka dib helnay, waxay nagu qaadatay ku dhawaad 10 maalmood inaan walaasheen u helno qabri” ayuu hadalkiisa sii ku daray. “Nasiib waxaan ku lahaa walaashey aniga oo kaliya ayaa wajigeeda la i tusay qoyskeenna oo dhan xitaa ilamaheeda, laakiin ugu dambeyn walaashey Khadiija si fiican oo aan ku qanacsaneyn ayaan u aasnay ILAAHAY ha u naxariisto ayuu yiri Cabdalla. Warsame Maxamed Geedi iyo Saynab Mahdi Cabdulle Warsame Maxamed Geedi oo loo yaqaan Xiddig xaaskiisii Saynab Mahdi Cabdulle oo ay isku dhaleen shan caruur ah waxay u geeriyootay Covid19. Si la mid ah qoysas badan waxaa wehel u noqday geeri iyo xannuun qalbiga taabtay, isaga iyo caruurtooda sidii Saynab isbitaalka loogu qaaday hal marna ma aysan akrin, waxa kaliya ee isagu uu dul istaagay waa aaskeedii ka dib 3 todobaad oo ay Isbitaal kaligeed ku aheyd. “Tobankii maalmood ee ugu horreeyey waxaan kala hadli jirnay telefoonka, laakiin markii la galiyey qaybta koomada ama xaaladda deg deg ah, hadalkeeda ma aynan maqal, waxa kaliya ee akhbaarteeda aynu ka heli jirnay dhakhaatiirta oo 24-kii saacba mar ina soo wici jiray” ayuu yiri Warsame. Salaadda janaasada ayaa lagu tukaday iyadoo ay dadka kala fogyihiin si cudurkan uusan u faafin Maalintii murugada “Ku dhawaad 2 asbuuc oo ay ku jirtay koomo subaxii dambe ayaa waxaa isoo wacay dhakhtar wuxuu ii sheegay in xaaladda Saynab ay ka dartay, aysana jirin rajo ah inay sii noolaato, 6 saac ka dib waxaa laga iga soo wacay Isbitaalka, waxaa la ii sheegay warkii aniga iyo caruurteenna ugu naxdinta badnaa oo ahaa in Saynab ay geeriyootay” ayuu Warsame hadalkiisa raaciyey. “Muruga kale waxay aheyd inaan aniga iyo ilmuhu hareer joogin geerideeda, in qoyska oo dhan aanay tagi karin aaskeeda, oo dad yar loo ogol yahay, taasina waxay aheyd xannuun kale, balse anagoo aamisan qadarta ALLE waan samirnay, Saynab-na waan duugnay, ILAAHAY ha u naxariisto” ayuu Warsame hadalkiisa ku soo koobay. Qaran News
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Maxaabiis ka baxsaneyay xabsiga weyn ee magaaladaasi ay dhaawac gaarsiiyeen ilaaladii xabsigaasi, xili uu dagaal kooban dhex-maray. Maxaabiista ayaa isku dayey fulinta qorshe ay kaga baxsanayeen xabsigaasi, walow dagaal kooban oo dhex-maray ciidamadii ilaalada ka ahaa xabsigaasi uu qorshahaasi ku soo dhamaaday fashil. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkaasi dhex-maray Maxaabiista baxsadka ahaa iyo ciidamada ilaalada xabsiga weyn ee Burco, ayaa sababay dhaawacyo soo gaaray ciidamada, kuwaasi oo qaarkood lagu dabiibayo isbitaalka Burco. Maxaabiista ayaa loo badaleyay xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay xukunkii ku dhameysteen xabsigaasi, kuwaasi oo ka biyo diidanaa badalkooda Hargeysa, taasi oo dhalisay iska hor-imaadka. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhaawac fudud uu soo gaaray mid kamid ah Maxaabiistii ka baxsanayey xabsigaasi, iyada oo xaalada xabsiga weyn ee Burco ay himika tahay mid degan kadib markii uu dagaal ku dhex-maray Maxaabiistaasi iyo ciidamada ilaalada ka ahaa.
  10. Waxaa caawa tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle ku ballansan, islamarkaana isaga hor imaan doono degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag ee gobolkaan Banaadir. Labada degmo oo ku wada jira group-ka A, wareega koowaad ee tartanka bisha Ramadaan ayaa sidoo kale waxa ay bilow u yihiin is-araga 3-aad ee tartanka. Wadajir ayaa labadii kulan ee hore mar soo badisay, midna barbaro soo gashay, halka Howlwadaag ay labadii kulan ee hore mid ay gashay barbaro, midna laga soo badiyey. Sidoo kale waxaa xusid mudna in lugtii u dambeysay ee is-araga labaad Wadajir ay soo garaacday dhiggeeda Howlwadaag oo ay markale caawa isku beegan yiihiin. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
  11. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo muuqaal laga soo duubay isagoo ku sugan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa bogaadiyay hawlgalkii lagu fashiliyay weerarkii Argagixisada Daacish ay doonayeen in ay ka fuliyaan gudaha Boosaaso. Madaxweynaha, ayaa u mahadceliyay Laamaha Amniga gobolka Bari, oo Sabtida maanta ah fashiliyay weerarkaas Argagixiso ee ay soo qaadeen xubno ka tirsan Daacish, kuwaas oo watay gaari hub iyo qaraxyo ka buuxaan, islamarkaan doonayay in ay weerarro iyo qaraxyo ka gaystaan Boosaaso. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in kooxaha Argagixisada ah uu wakhtigooda dhammaaday, balse ay isku dayayaan in ay khalkhal gelin ku sameeyaan shacabka, si ay cabsi ugu abuuraan, taasina aysan u suurta-geli doonin. Sidoo kale, wuxuu shacabka Puntland meel kasta oo ay joogaan ugu baaqay, in ay ka qayb qaataan cirib-tirka malayshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-shabaab, oo sida madaxweynuhu sheegay wakhtigoodu gabaabsi yahay. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo bogaadiyay Ciidankii fashiliyay weerarkii Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska Guud ee ciidamada Galmudug ayaa ka hadlay war uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliiska Dhuusamreeb ee ah in Taliska uu xabsiga kasii daayay xubno ka tirsan Al Shabaab. Gaashaanle Sare Cabdikariim Xuseen Macalin ayaa beeniyay warka laga soo xigtay taliyaha, wuxuuna ka dhawaajiyay in laga doonayo caddeymo ku aadan hadalkii uu warbaahinta u sheegay. Taliska Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in maamulka uu dagaal kula jiro Al-Shabaab, waana sababta aysan suuragal u aheyn in ruux loo tuhunsan yahay Al-Shabaabnimo laga sii daayo xabsiga, sida uu sheegay. Taliyahii saxaafadda la wadaagay warkaan miisaanka leh ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu u hayay, wuxuuna is casilaadiisa ku eedeeyay in shaqsiyaad dambiyo kala duwan xabsiga ugu xirnaa iney sii daayeen Saraakiil isaga ka sarreysa. Dhamme Burhaan Axmed wuxuu ku adkeystay iney mudooyinkii lasoo dhaafay soo xireen Shabakado la tuhunsan yahay, balse xabsiga laga sii daayay iyadoo ay socoto baarista dambiyadooda.
  13. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa lagu soo warramayaa in maanta gaari ay la socdeen dad shacab ah AY ku rasaaseeyeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in falkaasi uu ku dhaawacmay wiil dhalinyaro ah oo saarnaa gaariga la rasaaseeyey oo marayey agagaarka xarunta INJI ee magaaladaasi. Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga ee magaalada Dhuusamareeb. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana wiilka dhalinyarada ah ee dhaawacmay la dhigay isbitaalka guud ee magaaladaasi. View the full article
  14. Xildhibaan Caasho Koos Maxamuud Cumar oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladaha adag ee haatan ka jira deegaanada HirShabelle. Caasho Koos oo wareysi siisay Shabelle ayaa sheegtay in deegaano ka mid ah Hiiraan iyo Sh/ Dhexe ay saameysay fatahaada webiga Shabelle ee mara gobolladaasi. Sidoo kale waxay ugu baaqday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay deeq gaarsiiso dadkaaasi shacabka ah ee haatan dhibaateysan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/koo.mp3 View the full article
  15. Taliska Booliska Galmudug ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeeray sarkaal Boolis ah oo ku saabsanaa in saldhigga Dhuusamareeb laga sii daayey xubno ka tirsan Al-Shabaab. Taliyaha ciidanka Booliska Galmudug Gaashaanle Sare Cabdikariin Xuseen Macalin ayaa warbaahinta u sheegay in hadalladaasi ay yihiin wax aan sal iyo raad toona lahayn. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sarkaal kaasi looga baahan yahay caddeyn, maadaana warkani uu dhaawacayo sumcada ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Bilihii la soo dhaafay taliska ciidamada Booliska Galmudug ayaa ku howlanaa tayeynta ciidamada Booliska ah ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi. View the full article
  16. Dowlada Emaaraatka Carabta ayaa markii labaad Puntland soo gaarsiisay Shixnada Qalab Caafimaad ah oo ay ku jiraan Shaybaaro casriya oo lagu baaro cudurada faafa. Dowlada [...] Source
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-09052020-ww.mp3 View the full article
  18. Boosaaso (Caasimadda Online) Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa laga soo sheegayaa inuu ka dhacay iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Amniga Dowlad Goboleedka Puntland iyo Maleeshiyada Daacish. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Bosaaso, dableey Hubeysan oo ka tirsan Daacish ayaa weerar ku qaaday Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo ku sugan bartamaha magaalada, waxaana la soo tabiyay in iska hor imaadkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac. Askari ka tirsan ciidanka Putnaldn iyo xubin ka tirsan dableyda weerarka soo qaaday ayaa ku geeriyooday sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal, sidoo kalana ilo madax banaan ayaa sheegay in la qabtay mid ka mid ah dableyda weerarka soo qaaday oo iska hor imaadka ku dhaawacmay. Sidoo kale Ciidanka Amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari nuuca dagaalka ah oo ay saaran yahiin hub iyo waxyaalo qarxa oo sida la sheegay ay doonayeen kooxdaan iney qaraxyo uga fuliyaan gudaha magaalada. Magaalada Boosaaso mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa laga fulinayay hawlgallo lagu xaqiijinayo amaanka, sida ay dadka deegaanka ku warramayaan ciidamada Amaanka Puntland waxey u muqudaan kuwa ka miradhalinaya hawsha ay baryahaan dambe wadeen.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in diyaaradii lagu riday Bardaale ay kala xisaabtami doonaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaanada ayaa xusay in diyaaradaas ay soo rideen ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, midaasna ay tahay arrin wax la iska weydiin doono. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayey ku eedeeyeen inuu dalka si sharci darro ah kusoo geliyey ciidamo ka tirsan Itoobiya oo aysan ka war qabin howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah Xildhibaanadaas kana tirsan aqalka sare ayaa sheegay in kulamada ugu horreeyo ee labada aqal ay arrintaas uga hadli doonaan isla markaasna Dowladda laga rabo inay jawaab cad ka bixiso. “Madaxweyne Farmajo, hada waan fahaney waxa adiga iyo Abiy Ahmed idinka dhaxeeyo aad BFS iyo umada Soomaaliyeed kaqarineysey inaad usharaxdo laakiin Ilaah ayaa banaanka keeney ceebtaada. Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed na waxay qaadi doonaan goaano sharci oo kadhan ah ku xad gudubka madax banaanida dhulka iyo dhiiga Berdaale kudul daadisey” ayuu yiri Senator Ilyaas. Wuxuu intaas kusii daray in soo gelintaanka ciidamada Itoobiya ee aan ka qeyb ka aheyn AMISOM ay si cad uga soo horjeedo sharafta iyo madax banaanida dhulka Soomaaliyeed. Warqad kasoo baxday taliska Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliska AMISOM uusan wax lug ah ku laheyn diyaaradii gargaarka siday ee dhawaan lagu soo riday degmada Bardaale ee gobolka Bay. Hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaanada ayaa kusoo aadayo xilli AMISOM ay xaqiijisay in diyaaradaas ay toogteen ciidamo itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn AMISOM.
  20. Bosaso ( PP News Desk ) — Puntland Security Forces in Bosaso foiled earlier this morning an attack by gunmen loyal to Islamic State in Somalia in the centre of the port town. The car ISIS fighters used to launch the attack The extremist group’s two assailants were travelling in a car marked taxi but was laden with improvised explosive devices. IEDs ISIS fighters were carrying in the car The ISIS fighters attacked a US-funded PSF post in Bosaso and killed one soldier. In the ensuing firefight one ISIS fighter was killed and another was wounded. The wounded gunman remains in custody. ISIS fighters have bases in parts of Bari region. Recently they have been making their presence in Bosaso felt through attacks and intimidations. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND SECURITY FORCES FOIL ISIS ATTACK IN BOSASO appeared first on Puntland Post.
  21. Ciidamada Amaanka Puntland ayaa saaka howlgal xoogan ka bilaabay Magaalada Bosaso kadib markii ay heleen Xog ku saabsan kooxda Argagixisada ah. Howlgalkii saaka waxay Ciidanku [...] Source
  22. Deg Deg Shaqaaqo ka dhacay jeelka weyne ee magalaada burco +khasaaraha ka dhashay Source
  23. Shir jaraa’id oo uu goor dhow magaalada Dhuusamareeb ku qabtay taliyaha booliska Galmudug gaashaanle sare Cabdikariin Xuseen Macallin ayaa waxa uu ku beeniyay war ku saabsan in xubno looga shakiyay Al shabaab laga sii daayay Xabsiga Dhuusamareeb ka dib markii sidaas uu sheegay taliyihii booliska caasimadda Galmudug ee xilka banneeyay. Taliyaha booliska Galmudug ayaa tilmaamay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn waxa uun intaas ku daray in booliska ay ka fog yihiin inay laaluush qaataan waxa uuna hadalka taliyihii Dhuusamareeb dhame Burhaan Axmed ku tilmaamay inuu yahay mid raqiis ah. Sidoo kale gaashaanle Cabdikariin Xuseen ayaa tibaaxay in hadalka ka soo yeeray dhame Burhaan Axmed ee ahaa in saraakiil sar sare ay xabsiga Dhuusamareeb ka sii daayeen xubno looga shakiyay Al shabaab looga fadhiyo caddeymo sax ah uu muujinaya in xubnahaasi la siidaayay. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xilli xalay uu iscasilay taliyiihii booliska Dhuusamareeb ka dib markii uu sheegay in xubno looga shakisanaa Al shabaab islamarkaana uu isaga soo xiray ay sii daayeen saraakiil isaga ka sareysa sidaasina uu shaqadii uga tagay. Goobjoog News Source: goobjoog.com