Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu caawa soo saaray waxa uu walaac uga muujiyey nidaamka ay dalka kusoo galeen, kuna joogaan ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka aheyn howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo toddobaadkii hore diyaarad gargaar siday ku soo riday magaalada Bardaale ee gobolka Bay. ‘Madaxda dowladda waxaan ka rabnaa iney shacbiga Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ciidanka Ethiopia kusoo galeen dalka, kuna joogaan. Waxaan qabnaa tuhun ah in uu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Ethiopia iyo madaxda dowladda oo ilaa iyo hadda aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheesh Shariif. Mar kale ayuu ku celiyey in tallaanadaas lagu soo riday diyaarada gargaarka siday ay xadgudub iyo halis ku tahay hawada dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee duullimaayada rayidka, waxuuna baarlamaanka dalka ugu baaqay inay qaataan doorkooda la xisaabtanka hey’adaha fulinta ee dowladda. Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shariif oo dhameystiran Howlgalka nabad ilaalinta Amisom waxeey caddeeyeen in ciidanka Ethiopia ee toogtay diyaaraddii African Express ee Gargaarka u sidey Berdaale aysan hoos imaan, kana tirsaneyn taliskooda. Madaxda dowladda waxaan ka rabnaa iney shacbiga Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ciidanka Ethiopia kusoo galeen dalka, kuna joogaan. Waxaan qabnaa tuhun ah in uu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Ethiopia iyo madaxda dowladda oo ilaa iyo hadda aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ciidanka Amisom qaanuun dowli ah oo howlgalkooda xakameeynaya ayaa jira, laakiin ciidanka Itoobiya ee sifaha aan sharciga ahayn dalkeenna ku jooga ma heyno qaab loola xisaabtami Karo oo cad. Tallaanadan lagu soo ridey diyaarad gargaar waxay xadgudub iyo halis ku tahay hawada (Airspace) dalkeenna iyo xeerarka kale ee duulimaayada rayidka. Waxaan ku baaqaynaa in barlamaanka uu qaato doorkiisa korjoogteynta hay’adaha fulinta, wadanka lagu maamulo siyaasad daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.
  2. A Kenyan-Somali taxi man Hassan Abdi Mohamed was on Monday stabbed to death by a gang allegedly hired by his estranged wife. Source: Hiiraan Online
  3. Waxaan anigu ka mid noqday shantii qof ee ugu dambeeyay ee hoos looga dhaadhiciyo buurtii ciidda ahayd, waxaanan ugu tegay dadkii oo fadhiya, una fadhiya sidii hore ee saf-safka ahayd oo kale, madaxana ay kula jiraan jilbaha dhexdooda oo ay askartiina ku harreeraysan tahay. Askarta mid ka mid ahi ayaa meel gaar ah taagnaa, qiyaastii wuxuu ahaa sarkaalkii watay askartaas. Dadkii aan meeshaas ugu imid waxaan ka gartay Nuur Baaruud oo kaliya. Markii aan fadhiistay ayuu nin Askari ahi yidhi; ‘Taliye way soo dhammaadeen.’ Ka dibna ninkii sarkaalka ahaa ayaa amarkii bixiyey oo yidhi; ‘Ku fura Rasaasta, maxaad la sugaysaan? Sidaas ayaanay ku bilaabantay rasaastii. Dadkii waxay noqdeen qof ashahaata, qof qayliya, qof ooya qofba wax buu ku hadlay, daqiiqado yar gudahood ayey naftii kaga wada baxday dadkii rasaasta lagu furay. Cumar Muuse Mire ayaa yidhi isaga oo sii wada dhacdadaas: “Nasiib-wanaag aniga Rasaastu waxay igaga dhacday garabka hoostiisa oo ay jiidhaysay, waxaanan isku dhex tuuray dadkii kale ee maydka ahaa” Askartii mar kale ayey haddana soo dhex-galeen maydadkii si ay wixii sii dhaqdhaqaaqaya u dilaan, waxaanay qofkii sii khiikhle ee naftu ka sii gurmeyso ku dhufanayeen dhawr Xabbadood. Woxoogaa ka dib ayuu Sarkaalkii yidhi aniga oo maqlaya: “aasa maydadka oo ciidda ku roga, si aanay u arag cid kale”. Sidaas awgeed ayaa askari kastaa uu mayd lugta qabtay, una jiiday, meelna isugu ururiyeen. Aniga waxa i jiiday askari, aad baan u gariirarayay, garriirkana ma aan joojin karayn. Askarigaasi wuu dareemay inaan noolahay, waxaanu la hadley askarigii ka dambeeyey oo uu ku yidhi rasaastiiba iga dhammaataye ii dhiib qorigaaga. Markaa, mid kale ayaa igu soo noqday oo isna lugta i qabtay, waxaanu yidhi; ‘waar maad arag qof dhintaye, kani ma noola ee wuu dubaaxinayaaye ciidda ku rog.’ Sidaas awgeed ayay woxoogaa ciid ah dusha iiga saareen, isla markaasna dhinac ayaan ka neefsanayay. Intaa kadib ayay Askartii fuuleen baabuurtoodii oo saddex ahaa, markii ay woxoogaa iga sii maqnaayeen ayaan iska rogey ciiddii oo aan kacay, dadkii ayaan eegay iyagoo qof waliba uu googgo’ay, Rasaastiina aad ugu dhacday, naftiina ka wada baxday dhammaantood. Waxa aan xidhnaa macawis iyo garan aan ku soo toosay, garankiina xabaddii ayaa googoysay. Waxaan u cararay dhinaca badda, waxaan iskaga soo maydhay dhiigii igu masaxmay, kolkaas ka dib ayaan xagga magaalada Muqdisho u soo cararay oo markaa ilaa 30-km ii jirtay. Qiyaastii illaa lixdii ayaan ka soo dhaqaaqay goobtii uu xasuuqu ka dhacay, magaaladana 12-kii maalinimo ayaan soo galay, waaxanan gaadhay isla gurigii la iga qaaday habeenimadii. Isla kolkii aan gurigii soo galay, waxaa la igu yidhi: waar miyaa la idin soo daayey waatii xalay la idin qaaday e? Waxaan ku idhi: “aniga ayuun baa ka nool dadkii oo waa la laayey”. Markaas dadkii ayaa baroor bilaabay oo gurigii ayaa lagu soo buuqay. Aniga oo marka horeba didsanaa, waan xammili waayay baroorta iyo buuqa. Si aan la iigusoo raacin qaylada oo aan mar kale la ii qaban ayaan dhar gashaday oon iska beddalay macawistii aan guntanaa, ka dibna aan uga baxay xaafaddii. Waxa aan raacay bas, waxaanan tegay makhaayad la odhan jiray Cagaaran oo aan wax ka cuni jiray asxaabtaydana kula sheekaysan jiray. Waxan la kulmay nin aanu qaraabo ahayn oo la odhan jiray Cabdikhaalif Dhaga-weel. Kadib markii aan uga waramay wixii dhacay ayuu i kaxeeyey iguna qariyey guri uu ku jiray, nabarkiina dawo ayuu iga mariyay. Dhawr saacadood kadib, saddex nin ayaa ii yimid gurigii aan isku qarinayey. Mid ka mida saddexda nin ayaan aqaannay. Way iga tageen markii aan uga warramay wixii dhacay. Wakhti aan ku qiyaasayo ilaa Saddexdii galabnimo, ayaa haddana waxa I soo booqday 7 nin oo ay ku jiraan mid ka mid ah saddexdii hore iyo nin janan ah oo dirays militeri iyo darajo ku labbisan. Waxay wateen gaadhi Laankaruusar ah. Mardambe ayaa la ii sheegay in jananku ahaa Jeneraal Xuseen Xasan “Karaj”. Dadka kale ee la socday qaar ka mid ahi waxay ahaayeen Cabdirisaaq Caydiid qaraabadiisii. Gaadhigii ayaanu raacnay annaga oo toddoba ah. Way I qaadeen, waxaanan u kaxeeyay bartii xasuuqu ka dhacay si aan u tuso maydkii dadka lagu laayey Jasiira. Waxay arkeen maydkii oo sidoodii u yaalla, dabayshuna ciiddii lagu rogay ka qaadday oo hilbahoodii rasaasi googoysey. Markay indhahooda ku arkeen wixii dhacay ayaanu dib u soo noqonnay, ayuu yidhi Cumar Muuse. Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan oo xilligaas ka shaqaynayay idaacadda BBC-da, ayaa ahaa suxufigii koowaad ee soo bandhiga Xasuuqii Jasiira. Isla kolkii ay laanta afka Soomaaliga ee BBC-du baahisay warbixintaas, gummaadkaas idaacada BBC-du waxay ku baahisay saddex luuqadood oo kale – Ingiriisi, Carabi, iyo Sawaaxili. Si isku mid ah ayay Hay’adaha xuquuqda aadamiga, dawladaha caalamka iyo dunida kale u ogaatay xasuuqaas, waxaanay sabab u noqotay inuu Siyaad Barre ka baaqdo ka qaybgalo shirkii Midowga Afrik oo lagu qabanayay Itoobiya. Afweyne, si uu isaga dhigo in aan waxba kala socon xasuuqaas, wuxuu u magacaabay guddi maqaar-saar ah oo baadha xasuuqii ka dhacay xeebta Jasiira, bal se suuragal ma tahay inuu nin dhagarqabe ahi shaqaalihiisa ku amro inay soo helaan dhagartii uu isla isagu galay? Xiitaa haddii ay soo helaan, ma ku dhacaan inay run ka sheegi karaan wixii ay baadhitaanka ku helaan? Waxa habeenkaas hal meel lagu wada toogtay sagaal qof oo guri qudha laga la soo wada baxay, afar qof oo kale oo iyagana isla guri laga la soo baxay, haddii aanu Cumar Muuse bedbaadi lahaynna, afartaasi waxay noqon lahaayeen shan qof. Guriyihii buuxay habeen ka hor, habeenkii ku xigay sanqadhi ka ma ay baxayn! Amarka lagu gummaaday 57-kaas qof waxa uu ka yimid wiilkii Afweyne uu dhalay ee Maslax Siyaad, waxaana fuliyay Dhagarqabe, Kornayl Ibraahin Cali Barre (Canjeex) oo dabcan inaadeerkii ahaa, iyada oo aan waraysi laga qaaday Kornayl Canjeex oo ku saabsan xasuuqii Jasiira, ku soo bandhigi doono qaybta xigta. Dadkaas idil ahaantood waxaa lagu bartilmaameedsaday haybtooda. Akhri magacyada dadkii la xasuuqay iyo shaqooyinkii ay qaban jireen: 1.Ibrahim Hasan Gelle – US-OMC-somalia 2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie – Besinessman 3. Mohamed Ismail Ahmed – BUSINESSMAN 4.Yusuf Mohame Handulle – USAID 5.Abiwahab Farah Ahmed – Student 6.Mohamed Mohamud Abdi – Businessman 7.Hassan Aw Nur Barud – Businessman 8.Abdi Osman Dubad – Trader 9.Mohamed Musa Mohamed – Trader 10.Mohamoud Bacadle – Civil servent 11.Daud SH. Ibrahim 12.Farah Ismail Awale – Student 13.Dahir Mohamed Jama Warfaa – Trader 14.Dayib Abdi Burale – Trader 15.Husein Omar Husein – Trader 16.Saeed Mohamed Mumin – Ass.pro.Lafole S.N.U 17.Musa Abdi Gaas – Businessman 18. Abdi Barre Osman – Graduate. 19. Barre Osman Abdi – Trader 20. Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale) – Trader 21. Yusuf Abdillahi Roble – Graduate Dr. 22.Ali Mohamed Abdi – Student 23.Abdi Mohamed Abdi – Technician 24.Ahmed Yassin Omar Jama – Businessman 25.Mohamed Abdi Hassan – Businessman 26.Ibrahim Hassan Ege – Technician 27.Abdi Muhumed Daud – Businessman 28.Jama Mohamed Abdi – Trader 29.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) – Sportsman 30.Rashid Mohamed Osman 31.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan – Trader 32.Abdirahman Ahmed Dhimbil – Civil servent 33.Hussein Muhumed Farah – Civil servent 34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi) – Trader 35.Abdirizaq Aydiid Mohamed – Student 36.Hussein Osman Jama – Student 37.Khadar Mohamed Ahmed – Student 38.Bihi Ibrahim Ahmed – Student 39.Hassan Nur Hersi – Student 40.Abokor Mohamed Yousuf – Trader 41.Hassan Guure Abdi – Trader 42.Khadar nuur Jama – Trader 43.Ahmed Yusuf Ibrahim – Trader 44.Mohamed Osman Jama – Trader 45.Hassan Abdi Muhumed – Businessman. 46.Matan Abdi Habashi – Student 47.Fuad Abdillahi Ibrahimshicib 48.Hussein Ali Aden – Businessman 49.Saeed Nur Musa – Businesman 50.Abdirahman Mohamed Bihi – Businessman 51.Abdifatah Ahmed Jiir – Student 52.Ali Mohamed Dirie – C.Serv 53.Jama Aden (barosin) – Civil servent 54.Hussein Kheyre Abdi – shicib 55.Warsame Dugsiye Reydal – Trader 56.Muhumed Abdillahi Warsame – Trader Tixraac: 1. BBC-da, laanteeda afka Soomaaliga 2. Somaliland Democracy Watch Organization – SDWO.com 3. Waraysiyo kala duwan oo lala yeeshay Cumar Muuse Mire. 4. Waraysi laga qaaday Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, 2007. 5. Wargeyska Himilomedia 6. Wargeyska Geeska Afrika 7. Wargeyska Haatuf 8. Wargeyska Ogaal 9. Shabakadda Ramaasnews Qore: Maxamed Sharma’ake Sharmaake91@gmail.com Qaran News
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar-___-QumanahaWararka-09052020www.mp3 View the full article
  5. Dadka degan xaafada buulow oo ka tirsan magaalada Xuddur ee gobolka Bokool ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa saaka ku waabaristay dadad ka dhashay roobab mahigaan ah oo saacadahii la soo dhafay ka da’ayey magaalada xuddur, daadadkaasi oo ka kala godoomiyay xaafada buulow iyo magaalada Xudur inteeda kale. Wararka ayaa intaa ku daraya in xaafadaha qaar dadkii deganaa ay isga barakaceen, halka beerahii udhawaa magaladana gabai ahaanba dalagyadii kabaxay daadadka ay baabi’iyeen biyuhuna ay fadhiyaan beeraha Xubno ka tirsan Maamulka degmada xuddur iyo Hay’ada ACF ayaa guryahooda ku booqday qoysaska daadaka ay saameeyeen si ay uqiimeeyaan inta ay la egtahay saameynta daadadka khasaaraha maal ee soo gaaray shacabka. Majiraan wax khasaaro nafeed ah oo ay sababeen daadadka ka dhashay Roobabkii halkaasi ka da’ay balse waxaa jira weli dad guryahooda ay biyo gelin oo ka cabsi qaba in haddii Roobadkale ay da’aan ay ka baracayaan guryahooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta magaalada Dhuusamareeb diyaarad looga soo qaaday Taliyihii xalay is-casilay ee ciidanka booliska magaalada Dhuusamareeb Dhamme Burhaan Axmed Rooble. Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa sarkaalkaas uga yeeray Muqdisho si wax looga waydiiyo eedeymihii uu xalay u jeedoyey saraakiisha ka sareysa oo ahaa kuwo culus. Taliye Burhaan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa sheegay in iyadoo loo gacan dhaafayo ay saraakiil ka sareysa saldhiga Dhuusamareeb kasii daayeen dad lagu tuhunsanaa Shabaabnimo oo ay baaritaano ku socdeen. Sargaalkan waxaa galabta garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb kasoo sagootiyay saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya. Taliye Burhaan ayaa xalay Dhuusamareeb ka sheegay, “Waxaa xabsiga Dhuusamareeb laga daayay laba qofood oo yimid magaalada lagana shakiyay, sidaasina lagu xiray, kuwaas oo markii aan ku sameynay baaritaano hor dhac ah ay noo soo baxday inay yihiin shabakad weyn oo isku xiran, balse iyadoo baaritaano ku socdaan ayaa xabsiga laga sii daayay, waana la ii gacan dhaafay, mar kale ayaa qabanay nin dhalinyaro ah oo aan tuhmeyno in uu ka tirsanyahay Al-Shabaab, balse xilli ay baaritaanadiisu ay meel fiican marayeen, aniga oo maqan ayaa xabsiga laga sii daayey oo loo fakiyey dhanka Cadaado”. Taliye Burhaan oo ka mid ahaa saraakiishii Ahlu-Sunna ee dowladda ku biiray ayaa arintaas faro gelinta ah ku tilmaamay mida keentay in uu xilkaan iska casilo, isagoo sheegay in uusan dooneyn in shacabka reer Dhuusamareeb uu u hoosaasiyo khatar lala damacsan yahay, sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha guud ee ciidanka booliiska Galmudug G/Sare Cabdikariin Xuseen Macalin ayaa maanta warbaahinta u sheegay in wixii taliyahaasi ku hadlay aysan waxaba ka jirin, isla markaana sarkaalkaas laga dhex hadlayey, sida uu yiri. Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu kasoo saaray is-casilaada taliyahaas waxa uu ku yiri, “Lama arag askari ama sarkaal maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Alshabaab la shaqeeya, kaasoo isku ah, askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukun rida.” “Sarkaalka ama askariga inta aan shaqo loo dirin ka hor waa In la soo baraa shuruucda ciidanka. Sharcigana looma qaloocin karo dhanka waxa aad aaminsanayd inta aadan askari noqon oo ah dadka kaa aragtida duwan oo dhan in aad ku dhejiso shaabad seeko ah oo alshabaabnimo,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyey wasiir Fiqi.
  7. Gobollo ku yaalla deegaanka Amxaarada oo ka tirsan dalka Itoobiya marki iskuullada Coronavirus dartii loo xiray waxaa si weyn u kordhay guurka aan qaan-gaarka ahayn. Wasaaradda haweenka, dhalinyarada iyo carruurta ee u xil saaran ka hortagga caadooyinka xunxun ee loo geysto gabdhaha yaryar ee lagula kaca guurka aan qaan-gaarka ahayn waxay sheegtay dugsiyada xiran iney dhibaatada sii huriyeen. Ku xigeenka wasaaraddaasi Selaamaawiit Alamaayehu waxay sheegtay inta dugsiyada waxbarashada loo xirin cudurka safmarka ee Coronavirus xogta gabdhaha falalkaasi lagula kaco ay ka heli jireen maamulada dugsiyada iyo macallimiinta dugsiyadaasi wax ka baro. Balse hadda maadaamaa ay goobihi waxbarashada xiran yihiin ay adag tahay in si fudud xog loo helo. Aroosyada guurka aan qaan-gaarka ahayn ee dhici jiray wixi Coronavirus ka horreeyey si fudud ayaa loola socon jiray balse hadda aroosyada dhacayo laftooda waxay dhacaan iyada oo aan xogtooda la helin. “Wasaaradda oo kaashaneyso guddiyada ka hortagga Coronavirus waxay haatan billaawday iney guri ka guri xog uga raadiso gaar ahaanna goobaha sida aadka ah uu uga dhacayo guurka aan qaan-gaarka ahayn” ayey tiri. “Xogta ay wasaaraddu heshayna dhibka wuxuu ku badan yahay oo si aad ah uu uga jiraa gobollada Koonfurta Goonder iyo Bariga Gojam.” Desaalegn Bitew oo maamula ka ah mid ka mid ah dugsiyadaasi hoose ee gobolladaasi ka jira wuxuu sheegay “waagi hore xog ku saabsan guur aan qaangaar ahayn waxaan ka heli jirnay ardayda gabdhaha ee lagula kaca iyo saaxibbadood. Xogta mrkaan helno oo aan xaqiijinno iney sax tahayna waxaan laamaha dowliga ee ay quseeyso si looga hortago guurka aan qaarka ahayn ee dhici lahaa.” “Goobaha waxbarashada ee Coronavirus dartii loo xirayna wuxuu sababay inaan xog nagu filan helin maadaamaa ay ardayda iyo macallimiintaba ay imanin goobaha waxbarashada.” Deegaankaasi seddexdi sano ee ugu dambeysay waxaa ka socday olole ballaadhan oo gabi ahaanba lagu joojinayo guurka aan qaan- gaarka ahayn. Sanadki tagay ee 2019-kii waxay wasaaraddu sheegtay in la joojiyey in ka badan 5,800 guur aan qaan gaar ahayn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. ROME (AP) — Officials in Italy say an Italian aid worker who was kidnapped in Kenya in late 2018 has been freed. Italian Premier Giuseppe Conte on Saturday hailed the release of Silvia Romano, who was a 23-year-old volunteer with the Italian-based humanitarian group Africa Milele when she was abducted in the coastal trading center of Chakama. Conte tweeted: “Thanks to the men and women of the foreign intelligence services. Silvia, we’re waiting for you in Italy!” Foreign Minister Luigi Di Maio, who also announced Romano’s liberation on Twitter, said, “The government never leaves anyone behind.” After her kidnapping, Romano ended up in Somalia in the hands of an armed group linked to al-Shabab Islamic extremists, according to Italian news reports. Al-Shabab militants have been blamed for a series of kidnappings of foreigners along Kenya’s coast. Kenya said the abductions of four foreigners prompted it to send troops to Somalia in 2011 to fight al-Shabab members. Source: AP
  9. Somalia could be pushed to the edge if the government unilaterally postpones elections due to the coronavirus outbreak without consulting the opposition, according to the International Crisis Group. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online – Silvia Constanca Romano, oo ah haweeney samafalka ka shaqeysa, oo bishii November ee 2018 laga soo afduubtay dalka Kenya, laguna haystay Soomaaliya, ayaa lasii daayey. Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku shaaciyey sii deysmada Silvia, isaga oo u mahad-celiyey sirdoonka dalka Talyaania. Wargeyska La Repubblica ee Talyaaniya ayaa qoray in sii deysmada Silvia ay muddo ka shaqeynayeen sirdoonka Talyaaniga oo kaashana kuwa Soomaaliya iyo Turkiga. Silvia ayaa waxaa haystay koxoda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya oo kasoo qafaalatay deeganaka Chakama ee County-ga County ee dalka Kenya, November 2018. Sida wargeyska uu qoray, waxaa lagu soo furtay howl-gal xalay ka dhacay meel 30 km u jirta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana hadda ay ku sugan tahay magaalada Muqdisho. Silvia ayaa la filayaa in berri ay u duusho dalka dalka Talyaaniga, sida aan xogta ku helnay. “Waxaan ahaa qof xooggan, waan iska caabiyey, waan fiicanahay mana sugi karo inaan dalkayga kusoo laabto,” ayey tiri Silvia.
  11. Wabiga Shabeelle ayaa maanta ku fatahay Tuulooyin hoosyimaada magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle, waxaana ka mid ah deegaanada uu Wabiga ku fatahay Kalluundi, Timire iyo Maangaay oo dhammaan ku teedsan jiinka Wabaiga Shabeelle , Fatahaadda Webiga uu sameeyey ayaa saameyn ku yeelatay dhul beereed baaxad weyn oo dalagyada nuucyadooda kala duwan ay ku yaalaan maadaama dhulka webiga ku teedsan inta badan ay degan yihiin dadka beerta Qudradda. Yacquub Buule, wuxuu ka mid yahay dadka beeraleyda ah ee ku nool Hareeraha Wabiga Shabeelle isaga oo la hadlay warbaahinta qaranka wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhul gaarayo 500 oo hectar oo ku taalla tuulada Kalluundi biyaha ay dhex ceegaagaan,kuwaas oo ku beeran dalagyo kala duwan sida uu hadlka u dhigay. Webiga Shabeelle ayaa gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaa uu ka wadaa fatahaad taas oo khasaare ay ka soo gaareen bulsho badan oo deganaa hareeraha Webiga una badnaa beeraley kadib markii Webiga ay buux dhaafiyeen biyaha Roobabka gu,a ay siwanaagsan uga da’ay waxaana jira cabsida bulshadu ka qabaan Webiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Ciidamada BSF dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay howlgal subaxnimadii saakay ka dhacay magaalada Bosaso ee Gobolka Bari ay ku dileen xubin ka tirsan kooxda Daacish ka dib dagaalamayaal ka tirsan iyo ciidamada Puntland ay saakay ku dagaalameen gudaha magaalada. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF Puntland , ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasiintii uu socday lagu dilay xubin ka tirsanaa Daacish waxaan sidoo kale qoraalka lagu xusay in nolosha lagu qabtay isagoo dhaawac ah madaxii kooxda Daacish u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada gobolka Bari, inkastoo magacyada xubahaan Daacish ka tirsanaa uusan talisku shaacin “Intii hawlgalku socday,waxay ciidanka PSF dileen xubin ka tirsan Amniyaatka Daacish,waxayna dhaawac u geysteen nololna ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaatka cadowga Daacish,kaas oo ahaa madaxii dilalka iyo qaraxyada u qaabilsanaa cadowga Daacish ee gobolka Bari,kaas oo ay xogtiisa ciidanku ku raad-joogeen.” ayaa lagu yiri qoraal PSF. Qoraalka ka soo baxay ciidamada BSF ayaa sidoo kale lagu sheegay, in ciidanku hawlgalkaasi ku qabteen gaari lagu soo xiray waxyaabaha , oo ay wateen xubnahan ka tirnaa Daacish, kaasi oo la soo saaray hub iyo qaraxyo la doonayay in waxyeello loogu gaysto shacabka Boosaaso sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay taliska ciidamada BSF dowlad goboleedka Puntland “Sidoo kale, intii hawlgalku socday waxay ciidanka PSF fashiliyeen oo ay soo qabteen qarax cadowgu gaari ku soo xireen oo ay doonayeen in ay ku waxyeelaan shacabka magaalada Bosaso.” ayaa lagu soo koobay qoraalka taliska BSF dowlad goboleedka Puntland Hadalka ka soo baxay taliska ciidamada BSF dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo howlgallo ammanka lagu sugayo ciidamada ay muddooyinkii la soo dhaafay ay ka wadeen magalaada Bosaaso ee gobolka Bari iyaga subaxnimadii saakay howlgal ku soo qabtay gaari lagu soo xiray walxaha qarxa iyo hub waxaana ciidamadu sheegeen in gacanta lagu dhigay rag la socday gaarigaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Ugu yaraan illaa saddex madfac ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaceen agagaarka xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafadaha ku dhow xarunta taliska ciidamada AMISOM ee Xalane. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi loo adeegsaday madaafiicda. Waa markii saddexaad oo hoobiyeyaal lagu weerarayo xarunta Xalane, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan. Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta weerarada lagu qaado xeeradaasi oo ay wax ka dagan yihiin safaarado iyo hay’ado caalami ah. View the full article
  14. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-09052020-sx.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno aagga xanunta Xalane iyo garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa sheegay in gow dhaw ay halkaas ku soo dhaceen dhowr madfac oo la aaminsan yahay inay yihiin hoobiyeyaal. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in illaa seddax jug ay ka maqleen xerada Xalane iyo nawaaxigeeda, waxaana loo maleynayaa in madaafiicdaas ay soo tooreen Al-Shabaab, in kastoo aysan weli jirin sheegasho rasmi ah. Al-Shabaab ayaa marar badan weerarro ay u adeegsadeen qoriga hoobiyaha waxa ay ku qaadeen xerada Xalane uu fadhi u ah hey’adaha Qaramada Midoobey iyo safaarado dhowr ah. Xaruntaas sugidda ammaankeeda waxaa gacanta ku haya ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, balse waxay u tag la’yihiin weerarrada uga imaanaya Al-Shabaab ee loo adeegsado qoriga loo yaqaano hoobiyaha. Toddobaadyo ka hor dhawr hoobiye oo Al-Shabaab ay ku tureen xarunta Xalane ayaa dad rayid ah iyo xool u badnaa Geel wax yeelo badan ugu geystay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo xaruntaas ay ku taallo. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, sidoo kale ma jirto cid ka hadashay, lamana weli hadii uu jiro khasaare ka dhashay. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online Insha allah
  16. Bosaso ( PP News Desk) — Following the foiled ISIS attack against Puntland Security Forces post today in Bosaso and the killing of one PSF soldier and one of the two assailants, Puntland Security Forces in Bosaso issued a statement about the arrest of ISIS Head of Operations. “The man we have arrested is responsible for carrying out attacks and assassinations for ISIS” read a statement from PSF. The arrested man was in car with the slain assailant when they opened fire on PSF unit patrolling a part of Bosaso city centre. The man is now being treated in a hospital in Bosaso. PSF is funded by the United States. Its remit is counterterrorism but liases with Puntland Intelligence Agency and Puntland Police Force. © Puntland Post, 2020 The post PSF arrests ISIS Head of Operations in Bosaso appeared first on Puntland Post.
  17. Guddoomiyha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Ibraahim Maxamed Nuur (Towfiiq) ayaa sheegay in 92 Tuulo oo ku yiillay Webiga hareerahiisa ay baabi’isay fatahaad halkaasi ka dhacday dhowaan. Guddoomiye Towfiiq oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in ay Biyuhu la tageen 29 Matoor oo loogu talo galay beeraha xiliga webiga uu biyo yareeyo iyo dhammaan dalagyadii ku yiillay Webiga hareerahiisa madaama ay deegaansadaan hareerihiisa dad u badan beeraleey oo beerto dalagyo kala duwan. Guddoomiyaha ayaa xusay in ay ka cabsi qabaan Ayax mar kale ka dillaaca nawaaxiga Luuq iyo cudurrada ka dhasha xilli Roobaadyada, haatanna ay fara ba’an ku hayaan Cayayaannada waxyeelleeya Dadka, Daaqa iyo Dalagga, isagoo walaac xooggan ka muujiyay in halkaasi ay ka dillaacdo macaluul, maaddaama ay Duullimaadyadu xiran yihiin, Dhulkana ay ka da’een Roobab gooyay Waddooyinka. Ibraahim Towfiiq ayaa Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in Dadka ku dhaqan Degmada Luuq ay lasoo gaarto gargaar Bini’aadamnimo, maaddaama ay dalagyadoodii iyo xoolihii ay dhaqanayeenba ay intooda badan ku waayeen fatahaaddii ka dhalatay Webiga Jubba oo siweyn u saameeyey gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Beledweyne (Caasimada Online) – Dadka reer Baladweyne ayaa sameeyay isku day ay ku hirgalinayaan biyo xireen looga hortagayo fatahaadda wabiga Shabelle, sidaas darteed Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa ku bogaadiyay dadka reer Baladweyne dadaalkooda. Waxaa dhawaan la baahiyay muuqaal uu kasoo muuqday Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Beledweyne Xaaji Cusmaan Dhagaxow kaas oo sheegay ineysan wali soo gaarin lacagtii nus Malyanka dollar aheyd oo ay Dowladda Federaalka Ballan-qaaday sanad ka hor, wuxuuna sheegay ineysan wax kaalmo ah ka geysan biyo xireenka. Goodax Barre oo ka tirsan xukuumadda ra’isul wasaare Kheyre ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay muuqaalkaas wuxuuna kusoo qoray qoraalkaan hoose. Waxaan bogaadinayaa aadna ugu faraxsanahay in bulshada Belet-weyne ay ku taaba qaadeen mabda’a ISKU-TASHIGA si ay fatahaadaha uga difaacaan naftooda iyo hantidooda. Waxaan bulshada Belet-weyn u rajaynayaa guul, Isku-tashi iyo in talada Alla saartaan. Si kastaba dad badan oo Soomaali ah ayaa ka falceliyay qoraalka uu soo dhigay Wasiirka Goodax, kuwaas oo inta badan dhaliilsan sida ay dowladda taageero u gaarsiin weysay Beledweyne, iyadoo lacagtaas ay ballan qaaday sanadkii hore. Sanadkii hore ayey aheyd markii kumanaan kun oo qoys ay ka barakaceen Beledweyne kadib fatahaad uu sameeyay wabiga, balse markaan waxey sameeyeen dadaalo ay uga hortagayaan maadaama ay biyo xireen sameeyeen. Inta la xasuusto fatahaadahii ka dhacay Beledweyne sanadkii hore waxey sababeen khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, walina waxaa muuqata saameyntii laga dhaxlay.
  19. Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in labadii maalin ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 69 xaalado cusub oo COVID-19 ah, 4 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka 4 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (39) Somaliland (11) Puntiland, (8), Koonfur Galbeed (8) ruux, Hirshabeelle (2) iyo Galmudug (Hal) ruux. 48 kamid ah bukaannada cusub waa rag 21-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 997 guud ahaan, 48 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 110 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta isaga oo ku sugan magaalada Qardho ee goboolka Karkaar wuxuu ka hadlay howlgal ciidamada amniga gobolka Bari, ay ka sameeyeen magaalada Bosaso laguna qabtay gaari sida la sheegay siday walxaha qarxa iyo hub oo ay wateenxubno ka tirsan Daacish. Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa waxaa uu bogaadiyey ciidamadii howlgalka sameeyey isaga oo sheegay in laamaha ammaanka ay muddo ku dabajireen gaarigaan waxaana uu intaas ku daray in la donayey shacabka reer Puntland lagu cabsi galiyo laguna qalqal geliyo amniga magaalada sida uu hadalka u dhigay madaxweyne Deni. “Waxaa saakay lagu qabtay magaalada Bosaso Gaari oo ay la socdeen niman fal dambiyeedyo ku jiray oo lagu dabo jiray oo runrtii arrintaas waxaan uga mahad celinayaa ciidamada ka howlgala magaalada Bosaso, sida dhiifoon ay ula socdeen oo ay wax uga qabten waxaana muuqatay in maalmihii dambe ay gabaabsi ahaayeen ururada xagjirka ah “ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo hadaiisa siiwato ayaa cashabaka Puntland ugu baaqay in ruuxii arka wax amniga qalqal gelinaayo ay soo gaarsiiyaan ciidamada amniga waxaana uu yiri Madaxweyne Siciid Deni . “Umaddan cabsi waa ay ka soo dhamaatay Rabi ayey ka cabsanayaan waxaan bulshada reer Puntland aan u sheegayaa meel kasta ay joogaa yar iyo weyn in ay ka qeyb qaataan cirib tirka dadka diidan noloshooda Qabiil ma leh ehel maahan Islaam ma ahan waxaa ay diidan yihiin waa noloshiina waxaan rajaynayaa cidii meel ku aragta in laamaha ammaanka ay u soo sheegto, dowladdana waxaana rajeynaa kiisas iyo dad badan oo aan heyno inaan si sax ah u sheegi doono goor dhow oo cid weliba ay mutaysan doonto wixii ay dowladda iyo maxkamadda ay ku xukunto”. Hadalka maanta ka soo yeeray madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ka dib markii ciidamada ammaanka magaalada Bosaso ay saakay sheegeen ay qabteen gaari ay saarnaayeen Hub iyo walxaha qarxa oo ay la socdeen xubno ka tirsan Daacish iyadoo labada dhica uu iska hor imaad uu ku dhex maray magaalada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay warbixinteeda maalinlaha ah ayaa shaacisay kiisas hor leh oo ah cudurka Covid-19. Warbixinta wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dad gaaraya 69 qof laga helay xanuunka, kadib baaris lagu sameeyey. Sidoo kale wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in 39 ka mid ah dadkaasi laga diiwaan-geliyey Muqdisho, Somaliland oo ah 11, Koonfur Galbeed oo 8 ah, Hirshabelle oo iyana laga diiwaan-geliyey laba ruux iyo Galmudug oo ah 1 qof. Ugu dambeyn wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in dhimashada ay tahay 4 ruux, taas oo tirada guud ee dhimashada Covid-19 ka dhigeysa illaa 48 qof. Tirada cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa haatan mareysa 997 kiis, iyadoo dadka ka bogsadana ay gaarayaan 110 qof, sida lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee maanta ka soo baxday wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta cudurka Coronavirus waxay ku sheegtay in labadii maalin ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 69 xaalado cusub oo COVID-19 ah, islamarkaana 4 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 4 qof oo kale ay ka bogsoodeen cudurka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (39) Somaliland (11) Puntiland, (8), Koonfur Galbeed (8) ruux, HirShabeelle (2) iyo Galmudug (Hal) ruux. Warbixinta ayaa muujineysa in cudurka uu hadda uu ku faafayo gobollada dalka, halka maalmihii hore uu ahaa mid ku xooggan magaalada Muqdisho. 48 kamid ah bukaannada cusub ayaa rag ah, halka 21 ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 997 guud ahaan, 48 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 110 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.
  23. WASHINGTON. D.C — Katie Miller oo ah xoghaya warfaafinta ee madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa laga helay cudurka coronavirus. Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inaanu walwal ka qabin in feyrisku ku fido Aqalka Cad. Katie Miller oo ah xaaska la taliyaha sare ee Madaxweynaha ninka lagu magacaabo Stephen Miller, ayaysan jirin wax war ah oo ku saabsan haddii Meller isna laga helay cudurka iyo haddii uu wali ka shaqeeyo xafiiskiisa Aqalka Cad. Waa qofkii labaad oo ka shaqeeya Aqalka Cad ee laga helo coronavirus todobaadkan. Saraakiil Mareykan ah ayaa Khamiistii xaqiijiyey in xubin ka tirsan ciidamada badda oo ka mid ah saraakiisha sidda dhow ula shaqeysa madaxweyne Trump laga helay xanuunka. Madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad Mark Meadows, ayaa Jimcihii sheegay in Aqalka Cad uu yahay halka ugu badqabka badan laakinse waxa uu sheegay inuu ka fiirsanayo talaabooyin cusub oo uu soo rogo si loo ilaaliyo madaxweyne Trump iyo ku xigeenkiisa Pence. Source
  24. Khadiija Maxamed Cali Kaar Murugada iyo tiiraanyada ay huwan tahay geerida qofka aad jeceshay aabe, hooyo, sey, xaas, walaal, ehel ama saaxiib waa mid ka mid ah waxyaabaha qofka soo wajaha, balse hadda waxyaabaha aafada fayraska corona uu sababay ayaa ah inaanay suurtagal aheyn inaad hareer joogto ama aad macasalaamo tiraahdo. Xaqiiqda dhabta ah ee jirta ayaa ah in ujeedadu tahay sidii qof kasta looga illaalin lahaa fayraska, kuwa aadka cudurka ula ildaran waxaa xannuunka ugu sii daran inaanay awoodin in qoyskoodu aanay la joogi karin, kuwa dhintayna waxaa adag in sidii hore looga qayb galo aaskooda. Soomaalida boqolaalka kun ah ee ku nool UK waxay ka mid yihiin bulshooyinka sida ba’an uu saameeyey cudurku, inkastoo tiro koob dhameystiran aan loo hayn haddana dadka Soomaaliyeed ee cudurka u geeriyooday waxaa lagu qiyaasayaa ku dhawaad 40. Qoysaska ay dadkaasi ka baxeen wax aysan ku maqlin sheeko iyo shaahid ayuu covid19 uga tagay waa dadkoodii oo la aasay xittaa iyagoon wajigooda arag. Muniir Maxamed Xaaji Maki oo 23 sano jir ah iyo Aabihiis Maxamed Maki Muniir Maxamed Xaaji Maki oo 23 sano jir ah Aabihiis Maxamed Maki wuxuu ka mid ahaa dadka 30-ka kun ka badan ee cudurka u geeriyooday, isagoo ka hadley waxa aan qalbigiisa iyo tan qoyska ka go’i karin ee dhimashada Aabihiis u dheer wuxuu yiri; “Aabahay wuxuu Isbitaal ku yaal London ku jiray in ku dhow 4 todobaad, muddadaas aniga , hooyadey iyo toddobada caruurta ah ee ila dhalatay ma aynan arki karin aabaheen oo xannuunsan, cunto xittaa uma aynan geyn karin, waxa kaliya ee xaaladiisa inooga warami jiray waxay ahaayeen dhakhaatiirta” Murugadii ugu darneyd. “Markii naloosha soo sheegay geeriday Aabahey 8-dii April, waxaa naloo sheegay inaan diyaarsano aaskiisa, waxaa naloo sheegay inaynu arki karin, markii aan diyaarinay aaskiisa oo ay sameynay qolyaha ka shaqeeya aaska dadka, waxay naga diideen inaan aragno, markii la dhaqayey maydkiisa ayaa sawir laga soo qaaday la istusay, ka diba Aabe sidaas ayaan ku aasnay” Munir wuxuu kaloo sheegay in isaga oo kaliya uu ahaa qofkii ka socday shantii qof ee loo ogolaaday aaska Aabihiis, isagoo arrintaasi ka hadlaya wuxuu hadalkiisa ku daray; “Aabahay oo jaceyl iyo naxariis nagu soo koriyey ILAAHAY wuxuu qadaray in anigoon arkin wajigiisa aan duugno, tani ma noqon doonto wax aniga iyo qoyskeenna qalbigooda ka go’i doonta” Injineer Baana Cali oo isagoo ka soo qaxay dagaaladii ka dhacay Soomaaliya soo galay London ayaa waqtigiisii wuxuu cudurka covid19 u geeriyooday 28-kii April. Injineer Baana Cali Baana oo ka mid ahaa xiddigii kubadda koleyga Soomaaliya wuxuu muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa dib u soo nooleynta ciyaaraha kubadda koleyga, isagoo ka mid ahaa masuuliyiinta sar sare, waxaa kale oo uu Baana ka shaqeyanyey hay’adda gaadiidka dadweynaha London qaybta tareenada oo uu ka ahaa maamule sare. Xaaskiisa Muna oo ay isku dhaleen afar caruur ah ayaa iyadoo ka hadlaysay tiiraanyadeeda waxay ku sifaysay saygeeda “Aabe la jecel yahay”, iyo “Shakhsi bini’aadamtinimadu ku weyneyd qalbi wanaagsanna lahaa”. Waxay intaasi ku dartay “Ma aanan waayin nin aan jeclaa oo kaliya, balse waxaan waayey deeqsi, shakhi dadka ka tilmaamnaa, kaasi oo ahaa lafdhabarka qoyska, inta aan noolahay waan xusuusan doonaa, waxaan illaalin doonaa xusuustiisa iyo wanaagiisii, waligey ma ilaawi doono” Muna geerida saygeeda waxaa u dheer in Covid19 sidoo kale uu dilay Aabaheed iyo adeerkeed. Khadiija Maxamed Cali Kaar (Baarcad) oo aheyd 60 sano jir waxay London ugu geeriyootay cudurka covid19, booqasho qoys ayay u timid halkan laakiin waxaa ka qodnaa godkeeda, waxay qabtay xanuun wadnaha oo ay qalliin looga sameeyey. Inkastoo Khadiija geerideedu ka duwanyd tan Soomaali badan maaddaama ay ku geeriyootay guri haddana waxay marna laba naxdin u aheyd qoyskeeda marna waxoogaa nasiib aanay helin dad badan oo aan arag dadkoodii saacadihii ugu dambeeyey nolashooda. Cabdalla Maxamed Cali-Kaar (Cabdalla Nairobi) oo ay walaalo ahaayeen Khadkiija, ayna ku geeriyootay gurigiisa, wuxuu BBC-da u sheegay in naxdintii geerida walaashiis ay xitaa saameyn ku yeelatay qoyska oo dhan oo ay ilmihiisu ku jiraan ,maaddaamma si kadis ah ay ugu dhex geeriyootay guriga. “Walaashey xannuun badan lama kulmin, waxoogaa ayay dareentay hargab waxay bilowday inay qufacdo, markii aan damcay inaan Isbitaalka wado way iga diiday oo waxay igu tiri “Ma rabo adinkoon ila joogin inaan geeriyoodo, guriga ayaan joogayaa ee yaan la igeyn Isbitaal”, ka dib way seexatay, waxaan u haysanay inay jiifto, dhawr saacadood markii ay qolka ku jirtay ayaan shakiyey inaan la hadlo ayaan damcay balse waxay aheyd meyd” “Inagoo oohin iyo naxdin ku jirna ayaan wacnay qaybta xaaladda deg deg ah, waxaa inoo timid Ambulance iyo Booliis ka dib baaritaan ayay ku sameeyey walaashey, waxay inoo sheegeen inay geeriyootay oo ay geynayaan qaybta meydka ee Isbitaalka, isla markaana aan diyaarsano qaabkii loo aasi lahaa, xilligaas habeen ayuu ahaa magaaladu way kala xirneyd xaallad adag ayeynu galnay iyo inaan raadino aaskii, qoladii aaska waxay inoo sheegeen in xabaal wadareed oo kaliya ay ku aasi karaan maadaama aanay hayn qabuuro ku filan dhamaan meydadka, laakiin taasi waan diidanay qolo kale ayaan maalmo ka dib helnay, waxay nagu qaadatay ku dhawaad 10 maalmood inaan walaasheen u helno qabri” ayuu hadalkiisa sii ku daray. “Nasiib waxaan ku lahaa walaashey aniga oo kaliya ayaa wajigeeda la i tusay qoyskeenna oo dhan xitaa ilamaheeda, laakiin ugu dambeyn walaashey Khadiija si fiican oo aan ku qanacsaneyn ayaan u aasnay ILAAHAY ha u naxariisto ayuu yiri Cabdalla. Warsame Maxamed Geedi iyo Saynab Mahdi Cabdulle Warsame Maxamed Geedi oo loo yaqaan Xiddig xaaskiisii Saynab Mahdi Cabdulle oo ay isku dhaleen shan caruur ah waxay u geeriyootay Covid19. Si la mid ah qoysas badan waxaa wehel u noqday geeri iyo xannuun qalbiga taabtay, isaga iyo caruurtooda sidii Saynab isbitaalka loogu qaaday hal marna ma aysan akrin, waxa kaliya ee isagu uu dul istaagay waa aaskeedii ka dib 3 todobaad oo ay Isbitaal kaligeed ku aheyd. “Tobankii maalmood ee ugu horreeyey waxaan kala hadli jirnay telefoonka, laakiin markii la galiyey qaybta koomada ama xaaladda deg deg ah, hadalkeeda ma aynan maqal, waxa kaliya ee akhbaarteeda aynu ka heli jirnay dhakhaatiirta oo 24-kii saacba mar ina soo wici jiray” ayuu yiri Warsame. Maalintii murugada “Ku dhawaad 2 asbuuc oo ay ku jirtay koomo subaxii dambe ayaa waxaa isoo wacay dhakhtar wuxuu ii sheegay in xaaladda Saynab ay ka dartay, aysana jirin rajo ah inay sii noolaato, 6 saac ka dib waxaa laga iga soo wacay Isbitaalka, waxaa la ii sheegay warkii aniga iyo caruurteenna ugu naxdinta badnaa oo ahaa in Saynab ay geeriyootay” ayuu Warsame hadalkiisa raaciyey. “Muruga kale waxay aheyd inaan aniga iyo ilmuhu hareer joogin geerideeda, in qoyska oo dhan aanay tagi karin aaskeeda, oo dad yar loo ogol yahay, taasina waxay aheyd xannuun kale, balse anagoo aamisan qadarta ALLE waan samirnay, Saynab-na waan duugnay, ILAAHAY ha u naxariisto” ayuu Warsame hadalkiisa ku soo koobay. Source