-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo shir-jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa, ayaa ka hadlay war-bixin ku saabsan saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in war-bixintu ay muujinayso in badeecadihii ay dawladdu u sameysay cashuur-dhaafka uu hoos-u-dhacay qiimahoodii sidoo kale na uu cudurkani saameeyey ganacsiyo tiro badan iyo badeecadaha dalka. Wasiirka, ayaa xusay in sicir-barar ku yimi khudaarta dalka, waxyaabaha lagu nadiifiyo gacmaha iyo weli ba sidoo kale ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhaxe oo qaarkood xidhmeen, waxa kale oo uu sheegay in cudurka COVID-19 uu saameyn xooggan ku yeeshay wax-soo-saarkii dhinaca warshadaha iyo weli ba sidoo kale lacagihii dhinacaha xawaaladaha. Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu carabka ku dhuftay in marka loo eego wakhtigii COVID-19 dalka laga dhawaaqay iyo xiligan in maalin ba maalinta ka dambeysa uu hoos-u-dhac ku imaanayo sicir-bararkii ku yimi badeecadaha dalka, isaga oo xusay in ganacsatadu ay ku ammaanan yihiin sida wanaagsan ee ay ugu naxariisteen shacabkooda isla-mar-ahaantaana ay ugu dhimriyeen xaaladaha adag ee lagu jiro awgeed. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, wuxu sheegay in Wasaaraddu ay la socoto dhaq-dhaqaaqa ganacsiga wadanka isla-mar-ahaantaana ay marar kala duwan ka jawaabtay saameynta COVID-19 ee ganacsiga isagoo sidoo kale na xusay in ay wadaan mashaariic lagu horumarinaayo ganacsiga wadanka kuwaas oo jawaab u ah saameynta COVID-19 ee ganacsiga. Wasiirku, wuxu aad u boggaadiyey Ganacsatada Soomaaliyeed oo la yimi hal-abuuro ganacsi oo ay kaga qeyb-qaadanayaan ka hortaga cudurka COVID-19 iyaga oo farsameeyey neefiyeyaal wax-weyn ka taray baahidii cisbitaalada loogga qabay dadka laga dabiibaayo cudurkan, waxa kale oo uu ku ammaanay inay bishan Ramadaan ay aad wax-u-tareen dadka masaakiinta ah ee wadanka ku sugan. Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu ugu dambeyn uu ganacsatada ku dhiiri-geliyey inay dhibbaatada COVID-19 ay u beddelaan fursado ay ku maal-gashanayaan wax-soo-saarka wadanka, waxaana uu carabka ku adkeeyey in wadanku aanu ku tiirsanaan karin kaalmooyin uga yimaada dalalka dibadda iyo weli ba in ganacsigiisu uu ku tiirsanaado dalal shisheeye. View the full article
-
Wiilasha Jamaal Khaashuqji Oo Cafiyey Kuwii Dilay Aabbahood
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Riyadh)-Wiilasha suxufigii rer Sacuudi ee la dilay Jamal Khaashuqji ayaa sheegay “inay cafiyeen” kuwii dilay aabahood, hadalkaas oo taxliiliyayaasha ay ku macneeyeen mid si hubanti ah cafis ugu fidinaya shan qof oo lagu helay dilka, kuwaas oo iminka dil sugayaal ah. Khaashquji, oo ahaa xog-ogaal ku dhow boqortooyada balse isu beddelay mid cambaareeya, ayaa lagu dilay kadibna jidhkiisa lagu jarjaray gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, bishi October ee 2018, kiiskaas oo si weyn u dhaawacay sumcadda dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Cafiska qoyskiisa ayaa bad-baadin kara nolosha shan nin oo aan magacyadooda la sheegin oo bishii December 2019 dil toogasho loogu xukumay dilka Khaashuqji. “Habeenkan barekeysan ee bisha Ramadan, haddii aan nahay wiilasha shahiid Jamaal Khaashuqji waxaan ku dhaawaaqeynaa inaan cafinay oo saamaxnay kuwii dilay aabahayo,” waxaa sidaas qoraal uu twitter soo dhigay ku yidhi Saalax Khaashuqji. Mas’uuliyiinta Sacuudiga weli kama hadlin caqabadaha sharci ee ka dhalan kara hadalka Saalax, oo ku nool boqortooyada, kaasi oo beeniyey warar sheegaya inuu heshiis lacageed la galay dowladda. “Waxa tani macnaheedu uu yahay ayaa ah in dilayaasha ay ka badbaadi doonaan ciqaabta dilka, maadaama shareecada Islaamka ay qeexeyso in qoyska ay leeyihiin xuquuqda cafiska,” waxaa sidaas qoraal twitter ku yidhi Ali Shihabi, oo ah qoraa iyo taxliiliye Sacuudiyaan ah oo ku dhow boqortooyada. Taxliiliye Nabel Nowairah ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka qoyska uu macnihiisu yahay “in dilayaasha aan la dili doonin”. Saalax ayaa hore u sheegay inuu “kalsooni buuxda” ku qabo hanaanka cadaaladda Sacuudiga, wuxuuna cambaareeyey mucaarad uu sheegay inay ka faa’iideysanayaan kiiska. Wargeyska Washington Post, oo uu Jamaal wax ku qori jiray, ayaa sanadkii tegay sheegay in qoyska Khaashuqji oo uu ku jiro Saalax, ay dowladda ka heleen guryo malaayiin dollar jooga, islamarkaana lacag tobanaan kun oo dollar ah ay siiyaan mas’uuliyiinta bil kasta. Saalax ayaa ku gacan saydhay warbixintaas, isaga oo beeniyey inuu wax heshiis lacageed kala hadlay dowladda Sacuudiga Source -
Hambalyada Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somaliland Ee Munaasibadda Ciidul-fidriga- 23/05/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda ciidal-fidriga ee sanadka Hijriyada Islaamka ee 1441-naad. Waxaanu Madaxweynuhu munaasibadda ciidul-fidriga awgeed hambalyo u dirayaa dhammaanba ummadda Islaamka meel ay joogaanba, gaar ahaan ummadda reer Somaliland, waxaanu Ilaahay inooga baryayaa inuu innaga aqbalo soonkii, ducadii iyo cibaadadii aynu bishan Ramadaan soo gudannay muslim ahaan, Ilaahayna inoo dambi-dhaafo, wixii dhibbana dhibta Alle ka dulqaado, xanuunkan aduunka sameeyey ee karoona-fayris-na innaga dulqaado culayskiisa. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu, ummadda reer Somaliland u rajeeyey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, kana midho dhaliyaan hiigsigooda dhinaca horumarka ee ay ku jireen, nimcadana khayrkeeda inna siiyo, nabad iyo caano, colaad la’aan, caydh la’aan iyo cudur la’aana Ilaahay inaga yeelo, Ilaahay idankiina bishan bisheeda aynu ku gaadhno innaga oo halkan aynu joogno meel ka fiican joogna. Ugu danbaynna, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacaladeeda. Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL Source
-
Dowlada Soomaaliland waxay Shacabka fartay in Salaada Ciida lagu tukado Guryaha si loo xakameeyo inuu baaho Cudurka Corona Virus, Shacabkana looga badbaadiyo Xanuunkaas. Meelo badan [...] The post Boorame oo iska dhaga tirtay Amarkii Dowlada, Salaadii Ciida oo garbaha la isasaaray appeared first on . Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda ayaa dhaqaatiirta iyo howl wadeennada caafimaadka uga mahad celiyay dadaalkooda nafhurnimada leh ee safka hore ay uga galeen dagaalka loogu jiro kahor tagga iyo xakameynta COVID19. “Waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa maalinta ciidda ah. waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed hortooda uga mahad celiyo dadka Soomaaliyeed ee habeen iyo maalin taagnaa sida dhibaatadu usoo billaabatay. Waxaa ugu horrreeya wasaaradda caafimaadka iyo dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee u taagnaa inay dad Sooomaaliyeed badbaadiyaan, aan arkin qoysaskooda aan arkin caruurtooda, ee go’aansaday inay safka hore ka galaan dagaal lamid ah dagaalka xabbadda la’isu dhigo””, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. “Anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda, waxaan leeyahay mahad iyo sharaf ayaad ummadda Soomaaliyeed usoo jiideen. Abaal ayaa ummadda Soomaaliyeed idiin heysaa horumar ayaad gaarteen inta idiin dhimanna waxaan leeyahay dhammeystira”, ayuu yiri Ra’uusul Wasaaruhu. Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed xasuusiyay muhiimmadda ay munaasabaddani u leedahay kahor tagga Feyruska Karoona, waxuuna uga baaqay inay feejignaan dheeri ah la yimaadaan ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad, qofkii awoodana uu gurigiisa ku ciideysto, si looga fogaado khatarta COVID19. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay xaaladaha ammaan ee maamulkaasi, gaar ahaan weeraradii ugu dambeeyey ee ka kala dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe. Deni ayaa wareysiga lala yeeshay si gaar ah uga hadlay weeraradii lagu dilay gudoomiyeyaashii gobollada Nugaal iyo Mudug, wuxuuna tilmaamay inay qabaan tuhun ku aadan in Al-Shabaab ay adeegsanayaan gacmo kale oo leh dano gaar ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdooyinkaasi, islamarkaana ay dhowaan shaacin doonaan natiijada. Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa tusaale u soo qaatay warar ay horay u qoreen qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ee loolanka dalalka Carabta qaarkood ay ku jiraan Soomaaliya in ay qeyb ka noqon karto adeegsiga Al-Shabaab. “Tuhun badan ayaa qabnaa oo ku aadan in Al-Shabaab ay noqdeen gacmo la iska adeegsado,gacmo kale iyo dano ayaa loo adeegsanaya sidda horay Jariidaha Caalamka u sheegeen in Muddo ka yar labo bilood la beegsado labo Gudoomiye gobol oo Puntland ah tuhun ayaan ka qabnaa baaritaanana waan wadnaa” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ay kordhisay weerarada ay ka fuliso maamulkaasi, waxaana weerarkii ugu dambeeyey oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
-
New York - Hertz filed for bankruptcy Friday night, the latest victim of the sudden economic downturn sparked by the Covid-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Saaka waxaa Salaadii Ciida lagu tukadey Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho iyadoo uu Magaalada fara kulul ku hayo Xanuunka Koroona Feyruska. Inkastoo xiligii Salaada [...] The post Dowlada Federaalka oo la eedeeyey kadib markii Kumanaal Qof ku tukadeen Masjidka Isbahaysiga appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga ayaa Alle ka baryey in uu naga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay ugu dulqaateen bandawgii lagu soo rogay dalka ee lagu ilaalinayey badqabka caafimaad ee dadkeenna, gaar ahaan Bisha Ramadaan oo caadi ahaan uu kordho culeyska nololeed. “Waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu istaagno la shaqaynta laamaha caafimaadka, si buuxdana ugu hoggaansanno talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo bulshadeenna.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabadda Ciiddan waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeenba u taagan difaaca dadka iyo dalka, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay ku dardar geliyeen amniga iyo nabadgelyada intii lagu guda jiray bisha barakaysan. “Ciidamadeenna geesiyaasha ah waxa ay xaqiijiyeen in shacabka Soomaaliyeed ay nabad iyo xasillooni ku gutaan cibaadada iyo acmaashii bishii barakeysnayd ee Ramadaan, guud ahaan dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo sanaddo badan kaddib ay shacabkeennu ku soomeen kuna afureen nabad.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed in farxadda Ciidul Fidriga awgeed uu qof kasta gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xalay saq-dhexe ah dowladda Soomaaliya ay ku dhawaqday in maanta ay tahay maalinta koowaad ee munaasabadda Ciidul-Fdiriga ayaa waxaa jira magaalooyin aan saaka laga ciidin, islamarkaana laga Sooman yahay. Caasimada Online oo la xariirtay meelo badan ayaa ogaatay in saaka aan laga ciideynin inta badan gobollada dhexe, sida Dhuusamareeb, Guriceel, Caabudwaaq, Cadaado, Gaalkacyo iyo deegaano kale oo ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in degmooyin ku yaalla gobolka Sh/ Dhexe aan laga ciideynin, sida Warsheekh, Cadale iyo deegaano hoostaga magaalooyinkaasi. Waxaa sidoo kale jira in Muqdisho dadka qaar ay weli Sooman yihiin, islamarkaana ay dhameystirayaan 30-ka bisha ramadaan, inkastoo shacab fara badan oo ku sugan caasimada ay saaka si weyn u ciidayaan, kuwaas oo lagu arkayo meelaha dalxiiska. Kala qeyb-sanaanta ciida ayaa timid, kadib markii xalay fiidkii hore dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaar ay shaaciyeen in maanta oo Sabti ah la dhameystiraan Soon, sida wadamo badan ay ku dhawaaqeen, balse DF ayaa xalay xilli dambe sheegtay in maanta ay tahay ciid, bishana laga arkayo meelo badan oo ka mid ah dalka.
-
Soomaaliya iyo Mauritania ayaa ah labada dal ee carabta ah ee maanta ciiday halka Itoobiya ay ku jirto dalalka Muslimka ah ee fara ku tiriska ah ee ciiday. Waxaa la sheegay inay jiraan dalal kale oo Afrikaan ah ay maanta ciid u tahay sida dalalka Mali, Niger iyo Ivory Coast. Waxaa xusid mudan in Mauritania iyo Itoobiya ay go’aanka hal jeer sheegeen halka Soomaaliya ay kala hadashay wasaaraddaeeda awqaafta iyo diinta. Muqdisho waxaa ay markii hore umadda u sheegtay in axadda tahay ciidul fidri laakin waxaa ay ka laabatay saacado kadib, maamulka Jubbaland iyo kooxda Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay in ay maanta ciid tahay dowladda ka hor. Dalalka Khaliijka sida Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka, baxreyn iyo Kuwait dhammaan waxaa ay sheegeen in axaddu tahay ciid. Sidoo kale, Suuriya, Ciraaq, Urdun, Lubnaan, Falastiin, Yemen ayaa ka mid ah dalalka sheegaya in axadda ay tahay ciidul fidriga. Afrika dalalka Masar, Libya, Djibouti, Comoros iyo dalal kale yaa iyaguna sheegay in sabti ay tahay dhameystirka soonka halka axad ay tahay ciidul fidriga. Dalal kale ayaa sheegay in aan la arkin bisha sida Malaysia, Australia, Japan, Filipins, Indonsia, Tunis, Libya, Turkiga iyo qaar kale. Waxaa jirta dalalka Suudaan, Cammaan iyo Moroco iyagu waxaa ay soonka bilaabeen 25-kii April oo galabta sabtida ay raadinayaan bisha soonfur. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga ayaa Alle ka baryey in uu naga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay ugu dulqaateen bandawgii lagu soo rogay dalka ee lagu ilaalinayey badqabka caafimaad ee dadkeenna, gaar ahaan Bisha Ramadaan oo caadi ahaan uu kordho culeyska nololeed. “Waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu istaagno la shaqaynta laamaha caafimaadka, si buuxdana ugu hoggaansanno talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo bulshadeenna.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabadda Ciiddan waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeenba u taagan difaaca dadka iyo dalka, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay ku dardar geliyeen amniga iyo nabadgelyada intii lagu guda jiray bisha barakaysan. “Ciidamadeenna geesiyaasha ah waxa ay xaqiijiyeen in shacabka Soomaaliyeed ay nabad iyo xasillooni ku gutaan cibaadada iyo acmaashii bishii barakeysnayd ee Ramadaan, guud ahaan dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo sanaddo badan kaddib ay shacabkeennu ku soomeen kuna afureen nabad.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed in farxadda Ciidul Fidriga awgeed uu qof kasta gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka. DHAMMAAD View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda maalinta 1-aad ee Ciidul-Fidriga ayaa ka hadlay arrimo ku aadan cudurka Covid-19. Ugu horreyn Khayre ayaa sheegay inuu si ballaaran ugu mahadcelinayo dhaqaatiirta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa safka hore uga jira la-dagaalanka Coronavirus. “Waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa maalinta ciidda ah. waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed hortooda uga mahad celiyo dadka Soomaaliyeed ee habeen iyo maalin taagnaa sida dhibaatadu usoo billaabatay. Waxaa ugu horrreeya wasaaradda caafimaadka iyo dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee u taagnaa inay dad Sooomaaliyeed badbaadiyaan, aan arkin qoysaskooda aan arkin caruurtooda, ee go’aansaday inay safka hore ka galaan dagaal lamid ah dagaalka xabbadda la’isu dhigo.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda, waxaan leeyahay mahad iyo sharaf ayaad ummadda Soomaaliyeed usoo jiideen. Abaal ayaa ummadda Soomaaliyeed idiin heysaa horumar ayaad gaarteen inta idiin dhimanna waxaan leeyahay dhammeystira”. Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa dadka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay guryahooda ku Ciidaan, si looga hortago inuu sii fido cudurka saf-marka ah ee Coronavirus Ugu dambeyn wuxuu shacabka xasuusiyey inay feejignaan dheeri ah la yimaadaan, islamarkaana ku dhaqmaan talooyinka caafimaad, qofkii awoodana uu gurigiisa ku Ciideysto.
-
New York (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay khilaaf weli socda ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, kaasi oo ay ku qeexday mid aan la aqbali karin. Sii-hayaha ku-xigeenka wakiilka Mareykanka ee QM, Cherith Norman Chalet ayaa kulankii Golaha Ammaanka ee arrimaha Soomaaliya ka sheegtay inay arrin walaac leh tahay in madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada aysan muddo kulmin, si ay uga wada hadlaan xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee dalka. Waxay ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu deg deg u qabto kulan uu la yeelanayo madax goboleedyada. “Waxaan ku boorineynaa madaxweyne Farmaajo inuu ku baaqo kulankii Golaha Amniga Qaranka, sida uu qabo dastuurka, sida ugu dhaqsiyaha badan si looga wada-hadlo qorsheynta doorashooyinka, wada-shaqeynta amniga, iyo ahmiyadaha qaranka ee deg degga ah,” waxaa sidaas tiri danjire Chalet. Waxay sidoo kale walaac ka muujisay in ciidamada xoogga dalka loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah. “Waxaan sidoo kale walaacsannahay in kheyraadkii amni ee loo baahnaa in lagula dagaalamo Al-Shabaab si qaldan loogu adeegsanayo xifaaltan siyaasadeed oo ka socda gobollo qaar ah,” ayey tiri danjire Chalet. Danjiraha ayaa dhanka kale sheegtay in dowladda federaalka ay ku guul-darreysaneyso fulinta jadwalkii doorashooyinka qaranka. “Waxaan soo dhoweeneynaa dadaallada ay Soomaaliya weli waddo ee ay ku qabaneyso doorashooyinka la qorsheeyey dhammaadka sanadkan, hase yeeshee waxaan ka walaacsanahay inay ka dib dhaceyso jadwalka,” ayey tiri.
-
Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa Xalay ku dhawaaqay in Ramadaan ay ugu dambeysay Jamcadii, Sabtidana ay Ciid tahay kadib Markii Deegaanadaas laga Arkay Bishii. Soomaalida Nairobi [...] The post Caalamka oo idil Soomaaliya qura ayaa laga Ciidey appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-23052020-ok.mp3 View the full article
-
Sawir hore: Talaada 4-June 2019 Amarkii ka soo baxay xukuumadda Puntland ee lagu joojiyay jimaacada Salaadda Ciidda ayaa maanta oo Sabtiya ka dhaqan-galay degaannada Puntland kadib markii xalay guud ahaan Soomaaliya looga dhawaaqay Ciidda Soonfur. Dadweynaha ayaa guryahooda si keli keli ah ugu tukanaya waxaana sidoo kale aad u xaddidan damaashaadka iyo isu soo baxyada shacbiga ee lagu muujinayo Farxadda Ciidda si ka duwan wakhtiyadii hore maadamaa taxaddar laga muujinayo faafidda xanuunka COVID-19. Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa gebi ahaanba saaka maran fagaarayaashii lagu oogi jiray Salaadda Ciidda iyadoo masaajiddana ay ku jiraan dad tiro ahaan kooban kuwaas halkaa ku oogaya salaadda Ciidda. Balse waxaa ciriiri xooggan ka jiraa suuqyada magaalada oo dad badani ka dukaamaysanayaan islamarkaana aysan ka muuqan wax isbedel buuran ah marka loo eego ciidihii tan ka horreeyay iyadoo weli laga digayo faafidda xanuunka Coronavirus. PUNTLAND POST The post Puntland: Saamaynta Xanuunka COVID-19 ku yeeshay Damaashaadka Ciidda appeared first on Puntland Post.
-
GNA forces take town of Asaba, which lies on route to Tarhouna, LNA's biggest remaining stronghold in northwest Libya Source: Hiiraan Online
