Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Caasimada Online ) – Waxaa goor dhow Muqdisho ka bilowday dibad-bax ay dhigayaan dadweyne isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir. Banaan-baxa oo ah mid ballaaran ayaa waxaa soo abaabulay oo tan iyo xalay ku howlanaa xubno ka kala socda maamulka gobolka Banaadir iyo Xooggaga Wadaniyiinta. Dibad-baxyada ayaa haatan ka bilowday qeybo badan oo caasimada ka mid ah, sida taalada Daljirka Daahsoon, isgoysyada Sanca iyo KM4. Dadka dhigaya dibad-baxa oo laga soo aruuriyey dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa wata boorar lagu soo xardhay sawirrada Madaxweynaha. Ujeedka dibad-baxyadaan ayaa ah kuwa lagu taageerayo codsigii uu shalay Farmaajo ka hor jeediyey baarlamaanka ee ahaa in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Aqalka Sare. Sidoo kale waxaa saaka la xiray jidad muhiim ah oo ay ka mid tahay wadada Maka Al-Mukarrama, iyadoona la soo dhoobay ciidamo dheeraad ah, si ay u xaqiijiyaan amniga. Si kastaba ha’ahaatee arrimahaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horey loo go’aamiyey in gobolka Banaadir uu 7 xubnood ku yeesho Aqalka Sare oo lagu qeybsinayo nidaamka 4.5, taas oo ay si weyn uga soo horjeesteen siyaasiyiinta waxgaradka magaalada Muqdisho.
  2. Minneapolis-St. Paul is burning with rage while demonstrations continue around the nation. Politicians and television commentators pontificate about what should be done as people of all races, genders and faiths in the Twin Cities, Washington, Philadelphia, Atlanta, Dallas, New York, LA and other cities take to the streets to express their outrage. Source: Hiiraan Online
  3. Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo xalay xilli dambe warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay isku day la doonayay in isaga lagu dilo waxa uuna sheegay inay haatan gacanta ku hayaan qaar ka mid ah shabakad isku xirnayd oo dilalka qorsheysan ka fulin jirtay gobalka Mudug. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ay qabteen miino nuuca dhejiska ah oo la damacsanaa in gaariggiisa loogu xiro sidaasina uu khasaare kala duwan uga dhasho waxaana wasiirka amniga Galmudug uu intaa raaciyay in arrinkan uu ku suura galay kagadaal markii maalmihii la soo dhaafay ciidanka DANAB ay gobalka Mudug gaar ahaan magaalada gaalkacyo ay ka wadeen howlgallo Qorsheysan. “Waxaan qabanay Miino kuwa baabuurta lagu dhejiyo oo hadafkeedu ahaa aniga oo ah wasiirka amniga Galmudug baabuurka la iigu dhejiyo ka dibna halkaas uu khasaare ka dhasho, miinnadaas markan qabanay waxaan daba galnay dhammaan kooxihii ka dambeeyay waxaana ku guuleysannay mid ka mid ah kooxihii miinnada soo geliyay oo halkan wakiil uga ahaa oo bulshada ganacsade ay u taqaannay” ayuu yiri wasiirka amniga Galmudug. Dhanka kale wasiir Fiqi ayaa waxa uu ka dhawaajiyay inay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ku dileen sarkaal sare oo Al shabaab u qaabilsanaa dialka gobalka Mudug waxaana sarkaalkaasi uu magaciisa ku sheegay Maxamed Xasan Faarax oo uu tilmaamay in isaga iyo rag kale oo la shaqeynayay ay ka dambeeyeen dilal loo geeystay masuuliyin ka tirsan Galmudug iyo Puntland. Ugu dambeyn wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug u diray farriin la xiriirta amniga isaga oo ugu baaqay inaysan garab siin kooxaha ka soo horjeeda nabadgelyada gobalka. Wasiir Fiqi ayaa inta yar ee uu xilka hayo waxa uu sameeyay isbadal muuqda oo dhinaca amaanka ah isaga oo ku guuleystay inuu la wareego ciidamo u abaabulnaa qaab maleeshiyo beeleed ah kuwaas oo uu sheegay in la qarameyn doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Beledweyne (Caasimada Online ) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka uu dagaal beeleed dib uga qarxay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan Ceyr-daye iyo Miira-jibaale oo ah laba deegaan oo isku dhaw, kuna yaalla xadka kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo Galgduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka diriraya oo xoolo dhaqato ah ay isku hayaan arrimo la xariira dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi. Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkan, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalkaasi Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya maleeshiyaadka labada dhinac laga dareemayo halkaasi. Hiiraan ayaa waxaa marar badan ku soo laa-laabtay dagaal beeleedyo ay ku dhinteen dad badan, kuna dhaawacmeen kuwa kale oo ay ku jiraan dad rayid ah.
  5. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa mar kale sheegtay in ay askar badan ka dileen ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Bakool ee ku yaalla Koonfur Galbeed Soomaaliya. Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerar culus ka fuliyeen degaan lagu magacaabo Aba loo qiyaastii 18km u jira magaalada Xuddur ee Gobolka Bakool halkaasna ay khasaare kala duwan ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya. Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa daabacday in dagaalkaas Ciidamada Itoobiya looga dilay ugu yaraan 15 askari oo uu kamid yahay sarkaal derejadiisu tahay saddex xiddigle inkastoo aysan xusin magaca sarkaalkaasi. Al-shabaab waxay sidoo kale tilmaameen in ay waxyeello soo gaarsiiyeen gaadiidka dagaalka ciidamada Itoobiya kuwaas oo u soo gurmaday ciidankii weerarka la kulmay. Al-shabaab ayaa sidaan oo kale Sabtidii shalay sheegay in ay weerar qaraxyo ah ku qaadeen ciidamada Itoobiya islamarkaana askar kaga laayeen. Taliska Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya labada jeer midna kama jawaabin sheegashada Al-shabaab ee la xiriirta in ay Khasaare gaarsiiyeen dhanka Ciidamada Itoobiya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo mar kale sheegtay in ay askar badan ka dileen ciidamada Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  6. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka hadlayay sii deynta wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon iyokiiska dacwadda ah ee wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa waxaa marka hore soo dhoweeyay sii deynta Wariye Coldoon isaga oo dhinaca kale hey’adaha garsoorka dalka ka dalbaday inay dib u eegis ku sameeyaan dacwadda loo heysto agaasime ku xigeenka waraahinta Goobjoog Media Group. “Waxaan si farxad leh u soo dhoweynayaa sii deynta wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon waxaan sidoo kale rajeynayaa in hey’adaha garsoorka dib u eegaan dacwadda loo heysto wariye Cabdicasiis Gurbiye oo Goobjoog ka tirsan” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta ee Villa Soomaaliya. Wariye Gurbiye ayaa ku eedeysan dacwad la xiriirta sumcad dilka madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, nafjecleysigiisa iyo kicin dadweyne, waxaana wariyaha kiiskiisa ka hadlay hey’ado dhowr ah. Hey’adaha caalamiga ah ee u dooda xorriyatul qawlka sida Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa waxa ay xariggii loo geystay Wariye Gurbiye ku tilmaameen mid ka hor imaanaya xorriyadda hadalka waxaana sidoo kale xusid mudan in baarlamaanka midowga Yurub uu dowladda Farmaajo ka dalbaday inay laalaan dacwadda ka dhanka ah wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye. Dhinacooda urrurada u dooda saxaafadda madaxa bannaan ee ka howlgalla Soomaaliya ayaa siyaabooyin isku mid ah horey ugu cambaareeyay dacwadda ka dhanka ah wariye Gurbiye iyaga oo dowladda federaalka ah ku eedeeyay inay caburrin ku heyso warbaahinta madaxa bannaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo xalay warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa ka warbixiyey howlgallo 24-kii saac ee la soo dhaafay laga sameeyey koonfurta magaaladaasi. Fiqi ayaa sheegay in howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan lagu soo qabtay qarax miino oo uu tilmaamay in la doonayey in isaga loogu dhajiyo gaariga, si loogu khaarijiyo. Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada ammaanka oo xog ka helay qaraxaasi ay ka hortageen, islamarkaana ay fashiliyeen, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in falkaasi uu fulin rabay nin ganacsade ah oo Al-Shabaab xiriir la-lahaa, kaas oo uu magaciisa ku sheegay, Aweys Macalin Maxamed Xasan oo la shaqeynayey nin kale oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Faarax oo ku magac dheeraa (Xuseen), kana soo jeedo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Wasiirka amniga Galmudug oo hadakiisa sii wata ayaa xusay in Aweys gacanta lagu dhigay, kadibna ay ka xog wareysteen waxyaabo la xiriira isku dayga dilka ah, halka uu xusay in Maxamed uu la diriray Danab, kuna toogteen shalay Gaalkacyo. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgalo ballaaran ay ka socdaan koonfurta Gaalkacyo iyo guu ahaan Galmudug, kuwaas oo ujeedkoodu yahay sidii loo burburin lahaa shabakado ku howlan falal amniga iyo dilal ka dhan ah mas’uuliyiinta maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/wasiir-Fiqi.mp3
  8. Attempts by the president of Somalia’s autonomous region of Puntland Said Abdullahi Deni to seek financial support from African Development Bank Group to make ends meet failed after the bank said it has exhausted all earmarked resources in the special relief fund and instead asked to seek financial assistance from the federal government. READ THE FULL PRESS RELEASE BELOW:
  9. Waxaa saakay xiran qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dib markii isgoysyada muhiimka u ah isku socodka dadweynaha la soo dhoobay ciidamo boolis ah oo diidaya in gaawirada ay waddooyinka qaar isticmaalaan. Waddooyinka saakay xiran ayaa waxaa ka mid ah waddada dheer ee makka Al Mukarrama iyo qeybo ka mid ah isgoyska Sanca, waxaana shacabka Muqdisho aya saakay maalayaan cagahooda. Lama oga sababta ka dambeysa xirnaanshiyaha waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho. Shacabka ayaa horey dhib ugu qabay waddooyinka ay dowladdu ka xiratay kuwaas oo muhiim u ahaa isku socodka dadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya gaar ahaan booliska dambi baarista ee ka tirsan CID ayaa soo xiray maamulaha xarunta caafimaad ee ku taalla degaanka Golaley ee lagala baxay 8 dhaqaatiir ah kadibna la dilay. Sidoo kale ciidamada ayaa soo qabtay qof kale oo ka tirsan shaqaale hoosaadka xarunta caafimaad waxaana loo soo gudbiyay magaalada Muqdisho sida ay noo sheegeen dad xog ogaal ah. Agaasimaha xarunta iyo qofkaan kale ee la soo qabtay ayaa la sheegay in saacad wax ka yar ay ka maqnaayeen xarunta markii lala baxayay dhaqaatiirta. Sidoo kale waxaa la sheegay iney joogeen beer ku taalla halka lagu dilay sideeda qof ah ee dhalinyarada ah. Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amaanka ayaa noo sheegay in xog aan is laheyn uu ku hadlay maamulaha Isbitaalka. Sidoo kale waxaa xog ku helnay in dilka ay fuliyeen 5 nin oo ku hubeesnaa AK47, kuwaas oo min hal xabad madaxa uga dhuftay dadka la dilay. Wararka aan ka helnay guddiga baarista ayaa sidoo kale sheegaya in goobta dhaqaatiirta lagu dilay ay tahay goob aysan tagi karin ciidanka dowladda. “Shan askari iska daaye xataa 5 Cabdi bile ma tagi karto aagga dadkaan lagu dilay, sidoo kale dad qaba tababar casri ah ayaa dilay oo min hal xabad madaxa uga dhuftay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan guddiga baarista wada. Dhinaca kale Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Garyaqaan Suleebaan Maxamed Maxamuud, ayaa ku biiray guddiga ku howlan baarista kiiskaan waxa uuna tagay degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe. Kiiskii foosha xumaa ee lagu laayay dhaqaatiirta ayaa u muuqda inuu yeeshay weji kale. Sidoo kale cabsi weyn ayaa laga qabaa iney ku lug yeeshaan qaar kamid ah shaqaalaha Isbitaalka, sida warbixinada hordhaca ah ay sheegayaan.
  11. After the fall of the Ottoman Empire, Turkey lost its interest in Africa where it ruled the north of the continent for years. But since Turkey was granted observer status in the African Union (AU) in 2005, as “the year of Africa” in its foreign policy, it has broken cover with its traditionally cautious and inward-looking approach, and has since tripled its trade links to Africa. Turkey’s shift from its focus on its Western partners and its deployment of subtle, but also soft power, approach to Africa has been instrumental in winning local support for its involvement in trade and other critical investment projects in the continent. Source: Hiiraan Online
  12. Greek Defence Minister Nikos Panagiotopoulos has confirmed that his country is ready for all eventualities, including military confrontation with Turkey if it continued to provoke Athens, news agencies reported on Friday. Source: Hiiraan Online
  13. Thomas Lane is one of the four former Minneapolis police officers that have been charged with aiding and abetting second-degree manslaughter for George Floyd’s death, which occurred in police custody. Source: Hiiraan Online
  14. Egypt’s president Saturday announced a unilateral initiative to end the civil war in neighboring Libya, a plan that was accepted by Khalifa Hifter, commander of the eastern forces that have suffered heavy losses in recent weeks. Source: Hiiraan Online
  15. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhowaysay sii daynta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo shalay lagu sii daayay cafis uu u fidiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu si farxadleh u soo dhowaynayo sii daynta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon. Sidoo kale wuxuu hay’adaha Garsoorka dalka ka rajeeyay in ay dib u eegaan dacwadda loo haysto weriye Cabdicasiis Gurbiye oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog islamarkaana lagu haystay qoraal uu ka qoray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Waxaa habboon in si taxadar leh loo wajaho kiisaska la xiriira wariyeyaasha, la xisaabtankoodana aan marnaba loo adeegsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Agaasime Cabdinuur. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in xorriyadda Saxaafaddu ay kamid tahay Tilmaamaha wanaagsan ee uu yaalan karo dal soo kabanaya oo leh nidaam ku dhisan Dimuqoraaddiyad. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay sii daynta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina oo ka tirsan golaha shacab ee baarlamaanka Soomaaliya, isla markaan ka mid aheyd xildhibaanadii shalay mudada kooban carqaladeeyay hadal jeedintii Madaxweyne Farmaajo ee furitaanka kalfadhiga 7-aad ee labada Aqal, ayaa ka hadashay waxa ay ka caroodeen. Xildhibaanka ayaa sheegtay in madaxweynuhu uu khudbadiisa ku bilaabay si aysan ka filaneyn, isla markaana aysan mas’uuliyadi ka muuqan. “Madaxweynihii Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee maanta u hadlayey sidii ciyaal khudbado uu isku toos-toosistay oo siduu rabo u hadlay, waxaa ka hor-yimid xildhibaanno aan ka mid ahay khudbaddiisii qaabta darneyd,wuxuu nooga baxay faan” ayey tiri Xildhibaan Aamina. Sidoo kale Xildhibaan Aamina ayaa sheegtay in madaxweynuhu uusanba soo hadal qaadin dhacdadii xanuunka badneyd ee maalmo ka hor ka dhacday deegaanka Gololey, taas oo lagu dilay sideed dhalinyaro Soomaaliyeed ah, oo dhakhaatiir ahaa, iyo dhacdooyin kale oo ay ka sugayeen. “Waxuusan ka hadlin dhacdadii ugu dambeysay ee sideedii wiil ee dhakhaatiirta ahaa ee lagu dilay Gololey, waxa uu yiri seddaxdii bilood ee u dambeysay labaatan iyo dhowr fal dembiyeed ayaa ka dhacday dalka, waana amni, kama uusan hadlin diyaaraddii lagu soo riday Bardaale, waxaa ku geeriyootay lix qofood, markii laga reebo laba nin oo Kenyaati ahaana kama uusan tacsiyeyn wiilashii Soomaaliyeed eek u dhintay shilkaas.” “Todobaadyo ka hor Qansaxdheere diyaarad kale ayaa lagu xabadeeyay, kama uusan hadlin, duuliyihii waday diyaaradaas ee soo badbaadiyey markii uu Muqdisho kasoo dejiyay ayaa la jeebeeyey oo la xiray madaxweynuhuna kama hadlin dhacdooyinkaas” ayey hadalkeeda sii raacisay Xildhibaan Aamina. Qaar ka mid ah xildhibaanada labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee abaabulay buuqii ka dhanka ahaa madaxweyne Farmaajo ee ka dhacay furitaanka kalfadhigga labaad ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay inay tallaabadaas qaadaan. Xildhibaanadan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu hareer maray qodobadii laga sugayay in uu ka hadlo, islamarkaana uu ku tuntay dastuurka dalka. Xildhibaan Xasan Yare oo ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in dastuurka la jabiyo oo baarlamaanka la burburiyo. Iyadoo iskool boliisiyo lagu shiri la’yahay amni darada jirta awgeed ayuu leeyahay doorasho ayaa loo dareerayaa.” Sidoo kale waxyaabaha laga sugayey in Madaxweyne Farmaajo uu uga hadlo khudbadii maanta waxaa ka mid aheyd dacwada badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Kenya, taas oo in badan lagu eedeeyey madaxweynaha in uusan si cad uga hadlin, iyadoo markii seddaxaad dib loo dhigay bishii hore. Halkan ka Daawo
  17. COVID-19 has transformed the world, making what seemed possible, impossible. These dramatic changes in our lifestyle have pushed society to come up with unique solutions in the wake of the pandemic. Source: Hiiraan Online
  18. Beco, the company that provides the public electricity service in the city of Mogadishu, has recently installed a photovoltaic solar power plant there. The objective is to reduce electricity costs in the Somali capital. The company plans to increase the capacity of the solar power plant to 100 MWp in the coming years. A photovoltaic solar power plant is now operational in Mogadishu, the capital of Somalia. The plant was recently commissioned by Beco, Somalia’s main electricity supplier. Originally, the aim of such a project was not so much to reduce the CO2 emissions of the many diesel-powered generators – a kind of collateral benefit – but to reduce the costs involved in importing fossil fuels for electricity production. Source: Hiiraan Online
  19. UN agencies on Friday officially released a flood response plan to help nearly one million people who have been affected by the flooding in Somalia. Source: Hiiraan Online
  20. TORONTO -- Health Canada is recalling six types of hand sanitizers sold in Canadian stores that are made with industrial-grade ethanol. Source: Hiiraan Online
  21. Somaliland President Muse Bihi Abdi says authorities in Mogadishu pose the biggest challenge for the autonomous region’s fight for recognition as an independent state, 29 years after the region broke away from Somalia after the overthrow of military ruler Siad Barre. Source: Hiiraan Online
  22. Qaahira (Caasimada Online) – Kadib guul-darrooyin is xig-xigay oo looga qabsaday magaalooyin dhowr ah, dagaal oogaha dalka Libya Jeneral khaliifa Xaftar ayaa hadda u muuqda nin dabcay oo diyaar u ah heshiis. Xaftar oo muddo ka badan saddex sano diidanaa inuu wada-hadal la galo dowladda caalamku aqoonsan yahay ayaa hadda sheegay inuu doonayo inuu heshiis xabad joojin ah la gaaro, sida uu sheegay madaxweynaha Masar Abdifatah al-Sisi oo ay ku kulmeen Qaahira. “Hindisahan wuxuu ku baaqayaa in la ixtiraamo dadaallada caalamiga ah, ayada oo lagu dhowaaqayo xabad joojin laga billaabo 6:00pm maalinta Isniinta oo June ay tahay 8,” ayuu yiri al-Sisi. Sisi ayaa ka dhinac hadlayey Xaftar iyo Aguila Saleh oo ah afhayeen baarlamanka dowladda Bariga Libya ee Xaftar uu sheegto. Xabad joojinta ay soo jeediyeen Sisi iyo Xaftar ayaa waxaa sidoo kale taageeray Ruushka. Ruushka, oo ay wehliyaan Masar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ah dalalka taageera dagaal-ooge Xaftar. Baaqa xabad-joojinta ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda ay toddobaadyadii dhowaa magaalooyin badan ka qabsadeen maleeshiyada Xaftar. Waxay sidoo kale sheegeen inay sabtidii billaabeen weerar ay ku qabsanayaan magaalada muhiimka ah ee Sirta, oo ah magaaladii uu kasoo jeeday hoggaamiyihii hore ee dalkaas Muamar Ghadaffi. “Ciidamada cirka waxay shan duqeyn ka fuliyeen duleedka magaalada Sirte,” waxaa sidaas yiri afhayeenka dowladda Mohamad Gnounou, oo sheegay inay ku wajahn yihiin magaalada. Sirte waa magaalada ugu dambeysay ee ciidamada Xaftar ay kaga sugan yihiin galbeedka Libya, oo ah halka ay dowladda ku xoogan tahay. Xulufada Xaftar ayaa maamula Bariga Libya. Inkasta oo Xaftar weli uu haysto Bariga Libya oo dhan, haddanaa guul-darrooyinka is-xig-xiga ee ku socda ayaa abuuray walaac ku saabsan in marka laga soo idlaado galbeedka, ay dowladda weerar ku tahay Bariga. Mas’uuliyin dowladda u hadlay ayaa sheegay inay suurta-gal tahay in muddo kooban gudaheed ay ku wada qabsadaan dalka oo dhan.
  23. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa shir guddoomiyay kulan golaha wasiirrada Galmudug ay ku yeesheen magaalda Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug, ayaa lagu sheegay in shirkaas looga hadlay illaa afar qodob oo kala ah: Amniga iyo hub ka dhigista maleeshiyaadka, Dib u dhisidda maaliyada iyo aruurinta canshuuraha, Akhrinta iyo ka doodista hindiye sharciyedka shatiga ganacsiga ee Galmudug iyo ka doodista hindisi sharciyeedka ku meel gaarka wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ee Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ka wadaan dib u habeynta ciidamada iyo goobaha danta guud ee magaalada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Galmudug oo ka shiray Hubka dhigista Malayshiyaadka Beelaha appeared first on Puntland Post.
  24. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay ka hadashay xariga kacdoonka weyn dhaliyay ee duuliye Fu’aad Yuusuf Cali, kaasi oo dhawaan iska soo duubay muuqaal qiiro leh. Xeer ilaaliyaha guud ee Jabuuti, Jaamac Suleymaan Cali oo xafiiskiisa kula hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in duuliye Fu’aad uu dambi culus ka galay dalka Jabuuti, midaasi oo horseeday xarigiisa, kuna muteysan karo dil toogasho ah. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inuu duuliyuhu isku dayay inuu la baxsado diyaarad milateri, isagoona gebi ahaanba burburiyay diyaarad ay ciidamada cirka Jabuuti lahaayeen, waa sida uu hadalka u dhigaye. Jaamac ayaa duuliye Fu’aad ku eedeyay inuu dil ugu hanjabay madaxdiisa milateriga, isla markaana sirta qaranka Jabuuti la wadaagay dal ay cadow yihiin oo ah Ereteriya. Xeer ilaaliyaha ayaa ka marag kacay dhiibista Itoobiya, oo iyadu qeyb weyn ka qaadatay soo qabashada duuliyaha, iyadoona usoo gacan galisay dowladda Jabuuti oo uu ka tirsanayey cadaalad daro baahsan. Sidoo kale waxa uu Xeer ilaaliyaha guud uu sheegay inuu duuliye Fu’aad muteysan karo ‘dil toogasho ah’, maadama uu sirta qaranka u gacan galiyay dalka Ereteriya oo ay xiisad colaadeed kala dhaxeyso. Hadalka xeer ilaaliyaha ayaa kusoo aadaya xili ay banaanbaxyo waaweyn ka socdaan gudaha dalka Jabuuti, kuwaasi oo looga soo horjeedo xariga duuliyaha oo mar kasoo hor-muuqday warbaahinta isagoo ku xiran Musqul uu sheegay in looga digay xabsi.
  25. Waxa aan ku faraxsanahay in Suxufi Samafale Cabdimaalik Sh Muuse Coldoon dib u helay xorriyaddiisii, madaxweynahana waxa aan uga mahadcelinayaa tixgelinta saamaxaadda aan u soo jeedinnay. pic.twitter.com/BAn8Cs2u5Z — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) June 6, 2020 Qaran News