-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somali Health Ministry on Monday confirmed 34 new COVID-19 cases, bringing the total number of infections to 2,368. Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Shalay shirka guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxay u gudbisay qorshe oo ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajoodka dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka ee arrimaha doorashooyinka. Soo bandhigidda Qorshaha, waxay ka dambeysay Amarkii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee ku saabsanaa dardargelinta arrimaha doorshooyinka, si loo hubiyo in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo. Qorshahaas ayaa la filayaa in loo gudbiyo golaha wasiirrada oo fadhiyadooda uga doodi doona, si uu dhaqan gal u noqdo loona billaabo in lagu howlgalo. Shirka guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxaa Shir Shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Shirka waxaa looga hadlay hab-raaca dhameystirka wada xaajoodyada muhiimka u ah geedi socodka federaalaynta iyo demoqoraadiyadaynta dalka, awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada iyo iskaashiga heerarka dowladda ee Qabashada doorashooyinka 2020-2021. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dowlad goboleedyada kala hadlaysa doorashooyinka dalka appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Kowdii bishii June, Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah xariga uga jaray 12-ka kiilo mitir ee ugu horreeyay wadada laamiga ah ee magaaladda Berbera ku xirta dalka Ethioipia. Wadadaan isku xireysa Berbera iyo Addis Ababa, waxaa maal-geliyay Imaaraadka Carabta iyo sanduuqa horumarinta ee Abu Dhabi. Iyagoo kaashanaya shirkadda DP World, waxay ku bixiyeen lacag dhan $442 million balaarinta dekedda magaaladda Berbera, wadadu waxay Berbera u bedeli doontaa xarun weyn oo ganacsi. Somaliland waxaa ay maal gelineysaa safar ganacsi oo faa’iido badan, kaasi oo soo jiidan doona dhoofin iyo soo dejin badan oo ka yimaada deriskeeda Itoobiya. Laakiin wadada Berbera waxay sidoo kale leedahay ujeedo istiraatiiji ah oo siyaasadeed, taas oo salka u dhigeysa xaqiiqo siyaasadeed. Waa in dekedda Berbera laga dhigo qayb muhiim u ah dhaqaalaha Ethiopia iyo Somaliland. derejada ay Berbera ku noqoto lama huraanka Ethiopia, waa midda Somaliland lagu aqoonsanayo , taas oo si cad uga dhigeysa wadan madax-banaan. Inay aqoonsigaas gaarto waxay Somaliland ka raadineeysay, welina aysan guul ka gaarin Ethiopia iyo wadamo kale, kuwaas oo illaa hada uusan midkood si rasmi ah u aqoonsan. Dalalkaas dhamaantood, weli waxay u tixgeliyaan Somaliland gobol ka tirsan Soomaaliya. Mana jirto calaamad muujineysa in wadanna uu talaabo deg-deg ah u qaadayo si uu u noqdo dalkii ugu horeeyay ee aqoonsada Somaliland. Mashruuca dhismaha dekedda Berbera, waxaa uu ka carreysiiyey Soomaaliya, sababtoo ah waxay soo jiidi karto aqoonsiga Somaliland. Laba sano ka hor markii Somaliland ay 19% ka heshay heshiiska Berbera ee ay la gashay Ethiopia iyo DP World, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalal shisheeye oo uusan magacooda sheegin uga digay in aysan xadka soo dhaafin aysanna su’aal gelin madax-banaanida Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, dowladiisu waxay xushmad u muujisay madax-banaanida Soomaaliya. Haddana sidoo kale, waxaa uu muujiyay in uusan ka baxaynin heshiiska magaaladda Berbera. Wadadu waxaa ay muhiim u tahay guusha lama huraanka ah ee Ethiopia ka leedahay badda Soomaaliya. Sababtoo ah hoos u dhac ayaa ku yimid xiriirka Ethiopia ay la deedahay Djibouti, tan iyo markii uu Abiy Axmed soo celiyay Eritrea, taasina waxay su’aal gelisay qorshe ay Ethiopia tubooyin gaas ah badda ku gayneyso, iyadoo marsiineysa Djibouti. Si kastaba ha ahaatee Abiy Axmed, oo 2019-kii ku guuleystay Nobel Peace Prize, waxaa uu sidoo kale adeegsanayaa xirfad diblamaasiyadeed. Bishii Febraayo ee sanadkan, waxaa uu marti geliyay kulan dhex maray Madaxweyne Farmajo iyo Muusi Biixi si ay uga wadahadlaan murankooda. Kulankaasi waxuu u muuqdaa mid miro dhalay, iyadoo Wakiilka gaarka ah ee Xogahaya Guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan uu Golaha Amaanka u sheegay “xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaan dhiiri gelinay in wada hadalku u socdo ee heerka sare labada dhinacna waxay caddeeyeen inay rajaynayaan in xiriirkooda ay joogteeyaan, isla markaana ay yeeshaan wada hadallo dheeri ah.” Faro-gelinta Abiy Axmed oo dhex-dhexaadinaya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa xiiso abuureysa. Waxaana loo maleyn karaa in Soomaaliya ay Ethiopia u aragto garsoore eexanaya markii Addis Ababa ay dano ka yeelatay mashruuca Berbera. Sidoo kale Ethiopia waa mid ka mid ah, sedaxda wadan ee qunsuliyad ka furtay magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxaana labada kale kala yihiin dalalka Jabuuti iyo Turkiga. Taas bedalkeeda, Abiy Axmed ma doonayo inuu arko Somaliland-ta nabdoon oo ay wiiqday Muqdisho. Ethiopia waxay Somaliland la wadaagta xuduud u dheer, sida ay u dheer tahay midda ay la wadaagto Soomaaliya inteeda kale. Somaliland waxay Ethiopia ka ilaalisaa ururka hubeysan ee Al-Shabaab, sidaas darteed Ra’iisul wasaare Abiy waxaa uu arrintaan u marayaa waddo ciriiri ah. Is-marin waaga Somaliland iyo Soomaaliya sidoo kale wuxuu leeyahay cabir ballaaran, Quwadaha Bariga Dhexe ayaa dagaal ay soo guuriyeen isugu xifaaleynaya Geeska Afrika, ayada oo Imaaraadka Carabta ay taageerayaan Somaliland, si ay uga jawaabaan xiriirka Turkiga iyo Qatar ee Soomaaliya. Haddii Farmaajo uu Itoobiya iyo Abiy Axmed ula saaxiibay inay doonayaan Soomaaliya oo mid ah oo mideysan, waxa tusaale ugu filan xiriirka Abiy iyo Somaliland. Abiy mar walba waxa uu eegayaa danta Itoobiya, waana taas sababta uu Somaliland ula macaamilayo si madax-banaan oo Farmaajo iyo Muqdisho aysan waxba kala socon. Haddii saaxiibtinimada Abiy ee Farmaajo ay daacad ahaan lahayd, wuxuu ka bixi lahaa heshiisa Berbera isaga oo ku ixtiraamaya “walaakiisa” Farmaajo, wuxuuna cadaadis xooggan saari lahaa Somaliland si ay ula heshiis Soomaaliya. Ayada oo taas hadda muuqan, Farmaajo ugu dambeyn ma arki doonaa labada weji ee Abiy Axmed kula macaamilayo?
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo jeediyey in wada-tashiyada la xiriira doorashada heer federaal ay qeyb ka noqdaan dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in doorashada heer Federaal ay lagama maarmaan tahay in ay kulan wada-tashiya ka yeeshaan dowladda Federaalka dowlad goboleedyada iyo dhammaan saamileeyda siyaasadda dalka. Guddoomiyaha Aqalka sare Wuxuu sheegay in Kulankaasi wada-tashiga ah uu sahli doono in la isla go’aamiyo in dalka laga qabto doorasho ku dhacda qaab raalli la isaga wada yahay oo loo dhanyahay “Qabashada doorashada heer federal waxaan looga maarmeyn in wada tashi deg-deg ah ay isugu yimaadaan dhammaan xukuumadda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, dowladaha xubnahs ka ah dowlsdda federaalka iyo daneenayaasha siyaasadda, si loo helo qaab raali la isaga yahay oo doorashada lagu galo” ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdullaahi. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku baaqay in Shir Wada-tashiya laga yeesho doorashada dalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wax lagu sheegay wejiga labaad ee heerka hubinta adag ee shaqaalaha gobalka Banaadir ayaa toddobaadkaan ka bilaawday xarunta dowladda hoose ee Xamar. Dhamaan shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir ayaa loo diray iney xarunta keensadaan oday dhaqameedka Beesha iyo Xildhibaanka ku matala baarlamaanka Soomaaliya si looga qoro damiin buuxda. Shaqaalaha ayaa hore looga qoray magacyada nabadoonadooda, xildhibaanada matala iyo dadka damiinan kara, waxaana hadda billowday iney xarunta keenaan xildhibaankooda iyo oday dhaqameedkooda. Qaar kamid ah dadkii geeyay oday dhaqanka iyo Xildhibaanka oo isla socda ayaa Caasimada Online u sheegay in Xildhibaanka uu saxiiyay warqad uu dusha ku saaranayo wixii ka yimaada muwaadinka uu matalo. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Xildhibaanada qaar ay diideen iney xarunta tagaan halka qaarkoodna ay ka meer meerayaan taas oo halis gelin karta shaqada muwaadiniin badan oo hadda shaqeeya. Tan iyo markii qarax lagu dilay Allah ha u baxariistee duqii iyo guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Injineer Yariisow waxaa aad loo adkeeyay ammaanka xarunta gobalka, waxaana sidoo kale aad loo baaray shaqaalaha gobalka.
-
Qoraal uu qoray Wasiir Imaaraatiya oo lama filaan ku noqday Israel iyo Mareykanka Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas waa hanjabayaa, boqorka Jordan boqor Cabdalaha waa cambaareynayaa, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Europe Josep Borrell waa cambaareynayaa, hase yeeshee dhammaantood cid dhageysaneysa ma lahan. Si kastaba, diblomaasiga ay erayadiisu la xiriiraan qorshaha Israel ay ku goosaneyso Daanta Galbeed ee saameynta adag ku yeelanaya Washington iyo Israel waa diblomaasiga Imaaraadka Carabta ee Anwar Gargash. Gargash oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa twitter-ka ku qoray uguna baaqay Israel in ay joojiso qorshaheeda. “Wadahadallada socda ee lagu goosanayo dhulka Falastiin waa in la joojiyaa” ayuu qoray. “Talaabo kasta uu u gaar ah Israel waxay dhabar-jab ku noqon doontaa geedi-socodka nabadda, waxayna cuuryaamin doontaa go’aanka gaarista Falastiin waxayna sii wadi doontaa diidmada iyo cambaareynta caalamka,” ayuu yiri. Continued Israeli talk of annexing Palestinian lands must stop. Any unilateral Israeli move will be a serious setback for the peace process, undermine Palestinian self determination & constitute a rejection of the international & Arab consensus towards stability & peace. — د. أنور قرقاش (@AnwarGargash) June 1, 2020 Muxuu qoraalka Gargash, oo ah nin aan sidaas looga aqoon meel ka baxsan Imaaraadka uu muhiim u noqday? Sababtoo ah – falcelin aan ahayn midda Maxamuud Cabbaas, Cabdallaha Jordan iyo Borrell oo arrimaha dibadda u qaabilsan Midowga Yurub ma ahayn wax la saadaalin karay. Safiiradda Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn waxay joogeen aqalka cad markii bishii January uu Madaxweyne Trump daaha ka rogayay qorshaha nabadda bariga dhexe, kaasi oo damaanad qaadaya in Maraykanku uu qaybo ka mid ah Daanta Galbeed u aqoonsado dhul ay u madax banaantahay Israel. Dalalkaas ma aysan cambaareyn qorshaha Mareykanka. Xaqiiqdii, safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaaladda Washington waxaa ay website keeda ku dabacday war ay ku tilmaantay in “qorshuhu uu bar-billow muhiim ah u yahay dib usoo celinta wada xaajoodyo waafaqsan naqshadda caalamiga ah oo Maraykanku hogaaminayo.” Safiirka Imaaraadka ee magaaladda Washington waxaa qorshaha ku tilmaamay “hindise muhiim ah oo la tacaalaya dhibaatooyinkii soo ifbaxay sanadihii lasoo dhaafay.” Billowgii February, kulan ay lahaayeen Jaamacadda Carabta oo lagu diiday qorshaha Trump ayuu kasoo horjeestay Gargash waxaana uu ka istaagay “mowqif dhex-dhexaad ah” taasi oo aad loo cambaareeyay. Sanadkii lasoo dhaafay Gargash cambaareyn adag ayuu kala kulmay dunida muslimka ah markii wareysii uu siiyay wargeys laga leeyahay Imaaraadka Carabta uu ku sheegay in dunida muslimka ah ay khalad xun ku ahayd in ay wadahadalka u jaraan Israel . “Sanado badan ka hor, markii carab ay go’aansatay in aan xiriir la sameyn Israel, taasi waxay ahayd go’aan aad u khaldan, markii dib loo eego” ayuu yiri. “Sabaabtoo ah, waa in aad kala soocda oo kala saartaa arrin siyaasaded iyo in xiriirkaadu uu furnaado.” Sidaas darteed Gargash iyo Imaaraadka Carabta midna kama soo horjeesan qorshaha Trump. Qoraalka Gargash ee ka dhanka ah goosashada dhulka Falastiin ee Israel waxaa uu farriin u yahay Washington iyo Israel, taasi oo loogu sheegayo in wada-shaqeynta qarsoodiga ah ee dhowaanahan u dhaxeysa Israel iyo dalalka Khaliijka uu dhaawici karo qorshaha Israel ku goosaneyso Daanta Galbeed. Fariintaas ka timid qof loo heystay in uu taageersanyahay iskaashi lala yeesho Israel, waxay sida la filayo ay ka qeylo dheeraaneysa Jawaabaha ka yimid Maxamuud Cabbaas, Boqor Cabdalla iyo Borrell. Qoraalka Gargash waa in sidoo kale lagu dhex arkaa inaysan dalalka suniga ah wada aqbalaynin aragtida dhul goosashadda ee Israel Todobaadkii lasoo dhaafay, sheeko uu daabacay wargeyska Israel Hayom ee kasoo baxa Israel ayey si aad ah u sii baahiyeen warbaahinta Carbeed. Warbixintu waxay sheegtay in ka sokoow mucaaradadda dunida muslimka ah ee qorshaha Israel, haddana ay dalalka suniga ah ee Jordan, Masar iyo Sucuudigu ay aqbalayaan islamarkaana ay Maraykanka iyo Israel kala shaqaynayaan cadaadiska ka dhanka ah Iran, waxaana arrinta Falastiin uga muhiimsan sidii looga adkaan lahaa Iran, taas darteedna ay uga tagayaan qadiyaddii Falastiin. Qaran News
-
Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali ayaa maalinti shalay ahayd hor tagay baarlamaanka dalka Itoobiya oo yeeshay kalfadhigii 5-aad ee aan caadiga ahayn halkaas oo ay mudanayaasha golaha su’aala kala duwan ku weydiiyen. Su’aalaha la weydiiyey Abiy Axmed ayaa ku qotomay doorashada, khilaaf Suudaan iyo Itoobiya, Khilaafka biya xireenka Masar iyo Itoobiya, warbixinta Amnesty, khilaafka qowmiyadda Tigreega iyo dowladda dhexe u dhaxeeya, iyo arrima kale oo quseeya siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada dalkaasi Itoobiya. Arrimaha ugu muhiimsan ee Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed su’aalaha laga weydiiyey waxaa ka mid ah: “Dowladdaadu waa daciif” Dr Abiy Axmed oo su’aal amuurtaasi laga weydiiyey ka jawaabayey wuxuu yiri: “Fikirkaasi waa mid aad u khaldan maxaa yeelay labada aabbe kan ubadkiisa garaaca iyo kan ilmahiisa sida qof weyn ula dhaqma ee waaniya waxay dadku aabba wanaagsan u yaqaannaan kan ilmahiisa garaaca ee laga cabsada, runtii fikirkaasi ma aha mid saxan. dowladda aan aniga hoggaamiyo ma aha dowlad daciif ah oo ka naxeyso shanqar kasta oo yeerta.” “Dowladdeyda wararka ku tiri ku teenta ah intey ku mashquuli lahayd waxay xoogga saartay sidi ay dhaqaalaha dalka u kobcin lahayd mashaariicda qabyada ahna loo dhammeystiri lahaa, kuwa dhammeystirmayna loo howlgelin lahaa” ayuu yiri. Doorashada Guddiga doorashooyinka Itoobiya markay I soo gaarsiiyeen warbixin ku saabsan Covid-19 awgii iney doorashada xilligeeda ku qabsoomi Karin, guddoomiyaha guddiga Birtukaan Mideqa iyo aniga waxaa na dhexmaray hadalla kulul oo aan horay loo baran, ugu dambeyntina go’aanka guddiga ay doaladda ku raacay sidaana doorashada dib looga dhigay. “Xisbiga PP ee aan aniga guddoomiyaha u ahay wuxuu marweliba uu doonayey doorashada iney xilligeeda ku dhacdo, xisbigeeyguna ma aha mid doorashada ka cabsi qabo” ayuu yiri. Guddoomiyaha Guddiga doorashada qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa Birtukaan waxay igu tiri: “Doorashooyinki ilaa iyo hadda dalka ka dhici jiray si ka duwan iney doorasha xor oo xalaal ah dhacdo ayaan xilka u qaaday. Haddii la leeyahay sida si ka baxsan doorasha ha u dhacdo shaqada ayaan uga tagayaa. Doorasha iney dhacdana iguma amri kartid, taleefankana wey igu jartay” ayuu yiri Dr Abiy Axmed oo baarlamaanka uga warramayey isaga iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka waxa dhexmaray. “Guddiga waxyaabaha ay soo dhigeen ee ay dowladda garowsatay waxaa ka mid ah inaan xilligan doorasha la qaban Karin maadaamaa ugu yaraan 100,000 oo qof doorashada fulineyso ay tababarro u baahan yihiin, xilligan faayraska corona uu taagan yahayna ay suuragal ahayn in dadka intaa le’eg meel la isugu keeno.” “Dowladda iyo Guddiga oo wadatashanayo xilliga aan isleennahay doorasho wey ku dhici kartaa ayaa doorashada la qabanayaa haddii loo baahdana muddo xileedka ayaa la kordhinayaa si doorashada iyo muddo xileedka dowladda la iisu waafajiyo” ayuu yiri. Khilaafka xadka ee Suudaan iyo Itoobiya “Shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan waxaan isla soo marnay dhibaatooyin aad badan abaal aad u bandanna Itoobiya wey ku leeyhiin, marka xurgufta yar ee bariyahan taagneyd oo ka dhalatay xadka labada dal waa sax wey jirtaa, balse ma noqon doonto mid labada dal dagaal u horseeddo”. “Khilaafka yar ee noo dhaxeeya si walaaltinima iyo deris wanaag ah ayaan ku xallineynaa, haddii aan annagu xallisan weynana waxaan u gudbineynaa midowga Afrika, balse khilaafka ma aha mid buuran oo la buunbuuniyo” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed. Warbixinta Amnesty “Warbixinta Hay’adda Amneysty ay soo saartay ee ay ku sheegtay in xuquuqda muwaaddiniinta Itoobiya ay dowladda ku tumato, ma aha warbixinta inaan dhayalsanno oo waa inaan baarnaa eeddaasi waxa ka jiro, wixii jirana la saxa, Waxaan marweliba diyaar u nahay inaan saxno wixi sixitaan u baahan” ayuu yiri Dr Abiy Axmed. “Haddii aan wax khalad ah sameynayna ma dabooleyno, marka waa inaan dib isugu noqonno oo aan baarno, balse arrintu ma aha mid aad noo murjineyso” ayuu yiri. Khilaafka biya xireenka Dhismaha mashuurca biya xireenka weyn ee ay Itoobya ka dhiseyso wabiga Nile xilligii looga talagalay dhisamahiisa wuxuu ka dib dhacay 6 sano taasoo keentay iney dowladda qasaarto 6 bilyan oo doolar. “Waxaan xoogga saareyn dhismaha biya xireenkaasi, howsha sida la rabay markay u socota ayaan arrimaha diblumaasiyadda u baahan guda geli karnaa.” “Khilaafka Itoobiya, Masar iyo Suudaan u dhaxeeya ee ku saabsan habka biyaha, biyaha xireenka loo keydinayo sidiisi ayuu u taagan yahay, balse waxaan markale caddeeynayaa Itoobiya iney dooneyn waddama kale iney biya xireenkan dhib ugu geysato, balse wax weliba ay ka hormarineyso danteeda.” “Ciddi iskudayda danaha Itoobiya u gaarka ah iney horistaagta iyada unbaa daaleysee Itoobiya waxba ka qaadi meyso, waxaanna marweliba diyaar u nahay wadahadal inaan ka galno wax kasta oo la xiriia biya xireenka ee quseeya seddexda dal” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed. Ardayda Hablaha ee la afduubtay Mar wax laga weydiiyey ardayda hablaha ah ee lix bilood ka hor la afduubtay wuxuu yiri: “Dowladda sidi ay ardaydaasi aan la garaneyn cidda afduubatay ay u soo badbaadin lahayd wakhti iyo kharshba iney gelisay welina ay ku raad joogta, balse afduubka hablahaasi loo geystay ma aha afduub sahlan”. “Markasta oo aan xog helno xogta ayaan raacnaa baadigoobkana waan sii wadnaa, anaguba waxaan dhalnay gabdho marka waan dareemeynaa dareenka iyo xanuunka ay dareemayaan balse afduubka hablaha maskaaiinta ah loo geystay ma aha in siyaasad iyo arrima kale loo adeegsado”. Deegaanka Tigreega Xildhibaannada laga soo doorto deegaanka Tigreega ayaa su’aala dhowr ah weydiiyey Dr Abiy Axmed iyaga oo su’aalahooda si cara leh u soo dhigayey. Abiy Axmed oo ka jawaabaya su’aasha xildhibannada ee ku saabsan khilaafka u dhaxeeya deegaanka Tigreega iyo Dowladda dhexe uu majaraha u hayo Dr Abiy Axmed wuxuu yiri: “markasta oo shaqsi deegaanka Tigreega ka soo jeeda la soo hadal qaado ama siyaayasad la isku qabto in qowmiyad dhan lala xiriiriyo waa khalad, sida oo kalana waxaa khalad ah xisbiga PP iyo xisbiga TPLF ee haya talada deegaanka Tigreega in la sheego inuu khilaaf xooggan u dhaxeyo.” “Waxaana khald ah in la yirahdo tani iyo marka uu dalka Itoobiya isbeddelka ka dhacay iney qowmiyadda Tigreega isbeddelkaasi ka faa’ideysan, labadii sana ee la soo dhaafay miisaaniyadda deegaankaasi la siin jiray waxay korodhay 42%.” “Marka waxaan beeninayaa si weyna aan uga soo horjeedaa arrinta odhaneyso deegaanka Tigreega dowladda dhexe tacaddi gaar ah ayey ku haysaa” ayuu yiri. Dhaqaalaha “Hay’adda IMF waxay saadaalisay 170 dal oo dalalka caalamka ka mid ah inuu kobacooda dhaqaale ee sanadkan uu eber ka hooseynayo maadaanaa faayraska corona dhaqaalahooda uu saameeyey.” “Kobaca dhaqaale ee dalka Itoobiya ee sanadkan oo la filayey inuu gaaro 9%, sida muuqata wuxuu gaari doonaa 6%, taasoo ka sarreysay saadaashi IMF ee ahayd inuu kobaca dhaqaale ee dalka Itoobiya uu sanadkan noqon doono 3%” ayuu yiri Dr Abiy Axmed. Dhirta laga beerayo dalka Itoobiya “Dalka Itoobiya waxaan dooneynaa inaan 90 maalmood gudahood ku beerno dhirti ugu badneyd oo ah shan balyan oo geed, haddii dhir beeristaasi sideedi looga guuleystana ay waxweyn ka beddeli doonto bey’ada dalka, deegaannada xaalufayna ay dib u soo noolaanayaan” ayuu yiri. Qaran News
-
Haweenay uu magaceeda qabsaday mudaharaadyada looga soo horjeedo dilkii George Floyd Breonna Taylor, 26, was a decorated emergency medical technician George Floyd, oo ah ninkii madowga ahaa ee ku dhintay gacanta booliska Mareykanka, ayaa sabab u noqday mudaharaadyo murugo xambaarsan oo lagu dalbanayo sinnaanta dadka, wuxuuna sidoo kale dilkiisa horseeday mid ka mid ah dibadbaxyadii ugu waaweynaa ee caalamka ka dhacay tan iyo 1960-meeyadii. Dadka mudaharaadaya ayaa magaciisa ku qeylinayay 13 maalmood, boorar uu wajigiisa ku sawiran yahay ayaana lagu soo bandhigay laga billaabo Suuriya ilaa Belfast. Laakiin magacyo kale ayaa sidaasoo kale u qabsaday afka mudaharaadeyaasha, si gaar ahna waxaa ka mid ah Breonna Taylor, oo ahayd haweeney ka shaqeyneysay caafimaadka, oo ay booliska Mareykanka toogasho ku dileen iyadoo ku sugan gurigeeda ku yaalla magaalada Louisville ee gobolka Kentucky, 13-kii bishii March. Dadka u dooda xuquuqda rayidka ayaa ku boorrinaya dadka inay “magaceeda ku dhawaaqaan”, iyagoo doonaya in dunida la xasuusiyo haweenka madowga ah ee aan kiisaskooda si fiican looga warqabin. Maalintii Jimcada, oo haddii ay Ms Taylor ay da’deedu noqon lahayd 27 sano, ayey dad ka murugoonaya geerideeda isugu tageen magaalada Louisville. Dad kale oo badanna waxay baraha bulshada ku qorayeen farriimo ay ku sheegayaan dhalashadeeda, iyagoo dhahaya, “Waxaa loo baahnaa inaad maanta halkan joogto”. “Markii hore kaligeed ayey wax kasta ku ekaayeen, cid xasuusaneysayna ma jirin, laakiin waa arrin aad u wanaagsan in hadda ay dad badan meeshan u taagan yihiin iyada darteed, ayna xusayaan magaceeda,” sidaas waxaa tiri hooyadeed, oo lagu magacaabo Tamika Palmer. Waxay hooyadeed intaas ku dartay in gabadheeda ay mudneyd inay maanta ka qeyb qaadato mudaharaadyada loogu doodayo nolosha dadka madowga ah. Maxaa ku dhacay Breonna Taylor? Waxyaabihii dhacay habeenkii ay Ms Taylor dhimatay waa lagu muransan yahay. Breonna Taylor, oo ahayd farsamayaqaan ka shaqeysa waaxda gurmadka caafimaadka ee degdegga ah, waxay joogtay gurigeeda magaalada Louisville, waxayna ku jiiftay sariirteeda markii ay askar ka tirsan booliska gudaha u galeen dhismaha ay dagganeyd xilli saq dhexe oo habeennimo kaddib ah. Waxay geeriyootay kaddib markii siddeed jeer la toogtay. Breonna Taylor hooyadeed waxay sheegtay inay jeclaan lahayd in gabadheeda ay la joogto xilliga loo mudaharaadayo xuquuqda dadka madowga ah Waxaa gurigeeda la weeraray kaddib markii lasoo helay oggolaansho lagu baarayo alaabteeda, maadaama lagu eedeynayay inay ka ganacsato daroogo. Wax maandooriye ah lagama helin gurigeeda. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in boolisku ay markaas heysteen fasax ay guriga gudaha ugu galayeen iyagoo aan garaacin albaadba. Hase yeeshee saraakiil u hadashay booliska ayaa sheegay in iyagoo fasaxaas heystay ay haddana albaabka garaaceen ka hor inta aysan galin. Laakiin qoyska Ms Taylor iyo dariskeedaba way beeniyeen arrintaas. Qoyskeeda oo dacwad maxkamadeed gudbiyay waxay sheegeen in booliska ay kusoo khaldameen gabadhooda, ayna raadinayeen ruux kale. Dacwadda ayey ku xuseen in Ms Taylor ay xilligaas hurdeysay, seygeeda, Kenneth Walker, oo qori u sharciyeysan heystayna uu soo baxsaday hubkiisa. Mr Walker oo u maleynayay in guriga ay tuugo usoo jabiyeen ayaa furay rasaas uu isku difaacayay, sida uu sheegay qareenkiisa. Wuxuu Mr Walker wacay lambarka gurmadka booliska ee 911, wuxuuna u sheegay inay “dad soo jabiyeen gurigiisa, ayna toogasho ku dileen xaaskiisa,” sida lagu caddeeyay cajalad cod ah oo la soo bandhigay isbuucii lasoo dhaafay. Booliska Louisville ayaa sheegay inay rasaas ku jawaabeen kaddib markii hal askari toogasho looga dhaawacay. Maxaa isbaddalay geerideeda kaddib? Dibadbaxayaasha waxay sheegeen in Breonna Taylor magaceeda uusan mudneyn in la illoobo Askartii gudaha u gashay dhismaha ay dagganeyd Ms Taylor ma aysan wadanin kaamirooyinka wajiga lagu xiro ee dib looga daawado sida ay wax u dhaceen. Hadda, taliska booliska magaalada Louisville waxay sheegeen in askarta ay waajib ku tahay inay kaamirooyinkaas xirtaan marka ay howlgallada fulinayaan. Dhanka kale, waxaa si ku meel gaar ah loo joojiyay fasaxa booliska loo siiyo inay guryaha galaan iyagoo aan albaabka garaacin. Taliyihii ciidamada booliska ee Louisville ayaa laga eryay shaqada kaddib markii la ogaaday in askartii howlgalkaas fulisay aysan wadanin wax kaamiro ah. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ayaa ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay ku tilmaameen mid siyaasadaysan. Madaxweyne Farmaajo ayaa Sabtidii lasoo dhaafay khudbadiisii furitaanka kalfadhiga todobaad ee baarlamaanka Soomaaliya ka sheegay inuu soo dhoweynayo hadal uu sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku aqbalay in dib loo billaabo wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland. Halkaas madaxweynaha waxaa ka jawaabay Xoghaya warfaafinta ee Xisbiga mucaaradka ah UCID Yuusuf Keyse, waxuuna sheegay in hadalka madaxweyne Farmaajo uu ku sheegay in Somaliland ay ogolaatay wadahadal, uu yahay mid siyaasadeysan oo Farmaajo uu ku doonayo in dib loogu soo doorto. “Sida uu cadeeyay guddoomiyaha xisbigeena UCID Feysal Cali Waraabe, waxaan qabnay in maadaama uu bilaawsay waqtigii olalaha doorashada Soomaaliya aan la bileebin wax wadahadal ah, laakiin kulan ay yeesheen labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland, waxaa la isku raacay in ololaha doorashada Soomaaliya inta aan la gelin, uu Farmaajo cadeeyo Af iyo qoraalba in wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu ku xiranyahay hal shardi oo ah inuu cadeeyo in Somaliland ay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, si wadahadalkii u bilaawdo” ayuu yiri Yuusuf Keyse. Sidoo kale Xoghaya Yuusuf Keyse ayaa sheegay in hadalkii madaxweyne Farmaajo uu ahaa mid uu ku sirayo golayaashiisa Kaambeyna uu ka dhiganayey. Basle aysan jirin wax Somaliland ay kala socoto hadalkaas. “Wax ay Somaliland ka ogtahay hadalkii Farmaajo ma jiro, wadahadallo lagu heshiiyey inay bilaawdaana ma jiraan, go’aankeenu waxa uu ahaa inta ka horeysa Kaambeynkiisa, inuu umadda u cadeeyo in laba dal oo kala madax-banaan oo Soomaaliya iyo Somaliland la kala yiraahdo ay wadahadalkii bilaabayan” ayuu Keyse hadalkiisa sii raaciyey. Dhanka kale Xoghaya arrimaha gaashaandhigga Xisbiga kale ee Wadani Xuseen Aadan Cadde oo la hadlay VOA ayaa sheegay in waqti kooban uu mudadii xilheynta uga haray madaxweyne Farmaajo, isla markaana uusan hadalkiisii anfaceyn Somaliland, maadaama doorasho foodda ku soo heyso. “Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya waa mid waqti kooban u haray, hadalka kasoo yeerayna waa mid un iska Kaambeyn ah, loomana baahneyn in arintaas uu ololihiisa doorashada u isticmaalo, midda kale madaxweyne Farmaajo Somaliland abaal ma uusan dhigan, aniguna maba jecli in la hor fariisto gabigiisba” ayuu yiri masuulkan ka tirsan Xisbiga Wadani ee Somaliland. Xoghaye Xuseen Aadan ayaa sababta uu u diidanyahay in wadahadal lala galo dowlad uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ku sheegay in Somaliland oo xataa ka hor istaagay qutul-daruurigii. Halkan hoose ka dhageyso codadka xubnaha xisbiyada UCID iyo Wadani. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Codad.mp3 Halkaana ka dhageyso codka Farmaajo ee ku saabsan arrintaas https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Cod-2-Farmaajo.mp3
-
Soomaalidu mar iyo meel ay joogtayba, marxalad ay mareeysay iyo nooc kasta uu ahaa qaab nololeedkeedu - reer guraa, beeraley iyo reer magaal midba- way qabatimeen oo dhaqangal ka dhigeen “Hayb-sheegashada” qabiilka iyo isla dumiddiisa, asagoo leh muuqaal, xeer iyo had-dhaqan u eg Source: Hiiraan Online
-
إنا لله و إنا إليه راجعون اللهم آمينا للهم اغفرله وارحمه وعافه عنه وأكرم نزله ووسع مدخله واغسله بالماء والثلج والبرد ونقه من الخطايا كما نقيت الثوب الابيض من الدنس وأبدله دارا خيرا Dhamaan Jaliyada Somaliland ee Magaaladan Sheffield waxay Tacsi u dirayaan qoyskii, qaraabadii ,Caruurtii,asxabtii,shacabka Jamahuuriyada Somaliland, gaarahaan shacabka G.Togdheer Iyo guud ahaan qaranka Jamahuuriyada Somaliland. Geeridii ku timid Marxuun Gudoomiyihii Gobolka Togdheer Xamse Mohamed Cabdi oo shalay 7/6/20 Ku geeriyooday Dalka Turkiga Ilaahay waxaanu ugu baryaynaa inuu Janatul Aclaa geeyo Aamiin Aamiin. Waxaa si gaar ah u diray Tacsidan: 1.Cabdi Cabdilahi Jamac 2.Cali Xasan Ducaale 3. Yusuf Cabdi Shire 4.Cabdi qani siciid Adan 5.Jamaca Ramaaqiye 6.Shaafici Xasan Cali yare 7. Axmed Sandheere 8. Cawaale bacow 9.Cabdiraxman Cawil 10. Cali Farax dheere إنا لله و إنا إليه راجعون اللهم آمينا للهم اغفرله وارحمه وعافه عنه وأكرم نزله ووسع مدخله واغسله بالماء والثلج والبرد ونقه من الخطايا كما نقيت الثوب الابيض من الدنس وأبدله دارا خيرا Mataan M Omar Sheffield UK. Qaran News
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku aragti noqday Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, marka ay noqoto habka loo wajahayo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sanadkan. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo jeediyey in wada-tashiyada la xiriira doorashada heer federaal ay qeyb ka noqdaan dowlad goboleedyada, saamileyda siyaasadda, baarlamanka iyo xukuumadda. “Qabashada doorashada heer federal waxaan looga maarmeyn in wada tashi deg-deg ah ay isugu yimaadaan dhammaan xukuumadda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, DXDF iyo daneenayaasha siyaasadda si loo helo qaab raali la isaga yahay oo doorashada lagu galo,” ayuu Senator Cabdi Xaashi ku yiri Qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka ee Aqalka Sare. Aragtidan ayaa sidoo kale ah tan uu qabo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, hase yeeshee ka duwan tan madaxweyne Maxamed Cadbullaahi Farmaajo. Farmaajo ayaa aamisan in dowlad goboleedyada ay wakiilo ka yihiin xildhibaanadooda, sidaas darteedna ayaga iyo mucaaradka aan lagala tashaneyn arrimaha doorashada, loona madax-baneeyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran. Guddiga ayaa ku xiran Villa Somalia, sida la rumeysan yahay. Dhinaca kale, guddoomiye Cabdi Xaashi iyo ra’iisul wasaare Kheyre ayaa maanta kulan albaabada u xiran yihiin oo ku saabsan arrimaha doorashada ku yeeshay hoyga Cabdi Xaashi ee Muqdisho. Kulankan ayaan wax faah-faahin ah laga hayn. Dowladda ayaa u muuqata inay u kala qeybsameyso madaxweynaha iyo guddoonka golaha shacabka oo dhinac ah, iyo Kheyre iyo guddoonka Aqalka Sare oo dhinac kale ah.
-
An auto rickshaw driver was on Monday shot dead by a government soldier in the outskirts of the capital Mogadishu. Eyewitnesses said. According to eyewitnesses the deceased whose name is not yet identified was gunned down by the officer at Elasha area just 15km outside Mogadishu. “The officer and the driver quarreled for a while. Suddenly the soldier pulled his rifle and shot at the driver killing him instantly.” an eyewitness told Caasimada Online. A crowd of people gathered at the shooting scene while the body of the driver with blood everywhere was lying on the road. Security officers have immediately reached at the scene to carry out investigations though the assailant disappeared. A similar incident occurred on Monday morning at Mogadishu’s Hodan district where a government soldier deliberately killed a young man for refusing to pay him extortion money of $1. Last week, another government soldier killed unarmed civilian at Sinai intersection in Mogadishu’s Warta Nabada district after a quarrel engulfed between them. killings by government soldiers in the capital and other parts of the country are rapidly increasing yet there is no word regarding the prosecution of the officers behind the killings.
-
Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Qoraal kasoo saaray Khudbadii uu Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey furitaankii Kalfadhiga Baarlamaanka. Xisbiga Wadajir wuxuu dhaliilay Khudbada [...] The post Xisbiga Wadajir oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey Baarlamaanka appeared first on . Source
-
Madaxweynaha waddanka Tanzania John Magufuli ayaa ku dhawaaqay in waddankiisa “uu ka xoroobay coronavirus” wuxuuna u mahad celiyay shacabka duceynayay. “Cudurka corona waa laga tirtiray waddankeenna, Alle ayaana mahad leh,” ayuu yiri Mr Magufuli oo la hadlayay dad ku cibaadeysanayay kaniisad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Dodoma. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa walaac ka muujisay sida ay dowladda Tanzania u maareyneyso cudurka Covid-19. Xukuumadda uu hoggaamiyo Mr Magufuli ayaa joojisay macluumaadkii joogtada ahaa ee lagu sheegi jiray halka ay marayaan kiisaska fayraska corona ee dalkaas. 29-kii bishii April, oo ahayd maalintii ugu dambeysay ee xogta cudurka ku saabsan lasoo saaray, tirada kiisaska Tanzania waxay ahaayeen 509, halka dhimashaduna ay mareysay 21 ruux. Hase yeeshee, Mr Magufuli wuxuu sheegay in isbuucii lasoo dhaafay cudurka laga helay 4 bukaan oo kaliya, kuwaasoo lagu daweynayay magaalada ugu weyn waddankaas ee Dar es Salaam. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas waa hanjabayaa, boqorka Jordan boqor Cabdalaha waa cambaareynayaa, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Europe Josep Borrell waa cambaareynayaa, hase yeeshee dhammaantood cid dhageysaneysa ma lahan. Si kastaba, diblomaasiga ay erayadiisu la xiriiraan qorshaha Israel ay ku goosaneyso Daanta Galbeed ee saameynta adag ku yeelanaya Washington iyo Israel waa diblomaasiga Imaaraadka Carabta ee Anwar Gargash. Gargash oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa twitter-ka ku qoray uguna baaqay Israel in ay joojiso qorshaheeda. “Wadahadallada socda ee lagu goosanayo dhulka Falastiin waa in la joojiyaa” ayuu qoray. “Talaabo kasta uu u gaar ah Israel waxay dhabar-jab ku noqon doontaa geedi-socodka nabadda, waxayna cuuryaamin doontaa go’aanka gaarista Falastiin waxayna sii wadi doontaa diidmada iyo cambaareynta caalamka,” ayuu yiri. Muxuu qoraalka Gargash, oo ah nin aan sidaas looga aqoon meel ka baxsan Imaaraadka uu muhiim u noqday? Sababtoo ah – falcelin aan ahayn midda Maxamuud Cabbaas, Cabdallaha Jordan iyo Borrell oo arrimaha dibadda u qaabilsan Midowga Yurub ma ahayn wax la saadaalin karay. Safiiradda Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn waxay joogeen aqalka cad markii bishii January uu Madaxweyne Trump daaha ka rogayay qorshaha nabadda bariga dhexe, kaasi oo damaanad qaadaya in Maraykanku uu qaybo ka mid ah Daanta Galbeed u aqoonsado dhul ay u madax banaantahay Israel. Dalalkaas ma aysan cambaareyn qorshaha Mareykanka. Xaqiiqdii, safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaaladda Washington waxaa ay website keeda ku dabacday war ay ku tilmaantay in “qorshuhu uu bar-billow muhiim ah u yahay dib usoo celinta wada xaajoodyo waafaqsan naqshadda caalamiga ah oo Maraykanku hogaaminayo.” Safiirka Imaaraadka ee magaaladda Washington waxaa qorshaha ku tilmaamay “hindise muhiim ah oo la tacaalaya dhibaatooyinkii soo ifbaxay sanadihii lasoo dhaafay.” Billowgii February, kulan ay lahaayeen Jaamacadda Carabta oo lagu diiday qorshaha Trump ayuu kasoo horjeestay Gargash waxaana uu ka istaagay “mowqif dhex-dhexaad ah” taasi oo aad loo cambaareeyay. Sanadkii lasoo dhaafay Gargash cambaareyn adag ayuu kala kulmay dunida muslimka ah markii wareysii uu siiyay wargeys laga leeyahay Imaaraadka Carabta uu ku sheegay in dunida muslimka ah ay khalad xun ku ahayd in ay wadahadalka u jaraan Israel . “Sanado badan ka hor, markii carab ay go’aansatay in aan xiriir la sameyn Israel, taasi waxay ahayd go’aan aad u khaldan, markii dib loo eego” ayuu yiri. “Sabaabtoo ah, waa in aad kala soocda oo kala saartaa arrin siyaasaded iyo in xiriirkaadu uu furnaado.” Sidaas darteed Gargash iyo Imaaraadka Carabta midna kama soo horjeesan qorshaha Trump. Qoraalka Gargash ee ka dhanka ah goosashada dhulka Falastiin ee Israel waxaa uu farriin u yahay Washington iyo Israel, taasi oo loogu sheegayo in wada-shaqeynta qarsoodiga ah ee dhowaanahan u dhaxeysa Israel iyo dalalka Khaliijka uu dhaawici karo qorshaha Israel ku goosaneyso Daanta Galbeed. Fariintaas ka timid qof loo heystay in uu taageersanyahay iskaashi lala yeesho Israel, waxay sida la filayo ay ka qeylo dheeraaneysa Jawaabaha ka yimid Maxamuud Cabbaas, Boqor Cabdalla iyo Borrell. Qoraalka Gargash waa in sidoo kale lagu dhex arkaa inaysan dalalka suniga ah wada aqbalaynin aragtida dhul goosashadda ee Israel Todobaadkii lasoo dhaafay, sheeko uu daabacay wargeyska Israel Hayom ee kasoo baxa Israel ayey si aad ah u sii baahiyeen warbaahinta Carbeed. Warbixintu waxay sheegtay in ka sokoow mucaaradadda dunida muslimka ah ee qorshaha Israel, haddana ay dalalka suniga ah ee Jordan, Masar iyo Sucuudigu ay aqbalayaan islamarkaana ay Maraykanka iyo Israel kala shaqaynayaan cadaadiska ka dhanka ah Iran, waxaana arrinta Falastiin uga muhiimsan sidii looga adkaan lahaa Iran, taas darteedna ay uga tagayaan qadiyaddii Falastiin.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan maanta aaladda Internet-ka ku dhex maray guddi hoosaadka golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee tubta siyaasadda loo dhanyahay, isla markaana uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Guuleed ayaa lagu soo bandhigay qorshe ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkaas kusoo badhigtay qorshe faah-faahsan oo ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajood hadda kadib dhex mara dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, oo haatan qaar kood wax wada shaqeyn ah la laheyn dowladda dhexe. Qorshahaas ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka waa mid ay dhinacyadu uga wada xaajoonayaan arrimaha doorashooyinka dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay kulanka. Soo bandhigidda qorshahan ayaa ka dambeysay amarkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ku saabsanaa dardar gelinta arrimaha doorshooyinka dalka, si doorashadu ay waqtigeeda ugu dhacdo. Qorshahaan ayaa la filayaa in la hor keeno fadhiga guud ee golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, si loo dhaqan galiyo, kadibna loogu howlgalo. Sidoo kale kulankaas waxaa looga hadlay hab-raaca dhameystirka wada xaajoodyada muhiimka u ah geedi socodka federaalaynta iyo demoqoraadiyadaynta dalka, awood qeybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada, iyo iskaashiga heerarka dowladda ee qabashada doorashooyinka 2020-2021-ka.
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay in la diiwaan geliyay 34 xaalado cusub oo COVID-19 ah, Wasiiradda ayaa sheegtay bukaannadaan ay kala oo kala jooga Somaliland 19 iyo Galmudug 15, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,368 waxaan jirin wax kiis cusub oo maanta laga diiwaan geliyey gobolka Banaadir, dowlad goboleedyada Puntland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland. Wasiir Fowziya Abiikar Nuur ayaa dhanka kale xustay in COVID19 ay ka bogsoodeen 29 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 470, Bukaannada cusub 24 kamid ah waa Rag, 10-na waa Haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay hal bukaan ayaa u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 84 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo waxaana la dareemayaa inuu fayruska ka siiyaraanayo dalka sida laga arko in maanta wax kiis ah aan laga diiwaan gelin magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in lagu guuleystay sugidda Amniga Magaalada Muqdisho, taasi oo sahleysa in la furo waddooyinka xiran. Guddoomiyaha ayaa sheegay in la gaaray ujeedkii laga lahaa xiridda jidadka Muqdisho, islamarkaana dhawaan ay furayaan wadooyinka markii hore loo xiray in laga hortago qaraxyada ay Al-Shabaab ka fulin jireen Magaalada. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in sababta loo qaadayo koontoroolada faraha badan ee magaalada dhex yaalo ay tahay sidii Shacabka loo dareensiin lahaa in magaalada ay tahay mid nabad ah. “Waxaan rajeynayaa in waddooyinka la furo bisha hadda lagu jiro oo ah bisha lixaad gudaheeda maadaama la xaqiijiyay amniga Muqdish, oo baraha koontoroolada laga qaado gudaha magaalada lana geeyo goobo durugsan oo magaalada cirifkeeda ah,” ayuu yiri Duqa Muqdisho. Waxa uu amaanay ciidamada Dowladda oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa ka dambeeyo in magaalada ay noqoto mid nabadoon midaasna ay iyaga ku mahadsan yihiin. Waxaa xusin mudan in horey uu u suurtageli waayey ballan qaadkii uu Cumar Finish sameeyey markii xilka loo dhiibay ee ahaa inuu jidadka xiran furi doono, lamana ogo sida ay hadda ku suurta geli karto ballan qaadka cusub ee uu sameeyey guddoomiyaha. Jidadka Muqdisho ayaa waxay xiran yihiin muddo badan, waxayna saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo isku socodka Magaalada Muqdisho inkastoo lagu guuleystay in la yareeyo qaraxyadii iyo weeraradii ay Al-Shabaab ka fulin jireen Caasimadda Soomaaliya. Hoos ka dhageyso codka Cumar Filish https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Codka-Cumar-Filish-wadooyinka.mp3
-
Musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga dimqoraadiga Joe Biden ayaa maanta u safraya magaalada Houston, wuxuuna la kulmi doonaa qoyska George Floyd, laba toddobaad kadib markii dhimashada Floyd ee gacanta booliska Minneapolis ay horseedday dibad-baxyo dalka oo dhan ruxay. Biden ayaa la filayaa inuu ehellada Floyd u yabooho tacsi islamarkaana uu duubo farriin muuqaal ah oo loogu talo-galay in laga baahiyo tacsida Floyd oo Talaadada ka dhaceysa isla Houston. Biden ayaan la fileyn inuu ka qeyb galo tacsida, si uu uga fogaado inuu arbusho dadka u baroor-diiqaya Floyd, sababo la xiriira askarta ilaalada madaxweynaha ee Secret Service loo yaqaan ee wehliya. Floyd oo ahaa nin madow ah ayaa geeriyooday 25-kii May kadib markii askari ka tirsan booliska Minneapolis uu madaxa dhulka u dhigay kadibna jilib ka saaray luqanta illaa uu ka naf baxay. Dhacdadan oo muuqaal laga duubay ayaa horseedday dibad-baxyo waa weyn oo illaa hadda ka socda Mareykanka iyo qeybo ka mid ah caalamka. Biden ayaa cambaareeyey sida madaxweyne Donald Trump uu uga jawaabay dibad-baxyada oo intooda badan u socda hab nabadeed, balse mararka qaar horseeday rabshado iyo burbur hantiyeed. Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa ciidamada ugu baaqay inay wax ka qabtaan dibad-baxayaasha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tirada dadka uu ku dhacay cudurka safmarka ah ee Coronavirus (COVID-19) guud ahaan caalamka ayaa ka sara martay 7 milyan oo ruux, iyada oo Latin America ay hadda tahay meesha dhimasha badan uu ka gaysanayo. Waxa cudurka u dhintay in ka badan 400,000 caalamka oo dhan halka 3,477,104 ruux ay ka soo bogsatay, balse cudurka ayaa hadda waxa uu fara ba’an ku hayaa dalalka Brazil, Mexico iyo Peru oo Latin America ah. Brazil waa dalka 3-aad ugu dhimashada badan marka laga soo tego Mareykanka, Ingiriiska, waxa uuna cudurka ka dilay sidan: Mareykanka 112,477, Ingiriiska 40,542 halka Brazil-na uu ay u dhinteen dad dhan 37,312 Waxa xusid mudan in dalal badan ay horumar ka sameeyeen dadaalada lagu xakamaynayo cudurka, mana jiraan tiro hor leh oo badan oo laga diiwaan gelinayo hadda, sidoo kale waxaa dib loo furayaa ganacsiga, isu socodka, waxbarashada iyo duulimaadyada caalamiga. Dalkeena Hooyo, Soomaaliya waxa cudurkan saf-marka ah ee Coronavirus ku dhacay 2,334 xaaladood, waxana u dhintay 83 ruux halka 441 ruux kale ay ka bogsadeen sida ay xaqiijisay Wasaaradda caafimada ee dawladda Federalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madasha xisbiyada qaran ayaa ka warbixisay natiijada kulankii maalintii shalay dhex maray madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheeikh Axmed, Xasan Sheeikh Maxamuud iyo goddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdillaahi kaas oo looga hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka dalka la filayo in dhowaan ay ka qabsoomaan dabayaaqada sanadkaan. Qoraal ka soo baxay madasha ayaa lagu lagu yiri “Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sharif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheih Maxamud oo ka tirsan hoggaanka sare ee madasha xisbiyada qaran ayaa kulammo wadatashi ah waxay Axaddii (7 June 2020) la kala yeesheen labada guddoomiye ee labada aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya, mudane Maxamed Mursal (Golaha Shacabka) iyo mudane Cabdi Xaashi (Aqalka Sare). Hadafka kulammadan wuxuu ahaa in madaxweynayaashii hore ee dalka iyo hoggaanka golayaasha sharci dajinta dalka, inay iska wareystaan xaaladda guud ee uu marayo dalka xilligan. Si gaar ah, waxay labada dhinac diiradda u saareen arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo dhawaan, maadaama lagu jiro dhammaadka xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee federaalka. Dood iyo gorfeyn qoto dheer kaddib, waxay guddoomiyayaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran isla garteen ahamiyadda ay leedahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla ummadda Soomaaliyeed xilligan, lana abuuro jawi deggan oo si kalsooni ku dheehan tahay loogu abbaari karo waajibaadka dastuuriga ah ee la xiriira doorashooyinka federaalka. Sidoo kale, waxay labada dhinac isla qaateen in la ballaariyo wadatashiga, lana tixgaliyo baaqyada kasoo yeeraya qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si loo gaaro xal ku dhisan isqancin iyo wada-oggol. Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaranka wuxuu ka mahad celinayaa kulanka guddoonka baarlamaanka dalka, wuxuuna hoosta ka xarriiqayaa inuu diyaar u yahay inuu amuuraha masiiriga ah ee dalka kala xaajoodo cid walba oo kamid ah saamileyda siyaasadda dalka. Madasha Xisbiyada Qaran waxaa loo yagleelay ilaalinta dastuurka KMG ah ee dalka, midnimada gayiga Soomaaliyeed, iyo madax bannaanida siyaasadeed ee dalka. Tallaabo walba oo ay qaadeyso MXQ waxay noqoneysaa mid ku qotonta mabaadii’daas aasaasiga ah” Goobjoog News Source: goobjoog.com
