-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU (HOL) - All checkpoints within Mogadishu will henceforth be removed, city mayor Omar Filish has said in yet another pledge successive mayors have made with little success. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay banaabax looga soo horjeedo in 4.5 lagu qeybiyo xubnaha aqalka sare ku matali doona gobolka Banaadir, iyo la siyaasadeeyo maqaamka gobolka Banaadir. Dadka banaanbaxa dhigayay oo isugu jiray, Odayaal, Dhalinyaro iyo Haween ayaa isugu soo baxay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir, waxaana ay dalbanayeen in gobolka Banaadir dadka ku nool ay helaan xaquuqdooda waxaana nasiib darro ay ku tilmaameen in matalaadda gobolka lagu saleeyo hanaanka awood qeybsiga ee 4.5. Banaanbaxa oo ay ka qeyb galeen dadweyne badan ah ayaa waxaa dadkii ka qeyb-galay ay ay si weyn u dhaliileen hadalkii shalay ka soo yeeray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale banaan baxaayasha ayaa codsaday in Maqaamka Gobolka Banaadir laga dhigo mid heer Federaal ah isla markaasna Magaalada la siiyo maqaam la mid ah midka ay heystaan Maamul Goboleedyada dalka ka jiro. Bnaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayey ereyo ay ka mid yihiin (BANAADIR DADKEEDA AYAA LAGALA TASHAN) iyo (AFDUUB YEELI MEYNO) iyo Erayo kale, kuwaas oo lagu diidanaa hanaanka beelaha 4.5. Mid ka mid odeyaasha soo agaasimay bananbaxa oo saxaafadda kula hadlay goobtii dibadbaxa uu ka socday ayaa sheegay in qodobka 9-aad ee dastuurka ee ka hadlayo magaalo madaxda dalka ee Muqdisho oo dastuurka dalka uu leeyahay ( waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u eegista dastuurka waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya) waxaana uu siweyn u dhaliilay ku saleynta maqaamka 4.5 “Waxaan diidan nahay oo aan ka dagaalamaynaa dulmiga iyo hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha oo ahaa in gobolka Banaadir lagu dhaqaayo qoboka 9-aad ee dastuurka, qodobka 9-aad haddii aan lagu dhaqin Jubbaland Banaadir lagu dhaqimaayo, qodobka 9-aad haddii aan Puntland lagu dhaqin Banaadir laguma dhaqaayo, qodobka 9-aad haddii Galmudug lagu dhaqin Banaadir lagu dhaqimaayo, qodobka 9-aad haddii Koonfur Galbeed lagu dhaqin Banaadir lgu dhaqimaayo, gobolka Banaadir laguma qaadan karo Afduub iyo oday Laaluush lasiiyey dadkiisii waa kuwaan oo shalay difaacday maanta iyaga ayaa difaanayo” ayuu yiri nabadoonka ka hadlay goobka dibadbaxa. Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa markii dambe kala eryey banaanbaxayaasha, waxaana la xiray qaar ka tirsan dadka soo baxay halka kuwa kalana la jirdilay. Waxaa xusid mudan in maamulka Farmaajo uu saaka soo abaabulay dibadbax ay ilaalinayeen ciidamada dowladda kaas oo dartii loo hakiyey isu socodka gaadiidka iyo dadka isla markaana dhaqaale xumo Soo gaarsiiyey dadka ku ganacsada jidka Maka Al-mukarma.
-
Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa maanta shaacisay tirada ardayda u fariisanaysa imtixaanka shahaadiga ah, xarumaha imitixanaadka lagu galayo, Kormeerayaasha iyo Macallimiinta ka qayb galaya Ilaalinta Imtixaanka. Wasaaradda ayaa xustay tirada ardayda sanadkaan u fariisanaysa imtixaanka dugsiyada sare iyo dhexe ay gaaraysa 16,500 arday oo isugu jira Fasalka 12aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8aad ee dugsiga dhexe, sida ay wasaaraddu ay ku sheegtay qoraal kooban oo maanta ay soo saartay. Qoraal ka soo baxay wasaaradda, ayaa sidoo kale lagu sheegay in 132 xarumood oo ku yaalla dhammaan gobollada Puntland lagu gelayo Imtixaanka, islamarkaana ay ilaaliyaal ka noqon doonaan 1000 macallin oo isugu jira dugsiyada dhexe iyo kuwa sareba. Sidoo kale, 150 Kormeerayaal ah oo isugu jira shaqaalaha Wasaaradda iyo hawl-wadeennada kale ee imtixaanka ayaa kormeeri doona imtixaanka, halkan 400 oo ciidan Booliis ah loogu tala-galay in ay waardiyeeyaan. Tirada Ardayda guud ee imtixaanka Shahaadiga ah gelaysa dugsiyada dhexe iyo kuwa sare, ayay wasaaradda ku sheegtay 16,500 oo Arday, kuwaas oo isugu jira 7017 gabdhood iyo 9483 wiil. Imtixaanka Shahaadiga ah ee deegaanada Puntland,ayaa sida qorshaysan loo fariisan doona 27-da bishaan June 2020, kadib markii dhowaan jadwalkiisa wax laga beddelay, sababa la xiriira faafidda Xanuunka COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta jidadka magaalada Muqdisho qaar ka mid ah isugu soo baxay shacabka badan kuwaas oo ka soo horjeeday in la siyaasadeeyo maqaamka gobolka Banaadir iyo matalaaddiisa siyaasadda ee Aqalka sare, waxaana ay si weyn u dhaliileen hadalkii shalay ka soo yeeray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya. Dadka banaanbaxa dhigayay oo isugu jiray, Odayaal, Dhalinyaro iyo Haween ayaa isugu soo baxay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir, waxaana ay dalbanayeen in gobolka Banaadir dadka ku nool ay helaan xaquuqdooda waxaana nasiib darro ay ku tilmaameen in matalaadda gobolka lagu saleeyo hanaanka awood qeybsiga ee 4.5. Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar lagu soo qoray hadallo ay ku diidan yihiin sida loo qeybinaayo Sanotorrada aqalka sare laga siiyey gobolka Banaadir oo 7 ah, banaanbaxayaasha ayaana lahaa (BANAADIR DADKEEDA AYAA LAGALA TASHAN) iyo (AFDUUB YEELI MEYNO) iyo Erayo kale, kuwaas oo lagu diidanaa hanaanka beelaha 4.5. Mid ka mid odeyaasha soo agaasimay bananbaxa oo saxaafadda kula hadlay goobtii dibadbaxa uu ka socday ayaa sheegay in qodobka 9-aad ee dastuurka ee ka hadlayo magaalo madaxda dalka ee Muqdisho oo dastuurka dalka uu leeyahay ( waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u eegista dastuurka waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya) waxaana uu siweyn u dhaliilay ku saleynta maqaamka 4.5 “Waxaan diidan nahay oo aan ka dagaalamaynaa dulmiga iyo hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha oo ahaa in gobolka Banaadir lagu dhaqaayo qoboka 9-aad ee dastuurka, qodobka 9-aad haddii aan lagu dhaqin Jubbaland Banaadir lagu dhaqimaayo, qodobka 9-aad haddii aan Puntland lagu dhaqin Banaadir laguma dhaqaayo, qodobka 9-aad haddii Galmudug lagu dhaqin Banaadir lagu dhaqimaayo, qodobka 9-aad haddii Koonfur Galbeed lagu dhaqin Banaadir lgu dhaqimaayo, gobolka Banaadir laguma qaadan karo Afduub iyo oday Laaluush lasiiyey dadkiisii waa kuwaan oo shalay difaacday maanta iyaga ayaa difaanayo” ayuu yiri nabadoonka ka hadlay goobka dibadbaxa. Ciidamo ka tirsan dowaldda ayaa markii dambe soo gaaray goobta dibad baxa uu ka socday iyaga oo xoog ku kala kaxeeyey shacabka iyo saxaafadda, waxaa xusid mudan in maamulka Farmaajo uu saaka soo abaabulay dibadbax ay ilaalinayeen ciidamada dowladda kaas oo dartii loo hakiyey isu socodka gaadiidka iyo dadka isla markaana dhaqaale xumo Soo gaarsiiyey dadka ku ganacsada jidka Maka Al-mukarma. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo Labadii Madaxweyne ee hore Xasan sheikh iyo Shariif Shiikh Axmed ayaa kulan uga socdaa Magaalada Muqdisho. Kulanka [...] The post Gudoomiyaha Baarlamaanka oo gurigiisa ku casumay Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif appeared first on . Source
-
Tripoli (Caasimada Online) – Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeyso laba illo wareed oo ka tirsan mucaaradka dalka Siiriya ayaa qortay in Dowladda Ruushka ay sare u qaaday qorista boqolaal dagaalyahan oo u dhashay dalka Siiriya si ay uga garab dagaalamaan malayshiyaadka uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar ee dagaalka ka wado dalka Liibiya. Shaqada qorista ciidamadaan kasoo jeedo dalka Siiriya ee la doonayo in loo daabulo Liibiya ayaa waxaa hormuud u ah Shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner Group, waxaana kormeer ku sameenayo ciidamada Militariga Ruushka. 2019 ayey aheyd markii ugu horeysay oo la bilaabay qorista Ciidamadaan iyo in loo daabulo gudaha Liibiyam sid ay Reuters u xaqiijiyeen qaar ka tirsan shaqaale horey ula soo shaqeeyey Shirkadda Militeri ee Wagner. Vladimir Putin ayaa xiriir wanaagsan la leh Madaxweynaha Syria Bashar Al-Assad tan iyo markii uu garab ku siiyey in meesha laga saaro kooxihii fallaagada hubeysan ee dagaalka kaga soo horjeeda Dowladda Siiriya. Dowladda Ruushka oo dooneyso inay saameyn ku yeelato gobolka dhaca bariga badda Mediterranean ayaa is garab istaag u muujisay malayshiyaadka uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar ee dagaalka kula jiro dowladda Liibiya oo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay. Sidoo kale, Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa la safan oo garab siinayo Jen. Khalifa Haftar iyagoo Dowladda Liibiya ku eedeeyey inay xiriir la leedahay Ururka Ikhwaanul-Muslimiin ee ku xoggan gudaha dalka Masar. Ciidamnada dowladda Liibiya ee uu caalamka aqoonsanyahay iyo milatariga Turkiga ayaa galbeedka Liibiya ka saaray xoogagga janaraalka awoddiisa sii wiiqmeyso. Mar sii horreeysay dalalka baritaara khalifa Xaftar ayaa ku baaqay xabad joojin, iyo in la billaabo wadaxaajood lagu xallinayo xaaladda ka aloosan Liibiya. Waxaa horay fashil ugu dhaamaaday wada-hadallo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Liibiya iyo janaraalka Khaliifa Xaftar.
-
Shalay markuu qudbadda jeedinaayey madaxweynaha Soomaaliya waxaan moodayey inuu u mahadnaqay madaxweynaha Somaliland inuu wadahadaladdii ka ogalaaday oo dib loo furayo. Sownigii moodaayey in ay dhowr wiig ka hor ay Somaliland tidhi kiiskayaga maxkamadda adduunka ayaanu hor geynaynaa oo ilaa ay ogoladaan inaynu nahay laba siman cidna la hadli mayno? xaggee bay salaaddu ka xidhmi la’adahay, mar waxaynu maqlaynaa la hadli mayno iyo hanjabaad kulul xagga kalena Muqdisho ayaa ina leh waanu wadahadalaynaa wax dafiraad ahna maynaan arag. Dalkani xisbiggii Wadani ee mucaaridka ahaa ee in ka badan boqolkiiba afartan codka dadweynaha helay xaggeey ka dhaceen oo maxay oo naqdiyi laayihiin siyaasadda arrimaha dibadda iyo maxkamaddaha iyo garsoorka iyo dhaqaalaha dalka iyagoo fursaddo talo soo jeedin ahna ka dhiganaya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in uu kulan u socdo guddoomiyaha golaha shacabka iyo madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, oo hadda hogaamiya Madasha Xisbiyada Qaran. Kulanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo hoygiisa kula leeyahay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, ayaa sida aan xogta ku helnay looga hadlayaa doorashooyinka Soomaaliya iyo sidii ay waqtigooda ugu dhici lahaayeen. Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Mursal u gudbin doona mowqifka Madasha ee ku aadan in doorashada waqtigeeda ku dhacdo iyo sida ugu habboon looga gudbi karo marxalada kala guurka ee uu dalku galayo. Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Kulankan ayaa ah mid qorsheysan oo Madaxweyanyaashii hore si gaar gaar ah ula yeelanayaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka, waxaana ay ku hormareen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal. Kulanka ayaa imanaya ayada oo uu jiro walaac xooggan iyo warar sheegaya in guddoomiye Mursal uu madaxweyne Farmaajo ka ogolaaday muddo kororsi, kadib cadaadis xooggan oo la saaray. Muddo kororsiga ay damacsan tahay Villa Somalia ayaan hir-geli karin haddii uusan ogolaan guddoomiye Mursal, waxaana wararku ay sheegayaan in Mursal lagu cabsi geliyey inuu kursigiisa xildhibaannimo weyn doono, haddii uusan aqbalin qorshaha madaxtooyada. Mursal ayaa waxaa deegaan doorashadiisa ay tahay Koonfur Galbeed, oo uu madaxweyne ka yahay Cabdicasiis Lafta-gareen oo laga maamulo Villa Somalia, islamrkaana aqbali doona dalab kasta oo uga yimaada. Wararkeena dambe kula soco waxa kasoo baxa kulanka Mursal iyo madaxdii hore, Insha Allah
-
Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland, ayaa maanta Sabtiya shaacisay tirada ardayda u fariisanaysa imtixaanka Shahaadiga ah, xarumaha imitixanaadka lagu galayo, Kormeerayaasha iyo Macallimiinta ka qayb galaya Ilaalinta Imtixaanka. Tirada ardayda u fariisanaysa imtixaanka dowladda Puntland, ayaa sannadkan gaaraysa 16,500 arday oo isugu jira Fasalka 12aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8aad ee dugsiga dhexe, sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada. Qoraal ka soo baxay wasaaradda, ayaa sidoo kale lagu sheegay in 132 xarumood oo ku yaalla dhammaan gobollada Puntland lagu gelayo Imtixaanka, islamarkaana ay ilaaliyaal ka noqon doonaan 1000 macallin oo isugu jira dugsiyada dhexe iyo kuwa sareba. Sidoo kale, 150 Kormeerayaal ah oo isugu jira shaqaalaha Wasaaradda iyo hawl-wadeennada kale ee imtixaanka ayaa kormeeri doona imtixaanka, halkan 400 oo ciidan Booliis ah loogu tala-galay in ay waardiyeeyaan. Tirada Ardayda guud ee imtixaanka Shahaadiga ah gelaysa dugsiyada dhexe iyo kuwa sare, ayay wasaaradda ku sheegtay 16,500 oo Arday, kuwaas oo isugu jira 7017 gabdhood iyo 9483 wiil. Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland,ayaa sida qorshaysan loo fariisan doona 27-da bishaan June 2020, kadib markii dhowaan jadwalkiisa wax laga beddelay, sababa la xiriira faafidda Xanuunka COVID-19. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo shaacisay Warbixinta Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - Al-Shabaab operative suspected to have been leading sleeping cell in Galkayo was killed on killed Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku maraya Gobolka Karkaar, ayaa maanta booqasho ku tegay Xerada tababarka ciidamada ee Xorgoble, Qardho. Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibril ay wehelinayaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Taliyaha qeybta iyo maamulka gobolka karkaar ayaa kormeeray xerada Ciidamada. Guddoomiyaha ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri galiyo Ciidamada Puntland ee halkaasi Tababarka ku qaadanaya Waxaa Guddoomiyaha uu halkaas kula kulmay Sarakiisha Tababaraysa ciidamada iyo masuuliyiin kale isagoo ku booriyay in ay sii laba jibaaran dadaalkooda si looga guuleyso cadawga Puntland. Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa salaan booqasho ah ugu tagay Qasriga uu Qardho ka degan yahay Boqorka Beelaha Daarood, Boqor Burhaan Boqor Muuse. Guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehlinayey Booqashada Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo hoygiisa ku booqday Boqor Burhaan Boqor Muuse appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Garoonka Diyaaradaha ay kasoo dagtay diyaarad siday dhaawacyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Dhaawacyada laga dajiyey Magaalada Muqdisho ayaa gaarayey illaa 15 askari oo la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaal Shalay dhex maray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab oo ka dhacay Deegaanka Abal oo 18km u jira Magaalada Xudur ee Gobolka Baay. Dhaawacyada laga soo dajiyey Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ay aad u daran tahay xaaladooda Caafimaad. Dagaalka ka dhacay Deegaanka Abal oo ahaa mid aad u culus isla markaasna la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac aad u badan uu soo kala gaaray ciidamadii dagaalay ee ka kala tirsanaa Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Soomaaliya. Saraakiisha ciidamada ee Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhaawacyada laga soo dajiyey Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay inay dagaalka ka dhacay Abal ku dishay illaa 20 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab inkastoo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijiyey. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalka, waxayna sheegtay inay ku dishay 15 askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ay ku jiraan saraakiil ay sheegeen in lagu soo tababaray dalka Turkiga.
-
Muqdisho (Caasimad Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Yuusuf Cali oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in maanta ciidamada ammaanka ay ka hortageen qaraxyo la doonayey in laga fuliyo gudaha magaalada Muqdisho. Sadiiq ayaa tilmaamay in ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen labo nin oo watay walxaha qarxa, kuwaas oo uu tilmaamay in la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka. Afhayeenka Booliska ciidamada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in mid ka mid ah raggaasi lagu qabtay agagaarka isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, isaga oo qarax ku dhajinaya gaari uu leeyahay mas’uul dowladeed, walow uusan shaacin magaca mas’uulkaasi. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in nin kale oo xirnaa jaakadda qaraxyada lagu qabtay dhinaca deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib howlgal ballaaran oo ay halkaasi ka sameeyeen ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhamme Sadiiq Yuusuf Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in qaraxyadaasi la doonayey in lagu carqaladeeyo amniga Muqdisho, gaar ahaan banaan-baxyada maanta ka socda caasimada ee lagu taageerayo hadalkii madaxweyne Farmaajo. Ugu dambeyn afhayeenka ayaa xusay in saacadaha soo socda ay ay soo bandhigi doonaan raggaasi oo uu tilmaamay in haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Amniga Muqdisho ayaa muddooyinkan ahaa mid degan, marka loo eego qaraxyadii horey uga dhici jiray caasimada, inkastoo ay weli ka dhacaan falal u badan dilal qorsheysan.
-
Wasaraadda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay munaasabad ay ka qeyb galeen Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya, qaar ka mid ah shirkadaha wax soo saar dalka taasi oo lagu xusayay maalinta bedqabka cunnada Adduunka 7da Juun2020 oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Wasaraadda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adaha Qaramada Midoobe ee dhinacyada Cunnada iyo Caafimaadka ee FAO iyo WHO ayaa soo qabanqaabisay munaasabadda si bulshada loo xasuusiyo looguna wacyi geliyo muhiimadda bedqabka cunnadu ay u leedahay caafimaadka bulshada. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen ayaa sheegay in munaasabadan ay ku soo beegantay xilli dunida guud ahaan uu dhibaato ku hayo caabuqa COVID19, ayaa Ganacsatada ugu baaqay inay si dhaw ula shaqeeyaan Dowladda si loo gaaro hadafka guud ee ah in dadku ay quutaan cunno caafimaad qabta. “ Dhamaanteen waa in aan ka qeyb qaadanaa badqabka cuntada sida hilibka xoolaha, caanaha iyo dalagyada si aysan waxyeelo u soo gaarin caafiimaadka guud ee Aadanaha iyo midka bulshada Soomaaliyeed” sidaas waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen. Xuska sannadkaan waxaa loo asteeyay halku dhig ah “Bedqabka cuntada qof kasta ayaa mas’uul ka ah”, taas oo muujineysa sida dadka dhan looga doonayo inay gutaan xilka ka saaran bedqabka cunnada, waxaana xuska maalintaan ay muhiim u tahay in dadka lagu baraarujiyo sidii ay dareenkooda u siin la haayeen ka qayb qaadashada tilalaabooyinka looga shaqeynayo bede-qabka cunnada iyo caafimaadka Aadanaha.
-
Kadib guul-darrooyin is xig-xigay oo looga qabsaday magaalooyin dhowr ah, dagaal oogaha dalka Libya Jeneral khaliifa Xaftar ayaa hadda u muuqda nin dabcay oo diyaar u ah heshiis. Xaftar oo muddo ka badan saddex sano diidanaa inuu wada-hadal la galo dowladda caalamku aqoonsan yahay ayaa hadda sheegay inuu doonayo inuu heshiis xabad joojin ah la gaaro, sida uu sheegay madaxweynaha Masar Abdifatah al-Sisi oo ay ku kulmeen Qaahira. “Hindisahan wuxuu ku baaqayaa in la ixtiraamo dadaallada caalamiga ah, ayada oo lagu dhowaaqayo xabad joojin laga billaabo 6:00pm maalinta Isniinta oo June ay tahay 8,” ayuu yiri al-Sisi. Sisi ayaa ka dhinac hadlayey Xaftar iyo Aguila Saleh oo ah afhayeen baarlamanka dowladda Bariga Libya ee Xaftar uu sheegto. Xabad joojinta ay soo jeediyeen Sisi iyo Xaftar ayaa waxaa sidoo kale taageeray Ruushka. Ruushka, oo ay wehliyaan Masar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ah dalalka taageera dagaal-ooge Xaftar. Baaqa xabad-joojinta ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda ay toddobaadyadii dhowaa magaalooyin badan ka qabsadeen maleeshiyada Xaftar. Waxay sidoo kale sheegeen inay sabtidii billaabeen weerar ay ku qabsanayaan magaalada muhiimka ah ee Sirta, oo ah magaaladii uu kasoo jeeday hoggaamiyihii hore ee dalkaas Muamar Ghadaffi. “Ciidamada cirka waxay shan duqeyn ka fuliyeen duleedka magaalada Sirte,” waxaa sidaas yiri afhayeenka dowladda Mohamad Gnounou, oo sheegay inay ku wajahn yihiin magaalada. Sirte waa magaalada ugu dambeysay ee ciidamada Xaftar ay kaga sugan yihiin galbeedka Libya, oo ah halka ay dowladda ku xoogan tahay. Xulufada Xaftar ayaa maamula Bariga Libya. Inkasta oo Xaftar weli uu haysto Bariga Libya oo dhan, haddanaa guul-darrooyinka is-xig-xiga ee ku socda ayaa abuuray walaac ku saabsan in marka laga soo idlaado galbeedka, ay dowladda weerar ku tahay Bariga. Mas’uuliyin dowladda u hadlay ayaa sheegay inay suurta-gal tahay in muddo kooban gudaheed ay ku wada qabsadaan dalka oo dhan. Qaran News
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sabtidiia khudbadda furitaanka kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka ah ka horjeediyay labada gole isaga oo ka hadlay arrimo badan. Maxay aheyd in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo ka hadlo? Goobjoog News waxaa akhristayaasheeda la wadaageysaa arrimo muhiim ahaa oo madaxweynaha aanu soo hadalqaadin, sida kiiska badda, colaadaha ka socda dalka, dhameystirka hey’adaha dowliga ah ee muhiim ka u ah doorashada iyo dowlad dhisidda dalka. Saameynta Covid-19: Madaxweynaha Soomaaliya furitaanka hadalkiisa waxuu ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan u dhintay caabuqa, waxuuna sheegay in dowladda soo celisay dad Soomaaliyeed oo ku xayirmay dalal ay safar ku marayeen markii uu cudurku dunida ka dilaacay, waxa uuna u mahadceliyay guddiga uu ra’iisul wasaaruhu hoggaamiyo, marna madaxweynaha ma sheegin saameynta taban ee dhaqaale, caafimaad, iyo horumarka bulshada, iyo qorshaha xakuumadda farmaajo, mana jirin xisaab celin ku aadan maareynta deeqaha dowladda Soomaaliya ka heshay beesha caalamka. Kiiska Badda: Maxkamadda cadliga aduunka waxay May 29, 2020 dib u dhigtay dhageysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya, ilaa markaa madaxweynaha dadka la ma hadlin, hadal jeedinta baarlamaanka Madaxweyne Farmaajo sooma hadal qaadin kiiska badda, qaabka iyo cidda difaaceysa badda, arrintaas oo ahmiyad gaar ah u lahaa shacabka Soomaaliyeed si loo ogaado sababta 3 jeer dib loogu dhigay iyada oo maxkamadda ay bishan dhageysaneyso dacwado kale. Colaadaha: Inkasta oo madaxweynaha sheegay iney dhammaadeen xilliga dhiilada colaadda iyo dhiigga kuraasta lagu raadiyo, sheegayna in xukuummaddiisu ku guuleysatay sugida amniga, hadana waxaa uu ka aamusay colaadaha ka dhacday gobolada Shabeelaha hoose, dhexe, Baay, Gedo, Jubbada Hoose, Galgaduud, madaxweynaha hadalkiisa kuma darin ka mana tacsiyeyn dilkii ka dhacay Gololey, iyo xataa dagaallo sokeeye oo ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho. Golaha Adeega Garsoorka: Madaxweynaha khudbadiisa uga ma hadalin dhismaha guddiga adeegga garsoorka oo muhiim u ah madaxbannaanida garsoor, dhanka kale madaxweynaha ma soo hadal qaadin dhismaha maxkamadda dastuurka oo muhiim u ah doorashooyinka iyo madaxbanaanida adeega garsoorka dalka. Dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka: Farmaajo kama hadlin xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhaca dalka iyo toona mida ay ciidanka dowladdiisu ku kacaan iyo halka uu ku dambeeyo dhismaha guddiga xuquuqul insaanka oo 3 sano wax laga qaban la’yahay, waxaa kale oo uusan waxba ka xusin tacadiyada ka dhanka ah ee haweenka Soomaaliyeed wajahaan oo dhawaanahaan soo badanayay. Guddiga Musuqmaasuqa: Inkasta uu soo hadalqaaday la dagaalanka musuqa hadana kama hadlin dhismaha guddiga madaxabanaan ee la dagaalanka musuqa oo muhiim u ah waxqabashada musaqa mana sheegin dalka Soomaaliya uu ku jiro liiska ugu hooseeya ee musuqmaasuqa caalamka. Iyo halka uu ku dambeeyay sharciga hanti dhawrka qaranka. Shaqo-abuur: Madaxweynaha waxa uu ku faanay in ay dowladiisu tahay dowladda shacabka ma uu Dhalinyarada soo hadal qaaday waxa uu ku ekeystay boorin iyo guuubaabo balse kama hadlin in dowladdiisa ku guul dareysatay shaqo-abuur ku aadan dhalinyarada, waayo shaqaalaha dowladda ee rayidka ah waa sidii ay ahaayeen maamulkii ka horeeyey, dhanka kale dowladda ma abuurin fursado ganacsi oo walaaleynta shirkaddaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn horay uma dhaqaaqin, gacansiga goonida loo leeyahayna waxay la daalaadhacayaan jidad la’aan iyo canshuur aan laheyn natiijo. Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada: mar uu madaxweynaha ka hadlayay doorashada dalka waxa uu soo cuskaday dood ah kulamo dhexmaray dowladda iyo maamulada dalka 2018 kii, mana sheegin xaalka hada iyo meesha xun ee uu maraya xiriirka maamulkiisa iyo dowladaha xubnaha ka ah, arrintaas xalkeeda sooma hadal qaadin, lamana oga qorshaha villa Soomaaliya ee ku aadan watashiga dowladda iyo maamullada. Deegaanka: Arrimaha deegaanka iyo musiibooyinka soo noqnoqda dalka waa dhibaato kale oo aanu ka hadlin xalkooda, dad badan waxay ka barakaceen deegaankii ay daganaayeen waxayna ku waayeen daadadka roobka iyo wabiyada dad iyo duunyo, kuwa kale waxay la il daranyhiin musiibada Ayaxa waxaana muuqata in dowladda madaxweyne Farmaajo u heyn siyaasad. Source: goobjoog.com
-
Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 65 Todaba iyo toban qof (17) ayaa laga helay xanuunka, 17 waa Somalilander. Bukaanadan 14 qof waa rag, 3 qofna waa dumar Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (10jir ilaa 19jir = 1 qof) (20jir ilaa 29jir = 8 qof) (30jir ilaa 39jir = 4 qof) (40jir ilaa 49jir = 1 qof) (60jir ilaa 69jir = 1 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 6 qof, Boorama 10 qof iyo Burco oo ah 1 qof Waxaa xanuunka ka bogsaday 2 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Afar iyo Lixdan (64). Qaran News
-
Soomaaliland ayaa maanta oo Axad ah 07-06-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunkan. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay in cudurka COVID-19 laga helay 17 qof, iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka ay ka bogsadeen 2 bukaan, halka 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan jirin dad xanuunka u geeriyooday. Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 64 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 24 ruux. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 430 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo maanta ka qeyb-galay dibad-bax ballaaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrinta taagan ee maqaamka Muqdisho. Cumar Filish oo dibad-baxayaal taageerayey hadalkii shalay ee Madaxweyne Farmaajo kula hadlay, isaga oo saaran gaari Cabdi-Bile ah isgoyska KM4 ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in maqaamka Muqdisho uu ka hooseeyo maamullada kale ee ka jira dalka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gobolka Banaadir uu ka miisaan weyn yahay metelaada 7 xubnood ee laga siiyey Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. “Gobolka Banaadir waxa uu u qalmaa matalaad ka miisaan iyo macna weyn tan lasiiyay maamul goboleedyada dalka ka jira” ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay reer Muqdisho inay is-dajiyaan, islamarkaana ay xuquuqdiooda ku raad-sadaan si nabadoon. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dood badan ay ka taagan tahay maqaamka caasimada oo la’isku mari la’yahay, xilli ay fooda nagu soo heyso doorashada madaxweynaha iyo mid baarlamaanka oo dhaceysa dhamaadka 2020 illaa 2021-ka.
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilowday dibad-bax ay dhigayaan dadweyne isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir oo muujiyay dareenkooda ku aadan hadal shalay Madaxweeynaha Dowlada fadarelka uu ka hor jeediay labada Aqal ee Baarlamaanka oo ah ahaa xubno matala gobolka Banaadir in lagu kordhiyo aqalka sare ee Baarlamaanka. Dibad-baxyada ayaa haatan ka dhacay qeyba kamid ah magaalada Muqdisho sida taalada Daljirka Daahsoon iyo isgoyska KM4. Dadka dhigaya dibad-baxa oo kala yimid dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa wata boorar lagu soo xardhay sawirrada Madaxweynaha Farmaajo iyo Gudoomiyaha Gobolka Cumarb Filish. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish oo ka hadlay banaan bax lagu taageerayay hadalkii Madaxweynaha oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay codsigii Madaxweyne Farmaajo u jeediyay labada Aqal ee Baarlamaanka ee ahaa in ay ogolaadaan mataalad siyaasadeed oo Gobolka Banaadir ay yeelato. PUNTLAND POST The post Bannaan-baxyo lagu taageerayo Hadalkii Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
